-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudane Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI ayaa jawaab waafi ah siiyay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Saleebaan Cali Koore oo majaro habaabiyay hadal damqay oo hore xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI uga jawaabay wasiir Koore. Waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI bulshada reer Sool, Sanaag iyo Togdheer iyo guud ahaan bulshada JSL sharaf iyo xushmad u wada hayo “Sool iyo Sanaag dadka deggan ee Wasiir Koore ka soo jeedo Xisbiga WADDANI waxba kama sheegin ee wanaag iyo kalgacal buu u hayaa waxaana daliil u ah sidii hufnaanta lahayd ee WADDANI uga shaqeeyay sidii guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif u noqon lahaa oo isba u dhashay gobolladaas,” ayuu yidhi Mudane Dhimbiil. Waxa kale oo uu tilmaamay in hadalka Wasiirku ka damqaday yahay mid marag loo hayo oo hore wasiirku saxaafadda uga sheegay “Kalmadda Xoghayuhu yidhi ee damaqday Saleebaan Cali Koore maaha been abuur ee isaga hore u yidhi ‘Somaliland horena uguma qanacsanayn imikana kuma qanacsani oo Youtube-ka laga helaya hadalkiisii..” Mudane Maxamed Iid Dhimbiil waxa kale oo uu ka jawaabay hadalka wasiir Maxamed Kaahin ku difaacay wasiir Koore “Wasiir Maxamed Kaahin waxa waan waydiinayaa sababta kalmadda Xoghayaha WADDANI meel kadhac u noqotay hadalkii Taliyaha ciidankuna ummadda dhan iyo ciidamada Badhan joogay uu lahaa 20 sanno ayay mushahar ku joogeen bilaashana meel ka dhac u noqon wayday? Maxay kalmadda Xoghayuhuna u reerawday hadalkii taliyuhuna u reeroobi waayay? Waxaan leeyahay xilliyadii reeraha la is cunsiinayay waynu soo dhaafnay oo 94-kii bay ahayd oo lagu galay reeraha qaarkood Soomaaliweyn bay doonayaan, maanta in filinkaa la ciyaarsiiyo oo la xoqo meesha ma taallo,” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa soo bandhigay 9-qoddob oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax oo ay sheegtay Nabadsugida inay geeriyootay, ay ku maqan tahay gacanta NISA. Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu isku dayayo inuu daah-saaro xaqiiqada kiiska Ikraan oo ku maqan saraakiishii NISA, islamarkaana doonayo in qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi iyo qoddobada uu soo bandhigay oo dhameystiran. Cadaymo marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hogaanka NISA & Villa Somalia oo u soo tafa-xaydatay ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraan. 1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam. 2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin. 3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed. 4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday 5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam. 6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay. 7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho. 8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo. 9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daaayo maxkamadda. Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo. The post FIQI oo soo bandhigay 9 ‘caddeyn oo muujinaya’ cidda ay ku maqan tahay IKRAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye kadib in ka badan labo sano oo dhismo lagu waday. Jidkan oo inta uu socday ay ka dhaceen qaraxyo badan kuna naf waayeen dad isugu jira rayid, ciidan iyo xataa injineerada iyo shaqaalaha dhisayey ayaa hadda caadi loo marayaa. Dowladda Qatar ayaa maalgelisay mashruuca dhismaha, waxaa uuna dhismihiisa bilowday July 21, 2019-kii. Qatar waxaa kale oo ay maalgelisay mashruuca dhismaha jidka Muqdisho ilaa Jowhar kaas oo dhismihiisa ay hadda socoto. Source: goobjoog.com
-
UN Deputy Secretary-General Amina J. Mohammed has called on Somali political leaders to shun political discord which may jeopardize the gains made in the country. Mohammed, who made a day-long visit to Mogadishu on Sunday, said Somalia has achieved considerable momentum with its ongoing electoral process and urged the leaders to de-escalate the political tension in the country, reports Xinhua news agency. “I was encouraged to hear the commitment from all I met with to ensure that this momentum is sustained and that critical elections move forward as scheduled,” said the UN official who also met President Mohamed Farmajo and Prime Minister Mohamed Roble. “I have confidence in Somalia’s leadership to de-escalate any tensions and avoid action that could lead to violence and further delay the elections or undermine its credibility,” she added. Somalia is currently holding elections for its Upper House and is preparing for elections for its Lower House. The international partners have been heavily engaged in supporting national efforts to advance the country’s elections. During the visit, Mohammed expressed solidarity with Somali women’s calls for full and equal participation in political life, and expressed the support of the international community for timely, inclusive, peaceful and credible elections. She highlighted the country’s parliamentary elections as an opportunity to build on the progress made in women’s political participation and emphasised that women’s full inclusion in all sectors of society will contribute to greater resilience, peace, and stability. “Somalia achieved a milestone at its last elections in 2016/17 with 24 per cent of parliamentary seats filled by women, and I am hopeful that the country will build on this by expanding women’s participation even further – ensuring the 30 per cent quota is met is an important first step to full representation and an inclusive society. The peace dividend will not happen without women,” Mohammed added. The post UN urges Somali leaders to shun political discord to enhance stability appeared first on Caasimada Online.
