Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal ku saabsan weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee dalka Kenya. Baahinta muuqaalkan ayaa waxaa lagu soo beegay sanad kaddib weerarkaas, waxaana ka soo muuqanaya shan dagaalame oo weerarkaas fuliyay, kana tirsanaa Al-Shabaab. Saddex ka mid ah ragga weerarka fuliyey waxay u kala dhasheen Yemen, Itoobiya & Tanzania, halka labada kale ay ahaayeen Soomaali ka soo jeeda Baiyo Bakool. Magacyada ragga weerarka fuliyay:- Abubakar Al-Muhajir, wuxuu u dhashay dalka Tanzania, wuxuu islaamay sanadkii 1436, isagoo ku biray Alshabaab.  Cali Maxamed Cali, waa Itoobiyaan kasoo jeeda Qabiilka Burj, wuxuuse ku dhashay, kuna barbaaray agaalada Nairobi.  Bidix: Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) wuxuu kasoo jeedaa Gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna ahaa taliye ku xigeenkii kooxda weerarka fulisay.
Midig: Adam Iman Yusuf (Abdulkariim Alansari) wuxuu kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.  Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir) hoggaamiyihii kooxda oo u dhashay dalka Yemen. View the full article
  2. Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku nool yihiin Muhaajiriin ku jirta xerada qaxootiga Lipa eek u taal xadka dalalka Bosnia iyo Croatia oo ka mid ah dalalka Qaarada Yurub. Dadka halkaasi ku dhibaataysan oo tiradooda gaareyso ilaa 3,000 oo qof ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay qaar kamid ah dalalka Afrika. Qaxootigaan ayaa waxaa dab uu qabsaday Xeradii ay ku noolaayeen,taas oo keentay in xaalad nolol xumo ay soo wajahdo, isla markaana ay waayaan meel ay seexdaan. Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay deg deg wax ugu qabtaan xaaladda daran ee haysata dadkaasi xilli uu jiro qabow aad u daran. View the full article
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhoweyd xabsiga dhigay guddoomiyaha deegaanka Ceel-dheere, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Raage (Xaduur), kadib markii uu geystay weerar ka dhan ah Taliyaha ilaalada koontaroolada, Dhame Cabdi Yare. Ciidamada booliska maamulkaas ee ka howl-gala magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay guddoomiyaha kasoo qabteen deegaanka uu maamulo ee Ceel-dheere oo kamid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Guddoomiye Xaduur ayaa lasoo warinayaa in loo haysto inuu u gacan qaadey oo uu weerarey Taliyaha Ilaalada Koontaroolada, Dhamme Cabdi Yare. Xiisada labada mas’uul ayaa salka ku haysa sida la sheegayo kadib markii xilka laga qaadey Maxamed Axmed maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee Booliiska Ceel-dheere, iyadoo xilkaas loo magacaabey Faarax Geele Xiireey oo xilka kala wareegay mas’uulkii hore. Majiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo laamaha amniga oo ku aadan xariga ay saaka ciidamada boolisku kula kaceen guddoomiye Xaduur iyo khilaafka labada mas’uul ee midkood uu sababay xarigiisa.
  4. Shirkado Ajnabi ah oo loo xidhay Wadooyin muhiim ah oo ku yaala Muqdisho+Sababta Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in qaar kamid ah wadooyinka muhiim ah ee Muqdisho u xidhan yihiin Hay’addo shisheeye. Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Wadajir in la xidhay wadooyinka isku xidha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde sababo la xidhiidha in shirkado ajnabi ah loo saxeexayo xidhmooyin shidaal ah. ”Wadooyinka ka soo baxa madaxtooyada ee gala garoonka diyaaradaha waxay u xidhan yihiin shirkado ajnabi ah oo loo saxeexayo xidhmooyin shidaal, iyadoo aan la marin shuruucdii iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Sababta ugu wayn ee xilligan heshiiska loogu degdegayo, iyadoo muddo xileedkii dawlada uu gebogebo yahay waa in shirkadaas laga helo dhaqaale lagu galo doorashada.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hadalkan kasoo yeedhay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili shalay qoraal ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia ka digeen heshiis shidaal baadhis ah oo Xukumada Farmaajo la gelayso shirkaddo laga leeyahay dalal shisheeye. Qaran News
