-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia is facing another round of devastating drought, adding to the country’s security woes and indicating just how dangerous irregular climate is becoming to the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Guriceel (Caasimada Online) – Is-casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi waxay ahayd jug weyn oo Madaxtooyada Galmudug ku dhacday, kana hor istaagtay in la weeraro Xoogaga Ahlu-Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Is-casilaadda Wasiirka waxay timid saacado yar uun ka hor, xilli la qorsheeyay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay weeraraan Guriceel. Wasiir Fiqi ayaa Khamiistii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada socdo ee lagu xalinayo khilaafka maamulka kala dhaxeeya Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe. Saacado ka dib is casilaaddii Wasiir Fiqi, ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo. Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inay ka gadoodeen is-casilaadda Wasiirkii Amniga, waana xilli Fiqi loo tiriyo inuu yahay maskaxdii ka dambeysay dhismaha ciidamadaasi. Galmudug ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2020 yeelatay ciidamo Daraawiish ah. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa Jimcihii beeniyay in ciidamadaasi ka gadoodeen is casilaadda Wasiir Fiqi, balse ay ka gadoodeen sida uu yiri mushaar la’aan, xilli sida uu sheegay ay ciidamada kale qaateen mushaaraadkoodii. Wasiir Fiqi oo hadlayna waxaa uu mar kale ka digay in la weeraro Magaalada Guriceel, weerarkaasi ayuu ku sheegay mid aan loo baahnayn. Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug ayaa habeen hore baneeyay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo, iyagoona dib ugu laabtay Xerada Indha-qaris oo 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo markii horeba ay ka yimaadeen. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay qaarkood labada dhinac dib uga dhex bilaabeen dadaaladii ay ugu kala dab qaadayeen, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee haatan taagan ay tahay Ahlu-Sunna oo doonaysa inay ku gorgortanto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana ay maamusho kastamka canshuuraha ee Degmada Matabaan. Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka. Ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Ahlu-Sunna ayaa sheegay, haddii metelaad rasmi ah ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda, ay Galmudug ka caawin doonaan la dagaalanka Al Shabaab. Ahlu-Sunnada Bartamaha Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa mid khibrad badan u leh dagaalka Al-Shabaab, Maamulka Galmudug-na aanu waxba ka faa’iidi doonin dagaal uu xilligan adag kala hortaggo Ahlu-Sunna. Laba iyo toban sano oo Ahlu-Sunna ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ay ka caagaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Ma cadda dadaalada socdo inay guuleysan doonaan iyo in kale, Galmudug-na uma muuqato mid saami Golaha Shacabka ka siinaysa Ahlu-Sunna, haddii aanay waxba iska bedelin siyaasadda Villa Somalia. The post Xog: Dhowr Arrimood oo dib u dhigay weerarkii uu Qoor Qoor ku qaadi lahaa Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October oo maanta ku beegan ayaa farrriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo u hambalyeeyey maalinta Calanka. Rooble ayaa ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliya in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, si ay horey ugu sii socoto dowladnimada Soomaaliya. “Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale Rooble ayaa sii raaciyey “Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.” Sanad walba maanta oo kale 12-Oktoobar ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikadiisa. Calanka Soomaaliyeed waxaa naqshadiisa la soo bandhigay sanadkii 1952-dii, iyada oo ay QM ay ogolaatay sanadkii 1954 markaas oo uu u tegay Cabdullaahi Ciise. Xuska ayaa sanadkan ku soo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana aad isha loogu hayo kiiska badda oo ay maanta shaacineyso ICJ, iyada oo guusha loo saadaalinayo Somalia. The post ROOBLE oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Cabsi xoogan oo ka jirta Suuqa Ganacsiga Soomalida Islii-Nairobi+Boob laga baqaayo in loo geysto Hantida Soomaalida Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan ganacsatada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, halkaas oo looga baqayo inay rabshado ka qarxaan. Salaadada Maantai ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xidhiidhka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal. Waxaa laga baqayaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan. Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah guddiga ganacsata Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo caawa warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kulankaas kadib ay dowladdu u balan qaaday inay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo ka howlgala Islii. “Anagoo ah guddiga ganacsatada iyo guddiga amniga waxaan diyaarinay laamaha amniga, waxaa naloo soo dirayaa ciidamo boolis ah, si xaafadda Islii ay mudo 24-saac ah noola joogaan oo tallaabo ay ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta sharciga wadanka,” ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka. “Arrintaan waa mid dowladda khuseysa, arrin shacab khuseysa maaha, waxaan ku war gelineynaa Soomaalida ku nool wadankaan Kenya, in wax ficil ah aysan sameyn, masaajidaan tagnay oo culumada ayaan kala hadalnay arrintaas in la demiyo oo wax ficil ah aan laga sameyn xukunkaas,” ayuu Maxamed Ismaaciil hadalkiisa ku sii daray. Qaran News
-
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa ka qeyb-galay shirka dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka oo si rasmi ah uga furmay caasimada Beldgrade ee wadanka Serbia. Shirka waxa qeyb-galay in ka badan 105 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo wufuud kale oo caalami ah. Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo Madaxda ka soo qeyb-gashay ay khudbado ka jeedin doonaan, ayaa lagu xusayaa sanad-guurada 60aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay dhaq-dhaqaaqan oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir caalami ah appeared first on Puntland Post.
