Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mareeyaha garoonka diyaaradaha degmada baardheere Jaamac cali hire ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday. Qaraxan oo loo adeegsaday Bajaaj la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala eegtay gaariga maareeyaha garoonka Baardheere swaxana halkaa laxaqiijiyay dhaawaciisa mana jiro khasaare dhaawac ama dhimasho kale. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in deg deg loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ee salka ku haya hoggaanka hay’adaha amniga. Qoraalka kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dalbaday in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal xushmad ku dhex leh bulshada. “Waa muhiim in Farmaajo iyo Rooble ay xaliyaan khilaafyadooda, xaqiijiyaan in hay’adaha amniga madax looga dhigo hoggaamiyeyaal karti iyo xushmad leh, ayna diiradda saaraan soo gabe-gebeynta doorashooyinkoa Soomaaliya ayada oo aan dib loo sii dhigin.” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii ay socdeen wada-hadalladii Farmaajo, wuxuu dalbaday in NISA madax looga dhigo qof sumcad iyo xushmad ku dhex leh bulshada, kadib markii isaga iyo Farmaajo isla ogolaadeen in meesha laga saaro labada agaasime ee ay kala magacaabeen. Si kastaba, Farmaajo ayaa ku adkeystay in shaqsiyaad ka tirsan hay’adda ama xubno isaga ku dhow oo daacad u ah loo dhiibo agaasinka hay’adda, waxaana shaqsiyaadkaas ka mid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere. Qoraalka Mareykanka kasoo baxay maanta ayaa u muuqda mid si dadban u taageeraya mowqifka ra’iisul wasaaraha ee ah in NISA madax looga dhigo qof sumcad ku dhex leh bulshada, wuxuuna imanaya maalin kadib markii beesha caalamka ay soo saartay qoraal kan la mid ah. Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.” The post Mareykanka oo dalbaday in hay’adaha amniga DF madax looga dhigo… appeared first on Caasimada Online.
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka JSL ayaa maanta shaaciyay magaca shirkadda guulaystay Qandaraaska xoolaha nool ee loo soo iibinayo dadka danyarta ah ee gobollada Somaliland. Qandaraaska oo ay masuul ka tahay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ayaa waxa hore u soo xaraysatay 12 shirkadood, waxa habsaantay hal shirkad waxaaana qandaaska ku guulaystay shirkadda magaceedu yahay Cabdirashiid Al-khaliifa sida oo uu maanta ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen. Dhankooda waxa iyaguna halkaasi ka hadlay shirkadihii u soo tartamay qandaraaskan oo dhammaantood bogaadiyay, halkan hoose ka Daawo Source
  4. MOGADISHU (HOL) - Suspected Al-Shabaab militants clashed with security forces in Baidoa town Saturday night amid reports of casualties on both sides. Source: Hiiraan Online
  5. Alle ha u naxariistee waxaa goor dhaweyd Hargeysa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Gadhweyne). Sidoo kale marxuunku waxa soo noqday guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo maayirka magaalada Berbera. Source
  6. Anab Elmi denounced the deportation of Somali citizens in Lasanod. Mogadishu (PP News Desk) — Anab Hassan Elmi, a Somali Federal MP from Lasanod denounced the deportation of more than 600 citizens from Lasanod following a decision by Somaliland government. “Lasanod residents have a duty to protect their fellow citizens against deportation. I denounce the deportation of Somalis trading, working and living peacefully in Lasanod. Citizens in Lasanod must protect wealth left behind by people who were deported from Lasanod for political reasons” said Anab in Mogadishu. Yesterday, Somaliland militias in Lasanod rounded up traders, labourers and teachers from South West State of Somalia and deported them. Militias robbed many small business owners of their belongings before taking them to Burtinle district in Puntland State, where they were welcomed by locals. © Puntland Post, 2021 The post Somali Federal MP Denounces Deportation of Somali Citizens in Lasanod appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - A delegation led by Prime Minister Mohamed Hussein Roble landed in Barawe on Sunday to inspect the security preparations ahead of Somali parliamentary elections. Source: Hiiraan Online
  8. Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka. France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku qeexay inuu xoojin xooggan u yahay himilooyinka difaaca Midowga Yurub. Hase yeeshee, Turkey oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara. “Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey. Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka. France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xiriirka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday. Xiriirka Paris iyo Ankara ayaa sanadkii tegay gaaray heerkii ugu xumaa markii madaxweynaha Erdogan Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la baaro caafimaadka maskaxda madaxweyne Macron, taasi oo aas uga careysiisay France. Dhanka kalena, xiriirka Turkey iyo Greece ayaa leh taariikho dagaal iyo isku dhacyo ah. AFP + VOA The post TURKEY oo jawaab kulul ka bixisay heshiis ay galeen laba dalal oo ay is-hayaan appeared first on Caasimada Online.