  5. Sababaha loo nisbeynayo Iskudhaca ka dhex qarxay Ciidamada Itoobiya & Suudan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed (M) iyo dhiggiisa Sudan Abdalla Hamdok – labada dal waxaa ka dhaxaysa taariikh cadowtooyo Isku dhacyada hubeysan ee ka dhaca xadka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya waa kuwii ugu dambeeyay ee taariikhda cadowtinimada tobnaanka sano jirsatay ee u dhaxaysa labada dal, inkastoo ay dhif tahay in labada ciidan ay si toos ah isugu dhacaan iyagoo dhul isku heysta. Meeshii ugu dambeysay ee ay ku dagaallamaan waa deegaan lagu muransan yahay oo lagu magacaabo al-Fashaga, halkaas oo gobolka waqooyi-galbeed ee Amhara ee dalka Itoobiya uu kaga xirmo gobolka Gedaref ee Sudan. Inkastoo xadka labada dal uu yahay mid caan ah, balse xadka saxda ah weligiis laguma calaamadeyn dhulka. Heshiisyadii xilligii gumeysiga Xadduudaha Geeska Afrika ayaa ah kuwo aad loogu muransan yahay. Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii 1977 isku dagaalay gobolka Ogaden. Sanadkii 1998 waxay Eritrea kula dagaashay dhul yar oo lagu magacaabo Badme. Ilaa 80,000 oo askar ah ayaa ku dhimatay dagaalkaas oo horseeday cadowtooyo kharaar oo ay labada dal isku qaadaan, gaar ahaan iyadoo ay Itoobiya diidday inay ciidankeeda ka saarto magaalada Badme xitaa markii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ay inta badan dhulkaas u xukmisay Eritrea. Waxaa dib u qabsaday ciidamada Eritrea markii uu socday dagaalkii Tigray bishii November 2020. Kaddib dagaalkii 1998, Itoobiya iyo Sudan ayaa dib u bilaabay wada hadal dheer oo lagu xallinayo meesha saxda ah ee xadka dhererkiisu yahay 744km (462 meyl) ee u dhaxeeya. Meeshii ugu adkeyd ee la xallin waayay waxay noqotay Fashaga. Marka la eego heshiisyadii xilligii gumeysiga ee sanadihii 1902 iyo 1907, xadka caalamiga ah wuxuu gaarayaa ilaa bariga. Tani micnaheedu waa in dhulka ay leedahay Sudan – balse Itoobiyaanka ayaa degay deegaanka iyagoo halkaasi beero ku yeeshay isla markaana canshuurta siinayay dowladda Itoobiya. ‘Heshiiska oo lagu cambaareeyay inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah’ Wada xaajoodyada labada dowladood ayaa ku soo dhammaaday heshiis sanadkii 2008. Itoobiya ayaa garowsatay xadka sharciga ah balse Sudan ayaa u oggolaatay Itoobiyaanka inay halkaasi isaga sii noolaadaan iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan. Wuxuu ahaa kiis cajiib ah oo muran xudduudka ah lagu xalliyay qaab aysan dhib ka soo gaareyn dadka ku nool xadka; muddo tobnaan sano ah ayay is dhex degganaayeen dadka labada dal ilaa hadda, oo ay Itoobiya sheegatay gacan ku heynta deegaankaas. Wafdigii Itoobiya ee heshiiskii 2008 waxaa hoggaaminayay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF, Abay Tsehaye. Kaddib markii TPLF laga qaaday xukunka Itoobiya sanadkii 2018, hogagamiyeyaasha qowmiyadda Amxaarada ayaa cambaareeyay heshiiskaas waxayna ku sheegeen inuu ahaa gorgortan qarsoodi ah oo aan la tashi laga sameyn. Labada dhinacba fakrado kala duwan ayay ka aaminsan yihiin waxa sababay dagaalkii Fashaga. Waxa xigay ee dhacay muran kama taagna: ciidamada Sudan ayaa dib u riixay Itoobiyaanka iyagoo ku qasbay dadkii meesha degganaa inay isaga baxaan. Madaxda milatariga Sudan ayaa wacad ku maray inay gacanta ku heyn doonaan dhulkaas Shir goboleed ay Djibouti ku yeesheen 20-kii December, ayuu Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok arrinta ku soo qaaday dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed. Waxay isku raaceen inay wada xaajood galaan, balse midkoodba wuxuu watay shuruud. Itoobiya waxay Sudan ka dooneysaa inuu magdhow siiyo qowmiyadaha uu dagaalku saameeyay; Sudan waxay dooneysaa in heshiiska lo laabto. Iyadoo ay wufuuddu wada hadlayaan, waxaa dhacay dagaal kale, oo ay Sudan ku eedeysay ciidamada Itoobiya. Marka la eego murannada xadka, dhinac walba wuxuu falanqeyn u gaar ah ku sameeyay taariikhda, sharciga iyo heshiisyadii qarni jirsaday ee gumeysiga. Balse waxaa sidoo kale calaamad u ah labo arrin oo waaweyn – mid walba waxaa daaha ka rogay isbeddelka siyaasadeed ee Mr Abiy. Sheegashada dhulka ee Tigray Dadka Itoobiya ee deggan Fashaga waxay ka soo jeedaan qowmiyadda Amhara – oo ah tan uu Mr Abiy aad ugu xisaabtamayo siyaasaddiisa kaddib markii uu lumiyay taageerada qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada, oo ah tan ugu weyn Itoobiya. Amxaarada waa qowmiyadda labaad ee ugu weyn Itoobiya. Amxaarada oo ka faa`iideysanaya guushii ay labadii bilood ee la soo dhaafay ciidamada federaalka ka gaareen TPLF, ayaa waxay sheeganayaan dhulal inay ku leeyihiin Tigray. Kaddib markii gobolka laga saaray TPLF, maleeshiyo goboleedka Amxaarada ayaa waddooyinka suray boorar ay ku qoran yihiin “ku soo dhowow Amhara”. Wuxuu ahaa dhul uu sheegtay gobolka Amhara balse la siiyay Tigray sanadihii 1990-meeyadii markii TPLF ay heysay xukunka Itoobiya. Xoogagga Amraaxada ayaa u wareegay magaalo beereedka Humera ee Tigray, oo xad la leh Eritrea Dagaalka Fashaga wuxuu daba socdaa isla