Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xalay Isgoyska dabka ee magalada muqdisho ku dilay dad shacab ah. Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge oo ah laba dhalinyaro walaalo ah ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen Isgooyska dabka kadib markii ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen. Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Zakariye iyo Sowdo. Labada walaalo ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen ka hor dilkooda Isbitaalka Yardimele halkaas oo ay ku soo booqanayen qof uga jiray. Dilkan weli kama aysan hadlin laamaha ammaanka ee ciidamada dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Outside the St. Paul Public Schools headquarters on an unusually warm December night, Yasmin Muridi, a bilingual family liaison at Highwood Hills Elementary, high-fived staffers from Wellstone Elementary. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in ra’iisul wasaare Rooble aanu shaqo ku laheyn sixitaanka qaladaadka doorashooyinkla balse ay howshaas u taallo guddiyada u xil saaran. Macallimuu ayaa sheegay in Rooble ay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo in la dhawro hufnaanta doorashada, balse aanu aheyn “garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.” “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada, waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda. “Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.” Macallimuu ayaa intaas ku daray in doorasho ay qabsoonto ay tahay xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo Golaha Midowga Musharrixiinta mucaaradka ah ay sheegeen in hannaanka ay doorashadu u socoto uusan ahayn mid hufan ayagoo sheegay in waxa socdaa uu yahay “boob” ee aan doorasho lagu tilmaami karin. Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.” Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada. Guddiga doorashooyinka ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashadu ay ku socoto si habsami leh iyo habraacii loogu talagalay, islamarkaana beeniyey in uu jiro wax boob ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xafiiska Rooble oo war yaab leh kasoo saaray muranka hareeyey doorashada dalka appeared first on Caasimada Online.
  4. Citing lack of transparency and widespread irregularities, Somalia’s opposition parties have said they will not participate in or accept results of the ongoing parliamentary elections. The announcement came from a group of opposition candidates for the presidential election, which will be held once Somalia completes the process to elect 275 members of the parliament’s lower House of the People. “The Union of Presidential Candidates declares that it does not condone, accept, and will not be part of the ongoing looting that destroys peace and the state-building process,” Dahir Mohamud Geele, a spokesman for the group, said in a statement on Tuesday evening. This followed a weekend meeting between Prime Minister Mohamed Hussein Roble and the opposition’s presidential contenders, who include two former heads of state. In Sunday’s talks, Roble sought to ease rising political tensions over “lack of transparency and blatant violations” in the elections, according to a statement issued by the premier’s office. Roble also met officials of Somalia’s elections authority on Monday, telling them that the situation was “unacceptable” and urging them to ensure that the polls are held in a fair and credible manner. Analysts fear the potential impasse could push back Somalia to the deadly unrest witnessed during past political standoffs. “The danger is that we could be in a scenario similar to what we saw this April,” Rashid Abdi, a regional political analyst told Anadolu Agency, referring to clashes that erupted after President Mohamed Abdullahi Mohamed signed a law extending his and his Cabinet’s term for two years. “The solution is to return to the 2016 electoral model without any modifications, as well as changes in the leadership of the Federal Electoral Implementation Team (FEIT).” Abdikarim Hassan Mohamed, a lawyer, said the onus lies with Roble to ensure that Somalia does not “lapse into conflict.” “When you keep a system such as this informal election process, there is always room for such accusations [of fraud and violations],” he said. “All stakeholders need to put aside their interests, look at how fragile Somalia’s situation is right now, and put public interest above everything. The prime minister needs to lead and unite all parties.” Source: Anadolu Agency The post Somalia faces political crisis as opposition boycotts elections appeared first on Caasimada Online.
