Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxay tahay sababta loo gubay Masaajidka magaalada Manchester? Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester. Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen. Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda. Hanjabaado muddo socday Waxa ay intaas ku dareen inay dhowr sano soo gaarayeen hanjabaado ka imaanayay dad ku gooddinayay inay masjidkaas dab qabadsiin doonaan, haddana ay u muuqato in qaarkood ay ka dhabeeyeen hanjabaaddooda. “Haddii aannaan garab weyn ka heli lahayn dadka deegaanka ee ku dhow goobta uu masaajidka ku yaallo, kama fikiri karo waxa dhici karay, waxay nagu caayiyeen inay baaldiyaashooda ku soo qaadaan biyo ay dabka ku damiyaan, ma garaneyno si aan ugu mahad celinno,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta gacanta ku haya masjidka. Ma jirin cid wax ku noqotay dabka Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan. Ku xigeenka duqa magaalada Manchester, Lutfur Rahman, ayaa sheegay in gubitaanka masaajidka uu ahaa “fal lagu abuurayay cabsi iyo naceyb”. “Waxaan bogaadinayaa dariska qeylo dhaanta sameeyay, waxay ka turjumayaan astaanta saxda ah ee magaalada, lama mid aha kuwa dabka sababta u ah,” ayuu yiri. Maamulka masaajidka, oo shaaciyay muuqaal ay xilliga dhacdada duubeen kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay feejidnaadaan, iyagoo ugu baaqay inaysan aqbalin dadka dhibaatada wada ee dhexdooda ku jira. Muxuu masaajidkan u noqday Bartilmaameed? Muddo sannado ahba isha ayaa lagu hayay masaajidka Desbury, sababtoo ah waa meesha ay ku tukan jireen Salman Abedi iyo qoyskiisa. Abedi ayaa ka mid ahaa dadkii qaraxa ka fuliyay fagaaraha loo yaqaanno Manchester Arena. 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 2017-kii ka dhacay Manchester Abedi ayaa dilay 22 qof markii uu qarax ismiidaamin ah ku beegsaday xaflad ka socotay xaruntaas sanadkii 2017-kii. Weerarkaas kaddib, mid ka mid ah dadka gacanta ku haya masaajidka ayaa sheegay in ninkaas oo 22 jir ahaa uu u muuqday qof xirxiran. Tan iyo xilligaas, Maskidka waxa uu fuliyay howlo aad loogu amaanay oo dhinaca bulshada ah, waxaana ka mid ahaa inuu caawinaad badan sameeyay markii ay fatahaadaha dhaceen xagaagii lasoo dhaafay. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray wasaaradda maaliyadda inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan. Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqasan SDRs. Rooble ayaa sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyaqaan SRDs uu amray Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto: In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee, ilaa oggolaansho laga helo RW XFS. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan RW XFS inta aan la bixin wax lacag ah. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha XFS. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto. Halkaan hoose ka akhriso warqadda uu Rooble u diray wasaaradda Maaliyadda The post R/W ROOBLE oo amar culus oo afar qodob ah dul dhigay Wasaaradda Maaliyadda appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah oo aan laga fasixin xafiiska ra’iisul wasaaraha aan laga bixin bankiga dowladda. Wareegto ka soo baxday xafiiska Rooble ayaa lagu mamnuucay in la aan laga bixin wax hantida dowladda, iyadoo Rooble uu sheegay in wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa ay badaleyso wareegto Farmaajo horay uga soo baxday Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) - A much anticipating meeting between President Farmajo and Prime Minister Roble ended early this morning without any conclusive agreements. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa markale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax Mahad Salaad oo ka hadlayey wada-hadalladii u dambeeyey ayaa shaaca ka qaaday in weli Farmaajo uu ku dhagan-yahay in maxkamadda laga soo celiyo kiiska Ikraan, sidoo kalena uu isagu magacaabo agaasimaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya. Ujeedka ayuu ku sheegay in la doonayo in lagu baabi’iyo raadka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sababay khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho. “Farmaajo wuxuu ku dheganyahay: Kiiska Ikraan Tahliil waa in maxkamada laga soo celiyo si Fahad loo badbaadiyo. Taliyaha NISA waa inaan anigu soo magacaabo, si loo baabi’iyo raadka kiiska Ikraan!” ayuu ku yiri xildhibaanka mucaaradka ah ee Mahad Salaad. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska Ikraan uu ka weyn yahay inta loo maleynayo, isla-markaana wararka soo baxaya haddi ay xaqiiqo noqdaan ay ceeb ku tahay dowladnimada. “Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!” ayuu raaciyey Mahad Salaad. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada lagu kala tegay natiijo la’aan wada-hadalladii u dhexeeyey Farmaajo iyo Rooble oo u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil. The post Kiiska IKRAAN TAHLIIL ‘oo ka weyn yahay inta la malaynayo’ appeared first on Caasimada Online.
