Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (PP News Desk) —Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble has ordered Radio Mogadishu and Somali National Television managers not to report on appointmentss made by President Mohamed Abdullahi Mohamed “It reminds me of General Aidid, when he captured Radio Mogadishu during 1990s” said Ali Adan, a news reporter in Mogadishu. “Roble has damaged his reputation as a statesman. He chose the path of a warlord” added Adan. Roble’s capture of the state’s media organs to authorise a news blackout against President Mohamed (left) amounts to an attempted coup d’état. The matter was subtly addressed by the Commander of Somali Police Force Major General Abdi Hassan Hijar, who urged the media to play a positive role and avoid spreading disinformation and misinformation. The relations between the President and Prime Minister soured following the suspension of the former national intelligence agency director Fahad Yasin by Roble. The Police Commander Hijar tweeted about a security meeting attended by the acting intelligence director Yasin Abdullahi. A photo of the new acting intelligence director Yasin Abdullahi with commanders of the police force, the army, and custodial corps has emerged, a development seen by many as indication that Lieutenant General Bashir Gobe, whom Roble had appointed to replace Fahad, is reluctant to be dragged into the political turmoil. The Police Commander tweeted about the meeting. “If Roble has taken over the national media, his actions amount to treason and an attempted coup d’état. We have to call a spade a spade” said a Mogadishu-based lawyer who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity. The Former President of Somalia Sharif Sheikh Ahmed Sheikh today urged Somali leaders to prevent Mogadishu from going to through “tribulations similar to the 1991 debacle.” © Puntland Post, 2021 The post Roble’s Media Coup Reflected in News Blackout Against Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  2. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maray dhaarinta wasiirka cusub ee amniga. Qoraal uu Baarlamaanku u diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Mudane Ra’iisul Waasare sida aad la socoto xubnaha Golaha wasiiradda ee lagu hor-dhaariyo Golaah Shacabka ma han keliya dhaarin ee waxay isugu jirtaa ansixin iyo dhaarin, si xubnaha ay xilalkooda xafiiis rasmi ahaan u bilaabaan”. “Sida muuqata xubin ka mid ah golaha fulinta ayaa magacowday, ansixisay, islamarkaana dhaarisay, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta hay’adaha dowladda ee sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka iyo sidoo kale qodobada dastuuriga ah ee 96-aad, 100-aad iyo 104-aad ee ku saabsan dhaar marinta xubnaha golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya” ayaa qoraalka Baarlamaanka la raaciyay. Qoraalka ayaa lagu xusay in Baarlamaanka 10-aad awoodiisa dastuuriga ah ay u dhameystiran tahay, maadaama uusan jirin firaaq baarlamaani ah. Waxaana qoraalka Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyay “Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaan kaa codsaneynaa in arrimahan aad si qoto-dheer uga baaraan degto, adigoo mudnaanta siinaya xasilloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidhaam dowladeedka ee dalkeena u baahan yahay oo maraya marxalad xasaasiya”. Warka ka soo baxay Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka oo ka horyimid qaabka loo maray dhaarinta wasiirka amniga appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan taliska hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Milateriga, Booliska, Asluubta iyo taliyayaasha gobalka Banaadir ee NISA iyo Booliska Soomaaliya. Saraakiishan ayaa kadib kulankooda waxay warbaahinta kula hadleen xarunta taliska booliska, oo ay sheegeen inay ku kulmeen iyagoo warbaahinta ka qariyay kii ka dhacay xarunta taliska NISA ee Habar-khadiijo waana sababta keentay in su’aalo badan uu ka dhasho shirkooda. Si rasmi ah looma oga sababta ay taliyayaasha u qariyeen inay ku kulmeen Habar Khadiijo iyo cida shirisay maadaama uu dalka ka jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hase yeeshee xogaha aan helnay ayaa tilmaamay in ciidamada ay ka tashadeen cidda ay amarkiisa ku shaqeyn lahaayeen xiligaan kala guurka iyo in amniga dalka uusan saameen ku yeelan khilaafka hogaanka dowladda Soomaaliya. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kaliya ay ka shireen amniga doorashada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa, balse waxaa xusid mudan in amniga doorashada ay kaliya masuul ka yihiin booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Haddii la raacayo habraaca amniga doorashooyinka, Taliye Xijaar oo keli ah ayey ahayd in uu shirka fadhiyo, sidoo kale uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble. Taliyayaasha xoogga, asluubta iyo gobolka banaadir kuma xusna heshiiska, waana su’aal kale oo dood keentay sababta ay uga qeyb galeen NISA, Milateriga iyo Asluubta maadaama laga hadlayay amniga doorashada. Waxaa illaa iyo hadda lagu wareersan yahay cidda ay Farmaajo iyo Rooble raacsan yihiin taliyayaasha, maadaama ay isugu jiraan xubno la ogyahay inay daacad u yihiin Farmaajo, kuwa daacad u ah Rooble iyo kuwa dhex-dhexaad ah. The post Xog: Been weyn oo laga sheegay kulankii maanta ee taliyayaasha ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  4. Press Statement: The Quarterly Report of Human Right Centre Date: 8/09/2021 Human Rights Centre is publishing its second quarterly report for the months of May-August 2021. The report emphasizes human rights abuses occurred for the past 4 months in Somaliland. These violations comprise of police brutality, arbitrary detentions, issues related to freedom of expression and gender-based violence. Gender-based violence cases has seen an increasing numbers of violations. Of cases related to police brutality, a police officer from Qudhac[GP1] dheer police station shot a victim seven times in his legs on April 19, 2021. The victim is Abdiassis Abdillahi who lives in the city of Hargeisa. The police officer involved in the case was arrested for a month before being released. Abdiassis is still in the hospital, as a result of multiple injuries and damage done to his body. Article 24(2) of the Somaliland constitution states “Every person shall have the right to security of his person. Physical punishment and any other injury to the person are prohibited.” Arbitrary detention of political opposition leaders has also seen an increasing trend. Saleeban Cawaale Good is the UCID Deputy National Information Secretary. He was arrested on August 28, 2021 without warrant and held without trial for holding a press conference in which he criticized the governor of Awdal region. The arbitrary arrest of Saleeban Cawaale Good is against Somaliland constitution, as mentioned in article 25(1), in particular states that “No person shall be deprived of his liberty except in accordance with the law.” On the other hand, article 32(1) grants citizens the right to express opinions orally, visually, artistically or any methods they so choose. Human Rights Center is concerned with the reoccurring violations and urges for Somaliland government to accept these conditions: 1. Find better methods to implement and enforce laws and reform the police force 2. Hold the police accountable for infractions occurred on the job 3. Release Saleeban Cawaale Good without conditions. 4. Find better laws that are specific to gender and until parliament can find a better law, to enforce the 2018 Act. Yaasmiin Omar H. Mohamoud Chairperson of the Human Rights Center Hargeisa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
  5. “Between the devil and the deep blue sea” by Colin Freeman is a book about luck, tragedy, and the enduring spirit of mankind to dig deep into their moral fibre for the good of others in times of extreme hardship. The word ‘others’ is important here because the key protagonists of the story have no direct relationship with the many kidnapped seamen who fall victim to Somali pirates during the height of the epidemic between 2008-2012. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay. Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud. “Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah. Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah. “Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada. Ma jirto sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galaa waa in ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri. Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo. “Hambalyo sxb mar labaad, xilka aad ummadda u qaadayna Allaha kula qaado. Aamiin.” Ugu dambeyntiina Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna si cajiib ah ugu hambalyeey wasiirka cusub, kadib markii maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilkaas, looguna wareejiyay. “Wasaaraddii amniga gacanta ayaa laguu geliyey ee iga qabo, waa kaa haayaa mudane, ma difaacan kartaa? haa Mudane, marqaatiguna waa noo jeedaa!. Hambalyo wasiir Abdullahi Mohamed Nor.” The post Siyaasiyiin miisaan leh oo ka hadlay xil la-wareegista Cabdullaahi Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.
