-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wakiillada Beesha Caalamka e Soomaaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxay kula shireen qadka Zoom-ka, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug. Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas dhex-maray Qoor Qoor iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa sheegaysa in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaaladda kacsan ee magaalada Gurceel. Si qota dheer ayaa looga hadlay gulufka dagaal ee maamulka Galmudug uu qorsheynayo inuu ku soo ceshado gacan ku heynta magaalada Gurceel oo mudo ku dhaw bil gacanta ugu jirta xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca. Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulankaas ayaa noo xaqiijiyey in xubnaha Beesha Caalamka ay Qoor Qoor kula taliyeen inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso. Sidoo kale wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Galmudug ka dalbaday inuu deg deg u soo dhameystiro doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana haatan Galmudug ku dhiman laba Senator. Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay. Dadkii ku noolaa magaalada ayaa u cararay dhulka miyiga ah iyo deegaanada fogfog, si ay uga badbaadaan hardanka colaadeed ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Galmudug, maalmo badan ayaa la isku hor fadhiyey afaafka hore ee magaalada iyo deegaanada ku hareereysan, balse hada waxaa heerkii ugu sareeyey maraya filashada dagaal ka qarxa Gurceel saacadaha soo socda. The post Xog: Beesha caalamka oo soo faro-gelisay xiisadda Galmudug iyo Qoor Qoor oo hal arrin laga dalbaday appeared first on Caasimada Online.
-
Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo maanta lagu qabtay xuska munaasibadda dhalasha Rasuulka ayaa maanta lagu qabtay nin Soomaali ah oo wata calanka Shiicada. Ninkan la qabtay ayaa ka soo dhax muuqday munaasibad culimada maxfalka ay ugu dabaal dagayeen weyneynta maalinta uu dhashay Nabi Muxamed NNKH. Qofka la qabtay oo sitay calanka Shiicada ayaa sheegay in uu wakiil u yahay dadka shiicada ah ee ku sugan Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horeysay oo la arko dad Soomaali ah oo sheganaya in ay yihiin shiico, tira dhowr jeer oo hore ah ayaa loo arkay dad sheegtay in ay ka tirsan yihiin shiicada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta daahfuray ‘kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaaradaha maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay. Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejinta adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jubbaland uu dib u dhac weyn ku keenay khilaafka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Farmaajo hoggaamiyo. “Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka shaqeysa la noolaashaha wadamada deriska nala ah iyo aduunka intiisa kaleba, oo aan ilaalino sumcadda dowladnimadeena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda uu diyaar u yahay, una diyaarsan yihiin qorshayaal lagu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee deegaanada Jubbaland. “Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska saareynaa Jubbaland oo sideedii hore ku soo noqota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadiisa ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dalbaday inay la yimaadaan qorshe ay ku xaqiijinayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay khilaafka Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Mekelle)-Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin, ayaa sheegay in weerar lagu ekeeyey xarunta gobolka Tigreega, ee magaalada Mekelle. Warbaahin ay maamusho jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaasoo dagaal ku jira dowladda federaalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu dilay, tobaneeyo kalana lagu dhaawacay laba weerar oo halkaasi lagu qaadey. Midowga Yurub iyo Mareykanka,ayaa ku booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka iney ilaaliyaan xabad joojinta jirta, si loogga fogaado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’aadannimo oo qaro weyn. Tani waa markii uggu horeysay ee colaadda kow iyo tobanka bilood socota, oo duqeyn xagga cirka ah laga soo sheego magaalada Mekelle. Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xuska dhalashada Nabigeena Muxammed (NNKH) ayaa maanta lagu qabtay Nin sitay calanka Shiicada, sida uu soo bandhigay maamulka maxfalkaas. Sheekh Cabdifataax oo kamid ah culimada madxafka oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in Ninkaas uu sheegtay inuu yahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, islamarkaana aan loo baahneyn in dalkeena Soomaaliya lagu faafiyo fikirka Shiicada. “Ninka aan maanta ku qabanay waan kulanay, waxay soo qaateen Camera iyo calankaas oo ay ku qoran tahay “Yaa Xuseyn”. Waxaa u sheegaya dadka Ahlu-Sunna Waljamaaca in aan raali ka aheyn balaayada kasoo dhex dhalaneysa mowlacyada,” ayuu yiri Sheekh Cabdifataax. “Ninka aan calanka ka qaadnay waxa uu afkiisa ka yiri waxaa ahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, Shiico miyaa u rabnaa Soomaaliya? oo umadda gaaleysiinaya, ma waxaasa qaadan karnaa, Culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca nahay ee dadka mowlacyada ku dhex dhuumaya waxaas soo qabta yaa la idinku dhex dhuuman.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Ninka maanta calanka lasoo dhex tagay munaasibada ka socotay Maxfalka uu mar hore dad u direy shirarka ka dhacaya Lubnaan oo u gaar ah Shiicada. “Marka isku imaano wuu na dhex imaanaya sawir ayuu ka qaadaya email ayuu ku diraya Lubnaan iyo Iiran oo uu leeyahay eega meesha ay Shiicada Soomaaliya mareyso, ma anaga nala gadanayaa?.” Sheekh Cabdifataax ayaa si weyn uga digay in mowlacyada Ahlu-Sunna ay ku dhex dhuuntaan dadka faafinaya Shiicada, ayna tahay in la iska dhex qabto, maadama uu sheegay in ay yihiin dad gaaleysiinaya muslimiinta. Ma aha markii u horeysay ee gudaha Soomaaliya lagu sheego dad faafinaya fikiro diimo kale ah, hase yeeshe waa markii u horeysay ee Nin sheeganaya in uu wakiil Soomaaliya ee Shiicada uu calan la dhex tago maxfal kamid ah kuwa dalka. The post Daawo: Caro ka dhalatay markii ‘wakiilka SHIICADA ee SOOMAALIYA’ lagu arkay Maxfal ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Booliska Britain ayaa labo maalin ka hor Nin Soomaali ah u qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess, falkaasi oo hadal hayn badan dhaliyey. Wiilka Soomaaliga ah ee lala xiriirinayo dilka David, Cali Xarbi Cali ma aha Soomaaligii ugu horeeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha dalkaas iyo magaalooyin kale oo kamid ah dalalka ree galbeedka. Marka laga soo tago dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen, waxaana warbixintaan ku eegeyna 4 kamid ah dilalkii ugu hadal haynta badnaa ee lugaha la galay dad Soomaali ah. 1. Dilka dhawaan loo geystay Sir David Amess: falkaan waxaa u xiran Cabdi Xarbi Cali oo loo haysto inuu toorey ku dilay xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca, ahaan mudane ka tirsan baarlamaanka Britain. Sir David Amess ayaa kulan weji-ka-weji ah la lahaa dadka soo doorta, markii ninka Soomaaliga ee dilka lagu tuhmayo, uu billaabay weerarka mindida oo ka dhacay magaalada Leigh-on-Sea, oo qiyaastii 65 km u jirta magaalada London. Falkaas ayay dowladda UK ku tilmaamtay mid argagixisanimo ah. Waxaa xusid mudan in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka gudaha UK ee MI5. 25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan. 2. Dilkii 25-kii bishii June ka dhacay Würzburg ee dalka Jarmalka: Nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan oo Soomaali ah ayaa saddex ruux ku dilay magaaladaas, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Sida ay sheegeen xiligaas laamaha amniga in si rasmi ah loo ogeyn ujeedad ka dambeysa falkaas, waxayna gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen. 3. Dilkii bartamihii bishii December ee sanadkii 2020-kii: Booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Raage Maxamed Cabdi. Saraakiisha ayaa xiligaas sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu sameeyay wax ay ugu yeeren “hanjabaad dhanka afka ah”, inkasta oo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan. Raage oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan. 4. Baxsadihii UK ee 2010-kii: Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cige, kaasi oo loo haysto dilka Aamir Siddiqi oo xiligaas ahaa 17 jir, wuxuuna 11 sano ka hor ka dhacay gudaha UK. Maxamed ayaa la rumeysan yahay in uu jiro 43 ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay, waxaana sanadkii xigay ee 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya, isagoo loo haystay tuhun la xiriira dil. Hase yeeshe Cige ayaa baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK, oo illaa hadda ku howlan soo gacan gelintiisa. Si kastaba, Dilalka ka dhaca dalalka reer galbeedka waxaa sidoo kale dhibanayaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, taasi oo sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya, si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada. The post Afar weeraro dhimasho leh oo rag Soomaali ah ay dalalka reer galbeedka ka geysteen appeared first on Caasimada Online.