sheegashadaas dhulka – marka laga reebo inaysan quseyn xudduudaha gudaha ee Itoobiya, balse uu yahay xad lala wadaago dal deris ah. Haddii lagu guul darreysto in si nabad ah loo xalliyo waxay caqaad kale ku noqon doontaa Mr Abiy: xiriirka arrimaha dibadda ee Itoobiya. Muddo 60 sano ah, ujeeddada aasaasiga ah ee Itoobiya waxay ahayd inay xakameyso Masar, balse sanad kahor Mr Abiy ayaa ka booday arrintaas. Labada dal midkoodba wuxuu Webiga Nile u arkaa inuu muhiim u yahay. Masar waxay u aragtaa in biyo xireennada ay khatar ku yihiin qeybta ay u leedahay biyaha Nile. Itoobiya waxay webiga u aragtaa il muhiim ah oo laga sameeyo quwadda biyaha laga dhaliyo, taas oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaheed.a Muranka wuxuu ka dhashay dhismaha biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya dhisaneyso. Webiga Nile: Wadaxajoodkii seddex geesoodka oo dib u billowday Muxuu ku qotomaa heshiiska Masar iyo Itoobiya ay ka gaareen khilaafka webiga Nile? Arrintu waxay ku qotontay diblomaasiyadda biyaha ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay ku dooneysay inay xulafo kula noqoto dalal kale oo Afrika ku yaalla. Ujeeddadu waxay ahayd in dalal badan heshiis lagula galo qeybiya biyaha Nile. Xulafadan waxaa laga reebay Masar. Sudan waxay ka mid ahayd dalalkan. Waxaa la qorsheeyay inay ka faa’iideysato biyo xireenka Itoobiya ee Gerd, oo xakameyn doona daadadka, kordhin doona waraabka, isla markaana abuuri doona koronto jaban. Masar waxay dooneysay wada hadallo toos ah oo lagu dhowrayo heshiiskii xilligii gumeysiga ee inta badan biyaha Nile iyada loogu qoondeeyay. Inta badan biyaha Niilka Buluugga ah waxay ka yimaadaan dhulka sare ee Itoobiya Bishii October 2019, Mr Abiy ayaa u duulay shirkii Ruushka iyo Afrika ee ka dhacay Sochi. Shirarkii kale ee halkaasi ka dhacay wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi. Hal shir oo ay yeesheen, oo aysan goobjoog ka ahayn saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda, ayuu Mr Abiy ku beddelay istaraatiijiyadda biyaha Nile ee Itoobiya. Wuxuu oggolaaday soo jeedintii Mr Sisi ee ahayd in waaxda maaliyadda Mareykanka ay dhexdhexaadiso muranka Gerd. Mareykanku wuxuu u liicay dhanka Masar. Haddii hoggaamiyaha Itoobiyaanka ee da’da yar, ee dhowaan xallinta xiisadda Eretria ku muteystay abaal marinta Nobel Peace Prize, uu ku fekeray inuu sidoo kale heshiis la geli karo Masar, wuu khaldanaa. Taas caksigeeda ayaa dhacday. 44 jirkan ayaa la kulmay xaalad adag. Sudan wuxuu ahaa dalkii saddexaad ee lagu casuumay wada xaajoodkii ka dhacay Washington DC. Maaddaada ay u nugleyd cadaadiska Mareykanka oo ay aad u dooneysay inuu ka qaado cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay sanadkii 1993 markii lagu eedeeyay inay maalgeliso argagixisay, Waxay Sudan la safatay Masar. Ra’yi ururin laga qaaday dadka Itoobiya ayaa lagu diiday soo jeedintii Mareykanka, Mr Abiy ayaana ku qasbanaaday inuu diido, kaddib markii Mareykanka uu hakiyay gargaar loogu talo galay Itoobiya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Masar ay “qarxin doonto” biyo xireenka, Itoobiya ayaana soo rogtay inaan la dul mari karin halka laga dhisayo biyo xireenka. ‘U laabashada heshiiskii hore’ Ninkan heysta abaal marinta nabadda ayaanan awoodin inay mar kale isku dhacaan Masar, isagoo bartanka uga jira dagaalka Tigray iyo isku dhacyada Fashaga. Tan Fashaga ayaa soo kicisay taariikh dheer oo cawotinnimo ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Sudan. Sanadihii 1980-meeyadii, Itoobiya oo hantiwadaag ahayd ayaa hubeysay mucaaradka Sudan, halka Sudan ay caawin jirtay kooxaha hubeysan ee Itoobiya oo ay ka mid ahayd TPLF. Sanadihii 1990-meeyadii, Sudan ayaa taageertay kooxaha maleeshiyaadka Islaamiga ah halka ay Itoobiyana taageertay mucaaradka Sudan. Iyadoo ay isku dhacyo hubeysan iyo qalalaaso ka socdaan Itoobiya, isla markaana hesiiskii nabadeed ee dhowaan ay Sudan la gashay mucaaradka ku sugan Darfur iyo Buuraha Nuba uusan ahayn mid dhammeystiran, dal walba waxaa laga yaabaa inuu u noqdo heshiiskii hore. Tobnaan kun oo qof ayaa ka qaxay dagaalkii Tigray iyagoo galay xeryo ku yaalla Sudan Xiriirka Sudan iyo Itoobiya ayaa meeshii ugu fiicneyd gaaray markii uu Mr Abiy u duulay Khartoum bishii June 2019 si uu gacan uga geysto in dibadbaxayaashiii dimuqraaddiyad doonka ahaa iyo janaraallada Sudan ay gaaraan heshiis kaddib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer dalkaasi ka talinayay Omar al-Bashir. Wuxuu ahaa hindise uu la yimid Abiy. Ra’iisul Wasaaraha Sudan Hamdok ayaa isku dayay nuu gudo abaalkaas isagoo u soo bandhigay inuu gacan ka geysanayo xallinta dagaalka Tigray. Waase laga diiday, waxaa ugu dambeeyay shirkii 20-kii December, oo uu Mr Abiy ku adkeystay in dowladda Itoobiya ay xallisan doonto arrimaheeda gudaha. Iyadoo qaxootiga Tigray ay ku sii qulqulayaan Sudan, iyagoo la soo kulmay tacaddiyo iyo gaajo, ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa ku adkaan doonta inuu diido dhexdhexaadinta. Wuxuu sidoo kale halis u noqonayaa abuuridda dagaal kale oo xadka ku dhex mara Itoobiya iyo Sudan, kaas oo ka sii dari doona xiisadda gobolka. Qaran News