-
Mekele (Caasimada Online) – Mucaaradka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada militariga dowladda federaalka Ethiopia ay kusoo qaadeen weerar “jiho kasta ah”, oo uu ka mid yahay gobolka Amhara. Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ma uusan xaqiijin warkan oo yimid xilli ay jirtay xan ah in ciidamada militariga ay qorsheynayaan howlgal weyn, hase yeeshee wuxuu sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay inay shacabka ka badbaadiso jabhadda TPLF. “Weerarka uu Abiy Ahmed ku hanjabay inuu dib ugu qabsanayo Tigray si rasmi ah ayuu u billowday,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri Jabhadda TPLF. “Subaxii 11-ka October 2021, militariga Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamada Amxaarada, waxay billaabeen weerar isku xiran oo jiho kasta ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Ka sokow boqolaal kun oo maleeshiyo ah, ciidamadan xasuuqa damacsan, waxaa taageerayada taankiyo, diyaarado dagaal iyo kuwa drone ah, taasi oo aan shaki gelineyn damacooda ah gumaadka.” Dowladda Abiy ayaa carabka ku adkeysay in howlgalka militari ee waqooyiga lagu beegsanayo TPLF, oo ay si rasmi ah ugu calaameysay urur argagixiso, ee aan loola jeedin shacabka. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in inkasta oo uu jiro weerarka cusub, haddana ciidamada aysan weli soo gaarin Tigray. Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF aysan ka war hayn wax ku lug lahaansho oo ciidamada Eritrea ah, kuwaas oo horey militariga Ethiopia u taageeray intii uu socday dagaalka 11-ka bilood ah. “Dowladda Ethiopia waxay mas’uuliyad ka saaran tahay inay shacabkeeda ku sugan dalka oo dhan ay ka badbaadiso ficillada argagixisada,” waxaa sidaas tiri Billene Seyoum oo ah afhayeenka Abiy Ahmed. “Dowladda Ethiopia waxay sii wadi doontaa inay ka hortagto burburinta TPLF, rabshadaha iyo dilalka ka dhacay gobolka Amhara ee meel kasta oo kale.” The post Tigray-ga oo lagu qaaday weerar jiho kasta ah appeared first on Caasimada Online.
-
ICJ oo War cusub ka soo saartay Dacwadda Muranka Xuduudaha Badda ee u dhaxeeya Somalia & Kenya Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in maanta 3:00PM ay soo saarto xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Labada dalba waxa ay sheeganayaan lahaanshaha 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal Badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal. Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee maanta 3:00PM aysan waxba iska beddelin REMINDER: the #ICJ will deliver its Judgment in the case concerning Maritime Delimitation in the Indian Ocean (#Somalia v. #Kenya) tomorrow, Tuesday 12 October 2021, at 3 p.m. (The Hague) https://t.co/DEmqUsl7m0. Watch live on @UNWebTV pic.twitter.com/hhnLtbRgZY — CIJ_ICJ (@CIJ_ICJ) October 11, 2021 Qaran News
-
Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dil xalay muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika, falkaas oo ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Liibaan Faarax Kheyre, waxaana lagu dilay agagaarka goobtiisa ganacsi oo ku taallay magaladda Queenstown gobolka Eastern Cape Ee dalka Koonfur Afrika. Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa meesha tegay, kadib dilka iyo booka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban. Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas. Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi. The post Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Nin Maraykanku Madaxiisa Dul-dhigay 5 Milyan oo Dollar oo la qabtay? Dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay madaxa maaliyadda ee ururka isku magacaabay dowladda Islaamka. Saami Jasim al-Jaburi, ayaa lagu qabtay hawlgal ay goob aan la shaacin ka fuliyeen sirdoonka Ciraaq, sida uu bartiisa Twitter ku shaaciyay ra’iisal wasaare Mustafa al-Kadhimi. Wuxuu intaa raaciyay in Sami oo sidoo kale loo yaqaan Xaaji Hamid uu ahaa kuxigeenka hogaamiyihii ururkaas ee uu Maraykanka ku dilay Suuriya sanadkii 2019, Abubakar al-Baghdadi. Maraykanka ayaa Saami madaxiisa dul dhigay lacag ah 5 milyan oo dollar, taasoo la siinayo cidda keenta xog lagu soo qaban karo ninkaas. Hay’adda FBI ayaa sheegtay in Sami uu udub dhexaad u ahaa maamulka maaliyadda ee ururka dowladda Islaamka, isla markaana uu dusha kala socon jiray dhaqaalo ururinta, iibinta shidaalka iyo macdanta kadib markii uu ururkaas qabsaday qeybo kamid ah Ciraaq iyo Suuriya sanadkii 2014. Warbaahinta Ciraaq ayaa ku warrantay in ninka la qabtay uu aad ugu dhawaa hogaamiyaha cusub ee ururka oo lagu magacaabo Amir Maxamed Saciid Cabdiraxmaan al-Mawla oo lagu bedalay Baghdadi. Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in hawlgalka lagu qabtay Saami uu ka dhacay gudaha Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaan ka hadlin arrinkaas. Horraantii sanadkan, dowladda Ciraaq ayaa shaacisay inay dishay hogaamiye ku xigeenka ururka dowladda Islaamka oo ay magaciisa ku sheegtay Jabir Salman Salax al-Cisawi. Ururka ayaa mar gacanta ku hayay dhul dhan 88,000 km2 oo ah min bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya, wuxuuna xukunno adag ku soo rogay ku dhawaad 8 milyan oo qof oo ku hoos noolaa. Inkastoo lagu jabiyay dagaalladii ka dhacay Ciraaq iyo Suuriya sanadihii 2017 iyo 2018, ayaa haddana waxaa la rumaysan yahay inuu weli kumannaan dagaalyahanno ah ku leedahay gudaha labadaas waddan. Wuxuu sidoo kale joogitaan muuqata ku leeyahay Afghanistan iyo Mozambique oo Afrika ah. Qaran News
-
Maxaa ka dhalan kara marka hilibka cas aad loo cuno? Dhibaatada ka dhalatay cudurka Gout Souleymane Sy wuxuu ahaan jiray shaqaale dowladeed, waxaa ku dhacay cudur la yiraahdo Gout kadib markii uu aad u cunay hilibka cas. Waa cudur horseeda in aashatada Uric ay ku badato dhiigga banii’aadanka taas oo keenta in maddada Purine ay gasho jirka. Maddada Purine waxay ku badan tahay cuntooyin uu kamid yahay hilibka cas. Hilibka cas waa halis Souleymane Sy wuxuu inta badan cuni jiray hilibka cas haatan waxaa gacantiisa ka muuqdaa barar isla markaana wey biyo gashatay. “Waxaan aad u badsaday hilibka cas, markasta oo aan shaqada ku jiray waxaan cuni jiray hilibka cas, waxaan tegi jiray kawaanka si aan uga soo iibsado kiilo hilibka cas ah, marka si aad ah ayaan u cuni jiray hilibka cas, haatan waxaan dareemay dhibaatadiisa” Mararka waxay ka shaleyn jiray in si aad ah aan u cuni jiray hilibka cas balse waxaa adag inuu iska joojiyo maadama dalka Niger si weyn looga isticmaalo hilibka cas gaar ahaan nooc dalkaas looga yaqaano Kilishi. Dr Alassane Amadou Seydou, Nigerien oo ka howlgala dalka Nigeria ayaa sheegaya in maddada Purine ee laga hela hilibka lala xiriiriyay cudurro kale. Hilibka Kilishi oo caan ka ah Niger “Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga” Wuxuu intaa ku daray in xanuunka haya ninkan sidoo kale lala xiriiriyay qaadashada badan ee dawooyinka sida kuwa lagu daweeyo qaaxada ama wadnaha. Souleymane wuxuu la daalaa dhacaya xanuunka uu kala kulmaya gacanta barartay xitaa uu habeenkii ka seexan la’yahay. Xanuunka Gout ragga kaliya ah kuma dhaca balse wuxuu sidoo kale ku dhacaa dumarka, waana mid si weyn u saameya xubnaha laabma ee jirka banii’aadanka sida jilbaha iyo gacmaha. “Wax kasta oo aan lahaa waan iibiyay” Xanuunka Gout wuxuu si weyn u saameeyay Souleymane, wuxuu iska iibiyay hantidiisa oo idil si uu caafimaad u helo. Dr Alassane Amadou Seydou wuxuu leeyahay xanuunka Gout waa mid la daweyn karo balse waa in qofka uu si weyn uga taxaddaraa cuntada uu qaadanayo iyo in si joogta uu adeegsado dawooyinka la siiyo. “Halkan Niger, dadka uu ku dhaca Gout waxaan kula talinaa inay iska dhaafaan cunidda hilibka cas iyo nooca hilibka caanka ka ah halkan ee la yiraahdo Kilishi si jirka banii’aadanka looga ilaaliyo in uu ku bato aashatada Uric” “Waxaan dadka kula talinnaa inay badsadaan isticmaalka qudaarta iyo miraha” ayuu yiri Dr Alassane Amadou Seydou. Qaran News
-
The African Union says it will extend and expand its military operations against Al-Qaeda-linked Islamists in Somalia to include other member states, as its current mandate nears an end on December 31. The Horn of Africa nation has faced renewed instability in recent months, with long-running election delays and an ongoing row between its president and prime minister sapping attention from an insurgency waged by Al-Shabaab jihadists. Despite the militants’ ouster from Mogadishu a decade ago, Somalia’s government controls only a small portion of the country, with the crucial help of some 20,000 soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM). AMISOM late Sunday said the AU’s Peace and Security Council had agreed to shift to a joint mission with the UN that would enable “other willing and interested AU Member States” to join operations against the Islamists. The plan will need to be endorsed by the UN Security Council and the government in Mogadishu. The AU expressed “grave concern at the worsening security situation in