-
A 26-year-old male Somali asylum seeker was arrested by police in Italy after several people were stabbed in the northern resort town of Rimini, several Italian news outlets reported on Sunday. What do we know so far? Four women and a six-year-old boy were injured in the incident, which occurred on Saturday evening. The boy is is said to be in critical condition after wounds on his neck. The suspect was reportedly riding a bus without a ticket, and attacked two ticket controllers while aboard the vehicle. He then fled the scene and wounded three other people while on the run. The police later managed to track down the suspect and arrest him. Investigators do not believe the man’s motive was terrorism-related, but rather think the man was likely under the influence of drugs during his rampage. The man had applied for asylum in Italy and was reportedly housed in a Red Cross facility in Rimini. According to the Italian ANSA news agency, the suspect had been living in Europe since 2015 and was denied asylum in several other European countries, such as Denmark, Sweden, Germany, and the Netherlands. Interior minister under fire from Salvini Interior Minister Luciana Lamorgese is expected to meet with local authorities in Rimini on Monday to discuss the incident. She called the crime a “very grave episode.” Former Italian Deputy Prime Minister and leader of the right-wing Lega Nord party Matteo Salvini slammed Lamorgese over the incident and called for stricter immigration controls. “Minister Lamorgese, how many other victims do we have to count until Italy becomes a safe country?” Salvini tweeted Sunday. Migration is a major political topic in Italy, with asylum seekers from Africa and the Middle East often sailing across the Mediterranean to to reach Italy’s shores. The post Somali man arrested in stabbing of five people at Italian resort appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Mustafa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Basadiir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia. Basadiir oo u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde maanta ku soo dhaweeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhalinyaro ah, isla-markaana Af-Soomaali u beddala muuqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago baraha bulshada. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ibraahim Mustafa oo loo garan og-yahay Basadiir socdaalkiisa Muqdisho waa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayay baraha ay ku xiriirto bulshada. Sidoo kale wuxuu inta uu Muqdisho joogo Basadiir qaban doonaa bandhig weyn, maadaama uu sidoo kale uu yahay fannaan caan ku ah Raabka, sidoo kalena uu dadweynaha la wadaagi doono muuqaallo xiiso leh, kana mid ah kuwiisa majaajilada ah. Farxaan Diraac oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu caasimada ku soo dhoweeyo saaxiibkiis Basadiir, maadaama uu isagu sabab u noqday in Soomali badan ay bartaan Majaajiliiste Ibraahim Mustafa (Basadiir). Si kastaba, Basadiir ayaa horey u shaaciyey inuu jeclaan lahaa in mar uun yimaado gudaha Soomaaliya, taas oo hada u suura-gashay, kadib casuumaad uu u fudiyey Farxaan Diraac. The post Daawo: Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo lagu soo dhoweeyey MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Missing Muslim cleric Abdiwahab Sheikh Abdisamad had strong opinions relating to the Kenya-Somalia relationship. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shaaciyey guddi hoosaadyada Golahaas iyo Xildhibaan walba Guddida lagu daray. Guddiyadan oo ka kooban 10 guddi, ayaa Mudaneyaasha ku jiraa guddi walba iska dhex dooran doona Guddoomiyaha fadhigooda u horreeya ee ay yeeshaan, Halkan hoose ka akhriso: Source
-