  7. With a long-running Islamist insurgency and elections delayed for months, Somalia is no stranger to instability, but the country now faces the risk of renewed violence because of an increasingly bitter stand-off between its president and prime minister. Source: Hiiraan Online
  8. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho aysan gaarsiisnayn heerka warbaahintu sheegto. Taliye Xijaar oo maanta ka hadlayay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda dalka aysan gaarsiisnayn heer amni-darro keeni karta. Taliyaha Booliiska ayaa warbaahinta kala duwan ka codsaday in ay dalka u turaan oo joojiyaan wararka xaasaasiyadda abuuraya, islamarkaana laamaha Amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga. Gen. Xijaar ayaa tilmaamay in warbaahinta maanta noqotay qalab lagu dagaallamo sidaas darteedna loo baahanyahay in ay dhinaca wanaagsan wax ka eegaan mar kasta. PUNTLAND POST The post Taliye Xijaar: Xiisadda jirtaa ma gaarsiisna heerka warbaahintu sheegto appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolka Mudug. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu kulan qado ah la qaatay isimada iyo madaxda dhaqanka Gobolkaas Mudug. Madaxtooyadu ma sheegin arrin gaar ah oo madaxweyne Deni kala hadlay Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Gobolka, balse wararku waxay sheegayaan in uu kala hadlay Arrimaha Gobolka iyo doorashada. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Goleyaasha dowladda sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Lateliyayaal Madaxweyne, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Isimada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Lafta Gareen ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uga hortegay garoonka. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa ka soo duulay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaana isna soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya. Safarkan waxaa sidoo kale madaxweynaha Galmudug ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa gobolka Mudug. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labadan hoggaamiye ay kulamo siyaasadeed ka bilaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan, ayaga oo isku dayi doona inay gacan ka gaystaan sidii xal loogu heli lahaa. Socdaalka labada madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Si kastaba dhowaan ayey markii Farmaajo oo soo saaray digreeto uu shir deg-deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, balse illaa iyo hadda madaxweynayaasha soo gaaray caasimada iyo kuwa kale kama hadlin shirkaasi. The post Laba madaxweyne goboleed oo soo gaaray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa Halka qaarna kalena uu isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  12. MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble officiated the swearing-in of new Security Minister Abdullahi Mohamed Nur Thursday afternoon following his appointment Wednesday night, even as President Mohamed Farmaajo cried foul over the move. Source: Hiiraan Online
  13. Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay Amniga Gudaha ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta wasiirka cusub ee Amniga, waxaana dhaariyay Wasiirka Caddaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u guto xilka loo idmaday. Dhaarinta ka dib wasiirka cusub ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda kula wareegay xilka. Dhanka kale wasiirkii uu Rooble xilka ka qaaday Xasan Xundubey ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “waxaa xarunta Wasaaradda Amniga ka socda afduub lagu sheegay xil-wareejin”. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Amniga oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  14. MOGADISHU (HOL) - The family of the deceased female intelligence agent Ikran Tahlil Farah has sued four senior officials at the National Intelligence and Security Agency (NISA) among them immediate former boss Fahad Yasin for complicity in her death. Source: Hiiraan Online
