Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The 444 Fighting Brigade had arrested a Somali national, identified to be Hassan Qidi, on an accusation of leading an organized network for illegal immigration and human trafficking. Source: Hiiraan Online
  2. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda UK u qaabilsan Somalia Kate Foster, madaxa xafiiska Hargeysa ee dawladda UK Stuart Brown iyo madaxa siyaasadda ee xafiiskaasi Khadar Muxumed. kulanka ayaa lagaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa xeerarka muhiimka ah ee ay labada dhinacba danaynayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta xafiiska Hargeysa ee dawladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada Somaliland. Danjireyaasha Dawladda Ingiriiska ayaa ballan qaaday in ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta cilaaqaadka baarlamaanka Somaliland la yeelanayo baarlamaannada iyo dalalka Caalamka. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), lataliyaha xidhiidhka caalamka ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Ibraahim iyo agaasimaha qorshaynta ee Golaha Wakiillada Cabdinaasir Cismaan. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo wada shaqayn. Qaran News
  3. Mariane Ibrahim moved to the US 11 years ago, frustrated that, despite her native France’s long colonial history in Africa, there just wasn’t a market for contemporary artists of the continent’s diaspora. “People were not really open to the idea of diversity and Black artists,” says Ibrahim, who is of Somali heritage. “I needed to prove them wrong.” Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare iyo waxa xigi kara. “Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah, in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo,” ayuu yiri Mursal Saney oo la hadlay BBC Saney ayaa sheegay in mar haddii lagu kala tagay wada-hadallada inay jiraan wax badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay. “Waa wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay,” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda. Mursal Saney ayaa sidoo kale hadlay in hadda ay imaan karto faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble, maadaama dadaalladii Soomaalida oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay fashilmeen. “Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ,” ayuu yiri Musrsal. Waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilmaan dadaallada beesha caalamka ay xaaladdu faraha ka bixi karto oo ay isku rogi karto dagaal. “Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo,” ayuu yiri. The post Arrimaha xiga ee dhici kara kadib fashilka ku yimid wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
  5. Waan ku faraxsanahay in shakhsiyad ku culus qaaraddeenna Afrika uu booqasho gaaban iigu yimaaddo hoygeyga, @ProfPLOLumumba runtii waxa aan ka mid ahay dadyowga sida dhow ugu xidhan aragtiyaha uu baahiyo, JSL waa u milge & maamuus in uu yimaaddo, tacliinta sare-na wax ka taro. pic.twitter.com/uwFdIIdvsi — Cabdiraxmaan Cirro (@Abdirahmanirro) September 12, 2021 Qaran News
  6. United Nations Deputy Secretary-General Amina J. Mohammed on Sunday called on Somali political leaders to shun political discord which may jeopardise the gains made in the country. Source: Hiiraan Online
  7. Egypt national deaf football team pummeled a hapless Somali Land 10-1 in a one sided Africa DeafLympics Ball Games qualifiers group D match at Moi International Sports Centre Kasarani. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo? Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada dhinac ay iskugu soo dhawaan karaan, islamarkaana xal u noqon karta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday. Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u quudhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey. “Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas. Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasimaha NISA loo magacaabo qof saddexaad, oo labada dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas muhiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, halka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore. Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay isla qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu. Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida. Si kastaba, Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad. The post GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon karta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