Somalia,” where there had been a “worrying resurgence” of Al-Shabaab activities. The militants regularly stage deadly attacks against civilian and military targets in the capital and elsewhere. The UN Security Council in March extended AMISOM’s mandate until December following fractious talks between Western countries and African members of the council over funding for the peacekeepers. Sunday’s AU statement asked the UN Security Council “to consider a technical roll-over of the AMISOM mandate, while discussions continue on the details and modalities for transition towards the post-2021 arrangement.” The statement also urged President Mohamed Abdullahi Mohamed, widely known as Farmajo, and Prime Minister Mohamed Hussein Roble to resolve their differences and “re-focus on concluding the overdue elections without further delay”. “The ongoing political stand-off between the Office of the President and the Office of the Prime Minister is contributing to the worsening security situation, as the political authorities find their attention distracted from governance matters,” the statement said. AFP The post African Union to broaden Somalia operations appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa ka dalbaday Faransiiska I ay ixtiraam u muujiyaan dalkiisa kadib murankii dhex-maray labada wadan. Algeria ayaa u yeeratay safiirkeeda Paris, waxayna hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha militari ee Faransiiska, oo ay si joogto ah ugu adeegsadaan howlgallada lagula dagaalamayo jihaadiyiinta gobolka Sahel. Tallaabooyinkaas ayaa daba socday muran ka dhashay dal-ku-galka Faransiiska oo laga xadiday muwaadiniinta Algeria iyo warbixino warbaahineed oo sheegay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay hadallo ka dhan ah Algeria. Macron ayaa lagu warramay inuu ku yiri dadkii farcmaya dagaal-yahanadii dagaalkii madax-banaanida Algeria ee 1954-1962 “Algeria waxaa lagu xukumay nidaam-siyaasadeed militari, oo gebi ahaan dib u qoray taariikhdeeda.” PUNTLAND POST The post Muran ka dhex aloosan Algeria iyo Faransiiska appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE President Kenyatta Holds Talks With UN Secretary General Antonio Guteress In New York The President, who is in the US on a two-day official visit, and the UN boss discussed several subjects of global importance NAIROBI, Kenya, October 11, 2021/ — President Uhuru Kenyatta on Monday held bilateral talks with the United Nations Secretary General Antonio Guteress at the UN Headquarters in New York. The President, who is in the US on a two-day official visit, and the UN boss discussed several subjects of global importance among them the security and humanitarian crises in Haiti and Ethiopia’s Tigray region as well as preparations for the forthcoming UN Climate Change Conference (COP26) in Glasgow, Scotland. On Ethiopia, the President and his host agreed to continue engaging the Ethiopian government and other actors in the internal conflict with a view of finding a lasting solution to the crisis. On the political and humanitarian situation in Haiti, the President and Mr Guteress resolved to continue rallying the international community to stand in solidarity with the people of the troubled Carribean nation as it navigates its way out of the current crisis. Once again, President Kenyatta affirmed Kenya’s commitment to the attainment of the UN Sustainable Development Goals (SDGs), and assured Mr Guteress of the country’s determination to continue working with his office in advancing the United Nations agenda globally. The President, who was accompanied to the meeting with Mr Guteress by Kenya’s Permanent Representative to the UN Amb Martin Kimani, will later on Monday witness the signing of a business pact between KEPSA and the Corporate Council on Africa, the largest umbrella body of US companies operating in Africa. On Tuesday, the Head of State will chair a UN Security Council session on diversity, state building and peace before participating in an International Peace Institute’s Global Leaders’ discussion on the UN Secretary General’s Common Agenda report. Kenya. SOURCE Presidency of the Republic of Kenya Qaran News
-
