Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya ayaa markii u horreysay sheegay in muddo afar sano ah ay qaadan karto xilliga la qaban doono doorasho ka dhacdo Suuriya. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan sidi loo kala diri lahaa kooxdiisa islaamiga ah ee hogaaminaysay kacdoonka dalkaasi ee xakunka looga tuuray dowladdii taliskii Bashar Al Asad ee muddada dheer dalkaasi xakumayay. Ahmad al-Sharaa oo hoggaamiya Jabhadda Xayat Taxrir Al Sham oo ah kooxda majaraha u heysa dhaq dhaqaaqyada hadda la wareegay awoodda Suuriya, ayaa hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka laga leeyahay Sacuudiga ee Al Carabiya. Hadalkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo ay xakunka hayaan, ka gadaal marki ay sidi biriqdi oo kale gobollada dalka oo dhan uga xureeyeen dhammaan ciidanki dowladdii waqtiga dheereyd ee reer Asad, taas oo Suuriya xakumay muddo ka badan 50 sano. Kacdoonkaasi ayaa soo billowday sannadkii 2011-ki, waxaana ku dhintay tobnaan kun, halka malaayiin kale ay qaxeen ama barakacaeen. Axmed Al Sharca wuxuu sheegay in ay waqti qaadan doonto doorasho xor ah, iyadoo oo loo baahan yahay buu yiri ciidamo kala duwan, wadahadallo siyaasadeed iyo in dib loo qoro dastuurka Suuriya. Wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha dalka ay aad u liitaan loona baahanyahay dib u dhis cusub loo lagu sameeyo Suurya.
  2. Mogadishu (HOL) — Somali Ministry of Information issued a stern warning Monday against individuals using social media to incite clan-based violence, as deadly inter-clan conflicts across several regions in the country. Source: Hiiraan Online
  3. AQPli_BShfAAtR00cc9IV0rnpqW96OwJufFRW086TPxSCoKEbf3uuF-sYvVzQLtKrtvCLq4OY5dqS1GlmNo7rdfB Qaran News
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar saacado kooban ah maanta ku yimid magaalada Garoowe ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS). Madaxweyne Siciid Deni ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah, islamarkaana laga hirgeliyo degaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa. Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirra-gelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System. Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefdi ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intaasi kaddib, Madaxweyne Deni ayaa sida Madaxtooyadu sheegtay dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Halkaan ka Daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay isbitaalka ugu weyn Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. AQOBA3QYqKP6RyxHtOQYr-L3a0-ZTruFKC9-HO66QQl_a15cYL13lj5Igx83c17wax6IHP0Ue9wHDclgWTKjyPrM Qaran News
  6. Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka. “Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka. Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye. “Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda. Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada. “Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeenna walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, shacabka Soomaaliyeed.” Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay uga mahad-celisy warbaahinta iyo isticmaalayasha baraha bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay. Ugu dambeyntiina, hay’adaha qaranka ee sharci fulinta ah oo ay ugu horeeyaan booliska iyo xeer ilaalinta ayey sheegeen iny heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda ee ku aaddan soo saarista shidaalka. “Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya oo Xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre on Monday pledged swift justice for those responsible for the killing of six Somali National Army (SNA) soldiers in the El-Baraf district of Middle Shabelle region, describing the act as "monstrous" and "unprecedented" in Somali culture. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, loona dilay aano qabiil darteed. Xamza oo si adag uga hadlay falkaasi ayaa ayaan darro ku tilmaamay, isaga oo xusaynin dadka gaystay ay yihiin dad qalato aan arxan lahayn, sida uu hadalka u dhigay. “Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”. Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi oo dhaliya caro aad u xooggan. Dowladda Dhexe iyo HirShabele oo iskaashanyo ayaa haatan wada dadaallo lagu soo qabanyo dambiilayaasha, iyada oo guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaal loo soo xiray dhacdadaasi, kuwaas maalin kahor diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
  11. Mogadishu (HOL) — Somali government has placed Admiral Abdi Warsame Osman Maalin, Commander of the Somali Navy and Coast Guard, under house arrest amid an investigation into alleged corruption charges. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay rag hubeysan oo waday Maan-dooriye. Ragga lasoo qabtay oo 4 ka kooban ayaa lagu soo bandhigay saldhigga degmada Heliwaaa, halkaas oo lagu xiray, sida lag sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska. Sida lagu sheegay warka Booliska raggan oo hubeysanaa ayaa waday ku dhowaad 10 loor oo Xashiish ah, isla markaana loo soo ekeysiiyay dhuxul. “Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay 4 eedeysane oo hubeysan iyo 7 Loor oo maan-dooriyaha Xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Habeenadii lasoo dhaafay ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan”. Horay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ayaa digniino culus uga soo saaray ka ganacsiga maan-dooriyaha iyo goobaha lagu isticmaalo ee caasimada. Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa marar badan sidaan oo kale howlgallo ugu soo qab-qabtay shaqsiyaad waday maan-dooriye kuwaas oo ugu dambeyn la horgeeyay maxkamad.
