Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. "We didn't kill you in Somalia and now you have freedom in the UK, but we will silence you on Facebook" - this warning was given to a UK-based Somalia-born women's rights activist. Source: Hiiraan Online
  2. Minnesota (Caasimada Online) – Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo aheyd labo jir Soomaali ah, isla-markaana la weysanaa 18-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu dambeyn meydkeeda laga helay haro biyo ah oo ku taalla magaalada Edina ee gobolka Minnesota. Booliska Edina oo si weyn uga qeyb-qaatay raadinta Ikhlaas ayaa xaqiijiyey geerida gabadhaasi, waxaana Booliska uu sheegay in meykeeda laga helay agagaarka barxada lagu ciyaarsiiyo caruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay qoyskeeda. Sidoo kale taliyaha booliska ee magaalada Edin ayaa tacsi u diray ehellada gabadha yar, isaga oo tilmaamay inay la xanuunsanayaan. “Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne. Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo labo sano jir aheyd ayaa sidoo kale la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan qoyskeeda. Dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa iskugu yimid kulan duco ah, si ay tacsiga iyo xanuunka ula wadaagaan ehellada gabadha yar. Minnesota waa gobolka ugu waraha badan ee dalka Mareykanka waxaana sanadkan biyaha ku geeriyooday 26 qof, sida ay shaaciyeen waaxaha booliska ee magaalooyinka dalkaasi The post Labo jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay gobolka MINNESOTA appeared first on Caasimada Online.
  3. A village in Somalia has banned tree cutting as a way of protecting the environment, and anyone found cutting down any tree is expelled from the community immediately. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - The cracks in Somalia's national executive continue to widen on Tuesday as both the PM and President issued new competing directives and appointments. Source: Hiiraan Online
  5. Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban? Hoggaamiyaha dowladda cusub ee kooxda Taliban ay soo dhistay Maxamed Xasan Akhund, waxuu muddo dheer madax u ahaa golaha ugu awooda badan ee hogaanka ama shuurada ‘Rahbari Shura’ ee Taliban, waxuuna ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Taliban sanadkii 1990-kii. Sababta uu Mullah Akhund awoodaan dheeriga ah ku helay ayaa ah inuu aad ugu dhawaa asaasihii ururka Taliban Mullah Mohammed Omar iyo in uu ka soo jeedo Kandahar oo ah magaaladii lagu aas-aasay kooxda Taliban. Hoggaamiyahaan ayaa waxa uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobey, kaas oo lagu daray markii lagu eedeeyey in uu xiriir dhow la lahaa, sidoo kalena uu la taliye arimaha siyaasadda u ahaa hogaamiyihii hore ee Taliban Mullah Omar. Akhund waxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Pashtuga oo aad ugu awood badan dalka Afghanistan, waxuuna ku abtirsadaa ninkii dhidibada u taagay Afghanistan, Ahmed Shah Durrani oo isagu aas-aasay Afghanistanta, qarnigii 17-aad. Taas ayaana ka dhigeysa in uu awood ballaaran ku yeesho ururka dhexdiisa uuna noqdo mid ay aad u qadariyaan hohgaanka sarsare ee Taliban. Dadka wax falanqeeya ayaa u arka Akhund oo lagu qiyaaso inuu kor u dhaafay da’aada lixdameeyada, nin siyaasadda aad ugu janjeera, marka loo barbar dhigo xagga diinta. Sidoo kale mudada uu madaxda u ahaa golaha hoggaanka waxay fursad u siineysaa in uu awood ku dhex yeesho ciidanka. Qaran News
  6. Ra’iisul-wasaare Rooble oo ganafka ku dhuftay Magacaabidii Farmaajo+Weerar culus oo uu ku qaaday Farmaajo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ku aqbalay shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, uguna magacaabay xil cusub. Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. Qaran News
  7. Farmaajo oo u Magacaabay Taliye cusub Ha’yada Sirdoonka Somalia+Taliyihii hore Fahad Yassin oo uu xil cusub u magacaabay WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan; Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD Qaran News
  8. Taalibaan oo ku dhowaaqday Gole Wasiiro + Magacyada Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay. Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani. “Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid. “Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.” Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda. Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas. Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen. Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas. Qaran News
  9. Ra’iisul Wasaare Maxmed Xuseen Rooble oo ka jawaabaya magacaabistii madaxweyne Farmaajo ayaa faray Agaasimihii uu KMG ugu magaacbay hay’adda NISA in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa. War-saxaafadeed ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu baahiyay warbaahinta dowlaadda ayaa lagu sheegay in qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu weli daba socdo mas’uuliyadihii uu wareejiyay ee doorashooyinka iyo amniga. Sidoo kale Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Madaxwayne Farmaajo ku tilmaamay kuwa lagu carqaladaynayo gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo sida uu sheehay horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan kiiskaas. Rooble ayaa markale faray xeer-ilaalinta iyo maxkmadda ciidammada qalabka sida in ay dardargaliyaan hawlaha baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax, si degdeg ahna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Ra’iisul Waasare Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahaayeen doorashooyinka dalka, isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. PUNTLAND POST The post Rooble muxuu ka yiri magacaabistii uu sameeyay Farmaajo? appeared first on Puntland Post.
