-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Cabdi Goodax ayaa u mahadceliyay madaxda iyo shaqsiyaadkii aas aasay 24 koox ee Minifootboolka, isagoo aas aaska kooxahaas ku tilmaamay halka uu u socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbolka sanadaha soo socda. “Lix sanno oo shaqo adag iyo d’daal dheeraad ah, waxaan ku faraxsanahay aas aaska kooxaha Kubadcag yaraha dalka, runtii waan amaanayaa milkiilayaasha iyo shaqsiyaadkii hergeliyay howshan taariikhda wanaagsan” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax. Dhinaca Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax wuxuu u mahadceliyay ciyaartooydii Soomaaliya kaga qeybgashay tartankii Qaarada Afrika ee ku qabsoomay magaaalada Abidan ee Nigeria, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guusha ugu weyn ay gaareen sanadkii kowaad ee doorashadooda ka dib. “Waxay aheyd taariikh cajiib ah ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay muujiyeen Wadaniyad iyo ciyaar wanaag” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Goodax. Xasan Cabdi Goodax oo shantii sanno la soo dhaafay ka mid ahaa maxda Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya ayaa balanqaaday in ay diyaar u yihiin ka mira-dhalinta balanqaadkii ay ku galeyn doorashadii ay ku guulasyteyn bishii September 2020 ee ka dhacady Magaalada Muqdisho. “Waxaan diyaar u nahay is badal iyo horomar, yoolkeenu waa in Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya uu ka duwnaadaa Xiriirada kale ee ka dhisan dalka, sidoo kalane guulo waaweyn uu ka soo hooyaa dhacdooyinka Minifootboolka Caalamka” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mudane Xasan Cabdi Goodax. Ugu danbeyntii Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ciyaaraha dhalinyarada kaga mahadceliyay kaalinta wanaagsan ay ka qaateen dhiirigelinta iyo garab-istaaga ay ka qaataa horomarinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbooka. “Lashaqeynta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda iyo dhiirigelinta bahda isboortiga waxay kor u qaaday in Xiriirka Minifootboolka uu ka dhaq-dhaaq bato Xiriirada kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Guddoomiye Ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Goodax. Daawo Warbxin Soo Koobaysa Guddoomiye Goodax Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Daa’uud Shire Maxamed “Waa Muhiim Dhiirigelinta Shirkaddaha Ganacsiga Ee Horomarinta Xiriirka Kubadcag Yaraha” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Puntland ayaa musharaxiinta u tartamaya doorashada xidlhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah. Sidoo kale waxaa gaadiidka ciidanka iyo ilaalada gaarka ah laga mamcuunay mas’uuliyiinta ururada siyaaasadda Puntland. Wasaaradda Amniga Puntland oo amarkan soo saartay waxay sheegtay in ciddii sababo gaar ah uga maarmi wayda ilaalo la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland. Puntland ayaa warkan soo saartay, iyadoo galabta Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan loo diiday in uu Garowe la soo galo ilaalo gaar ah iyo gaadiid ciidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka mamnuucday musharaxiinta Golaha Shacabka ilaalada gaarka ah iyo gaadiidka ciidanka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ENG Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gudoomiyay kulan heerkiisu sarreeyo, oo a kasoo qeyb galeen saraakiisha ugu sareysa booliska amisom iyoTaliska booliska Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay xafiiska rooble waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Cabdi Maxamed xijaar iyo gudoonka Guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, waxana looga wada hadlay sugitaanka amniga doorashada aqalka sare ee Gobollada waqooyi. “Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland),ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa” ayaa lagu war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's PM, Mohamed Hussein Roble, met with AMISOM Police Commissioner, Somali Police Commissioner and the Chairman of the Northern Regional Electoral Commission in Somaliland on Sunday to discuss the security preparations ahead of next week's Senate election for the Northern Regions. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland. Doroashada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadkan gudahiisa, wuxuuna kulankaan qeyb ka ahaa dar-dar gelinta amni ee doorashada. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay billaabato jeedinta khudbadaha musharaxiinta, waxaana kadib si rasmi ah loo gudo gali doona doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi. Doorashada Somaliland ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee Aqalka Sare, halka ay dowlad goboleedyada badankooda ay soo dhameystireen. The post Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay taliyeyaasha ciidamada ee uu maanta la kulmay? appeared first on Caasimada Online.