  13. A truck packed with passengers plunged into a river in Sidama state, regional authorities said. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa saaka waabarigii hore howlgal culus ku qaaday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgal burburin ah. Ciidamada ayaa cagta mariyay xaafadda Buulo Weekiyo oo ku dhow dekedda wayn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay muddo dheer daganaayeen dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku jarmaadeen dhulkan oo dan-guud ah, waxaana xigtay inay burburin ku bilaabeen gaadiidka cagaf-cagafka ah oo ay wateen ciidamada. Burburinta saaka laga sameeyay gudaha ddegmada Xamarjajab ayaa daba socotay digniin la siiyay shacabka degan dhulkaasi, balse ay ka dhego adeegeen amarka dowladda, waxaana ku xigtay burburinta iyo ciidamo loo soo diro xaafaddaasi. Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay dowladda ujeedka ayaa ah in dhulkan oo ah mid dowladeed loogu adeego shacabka Soomaaliyeed. Shacabka ayaa dhanka kale qaba fikir ka duwan midkaasi, waxayna ku eedeeyeen dowladda inay iibineyso dhulalka ay la wareegeyso, isla markaana ay helayaan ganacsato. Xaaladda goobta ayaa la soo warrinayaa inay haatan kacsan tahay, waxaana ciidamadu ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xaafadda Buulo Weekiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Kaluunka Dab-damiska, xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Boondheere iyo dhulal kale oo ku yaalla caasimada, kuwaas oo ahaa dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.
  15. AUSSOM is set to replace the existing African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which evolved from AMISOM after its initial deployment in 2007. MOGADISHU, Somalia (HORN OBSERVER) – The United Nations Security Council has authorized a new African Union mission in Somalia (AUSSOM) aimed at combating the spread of terrorist groups, including Al-Shabaab. The new mission will also play a critical role in ensuring the delivery of humanitarian aid across the country. The draft resolution for AUSSOM was tabled by the United Kingdom, which acts as the penholder for Somalia at the UN Security Council. The resolution, adopted on Friday, allows for the deployment of up to 12,626 personnel to assist in counter-terrorism operations and stabilize the Horn of Africa nation. AUSSOM is set to replace the existing African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which evolved from AMISOM after its initial deployment in 2007. Somalia is still deciding which countries will contribute troops to the new mission. Tensions between Ethiopia and Somalia over access to the Red Sea have added complexity to these discussions. Ethiopian forces are reportedly excluded from the mission, with reports suggesting Egypt, a regional rival of Ethiopia, has announced plans to participate in AUSSOM, which is set to launch in January 2025. Somali National Security Adviser Hussein Sheikh Ali addressed the issue, stating, “Somalia is actively engaging with the AU and potential troop-contributing countries (TCCs) for AUSSOM. The mandate of AUSSOM allows the Federal Government of Somalia (FGS) to determine TCC participation. A decision will be announced soon, aligning with our national priorities. The spirit of the Ankara Declaration remains strong and alive.” The Ankara Declaration, signed earlier this month in Turkey, marked a step toward easing tensions between Somalia and Ethiopia. Relations between the two nations were strained after Addis Ababa signed a memorandum of understanding with Somaliland earlier this year to access the Red Sea, an agreement Mogadishu deemed a violation of Somalia’s sovereignty. Turkey, with strong ties to both countries, facilitated the agreement. Meanwhile, local skepticism about AUSSOM remains high. Many Somalis doubt the effectiveness of ATMIS and fear the new mission may face similar challenges, including divisions between the Federal Government in Mogadishu and regional states. These internal conflicts could hinder the mission’s operations and further complicate the country’s fragile security situation. The international community is hopeful that AUSSOM will bolster efforts to combat terrorism and support Somalia’s stabilization, but success will depend on overcoming both local and regional challenges. Horn Observer Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) — Somali government forces conducted a large-scale operation early Monday morning, demolishing homes in the Buula Weekiyo neighbourhood of Mogadishu’s Hamar Jajab district, citing the land as public property. The move has drawn sharp criticism from residents, advocacy groups, and observers, spotlighting ongoing tensions over land governance in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Koonfurta Kuuriya Ilaa 179 oo ka mid ahaa 181 qof oo ku safrayay diyaaradda nooca Boeing 737-800 ayaa geeriyooday, iyadoo