  5. When former Speaker of the Somali Lower House Mohamed Osman Jawari protested “plans to rig me out” last week, he sounded like a sore loser. Source: Hiiraan Online
  6. The United Nations in Somalia recently partnered with a leading Somali non-governmental organization to step up the fight against female genital mutilation (FGM) in two of the Horn of Africa country’s Federal Member States. Source: Hiiraan Online
  7. Russia wants that all efforts by Somalia to combat terrorism and extremism in the African nation succeed, Russian President Vladimir Putin said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. In Somalia, al-Shabaab, the terrorist group, is at one of its strongest points, controlling much of southern and central Somali territory, operating a parallel government, and collecting as much taxes as the government. Source: Hiiraan Online
  9. Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka S/land oo si adag u duray Shirgudoonka Golaha Wakiilada Fasax bil iyo xoogaa qaatay kadib Sabtida waxaa noo furmi doona kalfadhigii labaad ee Gollaha Iddam Alle waxaa nasugaya xeerar badan oo qaranka iyo umaduba baahiweyn u qabaan inkastoo saluug badani jiro dhanka hogaaminta shirgudoonka. Dad badani waxa ay u dhagtaagayaan waxa goluhu ka yeeli doono xeer 14 (xeerka furista ururada) oo hada layaala shirgudoonka Golaha!!!!!!! Jimce wanaagsan dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland. Qaran News
  10. President of Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo left Doha on Thursday after attending the opening ceremony of the FIFA Arab Cup Qatar 2021. Source: Hiiraan Online
  11. Boosaaso (Caasimada Online) – Gudiga Amniga Gobolka Bari, ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay kaalin ku leedahay xiisadda ka taagan Boosaaso, iyadoo isku dayaysa inay xasilooni darro ka abuurta Puntland. Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Axmed [Abwaan], oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Amniga, ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in laga billaabayo magaaladda howlgal lagula dagaalamayo cadowga Puntland. Wuxuu Gudoomiyaha intaasi ku darey inay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqa shaqsiyaad gacan-saar la leh Villa Somalia oo hurinaya xiisadda Boosaaso, iyagoo doonaya inuu dagaal ka dhaco, oo xaaladda faraha dowladda Puntland ka baxdo. “Ciidamada amniga waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo wada falal lidi ku ah amniga iyo kuwa dowladda Federaalka maalgelisay ee qal-qal gelinta kawada Boosaaso,” ayuu yiri Abwaan. Waxa uu Abwaan ugu baaqey shacabka inay ka feejignaanaadaan kuwa kicinta wada, ee dadka guryahaha ku garaacaya, ee kula talinaya inay guryahooda ka cararaan, iyadoo ku cabsi-gelinaya in dagaal uu ka dhacayo magaaladda. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhanka baraha bulshadda ah lagu soo qaadey Puntland, oo lagu doonayo in wax loogu dhimo xasiloonida siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta Maamulka. Abwaan ayaa xusay in xaaladda Boosaaso ay degan tahay, islamarkaana murankii ka taagnaa hogaanka PSF-ta lagu dhameyn doono wadahadal, islamarkaana wax walba is-faham iyo sharciga lagu dhameyn doono, oo aana dhici doono dagaal. Xiisadda Boosaaso ayaa timid kadib markii Deni uu Todobaadkii hore xilka ka qaadey Agaasimihii PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaanno, kaaso kahor-yimid digreetada Madaxweyne. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii Isha: Garowe Online The post Puntland oo war rasmi ah kasoo saartay ‘kaalinta’ Villa Somalia ee xiisadda Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
  12. Ciidamada Somalia oo caawa Muqdisho ku dilay wiil & Gabadh walaalo ah+Magacyadooda & Sababta Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay wiil iyo gabar walaalo ah kadib markii ay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnaayeen. Dhacdadan oo ka dhacday isgoyska Dabka, ayaa waxaa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge. Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jam uu jiro. Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye iyo Sowdo ay ka yimaadeen dhanka Isbitalka Yardameli una socdeen in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka Yardameli, oo aan faah-faahin laga bixin. Hase yeeshee, waxay kusoo dhaceen wadkoodii iyo halkii Allah u qoray inay noloshooda ku dhammaato. Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska dabka. Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan. Qaran News