  9. Maraykanka oo shaaciyey Cadeymo Qoraala oo Sucuudiga ku xidhiidhinaya weerarradii Sept.9/11 , FBI-da Maraykanka ayaa shaacisay in aanay hadda ka dib ahayn sir in la qarinayo qoraalo muujinaya xidhiidhkii ay ku lahaayeen muwaadiniin Sucuudi ah oo ku noolaa Maraykanka iyo laba ka mid ah dadkii weerarka qaaday 9/11. Ehalada dadkii ku le’day weerarkaas ayaa mudo dheer xukuumadda ku tirtirsiyayey in la shaaciyo qoraaladaas, waxaanay ku doodayeen in saraakiil Sucuudi ahi ay ka warqabeen in weerarkaa la maleegayo hase yeeshee aanay waxba ka qaban sidii looga hortagi lahaa. Hase yeeshee, dukumentiyadaas ayaanay ku jirin wax caddayn ah oo muujina in xukuumadda Sucuudigu wax xidhiidh ah la lahayd weerarkaa 9/11. Shan iyo toban ka mid ah 19-kii afduubay diyaaradaha ayaa ahaa muwaadiniin Sucuudi ah. Ka hor intii aan qoraaladaa laga saarin xeerka sir ahaanshaha ayaa safaaradda Sucuudiga ee Washington soo dhawaysay in la shaaciyo qoraaladaas waxaanay mar kale beenisay in wax xidhiidh ahi ka dhaxeeyey boqortooyada iyo afduubayaasha, waxaanay ku tilmaantay eedaha noocaas ah “been iyo sumcad dilid”. Qoraaladan waxa la shaaciyey labaatan guuradii ka soo wareegtay weerarradii argaxixiso ee ugu ba’anaa ee ka dhaca dhulka Maraykanka oo qiyaastii 3000 oo qof ku dhinteen markii afar diyaaradood la afduubay, waana kuwii ugu horeeyey qoraaladani kuwo kale oo la filayo in la shaaciyo iyagana. Qoraaladan ay haatan faafiysay FBI oo 16 bog ah ayaa aad loo tifaftiray oo meelaha qaarkood la masaxay. Waxa qoraalkani ku salaysan yahay waraysiyo lala yeeshay dad magacyadooda la qariyey, waxanay tilmaamayaan dad door ah oo u dhashay Sucuudiga iyo laba ka mid ah afduubeyaasha Nawaf Al-Xasmi iyo Khalid Al-Mindar. Qayb ka mid ah qoraallada la shaaciyey Afduubeyaasha ayaa iska dhigay in ay arday yihiin oo sidaa ku galay Maraykanka sannadkii 2000. Qoraalada FBI waxay tilmaamayaan in markaa ka dib ay dadkaasi taakulo mug leh oo tas-hiilaadka ah ka heleen nin la yidhaa Cumar Al-Bayuumi oo ay maragyadu sheegeen in uu had iyo goor tegi jiray qunsuliyada Sucuudiga ee Los Angeles in kasta oo markaa sharciga uu dalka ku joogay ahaa ardaynimo. Bayuumi ayaa maragyada FBI sheegeen in uu “maqaam sare ku lahaa” qunsuliyada. “Bayuumi taageeradii uu siiyey Xasim iyo Midar waxa ka mid ahayd inuu turjubaan u ahaa, u qorsheeyey safarkooga iyo lacag ba” ayaa qoraalkaas ku taal. Qoraalka FBI waxa kale uu sheegayaa inuu jiray xidhiidh ay lahaayeen laba ka mid ah afduubeyaasha iyo Fahad Al-Sumayri oo ahaa imaam muxaafid ah oo imaam ka haa masaajidka King Fahad Mosque ee ku yaal Los Angeles. Waxa lagu timaayay inuu ahaa ubucda “aragtida xagjirka ah ee ay qabeen”. Bayuumi iyo Sumayri labaduba waxay Maraykanka ka dhoofeen todobaadyo uun ka hor weerarradii 9/11, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Wakaaladu waxay soo xigatay Jim Kreindler, oo ah qareen u dooday ehelada dadkii ku waxyeeloobay 9/11 oo sheegay in qoraaladaa la shaaciyey “ay marag u yihiin doodii aanu qabnay ee ahayd in xukuumadda Sucuudigu masuuliyad ku lahayd weerarkii 9/11”. Bishii hore ayaa dacwad ay gudbiyeen eheladaasi waxay ku doonayeen in dhawr sarkaal oo sarsare oo Sucuudi ah iyaga oo la dhaariyey su’aalo la weydiiyo. Maamulladii George W Bush, Barack Obama iyo Donald Trump ayaa dhamaantood diiday in ay shaaciyaan qoraaladaa iyaga oo ku sababaynay arimo nabadgelyo awgood. Joe Biden Laakiin Joe Biden ayaa todobaadkii hore amar ku bixiyey in dib loo eego dukumentiyadii baadhitaanka dhacdadaas, waxaanu saraakiisha u sheegay in ay shaaciyaan wixii la shaacin karo mudada lixda bilood ah ee soo socota gudaheeda. Waxa mudaba socday hadal hayn ah in sarkaal Sucuudi ahi ku lug lahaa weerarkaa, marka la eego tirada muwaadiniinta Sucuudiga ah ee ka qayb qaatay weerarradaas iyo in hogaamiyihii Al-Qaacida ee Usaama Bin Laadin ahaa Sucuudi. Hase ahaatee, warbixinta gudidii baadhitaanka 9/11 kuma jirto wax caddayn ah oo xukuumadda Sucuudiga ama saraakiil sarsare oo ka tirsan ah la xidhiidhinaysa dhacdadaas. Maraykanka iyo Sucuudigu waxay ahaayeen xulufo mudo dheer in kasta oo xidhiidhkoodu mararka qaar yara adkaa. Donald Trump ayaa sii xoojiyey xidhiidhkaa laakiin Joe Biden wuxuu Sucuudiga ku tilmaamay dal “faquuqan” marka la eego dilkii foosha xumaa ee lagu khaarijiyey suxufigii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji ee lagu dilay Turkiga. Frank Gardner oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in Biden wixii intaa ka dambaysay debciyey mawqifkiisii ku aadanaa ninka ugu awoodda badan Sucuudiga ee ah dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman, taasina ay ka dhalatay xaqiiqada ma dhaafaanka ah ee ah muhiimadda is xulufaysigoodu leedahay. Qaran News