keliya ay labo qof ka badbaadeen kuwaasoo shaqaalaha diyaaradda ka tirsan, waxaana qudhooda laga soo badbaadiyay burburka diyaaradda oo gubaneysay. Diyaaraddan ayaa cago dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Muan oo koofurta dalkaas ku yaalla, iyadoo ka baxday waddada kadibna ku burburtay derbi ay madaxa la gashay. Duullimaadka tirsigiisu ahaa 2216 ayaa ka yimid Bangkok, Thailand waxaana la socday lix shaqaalaha diyaaradda ah iyo 175 rakaab ahaa, oo badankooda dalxiis u socday. Baaritaan ku aaddan waxa sababay burburka ayaa socda, iyadoo khubarrada iyo saraakiishu ay u aaneynayaan dhowr waxyaabooda. Qoysaska oo argagaxsan ayaa isugu soo xoomay garoonka iyadoo ay ilmadu ka qubaneyso, xilli ay sugayeen inay gartaan meydadka ehelkooda. Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa keliya lagu gartay faro laga qaaday. Rakaabka dhintay waxaa ka mid ahaa 173 u dhashay Kuuriyada Koofureed iyo labo Thailand u dhashay. Da’doodu waxay u dhaxeysay saddex jir ilaa 78 jir, inkastoo badankooda ay ku jireen da’da 40-meeyada, 50-meeyada iyo 60, meeyada, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap. Bbcsomali Qaran News
  18. Mogadishu (HOL) — Somali religious clerics have urged an end to the ongoing deadly clan conflicts across the country and strongly condemned the recent killing of six Somali National Army (SNA) soldiers in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — Burundi, a major contributor to African Union peacekeeping forces in Somalia for 17 years, announced on Sunday that it will not participate in the upcoming African Union Support Mission in Somalia (AUSSOM), citing disagreements over troop deployment numbers with the Somali government. Source: Hiiraan Online
  20. Dalka Itoobiya, ku dhawaad 100 ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya. Sarkiisha gobolka iyo kuwa xaafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen Shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba. Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama. Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga. Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda. Source: goobjoog.com
  21. In a region where economic opportunities often feel scarce, the HIKMA Foundation is changing the narrative by empowering women and youth traders with seed grants, training, and resources to scale their businesses. Source: Hiiraan Online
  22. At least 60 people died in Ethiopia when a truck packed with passengers plunged into a river, authorities in the southern Sidama region said. Source: Hiiraan Online
  23. Liverpool continued its exceptional season and strengthened its lead at the top of the Premier League with a 5-0 win away to West Ham United on Sunday. Source: Hiiraan Online
  24. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya, tobnaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya. Saraakiisha gobolka iyo kuwa caafimaadka ee Isbitaallada ayaa sheegay in ugu yaraan 71 qof ay ku dhinteen shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba. Mate Mengesha, oo ka mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama. Wuxuu sheegay in baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga. Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda. Madaxa Dowladda Hoose ee Deegaanka Musiibadu ka dhacday oo lagu magacaabo Mate Mengesha ayaa sheegay in xaaladdu ay adkeyd markii dhibaatadu ku dhacday Dadka la socday Gaariga Xamuulka ah ee shilkaas galay. Itoobiya oo dhul buuraley u badan waxaa kusii kordhay shilalka Gaadiidka rogmanaya iyo kuwa ka baxaya Waddooyinka, Sababta ugu weyn ee la aaminsan yahay waa in Wadayaasha kaxeeya Gaadiidka ay cabaan walxaha maanka-dooriya.
  25. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah dhagax-dhigo Isbitaalka ugu weyn degaannada Puntland oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa la filayaa in uu maanta safar saacado kooban ah ku yimaado Garoowe, si uu u dhagax-dhigo Isbitaalka cusub oo lagu magacaabo IHS Hospital, kaasi oo dhawaan la soo bandhigay naqshadda dhismihiisa. Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee loo dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, sida ay dhawaan sheegtay Madaxtooyada Puntland. “Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee loo dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, waana xalka ay Dowladdu u heshay bulshadeeda si ay uga maarmaan in Caafimaad loo aado dibadda” ayay tiri Madaxtooya. Madaxweyne Deni oo dhawaan loo bandhigay naqshadda dhismaha isbitaalkani cusub ee IHS aya sidoo kale muujiyey muhiimada ay leedahay in la helo Isbitaal weyn oo dadku kaga maarmo baahiyaha caafimaad ee loo aado dalka dibadiisa, waxaana uu ku boorriyey Maamulka degmada Garoowe iyo Shirkadda dhisaysa in dhakhso loo billaabo Isbitaalka. PUNTLAND POST The post Isbitaalka ugu weyn degaannada Puntland oo maanta laga dhagax-dhigayo Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.