-
1. Mubashir Dubad raage, xafiiska Nabadgaliyada = Jidwaaq ( Abaskuul) 2. C.raxmaan Axmed Xasan, Xafiiska Maaliyada. = Ogaadeen ( Ree Cabdile ) 3. C.raxmaan iid Dahir, xafiiska hor Mag& dhismaha. Isaaq ( Sacad Muse ) 4. Dr. xuseen Qasim, xafiiska Madaxwaynaha = Ogaadeen ( Ree Isaaq) 5. Maxamed Faatax Maxamed xafiiska Waraabka. = Ogaadeen ( Bah-gari) 6. Xasan Muxumed (daadhi), xafiiska biyaha= Jidwaaq ( Bartire ) 7. C.laahi Adan Laag, Xafiiska waxbarashada = Ogaadeen ( Cabdale ) 8. Subeer xuseen, xafiiska horumarinta xoolaha = Ogaadeen ( Digoodi ) 9. Dayib Axmed Nuur, xafiiska M’linta& warshadaha= Ogaadeen ( Cawlyahan) 10. Maxamed Naaji, xafiiska Dakhliga= Mogadishu Clan 11. Dr C.qaadir iimaan, xafiiska beeraha= Sheekhaas 12. Eng. Sadaam, xafiiska jidadka= Ciise 13. Axmed yaasiin sheekh ibraahin, xafiiska maaraynta khataraha masiibooyinka= Ogaadeen ( Makaahiil) 14. Ibrahin Maxamed Amaan, xafiiska arrimaha bulshada= Ogaadeen ( Ree Cabdile ) 15. C.qaadir rashiid Ducaale, xafiiska warfaafinta= Gure 16. Eng Muxiyadiin Xafiiska ilaalinta deegaanka= Qalaafo. 17. Warsan Cawil Muxumed, xafiiska adeegbixinta= Isaaq ( West Burco Clan ) 18. Faadumo deeqa, xafiiska curinta iyo sayniska= Gari 19. Xuseen gaydh, xafiiska Xirfadaha iyo shaqo abuurka= Awdal Clan 20. Maxamed sheekh aadan, xafiiska qorshaynta= Ogaadeen ( Maalinguur) 21. Maxamed ismaaciil, dhaqanka iyo dalxiiska = Ogaadeen ( Cawlyahan) 22. Malow ibraahin, xafiiska ganacsiga= Gare 23. xaliimo xasan, xafiiska arimaha Haweenka= Yabaree 24. Khadra Maxamed, xafiiska macdanta& shidaalka= Ogaadeen ( Ree amaadin) 25. Axmed xaaji, xafiiska cadaalada= Majeerteen 26. Dr. muuse, xafiiska caafimaadka= Ciise 27. Maxamed Mahdi, xafiiska dhalinyarad iyo ciyaaraha= ? Waxa Diyaariyay Mohamed H Muse Source
-
EUCAP’s Field Office Hargeisa has recently supported Somaliland Coast Guard (SLCG) training capacities by donating a training facility called a ‘Ship-In-A-Box’ to their base in Berbera. ‘Ship In A Box’ is an on-shore law enforcement training facility. The structure of the facility imitates the bridge of a ship. It allows law enforcement agencies to train on boarding procedures in order to conduct inspections aboard merchant ships. The purpose of this facility is to enable SLCG’s Vessel Boarding Search and Seizure (VBSS) training, which is required for performing Coast Guard tasks and responsibilities at sea. The facility’s similarity to a typical ship, and accessibility, allows the SLCG to enhance its operational capacity to perform merchant ship inspections at sea. Colonel Ali Hassan, representing the Somaliland Coastguard Admiral, was present at the handover event. EUCAP was represented by Mr. Georg Guentelberg, Deputy Head of Operations, and Mr. Kenneth Neijnes, Field Office Hargeisa’s Head of Maritime Security and Coast Guard Unit. “It will allow our officers to develop our training levels so that we can enhance our abilities to operate in our area of responsibility. I would like to thank EUCAP for their consistent support to us and for working with us to improve our effectiveness,” said Colonel Hassan. Georg Guentelberg emphasized EUCAP’s continuous commitment to support SLCG. “The training and development initiatives and associated facilities, such as this Ship-In-A-Box, that EUCAP continues to jointly implement with the SLCG, particularly here at Berbera, ensures continuous development of the SLCG”, said Mr. Guentelberg. Using this training facility, the SLCG will be upskilled in current and best practice VBSS procedures. The training facility is part of EUCAP Field Office Hargeisa’s ongoing training program to strengthen the SLCG’s capabilities. Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Somaallida Itoobiya kaga qayb galay munaasibad lagu dhaarinayay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomallida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo dib loo doortay. Waxa sidoo kale la dhaariyay Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dawlad Deegaanka oo loo doortay gabadh. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda ayaa Dawlad Deegaanka iyo shacbigeeda gaadhsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ugu hanblayeeyay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka xilka loo dhaariyay. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in markii ay dumeen kelitalisyadii macangaga ahaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee dib loo xorreeyay Somaliland iyo Itoobiyaba, uu wanaagsanaaday xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana uu xusay in xidhiidh iskaashi oo fiicani uu illaa hadda ka dhexeeyo labada dawladood. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr. Saylici ayaa kula dardaarmay shacabka iyo Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay garab istaagaan dawladdooda, isagoo Alle uga baryay in qaybaha kale ee waddanka ee dhibtu ay ka taagan tahay nabad lagu soo dabbaalo, waxaaana uu xusay in Itoobiya oo wayxeellawdaa ay tahay Somaliland oo waxyeeloo soo gaadhay. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu baaq u diray Madaxda cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya, baaqaas oo ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka bulshada Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya. Source