  10. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa laga masaxay/tirtiray wareegtadii magacaabista ee madaxweyne Farmaajo. Bogga Facebook-ga ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo markii hore lagu daabacay qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa isla markiiba laga tirtiray. Sidoo kale qeybaha kale ee baahineed ee dowladda sida Sonna iyo Radio Muqdisho ayaa baahin qoraalka uu madaxweyne Farmaano ku magaacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, Kusimaha NISA iyo Agaasimaha Madaxtooyada. Shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa amar lagu siiyay in aysan baahin wareegtada madaxweyne Farmaajo, halka kuwii xafiiska madaxweynaha qaabilsanaa lagala noqday doorkii ay lahaayeen, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda oo hoostaga wasaaradda warfaahinta ayaa waxaa saameeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dalka. Qoraalka Farmaajo ee laga masaxay SNTV PUNTLAND POST The post Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ku aqbalay shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, uguna magacaabay xil cusub. Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Hoos ka aqriso qoraalka Rooble Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha. Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas. Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh. Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax. Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah. The post Rooble oo ka jawaabay tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo, weerar culusna ku qaaday appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baal-marsan dastuurka iyo sharciga dalka ud egsan. Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay agaasimihii hore eee NISA Fahad Yaasiin, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu shaqo ka-joojin ku sameeyey. Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii wuxuu Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali. “Goluhu wuxuu u arkaa go’aanadaas inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo cadaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lagu xagal-daacinayo doorashooyin daah-furan, waqtigooduna ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta. Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka. “Goluhu wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqayaa inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,” ayey yiraahdeen. The post Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalkii dikreetada ahaa ee caawa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga mamnuucay warbaahinta Qaranka, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale weriyaasha warbaahinta Qaranka u qaabilsan Villa Somalia ayaa laga saaray seddaxda Page ee SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka warfaafinta faray in warbaahinta dowladda laga joojiyo wararka ka soo baxaya Villa Somalia, waxaana amarka bixiyey wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo fulinaya amarka ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa sidoo kale laga saaray dhammaan wixii admin ah oo uu ku lahaa bogagga warbaahinta qaranka ee facebook iyo baraha kale ee bulshada. Tallaabadan ayaa ka dhiggan in warbaahinta qaranka ay gacanta ugu jirto ra’iisul wasaare, xilli ay muuqato in dalka uu galay loolan awoodeed, oo u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo, taasi oo sida muuqata ay qasab tahay in lagu kala adkaado. Waxay sidoo kale muujineysa in sii xirmayaan albaabada Farmaajo, oo dhowr qof oo faro ku tiris ah kaliya ay ka taageersan yihiin dowladda. Wararka ayaa sheegaya in wasiirka warfafainta Dubbe iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada ay taageersan yihiin ra’iisul wasaare Rooble. Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa la-taliyihiisa amiga qaranka u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo Ra’iisul wasaare Rooble uu dhawaan xilka ka qaaday. Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii caawa Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana sida muuqata uu Farmaajo xasaanad uu isku difaaco u raadinayaa Fahad Yaasiin oo loo heysto dilka iyo afduubkii Ikraan Tahliil, balse Farmaajo ayaa dadaalkiisa isugu geynaya in la baabi’iyo kiiskaas. Kulan lagu dhex-dhaxaadinayey oo maanta ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo Rooble ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii uu Rooble ku adkeystay in xil ka xayuubintii Fahad Yaasiin, magacaabidiisii taliyaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe iyo baaritaanka kiiska dilkii Ikraan Tahliil. The post Qoraallada Farmaajo oo laga mamnuucay warbaahinta DF appeared first on Caasimada Online.