Islam warns its adherents against injustice and oppression. There are verses in the Quran that emphasize the fact that God eventually destroys oppressors and comes to the aid of the oppressed. The Pharaoh of the Exodus, believed to be Ramses II, is a good example. Ramses and his army drowned after they pursued the fleeing Israelis when God sent his prophet Moses to guide them across the Red Sea to the Sinai and rescue them from the oppressive Egyptians. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, gaar ahaan ganacsatada xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii, halkaas oo looga baqayo inay rabshado ka qarxaan. Talaadada berri ayaa lagu wadaa in maxkamadda ICJ ay soo saarto xukunka dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, go’aanka maxkamadda ayaa la saadaalinayaa inuu jiho kale u weeci karto xiriirka iyo wada-noolaashaha shucuubta iyo dowladaha labada dal. Waxaa laga baqayaa in banaanbaxyo xoog leh ay dhigaan dadka reer Kenya oo boob loo geysto ganacsiga Soomaalida ee Nairobi, hadii Soomaaliya loo xukmiyo badda, maadaama dadka Kenyaanka ah ay aad ugu han-weyntihiin sida Soomaalida in xukunka badda ay ku guuleystaan. Guddi ay ku mideysan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa caawa la kulmay guddiga amniga qaranka ee wadanka Kenya, waxayna kala hadleen khatarta ka dhalan karta hadii shacabku ka gadoodo xukunka maxkamadda. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah guddiga ganacsata Soomaalida ah ee ku nool Kenya oo caawa warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in kulankaas kadib ay dowladdu u balan qaaday inay diyaarineyso ciidamo boolis ah oo ka howlgala Islii. “Anagoo ah guddiga ganacsatada iyo guddiga amniga waxaan diyaarinay laamaha amniga, waxaa naloo soo dirayaa ciidamo boolis ah, si xaafadda Islii ay mudo 24-saac ah noola joogaan oo tallaabo ay ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta sharciga wadanka,” ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa dadka reer Kenya ka codsaday inay aysan berri dhigin wax banaanbax ama dabaal deg ah, cid kasta oo ay guushu raacdo, si looga badbaado isku dhacyo rabshado wata oo ka dilaaca dalka. “Arrintaan waa mid dowladda khuseysa, arrin shacab khuseysa maaha, waxaan ku war gelineynaa Soomaalida ku nool wadankaan Kenya, in wax ficil ah aysan sameyn, masaajidaan tagnay oo culumada ayaan kala hadalnay arrintaas in la demiyo oo wax ficil ah aan laga sameyn xukunkaas,” ayuu Maxamed Ismaaciil hadalkiisa ku sii daray. The post Cabsi xoogan oo ka jirta Islii iyo guddi shaaciyey tallaabo ay qaaday Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Covid-19 Reported Cases (11 October 2021) ADDIS ABABA, Ethiopia, October 11, 2021/ — Laboratory Test: 5,727 Cases: 525 Severe Cases: 735 New Deaths: 36 Recovery: 945 Total dose administered: 3, 899,358 Total: Laboratory Test: 3,557,710 Active Cases: 24,523 Total Cases: 355,001 Total Deaths: 6,026 Total Recovery: 324,450 Total Vaccinated: 2,973,677 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. Access Multimedia Content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Maxkamadda cadliga adduunka ICJ, ee fadhigeedu uu yahay dalka Holland ayaa shaacisay saacadda ay ku dhawaaqeyso kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo kenya. ICJ oo horay u shaacisay kadib dhageysiga dacwadda in 12 October ay go’aanka ku dhawaaqeyso ayaa maanta shaacisay saacadda ay go’aanka soo saareyso. Kiiskan oo shacabka Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan ayey maxkamaddu sheegtay in ay ku dhawaaqeyso beri galab marka saacadda geeska Afrika ay tahaya 3:00 galabnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay in la keeno ciidamo isku dhaf ah oo beddela AMISOM dhammaadka sannadka inkasta oo Soomaaliya ay ka soo horjeedo soo jeedintaas. Goluhu wuxaa uu ku sheegay war -murtiyeedkii soo baxay axaddii inay isku raaceen ikhtiyaarka 1-aad, ee ka mid mid ah soojeedintii ay soo saareen guddi Khubaro Madaxbannaan bishii Luulyo. Goluhu wuxuu go’aansaday inuu ‘ in la dhiso Hawlgalka Xasilinta Ballaadhan ee ee ay qeyb ka wada yihiin Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, oo la hoos geeyo Cutubka VII ee axdiga Qaramada Midoobay, “ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka qayb ahaan. Ururka Midowga Afrika, waxaa uu sidoo kale sheegayaa in qaab-dhismeedka isku-dhafan uu lagama maarmaan u yahay helidda maalgelin joogta ah, oo la saadaalin karo iyo hawgal waari kara mustaqbalka, lana marayo qiimeynta qaramada midoobey. Dhankeeda, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay iney kasoo horjeedo qorshahan iyada oo intaas raacisay in aan lagala tashan. Qorshahan oo u baahan meelmarinta golaha ammaanka ayaa la ogeyn sida ay Soomaaliya ka yeeli doonto haddii