-
(SLT-London)-Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xidhay dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London. Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu khasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sanno kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn. Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo ayna jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay. Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa hore waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xidhiidha taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sanno jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa ayna gaadhin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5. Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xidhiidhka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhakhtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS. Xarbi Cali Kulane oo markii ugu horreysay ka hadlay xadhiga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yidhi “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.” “Ma aha waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yidhi wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xidhiidha baadhitaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yidhi Xarbi Cali Kulane. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa soo kormeeray dawladda hoose ee degmada Xudun ee gobolka Sool iyo goobo kale. Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka dawladda hoose ee degmada Xudun, isagoo wasiirku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawladda hoose ee degmadaasi, waxaana shirar gooni gooni ah uu la yeeshay maamulka degmada, isagoo sidoo kale soo kormeeray saldhigga booliska ee degmada Xudun. Maayarka degmada Xudun Maxamed Jaamac Xirsi iyo ku xigeenkiisa Cabdinaasir Cabdiqaadir ayaa ugu horreyn wasiirka warfaafinta warbixin ka siiyay xaaladda degmada, iyagoo sheegay in saldhigga booliska ee degmada Xudun uu u baahan yahay qalabayn iyo gaadiid, si uu uga shaqeeyo dhulka ballaadhan ee ay xukunto degmadu, waxaana ay intaas ku dareen in dawladda ay ka codsanayaan inay qalabayso xafiisyada saldhigaasi oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabto degmadu. Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada deegaanka Xudun ku ammaanay nabadgalyada iyo horumarka ka muuqda deegaankooda, waxaana uu sheegay in dawlad ahaan ay kala shaqayn doonaan wixii baahiyo ah ee ay qabaan. Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in bulshada deegaanka Xudun ay ka muuqato diyaar garaw weyn oo dhanka horumarka iyo ilbaxnimada ah, sidaas awgeed baahiyaha ay qabaan ay gaadhsiinayaan hay’adaha dawladda iyo mas’uuliyiinta ku xilka leh. Wasiirka warfaafinta Mr. Koorre waxa uu ugu baaqay bulshada Xudun inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay halkaasi kasii wadaan dedaalka iyo ilbaxnimada ka muuqata degmada. Source
-
Colin Powell, Who Shaped U.S. National Security, Dies at 84
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Colin L. Powell, who in four decades of public life served as the nation’s top soldier, diplomat and national security adviser, and whose speech at the United Nations in 2003 helped pave the way for the United States to go to war in Iraq, died on Monday. He was 84. Source: Hiiraan Online -