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/01/Warka-Duhur-412021.mp3 View the full article
  7. MOGADISHU (HOL) - The Federal Government is on course to secretly sign off oil blocks with two international oil firms, the opposition in Somalia has revealed warning the move poses ‘danger to the future, standing and unity of the Somali Nation’. Source: Hiiraan Online
  8. Sida ay haweeneydan guul uga gaartay siyaasadda Mareykanka Nancy Pelosi ayaa mar kale qabsatay warbaahinta dunida kaddib markii ay ku guuleysatay xilka Afhayeenka Aqalka Wakiillada. Waxay noqoneysaa markii afaraad ee ay xilkan ku guuleysato, waxayna bog cusub u fureysaa xirfaddeeda siyaasadeed ee ay muddada ku dhow 50-ka sano ku soo dhex jirtay iyadoo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, hase ahaatee caqabad ayaa hortaagan. Iyadoo Kamala Harris lagu wado inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota Mareykanka, Pelosi ma sii ahaan doonto haweeneyda ugu awoodda badan siyaasadda Mareykanka. Balse haweeneydan 80-sano jirka ah, ayaa door muhiim ah ka cayaari doonta horumarinta ajandaha madaxweynaha cusub. Taasi waxay la micno tahay inaysan wax waqti ah u heli doonin inay ku sii dhegganaato niyad jabkii ay kala kulantay doorashadii November – waxaa yaraaday kuraastii uu xisbigeedu ku lahaa aqalka hoose, si dirqi ah ayaana loogu doortay afhayeenka, kaddib markii ay xisbiga ka baxeen dhowr xubnood oo Dimuqraaddiga ka tirsanaa. Taas beddelkeed, muddo-xileedkeeda soo socda wuxuu ka tarjumi doonaa awoodda ay u yeelato joogteynta midnimada xisbiga iyo inaysan ka degin masraxa siyaasadda. Waxay ku soo barbartay qoys siyaasadda ku jiray Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa Ms Pelosi u yaqaanna “Haweeneyda ilbaxa ah ee San Francisco” iyadoo hammi weyn u heysa dowladda isla markaana aragtida hantiwadaagga ka heysata arrimaha bulshada. Balse waxay ka soo jeeddaa qoys siyaasadeed. Waa qofka ugu yar toddoba carruur ah oo la dhalatay, iyadoo ku soo barbaartay magaalada xeebta bari ee Baltimore, Maryland, halkaas oo uu abbaheed ka ahaa duqa magaalada. Kuleej ayay ka gashay magaalada Washington halkaas oo ay kula kulantay kuna guursatay Paul Pelosi oo dhaqaale-yahan ahaa. Waxay markii hore u wareegeen Manhattan, kaddibna San Francisco, iyadoo Ms Pelosi ay noqotay gurijoogto. Waxay dhashay shan carruur ah – afar gabdhood iyo wiil – muddo lix sano gudahood ah. Bilowga wax weyn Sanadkii 1976 waxay ku lug yeelatay siyaasada, iyadoo kaashaneysa qoyskeeda inay ka caawiyaan Barasaabkii California Jerry Brown inuu ku guuleysto Maryland isagoo madaxweyne u tartamayay. Waxay kaddib ku soo caan baxday Xisbiga Dimquraaddiga, iyadoo kaddib noqotay madaxa xisbiga, sanadkii 1988 ayayna ku guuleysatay kursiga Aqalka Kongareeska. Aqalka ayay muddo ku soo dhex jirtay. Sababtoo ah waxay mataleysay qeyb ka mid ah magaalada oo ay ku badnaayeen dadka isku jinsiga ah ee is guursada, iyadoo muhiimadda koowaad ka dhigtay maalgelinta baaritaanka xanuunka Aids-ka. Pelosi oo eegeysa Madaxweyne Bill Clinton oo amar sare saxiixaya sanadkii 1993 Sanadkii 2001, waxay u tartantay kaaliyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Aqalka, iyadoo si dirqi ah ugu guuleysatay. Sanadkii xigay waxay u dallacday hoggaamiyaha xisbiga laga tirada badan yahay ee Aqalka, taas oo micnaheedu yahay inay hoggaamiso xisbiga mucaaradka ah. Gaaridda meel sare Waxay ka mid ahayd dadka ugu sarreeya, ee inta badan si aan gabbasho lahayn uga hadli jiray qabsashadii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003. Fekerkan ayaa meesha ka baxay sanadkii 2006 markii Dimuqraaddiyiintu ay la wareegeen Aqalka markii ugu horreysay muddo 12 sano ah. Xisbigeeda ayaa u doortay Afhayeenka Aqalka, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Mareykanka. Afar sano kaddib, Dimuqraaddiyiinta ayaa looga guuleystay aqalka hoose ee Kongareeska. Iyadoo ay jiraan caqabado ayay Ms Pelosi ka gudubtay guulo badanna ku gaartay, iyadoo sanadkii 2018 mar kale ku