uu aqbalo golaha ugu awoodda badan caalamka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in lacag dhan $15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar) ay ka ceshatay Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, taas oo markii hore ay ugu tala gashay inay gaari ugu iibiso. Wasiir Khadiija ayaa sheegtay inay tallaabadaas go’aansatay markii ay aragtay sida Xildhibaan Barkhad uu uga hadlay dadkii sida qasabka ah ay Somaliland uga soo musaafurisay deegaanadeeda oo magaalada Laascaanood ay ugu horeyso. “Barkhad hadalkiisii waan dhageystay runtii waan la yaabay, laakiin kusoco ayaan ku leeyahay Barkhadow, hadii ay kula wacan tahay sidaas, ogaaw dadka Soomaaliyeed ee dadkaas aad ku diganeyso ay kasoo jeedaan, intii aan hiil iyo hoo kula soo gaarin niyadda ayey kaaga duceynayeen,” ayey tiri wasiir Khadiija. Sidoo kale wasiir Khadiija Diiriye waxay sheegtay inay aruurisay lacag $15,000 ah, taas oo 3,000 ay iyadu bixisay, inta kalena ay siyaasiyiin kale kasoo aruurisay, balse hadda waxay cadeysay in 3-deeda kun ay ugu deeqeyso dadkii laga soo tarxiilay Somaliland, 12-ka kun ee soo hartana ay dib ugu celineyso dadkii lahaa. Wasiir Khadiija oo gacanta ku heysa lagactaas shan iyo tobanka kun ah ayaa sheegtay in 6-da qof ee 12-ka kun ay ka soo aruurisay ay ku jiraan kuwo ehel la ah dadka uu Barkhad ku qancay in laga soo tarxiilo dhulkoodii. “Lacagtii aan kuu balan qaaday mid Akoonkeyga ku jirta maaheyn ee waxaan kuu balan qaaday inaan kaaga soo qaado dadka aan saaxiibada nahay, laakiin nasiib darro dadka aad dhibkooda ku faraxday ehelkooda ayaa lacagtaan bixiyey, aniguna waxaan damacsanaa in $20,000 aan kuu soo diro,” ayey tiri. Wasiir Khadiija waxay sheegtay in Barkhad ay u balan qaaday inay gaari fiican u gadeyso, kadib markii uu u sheegay in lacag ka badan 9,000 uu ku gaday gaarigiisii, si uu lacagtaas ugu caawiyo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, intii lagu jiray codeynta doorashadii uu ku soo baxay iyo haweenkii ay fooshu ku qabatay goobaha cod-bixinta. “Aniga 3-deyda kun waxaan ku wareejinayaa guddigii ay K/Galbeed u magacaawday samata-bixinta dadkaas, kharashka kalena dib ayaan ugu celinayaa saaxiibadii lahaa, adigana waxaan alle kaaga baryaa inuu xaqa ku tuso, ma awoodo R/Wasaaraha aan wasiirkiisa ahay inaan mushaarkiisa lacag ka mid ah kuu soo diro, sidoo kale saaxiibadii ila damqaday oo dad ku heyb ah qoysaska la dhibaateeyey ay ku jiraan, waxaan ka qaaday inaan kuu soo diro,” ayey tiri wasiir Khadiija Maxamed Diiriye. Ugu dambeynti waxay sheegtay in ka wasaarad gargaar ahaan wixii ay u awoodaan dadkaas ay maalmaha soo socda gaarsiin doonaan maamulka Koonfur Galbeed. Hoos ka Daawo The post Daawo: Khadiija Diiriye oo la noqotay lacag kumanaan dollar ah oo ay u diri laheyd Barkhad Jaamac Batuun appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, Ciise Maxamuud Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii saaka degmadaas ku dhex-maray ciidamo ka wada tirsan millateriga dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay degmada ayaa sheegay in Ciidamo ka amarqaata Taliyaha Guutada 4-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Saneey Cabdulle ay weerar kusoo qaadeen waax kamid ah waaxyaha degmada Kaaraan. “Saaka waxa uu dhib ka dhacay waax kamid ah degmada Kaaraan oo la yiraahdo Wajeer, waxaa soo weerary ciidan milateri ah oo uu xakumo taliyaha guutada 4-aad oo fadhigiisa uu yahay Gubadle,” ayuu yiri Guddoomiye Ciise. “Aniga ma aqaan millateriga waxa ay ka qabtaan magaalada Muqdisho gudaheeda, qaasatan degmooyinka gobolka Banaadir, milateriga waxaa loogu talo-galay xuduudaha ee magaalada gudaheeda looguma talo-gelin.” Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada millateriga ay boob ku hayaan dhulka degmada iyo Kaawooyinka, isagoona ka codsaday in Wasiirka Gaashaandhiga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inay arrintaas wax ka qabtaan. “Waxaa aad uga xumaha guddoomiyaha beesha Gubadley oo aheyn mansabkiisa waxa uu yiri Jagboynti noo yiilay ayaa waxaa soo weeraray degmada Kaaraan, anaga waxa aan xuduud leenahay uma yaalan Jagboynti, waxa la rabaa in la weydiiyo waxa loo dhigay Jagboynti-ga u dhigay beesha Gubadley.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalkii saaka uu waxyeelo badan gaarsiiyey dadka deegaanka, uuna ka dhashay dhaawac iyo dhimasho, islamarkaana uu sababay barkac hor leh. The post Daawo: Guddoomiyaha Kaaraan oo weerar ku qaaday Saney Cabdulle iyo beesha… appeared first on Caasimada Online.