  10. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble. “Madaxweynaha waan la hadlay oo teleefan baan kula hadlay, waxaana ka codsaday in la joojiyo khilaafaadka. Khilaaf looma baahna hadda, sababtoo ah doorashaa la rabaa in la galo, iyadoo khilaaf jirin in la galaana rajeynayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Radio Shabelle ayaa yiri “Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.” Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.” Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran. “Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galoa” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad. Cabdiqaasim Salaad ayaa intaa ku daray “Sidaan horey uga barinay Ilaahay, haddana waan u baryaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka qaado culeys kastoo haysta. Dhibka muddada badan soo haystay inuu ka qaadaa Ilaahay uga rajeeyaa, waana u duceeyaa.” The post Madaxweyne Cabdiqaasim oo FARMAAJO u diray farriin la xiriirta khilaafka ROOBLE appeared first on Caasimada Online.
  11. New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA. Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Soomaaliyeed. “Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka laga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan haweenka,” ayey tiri. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad. Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.” Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo. Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada. “Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay. The post QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono in ay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira. Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. PUNTLAND POST The post Jaamacada Carabta oo taageero maaliyadeed u balan-qaaday doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Roble acts unlawfully when he bypasses the Somali Federal Parliament. Mogadishu (Commentary) — The outgoing Somali Federal Parliament raised objections to violations by Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister of Somalia, who fired a Minister and appointed a new Minister. In violation of the parliamentary rules, Roble witnessed the oath taken by the new Minister, who was not endorsed by the Parliament. What are the implications of the power grab by Roble in a country that is gradually recovering from state collapse? Mohamed Osman Jawari, the former Speaker of the Parliament, said that amendments made to the draft constitution stipulate that, until a new parliament takes over, the incumbent parliament will retain its legitimacy. “Otherwise four people will unaccountably rule the country” Jawari added. He foresaw the current political deadlock in which Roble holds the electoral process hostage by making one hasty decision after another. The outgoing Somali Federal Parliament still retains legitimacy. How can the Prime Minister discharge his duties to prepare Somalia for indirect elections if he ignores the legislature and the draft constitution? It is quite discouraging to see the ambivalence of presidential candidates towards a political stand-off over foundations of governance. This is not a time to vacillate. Roble’s goal is to politicise the case of Ikran Tahlil, the “late” intelligence officer. A Prime Minister who briefly authorised a news blackout in the state media against his boss, the President, cannot be trusted to act impartially in electoral matters. Roble, a Swedish citizen, does not seem to understand the traumas Somalis are still undergoing despite efforts to reconstitute the Somali state. What are the roots of his undemocratic tendencies? His actions remind many Somalis of warlords’ reign of terror in Mogadishu. His closeness to the “opposition candidates” runs counter to the principle of impartiality during the electoral season. Roble should not have interpreted the transfer of the President’s duties to oversee the electoral process as a carte blanche to rule Somalia lawlessly. The Federal Parliament of Somalia has a duty to prevent Somalia from falling into the hands of Damuljadid clique. By Adan M. Dawad The post The Legitimacy of the Somali Federal Parliament is Intact appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiirka waxbarashada sare ee maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay in haweenka dalkaasi ay si caadiya wax u baran karaan oo aysan jirin cid u diidan Wasiirka ayaa tilmaamay ay waajib tahay in fasalladu ay noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, islamarkaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah. Abdul Baqi Haqqani oo ah wasiirka ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin. Taalibaan ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman. PUNTLAND POST The post Taalibaan oo ka hadashay Waxbarashada Haweenka appeared first on Puntland Post.