guulyesatay afhayeenka aqalka. Maxay tahay shaqada afhayeenka? Sida ku xusan dastuurka Mareykanka, Afhayeenka Aqalka wuxuu booska labaad kaga jiraa madaxtinnimada, isagoo keliya ka dambeeya booska madaxweyne ku xigeenka. Xafiiska afhayeenka ee weyn ee ku yaalla dhismaha Capitol, wuxuu astaan u yahay shaqada ballaaran ee u taalla. Xisbiga kuraasta ugu badan ku leh Aqalka ayaa maamula hannaanka sharciga ah. Pelosi oo wada sheekeysi dheer la leh Barack Obama sanadkii 2014 Afhayeenka iyo ku xigeennadeeda iyo madaxda guddiyada ayaa go’aansada shuruucda la doonayo in loo codeeyo. Waxay dejiyaan ajandaha iyagoo go’aan ka gaara. Haddii uu afhayeenka isku hayo midnimada xisbigiisa, guul weyn ayay ka gaarayaan hannaanka sharciga ee Aqalka. Laga soo bilaabao 2009 ilaa 2011, aqalka Pelosi wuxuu u codeeyay gargaar dhan $840bn oo loogu talogalay ka soo kabashada dhaqaale burburkii sanadkii 2008. Waxy sidoo kale gacan weyn ka geysatay Sharciga Daryeelka la awoodi karo, kaas oo noqday dagaalkii astaanta u ahaa madaxtinnimada Barack Obama. Waqtigii ugu muhiimsanaa Pelosi Xaalado kala duwan ayay wajahday markii ay ku soo laabatay kursiga afhayeenka aqalka sanadkii 2018. Waxaa markaas indhaha ku hayay xubnaha Jamhuuriga, oo aan ku qanacsaneyn ficilladeeda. Intii uu socday ololihii 2018, musharraxii Jamhuuriga ayaa hal dood 21 jeer ku soo qaaday Nancy Pelosi iyo “ajandaheeda hantiwadaagga”. Tallaabadaas ayaa lagu daba geddiyay isaga iyo xisbigiisa, iyadoo ay Dimuqraaddiyiintu guul taariikhi ah ka soo hoyeen Aqalka. Balse markan waxaa caqabad ku ahaa Madaxweyne President Donald Trump iyo Hoggaamiyaha xisbiga aqlabiyadda ee Aqalka Senate-ka Mitch McConnell. Sidaas darteed, sharci walba oo xisbigeeda uu geeyo Aqalka meel fog ma gaareynin. Xilligeedii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa sacbintii Pelosi, intii ay socotay khudbaddii Trump ee Xaaladda Midowga, bil kaddib markii ay xilka qabatay. Arrintan ayaa ilaa haatan caan ka ah dalkaas. Waxaa taas ka darneyd in isla habeenkaas, ay cambaareyn adag telefishinnada hortooda ugu soo jeedisay khudbaddii Trump. Waxaa lagu eedeeyay xushmad darro, balse markii dambe way is difaacday iyadoo sheegtay in erayadiisa ay ahaayeen kuwo aan runta ka tarjumeynin. Ka daba qaadashadii Trump Pelosi markii hore way ka cago jiideysay inay hoggaanka u qabato xil ka qaadistii saddexaad ee lagu sameeyo madaxweyne Mareykanka ah. Balse markii sanadkii 2019 ay soo shaac baxday heshiisyadii uu Trump la galay Ukraine waxay sheegtay inay tahay ku tumasho awoodda ah oo aan la iska indho tiri karin. Waxaa lagu eedeeyay inuu Ukraine cadaadis ku saaray in warbixin dhaawici karta uu ka soo saaro Joe Biden, iyo in gargaarkii milatariga uu u adeegsaday aargoosi, balse waxaa markii dambe dembi ku waayay Aqalka Senate-ka ee uu maamulo Jamhuuriga. Qaar ka mid ah xisbigeeda oo si shaac ah ugu baaqayay in xilka laga qaado sanadkii 2018 waxay aad ula dhaceen sida ay u daba dhigatay Madaxweyne Trump. Waxay soo hoysay guulo waaweyn oo ay ka gaartay Trump, sida maalgelinta derbiga xadka iyo kala diridda dowladda. Guul dirqi ah Dimuqraaddiyiinta ayaa aad uga rajo qabay sanadkii tegay inay kordhaan kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka. Balse waxay lumiyeen kuraas badan. Caqabaddan ayaa mar walba xaaladda ku adkeyn doonta Pelosi iyadoo si joogto ah ugu dagaallameysa qancinta xisbigeeda garabka bidix. Weriyaha BBC-da Anthony Zurcher ayaa sheegay in muddo-xileedkan soo socda uu noqon doono caqabaddii ugu weyneyd ee abid soo marta intii ay siyaasadda ku dhex jirtay. “Waa inay joogteysaa midnimada xisbigeeda, haddii ay dooneyso in maamulka Joe Biden ay ka caawiso inuu guuleysto.” Qaran News
  9. Wakiilo ka kala socda dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan ayaa dib u billaabaya wadahadalladoodi ku saabsasaana awood qaybsiga. Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu beri oo talaada ah ka dhaco dalka Qatar oo hore u mati geliyay dhowr shir oo u dhaxeeyay labada dhinac. Wadahadaladaan ayaa bilaawday bishii Sebtember ka dib markii kooxda Taalibaan iyo Maraykan ay ku heshiiyeen in la saaro ciidmada Marayakanka ee jooga dalka Afghaanistaan. Afhayeen u hadlay dowladda Afghanistaan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii looga mira dhalin lahaa wadahadaladaan muddada soo jiitamaayay. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wax kasta ay ka hormarin doonaan danta shacabka Afghaanistaan. PUNTLAND POST The post Afghanistan iyo Taliban ayaa dib u bilaabaya wadahadaladii awood qaybsiga appeared first on Puntland Post.
