-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u saaray in ay soo baaraan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo sababtay khilaaf aad u adag oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay labadii sano ee la soo dhaafay magacowday guddiyo kala duwan, si ay u soo baaraan xaalado abuuray hadal hayn badan oo bulshada dhexdeeda saameyn ku lahaa. Guddiyadaas ayaan dib loo maqlin, mana aysan soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaannadii loo diray. Guddiga Farmaajo uu caawa magacaabay ayaa imanaya, xilli uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Daahir Maxamuud Geelle oo horraantii bishan ka hadlayay arrimaha guddiyada la magacaabo ayaa yiri: “Marka arrinta la marin-habaabinayo waxaa la dhahaa ‘guddi u saara’. “Anaga arrinkaa waayo-arag baan u nahay. Guddiyo badan oo la iska daba sameeyay ayaa jiraan oo wax xaqiiqo ah aan keenin. Marka waxaan rabnaa in guddi loo saaray aysan arrinta ku ekaanin”, ayuu yiri Daahir Geelle. Arrimaha guddiyada loo saaray waxaa ka mid ahaa dhimashadii Alle ha u naxariistee Cabbaas Siraaji, oo ahaa wasiir iyo xildhibaan oo bishii May, 2017-kii lagu dilay Muqdisho. Guddigaas weli wax cad ma aysan keenin. Sidoo kale, Ka dib markii la dilay gudoomiyihii degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, Cabdixakiim Dhagajuun, bishii January ee sannadkan, dowladda waxay magacowday guddi baaritaan, balse weli xaqiiqo raadintii ma aysan ka soo warcelinin. Haddii aan eegno qaar ka mid ah guddiyadaas waxaa ka mid ahaa: Qarixii Xarunta Gobolka Banaadir Bishii July, sannadkii 2019-kii, wuxuu qarax wayn ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka iyo qaar ka mid ah agaasimeyaashiisa. Alle ha u naxariisto, Cabdiraxmaan Yariisow oo dhaawacmay ayaa loo qaaday dalka Qatar, halkaas oo uu ku dhintay. Ka dib dowladda waxay u saartay guddi baaritaan ku sameeya qaraxaas, balse wixii ka soo baxay arrintaas ayaana dadka lala wadaagin. Waxaa jiro warar sheegaya in qeyb ka mid ah baaritaanka wixii ka soo baxay loo gudbiyay masuuliyiinta dalka. Qaraxa waxaa ku dhintay masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyayaal, Agaasimayaal iyo dadkale oo katirsanaa maamulka gobolka Bnaadir. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna tilmaameen in bartilmaameedka uu ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo maalintaa booqasho ku tagay xarunta gobolka Banaadir. Askartii loo diray Eritrea Ka dib markii ay dheceen isu soo baxyo ay sameynayeen dad kala duwan iyo waalidiin ka cawanayay in carruurtooda loo qaaday dalka Eritrea, ka dibna ay “ka dagallameen Itoobiya”, waxaa la saaray guddo soo baara arrintaas. Bishii July, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiintaas. Waxay dadkaas sheegayeen “in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.” Guddigan oo ka kooban illaa shan xubnood ayaa la sheegay in ay u kuur geli doono xaaladda dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, ayaa weli soo saarin warbixinta baaritaankooda. Maalmo ka hor intaan guddigaas la dhisin, waxaa BBC Somali la hadashay hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo. “Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan. “Dhibaato badan ayey sheeganayaan, Ilaahay subxaanahu watacaalaa ka socokow cid kale oo bini’aadam ah oo noo doodaysa oo aan sugayno ma jirto ayuu igu dhahay.” Dhacdadii 19-kii February Maalintaas waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay isu soo bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo diidanaa dib u dhaca doorashada dalka. Musharrixiintaas ayaa sheegay in rasaas lagu riday, ayna kala carareen. Qaarkood oo saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in la damacsanaa “in la dilo musharrixiinta”. Khilaafkaas oo aad u cakirmay, wuxuu sababay in ciidamo gadoodsan ay magaalada Muqdisho soo galaan, balse markii dambe waxaa kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrixiinta, waxayna isku raaceen in la dhiso guddi soo baara dhacdadii 19-kii Febraayo. Sidoo kale, habeenkii ka horeeyay wuxuu “weerar ka dhacay hotel ay degannaayeen” madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Guddigaas oo ahaa mid madax-bannaan oo ka koobnaa lix xubnoo, ayaan weli soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaankii ay sameeyeen. Waa guddi isku-dhaf ah oo ka kala socday mucaaradka, dowladda. ‘Afduubkii’ Ikraan Tahliil Bil ka dib markii la waayay Ikraan Tahliil, Xeer Ilaalinta Guud ee Ciidamada Qalabka Side, ayaa guddi u saaray arrintaas si ay u soo baaraan. Janaraal Cabdullaahi Buulle Kamay, oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda, si ay u soo baaraan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Xilligaas, waalidiinteeda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta waxay tuhmayeen in hay’adda NISA ay “ku dhex maqan tahay” gabadhaas oo mar ka shaqeysay xafiiskii Yariisow, intii uu ahaa Gudoomiyaha Banaadir. Guddigaas weli lagama hayo warbixin ku saabsan baaritaankooda, balse dhowaan ayay dowladda shaacisay in “Al-shabaab ay dileen Ikraan” taas oo ururka iyo waalidkeedaba ay beeniyeen. Arrinta Ikraan ayaa khilaaf ka dhex abuurtay labada xafiis ee dalka ugu sareeya, taas oo weli taagan. Waxay sababtay in isbedello iska soo horjeeda ay sameeyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku kala socday NISA iyo wasaaradda Amniga. Waxaa mudo bil ka badan nolol iyo geeri aan lagy heyn Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, waxaana gabadhan markii ugu dambeesay gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan. Gabadhan ayaana kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana Ehelada gabadhan ,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kalaba sheegeen in Ikran tuhmayaan in ay afduubteen ama dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda NISA. Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Faray Taliska ciidamada Nabad sugida in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan. Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Ikraan Tahliil Faarax, kuwaa oo tuhmaya in maqnaashaha gabadhooda Taliska NISA ku lug leeyihiin. Isha: BBC SOMALI The post Afar guddi oo la la’yahay oo muujinaya qorshaha Farmaajo ee guddiga Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa durba ka fal-celiyey warqadii caawa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, taas oo lagu shaaciyey guddi uu u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo horay loogu eedeeyey inuu isagu caqabad ku yahay. Ugu horeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Oday Farmaajo kiiska Ikraan dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baaraya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa? Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?! Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!? Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!” Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri “Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladnimada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka mahadhada noqday. Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaaliyeed. Laguna baaba,iyo kiiska, waxba kama jiraanna looga soo qaado. Sida aan wada ogsoonahay kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad ee waa in maxkamadda loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda. Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri: “Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siyaaro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash farax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ayaa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay marayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wuxuuna u geeyey qaaddigii deggaanka. Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri “Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri “War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qirto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagtiina iyagaa qaybsaday” Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri ooraah caan baxday oo aheyd ; حاميها حراميها “Kii la raacshay ayaa lunsaday” Warqadaan wax kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay.” The post Siyaasiyiin jawaab deg deg ah ka bixiyey tallaabadii uu caawa qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Arrintan ayaa u muuqato marin habaabinta cadaalad u helidda kiiska dilka ahaa ee Ikraan Tahliil, Farmaajo ayaa NISA oo la tuhunsanaa ku daray kuwa soo baaraya kiiska Ikraan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horkacaya gudigan Farmaajo uu magaabacay oo ka kabooban:- 1-Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka. 2-Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda CQS. 3-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha booliska. 4-Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. 5-Xubin uu soo magacaabo Agaasimaha Hay’adda NISA. Tallaabadan ayaa kuso aadaysa iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu faray Xeer ilaalinta Ciidmada Qalabka-sida in ay baarto kiiskan, Sidoo kalena Qoyska sarkaalad Ikraan Tahliil ay galdacwadeed ka dhan ah Fahad yasiin agaasimiihii hore ee NISA iyo saraakiil ka tirsan hay’adda ay ugudbiyeen maxkamadda Ciidamda qalabka sida. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faaee ku xardhan khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddi qaran oo baara kiiska Ikraan, kaas oo ka kooban 5 xubnood: Guddiga waxaa guddoomiye u ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana kamid ah xeer ilaaliyaha ciidamada qabaka sida, taliyaha ciidamada booliska, taliyaha ciidamada xoogga iyo taliyaha NISA ee lagu muransan yahay. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo kamid ah culimaa’udiinka degmada Laascaanood, ayaa maanta sheegay in Somaliland mas’uul ka tahay dilalka qorshaysan ee ka dhaca gudaha degmadaas. Waxa xusid mudan in dhammaan dilalkii ka dhacay Laascaanood mudadii Somaliland joogtay aysan jirin cid loo qabtay, waxaana u dambeeyay marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo habeen ka hor lagu dilay Laascaanood. Haddaba, aan wax yar dib u milicsanno dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay degmada Laascaanood mudadii Somaliland joogtay, kuwaas oo lagu laayay hal-door ay ku jiraan wadaado, cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin. 15 October 2007-dii, ayay Somaliland la wareegtay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii ay dagaal kaga qabsatay Puntland oo degmadaas gacanta ku haysay mudda sagaal sano ah. Inkastoo aanan halkan kaga hadlayn taariikhda ku saabsan dagaalkii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, haddana waxaan xusayaa in mudda saddex sano ah ay Somaliland ku qaadatay in ay si buuxda u caga-dhigato Laascaanood. Mudadii u dhexaysay 2007-2010, waxa socday dhaqdhaqaaq ku jihaysan in Somaliland laga xoreeyo Gobolka Sool, kaasoo bilowgii Puntland qayb ka ahayd, balse isaga hartay sannadkii 2008-dii, kadib markii ay wajahday sicir-barar iyo dhaqaala-xumo baahsan. January 2010, halkaan ayuu ka bilaaban musal-salka dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka socda mudada 11 sano ah, islamarkaana aysan jirin cid loo qabto, lana aqoon cid ka dambaysa. 