-
Agaasimihii hore ee ha’adda NISA Fahad Yasiin oo Madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday uu umagacaabay, lataliyaha amniga qaranka ayaa la wareegay maanta xilkiisa cusub. “Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali” ayuu agaasinka warfaafinta Villa Somalia Cabdarashid Xaashi ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray. Fahad yaasiin ayaa dhaliayay xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka gadaal markii ay Ha’addii uu Madaxda ka ahaa ee NISA gacanteeda lagu waayay Sarkaalad Ikraan tahliil oo isla ha’adan ka tirsanayd. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garowe kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde. Madaxweyne Deni iyo wakiilada Ceesha Caalamka ayaa ka wadahadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada hordhaca goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufryn, doorashada heer federaal iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland. Muuqaal: Shirka jaraa’id Madaxwene Deni iyo James Swan “Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilkaas cusub ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Xilkaas ayaa waxaa horey u hayey oo laga qaaday Cabdisaciid Muuse Cali, oo loo wareejiyay inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo uu si rasmi ah ula wareegay 11-kii September 2021. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta la wareegay waajibaadkiisa kadib markii dhowaan la magacaabay.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Fahad ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey xilkan, halka uu ballan-qaaday inuu dalka ugu adeegi dooni, naf-hurid iyo wadanninimo, si sare loogu qaado amniga.” Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Fahad 7-dii September, markaasi oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Go’aanka Farmaajo ugu magacaabay Fahad la-taliyaha amniga qaranka ayaa yimid maalin kadib markii uu ku guul-darreystay isku day uu ku hor-istaagay shaqo ka-joojin uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey Fahad, oo ahaa agaasimaha NISA. Fahad Yaasiin ayaa 21-kii September kusoo laabtay magaalada Muqdisho maalmo kadib markii diyaarad uu la socday laga celiyey dalka Jabuuti, kadibna uu dib ugu laabtay magaalada Istanbul. The post Fahad Yaasiin oo la wareegay xilka cusub ee loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: COVID-19 Update (25 September 2021) NAIROBI, Kenya, September 26, 2021/ — New cases: 323 Sample size: 5,606 Positivity Rate: 5.8% Recoveries: 432 Recorded Deaths: 14 Cumulative tests: 2,533,467 Total Confirmed cases: 248,392 Total Recoveries: 239,730 Cumulative Fatalities: 5,096 SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
-
The Head of UK mission in Somaliland, Stuart Brown, has reiterated that it is a top priority for UK to protecting rights of women and children in Somaliland as the country’s population has more women in contrast to me. This was disclosed during a meeting between head of UK mission to Somaliland, Stuart Brown and the new minister of religious affairs, Sh. Abdirisak. Staurt Brown was delighted to have met with SL’s new minister of religious affairs, a statement posted on his twitter read. He said: ” Look forward to working with Sh. Abdirisak on shared mutual in the areas of protecting rights of women and children, countering extremism in all its forms and the promotion of peaceful co-existence.” Somaliland Gender Gap Assessment 2020 concludes that the gender gap runs deep, with women comprehensively disadvantaged as compared to men in terms of economics, politics and education. Research says the major cause for alarm is not only are women negatively impacted, but families, communities and the broader Somaliland are also missing out on much of the potential that can be gained by greater inclusion and empowerment of women Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates has issued a press statement on Sunday calling on the Prime Minister to expedite the electoral process and warning President Farmajo and the former intelligence director that they would be held liable for destabilizing the country. Source: Hiiraan Online
-
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in maata Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu la waareegay xilkii la-taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo. Cabdirashiid Maxamed Xaashi Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali”. “Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go’an tahay horumarinta Amniga Qaranka” ayuu qoraalka ku daray. Golaha Midowga Murashixiinta ayaa maanta madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku eedeeyay in ay maleegayaan dhaqdhaqaaq ciidan iyo shirqool lagu carqaladaynayo arrimaha doorashooyinka. 8-dii bisha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii la sheegay in uu iska casilay agaasimihii NISA. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo la wareegay xilkii la-taliyaha amniga madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa maanta sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal. Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii. Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay. Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan. Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan. Xiisadda ayaa ka taagan dhul ku wanaagsan beerashada oo loo yaqaan al-Fashqa, halkaas oo ah goobta lagu muransan yahay. REUTERS + VOA The post Militariga Sudan oo si weyn isaga caabiyey kuwa Ethiopia iyo xiisad ka taagan xuduudda appeared first on Caasimada Online.