(SLT-Tehran)-Wakaaladda quwadda nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA iyo Iran ayaa gaadhay heshiis ay Iran ku aqbalayso in si toos ah loo kor joogteeyo warshadaheeda nukliyeerka. Heshiiskaa oo lagu gaadhay Tehran ayaa ogolaanaya in hay’addu wershadaha dalkaas ku xidho kamaradu lagula socdo hawlaha warshadahaas. Arintan oo ay hore ugu heshiisyeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunidu sannadkii 2015 ayaa ay Iran joojisay markii Maraykanku heshiiskaa ka baxay markii uu tallada hayey Donald Trump ee uu sidoo kale ku soo celiyey cunoqabatayntii ahayd in laga qaado. Is waydiintu haatan se waxay tahay, maxay Iran haatan u aqbashay in dib loogu rakibo kamaradahaa wershadaheeda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Abdirisaq Khalif Ahmed , ayaa faah-faahin ka bixiyey Kulamo uu maalmihii u dambeeyey xafiiskiisa uu kula lahaa Dublamaasiyiin iyo wakiillo ka socday Dalalka caalamka. Guddoomiye Khaliif, ayaa sheegay in gole ahaan soo celinayaan xidhiidhkii golaha wakiilladu la lahaa Daneeyeyaasha caalamka iyo baarlamaannnada kale ee adduunka, waxaanu yidhi “Dhowrkii Isbuuc ee la soo dhaafay, waxa aannu kullamo isdaba joog ah la qaadannaynay wufuud ka kala socota Beesha Caalamka iyo Hay’ado kala duwan kuwaas oo aan dhammaantood kala hadlaynay sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyntii & iskaashigii Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeyey. Waxa aannu la kulannay, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska, Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Hargeysa, Ergeyga Dawladda Norway, Wakiilka Dawladda Taiwan ee JSL, Wakiilka Dawladda Imaaraatka ee JSL, Madax ka socota Machadka Caalamiga ah ee Jamhuuriga IRI, Madaxda ka socota Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa. Waxa aanu rejaynaynaa dhawaan in aannu soo celinno xidhiidhkii qotoda dheeraa ee ka dhaxeeyey Golaha Wakiilada & dhammaan daneeyayaasha geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Baarlamaannada caalamka.” Source
-
Saacadihii la soo dhaafay waxa ay dood sharci ka taagnayd Magacaabista Madaxweyne Biixi ee Jaamac Xaaji Axmed oo lagu daray, buuxiyeyna Boos ka bannaanaa Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland. Dad sharci yaqaanno ah, ayaa ku tilmaamay magacaabista Jaamac Xaaji Axmed oo ahaa Badhasaabkii Gobolka Hargeysa ee xubinimada Komishanka xuquuqul Iisaanka mid sharciga baal marsan, kana soo horjeeda xeerka Komishankaasi ku aasaasan yahay ee 39/2010-kii, iyaga oo ku dooday in xubinta Komishanka ka bannaata laga soo buuxiyo xubnaha kaydka ah oo uu liiskooda hayo Madaxweynuhu, madaama oo guddidan oo 7 xubnood ah, marka madaxweynaha loo gudbinayo loo gudbiyo liis ay ku qoran yihiin 14 xubnood oo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay, isla markaana madaxweynuhu ka xusho 7 ka mid ah, halka todobada kale ay noqdaan xubno Kayd ah oo buuxiyey Boosaska bannaanaada. Haddaba, waa kuma xubinta Buuxin karta Xubintan ka bannaanaatay Komishanka Xuquuqul Iisaanka qaranka. Mujaahid Abdi Osman Abdile ( Abdi Farjar), oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Golihii Wakiillada ee wakhtigoodu dhamaaday 2005-tii, ayaa ka mid ah xubnaha Kaydka ah ee buuxin karaya Booskan, madaama oo ay isku deegaan ka soo jeedaa xubinta banaysay Jagadaasi oo ah imika Wasiirka Caddaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xaq u leh in isaga oo aan eegin deegaamo, in xubnaha Kaydka ah uu ku soo buuxiyo Xubinta ka bannaanaata Komishanka xuquuqul Iisaanka qaranka. Source
-
Laascaanood (Wararka PP) — Bil gudaheed waxay dabley aan la garanayn ku dileen Laascaanood madaxii guddiga doorashooyinka ee Sool iyo xubin ka tirsan golaha degaanka degmada. Dilalkan qorsheysani waxay cabsi badan u keeneen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka iyo xisbiyada Somaliland ee ku sugan Laascaanood. “Maamulka gobolku awood uma laha inuu ilaaliyo mas’uul kasta” ayuu yiri ganacsade ku sugan Laascaanood oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Wuxuu intaas ku daray in dilayaashu heleen hab ay cabsi ugu abuuraan dadka la shaqeeya maamulka Somaliland. “Xubno ka mid ah golaha degaanka Laascaanood ayaa Duqa Magaalada Cabdiraxiim Cali Qase ka codsaday inuu u helo ciidan ilaaliya iyaga 24 saac. Wuxuu u sheegay inuusan awoodin inuu u helo askar ilaalisa siyaasiyiinta xisbiyada iyo shaqaalaha gobolka” ayuu ganacsaduhu u sheegay Puntland Post. Lama hayo cid sheegatay dilalka dhacay ilaa hadda. Cali Cantar, xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa telefishinka Saab u sheegay in Laascaanood noqotay kawaanka siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada gobolka ka soo jeeda. © Puntland Post, 2021 The post Madaxda Gobolka Sool oo Cabsi ay soo Foodsaartay appeared first on Puntland Post.