  9. Ex-wasiir Xasan Gadhweyne oo ku geeriyooday Magaalada hargeysa Waxaa goordhaweyd ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa Marxuum Ex-wasiir Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan gadhweyne) oo Beryahanba la ildaraa xanuunka Covid 19 oo haleelay. Wuxuu ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada S/land, sidoo kale wuxuu soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Saaxil & Duqa Magaalada Berbera. Ilaahay ha u raxmado marxuum Xasan Gadhweyne Qaran News
  10. Go’aanka siyaasadeed oo in ka badan lix boqol oo qof oo Soomaaliyeed lagaga tarxiilay laguna boobay qaarkood waa fal dambiyeed ciddii ka dambaysay lagala xisaabtami doono. Waa ayaandarro in siyaasiyiinta sida Cabdirisaaq Khaliif, oo weli dhalashadiisii Soomaalinimo sita, iyo Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir, oo isna magaca Soomaaliya wax ku soo bartay welina haysta sidoo kale dhalashadiisa Soomaaliya, ay raalli ka noqdaan in maamulka Somaliland ka musaafuriyo Laascaanood dad Soomaaliyeed. Miyay ku raacsan yihiin hadalka taliye ku sheegga booliska ah “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale, waanna ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin, waxaanu nahay Somaliland” ? Iyaga ayaa mas’uul ah maleeshiyada maamulka Somaliland u qoran. Maxay wadaaddadu iyo madaxdhaqameedku uga aamusan yihiin gef loo geystay dad Soomaaliyeed oo dhulkooda ku nool? Maamulka Somaliland oo dadka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed ku boobay kana tarxiilaya Laascaanood. Dhammaadkii afartamaadkii diidmo ayaa lagala hortagay dadkii xafiiskii SYL ka furay Hargeysa. Dhowr sanadood kaddib, 1954kii, Biritishku wuxuu Itoobiya ku wareejiyay dhulka Hawdka waayo wuxuu Soomaalida waqooyiga u arkayay dad aan heshiisyadii lala galay la jabin karo. 1968kii Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dowladda kana tirsanaa SYL ayaa London ka sheegay in dhulkii Soomaalida si qarsoodi ah Itoobiya loo siiyay. Haddii afartamaadkii aynu SYL taageeri lahayn xisbiyo gobanimoddoon samayn lahayn dhul Soomaaliyeed laguma dari lahayn. Qofka maanta qarannimada Soomaaliya diiddan gefkaas dhacay waxba kama baran. Sida aysan suurtogal u ahayn in qof soo toosay uusan ugu doodi karin inuu xalay dhalasho cusub yeeshay ama meeshuu ku sugan yahay ka tirsan tahay dal cusub ayaysan sharci u ahayn in dad Soomaaliyeed magaalo ay maalgeliyeen si nabad ahna ugu noolaayeen laga tarxiilo. Waa sharcidaro in qof Soomaaliyeed laga tarxiilo meel ka mid ah Soomaaliya ama lagu qarantiro (denationalisation). Maleeshiyada Somaliland ku sugan Laascaanood oo alaabta ganacsade la boobay ku raranaysa baabuur. Dadka la tarxiilay waa Soomaali wax ka dhisay dhulka, oo naftooda u huray inay dhulkan ka difaacaan halis badan, waa dadka dhulkooda nagu soo