-
Britain oo raadineysa kumannaan Shaqaale xirfadlayaal ah+Halka lagala xidhiidhayo Ilaa 10,500 oo ajaanib ah oo isugu jira darwaliinta gawaarida xamuulka ah iyo shaqaalaha kawaannada ayaa loo oggolaan doonaa in ay shaqo u tagaan UK ilaa dabayaaqada sanadkan, oo ku beegan marka ay billaabaneyso ciidda masiixiyiinta. Dowladda ayaa xaqiijisay in 5,000 oo ah darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal ku gal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan waddankaas. Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale. Wasiirka gaadiidka, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan ” ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro in xaaladda ay sidii loogu talogalay ahaato” waqtiga lagu jiro fantasyaha. Balse Rugta Ganacsiga ee Britain ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay dowladda uu la mid yahay “galaas biyo ah oo lagu shubay dad aad u weyn”. Shaqaalaha loo baahan yahay waxaa ka mid ah dadka kawaanleyaasha ah ee jarjara hilibka digaagga Sidoo kale ururka gaadiidleyda ayaa sheegay in arrintani “ay tahay mid aan wax saas ah ka qabaneynin baahida, waqtiga la qabtay ee ilaa dhammaadka sanadka ahna uu yahay mid aad u gaaban”. Hase yeeshee, go’aankan waxaa aad usoo dhaweeyay ururka xirfadleyaasha warshadaha UK, oo ku tilmaamay “tallaabo weyn oo loo qaaday xallinta dhibaatada xamuulka”. Darawaliinta gawaarida xamuulka ah oo yaraaday waxay sababtay culeys badan oo dhibaato ku noqday warshadaha bilihii lasoo dhaafay. Saameynta ayaa gaartay laga billaabo suuqyada yar yar ilaa dukaamada cuntada fudud lagu iibiyo. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, qaar ka mid ah waxaa yaraaday kala gudbintii badeecooyinka shidaalka, taasoo horseedday in safaf dhaadheer loo galo kaalmaha laga iibsado shidaalka. Arrintaas ayaa dhacday xilli ay golaha wasiirrada ku adkeysteen in UK ay heysato shidaal aad u badan. Marka laga soo tago oggolaanshaha dadka ajaanibta ah ay ku imaanayaan UK, arrimaha kale ee ay dowladdu ku dhawaaqday waxaa ka mid ah in la kordhin doono howsha lagu hubiyo gawaarida waaweyn ee badeecooyinka qaada. Sidoo kale, ku dhawaad hal milyan oo ah darawaliinta heysta shatiga gawaarida waaweyn ayaa loo diri doonaa warqado looga codsanayo inay shaqo usoo doontaan warshadaha. Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in si dhakhso ah tababar loo siin doono ilaa 4,000 oo qof oo noqon doona darawaliinta baabuurta waaweyn. Koorsooyinka ayaa noqon doona kuwo bilaash ah oo ay maalgelineyso waaxda waxbarashada. ‘Kuma filna baahida’ Ururka ay ku bahoobeen dadka dadka isticmaala adeegyada tafaariikqda ah ee Britain ayaa sheegay in tirada dal ku galka ee lagu yaboohay “ay san wax wen ka qaban karin baahida taagan”. Waxay sheegeen in dukaamada waaweyn oo kaliya ay u baahan yihiin 15,000 oo darawaliinta gaadiidka xamuulka ah oo dheeraad ah, si ay shaqada u fuliyaan waqtiga ka horreeya fasaxa fantasyada ciidda masiixiyiinta. Madaxa Rugta Ganacsiga Britain, Baroness McGregor-Smith, ayaa isagana sheegay in tallaabada la qaaday ay tahay “mid aan waxba tareynin”. “Ma aha mid wax ka qaban karta heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada,” ayuu yiri. Ma tahay darawal kaxeeya gawaarida waaweyn ee xamuulka ah? Xogta ku saabsan khibraddaada kusoo dir email’kan haveyoursay@bbc.co.uk. Fadlan waxa aad soo direyso ku dar lambar lagaala soo xiriiri karo haddii aad dooneyso inaad la hadasho wariye ka tirsan BBC-da. Waxaad sidoo kale nagula soo xiriiri kartaa qaababkan: WhatsApp: +44 7756 165803 Tweet: @BBC_HaveYourSay Upload pictures or video Fadlan aqriso shuruucda & shuruudaha iyo pxeerka xogta shakhsiyeed rivacy policy Haddii aad u jeeddo boggan oo aadan arki karin foomka, waxaad booqan kartaa qaybta telefoonka ee laga soo galo BBC, ama email kusoo dir HaveYourSay@bbc.co.uk. Fadlan soo raaci magacaaga, da’daada iyo meesha aad joogto. Qaran News
-