  10. Baarlamaanka 10-aad oo labo aqal ah, waxaa uu sameysmay iyada oo baarlamaanka federaalka ah 9-aad oo hal aqal ahaa uu qabtay shaqooyin badan, rajo weyn ayaa laga qabay iney dhameystiraan arrimo ay ku jiraan dastuurka, garsoorka, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo qaar kale, laakin nasiib darro hawlahaasi lama qaban. Haddaba, Goobjoog News waxaa isbardhig ay ku sameysay shaqadii labada baarlamaan ay ku ogaatay in baarlamaankii 9-aad uu ka shaqo iyo tayo badnaa baarlamaanka 10-aad. Haddaba, halkan hoose ka akhriso isbarbardhig la xiriira labada baarlamaan ee dhanka ansixinta sharciyada, qaraarrada, heshiisyada caalamiga ah, miisaaniyadaha, la xisaabtanka xukuumadda, matalaadda iyo arrimo kale. Baarlamaanka 10-aad: Sida aan sheegnay baarlamaanka 10-aad waxaa uu ka koobanyahay labo aqal(golaha shacabka iyo aqalka sare), xubnihiisana waa ay ka badnaayeen baarlamaankii 9-aad oo ahaa hal aqal iyo 275 xildhibaan halka 10-aad lagu daray aqalka sare oo 54 Senator ah. Haddaba, si la mid ah madaxweynaha 2017-kii la doortay ee Farmaajo, baarlamaanka 10-aad waxaa laga filayey waxqabad adag gaar ahaan: Dhameystirka dib u eegista Dastuurka. Dhameystirka Shuruucda Federaalka ah. Matalaadda Dadweynaha. Arrimaha horyaalay waxaa ugu muhiimsanaa oo kale: Sharciga doorashada, sameynta maxkamad dastuuri ah, diiwaangelinta dadweynaha, jinsiyadaha iyo wixii la mid ah, laakin arrimahaas marka laga reebo midka doorashada inta kale lama qaban, taa badalkeeda waxaa la ceyriyey guddoomiyihii golaha shacabka, waxaa meesha ka baxday wada shaqeyntii labada aqal, baarlamaankii waxaa la wareegay xukuumadda federaalka ah, oo awooddii wiiqday taasi oo meesha ka saartay la xisaabtankii iyo xisaab xirradii laga rabay. Halkii baarlamaanka 9-aad uu xoogga saaray dhismaha sharciga la xiriira dhismaha hey’adaha federaalka ah, kuwa guddiyada kala duwan ee dastuuriga ah iyo heshiisyada caalamiga ah ee tiirarka dowladnimada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu xoogga saaray kheyraadka iyo arrimo keenay khilaaf siyaasi ah oo ay labada heer ee DF ku kala tageen, loona arkay daneysi iyo boob. Dhanka sharaciyada, baarlamaanka 10-aad waxaa uu ansixiyey 26 sharci oo in badan oo ka mid ah ay soo bilaabeen baarlamaankii hore, waxaa uu madaxweynaha saxiixay oo kale 6 heshiis oo caalami ah halka la soo saaray wax ka yar 10 qaraar. Sharciyada ka gudbay ee uu madaxweynaha ansixiyey waxaa ugu muhiimsanaa marka laga soo tago heshiistada caalamiga waxaa ka mid ahaa: isgaarsiinta, naafada, musuqa, batroolka, doorashooyinka, dhakhliga, Ilaalinta hidda dhaqameedka & mdka dabiiciga, Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyada (PFM) , Wax Ka Badelka Sharciga Furdooyinka, dib u eegista sharciga saxaafadda, Sharciga Istaatistikada Soomaaliyeed , Sharciga Duulista Rayadka ee Hawada, H/Sharciyeedka Jaangaynta iyo Tayo dhawrka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo weli Farmaajo la yaalla: Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aaan muuqan, Hindise Sharciyeedka Leelitirka siyaasiyiinta Soomaalia, Hindise-sharciyeedka Hawlgabka & Xaqsiinta Ciidamada, Hindise Sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka, Wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda, Heshiiska waxbarshada ee Soomaliya iyo Turkig iyo qaar kale. Miisaaniyadaha: Dhanka miisaaniyadaha, baarlamaanka 10-aad waxaa ay meelmariyeen 9 miisaaniyadeed iyo hal xisaab xir sanadeed. Waxaa xusid mudan in labada aqal arrimaha ay isku khilaafeen ay ka mid aheyd ansixinta miisaaniyadda. Guryaha Baarlamaanka 10-aad: Dowladda Turkiga iyo hey’adaheeda ayaa taageeray labada aqal, Aqalka sare waxaa ay siiyeen dhisme cusub halka ay ballaariyeen dhismihii Villa Hargeisa oo haatan si KMG ah uu golaha shacabka ugu shaqeeyo inta ay ka dhisayaan aqalkii weynaa. Matalaadda Shacabka: Baarlamaanka 10-aad waxaa ku adkaatay matalaadda shacabka, oo inta badan marka laga reebo Puntland inta kale waxaa yar xildhibaannada dib ugu laaban karay sababo amni, iyada oo inta badan aan dhaafin caasimadda. Baarlamaanka 9-aad(2012-2016): Baarlamaanka oo ahaa midkii federaalka ahaa oo ugu horeeyey waxaa uu qabtay hawllo badan oo markaasi horyaallay sida: Xeer hoosaadka, Barnaamijka sharcidejinta, Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha, Sare u qaadista sugidda ammaanka, Dib u eegista dastuurka, Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani, Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta, Xafiiska deegaannada doorashooyinka, Kaabayaasha iyo dhismoyaal, Waaxda barista shuruucda, Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta. Baarlamaanka 9-aad iyo Arrimaha Sharci Dejinta: Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis Golaha shacabka waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah Villa Hargeisa: Baarlamaanka 9-aad 2017-kii kahor waxaa uu Villa Hargeisa ku lahaa 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale 30 qof ku shiri kareen, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale. Shaqaalaha Baarlamaanka: Baarlamaanka 9-aad waxaa uu u yimid 53 shaqaale ah oo keliya, markii uu tagayey waxaa joogay ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween. Matalaadda shacabka: Xildhibaannada baarlamaankii 9-aad waxaa ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose. Baarlamaankaas waxay sameeyeen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay. Madaxda Soo Booqatay baarlamaanka 9-aad: Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi Isbar-badhigga labada aqal marka laga soo tago, guddoomiyihii la ceyriyey ee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu ahaa khabiir wax ka qoray dastuurka lagu dhaqmo ee KMG ah, inta ka badan 50 sano ku jiray nidaamka dowliga ah oo madax soo ahaa, una soo joogay isbadallada halka Maxamed Mursal uu xildhibaan ka noqday baarlamaankii 8-aad iyo midka 10-aad, saddex wasaaradood, safiir iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo. W/D: Abdiaziz Ahmed Gurbiye Source: goobjoog.com
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Jowhar ee caaismada maamulka HirShabelle. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi. Ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo xaafadaha, iyaga oo gaaf wareegaya, islamarkaana wada baaritaano la xiriira sugida ammaanka. Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay inay baadi goobayaan xubno ka tirsan kooxda Al-shabab oo falal Amni darro ah ka fulinaya caasimadda Hirshabelle. Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howl-gala halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Jowhar oo ka mid ah magaalooyinka loo asateeyey doorashooyinka ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.
