Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay Itoobiya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad ula yaabay go’aanka dowladda Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka ceyriso toddobo saraakiil sarsare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay. Guterres oo cambaareeyay tallaabadan ayaa sheegay inay ku soo aadeyso laba maalmood kadib markii madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffith uu sheegay in boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolka Waqooyi ee Tigray ay u badan tahay in macluuli ay soo foodsaarto. Aqalka Cad iyo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabada ay qaadday dowladda Itoobiya. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa go’aanka Itoobiya ay ku erisay toddoba sarkaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo shaqadoodu ay muhiim u tahay gargaarka bani’aadamnimada. Maraykanku wuxuu ku baaqayaa in go’aankan la noqdo. Kama labalabeyn doonno inaan si adag uga jawaabno tallaabadan” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken. Toddoba sarkaal, oo ay ku jiraan madaxa UNICEF iyo madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa la siiyay 72 saacadood inay dalka uga baxaan, kaddib markii xukuumadda Itoobiyada ay sheegtay inay “faragelin” ku sameeyeen arrimaha gudaha ee dalkeeda. Qaran News
  2. Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen magaalada, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah. Ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay Magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka deegaanka Godwiil oo ay saakay soo gaareen. Waxaa Magaalada isaga baxay ciidamo booliska ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tiro badan oo ku faraxsan in Ahlu Sunna ay dib ula wareegto Guriceel. Ciidamada Ahlu Sunna ayaa gudaha u galay dhammaan xarumaha kala duwan ee Magaalada sida Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka . Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug & saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin tallaabadaan Ciidamada Ahlusunna ay kula wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku wajahan Guriceel, sida Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan. Macali Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir ayaa dabayaaqadii September-2021 waxa ay ciidan ku aruurinayeen deegaanka Bohol oo ka tirsan Dhuusamareeb iyaga oo iskudeyaya in ay qabsadaan mar kale Galmudug. The post Ahlu Sunna oo la wareegtay gacan ku heynta Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  3. Yuhuudigii ugu danbeeyey ee hayey Macbadka Yuhuuda oo iskaga Huleelay kaabul,Israel-na ugu baaqey inaaney aaminin Maraykan+Sababta Zeblon Simintov wuxuu ku dul aqrinayaa kitaabkiisa qabri uu dul joogo Zeblon Simintov, oo ah nin 62 sano jir ah, dhalasho ahaanna ka soo jeeda magaalada Herat, oo ah qofkii ugu dambeeyay ee Yahuud ah ee ku haray Afgaanistaan, ee haatan dalkaasi isaga baxay, ayaa dhaleeceeyay ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Afghanistan, inkastoo uu sheegay in uu damacsan yahay inuu u guuro Mareykanka, haddii saamaha iyo duruufaha u saamaxaan. Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, Simintov, kaas oo daryeeli jirey macbadka Yuhuudda ee magaalada caasimadda Kabul, ayaa u sheegay idaacadda Israa’iil ee Kahn, in noloshiisa ay halis gashay ka dib la wareegistii Taalibaan ee Afgaanistaan. Wuxuu tilmaamay in fursadda keli ah ee uu haystay ay ahayd in uu dalkaas isaga guuro. Waxay wararka sheegayaan in ninkaas oo Afghanistan ka sii kaxeystay qaar ka mid ah dadkii deriska la ahaa. Taas waxay ahayd shardigii uu ku xiray in uu Kabul ka baxo, wuxuuna aaday dalkale oo deris la ah Afghanistan. Wareysiga, wuxuu aad ugu dhaleeceeyey “fowdada” ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistan, isagoo yiri: “Waxaan u sheegayaa dowladda Israa’iil iyo dadkeedaba in aysan aaminin Mareykanka.” Wuxuu intaa raaciyey in Mareykanka iyo beesha caalamka ay “dhiig ku daadiyaan” Afghanistan, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen inay nabad ku soo dabaalaan dalkaas. Marka laga hadlayo masiirka macbadka Yahuuda ee Kabul, wuxuu rumeysan yahay ninkani in ururka Taalibaan aysan burburin