  15. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhufto inta badan Japan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii. Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay sheegtay wakaaladda KCNA. Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuurirada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo. Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yaraan iyo dhibaato dhaqaale o kale. PUNTLAND POST The post Kuuriya waqooyi oo gantaal kale tijaabisay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalalka Jaamacadda Carabta ay doorashada Soomaaliya u balan qaadeen taageero maaliyadeed, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ka codsatay kharash dhan $12 Milyan. Balan-qaadkaan ayaa yimid kadib markii shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud. Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha jira. Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga. Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada. Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. The post Jaamacadda Carabta oo taageero maaliyadeed u ballan-qaaday doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorashada kuraasta Somaliland ay ku dhici doonto fikir wada-ogol ah oo aan cidna lagu dulmi doonin. “Waa ii farxad inaan maanta idinla kulmo idinkoo gacmaha is-heysta, waxaan diyaar u ahay goob kasta oo ay ku heshiiyaan Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka in doorashada lagu qabto in aan ku raaci doono, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan u sheegayaa in doorashadii Somaliland ay horay u socotay, waxaan sugnaaba waa doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo bilaabata,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Dhankiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri, “Waxaan galabta isugu nimid in aan ku kala war-qaadano dhaqaajinta howsha doorashooyinka Somaliland, waxaa noo qorsheysan in doorashada Aqalka Sare aan deg deg u guda galno anagoo mid ah, aniga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxaan soo gudbi doonaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare, isada ugu dhaqsiyaha badan.” Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland, isla markaana todobaadka soo socda la soo dooran doono 11-ka kursi ee Aqalka Sare ay leeyihiin siyaasiyiinta reer Somaliland. Hoos ka daawo The post Daawo: Goorta la billaabayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Abdirahim Mohamed died on Thursday morning and so far three men have been arrested in connection with his death Source: Hiiraan Online
  19. “Waa Nasiib Darro Inuu Wasaaradda Kaliya U Kala Qaybiyey Reer Awdal, Madaxweyne Doorashooyin-baa Soo Socda Oo Awdal Waxba Kuma Yaallaan? (SLT-Boorama)- Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu ballamo uu la gallay Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Awdal uu kaga baxay,isla markaana uu dhabarka ujeeddiyey,waxaana lagu eeyeeyey Madaxweyne Biixi inuu caaddaystay ballan ka baxa reer Awda.. Shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi reer Awdal wax-ba u oggolayn,isla markaana uu si gaar ah u caddaadiyo,waxaanay ugu baaqeen xubnaha ka soo jeeda Gobolkaas ee xilalka ka haya Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay iska wadda casileen xilalka ay ka hayaan Xukuumadda Biixi,maddaama oo xilalka loo dhiibay ay yihiin qaar quudhsi ah,waxaanay ku bilabeen sidan:-“Madaxweynaha Qaranka sidaa kama aanu filayn C-iyo D, haddii Beesha dhexe ay A qaadato waxay ahayd in uu B nasiiyo,maddaama oo uu C iyo D nagu tuuray annagu cadka maqaarka ma qaadano waanu diidanay cadkaas,waxa aad rabtaa doorkan soo socda in aad doorasho gasho,sidaas-na haddii aad ku socoto wax Gobolka Awdal kuu yaallaa oo aad ku tallogelayso in aad noqoto Madaxweynaha soo noqon doonna annagu ma filayno runtii.” Waxa ay