  12. Bosaso (PP News Desk) — Puntland Security Forces yesterday conducted a security operation at the Almisked mountain range where ISIS fighters have hideouts. In a statement posted on Facebook Puntland Security Forces had given brief details about the operation carried out at Timirshe and Tuurmasaale villages. PSF thanked locals for their cooperation during the security operation. PSF has not disclosed information about any casualties or arrests during the planned operation to target ISIS fighters in mountainous areas of Puntland State. PSF operations limited capabilities of ISIS and Al-shabaab to carry out suicide bombing and targeted assassinations in Bosaso. Locals at areas close ISIS hideouts complain of threats and extortion by the proscribed group that, along with Al-shabaab, maintains a presence at areas that are inaccessible due to poor infrastructure. Puntland State Government ramped up pressure on Al-shabaab and ISIS forces. Security analysts believe the security reform initiated by the administration of President Said Abdullahi Deni had resulted in efficiency, accountability and coordination between security forces of Puntland. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Security Forces Conduct Security Operations in Bari appeared first on Puntland Post.
  13. Soomaali iyo dad kale oo badan ayaa waxa ay isugu soo baxeen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota halkaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihin wiil Soomaali ah oo magaaladaas ay boolisku ku toogteen. Dadka isu soo baxay ayaa dalbanayay in qoyska Doolaal Ciid ay cadaalad helaan, iyo in mustaqbalka aanay middaas oo kale soo laaban. Sidoo kale waxa ay sheegeen in carruurtooda ay u cabsanayaan, sidaas daraadeedna aanay ka tagayn waddooyinka illaa wax laga qabto dilka Doolaal. View the full article
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan gaar ah kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Labada mas’uul oo uu kulankooda qaatay saacad badan ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka. Sidoo kale waxa ay si gaar ah diirada u saareen sidii xal waara looga gaari muranka ka taagan guddiyada doorashooyinka iyo hannaanka loo wajahayo. Khayre oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Qoor Qoor dadaallada uu wado ee ku aadan xal ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka. Qoor Qoor iyo Khayre ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirkii madasha aragta wadaagga ee lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaaladaasi. Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah weli mid cakiran, waxaana meel fog kala joogo dowladda iyo mucaaradka oo isku hayo qabashada doorashada soo socota.
  15. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho ‘Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshada’, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda. Warbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada’. Warbaahinta Somalilandchronicle waxay xustay laba ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka oo ay sheegtay in la siiyey Lacagta ugu badan, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad aan badnayn. War-bixintan oo biyo-dhaceedu yahay in Xukuumaddu ku dedaalayso inay Gacanta ku dhigto Warbaahinta Madax-banaan si aan wax looga qorin Xukuumadda ayaa sheegtay “Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada..” ayuu sheegay Somalilandchronicle oo soo xiganaya Ilo-wareedyo. Somalilandchronicle waxay sheegtay inay la xidhiidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, si ay arrintan wax uga waydiiso, balse aanay suurto-gelin inay helaan. Source
  16. (SLT-Geneva)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa nin Soomaali ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalada Geneva dalka Switzerland, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Dilka loo geystay nin Soomaali ah ayaa waxaa ka dambeeyay dadka kale oo isna Soomaali ahaa, waxaana falkaas uu u adeegsaday Minddi ama tooreey oo qeybaha sare ee jidhka lagaga dhuftay. Gacan ku dhiiglaha ayaa dilay Marxuumka, kadib markii uu ka war helay in uu xadhiidh Jaceyl ka dhaxeeyo xaaskiisii carruurta u dhashay oo ay kala tageen, sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Geneva dalka Switzerland. Dad Soomaali ah oo ku sugan dalka Switzerland ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana markii hore isku dayay inay cisbitaal u qaadan Muwaadinka tooreyda lagu dhuftay, hayeeshee markii dambe ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday. Source