16 January 2010, waxa xilli fiid ah gudaha Laascaanood lagu dilay Cismaan Cabdi Faarax oo kamid aha hal-doorka Gobolka Sool. Dilkiisa cidna looma qaban welina lama yaqaan cid dishay. 26 June 2010, Caaqil Xuseen Dalqaf Garcase ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2010, waxa Laascaanood lagu dilay aqoonyahan Saleebaan Dheere oo kamid ahaa bahda Waxbarashada Gobolka Sool. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 7 March 2011, Marxuum Maxamed Axmed Xirsi oo kamid ahaa hal-doorka Gobolka Sool ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 17 May 2011, waxa Laascaanood lagu dilay Shiekh Maxamed Ibraahim Samatar oo ka tirsanaa culimaa’duunka magaalada. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2011, Marxuumad maamo Cibaado Cilmi ayaa lagu dilay Laascaanood, Cidna looma qaban dilkeeda, welina lama yaqaan wax dilay. 6 October 2011, waxaa Laascaanood lagu dilay Ibraahim Axmed Shire oo kamid ahaa cuqaasha magaalada Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 24 June 2012, Laascaanood waxaa lagu dilay Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali (Dhuunkalax) cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay. 3 August 2012, Marxuum Cabdi Cawil Xasan (Jufe) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiis lamana oga wax dilay ilaa iyo hadda. 23 October 2012, weriye Axmed Saakin Faarax ayaa xilli fiidnimo ah lagu dilay gudaha Laascaanood, weli lama yaqaan cid dishay, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa. 8 December 2012, marxuum Cabdiraxmaan Ismaaciil Saleebaan ayaa lagu dilay Laascaanood ma jirto cid loo qabtay dilkaas wax dilayna lama yaqaan. Sannadihii 2013 ilaa 2015, waxaa dib u xoogaystay jabhado hubaysan oo ka jiray Gobolka Sool, kuwaas oo weeraro kala duwan la beegsaday ciidamada Somaliland, waxaana istaagay dilalka madax-jebiska ah ee ka dhaca gudaha Laascaanood, marka laga reebo ganacsade lagu magacaabi jiray Xasan Cabsiye oo Laascaanood lagu dilay 7 December 2015. 13 April 2016, marxuum Cabdullaahi Axmed Maxamed (Carrabey) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay ilaa iyo hadda. 3 September 2016, waxaa Laascaanood lagu dilay ganacsade Maxamed Xirsi oo kamid ahaa madaxda shirkadda Dahabshiil, cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan cid dishay. Bilowgii sannadkii 2017, waxaa dib u xoogaystay jabhaddii SSC ee Gobolka Sool, taas oo weeraro ka dhan ah Somaliland ka fulisay degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana istaagay dilalkii qorshaysnaa. 8 January 2018, Somaliland ayaa qabsatay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana tallaabadaas ka dhashay dagaallo dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo muddo sannad ah socday, iyadoo Laascaanood uu ka dhacay kacdoon dadweyne iyo muddaharaadyo rabshado watay. 2019, waxaa mar kale xoogaystay weeraro ay Jabhadda SSC ee Col. Faysal Falaalug ka waday Gobolka Sool, gaar ahaanna Laascaanod iyo Tukaraq, kuwaas oo ay ku beegsatay Ciidamada Somaliland, lamana soo werin wax dilal qorshaysan ah. 2 March 2020, waxaa Laascaanood lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilkiisa, lana aqoon wax dilay. 15 March 2020, waxa Laascaanood lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaana la sheegay in khilaaf kala dhexeeyay mas’uuliyiinta ka sarraysay. Dilkiisa cidna looma qaban. 31 July 2021, dabley hubaysan ayaa xilli fiidnimo ah Laascaanood ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Shire (Laba-go’le) oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland ma jirto cid loo qabtay dilkiisa. 11 September 2021, marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani ayaa lagu dilay Laascaanood, ma jirto cid loo qabtay dilkiisa ilaa iyo haddana lama oga cid dishay. FG: waxa macquul ah in ay jiraan dilal qorshaysan oo aanan xasuusnayn kana dhacay Laascaanood mudadaas 11-ka sano ah. W.Q: Cabdiraxmaan Ciise The post Laascaanood: Somaliland iyo dilalka qorshaysan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah: 1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye 2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen 3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin 4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin 5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda. Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta. Siisas badan oo isugu jira dilal, qaraxyo, askartii la geeyey Eritrea iyo arrimo kale oo guddiyo loo magacaabay ayaa waxaa warkooda ugu dambeysay markii guddiyadaas la magacaabay. Maxkamadda Ciidamada ayaa waxay guddiyada uga duwan tahay inaan baaritaankeeda la hor-istaagi karin, sidoo kalena ay u yeeri karto ciddii ay doonto, balse waxaa muuqata in Farmaajo uu middaas diidan yahay. Hoos ka akhriso warqadda The post Farmaajo oo kiiska Ikraan u magacaabay guddi, xilli uu weli diidan yahay baaritaanka Maxkamadda Ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta dhageystay khudbada ku dhowaad 30 mushariax oo u taagan tartanka xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamul goboleedkaas. Musharixiinta oo markii hore kor u dhaafiyey illaa 30 musharax ayaa hadda hoos u dhacay kadib markii qaar ka tirsan musharixiinta ay go’aansadeen inay