Waxaa goordhaw geeriyooday xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Colin Powell ayaa goordhaw u geeriyooday xanuunka corona Virus. Colin Luther Powell , oo ahaa jeneraal afar-xiddigle hawlgab ah ayaa 2001 illaa 2005 , wuxuu ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee 65-aad ee Mareykanka , wuxuu geeriyooday isagoo 84 jir ah. Mr Colin ayaa 1958, ku biiray ciidamada dowladda Mareykanka, isagoo dalal dhowr ah kaga qeyb galay howl gallo fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda Galmudug ayaa sii cakirmeysa kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo ay wadeyn odayaasha magaalada Guriceel oo ay ku doonayeen in kooxda Ahlu Sunna ay si nabad ah uga baxdo magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka maatada ah. Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku gacan seyrtay dhowr kulan oo ay odayaasha deegaanka la yeesheen, si gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir oo hoggaaminayey gulufkii ay kooxdaan ku qabsatay magaalada Guriceel ayaa la sheegay inuu diiday inuu magaalada ka saaro ciidanka kooxdaan. Sida aan xog ku helnay, dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ayaa la xaqiijiyey inay daabushay ciidankii ugu xooganaa iyadoo geysay jihooyinka laga soo galo ama laga soo baxo ee Magaalad Guriceel. Kooxda la baxday Ahlu Sunna hadda ciidan ahaan waa hareereysan tahay, cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa shalay tagay Magaalada Matabaan iyo hareeraheeda, waxaana loogu talagalay inay toos u aadaan Magaalada Guriceel haddii laga fursan waayo dagaal. Ciidan kale oo xoog leh ayaa dhanka Dhuusamareeb xigta ka jooga Magaalada, halka ciidan kale la geeyey tuulo si xagal ah ugu aadan jihada Balanbal. Seddexdaas jiho ayey Galmudug geysay ciidanka loogu talagalay inay dib ula wareegaan Magaalada muhiimka ah ee Guriceel, waxaana la xaqiijiyey inay sugayaan go’aanka ugu dambeeyo ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo ku jira wada-tashiyadii ugu dambeeyey. Odayaal deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa ku fashilmay inay xal ka keenaan xiisadda ka taagan magaalada Guriceel, waxaana magaalada isaga baxay inta badan Shacabkii ku noolaa. Ahlu Sunna ayaa ku adkeysatay inaysan ka baxeyn magaalada Guriceel sida uu dhawaan saxaafadda u sheegay Taliyaha guud ee ciidanka Ahlu Sunna Cali Faarax. The post Ahlu-Sunna oo saddex jiho laga hareereeyey iyo wararkii ugu dambeeyey Guriceel appeared first on Caasimada Online.
-
If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. Egalement disponible en Français Rugby Africa PRESS RELEASE Tunisia Wins the Africa Cup Tournament Tunisia seemed to have found their feet with the 15s game to win by a mile scoring 61 points to nil Access Multimedia Content CAPE TOWN, South Africa, October 18, 2021/ — Tunisia’s women’s team played Cote d’Ivoire, who had lost to Senegal in the previous match on October 17th at El Menzeh Rugby Ground in Tunisia’s capital. Tunisia seemed to have found their feet with the 15s game to win by a mile scoring 61 points to nil. Tunisia started strong, passing the ball and sprinting out hard and committed early on to moving the up the field and keeping it close to the soaring zone. In the first few runs though Tunisia underestimated the strength of Cote d’Ivoire’s defenders only to run straight into their tackles. Although much slower Cote d’Ivoire surrounded the fleet footed Tunisian players like a pride of lions, swiftly bringing them down. After a few run ins to Cote d’Ivoire’s killer tackles Tunisia quickly adapted and upped their fast passing game sending the ball out wide onto the wing and bringing in their first try in the first eight minutes by No. 14 Ranim Madouri. After that Tunisia hit their stride and became like a well oiled machine, moving the ball forward with a much longer game. The Tunisian team showed greater unity as a team than they had done in their first match against Senegal. Despite being occasionally snarled up in Cote d’Ivoire’s tackles and scrums Tunisia kept up the pressure with a fast paced technical game After Madouri’s try, No. 10 Ameni Ben Salem scored a perfect conversion. For the rest of the match she proved herself to be a precise and effective penalty and conversion kicker. Madouri’s confidence was visibly growing, as she put in some spectacular turns of speed. Realizing that she never had to eat dirt, she dodged and weaved around Cote d’Ivoire’s defenders to score. In her final scoring run of the first half, she sprinted in a perfect arc to score on her feet, leaving Cote d’Ivoire’s defenders lumbering in her wake. At the end of the first half Tunisia had scored 30 points with Cote d’Ivoire having failed to even get the ball far up enough the field to dream of scoring a try. Tunisia’s team manager Abdelaziz Chaouachi Was pleased with Tunisia’s strong showing in the first half, he “the team is now getting used to playing 15s, now the ball is moving as it should, it’s about how the players move, but about how the ball moves,” he said. In the second half, Cote d’Ivoire seemed more assertive trying to the push the push up the field faster but Tunisia quickly took control of the ball to score another try in under four minutes of play. For the early part of the second half