  14. Fahad (bidix), Farey (dhexda) iyo Cabdisaciid (midig) Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii la sheegay in uu iska casilay agaasimihii NISA. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir si KMG ah ugu magacaabay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Cabdisaciid Muuse Cali ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka 18-ka Sebteembar 2021, si looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo xil cusub loo magacaabay iyo NISA oo markale Agaasime KMG ah loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
  15. Somaliland government handed over a dumper truck that was allegedly stolen from the neighboring country of Ethiopia on Sunday. Nissan Diesel with a registration number 07221 SM was stolen from Jigjiga, the administrative seat of Ethiopia’s Somali region and recovered by Somaliland police force. Police officers on-duty at Ma’alin Harun police station in Hargeisa, Somaliland capital seized a dumper truck without a registration number at around 2 a.m. The police force of Somaliland launched an investigation which lasted for a period of two months. A businessman who is from Ethiopia’s Somali region showed up at Marodi Jeh regional governor office and had access to all the vehicle circulation license. Ethiopia, Somaliland signed a cooperation agreement, aimed at maintaining prevailing peace and security along common borders. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin, sidoo kale Farmaajo ayaa hey’adda NISA u magacaabay Taliye kale, halka madaxtooyadana uu u magacaabay Agaasime guud. Qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacaabay la-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii uu iska casilay xilkii hoggaanka NISA, sida lagu sheegay dikreetada Farmaajo. 18-ka bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo shir isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka, si buu yiri looga hor jeediyo warbixinta laga dalbaday NISA. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan ka soo baxay Villa Somalia Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan: Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. DHAMMAAD The post DEG DEG: Farmaajo oo xilal cusub u magacaabay Fahad Yaasiin iyo xubno kale, shirna iclaamiyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Runtu Ma Fantaa-Dimoqoraadiyadu Doorashada keliya maaha Amb. Adam Muse Jibril Doorashadii Somaliland ka dhacday 31/5/021 waxay ku soo dhammaatay guul wayn oo u soo hoyatey Somaliland, taas oo ku soo biirtay guulihii hore, siina xoojisay iftiinka Geedi-socodka dimoqoraadiada iyo horumarka Somaliland, iyo guud ahaan tan Geeska Africa. Sidaas ooy tahay, haddana waxaa kaloo soo baxay god-daloolooyin halis ah oo loo baahan yahay in lagu eego aragti aan ku-danaysi iyo kursi-doon ku salaysnnayn, balse loo maro hanaan Daacadnimo iyo Xeel-dheeri ah, kana bilaabmaysa dib u eegid iyo qiimayn looga jeedo ogaanshaha dhaliilaha ka soo baxay waxii la soo maray ee in la daboolo u baahan. Dhalliisha ugu darran ee ka soo if-baxday Geedi-socodkii dimoqoraadiyada Somaliland waxaa lagu soo koobi karaya Fashalkii ku dhacay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland guud ahaan, iyo gaar ahaanba: Xisbiyada siyaasadda Somaliland waxay nuxur ahaan ku dhismeen reernimo ama reero is-garabsada, taas oo la xidhiidha maqnaanshaha aragti siyaasadeed iyo qorshe qaran oo horseed u ah (lack of National political doctrine) oo sababtay inay ka xoroobi waayaan Xayndaabka reernimada una gudbi kari waayeen xisbiyo qaran oo magaca dhaafsiisan. Haddaba, su’aashu waxay tahay; sidee Xisbiyada siyaasadda Somaliland uga gudbi karaan Xayndaabka reernimada una kasban karaan kalsoonida reeraha kale iyo bulshooynka kale ee Somaliland, haddaba, si taas loo helo waxaa baahi wayn loo qabaa in: 1- In Madaxda Xisbiyada siyaasaddu horumarinta Xisbiyada u adeegsadaan adduun-arag isbeddel doon ah (Reform oriented National thinking) oo ku dhisan waayo-argtida iyo aqoon-wadareedka Adduunwaynaha heerka uu maanta gaadhsiisan yahay, taas oo ah waddada keliya ee loo sii marayo ogaanshaha marba waxa ka dhiman dhamays-tirka qore-qarameedka, ugu horreyso qorshe-Xisbiyeedka lagu hormarinayo dhismaha xisbiyada (Party Building Strategy). 