-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararki ugu dambeeyey ee khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in labada dhinac ay hadda xoogaa isku soo dhawaadeen. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta isla markaasna waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan. Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo. Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda. Maanta ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wada-hadalada, waxaana muuqato in Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha. Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay. The post Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta laga dhex wado Rooble iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
UN says over 3.5 million people face food crisis in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
About 3.5 million people are expected to face an acute food insecurity crisis in Somalia through the end of 2021 due to lack of humanitarian assistance, says a United Nations-backed food security report released in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada, si uusan ugu lumin waqtiga, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweyne oo ka hadlayau kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay in markii hore howlgallada Ciidamada ee Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo kala dhan taallan, balse ka maamul ahaan ay iabedel ku saneeyeen. Waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada Puntland ee ka howlgalla Gobolka Mudug ay yihiin kuwo wadashaqeeya, sidoo kalena looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dadka falalka Amni darro kanl geysta degaannada Gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada. Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuuna dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in uusan marnaba filayn in ammaanka ay Gaalkacyo ay wax ka bedelaan 120 askari oo Garowe lagasoo diray labo sano ka hor, halka ay Mudug joogeen 2000 askari. “Ciiddamadan waxay naga ahayd tijaabo, laakiin in ay sidaasi wax isku bedelaan ma ahayn wax aan sidaas filaynay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Madaxweyne Deni ayaa sheegay sida ay Puntland usoo afmeertay shabakado Al-Shabaab ah oo muddo dheer ka jiray magaalada Gaalkacyo in aanay jirin meel Soomaaliya kamid ah oo sidaas oo kale usoo afjartay. Bishii June ee sannadkan, maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay 18 xubnood oo Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 masuul ka ahaa qaraxyadii iyo dilalkii Gaalkacyo ka dhici jiray. The post Madaxweynaha Puntland oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan Gaalkacyo, ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan degaanka Garacad ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Deni, ayaa sida qorshaysan kormeer ku samayn doona dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale, waxa la filaya in uu kulamo kala duwan la qaadan doono mas’uuliyiinta dowladda iyo bulshada degaanka Garacad. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta booqanaya dekedda Gacarad ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal, oo salka ku haysa maamulka xarunta hay’adda NISA, kadib markii madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ay kala magacaabeen laba agaasime. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac, hasee yeeshee Farmaajo ayaa ka daba magacaabay Yaasiin Farey, taasi oo abuurtay loolan iyo xiisad siyaasadeed. Xiisaddan ayaa u muuqata inay horseedi karto dagaal dad badan ay sheegeen inuu noqon doono midkii Farmaajo uu dalka uga bixi lahaa, haddiiba uu nasiib u yeesho inaan lagu dilin. Farmaajo, oo bishii April ku fashilmay isku day muddo kororsi, kadib markii awood ciidan lagu hor-istaagay, ayaa xubno ku dhow ay sheegeen inuu weli rumeysan yahay inuu awood ciidan wax ku maquunin karo. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada dowladda federaalka ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaas oo kala ah ciidamada Gorgor ee militariga iyo Duufaan oo ka tirsan NISA. Ciidanka Gorgor waa kuwa ay tababareen Turkiga, waxaana u badan dhallinyaro markii horeba uu Farmaajo musuq-maasuq iyo qabyaalad ugu diray tababarka. Si kastaba ciidankan ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah aysan raacsaneyn Farmaajo, waana qeybtii diiday xilligii muddo kororsiga inay u dagaalamaan Farmaajo. Ciidanka labaad ee uu Farmaajo isku haleynayo waa ciidanka Duufaan, oo ah kuwa tiro ahaan aad u yar. Ciidanka waxay badankood yihiin kuwo uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxayna isugu jiraan dhallinyaro laga keenayo gobolka Gedo, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo markii dambe usoo goostay dowladda. Marka la isku geeyo, labada ciidan ayaa ah kuwa aad u yar, marka loo barbar dhigo ciidamada kale ee dowladda, waxaana aad u yar awoodda ay xitaaa hal maalin oo buuxda ku dagaalami karaan, haddii xiisaddan ay faraha ka baxdo, oo ay dagaal isku rogto. Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa rumeysan in laga adkaan karo Farmaajo iyo kooxdiisa ayada oo aanu dagaal ka dhicin Muqdisho, taasi oo la sheegay in Farmaajo uu aad u doonayo, maadaama wax sumcad ah aysan u harin. The post Yey yihiin labada ciidan ee uu Farmaajo isku haleynayo? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii Tamarta Somaliland oo Xilkii ku wareejiyey Wasiirka cusubaa ee Wasaaraddaas loo soo magacaabay Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka qabsoontay Gudaha Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL waxaana ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Gudoomiyaha Komishanka Korontadda, Gudoomiyaha Barakacayaasha, Gudoomiyaha Maamul wanaagga, Madaxda hay`adaha dawlada, masuuliyiin ka socday shirkado kala duwan oo maxaliya iyo kuwo caalamiyaba, sidoo kale waxaa madasha soo xaadiray xubno metelayey hayadaha Ajaanibkaa ee dalka ka shaqeeya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ula shaqeeya Wasaarada iyo weliba qaar kamida Salaadiinta Somaliland. Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Mukhtaar Maxamed cali oo munaasibadda hadalo kooban kasoo jeediyey ayaa soo dhaweeyey Wasiirka Cusub, Mudane Cabdilaahi faarax cabdi isagoo sii sabootiyey Wasiirki Hore Jaamac Xaaji maxamuud Cigaal, Wuxuuna sharaxay Qorshaha udagsan Wasaaradda, sidoo kale wuxuu ubalanqaaday sidii ay Wasiirki hore ula shaqeynayeen iyo si kasii wanaagsan in loola shaqeyn doono. Wasiirkii hore Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo Munaasibadda hadalo kooban ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahad celiyey shaqaalihii la soo shaqeeyey, Isagoo dul istaagay mashaariic doora oo uu hirgaleyey intii uu xilka hayey sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda isagoo balan qaaday inuu la shaqayn doono wax kasta oo uu uga baahdana la garab taagan yahay. Ugu danbayn waxaa halkaa ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Cabdilaahi faarah cabdi oo isna dhinaciisa u mahad naqay Wasiirkii hore ee Wasaaradda kuna hambalyeeyey wax qabadka laxaadka leh ee la taaban karo ee uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka hayey waxaanu balan qaaday inuu halkaa ka sii wadi doono shaqadii wasaaradda. intaa ka bacdi waxaa si rasmiya Wasiirkii hore ee wasaaraddu xilkii Wasaaradda ugu wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda loo soo maga caabay. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa raadineysa door cusub oo ay ku yeelato Afghanistan kadib qabsashadii Taalibaan, waxayna caawimaad ka raadin kartaa Pakistan, xilli Qatar oo ay xifaaltamaan ay kusoo baxday dalka ugu saameynta badan Afghanistan. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa madaxii hore ee sirdoonka boqortooyada Turki al-Faisal u xil saaray inuu dib usoo cusbooneysiiyo xiriiradii uu la lahaa hoggaamiyayaasha Taalibaan, oo uu la macaamilay 20 sano kahor. Turki al-Faisal, oo 76 jir ah, ayaa ahaa madaxa sirdoonka Sacuudiga, intii u dhaxeysay 1979-kii ilaa 2001, wuxuuna kaalin ku lahaa isku xirka mujaahidiintii Afghanistan ee la dagaalamay Midowga Soviet ee kusoo duulay. Sida ay ku warantay shabakadda Intelligence Online, Faisal ayaa dhowaan la kulmay Mullah Yaqoob, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, wuxuuna sidoo kale Qatar kula kulmay Mullah Baradar. Baradar ayaa ah madaxa siyaasadda Taalibaan, wuxuuna hoggaaminayey wada-xaajoodyadii ay kooxda la gashay dowladda Mareykanka ee dhaliyey inay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkaas. Kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan, Qatar