it was a try/conversion killer combo by Madouri getting balls over the line and Ben Salem kicking them across the bar. After a series of substitutions it was No. 16 Abire Dhaheri, a late substitution who brought home the next try and No. 11 Rihab Hamouda, but it was the kicking machine Ben Salem who launched the conversions over the bar, to bring the final score to 61-0 to Tunisia. Tunisia’s team coach, Malick Tcha-Tchibara said that Tunisia’s win was down to the new skills they had developed “they improved their communication, it was much clearer, it is easier to play when communication is clear, they decided to work hard and to go deep and move the ball.” A jubilant captain, No. 9 Meriem Mekni could not stop smiling after wining, said “we had a strategy to play long, because we saw that Cote d”Ivoire play a very close short game with tackles, so we went deep and wide.” Abdelaziz Chaouachi said “that after the game against Senegal Tunisia ranked 32 in the world, we are hoping that this tournament win will take us into the top 20.” Distributed by APO Group on behalf of Rugby Africa. For more images: https://bit.ly/3lRHZFg For media enquiries please contact: E: Rugby@apo-opa.com Follow RugbyAfrique: Twitter: bit.ly/3Edkk9n Instagram: bit.ly/3A5rVEy Facebook: bit.ly/391xzf8 Women’s Rugby in Africa: On the African continent, women’s rugby has seen tremendous growth. In the last decade it increased from 50 000 female players in 2012, to over 260 000 in 2018. For this tremendous growth to continue, strong leadership in women’s rugby needs to continue, the Women’s Executive Leadership Scholarship is one of the tools that will enable this. Africa will also be well represented when South Africa participates in the next rugby World Cup women in New Zealand in 2021 and Kenya in the Olympic Games. About Rugby Africa: Created in 1986, Rugby Africa, previously the African Confederation of Rugby (Confédération Africaine de Rugby – CAR), is one of the six regional associations composing World Rugby (www.WorldRugby.org), the international organization responsible for the governing of Rugby Union and Rugby Sevens. Rugby Africa unites all African countries which play rugby union, rugby sevens, and women’s rugby. Rugby Africa organizes the qualifying competition for the Rugby World Cup, and Africa Sevens, a qualifying competition for the Olympic Games. Rugby Africa has 39 members unions. Website: www.RugbyAfrique.com. SOURCE Rugby Africa Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, maagaalda Essex oo qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London. Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loogu talo-galay in lagu beddelo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano kahor ah, kadib markii macallinkiisa uu ku arkay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u yahay Anjem Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn. Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in dilka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin naceyb gaar ah oo uu u qabay. Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira YouTube. Anjem Choudary ayaa horey waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb faafiyo. Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5 ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Cali ayaa markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray barnaamijka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5. Waxaa sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya. Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in riyadiisa aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamarkaana uu isku diyaarinayey inuu qaato imtixaanka NHS. Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri “Daqiiqaddan la joogo waxaan mareynaa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.” “Ma ahan waxaan filayey ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu siiyey The Sunday Times. “Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,” ayuu yiri Xarbi Cali Kulane. The post Sawirka Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka dhigtay oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Kalfadhigii 1’aad ee ay maanta yeesheen Golaha xildhibaannada degaanku ayaa Madaxwayne Mustafe cagjar mar kale loogu doortay inuu noqdo Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ee 5ta sano ee soo socota. Sidoo kale Ibraahim Cismaan oo horey u ahaa Madaxwayne ku xigeen ayaa isagana mar kale loogu doortay inuu Madaxwayne ku xigeenkii un ahaado. Kalfadhigan ayaa sidoo kale lagu doortay Afhayeenka baarlamaanka degaanka iyo ku xigeen, iyadoo Afhayeenka