2- In la ballaadhiyo aagga aragtida lana derso waxa Afrika ka jira dhinaca dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo xilkoodu yahay xaqiijinta ujeedada ah ka gudubka kala qaybsanaanta bulshada Afrika ee reernimada ku salaysan oo loogu gudbi lahaa heerka ummadnimmada. Taasi waxay iman karta haddii la higsado siyaasad isbeddel-doona oo ku salaysan geedi-socod joogtaysan oo ka bilaabmaya in la helo qaab Xisbinimo qaran, Caddaalad, iyo dimoqoraadiyad ku dhisan. 3-Xisbigu waa in uu yahay xarun cilmiyeed (School of Thought) iyo ilaaliyaha Xuquuda dadka dalka oo dhan kana reebanaada mid u taagan xuquuqda reer keliya ama koox qudha, taas beddelkeeda waa inuu xisbigu yahay mid u taagan danta dadka dalka oo dhan. Sidaas darteed, waa in xisbigu daafacaa xuquuqdda bulshada nugul ee reernimadu hadhaysay, sida bulshooyinka laga tirada badan yahay, dumarka, iyo xuquuqda shaqaalaha noocydiisa kala duwan. Xisbina ma gudan karo xil ku dhisan dimoqoraadiyad haddii aanu isaga naftiisu ahayn xisbi dimoqoraadi ah oo go’aannadiisa lagu gaadho qaab wadareed (Collective, Bottom-up based institutional manner) oo ka fog nin-toocsi iyo keli-talis-nimo. Go’aamada xisbigu waa in aanay noqon kuwo dadka korka kaga yimaada, balse noqdaan kuwo ka yimaada hoos-iyo korba. 4-Shaqaaluha iyo loo-shaqeeyuhu waxay leeyihiin xuquuq siman, oo ay tahay in ay isu dheelitirmaan, Sidaas darteed, waa in xisbiyadu yihiin kuwo u taagan xuquuqda maqan nooc kasta ooy tahayba. Waxaa kale oo loo baahan yahay in xisbiyadu dhiirri-gelyaan abuuritaanka iyo horumarinta uruurrada Bulshada (Trade Uinions) si xisbigu u helo taageerada uruurrada Bulshada halkii uu ku tiirsanaan lahaa tageerada reernimada keliya, si xisbigu ugu muuqdo xisbi Qaran. 5-Isku-dheelitirka danaha beelaha Somaliland xagga ka qayb-galka maamulka dawladnimada iyo u sinaanta dhaqaalaha oo ah mabda’a dhextaalka u ah deganaansha, nabdadda iyo dhismaha qaranka, taas oo la’aanteed aanay dimoqoraadiyada iyo Caddaaladi jiri karin. Haddaba Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay lahaadaan qorshe qaran oo ku aaddan daboolidda tabashooyinka beelaha darafyada oo ah tan saldhigga u ah dhamaystirka Qaranimada Somaliland. 6-Xisbiyada Qaranka Somaliland waa muhiim inay ogaadaan waxa ka jira Afrika iyo adduunka iyo hanaanka Xisbyada dimoqoraadiga ahi u shaqeeyaan iyo waayo-arragtida ah in dalna aanu noqon karin dimoqoraadi haddii aanu ka jirin xisbiyo dimoqoraadi ahi. Dalalka Afrika ee ay ka hirgaleen xisbiyo hanaqaaday, kuwaa soo xisbiyada Somaliland wax badan ka barran karaan, waxa ka mid ah Suudan, Koonfur Afrika iyo Senegal, iwm. Kuwaas oo ay Xisbiyada Somaliland xidhiidh sokeeye la samaysan karan, si ay wax uga bartaan, ugana korodhsadaan. Ceeb maaah inaad wax bartid, balse waxa ceeb ah inaad waxba baran waydo. Adan Muuse Jibriil Qaran News
  18. Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan in muranka ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu abuuro xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeesha hannaanka doorashada dalka iyo habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed wadajir ah oo Beesha Caalamka soo saartay ayey madaxda Soomaalida ugu baaqeen in ay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaanka kiiska Ikraan iyo sidoo kale in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka. Sidoo kale Beesha Caalamka waxay codsatay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada, iyada oo aan dib u dhac kale dhicin. War-saxaafadeedka waxaa soo wada saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aad u xoogeystay digniinta ka soo baxeysa xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, taasoo ku aadan in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in weerarada qaraxyada ah eel aga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa ajnabiga ah ayaa sheegay in weerarada ay ka dhici karaan xarumo dowladeed, hoteelo, maqaayado iyo goobaha dadka isugu yimaadaan, sida garoomada kubadda cagta. Sidoo kale digniinta la soo saaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Muqdisho ay soo galeen tobaneeyo dagaalame oo ah kuwa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka toogashada ah ee madax-jebinta loo yaqaano. Kooxdaan ayaa la sheegay in badankood ay ku suganyihiin degmooyinka kor ka jira wadada 30-ka, waxayna ka fakirayaan sidii ay uga soo gudbi lahaayeen aagga xiran ee ka korreeya jidka Wadanaha maadaama ay wataan gaadiid isugu jira mootooyinka dhug dhugleyda iyo mooto Bajaajta, halka qaarkoodna ay gaadiid wataan sida ay xogtu sheegeyso. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaba cabsi badan oo dhanka ammaanka ah, halka qaarkoodna ay u arkaan cabsi gelin iyo mowduuc lagu daminayo xiisada kiiska Ikraan Tahliil. Hay’adaha amniga ayaa xilligan aad u dayacan, ayada oo hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA ay hareysay fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, taasi oo keentay in shaqo ka-joojin lagu sameeyey agaasimihii hay’adda Fahad Yaasiin. The post Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey kulan is-cafis ah oo siyaasiyiinta reer waqooyi ee Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay kala hoggaaminayeen ay galabta ku qabsadeen Muqdisho ayaa u balan qaaday inuu ka hor istaagi doono cid kasta oo isku dayda inay ku sameyso boob doorasho. Rooble ayaa sheegay inuu kulankaas u soo watay Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar oo sida uu sheegay uu kalsooni ku qabo, isagoo siyaasiyiinta reer waqooyi u balan qaaday inuu u soo diri ciidanka ay ku kalsoonyihiin, sida booliska dalka ama AMISOM, si looga hor tago boob doorasho. “Waxaan diyaar u ahay inaan inka celiyo halaqa, dawacooyinka iyo dhurwaayada geesihiina taag-taagan, nidaamkiina raaca cid idin soo faro-geli karta ma jirto, anigana diyaar ayaan idiin ahay har iyo habeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay laga gudbi doono, isla markaana aysan jirin cid loo xanibnaanayo. “Waxaan u cadeynayaa shacabka mas’uuliyadda idinkaa noo dhiibtay idinkaan idiin shaqeynaa, qof kasta oo siyaasi ah oo dalkaan mustaqbal ka leh, waxaan u sheegayaa, inuu u hoggaansamo baahida shacabka, cid awooda si qaldan ugu takri fali karta ma jirto, horaa loo soconayaa, shacabku waa tashadeen, intaas la socda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Waxa uu sheegay in shaqada ugu horeysa oo uu qabanayo ay tahay doorashada kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, “Hadii ay daahdo idinkaa daahiyey hadii lagu dhaqsadana idinkaa dedejiyey ee soo diyaar garooba,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulankaas is-cafiska ahaa ka sheegay in habeeno badan uu u dhafray sidii uu u dhameyn lahaa khilaafkii siyaasiyiinta reer Somaliland. “Walaalahey reer Somaliland waxaan idinkula dardaraamayaa, hadii dowladda soo socta ay dhalato fadlan ku dadaalla inaad habraac sameysataan oo mar dambe aan la idin soo faro gelin, xaq maaha in qolo kasta markii ay xukunka qabsato la idinku wareero, tashada oo bilaha ugu horeeya nidaam degsada, si afar sano kadib aad doorashada ugu gashaan,” ayuu yiri RW Rooble. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muxuu Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey? appeared first on Caasimada Online.
  21. Beesha caalamka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Kiiska Ikraan Tahliil, oo aheyd sarkaalad ka tirsan ciidamada NISA. War ka soo baxay Saaxiibada Caalamka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda Kiiska Ikraan, iyadoo ay Safiiradu sheegen in kiiska Ikraan uu abuuro khilaaf siyaasadeed oo cusub. “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Beeshaa Caalamka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay waxa lagu booriyay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan fal kasta oo Rabshad keeni karo “Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. War-saxaafadeedka ka soo baaxay Saaxibada caalamka ayaa loogu baaqay in laga wada shaqeeyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.” ayaa lagu yiri markale qoraalka ka soo baxay Beesha caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyey khilaafka Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil, waxayna madaxda ugu baaqeen inay xiisadda dejiyaan oo diiradda la saaro doorashooyinkii socday. Qoraalkaan ayaa lagu amaanay hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna beesha caalamku cadeysay inay taageereyso in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena dib dhac dambe laga dhowro dhamaystirka doorashada dalka. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran Muqdisho, 7 Sebtembar 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin. * Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. The post DEG DEG: Beesha Caalamka oo war kasoo saartay kiiska Ikraan iyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.