dhoweeyay markii abaartii Dabadheer ay nagu dhufatay toddobaatanaadkii. Intaas oo dhan waannu illownay oo ka fiirsasho la’aan ayaa innaga tanbadisay oo maanta magacii reer Waqooyi wuxuu noqday mid ku mataanaysan boob iyo qar iska tuurnimo siyaasadeed. Waxa keliya oo caddaatay waa in reer Waqooyigu weli maskax reer guraanimo ay sitaan inkastoo ay magaalo ku soo bateen. Hadal maalin dhoweyd Cabdicasiis Guudcadde, qoraa iyo tarjume, ka sheegay Hargeysa — in reer miyigii ay afgambiyeen reer magaalkii — ayaa dhab ah. Reer miyi isqabasho caan kuma aha; reer magaalnimaduna dhar la xidhto ma aha. Waxay ka billaabataa in qofku kala gadhanayo hantidiisa iyo hantida qof kale. Maamulka Somaliland wuxuu ku sifoobay maamul budhcadnimo ku salaysan oo qaadanaya go’aammo kala sii xunxun. Waajib ayaa saaran maamulka Puntland inuu diiwaangeliyo dadka laga soo tarxiilay oo lagu boobay Laascaanood. Madaxweyne Muuse Biixi, oo dhowaan sheegay in Soomaali badan oo reer koonfureed ahi maalgashadeen Hargeysa, maanta wuxuu qaatay go’aan lagu boobay dad Soomaaliyeed oo dhulkoodii jooga. Si waddaniyad iyo bisayl siyaasadeed ka muuqato ayuu mundane Saalax Jaamac, Wasiirka Arrimmaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uga falceliyay gaboodfalka ka dhacay Laascaanood. “Waxaan codkayga ku biirinayaa masuuliyiinta iyo dadka Soomaaliyeed ee ka falceliyey habka loola dhaqmay dadka koonfurta ka soo jeeda ee ku dhaqnaa magaalada Laascanood. Waxaan cambaaraynayaa aragtida ku dhisan ‘ciqaab wadareedka’, ee ay dhibi ku soo gaadhayso muwaadin Soomaliyeed oo muruq-maal ah ama gacansade yar ah oo aan waxba galabsan. Maamulka Somaliland, waa inay xeeriyaan dhaqanka suubban ee Soomaalidu u leedahay in ay isu gooshaan meel walba oo Soomali degto. Sidoo kale waa in dadka maalkooda iyo hantidooda la badbaadiyaa. Diinteenna Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo heshiisyada xuquuqda aadanaha ee caalamku midna gar u siinmaayo Somaliland in ay dadka taxaabto oo ku xadgudubto xuquuqdooda dadnimo iyo Soomaalinimo. Wixii amnidarro iyo arrimo kale la xidhiidhana waa in ay ku koobnaadaan cidda faldembiyeed lagu tuhunsan yahay isla markaana xuquuqda qofkana la dhawraa” ayuu Saalax gacankiisa Twitter ku soo qoray. Wuxuu soo koobay waxa ka dhalan kara go’aammada lagu soo tarxiilay oo lagu boobay dad Soomaaliyeed. Waa fal dambiyeed kuwa galay lagala xisaabtami doono, Muuse Biixi iyo kuwa la shaqeeya dadkoodii iyo naftooda ayay godob ka galeen. Waa in si degdeg ah loogu caqli-celiyo si ay isu qabtaan inta arrintu dabaqabasho leedahay si ralligelin iyo magdhaw loo siiyo walaalaheen Soomaaliyeed oo aannu boobnay oo dhulkooda hooyo ka tarxiilnay. Liibaan Axmad Libahm@gmail.com The post Tarxiilka iyo Boobka Maamulka Somaliland Laascaanood Ka Geystay Waa Fal Dambiyeed appeared first on Puntland Post.