isaga haraan tartanka xilli ay shalay ku ekeyd is-diiwaan gelinta musharixiinta. Musharixiinta is-casilay ayaa iskood u go’aansaday inay isaga haraan tartanka, waxaana xusid mudan inaysan dhiibin lacagta is diiwaan gelinta oo aheyd 20 kun oo Dollar, taasi oo qaar badan ku adkaatay Lixda musharax ee isaga haray tartanka ayaa waxay kala yihiin: 1- Mukhtaar Xuseen Afrax, 2- Dr. Cabdiraxmaan Muuse Xabbad, 3- Muxyadiin Xasan Afrax, 4- Maryan Maxamed Kuulow, 5- Cabdalla Maxamuud Cusmaan, 6 – Adna Xasan Mahad Cabdi Hoos ka aqris liiska musharaxiinta la diiwaan-geliyey ee isku soo haray A): 1- Muuse Suudi Yalaxow 2- Cabdullahi Sheekh Xasa 3 -Axmed Xasan Caddow 4 -Dr. Xasan Cadaay Cali B) 1- Maxamed Amin Shiikh Cusmaam 2- Daaha Muhudiin Sh. Daaud 3- Axmed Maxamed Call (Afcadeey) 4- Yussuf Macalin Xasan (Filla-Dheere) C) 1- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) 2 – Raage Xasan Cusmaan (Xuuti) 3- Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle) D) 1- Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun 2 – Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) E) 1- Call Shacbaan Ibraahim 2- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir 3- Cabdullahi Axmed Tawaad 4- Caasho Xuseen Abuukar 5- Cabdalle Cabdi Xuseen F) 1- Xasan Iidow Muxumed Kobac 2- Cusmaan Axmed Macow 3- Cabdinuur Ibraahim Nuur G) 1- Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama 2- Sacdiya Yarrow Aadan H) 1- Naciimo Ibraahim Yuusuf 2- Zamzam Cabdullahi Xuseen 3- Maxamed Macallin Xasan Kulmiye 4- Abuukar Xasan Call (Maqaneey) The post Musharaxiin badan oo ka haray tartanka Aqalka Sare ee HirShabelle + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda. “Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan. Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah. Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF. The post Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo kale oo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Dubai becomes gateway for African multi-billion-dollar stationery imports Paperworld Middle East to attract African buyers as continent’s stationery market forecast to reach US $5 billion by 2027 DUBAI, United Arab Emirates, September 13, 2021/ — Dubai has emerged as a key export gateway for stationery goods which are in spiralling demand throughout Africa, according to a new report by market information advisory 6Wresearch. Its Africa Stationery Market report forecasts the continent’s stationery consumption will reach a value of US $5.04 billion by 2027, growing at a compound average growth rate of 2.4% annually from its current US $4.39 billion valuation. The report was produced by 6Wresearch on behalf of Paperworld Middle East, the region’s largest international trade exhibition for the stationery, paper, gifts, and office supplies industry, which will mark its 10th anniversary showing at the Dubai World Trade Centre from December 14-16 this year. It cites a growing education sector throughout Africa and upscale commercial sector investment as behind the surging demand. “Africa’s stationery market is majorly import driven, with Dubai being the major exporter to African countries,” says the report. South Africa, where office inventory is set to reach 14.83 million square meters by the end of this year, Egypt and Nigeria account for the lion’s share of the stationery and office supplies demand. “Office space in South Africa has been increasing over the past few years on the back of government initiatives to drive the real estate and corporate industries,” says the report. “Due to the increasing office sector outlook, new potential opportunities for deployment and use of video conferencing solutions in the corporate sector are expected to increase.” Education though represents 60% of overall sector demand in Africa and, though the COVID-19 pandemic has slowed demand with schools being forced to close, the report believes the sector will rebound by the end of this year. Given the forecasted demand and Dubai’s increasing role as a supply base for the continent, African buyers and suppliers are expected to be a significant force at Paperworld Middle East 2021, which is organized by Messe Frankfurt. The show, which was originally scheduled for March this year, has moved to the December date when it is likely to benefit from an influx of visitors for Expo 2020 Dubai. “This move to December was made following regular contact with our stakeholders,” explained Syed Ali Akbar, Show Director for Paperworld Middle East. “The feedback we received prompted the change of date, which is widely supported by our customers, partners and trade associations. “The show and the debut of its associated Gifts & Lifestyle Middle East exhibition will now open doors at the same time as Expo 2020 Dubai – a global mega-event that’s expected to attract more than 25 million visitors during its six-month run from October 2021 to April 2022. “These trade shows will benefit from the association with Expo 2020 so we can confidently predict an influx of new visitors from an expanded geographic footprint which means a wider opportunity base for exhibitors Source Paperworld Middle East Qaran News
-