oo ah dal yar oo ay xifaaltamaan Sacuudiga, ayaa waxa uu Mareykanka ammaan kaga muteystay sida ay gacan uga geysteen in kumanaan qof laga daad-gureeyo garoonka diyaaradaha Kabul. Qatar ayaa sidoo kale horey Taalibaan ugu ogolaatay inay xafiis siyaasadeed ka furato Doha 2013-kii, ayada oo taageero ka heleysa madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama. Khubarada ayaa u sheegay Middle East Eye, in ayada oo la rumeysan yahay in xiriirka tooska ah ee Taalibaan iyo Sacuudiga uu xadidan yahay, ay Riyadh ay ka faa’iideysan kartoo saameynta Pakistan ay ku leedahay Taalibaan. Hase yeeshee, khubarada qaar ayaa ka digaya in saameynta Pakistan ee Taalibaan aysan u xoog badneyn sidii hore, ayada oo Qatar iyo Turkey ay hadda kusoo baxeen labada dal ee miisaanka ku leh Kabul. “Waxa ay Sacuudiga ku heli karaan maritaanka Pakistan, waa ay xadidan yihiin. Labaduba hadda sidii hore saameyn uguma lahan Taalibaan,” waxaa sidaas yiri Arif Rafiq, oo ah madaxa shirkadda la-talinta amniga ee Vizier Consulting, oo la hadlay Middle East Eye. “Taaliban waxay xiriir la horumarisay dalalka kale ee gobolka. Hadda sidii hore waa ay kaga xiran yihiin caalamka,” ayuu ku daray. “Sacuudiga hadda muhiim uma ahan sidii hore.” Sacuudi Carabiya ayaa xirtay safaaraddeedii Kabul kadib markii Taalibaan ay qabsatay magaalada, waxaana wixii markaas ka dambeeyey ay ka aamusneyd dhacdooyinka dalkaas ku yaalla bartamaha Asia. Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Pakistan ayaa ahaa saddexda dal ee kaliya ee aqoonsanaa Taalibaan markii ay Afghanistan maamuleysay intii u dhaxeysay 1996-ii illaa 2021. Xiriirkooda ayaa xumaaday markii Taalibaan ay diiday inay hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osmaba Bin Laden usoo masaafuriso dalkaas. Riyadh ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Taalibaan kadib markii ay dhaceen weeraradii September 11, 2001 ee lagu qaaday Mareykanka. The post Mohammed Bin Salman oo billaabay qorshe ku wajahan Taalibaan – Muxuu sameeyey? appeared first on Caasimada Online.
-
Boqor Buumadow & Wasiirkii Hore ee Gaashanadhiga Somalia Xuseen Carab Ciise oo sawir ku galay Muqdisho Goobtii lagu heshiisiinayey Cabdi xaashi & Mahdi Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo. Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimi isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Dowladdu ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo oo lagaga guuleystay argagixisadii dhibaatada ku haysay dadka Gobolka Mudug , guud ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba. Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada. halkaan ka daawo Khudbada madaxweynaha oo dheer PUNTLAND POST The post Muxuu madaxweyne Deni kaga hadlay khudbadiisi Gaalkacyo? appeared first on Puntland Post.
-
Maxaynu ka naqaannaa Taariikhda labada wasiir ee isku heysta wasaaradda arimaha Gudaha Somalia? Waxaa taagan hadal heyn xooggan oo ku saabsan go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xilka uga qaaday Wasiirkii Amniga Gudaha, jagadaas oo uu u magacaabay siyaasi kale. Xassan Xundubeey Jimcaale oo xilkaas hayay waxaa lagu baddalay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo isla maantaba loo dhaariyay xafiiska. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku magacaabay wasiirka cusub. Dhanka kale Xasan Xundubeey ayaa ku adkeystay inuu wali yahay wasiirka Amniga Gudaha. Haddaba maxaan ka og nahay taariikhda labada nin ee xuddunta u ah khilaafka wasaaradda Amniga Soomaaliya? Xasan Xundubeey Jimcaale Inta uusan ku biirin siyaasadda, dad badan waxay ku yaqaanneen xirfaddiisa wariyenimada oo uu uga howlgali jiray warbaahinta caalamiga ah. Xasan Xundubeey ayaa sheegay in wali uu yahay wasiirka Amniga, inkastoo jagadaas loo dhaariyay Cabdullaahi Maxamed Nuur Laanta af carabiga ee BBC-da ayuu muddo uga soo warrami jiray magaalada Khartuum ee caasimadda u ah waddanka Suudaan. Waxaa kale oo uu lasoo shaqeeyay telefishinka Al Jazeera ee uu fadhigiisu yahay dalka Qadar. Inta aan wasiirka laga dhigin waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee wadanka Imaaraadka Carabta. Xilligaas waxaa taagnaa khilaaf adag oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka. Bishii October ee sanadkii 2020-kii ayaa loo magacaabay xilka wasiirka amniga gudaha, isagoo tan iyo xilligaasna gacanta ku hayay wasaaraddaas oo ka mid ah kuwa ugu shaqada iyo mas’uuliyadda badan ee dowladda federaalka Soomaaliya. Cabdullaahi Maxamed Nuur Inta uusan siyaasadda Soomaaliya ku biirin, Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Qaranka ee Soomaaliya. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa loo dhaariyay xilka Wasiirka Amniga Gudaha Intii uu hayay hoggaanka ururka dhallinyarada, mar waxa uu lasoo shaqeeyay hay’ado Turki ah, sida uu isaga laftiisa u sheegay warbaahinta. Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu kasoo noqday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda. Waxa uu xubin ka ahaa baarlamaanka hadda muddadiisu sii dhammaaneyso ee Soomaaliya. Dad badan waxay ku yaqaanaan inuu yahay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, waana milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho. Inkastoo ay dad badan su’aal galiyaan sida uu hantida ku sameeyay, Cabdullaahi waxa uu sheegay in hantidiisa uu heystay ka hor inta uusan dowladda ku biirin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa soo saaray amar dhaqaale looga sameynayo macalimiinta wax ka dhiga Iskuullada Gobalka Banaadir, taasoo ay cabasho ka muujiyeen bahda waxbarashada. Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa Iskuul kasta oo ku yaalla Muqdisho ku amray in ay soo diiwaan geliyaan macalimiinta wax ka dhiga, iyqdoo lacagta diiwaan gelinta oo ay ku jirto warqada dhalashada, mida CID-da iyo warqado kalaba, oo isu geyn ay ku baxeyso lacag dhan ku dhowaad 100$ Macalimiinta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ayaa sheegay in mushaarka ay qaateen oo aad u yar aysan ka go’in lacagta, iyadoo codsaday in dib u eegis lagu sameeyo. Macluumaadka qaar ee laga rabo macalimiinta oo ay hore heysteen ayaa laga diiday, iyadoo laga rabo kuwa cusub. Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa lagu eedeeyay in uu lacag ka sameynayo bahda waxbarashada. Dooda ku aadan waxbarashada gobalka Banaadir ayaa in muddo ah taagan, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka noqotay wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa caan ku ah in markii muddo la joogaba lasoo saaro amaro dadka ku qasbaya inay maraan hanaano kala duwan oo u baahan baaris, warqado iyo waxyaabo kale. Waxaa kadib dadka shuruud looga dhigaa in waradahaas ay ka qaadan karaan oo kaliya goobo gaar ah, oo qandaraaska la siiyey, halkaasi oo lacagta kasoo xaroota ay badankeed u dhaceysa hay’adda dowladeed ee ka dambeysa amarada. The post Mashruuc cusub oo lacag badan looga sameynayo macallimiinta MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada dalka ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraaca shaacinta kuraasta aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo uu Arbacadii soo saaray madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado tahay in madaxweyne Guudlaawe uu hareer-maro heshiiskii xaqiijinayey qoondada haweenka ee 30%. “Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30% u tartamaan musharrixinta haweenka ah oo kellya. Kuraasta qoondada haweeenka lagama wareejin karo haweenka, lama siyaasadeyn karo, lamana libsan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay ka dalbadeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed inay sida uu yahay u fuliyaan habraacaas, oo qoondo gaar ah loogu xiray haweenka. “Guddiga ayaa waxa uu ku boorinayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu ixtiraamo heshiiskii uu ansixiyay oo qoondada haweenka ee uu soo saaro ayadoo haween keliya ku tartamayaan.” Ugu dambeyn Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in marnaba aysan aqbaleyn in qoondada u gaarka ah haweenka la boos bedelo. Si kastaba, walaacan ay muujiyaan Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada 2021 ayaa imanaya xili ay 7 haween ah oo keliya ka soo muuqdeen liiska musharaxiinya Aqalka Sare oo gaarayey 34 musharax, kaasi oo uu shalay shaaciyey madaxweynr Cali Guudlaawe. The post Walaac laga muujiyey liiska uu shaaciyey Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareeegto uu soo saaray min hal darajo ku dalacsiiyay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka amniga gobolka Mudug. Ciidamada la dalacsiiyay oo tiradoodu dhan tahay 17 sarkaal/sarkaal ku xigeen ayaa