doonin macbadkaas, oo dhismaha uu ahaan doono sidiisa. Zeblun ayaa tukanaya, halka saaxiibkii oo Muslim ahna uu isna tukanayo Wareysiga ayuu ku yiri: “Mareykanka iyo beesha caalamka, dhiig ayey ku daadiyey Afghanistan. Nabad ma aysan keenin, waxeyna muwaadiniinta uga tageen xaaladdan aad u cakiran”. Wuxuu ku baaqi noqday ama ku nagaadey dalka Afghanistan kolkii hore ee ay ururka Taliban xukunka la wareegeen ee sannadkii 1996-dii, laakiin wuxuu sheegay in ay jirdil u geysteen. Sida muuqata waxaa hadda looga digey in dad Masiixiyiin ah ay kuwa xagjirka ah ee Taalibaan ama IS, ay isku dayi karaan inay dilaan. Waxa uu warbaahinta u sheegay inuu qorsheynayey inuu u guuro dalka Mareykanka. Nolosha iyo aayatiinka halka ay ku danbeyn doonaan Yuhuuddii u dambeysay ee Afghanistan, waxaa mar walba tabinayay warbaahinta, 20-kii sano ee la soo dhaafay. Ka dib markii la aasaasay dawladda Israa’iil 1948-dii, qiyaastii 5,000 oo Yuhuudda Afgahnistan ah ayaa ka qaxey dalkaas, waxayna u guureen Israa’iil. Qaar kale waxey ka tageen Afghanistan sannadkii 1979-kii, ka dib duulaankii Midowgii Soofiyeeti. Haatan macbadkani waa midka kaliya ee kusoo harey magaalada Herat Magaalada Kabul iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Afghanistan, oo ay ku jirto Herat, waxaa weli lagu arki karaa astaamaha Macbadyada Yahuuddo, iyo goobaha kale ee cibaadada, iyo astaamaha qaar ka mid ah bulshada Yuhuudda Afghanistan. Magaalada Herat waxay ka mid ahayd xarumaha xudunta u ah xadaaradihii Yuhuudda ee Afghanistan, taas oo soo jirtay mudo 1500 oo sano ah. Qabuurahan waxay ka mid yihiin kuwa ugu qadiimsan magaalada iyo dhowr goobood oo cibaado ee Yahuudda. Goobahaas cibaadada ayaa wali ka taagan magaalada Herat. Qoraalka sawirka,Kani waa xabaalaha kaliya ee Yuhuudda ee kusoo harey magaalada Herat Qoysaskii ugu dambeeyay ee Yuhuudda waxay magaalada uga amba baxeen Israa’iil afartan ilaa konton sano ka hor muddo laga jooggo. Waxaa maanta Herat ku haray waa xabaalo iyo afar macbad. Macbadka Yuha, waa midka kaliya ee Herat, ee loo dhowray qaab macbad ahaan ah, waana dhaxalka kaliya ee ay Yuhuuddu ku haysato magaalada Kabul iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale, oo ay ku jiraan Herat halkaas oo muddo jiilal ah ay ku soo noolaayeen. Qaran News
  4. Xiisad adag aya ka taagan magaalada girceel ee gobolka galgaduud ka gadaal markii Ciidamo taabacsan Sheekh shaakir ay gudaha uso galeen qeybo kamid ah magaalada. Ciidamadan oo kaso ruqaansaday deegaanka Bohol oo shalay ay kula dagaalameen ciidanka Galmudug iyo kuwa xoogga dalka aya duhurnimadii maanta soo gaaray kaabiga magaalada. Ilo ku sugan magaalada aya GOOBJOOG NEWS u sheegay in banaanka hore ee saldhiga booliska ay isugu soo baxeen tageerayaasha Shaakir oo ah culimada Ahlusuno iyago halkaas ku qabsaday bandhig diimeed ay ku qaadayaan adkaar iyo salliga nabiga NNKH. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  5. Luuq (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Luuq Cali Kadiye oo ka hadlayey kulan ka dhacay Degmada Luuq ayaa si la yaab leh uga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA. Guddoomiye Cali ayaa sheegay in Ikraan Tahlil ay tahay Gabar Soomaaliyeed ayna ka xun yihiin wixii gaaray, wuxuuna xusay in kiiskeeda uu gaaray in dalka loo dumiyo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay. “Ikraan waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay Luuq, Aabaheed ayaa ka shaqeyn jiray halkaan, waan ka xunahay wixii gaaray, ciddii gaarsiisayna Allah ayaa kula xiisabtamayo,” ayuu yiri guddoomiye Cali. “Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraa qabaa” ayuu sii raaciyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka la dilo laga qaadan jiray diyo, islamarkaana laga xaaltami jiray balse kiiska Ikraan ayuu ku sheegay mid aan laheyn dhammaad. “Farmaajaa dilay haddii ay dhahaan oo ay kusoo caddeystaan waa rag,” ayuu yiri mar kale guddoomiye Cali. Ugu dambeyntii Guddoomiye Cali ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wixii hadda ka dambeeyo . “Ra’isul Wasaare Rooble ma naqaan mana aqoonsanid, anaga waxaa nahay reer Gedo cid aan ka cabsaneyno malahan, haddii uu Rooble faraha nala soo galo waan naqaan sidaan uga keeno waan idinku soo qaldoomay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali. Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha degmada Luuq ayaa waxaa diiday siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Gedo, oo sheegay inuu yahay mid colaad hurin ah, oo aanay la qabin. Wasiirkii hore ee qorsheynta Jubaland Aadam Aw-Xirsi ayaa yiri “Hadalka Guddoomiyaha Luuq ee “in Ikraan hooyadeed carrabka laga gooyo” ma aha hadal siyaasadeed oo dhinacyo badan loo dhigi karo. Waa hadal gurracan oo shaydaan ka yimid, waannu daba ordaynaa, inoomana dhahna. Mawlucuna sabeen tawxiid buu ka xirayaa.” Waxa uu intaas ku daray “Reer Gedo ka mid ma aha Soomaalida maalmahaan xafiiltanka ku hafatay ee wixii ku soo dhaca isaga hadasha, mana aha kuwo xumaanta hurgumada reebi karta isugu sacbiya ama ku kala aamusa. Qoyska Reer Dr. Tahliil Faarax ee sharafta iyo wanaagga leh waxay mudan yihiin in inantoodii shaqada qaranka ugu maqnayd geeri iyo nolol meel loogu tiro.” The post Daawo: Cali Kadiye “Habarta dhashay Ikraan Tahliil carabka ha laga jaro” appeared first on Caasimada Online.
  6. Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Ahlusunna ay kaabiga ku hayaan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Ahlusunna oo saaka u ruqaansaday dhinaca Guriceel ayaa sida la sheegayo waxay hadda gaareen tuulada Good oo qiyaastii 15km dhanka waqooyi ka xigta degmada Guriceel. Sidoo kale Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa weli isku hor- fadhiya degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb halkaas oo shalay dagaal culsu ku dhexmaray labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ahlusunna oo kaabiga ku haya degmada Guriceel appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (Caasimada Onlin) – Maamulka Somaliland ayaa mar kale ka hadashay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ku matalayo Baarlamaanka Soomaaliya taasoo asbuucaan ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono. Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in xubnaha la doortay aysan matalin Somaliland isla markaasna aysan wax shaqo ah ku laheyn. “Reer Soomaaliya waxaan leeyahay, waxaan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yiraa way ina matalayaan, inamana ma talaan ” ayuu yiri Saylici. Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in Qaramada Midoobay ay goobjoog ka noqoto doorashadaas, waxayna xubnaha indhaha qarsaday ee doorashada ka qeybgalay ugu hanjabtay in la ogyahay lana xiri doono marka ay Somaliland tagaan. “Waxaan aad uga xunahay in Jimciyadii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka noqoto oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan, waxaanu warka ku hayna kuwa indhaha qarsanayay waa kuwo Somaliland ka tagay, oo berri raba in ay soo noqdaan, waa dambiilayaal qaran kuwaasi, yaan la arkin reer Somaliland oo qaylinaya marka berri la xiro” ayuu yiri Saylici. Ahayeenka Guddida Doorashooyinka Soomaaliya Amb: Safiina oo war laga waydiiyey sababta ergadu madaxa u duubteen ayaa ku jawaabay “in xubnaha ergadu ka taxadarayeen caabuqa Covid-19, oo ay yara qalad fahmeen habka loo xirto afsaarka, isla markaana ay siin doonaan wacyigalin dheeraad ah”. The post Somaliland oo u hanjabtay ergadii afka duubatay ee ka qeyb gashay doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
  8. Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday hoyga uu caasimadda Garoowe ka deganyahay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal. Dabley hubaysan ayaa saqdii dhexe ee xalay weerartay guriga Taliyaha Qaybta G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle) inkastoo aysan wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas. Dadweynaha magaalada qaarkood ayaa hurdada kaga toosay Rasaasta ka dhacaysay guriga Taliyaha oo ku yaal xaafadda 1-da Agoosto ee Garoowe. Wararku waxay sheegayaan in arrintan ka dhalatay kadib markii Booliisku xiray nin kamid ah laba dhinac oo ku muransan arrima dhuleed. Waxa xusid mudan in aan xiriir la samaynay Taliyaha Qaybta iyo Saraakiisha kale ee Booliiska Garoowe balse aysan weli suurta-gelin in ay war naga siiyaan dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Muxuu salka ku hayaa weerarka lagu qaaday Taliye Degelle? appeared first on Puntland Post.