Odayaasha Dan iyo Duco iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Cabdillaahi Abokor oo yeeshay kulan is laab-xaadhasho ah. Odayaal, siyaasiyiin iyo Masuuliiyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdillaahi Abokor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa xalay yeeshay kulan ay isku laab-xaadhanayeen, iskagana cafinayeen gardoofooyin iyo is jiidh-jiidh siyaasaddeed oo salka ku hayey doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka dalka ka dhacay, kuwaas oo ay Odayaashan iyo siyaasiyiintu u horseeday in ay Muxaafid iyo Mucaarad u kala jabaan, iyaga oo Xildhibaanno kala duwan wata. Kulan is laab-xaadhashada ahaa, oo qaar kale ka horreeyeen ayey Odayaashan iyo siyaasiyiintan, ayaa isku af-gartay in la isa saamaxo oo jewi cusub oo wada shaqayneed la bilaabo, madaama doorashadii dhamaatay, tii madaxtooyaduna soo dhawdahay. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kale ee kulankan ka qayb galay waxa ka mid ahaa Caaqil yare, Jaamac Rooble, Maxamed Cabdillaahi Mirre, Cabdi Qarax iyo Cabdiqani Xaaji Muuse. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee maanta khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiinta kale uga dalbaday codkooda. Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarlamaanka hortiisa, halka musharaxiinta ka horeysay ay sameeyen, wuxuuna ku gaabsaday “in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka yahay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan. “Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qaban doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa idinka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, haddaan u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri. “Waxaa u mahadcelinaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen iyo madaxweyne ku-xigeenka, madaxda kale kuligood waa u mahad-celinaa.” Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Suudi ee uu markale u tartamayo ayaa waxaa kula loomaya saddex musharax oo kale, kuwaasi oo kala ah; Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Xasan Cadaay Cali, waxaana ka tanaasulay Xaaji Muxidiin Xasan Afrax oo ku soo baxay liiskii uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe. Sida la sheegayo Villa Somalia ayaa si weyn u daneynaysa in kursigaas lagu ciriiriyo Muuse Suudi, loolan adagna lala galo, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska. Daawo Muuse Suudi The post Daawo: Muuse Suudi oo khudbad lama filaan ah u jeediyay xildhibaanada HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta dawladda Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta. Kulankan aya daba socda warqad shalay warbaahinta loo soo dusiyay oo kaso baxday Xafiiska Ra’isul wasaaraha taa oo lagu faray wasaaradda Maaliyadda in wax lacag ah iyo xita musharaadka ciidamada aysan bixin karin iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Wasiirka koowaad. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Abuukar Xasan Yuusuf ayaa sheegay in doorashooda ka dib ay gaareen guulo waaweyn oo dhinaca gudaha dalka iyo dibadiisa,wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo kaalin ka geystay horomarka iyo guulaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka. “Doorashadeena ka dib waxaa inoo qabsoomay shaqooyin badan oo ay ka mid tahay qorista sharciyada Minifootboolka dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya Mudane Abuukar Xasan Yuusuf. Dhinaca kale Guddoomiye Abuukar wuxuu guul taariikhi ah ku tilmaamay aas aaska 24 koox uu iminka lee yahay Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya, kuwaas oo hada loo kala saaray heerka 1-aad iyo 2-aad ee Minifootboolka, waana markii ugu horeesay ay madaxda SOMFA ay yeeshaan kooxaha kubadcag yaraha. “Horomarka muuqda ee aan gaarnay doorashadeena ka dib waxaa qeyb ka ah aas aaska 24 koox ee Kubadcag yaraha Soomaaliya, waxaana u mahadcelinaynaa madaxda kooxaha oo iyagana kaalin weyn ka geystay guulaha iyo waxqabadka Xiriirka Sooamaliyeed ee Minifootboolka ” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mduane Abuukar Xasan Yuusuf Ugu danbeyntii Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Abuukar Xasan Yuusuf wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay da’daalada kala duwan ee ka socda gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa, isagoo Wasaaraddda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda Fedraalka Soomaaliya ku amaanay doorka ay qaatay horomarka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka. “Sanadaha soo socda madaxda SOMFA waxaa laga filayaa in ay samayso da’daalo ka waaweyn sanadkii kowaad, waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo nagu caawosay horomarkii iyo guulihii aan gaarnay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha Mudane Abuukar Xasan Yuusuf . Daawo Waraysi Uu Guddoomiye Abuukar Siiyay Goobjoog Sports Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle “Waa Nasiib Darro In Warbaahinta Ay Ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha dalka u qaabilsan maaliyadda sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu kulan la qaatay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud. Warkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kulankalooga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta. “Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay hay’adaha Maaliyadda dalka appeared first on Puntland Post.
-