isugu jira Boolis, Daraawiish iyo Nabad-sugid, waxaana la sheegay in ay dalacsiinta ku muteysteen aqoon, karti iyo waaya-aragnimo ciidan. Ciidamada Booliska 1. Waxa L/X/le Cabdiqani Yasiin Maxamud loo dalacsiiyey Dhame 2. Waxaa X/le Cabdimahad Cabdi Jamac Loo dalacsiiyey L/X/Le 3. Waxaa X/le Carab Cabdirasaq Axmad Loo dalacsiiyey L/X/Le 4. Waxaa X/le Maxamed Cabdi Farax Loo dalacsiiyey L/X/Le 5. Waxaa K/S Samatar C/lahi Aadan Loo dalacsiiyey X/Le 6. Waxaa K/S Ayaanle Axmad Aadan Loo dalacsiiyey X/Le 7. Waxaa K/S Maxamed Daahir Xuseen Loo dakacsiiyey X/Le Ciidamada Daraawiishta 1. Waxaa G/dhexe Maxamud Maxamed Maxmud loo dalacsiiyey G/Sare 2. Waxaa G/Le Maxamed Mursal Maxamud loo dalacsiiyey G/Dhexe 3. Waxaa G/le Maxamed C.lahi Xirsi loo dalacsiiyey G/Dhexe 4. Waxaa G/le Cabdiqafar Xasan Cuuke loo dalacsiiyey G/Dhexe 5. Waxaa G/le Maxamed Axmed Muuse loo dalacsiiyey G/Dhexe 6. Waxaa Dhame Salaad Caato Ciiraale loo dalacsiiyey G/le 7. Waxaa L/x/le Khadar Jamac Caabi loo dalacsiiyey dhame 8. Waxaa L/X/le Raage Xasan Farax loo dalacsiiyey Dhame 9. Waxaa K/S Daahir Xasan Cali loo dalacsiiyey X/Le Ciidanka Nabad-sugida 1. Waxaa Dhame Maxamed Khaliif Jaamac loo dalacsiiyey G/le. PUNTLAND POST The post Deni oo dalacsiiyay qaar ka mid ah ciidamada amniga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE Water Pool Project for Somaliland Villages by TİKA With the project, 800 households living in villages are expected to continue their agriculture and livestock activities ANKARA, Turkey, September 9, 2021/ — Turkish Cooperation and Coordination Agency (TİKA) built water pools in Somaliland, which is facing the danger of famine because it is one of the regions that receive the least rainfall in the African continent. TİKA implemented water pools project in Somaliland, which is suffering from drought, especially in agriculture and animal husbandry. Before the project, the people of the region kept the rains falling during the rainy seasons with the rainwater collection pools they created by excavating in order to cope with drought. With the project implemented by TİKA, 2 rainwater collection and hosting pools were built in the villages of Qoolcadey, Innaguxa, which are approximately 60 km away from the capital Hargeysa, the region most affected by drought. Consul General to Hargeisa Harun Aslan, TİKA’s Mogadishu Program Coordinator İlhami Turus, and Somaliland Ministry of Water Affairs officials attended the opening ceremony of the project. With the project, 800 households living in villages are expected to continue their agriculture and livestock activities without being affected by the drought. SOURCE Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen odoyaal dhaqan iyo siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay taliyaha hay’adda NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey, oo habeen hore Farmaajo u magacabaay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qaabilay guddi ka socda beesha Waceysle. Guddigaan ayaa waxaa hogaaminayay Boqorka Beesha Waceysle Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in Rooble lagala hadlayay tallaabooyinkii uu shalay qaaday taliyihii NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey. Xogta ayaa tilmaameysa in Boqor Geedi Shadoor uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in aan xilka laga qaadin Yaasiin kuna difaaca kursiga taliyaha NISA ee gobalka Banaadir, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo balan qaaday in Yaasiin Fareey laga reebi doono Villa Somalia oo uu hadda ku xiran yahay. “Rooble waxaa loo balan qaaday in Yaasiin uusan amarkiisa ka hor imaan doonin una hogaansami doono awaamiirtiisa, isagana waxaa laga codsaday in uusan xilka ka qaadin, waxaana laga raali geliyay shaqaaqadii shalay ka dhacday xarunta NISA ee sababta u ahaa Yaasiin Fareey,” ayuu yiri mid kamid ah odoyaasha dhaqanka beesha Waceysle. Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor iyo Nabadoonka jufada uu ka dhashay Yaasiin Fareey oo lagu magacaabo Cali Jeesto ayaa isku khilaafay in Rooble laga dalbado in uu dhaafo Yaasiin Fareey. Nabadoon Jeesto oo ah nabadoonka Yaasiin Fareey ayaa qaba in xilka laga qaado maadaama uu qaatay go’aano qaraar oo aan ku dhisneen maslaxad danguud ah, sidoo kale Cali Jeesto ayaa qaba in Yaasiin Fareey aan laga reebi karin Farmaajo, islamarkaana uu beesha sumcadeeda dhaawici karo. Kulanka oo muddo socday kadib ayaa la isku fahmay in haddii Yaasiin Fareey uu qaado talaabo dambe oo ka dhan ah go’aanada Rooble uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qaadi karo talaabo kasta oo sharci ah, sida xariga iyo xil ka qaadisba. Nabadoon Jeesto kulanka qeyb kama aheyn sida aan xogta ku helnay balse kulamo kale oo dhaxmaray isaga iyo Boqorka ayuu kaga deyriyay hab dhaqanka Yaasiin Fareey. The post Xog: Boqor Cabdullahi Geedi Shadoor oo kala dhex-galay Rooble iyo Yaasiin Fareey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xilka ka qaaday wasiirkii amniga Xasan Xundubey, isaga oo ku beddelay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ay isku beel yihiin, kaasi oo maanta la dhaariyey xilkana la wareegay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xundubey ayaa xilkiisa ku waayey colaad uu hadda kahor huriyey, iyo u daacadnimadiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xundubey ayaa xilligii uu socday dagaalka muddo kororsiga ee Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu qaban jiray shirar jaraa’id, isaga oo ku baaqaya in la weeraro ciidamadii diidanaa muddo kororsiga iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Waxay hadalladiisa xilligaas caqabad ku noqdeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah, iyo in magaalada laga badbaadiyo dagaal. Xasan Xundubey ayaa sidoo kale lagu yaqaan inuu weligiis daacad u ahaa Farmaajo. Farmaajo ayaa hadda kahor u magacaabay safiirka Imaaraadka Carabta, inkasta oo Abu Dhabi ay soo diiday, waxaana kadib lagu abaal-mariyey xilka wasiirka amniga. Ayada oo ay suurta-gal tahay in xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay isku rorgto dagaal, ra’iisul wasaaraha ayaan qaadan karin fursad uu hay’adaha amniga oo dhan uu madax uga ahaado siyaasi daacad u ah Farmaajo. Wasiirka cusub ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa lagu yaqaan inuu yahay nin firfircoon, oo aad ugu wanaagsan abaabulka, saaxiibo bandanna ku leh beeshiisa iyo magaalada Muqdisho. Sidoo kale, waa ganacsade maal-qabeen ah, oo kasban kara saraakiisha ciidamada, islamarkaana garab muhiim u ah u noqon kara ra’iisul wasaaraha, haddii dagaalka uu lugaha la galo dhaqaale. Xasan Xundubey oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, ayaa garan waayey halka ay u socoto mowjadda siyaasadda, wuxuuna daacad u noqday Farmaajo, oo maanta ku jiray go’doon siyaasadeed, taasi oo xilkiisa uu ku waayey. The post Laba sabab oo ROOBLE uu xilka uga qaaday Xundubey, una magacaabay Cabdullaahi appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland Police nab ‘fake currency syndicate’ in Hargeisa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland police has arrested six people including Nigerians suspected to have been involving in making counterfeit money on Wednesday in Hargeisa town. In a statement, Somaliland Commander of the Immigration Force, Brigadier General Mohamed Alin (Dayib) said the men had sneaked into Somaliland to get safe haven in the horn of African region. Among the arrested suspects are five Nigerians and a man believed to be hailing from southern Somalia. “Immigration forces caught the foreigners with assistance from the police and the Bank of Somaliland. They were in possession of paper for making money, chemicals, paper cutting, labelling, and chalk. Herbal and liquid medications, as well as other devices to aid their crime,” the commander said. The commander confirmed that the forces recovered several mobile phones, fake United Nations employee badges as well as unspecified number of fake US dollars. According Dhayib, the men are undergoing investigation at a police station in Hargeisa town. The former Governor of the Central Bank of Somaliland, Ali Ibrahim Jama (Baghdadi said men are part of a well-organized criminal network that was working to destabilize the country’s economy. “They had all the necessary chemicals and paper to carry out their work, and they were looking for a considerable sum of money, but we thwarted their attempt. I can confirm that these men did not introduce any fake currency into the economy,” Jama said Horn Observer Qaran News -