loo doortay gabadha lagu magacaabo Ayaan Cabdi, ku xigeena loo magacaabay Ibraahim Xasan Cali. Dadka degaanka ayaa aad u hadal haya arrimahan, iyagoo wali ka dhur sugaya golaha wasiirada uu Madaxwayne Mustafe cagjar soo magacaabayo. Hol Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa gordhaw shaaciyay golahiisa cusub ee wasiirada. agjar oo saaka loo dhaariyay xilka madaxweynanimada dowlad deegaanka ee shanta sano ee soo socota ayaa soo saaray liiska wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida. Hoos ka akhriso Golaha wasiirada Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida. ︎Xafiis=Wasaarad — 1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qaasim 2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman 3- Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada: Subeer Xuseen Cumar 4- Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir 5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Lacag 6- Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed Ibraahim 7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed 8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan 9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen 10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad 11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar 12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi 13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xuseen Geydh 14- Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan(ONLF). 15- Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xasan Maxamuyd 16- Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka: Malaw Maxamed 17- Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha: Dayib Axmed Nuur 18- Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Maxamed Mahdi 19- Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale 20- Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir 21- Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen 22- Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka: Maxamed Fatah 23- Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa 24- Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden 25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji 26- Xafiiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim(ONLF) 27- Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose, umagacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur, waxana xilkii uuka qaaday gudoomiyihii gobolka Cabduqaadir Sidii. Laftagareen ayaa sidoo kale waxa uu Axmed Cumar Maxamed umagcaabay gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeelaha hoose, waxana xilka laga qaaday Cabdi Axmed Afar sheegle. Xilka qaadistan ayaa kusoo adaysa iyada oo Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka jirto cabasho ay beelaha qaar ka qabaan saami qaybsiga maamulka, waxana dhowaan magaalada Baraawe ee caasimadda koofur Galbed ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo habka loo maray dhismaha Golaha deegaanka Caasimadda. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka qaadis ku sameeyay maamulka gobalka Shabeelada Hoose. Laftagareen ayaa xilka ka qaaday Cabdiqaadir Nuur Siidii oo ahaa guddoomiyihii gobalka Shabeelaha Hoose, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdiraxiim Nuur. Cabdi casii Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa sidoo kale xilka ka qaaday gudoomiye ku-xigeenkii gobalka ee Amniga iyo siyaasadda. Wareegto ka soo baxay xafiiska Lafta gareen ayaan mas’uulkaan xilka loogu magacabaay, iyasoo badalaya Cabdiqaadir Nuur Siidii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wiil soodaani ah ayaa maqaal cinwaankiisu yahay “Anigu ma tuug baan ahay – Hal annaa xaraami?” , asagoo ka sheekaynaya laba dhacdo oo soo martay xilli uu imtixaan dhakhtarnimada ah ka gelayey dalka Aayarlaand, ku qoray jariirad ka soo baxda dal ka mid dalaka carbeed Dhacdada 1aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Imtixaanka aan ku lahaa Aayarlaand fiigiisu waxa uu ahaa £409.00, waxaanse bixiyey sarif la’aan darteed £410,00. Imtixaankii waan galay, markii aan dhammaystayna waxaan ku soo noqday dalkaygii Soodaan. Ayaamo ka dib ayaa warqadi iiga timi dalka Aayarlaand ay ku qoran tahay: Waad khaldantay markaad bixineysey fiigii imtixaanka oo waxad bixisay £410.00 halkaad ka bixin lahayd £409.00 oo qudha. Sidaa la’ajligeed, Jeeg (cheque) ah £1.00 ayaanu kuu soo dirnay; waxaan xaqayaga ahayn ma qaadano. Jeega £1.00 waxaa ka badnayd lacagta boosta iyo lacagta dabacaada Jeega iyo warqada lagu soo ridey.” Dhacdada 2aad:- Waxa uu yidhi wiilku, “Dukaan yar oo gabadhi haysatay oo ku yaal meel u dhaxaysa halkaan