  17. Xoghayaha Ururka Ciyaaraha iyo dhaqanka ee SOCUS ee Wadanka Finland mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin wax qabadka wanaagsan ay soo bandhigeyn ciyaartootda ay ka keeneen dalka Finland ee markii ugu horeesay ka qeyb galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. “Waxaan dalka keenay ilaa afar ciyaartooy kuwaas oo u kala dheelay kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug,Alx waan ku faraxsanahay in afartoodaba ay soo gaareyn heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada 2020”,waxayna arintan guul weyn u tahay Ururka ciyaaraha iyo dhaqanka SOCUS ee dalka Finland ayuu sheegay Mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje oo ah Xoghayaha Ururka isboortiga iyo dhaqanka ee SOCUS. “Waxaan ka soo safarnay lix kun oo kilometer,si aan qeyb ugu noqono guusha ay kooxda kubbadda cagta Galmudug ee ka gaartay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana arintan ugu mahadcelinaynaa madaxda isboortiga Galmudug oo si wanaagsan noo soo dhaweeyay” ayuu saxaadda ciyaaraha u sheegay Xoghayaha Ururka isboortiga iyo dhaqanka SOCUS ee Wadanka Finland mudane Cabdifataax Maxamed Qaaje. Daawo Qaaje Oo Ka Hadlay Guusha Kooxda Galmudug https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/01/hats-qaaje.mp4 Sidoo Kale Aqriso Xogo Ku Saabsan Ciyaartooydii Ka Timid Wadanka Finland Ee Ka Qeyb Galay Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Axmed Mowliid “Fursad Qaali Ah Ayay Aheyd In Ku Dheelo Dalkayga” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ay labadii maalin ee la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee PSF-ta maamulkaasi ka sameeyeen dhulka buuraleyda ee gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ciidamadu ka hortegeen weeraro ay damacsaneyd in kooxda Daacish ay ka fuliso deegaanada Cal Miskaat, Timirshe, Tuurmasaale, Il, Camayra & Legunle oo ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Daacish ay cabsi gelin joogto ku heyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, balse ciidamadu ay soo dhoweeyeen dadkaasi. “Dadka degaanka iyo reer guuraaga aaggaas oo ay Daacish cabsi iyo culays ku hayaan ayaa uga mahadceliyey ciidamada PSF hawlgallada Daacish ka dhanka ah ee ay sida joogta ah uga fuliyaan aaggaas si ay dadka degaanku ugu noolaadaan xorriyad amni,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee ka soo baxay ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dagaalyahanada kooxda Daacish ay isku uruursanayeen deegaanada ay ciidamadu howl-galka ka sameeyeen, balse ay fashiliyeen weeraro ay damacsanayeen, kadib markii ay macluumaad ka heleen dadka deegaanka. Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari, iyaga oo ka soo abaabula weerar ka dhaca deegaanada maamulka Puntland.
  19. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee Galmudug kaalinta ay ka qaateen garab istaaga iyo dhiirigelinta kooxda kubbadda cagta Galmudug ee booska labaad ka gashay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo sanadkii sadexaad ka dhacay magaalada Muqdisho. “Qof kasta oo ka soo jeed Galmudug,wuxuu ku qanacsanahay heerka aan maanta ka taaganahay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir,waxaan inoo balan in aan dhiirigelino ciyaartooyda,si ay u tiigsadaan hanashada koobka Maamul Goboleedyada Dalka” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire. “Waxaan madaxeena ugu mahadcelinaynaa garab istaaga ay noo muujiyeen,welina waxaan ka sugayaan horomarinta iyo kor u qaadida kooxda Galmudug” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xasan Axmed Shire “Dowladda Iyo Ganacstada Reer Galmudug, waa in ay bixiyaan mushaarka iyo horomarinta kooxda Galmudug” ayuu saxaafadda u sheegay Guddoomiye Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug mudane Xasan Axmed Shire. Daawo Guddoomiye Shire Oo U Mahadceliyay Kooxda Galmudug https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2021/01/whats-shire.mp4 Sidoo Kale Aqriso Xogo Kale Oo Ku Saabsan Galmudug Guddoomiye Cabdullahi “Balanqaadkii Turkiga Ee Kooxda Galmudug Waa Diyaar” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo Sunday night held talks with South West state president Abdiaziz Lafta-Gareen amid growing political tensions as a consensus between the government and opposition groups becomes elusive. Source: Hiiraan Online
  21. Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland, dilkaas ayaa waxaa geeysatay Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, waxaana kasoo baxaya faahfaahino . Dilka ayaa waxaa la sheegayaa inuu la xiriiro arrimo maseyr ah, kadib markii ninka gacan ku dhiig laha ah uu ninka uu dilay ku eedeeyey inuu xiriir jeceyl uu la sameeyey xaaskiisa u dhashay caruurta sida ay sheegayaan wararka. Dadka Soomaalida ah oo tagay goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa isku deyey in qaadaan isaga oo xiligaas dhaawac ahaa, laakiin nasiib darro waxaa uu u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray Tooreyda. Goobjoogjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ciidamada booliiska sida gaarkaa u tababaran ee Haramcad ayaa howl galo Amni xaqijin ah xalay ka bilaabay magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle . Howl galka oo laga sameyay xaafadaha magaalada ayaa la arkayay ciidamada Haramcad oo gaaf waregaya xaafadaha Magaalada. Qaar ka mid ah Saraakiisha howl galka hogaaminaysay ayaa sheegay in la baadi goobayo xubna ka tirsan Ururka Al-shabab oo falal Amni daro ah ka fulinaya Caasimadda maamulka Hirshabe ee Jowhar. Magaalada Jowhar ee caasimadda maamuka Hirshabelle ayaa ka mid ah magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhcdo doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee Federaalka. Source: goobjoog.com