Kabul (Caasimada Online) – Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay. Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa. Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan. “Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan. “Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri. “Warbaahinta waxay mar kasta daabacaan dacaayad been abuur ah. sidaas darteed, si geesinimo leh isaga diida beentaas, waxaana 100% idiin xaqiijinayaa inaysan waxba jirin, oo aan wax dhibaato ah qabin,” ayuu yiri. Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhigay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub. Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afhayeenka kooxda sheegin “inuu ku sugan yahay Kandahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsadeen. Dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa xantu aheyd inuu u dhintay cudurka COVID-19, ama lagu dilay qarax. AFP + VOA The post Maxaa ka jira ‘inuu dhintay’ Mullah Abdul Ghani Baradar? appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Maalinimada Axada ee taariikha Hjiriyadu tahay 12-Safar-1443, kuna beegan 19 September ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands in ay la kulmaan guddi odayaal ah oo in muddo ah a isha ku hayay khilaafka dhex aloosnaa guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu ay maamulaan, kuna yaal Amsterdam. C/qaadir Kediye wuxuu ka mid yahay maskax-maalka Soomaalida, in muddo ah ayuu la socday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka u dhexeeya guddiga maamula masjidka. C/qaadir sidoo kale, wuxuu safka hore kaga jiray walaalaha hirgelinta masaajidka ku bixiyay juhdiga, isaga oo aragtidiisa shaqsiga ah ka dhiibanaya waxyaabaha la isku hayo & dhumucda khilaafka waxa uu u soo jeediyay waxgaradka Soomaalida in labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeya si cadaalad & hor ALLE ah in loogu kala garqaado. “Hadal jeedintii dheereyd ee Axadii uu waddaadka Shiikh Suldaan Soomaalida kula hadlayay anigu 2 qoddob ayaa igaga baxay. Qoddobka 1-aad wuxuu ahaa in Shiikhu ku taagan yahay lixdii qoddob ee lagu heshiiyay ee labada daraf ay saxiixeen sidii loo fulin lahaana ay lagama maarmaan tahay in la helo dad madax bannaan oo fulinta qoddobaas u kor-joogteeya si hufnaan & cadaalad ku dhisan & Qoddobka 2-aad ee ahaa; in Shiikhu sheegay in amaanadii ay ummadda u dhiibatay uu ku soo celiyey , waalalaha kalena looga baahan yahay in ay qaataan go’aankaas geesinimada leh oo kale, ummadduna ay u tasho sidii ay ka yeeli laheyd ama iyaga ha ku celiyeen ama cid kale ha u magacowdeen” Ayuu yiri C/qaadir oo waraysi siinayay shabakadda Somnieuws. C/qaadir wuxuu beeniyey in khilaafku u dhexeeya Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka oo dhinaca kale, isaga oo xusay in dadka sida sharciga ah ugu qoran mas’uuliyada masaajidka ay ahaayeen 3 qofood oo Shiikhu guddoomiye u yahay. “Marka hore waa in aynu fahanaa cidda is haysaa waa ayo.? 3 qofood oo ku wada qoran maamulka masjidka ayuu khilaafku u dhexeeyaa. Shiikh Suldaan oo guddoomiye ah, Guuleed Wayrax oo lacag-haye ah iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo xog-hayn ah. Saddexdaas qof ayaa u diiwaangashan maamul ahaan masjidka, haddii cid loo kala gar-noqayo waa in saddexdaas walaalo loo kala gar-qaadaa. Waxaan ka mid ahay dadka sida dhow ula socda marxaladihii uu soo maray masjidku Quba Amsterdam. Masaajidkan hirgelintiisa dadka ugu badan ee lacagaha ku yaboohay waa Soomaalida dalkan ku dhaqan, waxayna xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo marxaladaha khilaafka & waxa la isku hayo, ciddii qaldanna la wada arko, fartana lagu fiiqo” Ayuu yiri aqoonyahan C/qaadir Kediye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, sheegayna inuu ka mid yahay dadka ku xiran masaajidka, isaga oo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in habsami u socodka howsha masaajidka laga hor mariyo wax kasta oo kale. C/qaadir, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isaga & rag kale oo saaxiibadiis ah ay ula muuqatay in maamulka masjidka si ku meel gaar ah in shaqa-joojin loogu sameeyo, loona dhiibo socodsiinta howlaha masjidka guddi cusub, inta laga xalinayo khilaafaadka u dhexeeya guddiga maamulka. C/qaadir, waxaa kale uu sheegay in aanu kala jecleyn Shiikh Suldaan joogitaankiisa & in la ruqseeyo, balse muhiimadiisu tahay in la ogaado dhumucda khilaafka iyo waxa la isku hayo. “Walaalaha Shiikha ka soo horjeeda qaladaadka ay sameeyeen waxaa ka mid ah; markii sharciga la isla tegay Shiikha lacagaha dacwada & garyaqaanka kaga baxay isaga ayaa jeebkiisa ka bixinayay, darafka kale lacagihii masaajidku lahaa ayeey isticmaalayeen. Teeda kale, Guddiga lagu leeyahay waa guddi dhexdhexaadin ah, haddii meesha ay dan [intrest] soo gasho laguma tilmaami karo dhexdhexaad. Ka warrama haddii mid ka mid ah ragga guddiga ka tirsan loo balanqaaday in marka Shiikha meesha laga tuuro in isaga uu masjidka iimaam ka noqonayo.? ama ay ku jiraan rag sifo aan sharci aheyn lacagihii masaajidku lahaa deyn ahaan lagu siiyay oo masjidka ay deyn ka qabaan muddo ka badan 3 sanno, sideey sax ku noqoneysaa dhexdhexaadnimadooda.? anigu xaqiiq “facts” baan ka hadlayaa mala-awaal kama hadlayo. Guddi dhexdhexaad ah laguma tilmaami karo walaalaha Tilburg & Eindhohoven ku sugan intooda badan, mana aha in caqliyadeena lagu ciyaayo” Ayuu yiri C/qaadir, isaga oo intaasi sii raaciyay: “Eeg….waxaa jira qoddob ku jiray warqada ay Shiikha u soo qoreen ee ay ku qeexayaan in awoodiisii ku qorneyd [status] in iyaga ay la wareegayaan, warqadii uu sheegay waddaadka in lagu qasbay inuu saxiixo waxaa ku jirtay in awoodii uu lahaa guddoomiyaha ay qaataan guddiga dhexdhexaadinta Tilburug, waxaa kale oo jirta in waddaadka ay tahdiid ku sameeyeen xubno guddiga ka mid ah, wuxuu ka sheegay madashii uu Soomaalida