  15. Maayirka Hargeysa oo xilka ka caydhiyey qaar ka mida Guddoomiyeyaaasha Degmooyinka Hargeysa qaarna isku-shaandheyn ku sameeyay. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd loo dhaariyey xilkaas cusub oo uu shalay u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka. Dhaarinta kadib, ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay. “Hadda waxaa i soo gaaraya in Xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha uu ka socdo AFDUUB lagu sheegayo xil-wareejin!,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Xundubeey ayaa kal hore ka horyimid xilka uu ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kuna tilmaamay sharci-darro, isaga oo la safan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay is-hayaan. The post DEG DEG: Wasiirka cusub ee amniga oo la dhaariyey xilkana la wareegay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  17. Dacwad Lid ku ah Taliyihii Xilka laga qaaday ee Sirdoonka Somalia oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada+Cida Gudbisay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay inuu qabatay cabasho lid ku ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA. dacwaddan ayaa la sheegay inay gudbisay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo horay uga tirsanayd hay’adda sirdoonka oo dhawaan la shaaciyay inay dhimmatay kadib markii la la’aa muddo laba bilood ka badan. Qoraalka loo gudbiyay Maxkamada ayaa waxaa lagu xusay magacyada afar eedeysane oo loo heysto iney wax ka ogyihiin isa markaana shirqool ku dileen Ikraan TahliilMagacyada lagu xusay Dacwada waxay kala yihiin:- 1-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir 2-Yaasiin Farey 3-C/llaahi Aadan Kulane 4-Cabdiqani diirane (Wadna-qabad) Hay’adda sirdoonka ayaa horay u sheegtay in Al Shabaab ay dishay Ikraan, eedeyntaasi oo Al-Shabaab ku gacan saydhay. Ra’iisal wasaaraha Somalia ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii NISA Fahad Yasiin, taasoo ka cadheysiisay madaxweyne Farmaajo.Khilaafkii arrintaasi ka dhashay ayaa saaameyn ballaadhan ku yeeshay howlaha Xukumada farmaajo. Qaran News
  18. M/weyne Shaaciyey inuu Ciidamadiisa kala baxaayo Muqdisho haddii aan khilaafka Aloosan Xal loo helin Madaxweyne Farmajo iyo Museveni oo ku kulmaya madaxtooyada Uganda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wareysi uu siiyay Frace24 oo oo hawada laga sii daayay Khamiista maanta ah ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho. Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan ka geysta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari. Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho. Xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga ee dalka aan xasilloonayn. Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu dib u dhac ku keeni doono hanaanka doorashada ee socda. Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa weji cusub yeeshay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto xalay ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka. Rooble iyo Farmaajo oo dhoolla-caddeynaya inta uusan khilaafkooda soo shaac-bixin Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir. Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax. Museveni iyo kaalintii heshiiskii Kampala Madaxweyne Museveni Heshiiska caanka ahaa, Kampala accord, ee dawladda Soomaaliya looga saaray KMG ayaa qalinka lagu duugay, xilligaasi waxaana si wadajir ah u saxiixay Madaxweynihii dawladda ku meel gaarka ahyad ee Soomaaliya isla markaana uu madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaasi Shariif Xasan. Waxaa kale oo markhaati ahaan u saxiixay heshiiskaas madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo Ergaygii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga, waxaana lagu saxiixay magaalada Kampala ee caasimada Uganda. Dowladdaas waxaa xiligaas raysal wasaraae ka ahaa Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ee hadda,waxaana xusid mudan in wakhtigaas Farmaajo looga yeeray Kampala si loola socodsiiyo heshiiskii Kampala oo dhigayey inuu xilka baneeyo, uuna madaxweynuhu soo magacaabo raysal wasaare cusub mudo 30 cisho ahayd oo ka bilaamanaysay markii la saxiixay oo ahayd 9-kii bishii Juun sanadkii 2011-kii. Museveni ayaa isla xilligaasi ku hanjabay inuu la bixi doono ciidammadiisa o ahaa kuwii ugu horreeeyay ee AMISOM ee Soomaaliya la geeya 2007 Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Frace24 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay dalka ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya. Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo. Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka. Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble. Si kastaba tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen labada dhinac ayaa sii horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga guud ee Soomaaliya. The post Madaxweyne Museveni oo soo saaray hanjabaad la xiriirta xiisadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.