  13. Dasaarad ku saabsan caqabadaha hortaagan badeecadaha iskaga gudba Somaliland iyo itoobiya oo laso bandhigay iyo sidii looga gudbi lahaa. Waxaana munaasibada lagu soobandhigayay daraasadan ka qaybgakay wasiiro xukuumada katirsan iyo xubno kale oo ka socday haayado caalamiya. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN:- Qaran News
  14. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland gaar ahaan gobolka sanaag ayaa min 7 sannadood oo xadhig ah ku xukuntay afar Askari oo lagu helay in ay kufsadeen Gabadh yar oo 13 jir ah. Xukunkan ayaa saaka ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.Afarta Askari oo ka tirsan Booliska Somaliland ayaa Gabadhan yar ku kufsaday degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Qaran News
  15. “Rabboow ummaddayda akhriska u sahal, kiisa warqadaha ku qoran, iyo kan abuurriinkaaga laga daalacdo labada ba, oo Rabboow akhrisku adiga na kaa baraa, noona kaa keenaa.” Cabdinaasir Axmed Abraham Maareeyayaasha shirkadaha dunida ugu waaweyn maamula ayaa sannadkii celcelis ahaan 80 buug akhriya, arrintaasi qof ahaan si bay ii damaqday waxa aanan is-weydiiyay sida shakhsiyaadka mugga culayska shaqo ee saaran intaas leeg uga akhris badan karaan dadka saboolka ah ee sidayda xoolo miyi iyo kuwa magaalo oo ay ku mashquulaan aan midna hayn? Ugu dambayn waxa aan ogaaday in aan sirtu ahayn furaaqada ee ay tahay fahanka ahmiyadda akhriska. Sidaas darteed ayay dadka hodanka ahi si kasta oo ay u mashquulsan yihiin qiime sare ugu bixinayaan akhriska. Hadda ba ficilka ragannimada leh waa in aan la tartanno kuwa dunida ugu akhriska badan innaga oo furaaqada ka faa’iidaysannayna. Sidaas darteed guusheennu waxay ku jirtaa in aan ka xorowno “ GAASHADA MAANKA” ereygaas oo falsafad qoto-dheer ku fadhiya waxa aan markii ugu horreysay isaga oo adeegsanaya arkay M. Ibraahim” Hadraawi” wuxuu u dhignaa sidan; “Inta maanku gaajaysan yahay, Guuli waa weli” Gudgude. Gaajada maanku waa jahliga, dhuuniga maankuna waa cilmiga. Idil ahaan mashaakilaadka bani’aadkuna waxay hadhsadaan geedka JAHLIGA. Haddaba si aan gobonnimo iyo xornimo wada jira u helno liibaana’e akhris la’aantu waa igu ceeb, waa innagu ceeb, waa idinku ceebe sideen uga baxnaa? Ugu dambayn bartan waxa aan idinku wadaagayaa aragti falsafadeed oo tidhaa; ka dheeroow wax kasta oo macaan haddana cimri-gaaban. Naftaadan bar wax kasta oo qadhaadh oo raan-dhiis leh. Akhriskua wuxuu ugu mudan yahay waxyaabaha qadhaadhka yar leh ee cidhibta wanaagsan. Gunaanadka su’aal iyo soojeedin baan idiinka tagayaa, aan su’aasha ku horreeyo waxaan ku jirnaa bishii ugu dambaysay sannadka imisa buug baad akhriday? Haddii aanad waxba akhriyin hadda bilaw inta sannadka ka hadhay afar buug waad dhammayn kartaa. FG: Iyada oo baraha bulshada ay joogaan dadkii cilmiga ehelka u ahaa in aan anigu dadka akhris ku waaniyaa waa uun caalamad ka mid ah; dhiiranaanta iyo indho-adayga jahliga. Iyana cafis baan ka dalbanayaa. Abdinaasir Ibrahim somaliland_author@yahoo.com Qaran News
  16. PRESS RELEASE African Union to Adopt a Strategy on Mainstreaming the ACDEG and Develop Pedagogic Tools on the Rule of Law The overall objective of the Project is to entrench the culture of democracy, good governance as well as respect of rule of law and human rights within the future generation ADDIS ABABA, Ethiopia, December 2, 2021/ — As part of its mandate to implement the African Union’s vision for the utmost respect of rule of law on the continent, the Constitutionalism and Rule of Law Unit of the Department of Political Affairs, Peace and Security (PAPS) of the African Union Commission convened two back-to-back consultative and validation workshops on the Inclusion and