Militariga Sudan oo shaaciyey inay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ethiopia Militariga Sudan ayaa maanta sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal. Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii. Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay. Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan. Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan. Xiisadda ayaa ka taagan dhul ku wanaagsan beerashada oo loo yaqaan al-Fashqa, halkaas oo ah goobta lagu muransan yahay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaad gudahiisa waxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka fulisay illaa seddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 15 qof, sidoo kalana dhaliyey khasaare maaliyadeed. Qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho waxaa ugu dambeeyey midkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna qaraxyadaan kusoo aadayaan xilli uu sii socdo khilaafka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Su’aalaha ugu badan oo ay dadka Muqdisho is waydiinayaan maalmahaan ayaa ah: Maxaa keenay qaraxyadaan iyo sida looga hortagi karo, waxaa ka jawaabay su’aalahaan Xuseen Macalin Maxamuud oo horay usoo noqday la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo haddana ah madaxa machadka amniga ee Hiraal. Xusesen Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, sidoo kalana wuxuu sheegay inay aad u badnaayeen aaggaga amniga. “Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen,” ayuu yiri. Mar la waydiiyey sida qaraxyadaan looga hortagi karo ayuu ku jawaabay “Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”. Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasina ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saameyn doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka. The post Xuseen Macalin: Al-Shabaab afar bil ayey sugeysay in la kala baxo, hadda kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha midawga musharixiinta ayaa bayaan ay ka soo saareen khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha Mudda xileedkiisa dhamaaday iyo Ra’iisul wasaaraha dalka. Midawga ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaaraha dalka ku taagerayaan hanaanka uu u wado hirgelinta doorashada dalka ka dhaceyso. Bayaanka ka soo baxay musharixiinta xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyo iyo Abaabul ciidan oo ay wadaan Madaxweynaha Mudda xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdillahi Farmaa iyo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Midawga ayaana ugu baaqay in mas’uuliyadda ka dhalataa abaabulka ciidan uu qaadi doono Farmaajo. Hoos ka akhriso qoraalka Midawga Musharixiinta Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda xoogan ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka 2021-ka. Ugu horrey golaha ayaa garab istaag u muujiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo shaaciyey inay ku garab taagan yihiin qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Golaha ayaa qoraalkan ku soo koobay lix qodob oo ay uga hadleen doorashooyinka dalka & khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday & Ra’iisul wasaaraha, waxayna yiraahdeenm Golaha: 1- Wuxuu ku dhiirragelinayaa ra’iisul wasaaraha in uu darda geliyo howlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gor-gortan ka gelin heshiiskii 27 May. 2- Wuxuu ku boorinayaa golaha wada-tashiga qaran in la dadajiyo howlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto. 3- Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan golaha wada-tashiga qaran sidii dalka uga dhici laheyd doorasho. 4- Wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay golaha wada-tasha qaran ku gacan siiyaan degdeg ku qabsoomida doorashada. 5- Wuxuu indhaha ku hayaa dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo agaasimihii hore ee hay’adda NISA, si ay u carqaladeeyaan howlaha doorashooyinka, una abuuraan xasilooni darro & qal-qal amni. 6- Wuxuu dalbanayaa cadaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqayaa in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska. Halkan hoose ka aqriso:- The post Musharaxiinta oo war kasoo saaray dhaq-dhaqaaq ciidan oo socda iyo arrimo kale appeared first on Caasimada Online.