-
Bishii Novemebr 17, sanadkii 1962, Wakhti yar ka dib markii uu dayuuradiisa ka soo degay, isagoo ka soo laabtay safar debedda ah uu ku maqnaa ayaa madaxweynihii dalka Kongo ee caanka ahaa ee la doortay Mr.Lumumba la qabtay oo la xidhay, waxaana hawlgalka fuliyay ciidamo gadooday oo daacad u ahaa keligii taliyihii Mabuto Zeko Zeko. Waxa uu ahaa wakhti adag oo Madaxweyne Lumumba ka soo horjeestay dawladda Belgimka ee gumaysan jiray iyo weliba danihii Maraykanka iyo Ingiriisku ku lahayaen dalkiisa oo hodan ku aha macdanta kala duwan oo ay ka mid tahay Yuraniyamka qaaliga ah. Madaxweyne lamuba ayaa xidhiidh dhow la yeeshay Ruushka oo loolan adag kula jiray Maraykanka iyo Yurubta galbeed.. Muddo ka dibna waxa dilay ciidanka xidhay ka dib markii ay ciqaabeen. Sanadkii 2010 ayay islaanta Daphne Park oo ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ay si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilka Lumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay, dhakhaatiirtuna u sheegen inay muddo yar ka dib ay u dhimanayso xanuunka haya awgeed. Daphne ayaa ahayd qunusulka iyo xoghayaha koowaad ee Ingiriiska u joogay caasimadda dalkaasi ee Kinishaasa. Islaanta Daphne ayaa intaasi ku dartay in sababta loo dilay ay ahayd iyagoo ka cabsi qabay xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo isaga weliba gacanta u geliyay godadkii macdanta Yuraaniyamka dawladii Sofiyeetka (Ruushka). Waxaana ay intaasi ku dartay in gobolka ay ku badan tahay macadantu ay cabsi weyn ka qabeen inuu Ruushku la wareego. Haddii taasi dhacdona dhamaan danaha dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Belgimka ayaa ka soo xidhmayay. Dophne waxa ay wakhtigaasi qarka u saarayd geerida iyadoo u dhimatay xanuunka ay jiiftay markii ay warkaasi bixisay bil ka dib. Madaxda dunida sadexaad waxa ku dhaca dilal iyo xadhig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka. Waxa kale oo Iyana caado ah in sirdoon kasta saacadaha geeridiisa uu sheego shaqooyinka ugu halista badnaa iyo madaxdii uu khaarjiyay. (Prep. Haybe) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsantahay, kala badh dalalka Afrika, dhamaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga. “Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay ururka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah” ayuu yidhi wasiir Toorno. Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin meesha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, hadana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuquraadiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant. Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afrika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda. Source
-
(SLT-Kabul)-Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa booqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, wuxuuna la kulmay Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ah ku -simaha Raysal Wasaaraha xukuumadda cusub ee Daalibaan. Wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynihii hore Hamid Karzai iyo Abdullah Abdullah, oo ah madaxa Golaha Dib -u -heshiisiinta Qaranka maadaama uu ku dhiirri gelinayey dhinacyada iyo kooxaha Afgaanistaan inay galaan dib -u -heshiisiin qaran. Waa booqashadii ugu horeysay ee uu mas’uul heerkiisu gaadhsiisan yahay Wasiir Arrimo Dibadeed ku tago magaalada Kabul tan iyo markii millatariga Mareykanka uu ka baxay Afghanistan. Al Thani ayaa la kulmay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda cusub, oo ay ku jiraan wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ku -xigeenkiisa. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta iyo dadaallada ay Qadar hadda ku bixinayso taageeridda dadka Afgaanistaan. Daalibaan ayaa baahisay sawirrada kulanka Al Thani ee Akhund, halka sawirrada isaga iyo Karzai hore ay ku baahinayeen baraha bulshada. Qadar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dalalka saameynta ugu badan ku leh Taliban, oo la wareegtay Afgaanistaan bishii hore iyadoo ciidammada Mareykanka ay isku diyaarinayeen inay ugu dambeyn ka baxaan dalka 20 sano kadib. Waxay kaalin muhiim ah ka qaadatay duulimaadkii weynaa ee Mareykanku hogaaminayay ee muwaadiniintiisa, muwaadiniintii reer Galbeedka iyo Afgaanistaan ee caawiyay waddamada reer Galbeedka. Waxay kaloo taageeraysaa tobanaan kun oo reer Afgaanistaan ah oo la daadgureeyay toddobaadyadii u dambeeyay ee ka bixitaankii Mareykanku hoggaaminayey. Ma jiro dal weli si rasmi ah u aqoonsaday dowladda cusub ee Daalibaanm 3 dal oo kaliya ayaa aqoonsaday xilligii xukunkii ugu horreeyay ee kooxda laga bilaabo 1996-2001. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shabaab. Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qaban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaaliyeed ay saameyn ku yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Tahliil Faarax. “Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dowladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cadaalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noqoto mid lama illaawan ah. “Waxaan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan waxay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rabnaa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif. Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si looga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii madowga ahaa ee Mareykanka George Floyd. “Waxaa doonaynaa in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo sida kii George Floyd oo caalamka ruxay,” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisad xoogan oo ka dhalatay arrinta Ikraan ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka. The post Maxaa dhici kara, haddii ay cadaalad weyso Ikraan Tahliil Faarax? appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa maanta bilaabaya iney dhageystaan musharaxiin u tartami doonta ilaa siddeed kursi oo ka tirsan aqalka saree e baarlamaanka federaalka ah. Murshaxariinta oo gaaraya ilaa 27 ayaa la sheegayaa in horay u ahaayeen 33, iyada oo lix buuxin waayeen shuruudaha halna uu ka haray, kaas oo ah Muxyudiin Afrax. Lama oga in maanta ay khudbadaha soo dhammaan doonaan iyo in kale, tiro badnida tartamayaasha aqalka sare ayaa ka timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu sameeyey cadaalad ah in qof walba tartami karo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jowhar (Caasimada Online) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Sida uu qorshuhu yahay maanta oo ay tahay 13-ka September ayaa waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta isa soo diiwaan-geliyey oo gaaraya illaa 27 musharax. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowga doorashooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnaha musharixiinta ah ee isdiiwaan-geliyey inay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan si wanaagsan ay wax ku socdaan, isla-markaana hadal jeedinta, kadib ay guda-geli doonaan qabashada doorashada Aqalka Sare. HirShabelle ayaa doorashada ay qabaneyso waxa ay ka duwan tahay doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana tartanka uu yahay mid furan. Kuraasta qaar sidoo kale waxaa ku tartamaya ugu yaraan 3 xubnood, kuwa ugu badan waa lix xubnood, taas oo muujineysa in HirShabelle aysan kuraasta u xiriin dad gaar ah. Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyada oo doorashadan ay ku xigi doonto mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya. The post Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare? appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo deegaanada Galmudug. “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg. Qoor Qoor ayaa kulanka uu la yeeshay Ms. Tiina Intelmann si gaar ah xoogan ugu saaray Msmashaariic horumarineed ee uu Ururka Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug. Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka. Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab. Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka. The post Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay ergeyga M/Yurub appeared first on Caasimada Online.