mainstreaming of the African Charter on Democracy, Elections and Governance (ACDEG) in School Curricula of African Union Member States from 29-30 November, 2021; and the Development of a Pedagogic Toolkit for Rule of Law Stakeholders in Africa from 01-02 December, 2021 in Abuja, Nigeria. The Consultative and Validation Workshop on the ACDEG Project was organised within the framework of the ACDEG School Curriculum Project. The overall objective of the Project is to entrench the culture of democracy, good governance as well as respect of rule of law and human rights within the future generation in line with the African Charter on Democracy, Elections and Governance and to foster the implementation of the Agenda 2063. Associated goals include the popularization of ACDEG and advocacy for its ratification and implementation. This Workshop ushers the third phase in the continuum for the development of a long term strategy in the promotion of the AU shared values instruments through education institutions and in particular the principal instrument on democratic values and principles, namely the ACDEG. More specifically, the workshop, was convened to ensure quality control of the Draft Roadmap for the Implementation of ACDEG Strategy, and to set the stage for the effective implementation of the Pilot Project in select countries. The workshop will also review and amend the draft training manual for teachers and parents. In a bid to expand the scope and reach of the periodic regional rule of law training activities, the Consultative Workshop on the Development of a Pedagogic Toolkit for Rule of Law Stakeholders in Africa will take place from 01-02 December 2021. The main goal of this consultative workshop is to review and amend draft pedagogic toolkit to ensure a comprehensive content alignment with relevant international benchmarks. The expected outcome will be a harmonised training framework for capacity building organised by the constitutionalism Unit of the PAPS, and upscale capacity to meet the growing demands for rule of law professionals, an African rule of law training manual has been designed. The training manual will be used to cascade trainings for rule of law officials at the national level. The participants of the training drawn from the judiciary, parliament, law enforcement officers, legal profession, civil society, academia and the National Human Rights Institutions  (NHRIs). SOURCE African Union (AU) Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dilay wiil iyo gabar walaalo ah kadib markii ay rasaas ku fureen mooto bajaaj ay saarnaayeen. Dhacdadan oo ka dhacday isgoyska Dabka, ayaa waxaa ku dhintay Allah ha u naxariistee Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge. Ma cadda illaa iyo hadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jam uu jiro. Wararka qaar ayaa sheegaya in Zakariye iyo Sowdo ay ka yimaadeen dhanka Isbitalka Yardameli una socdeen in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka Yardameli, oo aan faah-faahin laga bixin. Hase yeeshee, waxay kusoo dhaceen wadkoodii iyo halkii Allah u qoray inay noloshooda ku dhammaato. Weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska dabka. Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Ciidamada DF oo caawa Muqdisho ku dilay wiil iyo gabar walaalo ah appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuu kasoo horjeedo doorasho xor iyo xalaal ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Farmaajo uusan marnaba ogaleyn doorasho looga guuleysanayo, uuna rabo in uu markasta go’aamiyo natiijadeeda. “Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa kusoo qaatay tallaabooyin dhowr ah oo uu sheegay in Farmaajo uu uga hortagay inay qabsoomto doorashada, islamarkaana uu ku qasbanaaday in dalka uu aado doorasho, taasi oo uu illaa hadda ku hayo boob. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxman Cabdishakuur oo dhameystiran: Dib u xasuuso dagaalkii dheeraa ee uu Farmaajo u soo galay in aysan dalka doorasho ka dhicin. June, 2020, ayuu Golaha Shacabka ansixiyey muddo kororsi dadban, laakiin la huwiyey magaca doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu gadaal ka riixayey Farmaajo, laakiin Aqalka Sare, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday. July 2020, waxaa furmay shirkii Dhuusamareeb I Dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la qabto doorasho taladeeda loo dhan yahay kuna dhacda muddo xileedka harsan. July 19-22 – 20, waxaa dhacay Shirkii Dhuusamareeb II. Waxaa lagu heshiiyey in ay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsanyahay. Shirkaas waxaa Farmaajo u caddaatay in Raysalwasaarihiisa uusan la wadin muddo kororsiga. Maalmo ka dib, ayuu 25 July xilka ka tuuray. 17 September 2020, ayuu Farmaajo oggolaaday heshiiska doorasho dadban. Nov 2020, Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal, inta badan dowlad Goboleedyada iyo Somaliland ayaa soo la soo saaray, kuwaasoo u badnaa Nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal N&N. 06 Febraayo 2021, shirkii Dhuusamareeb 4, ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, iyadoo la isku mari waayey maamulka Gobolka Gedo oo uu Farmaajo ka fuqi waayey. 12 April 2021, ayuu halkii uu ku taamayey soo istaagay. Wuxuu samaystay muddo kordhin labo sano ah. 25 April 2021, Gadoodkii ciidanka ayaa dhacay, taasoo qasabtay in uu muddo kordhinta ka laabto. 01 May, 2021, ayuu ka laabtay muddo kororsigii 27 May 2021, waxaa la gaaray heshiiskii Golaha Wadatshiga Qaran ee Doorashooyinka June 19 2021, Ayaa dib loo magacaabay guddiyadii doorashada Oktoobar 2021 waxaa bilaabtay doorasho boob ah, oo la isku hortaagan yahay. Waxaa la soo maray loolan adag oo labo sano ku dhow, oo la isku hayey in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolyahay oo waqtigeeda ku dhacdo. Farmaajo mar walba doorasho waa diiddanaa, ilaa iyo haatanna ma ogola doorasho tartankeeda loo siman yahay, oo uusan boobi karin, ama diidi karin natiijadeeda. The post ‘Doorashada kaliya ee uu ogol yahay’ FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  19. MOGADISHU, Somalia - At least four people were killed and several others wounded in a roadside bomb attack targeting a water hauling vehicle meant for drought victims in Somalia's Lower Juba region on Thursday, state media and police said. Source: Hiiraan Online
  20. London (Caasimada Online) – Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd. Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedka, waxay lahaayeen meelo transit ah oo la sii marsiiyo dad addoomo ah, oo laga keenay bartamaha Itoobiya, hase yeeshee dhanka bariga iyo koonfurta waxaa dadka addoomaha ah laga keeni jiray koonfurta Itoobiya iyo wadammo kale oo ku yaalla Bariga Afrika, sida Jasiiradda Zanzibar, ee maanta ka tirsan Tanzania. Dhanka koonfurta, waxaa laga dhoofin jiray Muqdisho, Merka iyo Baraawe, halka Awdheegle, Baardheere iyo Luuq ay ahaayeen seylado la soo marsiiyo. Dhanka waqooyiga iyo galbeedkana, waxaa addoomaha laga dhoofin jiray dekedaha Seylac iyo Berbera, halka Harar ay ahayd xarun la soo marsiiyo. Inkasta oo la hayo caddeymo badan in Soomaalidu ay ku lug-lahayd ka-ganacsigii addoonsiga ee ka socday Bariga Afrika iyo wadammada Carabta ee ku xeeran Geyiga Soomaalida, weli lama hayo wax caddeyn ah, oo muujinaysa inay Soomaalidu qeyb ka ahayd ka ganacsigii addoonsiga, ee la isaga gudbay qaaradda Atlantica (transatlantic slave trade). Si taas loo xaqiijiyo, waxaa loo baahan yahay in la fiiriyo aarkiifiyada Senegal iyo Faransiiska iyo guud ahaan addoonsigii ka socday Galbeedka Afrika. Ka-ganacsiga addoonsigu wuxuu ahaa mid keliya gobollada bariga, waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Geyiga Soomaalida la isaga gudbo, kuna xira Geyiga Soomaalida deegaammo kale oo ku yaalla Afrika iyo Carabta. Halka gobollada waqooyiga iyo galbeedka ay sii dhoofin jireen addoomaha laga keenay Itoobiya, gobollada bariga iyo koonfurtu waxay la soo degi jireen addoomo laga keenay Zanzibar. Emily Ruete, oo ah haweeney ka mid ah qoyska boqortooyada Cummaan iyo Zanzibar, waxay ku xustay buugga xusuus-qorkeedka, Memoirs of an Arabian Princess: An Autobiography, ee la daabacay 1888-kii, in addoomaha jooga Zanzibar ay ka