  11. Xildhibaan Hore Rayte oo ka soo kicitimay Muqdisho oo Beryahanba ku sugnaa oo Xabsiga loo taxaabay+Sababta Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Xildhibaan Ibraahim Rayte, oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada ee dhawaan waqtigoodu dhammaaday. Rayte, ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa kadib markii uu ka soo laabtay Muqdisho oo uu Beryahan danbe ku sugnaa. Qaran News
  12. Lasanod (PP News Desk) — A clearer picture is emerging from the deportation of more than six hundred Somalis from Lasanod by Somaliland government. Most adult deportees showed voter registration cards issued to them by Somaliland government. “ I voted in the last parliamentary elections and the 2017 presidential elections” said one Somali internal deportee, who asked for anonymity and showed the voter registration card (redacted). “Most adults from South West state have voted in elections. Many of us were born and bred in Lasanod. We have been treated as scapegoats for local power struggles” he added. A Somaliland voter registration card issued in Lasanod to one of the internal deportees now in Puntland. Somaliland militias robbed many small business owners of their belongings before forcing them into lorries bound for Burtinle districts where they received a warm welcome and sincere sympathy from locals. “I was refused to feed my daughter in the lorry but when we arrived in Burtinle my daughter, who fell ill as a result of hunger, was taken to a hospital where she was treated. Despite what we have been through, we are eternally grateful to people of Burtinle for their kindness” said another man who was deported from Lasanod. © Puntland Post, 2021 The post Many Somali Internal Deportees Hold Somaliland Voter Registration Cards appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarkee ayaa si weyn u dhaliilay raafka ay Somaliland ku billowday dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo boqolaal ka mid ah shalay laga masaafuriyey magaalada Laascaanood. Somaliland ayaa dadkaas ku gurtay gawaari xamuul ah, waxaana sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ay muujinayaan ganacsatadii Laascaanood ee ka soo jeeda koonfurta oo laga soo saaray magaaladaasi, iyada oo hantidoodii ay taal halkaasi. Cumar Cabdirashiid ayaa tallaabada ay qaaday Somaliland ku tilmaamay inay ka dhigan tahay meel aad u hooseysa oo anshax ahaan iyo siyaasad ahaan ay gaartay Somaliland. “Raafka qasabka ah ee lagu soo bandhigay Laascaanood waxay astaan u noqon doontaa meel aad u hooseysa oo ay Somaliland gaartay anshax ahaan iyo siyaasad ahaan. In si qaldan bulsho loogu eedeeyo duruufaha ku hareereysan magaalada, ma dhallin doono xasilloonida la raadinayo, waxbana kama qaban doonto isbeddellada siyaasadeed ee hoose,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Twitter. Taliyaha booliska gobolka Sool ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay si gaar ah u beegsan doonaan dadka aan u dhalan deegaanadaasi ee ku sugan gobolka, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo jeeda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka iyo ajaaniibta kale, sida uu hadalka u dhigay. “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood,” ayuu yiri taliyaha Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray “Annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland,”. Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka. The post CC Sharmaarke oo jawaab cajiib ah ka bixiyey tallaabada ay qaaday SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  14. Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabul ciidan oo ka dhan ah xoogagga Ahlusunna. Wararku waxay sheegayaan in saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Galmudug diyaarinayaan hawlgal ciidan oo ku jihaysan degaannada ay ku sugan yihiin Ahlusunna Wal-jamaaca. Dad lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in saraakiisha Galmudug qaarkood ku taliyeen in Ahlusunna wada-hadal lagu mashquuliyo kadibna la weeraro iyago aan diyaarsanayn. Dhinaca kale Xoogagga Ahlusunna ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada degaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Galmudug oo bilowday abaabul ciidan oo ka dhan ah Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
  15. Xildhibaan Rayte oo ka mid ahaa Mudaneyshii hore ee golaha wakiillada Somaliland oo muddo ku sugnaa magalada Muqdisho. Ayaa saaka madaarka Hargeisa lagu xanibay xili uu ku soo laabtay dalka Somaliland Source
  16. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe xarunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya. Roble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa. Ra’iisul wasaaraha ayaa saacadaha uu ku sugan yahay Baraawe waxa uu kulama la qaadan doona mas’uuliyiinta ugu sareyso maamulka Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Amiirad mansab Boqortooyo ka doorbiday Jacaylkeeda oo taariikhda guurkeeda la shaaciyay Sanado badan oo muran ah ka dib, Amiirad ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Jaban ayaa guursan doonta nin ay ku waynayso maamuuska Boqortooyo ee ay leedahay. Waxay ka tanaasuli doontaa maqaamkeedii boqornimo. Wakaaladda Qoyska ee Imperial ayaa sheegtay taariikhda uu ku beeganyahay arooskooda oo ah 26ka Oktoobar ee bishaan. Lammaanaha ayaa markii hore lagu waday inay is guursadaan 2018-kii, balse waxaa la joojiyay arooska ka dib markii la ogaaday in qoyska ninka ay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale. Gabadhan oo lagu magacaabo Amiirad Mako, ayaa waxaa awoowe u ah boqorka dalka Jaban Akihito waxayna guursan doontaa Kei Komuro, oo ka shaqeeya xafiis Qareen kaasi oo ay isku da’a yihiin. Amiirad Mako ayay isbarteen ninka ay calmatay sanadkii 2012 xilligaasi oo ay isku Jaamacad dhigan jireen, waxaase dhibaato ku noqday sharciga u yaala qoyska Boqortooyada oo dhigaya in haddii qof ka tirsan qoyska Boqortooyada uu damco in uu guursado qof caadi ah ay tahay in uu iska dhigo darajada ama maaqaamka Boqortooyada. Qaran News