-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sir David Amess: 4 dilal oo hadal hayn dhaliyay oo dad ‘Soomaali ah ay ka geysteen’ dalal reer galbeedka XIGASHADA SAWIRKA,SWP Booliska Britain ayaa gacanta ku haya nin Soomaaliya kasoo jeeda oo lala xiriirinayo dilka xildhibaan ka tisanaa baarlamaanka UK, balse ma aha Soomaaligii ugu horreeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha Britain iyo meelo kale oo ka mid ah dalalka reer Galbeedka. Dilalka ka dhaca London waxaa sidoo kale dhibaneyaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, iyadoo arrintaas ay sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada. Dhacdooyinkan waxay soo kordheen wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markaasoo dad badan oo Soomaaliya ka tagay ay dibadda u qaxeen. Marka laga soo dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen. Waxaan eegeynaa qaar ka mid ah dilalkii ugu hadal heynta badnaa ee lala xiriiriyay dad Soomaali ah oo ka dhacay waddamada UK, Jarmalka iyo Australia. 1- Cali Xarbi Cali Dilkii dhawaan loo geystay Sir David Amess oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain waxaa loo soo xiray nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali. Eedeysanaha ayaa loo heystaa inuu xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca ku dilay toori, xilli uu booqasho ku joogay deegaanka laga soo doortay oo uu dadweyne kula kulmayay. Falkaas ayay dowladda UK ku qeexday mid argagixisanimo ah. XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,Dilka xildhibaan Sir David ayaa loo adeegsaday toori Waxaa la rumeysan yahay in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5. 25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan. 2- Cabdiraxmaan 25-kii bishii June, nin ku hubeytsan toori ayaa saddex ruux ku dilay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, sida ay sheegeen laamaha amniga. Ninka falkaas geystay oo Soomaali ah ayay warbaahintu magaciisa kusoo koobeen Cabdiraxmaan J. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Boolisku waxay sheegeen in aan la ogeyn ujeeddada ka dmabeysay falkaas Booliska dalkaas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen. Hase yeeshee markii dambe waxa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan, iyagoo intaas ku daray in la daweynayo. 3- Raage Maxamed Bartamihii bishii Deecember ee sanadkii 2020-kii, booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo. Saraakiisha ayaa sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu “sameeyay hanjabaad dhanka afka ah” inkastoo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan. Ninkan oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia. Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan. 4- Maxamed Cali Cige Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cige, kaasoo loo heysto dil gudaha UK ka dhacay sanadkii 2010-kii. Ninkan oo ah eedeysanaha loogu doondoonista badan yahay Wales ayay sheekadiisu wali taagan tahay, inkastoo falka loo heysto uu dhacay 11 sano ka hor. XIGASHADA SAWIRKA,SOUTH WALES POLICE Qoraalka sawirka,Booliska ayaa shaaciyay sawirrada Maxamed Cali Cige oo laga qaaday xilli ay gacanta ku hayeen booliska Hindiya sanadkii 2013 Maxamed Cali Cige, oo 43 jir ah ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay. Sanadkii xigay ee 2011-kii ayaa lagu xiray gudaha Hindiya isagoo loo heysto tuhun la xiriira dil. Laakiin wuxuu baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK. Wuxuu ku dhex dhuuntay musqul ku taalla xarun tareenka ee magaalada New Delhi. Cige waxaa loo heystaa dambi la xiriira dil loo geystay Aamir Siddiqi, oo xilligaas ahaa 17 jir. bbcsomali Qaran News
-
(ERGO) – Saqo Ali Ibrahim could not afford to sit idle when food aid stopped being delivered to her IDP camp in Lug, southern Somalia’s Gedo region, so she borrowed money and launched into the male-dominated livestock trade. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan dowlado shisheeye iyo hey’addo kale oo ku howlan kaluumeysi sharci daro ah oo biyaha Soomaaliya ay ka wadaan. Suleymaan ayaa xusay inay jiraan dadka Soomaaliyeed oo hey’adahaas iyo dalalkaas ku gacan siinayo kaluumeysi sharci daro, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhameystiran uga go’an tahay inay ka hor tagto kalluumeysiga sharci darrada ah oo ay biyaha Soomaaliya ka wadaan shirkadaha shisheeye. Wuxuu xusay in Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loola dagaalami lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah. “ Kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda dalka wuxuu kamid yahay musiibooyinka waaweyn ee ka jira Kheyraadka dalka, waxaana Soomaaliya usoo shaqo tagay dad rabo inay si sharci darro ah uga faa’ideystaan kheyraadka dalkeena” ayuu yiri xeer ilaaliyaha. Ugu dambeyn Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa uu faray Ciidamada Badda Soomaaliya inay soo qabtaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya si loo marsiiyo caddaaladda. Hadalka kasoo yeeray xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xilli 12-ka bishaan ay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay Soomaaliya u xukuntay murankii ka taagnaa qeybo kamid ah Badda Soomaaliya oo ay sheegatay Kenya. The post DF oo shaacisay shirkado kalluumeysi sharci darro ah ka wada biyaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya: 3 Guul darro oo ay ka mid tahay dacwdada badda oo ku dhacday dowladda Uhuru Kenyatta XIGASHADA SAWIRKA,KENYA STATE HOUSE Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukunkii saddexaad ee ay maxkamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya. Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda. Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd: Dacwadda Badda Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ. Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya. Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka maxkamadda Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. Diiwaangelinta shacabka Kenya Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd. Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado. XIGASHADA SAWIRKA,VANS HABIL | NMG Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka. Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar. Mashruuca BBI Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka. Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay. 20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI. XIGASHADA SAWIRKA,AFP Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas. Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda. Qaran News
-
MOGADISHU (Xinhua)) - The United Nations humanitarian agency said Monday it has stepped up response to support drought-stricken communities in Somalia especially in the southern region to avert a further deterioration of the situation. Source: Hiiraan Online
-
Halkan hoose ka akhriso magacyada iyo xilalka uu madaxweynaha ismaamulka Somaalida Itoobiya u mahacaabay xukumaddiisa cudub. 1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qaasim 2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman 3- Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada: Subeer Xuseen Cumar. 4- Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir. 5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Laag. 6- Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed Ibraahim 7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed. 8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan 9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen 10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad 11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar. 12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi 13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xuseen Geydh 14- Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan. 15- Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xasan Maxamuyd 16- Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka: Malaw Maxamed 17- Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha: Dayib Axmed Nuur 18- Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Maxamed Mahdi. 19- Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale. 20- Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir. 21- Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen 22- Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka: Maxamed Fatah 23- Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa. 24- Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden. 25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji 26- Xafiiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim. 27- Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil. Qaran News
-
London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa baaraya in dilka xildhibaan David Amess uu xiriir la leeyahay xiriirka xildhibaanka kala dhaxeeyey dowladda Qatar, sida uu qoray wargeyska The Times. Sir David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu dilay mindi Jimcihii, isaga oo ku sugan deegaanka Leigh-on-Sea, waxaana dilka loo qabtay Cali Xabri Cali Kulane. Booliska UK ayaa sheegay in illaa hadda dilka ula macaamilayaan mid argagixiso, balse ay eegayaan suurta-galnimada ah in loo dilay xiriirkiisa dowladda Qatar darteed. Ilo-wareedyo amni ayaa The Times u sheegay “Arrinta Qatar waxay aheyd tii ugu dambeysay ee xildhibaanka uu soo tweet gareeyo. Booliska waa ay eegayaan.” Dhinaca kale, wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Cali aabihii oo lagu magacaabo Xarbi Cali Kulane uu aad u dhaliilo dowladda Qatar, oo taageerto dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Warbiixnta Daily Mail ayaa lagu sheegay in qoraal uu Xarbi Cali Kualne soo dhigay twitter 5-tii October uu faro-gelinta Qatar ee Soomaaliya ugu yeeray mid aan wanaagsaneyn oo ay tahay in joogitaankooda la baabi’iyo. Tweet-ka ayuu Xarbi Cali Kulane ku yiir “Tan iyo 7-dii Febraayo, waxaan nasiib darro aragnay ku lug lahaanshaha aan caafimaadka laheyn ee Qatar ee saaxadda siyaasadda Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii xiriirkan xun ee aan laga fiirsin la baabi’in lahaa, lana yareyn lahaa saameyntiisa.” Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay Daily Mail inaysan wax muujinaya in Xarbi Cali Kulane uu yahay xagjir. Xarbi ayaa aad uga argagaxay dilka. Amess ayaa madax ka ahaa guddi ka tirsan baarlamanka oo lagu magacaabo APPG oo taageera Qatar, kana shaqeeya wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya dalkan ku yaalla Gacanka iyo UK. Amess ayaa 9-kii illaa 10-kii October booqday, halkaasi oo uu kula kulmay amiir Tamim bin Hamad Al Thani. The post Xildhibaan David Amess ma waxaa loo dilay xiriirkiisa QATAR iyo taageerada DF? appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay soo saaray liiska murashaxiinta afarta kursi ee Aqalka Sare ee ku harsan maamulkiisa. Jubaland ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare, hase yeeshee in ka badan laba bil ayey sabab aan la aqoon u haysteen doorashada kuraasta kale. Liiska uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa laba ka mid ah kuraasta waxaa si gaar ah loogu xiray haween, halka mid kale ay ku tartamayaan haween iyo rag, midna rag kaliya ay ku tartamayaan. Afarta kursi iyo sida loogu kala tartamayo ayaa kala ah: Kursiga 5-aad: Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh Kursiga 6-aad: Ibraahim Awgaab Cusmaan iyo Farxiya Macallin Cabdi Kursiga 7-aad: Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar Kursiga 8-aad: Xasan Daahir Yarow iyo Cali Maxamed Cali Guddiga doorashada Jubaland ayaa lagu wadaa inay isla maanta shaaciyaan xilliga ay dhaceyso doorashada, ayada oo ay u badan tahay in la qabto isla toddobaadkan. Haddii doorashada Aqalka Sare ay kasoo dhammaato Jubaland, waxaa haraya kaliya laba kursi oo ku harsan maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor. Beesha caalamka oo shalay wada-hadal la yeelatay Qoor Qoor ayaa uga digtay inuu dagaal ku qaado Ahlu-Sunna, taasi oo qiil uu uga dhigan karo inuu doorashada dib usii dhigo. Hoos ka arag liiska uu soo saaray Axmed Madoobe The post AXMED MADOOBE oo soo saaray liiska murashaxiinta AQALKA SARE ee ku haray appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Hal toddobaad ayaa laga jooggaa tan iyo markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay billaabeen inay u jiheystaan dhinaca Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Labada ciidan ayuu qorshahoodu yahay inay magaalada ka saaraan Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1-dii bishan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi. Ciidamada ayaa la soo sheegaya inay ku sugan yihiin goob aan ka fogayn Tuulo Sadiiq, oo hal habeen ka hor ay gaareen. Tuuladan ayaa ku taala jidka u dhaxeeya Guriceel iyo deegaanka Ceeldheere, oo 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb. Hawlgalka ciidamada oo gaabis badan uu ka muuqanayo ayaa loo aaneynayaa iyadoo Xoogaga Ahlu Sunna la tuhunsan yahay inay ka ag-dhow yihiin goobaha ay ciidamada ku safrayaan. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Guriceel iyo wadooyinka soo galaba, iyagoo sidoo kalena bannaanada magaaladaasi ka sameystay dhufeysyo waaweyn. Colka ku sii jeeda Guriceel ayaa dadka deegaanka ku khasbay in intooda badan ay isaga barakacaan guryahooda, iyagoo gaaray miyiga fog ee Guriceel. Sidoo kale waxaa hakad-galay goobihii waxbarashada iyo ganacsigii ka jiray magaaladaasi, sababo ku aaddan dadka oo ka baxsanaya in lagu dul dagaalamo. Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo ka mid ah Maamulada Iskuulada Guriceel ayaa sheegay in xiisadda ka taagan gobolka ay saamayn weyn ku yeelan doonto, kaalmihii hore ee ardayda Galmudug ka geli jireen Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka qaaddo. Sida uu sheegay Guriceel iyo bannaanadeeda waxaa ku yaala illaa afartan iskuul, oo ay wax ka baraneysay toban kun oo arday, arrinta walaaca ku haysana ay tahay hubinta la’aanta ka jirta gobolkaasi. “Inkastoo hadda waqti kooban ay tahay waqtiga waxbarashada hakadka ku jirto, laakiin midda walwalka nagu haysaa waxay tahay waqtiga ay dhammaanayso colaaddaan ayaynaan garanayna” ayuu yiri Cabdulqaadir Jaamac Tarabi oo la hadlay BBC. Odayaasha Dhaqanka ee Galmudug ayaa in badan ka digay xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo ay qaarkood ku baaqeen in wada hadalo lagu dhammeeyo, waxaase mooddaa in dhegaha laga fureystay baaqyadoodaasi, inkastoo Hoggaanka Ahlu Sunna ay sheegeen inay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan Galmudug, dagaal-na aanay doonayn in lagu khasbo mooyee. Sidoo kale, wakiilada Beesha Caalamka oo shalay la hadlay madaxweyne Qoor Qoor ayaa kula taliyey inuu sameeyo wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Galmudug, gaar ahaan magaalada Gurceel, iyagoo ka digay in hadii uu dagaal qarxo uu saameyn ku yeelan doono dhinacyo badan oo geedi socoda doorashooyinka dalka ay ugu horeyso. The post Gulufka dagaal ee Guriceel ku wajahan oo gaabis uu ku yimid – Maxa isbeddelay? appeared first on Caasimada Online.