badnaayeen kuwa jooga Cummaan. Addoomaha la soo gelin jiray Soomaaliya ayaa isugu jiray (1) dad cawaan ahaa, oo aan diin haysan, (2) dad lagu soo qabtay dagaallo dhex-maray qowmiyadaha Itoobiya dhexdooda iyo (3) dad markoodii horeba lagu soo kala iibsaday seyladaha addoonsiga ee Bariga iyo Geeska Afrika. Dhanka koonfurta Geyiga Soomaalida, addoomaha loogu jecel yahay waxay ahaayeen kuwa laga keeno dhulka Oromada, halka kuwa waqooyiga iyo galbeedka addoomaha la sii safrinayo ay u badnaayeen kuwa laga keeno dhulka Guraagada. Dhanka bariga, waxay addoomuhu ahaayeen Sawaaxili laga soo waariday Jasiiradda Zanzibar. Soomaalida ayaa mararka qaar qabsan jirtay dad u dhashay Yurub oo maraakiib ay kula jabi jirtay xeebaha waqooyi bari iyo bartamaha Geyiga Soomaalida. Markab uu Ingiriisku leeyahay ayaa 1868-kii ku jabay meel u dhow xeebta waqooyi ee Muqdisho, waxaana dadkii Ingiriiska ahaa ee la socday laga xiiray madaxa, waxaana lagu kallifay inay addoomo u noqdaan qabaa’ilkii deegaanka deggenaa, hase ahaatee isla sannadkaas ayaa lagu soo daayey wada-hadallo lala galay. Isaga oo xiganaya Qunsulkii Ingiriiska ee fadhiyey Zanzibar, John Kirk, ayaa Alastair Hazell, buuggiisa, The Last Slave Market, ee soo baxay 2011, wuxuu ku xusay in Soomaalidu mar ay ku beegnayd 1873-kii ay qabsadeen oo addoonsadeen dad u dhashay Ingiriiska. Maraakiibta Yurubta ayaa iyaguna dhankooda mararka qaar qabsan jiray oo addoonsi ahaan u qaadan jiray dad Soomaaliyeed. Wixii ka horreeyey 1884-kii, dooman ganacsi oo ay lahaayeen gumeysigii Ingiriiska ayaa dad Soomaaliyeed oo u badnaa gabdho yar yar waxay dhowr jeer ka afduubteen dekedda Berbera, waxayna ula keceen Ciraaq iyo meelo kale, iyagoo halkaas ka sii iibsaday. Taariikhda laguma hayo gumeysiga Talyaaniga oo dad Soomaaliyeed inta ay afduubteen addoonsi ahaan ula tagay dalkooda ama meel kale. Hase yeeshee, waxaa warbixinnada gumeysiga Talyaaniga ee sannadihii 1901-1904 ku cad in saraakiisha gumeysiga Talyaaniga ay lahaayeen addoomo uga shaqeeya guryahooda billowgii qarnigii labaatanaad, xitaa kaddib markii ay soo saareen sharciyo ka hor-tagaya addoonsiga aakhirkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Si kastaba, ma jirin is-addoonsi ka dhex jiray dadkii Soomaalida ahaa, ee Muslimka ahaa, ee wada deggenaa Geyiga Soomaalida, oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed, ee loo yaqaanno Bantu/Jareer. Arrintaan ayaa ku taxalluqday diinta Islaamka oo xarrimeysa in dadka Muslimka ah ay dhexdooda is-addoonsan karaan. Sidoo kale, xeerar-dhaqameedkii Soomaalida (Somali customary laws) ayaa ka mamnuucayey qof Soomaali ah inuu lahaado Soomaali kale ama iibiyo ama iibsado. Sidaas awgeed, addoomuhu, qeexitaan ahaan, waxay Geyiga Soomaalida ka ahaayeen dad loo aqoonsan yahay inay ajnabi yihiin. Mamnuuciddii Is-Addoonsiga Dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad, in loo dhoofiyo addoomo dhanka bariga iyo koonfurta ee Geyiga Soomaalida ayaa dulaalleyda is-addoonsiga ee Bariga Afrika uga macaash badneyd inay addoomo u dhoofiyaan dunida Carabta iyo meelo kale. Sababtu waxay ahayd waxaa soo xirmaayey jidadkii badda, ee la marsiin jiray dadka addoomaha ah, taas oo salka ku haysay ku-dhawaaqiddii ay quwadaha gumeysiga Yurub ku dhawaaqeen inay qarnigii sagaal iyo tobnaad joojiyeen is-addoonsiga. Markaas ka hor, ka-ganacsiga addoomaha wuxuu ahaa mashruuc aad looga macaasho Qaaradda Afrika. Saddexdii qof ee Afrikaan ah, hal ayaa wuxuu ahaa qof la addoonsado, sida ay Catherine Coquery-Vidrovitch ku caddeysay buuggeeda, Africa and the Africans in Nineteenth Century: A Turbulent History, ee la daabacay 2009-kii. Sahmiyihii Faransiiska, Georges Révoil, ee sahanka ku maray gobollada bariga, waqooyiga iyo koonfurta Geyiga Soomaalida, wuxuu ku sheegay maqaalkiisa,’Voyage chez les Bénadirs, les Çomalis et les Bayouns en 1882 et 1883′, in dadkii ku noolaa degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ay saddex dhig laba dhig ahaayeen dad addoomo ah. Toban sano kaddib, sahmiyihii Talyaaniga, Luigi Robecchi-Bricchetti, ayaa buuggiisa xusuus-qorka, Somalia e Benadir: Viaggio di Esplorazione nell’Africa