  9. Ethiopia’s government has ordered the expulsion of seven senior United Nations officials from the country for “meddling” in its internal affairs. Source: Hiiraan Online
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna Waljameeca oo saacadahii lasoo dhaafay ku dhexmaray deegaanka Bohol oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid dagan waxaana gacanta ku hayo ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo Shalay galab dagaal rogaal celis ah ku qabsaday deegaanka Bohol. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, dagaalada ka dhacay Bohol ayaa waxaa ku dhintay illaa 12 qof oo isugu jiro ciidamadii dagaalamay iyo dad Shacab ah, waxaana maleeshiyada Ahlu Sunna u suurta gashay inay gacanta ku dhigto illaa laba gaari oo mid kamid ah uu yahay Beebe. Waxaa socdo abaabul dagaal oo labada dhinac ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal culus, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan in qaar ka tirsan ciidamada Galmudug ay u goosteen dhanka Ahlu Sunna. Odayaasha dhaqanka deegaanada Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa wado dadaalo lagu dajinayo xaaladda, balse waxaa muuqato in labada dhinac aysan diyaar u aheyn wada-hadal. Madaxdii maamulkii Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, balse ay bilaabeen abaabulo kala duwan iyo dhaqdhaqaaqyo dagaal. Ahlu Sunna ayaa deegaanka Huurshe kaga dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, hayeeshee Galmudug ayaa u aragtay inay kusoo wajahan yihiin ahlu sunna Magaalooyinkii ay horay uga qabsatay ee Dhuusamareeb iyo Guriceel. The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ahlu Sunna iyo Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  11. In a remote corner of eastern Africa, behind tiers of razor wire and concrete blast walls, it’s possible to get a glimpse of America’s unending war on terrorism. Camp Lemonnier, a 550-acre military base, houses U.S. special-operations teams tasked with fighting the world’s most powerful al-Qaeda affiliates. Source: Hiiraan Online
  12. Al-shabaab ayaa Maamul cusub u magacaabay laba Gobol oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay sheegtay warbaahinta Al-shabaab. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Maamulka cusub oo Islaami ah loo magacaabay Gobollada Baay iyo Bakool oo ka tirsan Koonfur Galbeed. Sheikh Cismaan Abu Cabdiraxmaan ayaa Al-shabaab u magacowday waxay ku sheegeen Waaliga Islaamiga ah ee Gobolka Bakool sida ku cad Qoraalkaas. Sheikh Xamsa Abu-Jacfar ayaa isna loo magacaabay Gobolka Baay waxaana xusid mudan in labada nin aan midkoodna sawirkiisa la soo bandhigin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Maamul cusub u magacaabay Baay iyo Bakool appeared first on Puntland Post.
  13. Clement Chiwaya, who was 50, killed himself inside the parliament building, where he had gone to discuss vehicle benefits entitled to him when he left office in 2019. Source: Hiiraan Online
  14. The Federation of Somali Journalists (FESOJ) condemns the arrest of an independent journalist in Dhuusamareeb. Galmudug state and demands his immediate release. Source: Hiiraan Online
  15. Hoggaamiyaha guud ee Culimaa’udiinka Ahlusunna, Macallin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa si rasmiya u iclaamiyay dagaal Al-shabaab looga xoraynayo Gobollada dhexe ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo uu goor dhowayd soo saaray, ayuu ku sheegay in Ahlusunna isu taageen xoraynta Gobollada dhexe, si shacabka dhulkaas looga dulqaado Al-shabaab. “Ahlusunna Waljamaaca waxa ay culumo iyo xerba u istaageen xoreynta dhulka cadawga qawaarijtu dhibaateynayo ee Gobolada Dhexe” ayuu yiri Macallin Maxamuud. Sidoo kale, wuxu sheegay in qof kasta oo ku dhinta dagaalkaas uu yahay shahiid ilaahay u ballan-qaaday Janno. “Waxaa ujeedku yahay in aan ummada ka dul qaadno Cadawga Alshabaab, qof kasta oo dagaalkaa ku dhintana waa shahiid sida alle balan qaaday” ayuu sii raaciyay. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli Gobollada dhexe ay ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Ahlusunna iyo Galmudug. PUNTLAND POST The post Macallin Maxamuud: Waa shahiid qofkii ku dhinta dagaalka aan iclaaminay appeared first on Puntland Post.