  6. Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya Villa Somalia ayaa sheegaya in xalay lagu kala kacay shirkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo nin weliba booskiisa joogo. Warar ayaa intaas ku daraya in xataa uu fashilmay guddi labada dhinac ah oo la faray iney war murtiyeed iyo qodobbo soo qoraan, kadib markii kooxda Farmaajo ay ku adkeysteen dhammaan qodobadii horay looga diiday Farmaajo. Farmaajo ayaa inta badan labo arrin aad ugu adag (1). Inuu isaga keeno taliyaha NISA iyo (2). In Fahad Yaasiin iyo saraakiisha kale ee NISA laga daayo dacwada ka taalla maxkamadda ciidanka. Dhankiisa, ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa ku adkeysanaya in taliyaha loo magacaabayo NISA loo baahanyahay inuu noqdo mid madaxbannaan oo kiiska Ikraan horay u wadi kara, una cadaalad fali kara, taasi oo aanu sameyn karin Farmaajo iyo cidda uu magacaabayo, qodobka kale ayaa ah in kiiska lagu maxkamadeynayo Fahad Yaasiin, Ikraan Tahliilnka ay cadaalad ku heleyso uu yahay lagama laabtaan. Ra’isul wasaare Rooble oo heysta kalsooni shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil ayaa u muuqda ilaa hadda mid ku dhinac ah dareenka umadda. Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur galbeed Axmed Kaariye Qoor-qoor iyo Cabdicasis Lafta-gareen oo dhex-dhexaadinta qeyb ka ah ayaa ku daalay labada dhinac, iyaga oo Farmaajo ka dhaadhicin la’ iney uga dhammaatay maamulidda marxaladda kala-guurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay Natiijada Fasalada 8-aad ee Imtixaanka shahaadiga Somaliland oo sanadkaan ay u fadhiisteen arday fara badan. Guddiga Imtixaanka oo Natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay tirada ka dhacday gobal walba iyo kuwa ku soo baxay Imtixaanka. Gobalka Salal ee Somaliland ayaa la sheegay in sanadkaan ay ka baaseen 153 ardya halka gobalka ay ka dhaceen 8 arday oo keliya. Gobalka Sanaag ayaa sanad dugsiyeedkaan waxaa fasalka sideedaad ka gudbay 609 arday kuwaas oo imtixaanka ku baasay, halka 9-arday Imtixaanka ay ku dhacday gobalka Sanaag. Gobalka Saraar ee dhulka Somaliland ayaa sanadkaan waxaa isna ka gudbay oo imtixaanka fasalka Sideed ka baasay 228 arday, halka 8 arday ay ka hartay Imtixaanka. Gobalka Sool ayaa Natiijada lagu sheegay in sanadkaan ay ka gudbeen Imtixaanka 1162 arday halka 4-arday oo keliya ay gobalkaas Imtixaanka ku dhacday. Gobalka Togdheer ayaa guddiga Imtixaanka sheegen in sanadkaan ay ka gudbeen imtixaanka 2950 arday, halka 148 arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobalka Xaysimo oo ka mid ah gobalada Somaliland ayaa isna sanaadkaan Imtixaanka fasalka 8-aad ka gudbay 76 arday halka uu Hal arday imtixaanka uu ku dhacay. Gobalka Awdal ayaa waxaa dhankiisa Imtixaanka fasalka sideed sanaadkaan uga gudbay 2322 arday, iyadoo 115 arday ay Imtixaanka ku dhaceen sanaadkaan. Gobalka Badhan ayaa fasalka Sideed waxaa sanaadkan imtixaankiisa ka gudbay 609 arday, halka 9-arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobalka Buuhoodle ee Somaliland gobaladeeda ka tirsan ayaa isna waxaa sanadkaan imtixaanka ku soo baxay 385 arday, iyadoo 6 arday ay imtixaanka ku dhaceen. Gobolka Daadmadheeh ayaa sanadkaan waxaa Imtixaanka shahaadiga fasalka sideed ee dowladda kaga gudbay 124 arday, iyadoo 2 arday imtixaanka Imtixaanka. Gobolka Gabiley ayaa sanadkaan waxaa isna imtixaanka ka gudbay 1265 arday, iyadoo 60 arday ay gobalkaas imtixaanka uga dhacday. Gobalka Hawd ayaa sanadkaan waxaa Natiijada Imtixaanka dowladda lagu shaaciyay in ay 31 arday ay baaseen, halka gobalka Hawd uusan jirin Arday Imtixaanka ku dhacay. Gobalka Maroodijeex oo ah gobalka ay ardayda ugu badan Imtixaanka uga fadhiisteen ayaa la sheegay in ay imtixaanka ka gudbeen 8860 arday, halka 433 arday imtixaanka ay ku dhaceen. Gobalka ugu dambeya oo ah gobalka Saaxil ee Somaliland ayaa Natiijada saaka lagu dhawaaqay lagu sheegay in ay 830 arday imtixaanka ay ka gudbeen halka 31 ardayna Imtixaanka ay ku dhaceen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT- Rimini)-Nin Soomaali ah ayaa xalay shan qof ku dhaawacay weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Rimini, oo ka tirsan gobolka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga, sida ay qortay jariirada Corriere di Bologna. Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa ku safrayay tikidh la’aan isagoo saaran bas ka yimid Riccione kuna socday Rimini. Wuxuu markii hore mindi ku weeraray laba haween ah oo hubinayey tikidhada ka dibna wuxuu dhaawacay saddex qof oo rakaab ahaa oo uu ku jiray wiil 5 jir ah, ka hor inta aanu ka degin gaadhiga. Booliska ayaa xidhay eedeysanaha kadib markii uu isku dayay inuu cagihiisa ku baxsado. Sida laga soo xigtay Corriere di Bologna, eedeysamaha ayaa u muuqda in aanu wax xidhiidh ah la lahayn ururada argagixisada ama xagjiriinta. Waxayna Baadhayaashu hubinayaan inuu isticmaalayay maandooriye. Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhowaan yurub yimid wuxuuna dhowr bilood ka hor dalbaday qaxootinimo. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo muddooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa dhismaha guddi-hoosaadyada Golahaasi, ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan Liisaska iyo xubnaha guddi walba ku jiri doonta illaa berri Isniinta. Guddiyadan oo shaqooyin muhiim ah mid walba qaban doono, isla markaana Mudaneyaasha loo qaybin doono, guddiyada ay ku haboon yihiin, iyada oo aqoontooda la eegayo, ayaa lagu wada in ay noqdaan guddiyo gaadhaya 10 illaa11 guddi. Guddidan oo dhismahooda dooddo adag hadheeyeen muddadii lagu gudo jiray xulista iyo aasaaskooda, taas oo salka ku haysay qaab deegaameed, mid Xisbiyo, mid kale isbahaysi, madaama oo Xildhibaanno badan loo sii balan qaaday wakhtigii Ololaha shir-guddoonka in guddiyo madax looga dhigi doono. Xogo uu ka helay Wargeyska Saxansaxo guddiyadan, ayaa loo badinayaa in ay noqon karaan sidan hoos ku qoran, ■ Guddi hoosaadka Arrimaha Dibedda, ayaa loo badinayaa inuu Madax ka noqdo, Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur, UCID uga soo baxay Gobolka Maroodi-jeex ■ Guddi hoosaadka dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse (Cago weyne), oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil ■ Guddida joogtada ah, ayaa lagu wada in Guddoomiye ka noqdo Nuur Guuleed oo ka soo baxay UCID, lagana soo doorto Gobolka Awdal, gaar ahaan Saylac. ■ Guddida Daba galka hantida qaranka, ayaa loo badinayaa inuu Guddoomiye ka noqdo Xildhibaan Garqayaan Mustafe xmed Cabdillaahi, waxaanu ka soo baxay Kulmiye Sool, gaar ahaan degmada Caynaba. ■ Guddida Arrimaha Guddaha iyo Amniga, ayaa laga yaabaa in loo dhiibo xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi Jeex. ■ Guddida Hawlaha Guud, ayaa filayaa in madax looga dhigo Xirsi Cabdillaahi Xirsi, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Saaxil. ■ Guddida Khayraadka iyo Macdanta, ayaa la filayaa in uu guddoomiye Mubaarik Muuse Ismaaciil, oo Waddani uga soo baxay Sanaag. ■ Guddi hoosaadka Shuruucda, caddaaladda iyo xuquuqul Iisaanka, ayaa in madax ka noqdo Xildhibaan Yaxye Aaraarse, oo Kulmiye uga soo baxay Maroodi-jeex. ■ Guddida arrimaha Bulshada, ayaa la filayaa in loo magacaabo Maxamed Maydhane, oo Kulmiye uga soo baxay Gobolka Awdal. Guddiyo kale ayaa iyaguna jira oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn cidda madax ka noqon doonta, iyada oo sidoo kalena, guddida aan sheegnay qaarkood wax laga beddeli karo ka hor inta aan la shaacin. Wargeyska Saxansaxo Source
  10. Norway Waxay Hore u joojisay Lacag Ay Ku Shubi Jiray Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) (SLT-Hargeysa) Dawladda Norway, ayaa dib ugu soo noqotay ka mid ahaanshaheedii Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaasi oo ay ka baxday dhawaan. Dawladda Norway ayaa dib u bilaabaysa Lacago ay ku shubi jirtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ka dib Wada-hadallo Magaalada Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ergayga Norway u qaabilsan Soomaaliya iyo Haweenay ka mid ah Waaxda Nabadda iyo dhexdhexaadinta ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Norway iyo Weliba Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway. Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa, isla-markaana ka qayb-galay kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga ka socday Dawladda Norway, ayaa Warbaahinta Arabsiyo News uga warramay waxyaabaha Weftiga Norway kala hadleen Madaxweynaha ama ku war-geliyeen, waxaanu sheegay in Warka wanaagsan ee Weftigaasi Somaliland u sideen uu ahaa inay dib u bilaabayaan Kaalmadii ay ku soo shubi jireen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Norway, beri dhexdaa ahayd ayay ka baxday Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo lacagtii la joojiyey, laakiin Lacagtaa dib bay ugu soo noqdeen (Somaliland dib bay ugu bilaabayaan), waa Warkii ugu Qiimaha badnaa ee ay inoo sideen, iyadoo Lacagtaasi Mashaariic badan wax ka tari doonta, isagoo Madaxweynuhu qiray in markii Norway lacagta bixin jirtay in waxyaabihii lagu qabtay ahaayeen wax la taaban karo.” Source