Orientale, ee la daabacay 1899, ku sheegay in saddex dhig ay hal dhig dadkii ku noolaa labadii degmo ee Muqdisho ahaayeen addoomo. Tirooyinkaas ayaa u muuqata mid ka-badbadis ah. Sahmiyaashii gumeysiga ayaad mooddaa inay isaga dayanayeen inay buunbuuniyaan dhaawaca bulshadeed, ee u sahli karaya inay sharciyeeyaan aasaaska xukunkoodii gumeysi. Jan-Georg Deutsch, buuggiisa Emancipation without Abolition in German East Africa, c. 1884-1914, ee la daabacay 2006, ee uu kaga warramayo qaabkii addoonsiga looga joojiyey Bariga Afrika, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joojinta addoonsiga ay qeyb weyn ku lahaayeen dadkii addoomaha ahaa laftirkooda. Si kasta ha noqotee, soo-gelitaankii gumeysiga ee Afrika ayaa keenay is-beddelka weyn ee ku yimid ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoomaha ee qaaradda gudaheeda iyo dibaddeeda. Iyaga oo meel-marinaya siyaasad liberal ah ayaa gumeystayaashii reer Yurub waxay la yimaaddeen in la mamnuuco addoonsiga, nooc kasta oo uu yahay. Saraakiisha gumeysiga ayaa u isticmaalayey joojinta addoonsiga inay ku meel-mariyaan siyaasaddoodii beenta ahayd, ee ay ku magacaabeen ‘xadaaradeynta Afrika’. Waxay meel mariyeen sharci ka hor-tagaya addoonsiga (anti-slavery law), kaas oo markii dambe loo bixiyey sharciga quruumaha (the Law of the Nations). Sharciga ka hor-tagga addoonsiga ee gumeysiga marnaba ma joojininin ku-shaqeysigii adoonsiga, laakiin waxaa yaraaday ka-ganacsigii addoomaha ee dibadda loo dhoofin jiray Geyiga Soomaalida. Natiijadii Mamnuucidda Addoonsiga Dhanka koonfurta, si kasta ha noqotee, wuxuu gumeysigu joojinta addoonsiga ku wiiqay qabiillo Soomaaliyeed oo isaga dagaal gumeysi-diid ah kala hor-yimid, kuwaas oo addoomahoodu ay u ahaayeen kuwa u soo saara dhaqaalaha beeraha iyo xoolaha, ee ay ku maareynayeen noloshooda. Qabiilladaan ayaa nooca addoonsigoodu ahaa mid aan dibadda waxba loo dhoofin, ee dibadaha lagala yimaaddo addoomo. Gumeysigii Talyaanigu, wuxuu aad u buunbuuniyey in qabiilladii Soomaalida ee koonfurta, ee la xarbinaayey xukunkooda, ay si xun ula macaamilaan dadka ay addoonsadaan. Sidaas awgeed, wuxuu gumeysigu meesha ka saaray inaan la dhoofin karin, lagana ganacsan karin dadka addoomaha ah. Arrintaas waxay toos u saameysay qabiilladii Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa addoonsiga iyo tujaar Carbeed oo ku nooleyd magaalooyinka waaweyn ee xeebaha, kuwaas oo ku tiirsanaa dhaqaalaha laga sameeyo ka-ganacsiga iyo ku-shaqeysiga addoonsiga. Waxaa kaloo jiray in dulmiga is-addoonsiga awgeed, ay addoomo fara-badan u baxsadeen meelo ku yaalla jiqda dhanka koonfurta, ayna aasaaseen tuulo weyn oo ay isugu yimaaddaan dadka soo fakaday, tuuladaas oo u dhow duleedka Webiga Jubba. Hal mar ayaa meelo ka mid ah Geyiga Soomaalida, sida magaalada Muqdisho, waxaa sannadkii 1901-kii, buux-dhaafiyey dad addoomo ah oo la xoreeyey, oo ay adkaatay sida ay noloshooda ku maareyn lahaayeen. Addoomihii la xoreeyey waxay ku qasbanaadeen inay u shaqeeyaan dadkii addoonsan jiray, waxaana billaabatay waxa loo yaqaanno servitu domestica (in guryaha la isku shaqeysto) iyo mid ka sii xumeyd oo ahayd lavoro forzato (in xoog la isugu shaqeysto beeraha). Tan dambe ayaa waxay soo gaartay illaa 1941-kii, oo gumeysigii Ingiriiska uu ka sii dhaxlay gumeysigii Talyaaniga, illaa la joojiyey kaddib markii ay dadka Soomaaliyeed, oo gumeysiga Ingiriisku u ballan-qaaday inuu ka xoreynayo gumeysiga Talyaaniga, ay ka dacwoodeen. Waxaa weli taagan oo aan tirtirmi karin tiiraanyadii ka dhalatay taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. In la qoro taariikhdaas foosha-xun, ee ay qeybta ka ahaayeen dadka Soomaalida ayaa muddo dheer ahayd wax facshar oo kale ah, oo la qariyo, lana tirtiro, qaasatan markii ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee 1960-kii. Maamulkii xukunka rayidka ahaa iyo taliskii xukunka militariga ee ka dambeeyey ayaa labadaba meel iska dhigay faylka ku saabsan in mashruuca addoonsigu – sida dunida inteeda kale – uu ahaa mid ka taaba-qaaday Geyiga Soomaalida. In la duugo taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida ayaa waxaa ugu wacneyd in dersidda taariikhda Soomaalida loo jiheeyey wax kasta oo kaabaya in hoggaamiyeyaashii xukunnadaas ay sii haystaan ama sii xoojiyaan xukunkooda. Sida awoodda lagu haysanayo ama lagu raadinayo ayaa ahayd in taariikhda laga masaxo wax kasta oo keeni kara kacdoon dadweyne, oo ay dadku ku dalbanayaan taariikhda teeda runta ah, si loo abuuro mustaqbal wadajir ah oo la wada leeyahay. Illaa iyo hadda, ma jiro buug cilmi ah, oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhdii addoonsiga ee Geyiga Soomaalida. Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda King’s College London. The post Taariikhda addoonsiga iyo deegaanadii Soomaaliyeed ee dadka laga dhoofin jiray appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilal u magacaabay Murrashaxiin u tartamay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Wakiillada iyo Deegaanka ee dhacay bishii May ee sannadkan. Magacaabisihii u dambeeyey ee Madaxweyne Biixi sameeyey intii ka dambaysay doorashooyinkaasi, ayaa waxa si weyn uga dhex muuqday Murrashaxiin saddexda Xisbi ka tirsanaa oo u tartamayey Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada. Xubnaha waxa ka mid ahaa 1- Wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka sharaxnaa Xisbiga Waddani 2- Wasiirka Maal gashiga iyo Wershada, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye 3- Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye 4- Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, waxa ka sharaxnaa Waddani 5- Wasiir kuxigeenka Amniga, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye 6- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maal gashiga, waxa uu ka sharaxnaa UCID 7-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye. 8- Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada, waxa uu ka sharaxnaa Kulmiye Wargeyska Saxansaxo Source
  22. Xildhibaan Cali Qaran oo ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland ayaa mar kale soo bandhigay saluuga laga qabo hogaaminta shirguddoonka cusub ee Golahooda. waxa kale oo uu xusay in ay xeerar kala duwani ay horyaalaan golahaasi, kaas oo uu ku jiro xeerka furista Ururada Siyaasadda Somaliland oo uu dhawaan ku soo celiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. “Fasax bil iyo xoogaa qaatay kadib Sabtida waxaa noo furmi doona kalfadhigii labaad ee Gollaha Iddam Alle waxaa nasugaya xeerar badan oo qaranka iyo umaduba baahiweyn u qabaan inkastoo saluug badani jiro dhanka hogaaminta shirgudoonka. Dad badani waxa ay u dhagtaagayaan waxa goluhu ka yeeli doono xeer 14 (xeerka furista ururada) oo hada layaala shirgudoonka Golaha!!!!!!! Jimce wanaagsan dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah Tahriibayaal Soomaali ah ee laga soo qaaday dalka Liibiya ee lagu soo celiyay Muqdisho, ayaa ka sheekeyay arrimo arxan darro ah oo lagula kacay. Maxamed oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya, xiligaas oo uu ku jiray socodka tahriibka. “Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si lama filaan ah uga soo baxsaday kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay, kadibna uu maalmo kadib ay u soo suurta-gashay inuu gaaro Tripoli. Maxamed ayaa markii uu gaaray Tripoli la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya, waxaana sidaas dib loogu soo celiyay dalka. Waxa uu sheegay intii uu ku guda jiray socdaalka uu ku rabay inuu ku tago Yurub uu la kulmay rafaad iyo dhibaato aad u daran, ha ugu darnaato intii uu joogay dalka Liibiya. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa.” Dalka Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay “in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah”, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Liibiya ayaa waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya inay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan, kuwaasi oo ay adag tahay in laga soo furdaamiyo illaa inta la bixinayo lacagaha madax furashada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post ”Addoon ahaan ayaa afar jeer la ii kala iibsaday” – Sheekada Wiil Soomali ah oo… appeared first on Caasimada Online.