-
Yasin Haji Mohamoud Hiir (aka Yaasiin Faratoon) A Member of Somaliland Parliament for Las Anod Dear Yasin, The forced displacement of more than 1,500 Somalis in the city of Las Anod is unprecedented in the modern political history of Somalia. Somaliland government justified the forced displacement on the pretext that victims whom Somaliland militias in Las Anod forcibly displaced are foreigners. They are not. You know. As the MP who represents Las Anod, your birthplace, in Somaliland Parliament, you have not so far denounced the crime committed against Somali citizens who lived and worked in Las Anod. Your silence is disheartening given your past experience as the director of an NGO working with refugees before 1991, and your past work with the Ministry of Local Government and Rural Development, a job that had given you the opportunity to devise development policies for resettlement districts ( gargaarka) for people affected by Dabadheer drought; your visit to Oxford as a visiting study fellow at the Refugee Studies Programme ( now Refugee Studies Centre) in 1988, where you had shared your experience of working with refugees. In 1991 you became an internally displaced person who fled to his birthplace. You should know it feels to become an internally displaced person. Your failure to stop or denounce the forced displacement of your compatriots is baffling, and may put you at risk for civil action or criminal lawsuit in the United Kingdom. Yasin Haji Mohamoud Hiir, a Las Anod MP in Somaliland Parliament, may face civil action or criminal lawsuit for the forced displacement of more than 1,500 Somali citizens in Las Anod. As a British citizen, you have an obligation to respect the four fundamental British values – democracy, rule of law, respect and tolerance, and individual liberty. What will your answer be to the question: Do you regard people whom Somaliland government forcibly displaced from Las Anod as foreigners? If your answer is ‘No’, why did you allow for the forced displacement of Somali citizens in your constituency? Silence is not an option. The right of the Somali citizen is protected under the international law. No political authority can justify forced displacement of people living in any part of Somalia. Your MP is the first person to face questions if forced displacement – God forbid – took place in the constituency of your host country. Your past career as educationist who co-authored history books for primary schools should have sharpened your sense of history and alerted you to any pollical misjudgement. Mohamed Abib, a brave and humane MP from Awdal had you in mind when he said in Borama last week: “Any person who failed to protect people who had sought refuge in his district is undignified.” I understand that Abiib will feel ashamed to sit alongside you in Somaliland parliament you if you stick with your silence over the forced displacement of Somalis in your constituency, Las Anod. I urge you to speak up for the victims of the forced displacement and make it clear that they are Somalis who have the right to live and work in Las Anod, and that Somaliland government committed a crime against vulnerable Somali citizens, and call for their unconditional return and restitution of their wealth looted by Somaliland militias in Las Anod. Yours sincerely, Liban Ahmad, United Kingdom The post An Open Letter to Yasin Haji Mohamoud Hiir appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shaaca ka qaaday Galmudug ay qorsheeneyso inay Ahlu Sunna ku qaado howlgal ciidan oo looga saarayo deegaanada ay haysato. Falagle ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo qorshahaas, oo uu ku sheegay inuu yahay mid amni oo aan saxaafadda lala wadaagi karin. “Arrinta Ahlu-Sunna, deegaanka nidaam ayuu leeyahay, sharci ayaana noo degsan, qorshe ciidan ayaa jira mana sheegayo,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle. Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay inay meel wanaagsan marayaan howlaha doorashooyinka ee Aqalka Sare iyo Golaha Shcabka ee maamulkaas, islamarkaana aysan waxa saameyn ah ku yeelan doonin xiisadda maamulka kala dhaxeysa Ahlu Sunna. “Howlaha doorashooyinka meel wanaagsan ayey marayaan, Galmudug maamul ayey leedahay, khilaafka kala dhaxeeyo Ahlu Sunna wax saameyn ah kuma lahan doorashooyinka, waxaana rajeenayaa in dhawaan ay xiisadda dhammaato,” ayuu yiri Falagle. Halka kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli ay Galmudug qorsheeneyso inay weerar ku qaado magaalada Guriceel oo ay dhawaan qabsaday Ahlu Sunna, kadib markii Qoor Qoor uu diiday inuu wada-hadal la galo kooxdan. Madaxda Ahlu Sunna ayaa si weyn u adkeeyey gacan ku heyntooda Magaalada Guriceel, waxayna magaalada ka sameysteen dufeyso ciidan, ayada oo maleeshiyo badan ay ku biireen koxoda si ay u xoojiyaan. Magaalada Guriceel ayaa waxaa isaga qaxay inta badan dadkii shacabka ahaa ee halkaas daganaa kadib markii ay guul-dareysteen isku day lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo Ahlu Sunna iyo Galmudug. The post GALMUDUG oo shaacisay inuu socdo qorshe ciidan oo ka dhan ah AHLU-SUNNA appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Private Investment in Africa is Exceeding Expectations in 2021, According to New AVCA Report This is according to the 2021 H1 African Private Equity Data Tracker released by the African Private Equity and Venture Capital Association (AVCA) LONDON, United Kingdom, October 11, 2021/ — Despite widespread decline felt by most economies across the globe, private equity fundraising in Africa has already managed to reach US$1.3bn for the first half of 2021, when including final and interim closes. Mirroring the gradual stabilisation of Africa’s macroeconomic environment is the African private equity (PE) industry, which continues to prove itself and is once again on a growth trajectory. This is according to the 2021 H1 African Private Equity Data Tracker released by the African Private Equity and Venture Capital Association (AVCA). The report revealed that North Africa and West Africa jointly attracted the largest share of PE deals by volume, at 23% each. Multi-region deals attracted 50% of deal value for the first half of the year. The data tracker provides a provisional look at half year PE activity in Africa, which AVCA CEO, Abi Mustapha-Maduakor, believes is particularly salient in these times of economic uncertainty and focused recovery. “Private capital remains fundamental towards sustained economic recovery in Africa. Although the first half results still show the lingering effects of the pandemic, we are pleased to see such levels of deal activity which is testament to investors’ resolve and commitment to supporting growth and scaling of businesses in Africa.” Even though growth forecasts remained muted at the beginning of 2021, this was due to several African countries understandably grappling with persistent outbreaks of COVID-19, along with the cascading healthcare crisis and resulting socio-economic restrictions. AVCA Head of Research, Nadia Kouassi Coulibaly, says Africa’s economic recovery is exceeding expectations. “Although the IMF predicted sub-Saharan African growth would be moderate to average at around three percent in 2021, the current numbers prove the resilience of African economies, which has been demonstrated during the pandemic.” The first half of 2021 saw 120 reported deals to the value of US$2.1bn concluded on the continent. Financials, Consumer Discretionary, Industrials and Information Technology rose to the top, attracting the greatest investment and accounting for more than half (72%) of the total deal volume in the first half of 2021. Financials demonstrated a marginal increase accounting for 24% of the total deal volume and value reported in 2021 H1, from 20% and 21% in 2020 H1 respectively. Within Industrials, the majority of deals in terms of volume and value were in Transportation with 37% and 77% respectively. According to Nadia Kouassi Coulibaly, investment activity has also regained momentum. As an example, she points to a large deal within the Industrials sector which saw US$250mn invested into drone delivery startup, Zipline, by a consortium of investors including Emerging Capital Partners. AVCA CEO, Abi Mustapha-Maduakor, believes this growth and almost unexpected flourishing of PE activity solidifies the need for AVCA, as the authoritative voice for private investment in Africa, to provide accurate industry activity data . “We will continue to provide the vital data to support investors’ decision making as they drive more capital into Africa. The findings in this report tell a positive story about private investment in Africa, and we are proud to play an important role in supporting businesses driving Africa’s long-term economic growth,” she concludes. SOURCE African Private Equity and Venture Capital Association (AVCA) Qaran News