intaas ku dareen oo ay ugu baqeen masuuliyiinta xilalka ka haya Xukumadda Biixi ee reer Awdal inay iska soo casilaan xilalka “Waxa aan ugu baaqaynaa Wasiiradda laga dhigay D iyo C ee Gobolka Awdal dhammaan inay is casilaan ,waxa ka fiican cadka quudhsiga inta aad qaadanayso in aad is casishaan,waxaan kula tallin lahaa wasiiradda,wasiir ku-xigeenada,Agaasimayaasha guud dhammaan waxa kaga jira Dawladda reer Awdal inay is wadda casilaan,sidaana beesha dhexe aan ugu sacaba tuno,waayo cadka quudhsiga lama qaato adiga oo meesha ka maqnaada ayaa ka fiican.”ayey yidhaah-deen Sidoo kalene shacabka ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanay wax-ba ka sugayn Madaxweyne Biixi inta uu xilka hayo”Sida ka soo muuqata ee ifafaalada ah ee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland uu ku dhaqmay ,wax fiican maaha Gobolka Awdal-na lagama filayn in wax quudhsi ah aanu qaadano mihiimadu waxa weeye,Wasiiradda iyo masuuliyiinta reer Awdal ee Dawlada ka tirsan waxaan ugu baaqaynaa inay iska soo casilaan,waayo meeshaa wax-ba la inoogama oggola ninkaas inta uu meesha jooggana ma leh wax uu innaga rabbaa ee iskaga kaalaya.” Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu caaddaystay ballan kaga baxa reer Awdal,waxaanu sheegay inuu ka baxay ballamo kale duwan oo uu la gallay”Madaxweynuhu markii doorashada la gellayey waxa uu ballan-qaaday oo dad waa weyn oo muddo kar ah uu ku yidhi ,markii ay kale hadleen saami qaybsiga Doorashada kadib ayaan arrintaa dhammaynayaa ,may dhammaan tii, waxa ayaan darro ah ballantii uu qaaday Madaxweynuhu ee uu ka qaaday markii uu olollaha ku jiray reer Awdal ee wax qabad lahayd muu fullin,waxa iyana nasiib darro ah ballantii uu ka qaaday Madax-dhaqameedkii iyo wax-garadkii reer Awdal ee salluuga tirsanayey ee uu yidhi doorashadu ha ina dhaafto ma fullin Madaxweynuhu, waxa aad mooddaa Madaxweynuhu in uu reer Awdal ballan-darradooda caaddaystay.” Waxa uu intaas ku darray “Waa nasiib darro in halkii wax laga sugayey wasaaradda qudha inuu niman reer Awdal ah u kale qaybiyo “ Gunaannadkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan ayaa sheegay in shacabka reer Awdal ay diyaar u yihiin inay beddelaan Madaxweynaha Biixi ” Xisbi ahaan waxaan leenahay Wasiiraddaada iyo shaqaalahaaga oo aad kale beddeshaa macno baddan ma samaynayso,balse Madaxweyne adiga ayaa beddel u baahan,shacabka reer Somaliland farriintii ay direen Madaxweynuhu inuu beddel yahay ayey direen .” Source
  20. Inta badan bulshada reer Somaliland boqol iyo labbaatankii (120-kii) maalmood ee u danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen Madaxweyne Biixi inuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaas oo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay markii ay soo baxday guuldarrada Xisbiga KULMIYE uu kale kulmay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha degaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay dhammaadka bishii may ee sannadka 2021-ka. Geesta kale, marka si loo eego xaaladihii markaa taagnaa waxa la odhan karo, dhacdooyinkan oo dhammi waxay markii danbe isu-rogeen raggaad cusub oo kusoo saayi’dey cabashooyinkii ka dhashay qodxihii markii hore-ba ku taagnaa bulshada reer Somaliland, kuna kelifay hadal-haynaha la xidhiidha in Madaxweynuhu isbeddel ku sameeyo Xukuumadiisa, kuwaas oo marka doodaha arrinkan ee bulshada si gaar ah loo dhandhansho qaarkood u muuqdeen kuwo ku salaysan isbeddel togan oo waxtar leh inay helaan oo keliya. Haddaba marka xaalku sidaa yahay inkastoo uu muuqdo kala duwanaasho afkaareed inuu ka dhex jiro mu’caaridka iyo shucuubta kale isbeddel doonka ah, balse hadana waxa qudhee labadan xaaladood la odhan karaa way iska shabbahaan, waa arrinka isbeddelka. Hadii aynu arrinta intaa ku dhaafno, waxa isweydiin mudan maxay ahayd ujeedada sababtay isku shaandheynta madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa? ma’se la odhan karaa Isku Shandheyn?. Haddii aynu ku hormarno isweydiinaha hore, ee ku saabsan maxaa sababay, muxuu’se daaranaa isku Shaandheynta Madaxweynuhu dhowaan ku sameeyey Xukuumadda. Mida koowaad marka la eego xubnaha xilalkooda waayey,waxa lala xidhiidhiyey doorashooyinkii dhawaa ee dalka ka dhacay kuwaas oo uu Madaxweyne Biixi u arkayey kuwo qayb ka ahaa guul-darradii Xukuumadda KULMIYE ka soo gaadhay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,kuwaas oo uu dan moodday inuu baddelo,isla markaana uu magacaabo xubno uu bidday inay kalsooni ka haystaan degaanaddooda oo uu miciin bidday inay guul gaadhsiin karraan doorashada soo socota ee Madaxtooyadda Dhanka kale, haddii aynu xooga iyana is-dul taagno meselada ku saabsan filashada iyo faa’iidada Xisbiga KULMIYE ugu jirta isku shaandhayntan ayaa waxa ay inta baddan ku doodayaan masuuliyiinta falaqeeya Siyaasada Xisbiga KULMIYE in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi ay ahayd kud ka guur oo qanjo u guur,isla markaana aanay wax faa’iido ah u keenay isaga, isla markaana uu lumiyey uun siyaasiyiin la soo halgamay,kuwaas oo ay kamid ahayeen Baashe Cawli Xaaji Cumar iyo kuw kale. Siyaasi Jamaac Shabeel oo kamid ahaa Xisbiga KULMIYE aya sheegay in isku shaandhaynta Madaxweyne Biixi uu sameeyey ay tahay mid uu wax isku yeellay,isa markaana uu kubadda goolka u salaxay WADDANI “Afar sannadood ayuu soo cifanayey oo uu marba lahaa waxa aan samaynayaa isku shaandhayn ,markaas ayuu Agaasimayaasha ku wareegi jiray,waxa korrodhso ayuu is lahaa oo isku shaandayn sameee teegeeradaadii soo kordhi oo intii hore ka xooggee ayuu is lahaa ,lakiin wax taas ka soo horjeeda ayuu sameeyey,reerihii qaar wuu sii khaarajiyey oo daraf-yaddii wuu ka maar-may,isaqiina wax kordhiso ayuu is yidhi,lakiin wax ayuu is yeellay,Doorashada Madaxtooyadda sidii looga adkaan lahaa ayuu fududeeyey wuu sii salaxay kubadda .”ayuu yidhi Jaamac Shabee Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo haysta fursaddo siyaasadeed oo qaaliya,kuwaas oo wakhtigan horyaal,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaynsan doonno.Xisbiga WADDANI ayaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay bishii May ee sannadka 2021 ka gaadhay guullo kale duwan,kuwaas muujinayey in bulshada reer Somaliland ay dannaynayso Xisbiga WADDANI,isla markaana ay la dhacsan tahay siyaasaddiisa. Haddaba guusha Xisbiga WADDANI uu ka gaadhay doorashooyinkaas ayaa soo jiidatay siyaasiyiin baddan iyo tageerayaal baddan,kuwaas oo u arka in Xisbiga WADDANI uu mustaqbal siyaasadeed leeyahay,isla markaana uu ku guullaysan karro doorashooyinka kale ee soo socda. Dhanka kale faallaqeeyayaasha arrimaha siyaasadada Somaliland ka faallooda ayaa ku dooddaya in Xisbiga WADDANI uu haysto fursado siyaasadeed oo qaaliya,isla markaana la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysto,halka qaar-na ay ku doodayaan in hal xidhidhaale kale uu horyaal Xisbiga,kaas oo ah shir weynaha Xisbiga oo la filayo inuu dhammaadka bisha tobnaad ee sannadkan 2021 uu qabsoomo Siyaasi Jaamac Shabeel oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Shaxda god ayaa jira aan la bannayn oo la yidhaah irmaan oo inta laguu dego lagu odhanayo gurro bahasha,Godkii irmaanta ayuu banneeyey Muuse Biixi oo ninkii isaga ka soo horjeeday ayuu u banneeyey,shaxda waxa wadda dhigayey WADDANI iyo KULMIYE ayaa shaxda ciyaaraya Godkan uu ka guurray waa irmaan,haddii iyaga laftoodu gartaan reer WADDANI weeye.”ayuu yidhi. Si kastaba ha-ahaatee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa wakhtigan waxa horyaala fursado baddan oo siyaasadeed,kuwaas oo la dhawrayo sida uu uga faa’iidaysan doonno,waxaynu dhawrnaa waa Xisbiga WADDANI iyo in uu ka faa’iidaysto fursadahaa Siyaasadeed iyo in kale oo uu iska daayaco. Source