kula hadlayay maalintii Axadda, in nin guddiga ka mid ah uu ku yiri: “Waxa ay kaa sheegayaan ragga aad is haysaan markii hore been baan u haysanay, balse markaan dhaqankaaga aragnay waxaan ogaanay in ay saxan yihiin, annaga ayaa Soomaalida u sheegeyna qofka aad tahay” Marka su’aashu waxay tahay guddi daraf ka mid ah 2dii daraf ee laga sugayay in ay dhexdhexaadiyaan la safan, oo sidaas waddaadkii ugu bahdilaya garabkii kale oo madasha fadhiya sidee lagu aamini karaa dhexdhexaadnimadooda.? Soomaalida ayeey u taalaa in guddi noocaas ah ay war ka dhageystaan” C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in lacagaha masjidka ku soo xarooda aysan marin hab-raac [process] sax ah.? isaga oo arrintaasi ka hadlaya na waxa uu yiri: “Sida sharcigu dhigayo lacagaha masaajidku leeyahay marka la soo uruuriyo, ee la xisaabiyo, waa in 2 qof saxiixdaa, bangiga lagu shubaa, bangiga laga arki karaa, sida ay u baxaanna waa in bangiga lagala socdaa masaajid ma noqon karo familiebedrijf” C/qaadir, wuxuu ku tilmaamay hab dhaqan aan la aqbali karin in ragga ay waddaadka is hayaan marka loo sheego qaladkooda in masaajidkii ay gabaad ka dhiganayaan, oo ay leeyihiin masaajidka ayaa duulaan lagu yahay. “Ragga Shiikha ka soo horjeeda waxaa ku jira nin af-macaani iyo ballaaqad kulansaday ma doonayo inaan magaciisa sheego waxay ku soo heshiiyaan isaga ayaa loo soo dhiibaa, isaga oo aan si hufan u miisaamin ayuu la soo shir tagaa, Shiikhu wuxuu ku yiraa: carabkaan ILLAAH baa ku siiyay qadiyadaha aad difaacayso iska hubi. Waxyaabaha kale ee aad la yaabayso waxaa ka mid ah, metelan qof marti ah ayaa u imaanaya lacagtii masjidku lahaa ayeey sideey doonaan ugu tasarufayaan, si shaqsi ah ayaa loo isticmaalayaa. Shiikhu wuxuu oran jiray, xoolahaana miyeeydnaan ILLAAH uga baqayn.? dagaalku ugu weyn ee Shiikha lagu qaaday wuxuu ahaa waxay dhibsadeen war ka daaya’daas uu ku hayay” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuu ku celceliyay in waddaadku qadiyadaha uu ku durayay ragga ka soo horjeeda in ay ugu wayn tahay qaddiyada ku takri-falka hantida masaajidka loogu talogalay. C/qaadir Kediye, wuxuu tusaale u soo qaatay dadka ugu badan ee masaajidka ka shaqeeya in ay yihiin caa’ilada guddiga, isaga oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yiri: “Masjidka dadka ugu badan ee laga shaqaaleeysiiyay waa caruurtooda & ehelka ragga maamulka haya, hal nin baa ku jira oo ay shaqada u qoreen isaga na 2 goor bay damceen in ay shaqada ka eryaan Shiikh Suldaan ayaa ka hor istaagay, taksi ayeey u iibiyeen iyagii buu la safan yahay iminka, ileeyn xaalkiisu waa af wax cunay xishoo’e, inaan magaciisa sheego ma doonayo wuu is yaqaanaa, waxaa masjidka soo martay caruur aad u fahmad fiicnaa, oo haddii fursad la siin lahaa meel sare gaari lahaa, ma doonayaan in ay fursad siiyaan waxay doonayaan dad ay ku kalsoon yihiin in ay meesha joogaan, shuruudaha ay dadka ku xulanayaan waxaa ka mid ah qofku inuusan noqon qof wax fahmaya, dadka waxgaradka ah waxaan ku boorinayaa in arrintaasi baaritaan dhab ah ku sameeyaan” C/qaadir, waxaa kale oo uu sheegay in qoddobadii ugu horreeyey ee la isku qabsaday in ay ka mid aheyd in masjidka sii ahaado qeybta hoose, qeybta kore na laga dhiso dabaqyo lana sii kireeyo. “Shiikha arrintaasi mowqif cad ayuu iska taagay, wuxuu yiri taladaasi aan Soomaali ku celino, taladii masaajidka 2 nin baa iska haysata suurtagal na ma aha” Ayuu yiri C/qaadir Kediye. “Lacago masaajidku lahaa ayaa lagu bixiyay mashruuc uu watay nin dhalinyaro ah oo Ingiriiska dagan mashruucii wuu qasaaray, lacagtiina waxaa laga bixiyay qasnada masaajidka, bal eeg dulmigaas.? Dhacdo kale. nin guddigan dhexdhexaadinta ee Tilburg ka mid ah, ma doonayo inaan magaciisa sheego lacag tiro badan oo dayn ah ayuu masaajidka ka qabaa, balantu waxay ahayd inuu 6 billood ku soo celiyo, 3 sanno ayuu sii marayaa, Shiikh Suldaan isaga oo safar ka soo laabtay bay is arkeen markaas buu ku yiri: Dayntii uu masaajidku kugu lahaa ma bixisay.? wuxuu ku jawaabay: hebel & hebel waxay igu yiraahdeen markaad doonto iska bixi. Sideey ku dhici kartaa hantidii masjidku lahaa in sidaa loogu takri falo. waxay aheyd in sharciyad adag laga soo saaro dhinaca dhaqaalaha masjidka, oo shilling kasta ee masjidku leeyahay go’aan ka gaaristeeda loo saaro guddi bulshadu ay soo xulatay, arrin sax ah ma aha in dhaqaalaha masjidka 2 ama 3 qofood in ay go’aan ka gaarto” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi sii raaciyay in waddaadku ku celceliyay waxgaradka Soomaalida in ay ku baraarugaan ragga maamulka masjidka haya in mas’uuliyada lagula xisaabtamo. C/qaadir ugu dambeyntii waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tillaabo geesinimo leh in waddaadka Shiikh Suldaan ka sheego meel fagaara ah in mas’uuliyadii ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland u hayay inuu dib ugu soo celiyay. FIIRO GAAR AH: Waxaan isku daynay inaan darafta kale ee guddiga la dhaliilayo ah aan xiriir la sameyno, balse xagooda ayeey suurtagal ka noqon waysay. Mas’uul kama nihin aragtida uu soo jeediyay qofka hadlaya, isaga ayeey u gaar tahay. Si arrimaha quseeya khilaafka masaajidka, aan dadweynaha ugu soo gudbino, baaritaanadeenu weli waa ay socdaan ciddii xog sax ah haysana waxay nagala soo xiriiri karaan ciwaanka hoos ku qoran. E-mail: cabdishakuur48@yahoo.com W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan The post Xaalad cusub oo kusoo korortay khilaafka masjidka Soomaalida ee Amsterdam appeared first on Caasimada Online.