Mogadishu (HOL) - Somalia's Speaker of Parliament Mohamed Mursal Abdirahman accused Prime Minister Roble of thwarting government oversight by unilaterally firing the former Internal Security Minister Hassan Hundubey Jimale and replaced him with a vocal Farmaajo detractor. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag ugu hanjabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed cusub. Waxa uu ku hanjabay in tallaabo ay qaadi doonaan ciidankii Badbaado Qaran, haddii uu Farmaajo joojin waayo tallaabooyinka guracan, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Waxaa moodaa in Farmaajo uu iloobay inay joogaan ciidamadii Badbaado Qaran, inay joogaan ayaa u sheegaya oo aysan aqbaleyn wax kasoo horjeeda Dastuurka, Cadaalada, Qaranimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde. Indha-cadde ayaa sidoo kale shaaciyey in uu socdo inqilaab qarsoon oo u adeegaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu xagal daacinayo dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee amniga iyo doorashada. “Waxa uu ka soo horjeeda (Farmaajo) inay cadaalada hesho Ikraan Tahliil oo aheyd hay’adda Sarkaal ka tirsan (NISA), gacanta hay’adda NISA ku maqan inay cadaalada hesho, umadda Soomaaliyeedna ay cadaalada hesho. Ikraan oo cadaalada hesha waxay lamid tahay umadda Soomaaliyeed oo cadaalada heshay.” Waxa kale oo uu hoosta carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu lug ku leeyahay kiiska Ikraan, maadama uu in muddo ah ka aamusna, haddana uu Ra’iisul Wasaaraha kula dagaalay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Farmaajo in uu faraha kala baxo shaqada Ra’iisul Wasaaraha, uuna ka noqdo, islamarkaana uusan dalka u horseedin qas hor leh. Hoos ka daawo muuqaalka Jeneraal Indha-cadde The post Indha-Cadde oo shaaciyey in ciidamada badbaado qaran ay tallaabo qaadayaan + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Tartanka ay iska kaashaadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiriirka Minifootboolka ayaa lagu soo gabagabeeyaya magaalada Muqdisho, waxaana tartankan ka qeyb gala ilaa afar naadi oo ka mid ah kooxaha u diiwaangashan, waxaana tartankan maal gelinayay Ha’y adda UNFP ee Qaramada Midoobay. “Waa Nasiib Darro in Warbaahinta ay ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka iyo xirfadda quruxda ee ciyaartooyda kubadcag yaraha” ayuu munaasabada xeritaanka tartanka Minifootboolka ka sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. “Waan soo dhawaynaa horoamrka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle oo igu marti qaaday xeritaanka tartankii xiisaha badnaa ee Minifootboolka“ ayuu sheegay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyom naadiga Batroolka Muqtaar Cuti. “Waan U Hambalyaynaa kooxda Barwaaqo ee ku guulaystay koobkii ay iska kaashadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya” ayuu warbaahinta u sheegay Agaasiamaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saacid Maxamed Xuseen (Saacid Baariyow). Daawo Warbxin Ku Saabsan Tartanka La Soo Xeray Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan “ Waxaan Diyaar U Nahay In Aan La Shaqayno Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Soomaaliya” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid dhaarintii maanta ee Wasiirka cusub ee amniga, sheegayna inay baalmarsan tahay sharciga. Mursal ayaa ku dooday in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, taasi oo ku sheegay inay iskugu jirto ansixin iyo dhaarin wada socda. “Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. “Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,” ayuu ku daray. Sidoo kale waxa uu dhaarinta wasiirka amniga ee maanta ku tilmaamay mid uu iska watay Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu hore u soo magacaabay, ansixiyey, haddana dhaariyey, kadibna xilka ku wareejiyay. “Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay. Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale lag adooranayo.” Mursal ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in uu si qoto dheer uga baaran dego tallaabooyinka uu qaaday, asaga oo mudnaanta koowaad siinaya xasiloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidaam dowladeed, ee u baahan yahay dalkeen oo maraya marxalada xasaasiga ah. The post Guddoomiy Mursal oo ka horyimid dhaarinta wasiirka cusub ee amniga + Sababta appeared first on Caasimada Online.