-
Go’aankii maxkamadda ICJ ee kiiska badda waxa uu ahaa xukunkii saddexaad ee ay maxkamad ku dhawaaqday oo niyad jab ku noqday dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, sida uu qoray wargeyska Standard ee ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer dalka Kenya. Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda. Waxay guul darrooyinkaas ku mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood ka hor ahayd: Dacwadda Badda Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ. Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya. Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay “guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”. Diiwaangelinta shacabka Kenya Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd. Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado. Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka. Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar. Mashruuca BBI Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka. Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay. 20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI. Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas. Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda. ISha: BBC SOMALI The post Dacwadda Badda iyo laba guul-darro oo kale oo ay la kulantay xukuumadda Uhuru appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa shaaciyay liiska kuraasta Aqalka sare ee ka dhinneyd maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa soo saaray musharixiinta ku tartameysa afarta kursi ee qeybta ka ah 8 kursi ee Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare. Hoos ka akhriso liiska Musharixiinta. Source: goobjoog.com
-
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta harsan ee aqalka sare kuwaa oo uu soo gudbiyey xalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Jadwalka ayaa qeexaya waqtiga la diiwaan galin doono musharaxiinta u tartamaya kuraasta harsan ee aqalka sare qaybta Jubbaland iyo xiliga doorashadooda ay dhaceyso. Guddiga ayaa sheegay in maalinimada berri ah oo ay Taariikhdu ku began tahay 20-ka October ay Musharixiintu isdiiwaan galin doonaan,iyadoo sidoo kale musharixiinta loogu baaay in waajibaadka kaga aaddan dhanka xafiiska guddiga ay berry 8:00 saac oo subaxnimo u yimaadaan xarunta Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland. Waxaana doorashada si toos ah ay u billaaban doontaa maalinta khamiista ah oo ay Taariikhdu tahay 21-ka October 2021. PUNTLAND POST The post Jadwalka doorashada ka harsan Aqalka sare ee Jubaland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa sheegtay in ay gudaha magaalada Kismaayo ku qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab. Hay’adda ayaa sheegtay in ay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka wado xaafadaha kala duwan ee Kismaayo islamarkaana gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Shabaab. “Howlgalladan ayaa ka socdey walina ka socda dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo kuwaas lagu qabqabtey xubno kamid ah haraadiga amniyaatka ee argagixisada ayada oo qeybo kalena lagu daba jiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda. Nabad-sugidda Jubaland ayaa sidoo kale tilmaantay in ay si dhammaystiran uga warbixin doonto Hawlgalkaas markii uu dhammaado. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh. Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah. PUNTLAND POST The post Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Sweden appeared first on Puntland Post.
-
Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada Galmudug oo ay weheliyaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku hor fadhiya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saddex jiho ka fadhiya Guriceel halka xoogagga Ahlusunna weli ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada. Ciidanka Ahlusunna ayaa sida wararku sheegayaan xalay dhaq dhaqaaqyo xooggan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Guriceel halkaas oo ay difaacyo adag ka dhigteen. Waxa xusid mudan in maalmihii u dambeeyay dad badan ay ka bara-kaceen Guriceel kadib markii ay korortay xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee xiisadda Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Kuuriyada Waqooyi ayaa ugu yaraan hal gantaal oo nuuca ballistigga ah ku ridday biyaha badda dhanka bari ee gacanka,sida ay ka dhawaajiyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Japan. Saraakiil sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalaha ballistic -ga oo aan la garanayn la soo tuuray abbaare 10:17 subaxnimo manta ooTalaadado ah,wuxuuna tilmaamay in uu ka yimid agagaarka Sinpo. Kuuriyada Woqooyi waxay leedahay saldhig badda hoosteeda ah iyo sidoo kale qalab loogu talagalay tijaabinta gantaalada ballistic-ga ee badda hoosteeda ,iyadoo halkaasi hore uga soo tuurtay noocyo kale oo gantaallo ah. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo mar kale badda ku tijaabisay gantaallo ballistic ah appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in wabiyadu ay buux -dhaafaan, isla markaana ay kala jaraan isu socodkii magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah. Shan carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato maadaama la’yahay. dad badan. Dad badan ayaa ku xayiran degmooyinka Kottayam iyo Idukki ee gobolka Kerala,waxaana jira Dhowr guri oo ay la tageen daadadka. Ciidamada Mileteriga Hindiya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgal lagu daadgureynayo dadka,waxaana la sameeyay boqol xero oo kuwa gargaarka ah,sida uu sheegay madaxa Kerala Pinarayi Vijayan. PUNTLAND POST The post In ka badan 20 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
-
In our recent series of articles on Somali past elections, it was explained how the flawed electoral law of 1958 (Legge N. 26, del 12 Dicembre, 1958) had paved the way for the ruling Party (SYL) to claim a landslide victory with 83 of the 90 seats in the Legislative Assembly. As a result of the restrictions imposed on the opposition parties, the political game was left open for the Lega leading the country towards one-party system. But while the Party was excited with the electoral victory, the SYL President, Aden Abdulla, was not in tune with the party’s mood. He preferred, instead, to see strong opposition taking part in the elections without hindrance. Commenting on the election results, he put the following entry in his Diary: ”I am glad of the victory of my Party, but, at the same time, I would have equally been glad had there been strong opposition and had the “Lista Unica” not been a product of fraud” (Diary Marzo 11, 1959) Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (HOL)- Beledweyne's Ugas Khalif International Airport officially opened -its new terminal on Monday. Source: Hiiraan Online
-
At least twelve million people in Kenya, Somalia and Ethiopia are in urgent need of food assistance following a prolonged dry spell and the expected short rain season. That’s according to the United Nations Food and Agriculture Organisation’s (FAO) Early Warning systems experts. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa maalmo dheeri ah doorasho la’aan sii jooga xukunka dalka, mana muuqato saansaan muujineysa in dhawaan la qaban doono doorasho taasi oo dheereeneysa maalmahaan ugu darsoomay muddo xileedkii loo dhaariyey ee sharciga ahaa. Shacabka waxay tirinayaan maalmaha Farmaajo u raacay afartiisa sano, wuxuuna noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa kadib dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo sanadkii 2000 Soomaaliya waxay yeelatay Shan madaxweyne, mana jiro madaxeyne doorasho ku qabtay muddo xileedkiisa ama mid ku jaangooya maalintii la doortay maalinteeda kale, madaxweyne kastana waxaa u raacay muddo dheeri ah. Hase yeeshee, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu hadda heystaa rikoorka madaxeynihii waqtiga ugu badnaa ee xilka hayey ama ugu xukunka dheeraa wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Shax xisaabeedka iyo maalmihii ay xilka hayeen Shantii madaxweyne ee Siyaad Barre ka dambeeyey 1- Cabdiqaasim Salaad Xasan Waxaa lagu soo doortay magaalada Jabuuti 27-kii Agoosto sanadkii 2000, wuxuuna xilka ka dagay 14-kii October 2004. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne ka ahaa dalka 4 Sano, 1 Bil iyo 17 Cisho 2- Cabdullaahi Yuusuf Axmed Waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo doortay 14-kii Bishii October sanadkii 2004, wuxuuna shaqada ka tagay 29-kii December 2008, taasoo ka dhigan inuu xilka hayey 4 Sano, 2 bilood iyo 15 maalmood. 3- Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh Shariif waxaa la doortay 31-dii January 2009, wuxuuna xilka ka tagay 10-kii September sanadkii 2012, taasoo ka dhigan inuu xilka madaxeynimo hayey 3 Sano, 7 Bilood iyo 10 cisho . Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa dalka ma heysan muddo xileed afar sano ah sida dowladaha kale. 4– Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Soomaaliya loo doortay 10-kii September sanadkii 2012, waxaana tartanka doorashada looga adkaaday 8 February 2017, wuxuuna xilka hayey 4 Sano iyo 5 bilood. 5 – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waxaa xilka madaxeynimo ee Soomaaliya loo doortay 8-dii February sanadkii 2017, welina ma uusan wareejin xilka, wuxuuna xafiiska joogaa 4 sano, 8 bilood iyo 10 Cisho. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaas ku noqday madaxweynihii ugu xukunka dheeraa Soomaaliya tan iyo markii dib loo bilaabay dowlad-dhiska dalka sanadkii 2000. The post Farmaajo oo taariikh cusub u dhigay madaxdii soo martay xukunka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