u hoyan jirey iyo kuliyadaan imtixaanka ku lahaa ayaan Kaakaw (Cacao) ka iibsan jirey uu midhka sicirkiisu ahaa 18 pence. Maalin maalihii aan imtixaanka lahaa ka mid ahayd ayaa waxan Haye (rack’) Hayayaashii dukaanka ka mid ahaa ku arkay Kaakaw xabadiiba sicirka qorani uu ahaa 20 pence, halka Kaakaw yaaley Hayaha hore (first rack) sicirkiisu ahaa 18 pence. Wiilkii waxa uu yidhi, “intoon yaabay, ayaan Gabadhii ku idhi miyuu kala wacan yahay labadan kaakaw?” Markaasay gabadhi tidhi, “Maya, ee waa isku mid, isku dhadhan, isku tayo.” Wiilkii, “Hadaa maxaa kala sicir ka dhigay?” Gabadhii, “Kaakawgii ayaa Najeeriya ka qaali garoobey beryahan dambe, markaa shixnadii dambe sicirkeedii ayaa sare u kacay.” Wiilkii, “oo dadku markaa kaa iibsan maayaan Kaakaw dambe illaa ka hore dhammaado?” Gabadhii, “‘Haa.” Wiilkii, “oo maad isku wada sicir ka dhigtid Kaakawga illayn dadku waxba kalama socdaan Kaakawgii hore iyo ka dambe midna eh?” Gabadhii baa ku tidhi, “Adigu ma tuug baad tahay, inta ay ku soo dhawaatay wiilkii? Maxaa igu kalifaya in aan dadka khiyaameeyo?” Suaashu waxay tahay: Tijaarteena muslimka ahi allaabada ay debeda ka keenaan sidaas oo kale mow iibin karaan oo laba sicir ma ku kala iibin karaan Biibsiga ay debeda ka keenaan ee kala sicirka noqon kara sida ay gabadhaa kaafirada ahi yeeshay? Wadanka Kuuriya, waxa Kuuriyiiinta caado u ah in ay is weydiiyaan da’dooda markay ay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasada falan qaynayaan inta aanay isu jawaabin ama ra’yigay ka haystaan arrinta ay ka hadlayaan ama ka dooda yaan aanay cabirin. Dalka Masar, dadka u dhashay ayana waxa caado u ah in ay is weydiyaan shaqadooda (their profession), siday isugu yidhaahdaan: “Yaa baasha sheekadu sidaad mooday maaha – alxikaayah mush kida yaa beeh, saye maa ta’uul.” “Nifaaq iyo khiyaamo waa muslin iyo caadadii.” Soomaaliland dhibta ka haysata dhaqaale xumida, siyaasad xumimida iyo arrimahan bulshada ee had iyo jeer ku wajahan reer hebel reer hebel ka horgee sidaad moodeysaan maaha. Bal qab-yaaladan iyo qabiilkan ‘Jookarka noqday” u fiirsada. Bal siyaasiyiin ku-sheegan maalinba xisbi la eefaya lana ooyaya u fiirsada dadyahaw. By: Jamafalaag Hargeisa, Somaliland Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Jeneral Collin Powell oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 84 jir ah. Powell ayaa si buuxda uga tallaalnaa cudurka, sida ay qoyskiisa ku sheegeen war-saxaafadeed ay soo dhigaeen Facebook. “Waxaan maanta weynay sey, aabe, awoowe iyo American weyn oo aan caadi aheyn,” ayey qoyska ku yiraahdeen qoraalkooda. Powell ayaa ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan dadka madow ee Mareykanka. Waxaa jagooyin sare u magacaabay saddex madaxweyne oo Jamhuuri ah, wuxuuna soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka. Powell oo lagu dhaawacay dagaalkii Vietnam, ayaa la-taliyaha amniga qaranka u noqday madaxweyne Ronald Reagan 1987-illaa 1989-kii. Wuxuu taliyaha guud ee ciiidamada Mareykanka noqday intii uu madaxweyne ahaa George H.W. Bush iyo intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1991-kii. Madaxweyne George W Bush ayaa Powell u magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sanadkii 2000, xilkaas oo uu hayey illaa 2004. Powell ayaa waxaa lagu xusuusan doonaa xog la sheegay inay been aheyd oo uu Golaha Ammaanka QM horgeeyey 5-tii Febraayo 2003, si uu qiil ugu raadiyo dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraq ee lagu riday Saddam Hussein. Waxa uu mar dambe qirtay in xogtaas ay aheyd mid aan sax aheyn oo ku timid sirdoon been ah oo ay heleen. The post Xoghayihii Arrimaha Dibedda Mareykanka Jeneral Collin Powell oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Urur siyaasadeedka madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta bixiyay lacago ganaax ah oo guddiga doorashooyinka Qof iyo codka ah ee deeganada Puntland. Kaah ayaa guddiga doorashooyinka Puntland waxa ay ku ganaaxeen adduun lacageed gaaraya $1,000 taas oo uu ku muteystay in uu jabiyay xeerka olalaha axsaabta. Qoraal ka soo baxay ururka KAAH ayaa lagu sheegay in ururka maanta uu iska bixiyay lacagti lagu ganaaxay. “Urur siyaasadeedka KAAH ayaa maanta guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ku wareejiyey lacag cadadkeedu dhan yahay $1,000 (kun dollar), oo ahayd ganaaxii uu dhowaan guddiga TPEC ku soo rogey ururka Kaah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ururka KAAH. Deeganada Puntland ayaa waxaa muddooyinkii u dambeyay waxaa ka socda olalaha doorashada qof iyo codka ah ee deeganada Qardho, Ufeyn iyo Eyl looga qabanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