  16. The Kenya Wildlife Services (KWS) has moved four cheetah cubs found abandoned in Mandera to Nairobi Animal Orphanage. Source: Hiiraan Online
  17. Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) call on Galmudug authorities to immediately and unconditionally free freelance journalist, Mohamed Abdiweli Tohow who is held at Dhusamareb police station since Tuesday night 28 September, while we call Puntland authorities to stop its harassment through police summoning against journalist Mohamed Salah in Garowe. Source: Hiiraan Online
  18. Dhusamareb (HOL) - Residents in Bohol village, 20 km north of Dhusamareb, have reported intense fighting between government forces and Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) fighters on Thursday that led to nearly a dozen dead. Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka dhex raadinaya Koox hubeysan oo rasaas ku furtay Hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac. Ilaalada Guriga Taliyaha ayaa iska caabbin ku sameeyay weerarka maleeshiyada hubeysan ku qaaday Hoyga Taliye Maxamed Aadan Jaamac, inkasta oo hay’adaha ammaanka weli faah-faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay iyo natiijada baarista ay sameeyeen. Ciidamo Booliis ah oo laga qaaday taliska Dhexe ee Gobolka Nugaal ayaa la geeyay Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal si ay u sameeyaan baaris la xiriirta sidii loosoo qaban lahaa maleeshiyaadka weerarka geystay. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyada weerartay hoyga Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ay ku heeb yihiin Nin shalay uu u xiray dil uu u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka PMPF-ta. Hay’adaha ammaanka oo ku howlan Baarista iyo soo qabashada maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan natiijada kasoo baxda howlgalkooda sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Puntland. Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalay shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin duleedka Garoowe ku dilay Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland kaas oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan. The post Faahfaahin ku saabsan weerar lagu qaaday Hoyga Taliyaha qeybta Booliska Nugaal appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU, Sept 30 (Reuters) - Somalia's first public oxygen plant opened on Thursday, in a ray of hope for a country where a lifesaving treatment for the coronavirus has been largely unavailable to patients during the pandemic. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Suuq Boocle oo kuyaal degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir. Dabka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka bilaawday Goob lagu iibiyo Qalabka Electronic, isla markaana uu ku faafay goobo kale. Dadka deegaanka & Qaar kamid ah Ganacsatada suuqa ayaa ku howlan daminta dabka waxaana la wargeliyay waaxda Dab damiska Dowladda Hoose iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay uga hortagaan in uu u gudbo goobo horleh. “Dabka waxa uu kusii fidayaa qaybta Bacadlaha, waxaa la wacay dab damis, dabeysha ayaa dhinacaas u baxeysa, dedaalka xooggiisa waa in laga hortagaa in uu suuqa guud ahaan uu saameeyo dabkaan” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Dadka ku howlan daminta Dabka oo goob ganacsi ku leh Suuq Boocle. Goobaha ganacsiga waxaa laga saaray hantida taalla sida ay xaqiijiyeen dad ku howlan daminta dabkaas oo gurmadka lagu baqtiijin lahaa socota. The post Dab xoog leh oo ka kacay Suuq Boocle ee Degmada Dharkeynley appeared first on Caasimada Online.
  22. When Shugri Said Salh was six years old, she was sent to live with her grandmother. This would not be so unusual, except that Salh’s beloved grandma, or ayeeyo, was a nomad. Salh was pulled out of school and made to leave the city life of Galkayo in Somalia behind. Source: Hiiraan Online
  23. Energy pulses outside Mogadishu’s airport terminal, a commotion of horns and shouting, security checkpoints, armoured cars, taxis and, just outside the gates, a dizzying number of auto rickshaws known as “tuk-tuks.” Source: Hiiraan Online
  24. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa shalay ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud. Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii shalay uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof. Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, ku-xigeenkii hore ee hey’adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey Bohol ay tahay fashil ku yimid maamulka Galmudug. Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunna, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Al-Shabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka Galmudug. “Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta,” ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed. Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo. Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho. The post AHLU-SUNNA ‘oo heshay’ fursad ay dib ugu soo laabato appeared first on Caasimada Online.
  25. The White House on Thursday condemned "in the strongest possible terms" Ethiopia's decision to expel senior UN officials at a time of looming humanitarian crisis and warned of sanctions. Source: Hiiraan Online