  11. Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ka soconaya diyaar garowga loogu guda jiro dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta. Shalay ayaa magaalada lagu soo gaba gabeyay bixinta shahaadada musharaxnimada Aqalka sare, taas oo la shegay in ay jiraan musharixiin liiska ku soo baxday oo aan isdiiwaan gelin. Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleed Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Beri oo isniin ah iyo maalinta Arbacada ay dhaceyso doorashada 8-kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka sare. Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulka Seddaxaad ee si rasmi ah u dhameystiro Xubnahiisa Aqalka sare kadib maamulada Koonfur galbeed iyo Puntland oo iyagu qabtay doorashooyinka Kuraastooda Aqalka Sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay dil Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Magaaladaas. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Xisbiga WADDANI ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen gudaha Magaalada Laascaanood, xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka WADDANI ayaa ka dalbaday laamaha amniga Gobolka Sool inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Cabdirisaaq Cardoofe, si Cadaalada loo horgeeyo. “Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sidoo kalena ka tirsanaa xubnaha Xisbiga WADDANI, waxaana toogtay dabley hubeysan oo watay Bastoolad Source
  13. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay gudaha magaalada Laascaanood loogu geystay xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe, oo ka mid ah munayaasha golaha deegaanka Laascaanood. Xildhibaanka ayaa waxaa dilay koox aan la aqoon haybtooda kuwaas oo sida la sheegay isaga baxsaday kadib markii ay dilka geysteen goobta. Cardoofe ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugna Afafka hore ee hoygiisa oo ku yaallo magaalada Laascaanood. Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo dilka xildhibaanka iyo dilal Habeenadii la soo dhafay gudaha magaalada ka dhacayay ayaa xalay lagu qabtay waddooyinka waaweyn ee magaalada Laascaanood. Shacabka ayaa ka cabanayay kooxa aan la aqoon kuwaas oo dilal qorsheysan maalmihi la soo dhafay ka geysaneysay magaalada Laascaanood. Dadka banaanbaxa dhigayay oo careysnaa ayaa maamulka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan xaaladda Amni darro ee deegaanka ku soo korortay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Muqdisho)-Kadib kulan saacado badan qaatay oo shalay ilaa xalay u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilli dambe oo xalay ah waxa natiijo la’aan ku soo idlaaday. Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay. Lama oga in wadahadallada oo ay dedaal badan ku bixiyeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed mar kale dib maanta dib la isugu soo laaban doono. Xiisad siyaasadeed oo culus ayaa ka billaabatay Soomaaliya kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreysa dalka, oo kala ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxaa hadda socda waanwaan lagu dhexdhexaadinayo. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa billaabay dadaal xooggan oo ujeeddadiisu tahay in xal loo helo muranka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si dalka oo markii horeba nuglaa looga badbaadiyo xasarado hor leh. Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo isu diyaarineysay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday Source