-
Tobanka dhisme ee ugu qaalisan adduunka+Cadadka Lacagta Masjidul-xaramka lagu qiimeeyay Xaramka Daraasad ay sameysay xarunta MSN money ee ka faalooda dhaqaalaha adduunka gaar ahaan dhismayaasha ganacsi ayaa lagu soo bandhigay dhismayaasha kuwooda ugu qaalisan adduunka. Waxaan daraasadda diiradda lagu saaray 30-ka dhisme ee ugu qaalisan adduunka iyadoo Sucuudiga ay ku yaallaan labada xarun ee ugu qaalisan adduunka oo uu kamid yahay Xaramka. Sahanka MSN Money uu sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu ogaaday in Xaramka uu yahay dhismaha ku fadhiya qiimaha ugu qaalisan adduunka. Daraasadda ayaa intaas ku dartay in ballaarinta iyo dayactirka sanado badan lagu sameynayay Xaramka ay horseeday in la geliyo agab badan oo qaali ah taasina ay ka dhigtay in uu noqday dhismaha ugu qaalisan adduunka oo uu ku fadhiyo $ 100 bilyan oo doolar. Xaramka, Maka, wuxuu ku fadhiyaa $ 100 bilyan oo doolar Xaramka iyo masaajidka ugu weyn adduunka ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka, wuxuu sanad kasta qaabilaa Muslimiinta xujeyda ah oo gaareysa in ka badan 4 milyan oo qof, waxaana lagu qiyaasaa in dhismaha Xaramka la geliyay lacag gaareysa $ 100 bilyan oo doolar. Waxaana kharashkan inta badan uu ku baxay agabka nashqadeynta iyo dayactirka Xaramka xilli uu isbaddalayo dhaqaalaha adduunka. Dhismaha Abraj Al Bait, Maka wuxuu ku fadhiyaa $16 bilyan oo doolar Dhismaha Abraj Al Bait, Maka Dhismahan wuxuu ku yaalla meel u dhaw Xarameynka, waxaana la dhisay sanadkii 2012. Waxaa lagu qiyaasa qiimaha lagu dhisay $16 bilyan oo doolar. Abar Al Beit waxaa loo dhisay in uu qaado xajueyda gaar ahaan madaxda iyo dadka taajirka ah. Waxaana dhismahan ku yaalla saacadda ugu weyn adduunka. Abraj Al Beit waa dhismaha ugu qaalisan adduunka marka laga reebo Xarameynka. Jasiirad loo damaashaad tego oo ku taalla Singapore Marina Bay Sands Jasiiradda loo dalxiis tego ee Marina Bay Sands oo ay ku yaallaan huteelo, waa dhismaha saddexaad ee ugu qaalisan adduunka, waxaana ku fadhiyaa qiimo lagu qiyaasay $6.2 bilyan oo doolar. Marina Bay Sands waxaa la dhameystiray sanadkii 2010. Xarunta shirkadda Apple, Cupertino Apple Park, Cupertino Apple Park, waa xarunta shirkadda Apple ee ku taalla Cupertino, ee gobolka California dalka Mareykanka, Waana dhismaha afaraad ee ugu qaalisan adduunka. Waxaana dhismaha lagu bixiyay qiimo dhan $ 5 bilyan oo doolar. Dhismaha huteelka Cosmopolitan, Las Vegas Ginin Cosmopolitan, Las Vegas Dhismaha huteelka Cosmopolitan ee ku yaalla Les Vegas dalka Mareykanka ayaa la dhisay 2009. Waxaana la geliyay dhismihiisa lacag gaareyso $ 3.9 bilyan oo doolar. Huteelkan waxaa ku yaalla goobo waaweyn oo lagu caweeyo iyo 3,200 qolalka lagu qabto shirarka, waana dhismaha shanaad ee ugu qaalisan adduunka. Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York Xarunta cusub ganacsiga adduunka ee New York, Xarunta cusub ee ganacsiga adduunka ee New York, waa dhismaha lixaad ee ugu qaalisan adduunka, sida laga soo xigtay MSN Money. Waxaana sanadkii 2012 lagu dhisay qiimo gaarayo $ 3.8 bilyan oo doolar balse haatan waxay ku fadhidaa $ 4 bilyan oo doolar. Waa dhismaha haatan ugu dheer Mareykanka. Dhismaha baarlamaanka Bucharest Dhismaha baarlamaanka Bucharest Dhismaha baarlamaanka Bucharest waxaa la dhisay sanadkii 1984, wuxuu ku fadhiyaa $ 3.9 bilyan oo doolar. Dhismahan wuxuu ku yaalla dalka Romania. Dhismaha Emirate Palace Dhismaha iyo huteelka Emirate Dhismaha iyo huteelka Emirate wuxuu ku yaalla magaalada Abu Dhabi, wuxuu u eg yahay qasriga madxtooyada, waxaana gudihiisa ku yaalla dhowro xarumood oo isugu jiro dukaamo waaweyn iyo huteelo kuwa raaxada ah. Waxaana la dhisay 2005, waxaana qiimaha lagu dhisay lagu qiyaasay $ 3 bilyan oo doolar, qiimaha hadda uu ku fadhiyo ayaa ka badan midkaas. Xarunta Wynn, Las Vegas Xarunta Wynn, Las Vegas Waxaa ku yaalla huteelada kuwooda ugu quruxda badan adduunka, waxaa sidoo kale ku yaalla goobo lagu caweeyo. Sanadkii 2005, waxaa xarigga laga jaray xarunta Wynn, waxaa ku yaalla qolal gaaraya 2,716, waxaana dhismihiisa ku baxday $ 2.7 bilyan oo doolar, haatan wuxuu ku fadhiyaa in ka badan $ 3.4 bilyan oo doolar. Qasriga boqorka Brunei Qasriga Brunei ee Nuurul Iimaan Qasrigan waxaa la dhisay sanadkii 1984, waxaa ku baxday $ 1.4 bilyan oo doolar. Qasriga Brunei (Nuurul Iiman) waa qasriga ugu qaalisan adduunka, welina waa mid taagan. Dhismahan wuxuu xarun u yahay dowladda Brunei, wuxuu ka kooban yahay qolal gaarayo 1,788, wuxuu qaadaya dad gaarayo 5,000 qof. Sultaanka Brunei, Hassanal Bolkiah wuxuu kamid yahay dadka ugu taajirsan adduunka. Qaran News
-
Mogadishu centre educates children from struggling families
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(ERGO) – Ilyas Abdikadir Adan, 12, and his nine-year-old brother Abdi Manan used to worry about where their next meal was coming from because their widowed mother was barely able to keep the large family fed. Source: Hiiraan Online -
By providing solar power to rural clinics, Japan and UNDP are helping to bring down sky-high mortality rates Source: Hiiraan Online