  15. (SLT-Laascaanood)-Ciidammada ammaanka ee Somaliland ayaa saaka iyo xalay howl-gallo baadhitaan ka sameeyey Laascaanood, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee degmadaasi. Duqa degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dad tuhmanayaan loo soo qab qabtay dilka marxuumka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah oo lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan ciidammada booliska, kadibna qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo, halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo. Cabdiraxiin Cali ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay faah faahinta rasmiga ee baadhitaanada socda dib ka shaacin doonaan. “AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, saraakiisha booliiska ayaa inoo sheegay in baadhitaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan,” ayuu yidhi Duqa magaalada Laascaanood. Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah. Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ka soo baxay xisbiga WADDANI. Source
  16. Kulamo xiriir ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu dhex-dhexaadinayay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa sida la xaqiijiyay goor dambe oo xalay ku dhammaaday natiijo la’aan. Labada dhinac ayaa isku-mari waayay hannaanka loo wajahayo kiiska Ikraan Tahliil iyo sidoo kale arrinta hay’adda NISA, kadib markii dhinac kasta ku adkaystay mowqifkiisi hore. Madaxweyne Farmaajo, ayaa dalbaday in kiiska Ikraan Tahliil laga soo celiyo maxkamadda, loona saaro guddi madax-bannaan oo baaritaan ku sameeya, balse Ra’iisul wasaare Rooble ayaa diiday qodobkaas. Sidoo kale, labada mas’uul ayaan wax isu-tanaasul ah ka muujin arrinta ku saabsan hoggaanka hay’adda Sirdoonka NISA, taas oo keentay in lagu kala tago kulanka. Muranka labada dhinac ayaa u muuqda mid sii fogaaday, inkastoo aan la ogayn tallaabada xigta ee dhinac kasta qaadi karo. PUNTLAND POST The post waan-waantii laga dhex waday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo fashilantay appeared first on Puntland Post.
  17. Abdirahim Mohamed, 18, died after being knifed in the street, and it is claimed his brothers had to scrub his blood off the ground after police failed to clear the grisly scene Source: Hiiraan Online
  18. Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa gacanta ku dhigay laba kamid ah shabakadihii ugu weynaa ee Khamriga keeni jiray gudaha Puntland. Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay gacanta lagu dhigay labada shabakadood oo in mudda ah lagu raad-joogay. Shabakadda kowaad ayaa lagu qabtay degmada Jarriiban, halka shabakadda labaad lagu qabtay degmada Galdogob. Booliiska ayaa sheegay in dhammaan xubnihii shabakadahan iyo gaadiidkii ay ku hawl-geli jireen gacanta lagu hayo, islamarkaana dhowaan sharciga la marin doono. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay shabakado lagu raad-joogay appeared first on Puntland Post.
  19. Somalia’s may have last week struggled with its old political problems after President Mohamed Farmaajo bitterly differed with his Prime Minister Hussein Roble. But the country faces another continual problem: female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  20. Xiisad ayaa saaka ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo xalay lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmadaas. Dabley hubaysan ayaa xalay gurigiisa Laascaanood ku hor-dilay xildhibaan, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe), sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa. Dilka marxuumka ayaan cidna loo qaban, islamarkaana aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Somaliland u qaabilsan gobolka Sool. Dadweynaha magaalada ayaa xalay sameeyay bannaan-bax looga horjeedo maamulka Somaliland oo dadka qaarkood ku eedaynayan dilalka qorshaysan ee ka dhaca degmada Laascaanood. Wararku waxay sheegayaan, in saaka gudaha Laascaanood lagu arkay dhalinyaro hubaysan oo ku hanjabaya in ay dagaal la geli doonaan ciidamada Somaliland. Sidoo kale, waxa laga cabsi qabaa in magaalada uu ka dhaco kacdoon dadweyn oo ka dhan ah joogitaanka Somaliland. PUNTLAND POST The post Xiisad ka aloosan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  21. When terrorists leveled New York City’s Twin Towers, Kassim Busuri shared the same fear felt by all the other eighth-graders sent home early from his middle school classroom in North Mankato, Minn. It wasn’t until the next day that he also had to shoulder everyone else’s fear. Source: Hiiraan Online
  22. NAIROBI, Kenya Sep 11 – At least 11 unidentified and unclaimed bodies are currently lying at the Garissa Referral Hospital mortuary, HAKI Africa, a Mombasa-based human rights organization has said. Source: Hiiraan Online