-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madax-dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco ayaa maanta kulan Hargeysa kula yeeshay madaxweynaha Somaliland. Weli ma cadda waxyaabaha ay ka wadahadleen laakiin madaxweyne Biixi, ayaa lahaa codsiga Salaadiintu ku tageen madaxtooyada. Tirada Salaadiinta la kulantay madaxweyne Biixi,ayaa tiradoodu ahayd 12 Suldaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa digniin culus u diray dhammaan ciidamada Xoogga, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adag oo sharci ah ay ka qaadi doonaan askarigii dila qof shacab ah. Biixi oo soo hadal qaaday dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in askari ka tirsan Xoogga dalka uu dilo qof shacab ah, halkii uu sugi lahaa amnigiisa. Taliyaha ciidamada Dhulka ayaa sidoo kale ku dhaartay in askarigii qof shacab ah xabad ku fura inay geyn doonaan tiirka, si isna looga qaado tallaano waafaqsan sharciga. “Waa dhacdo aad u fool xun waxaan rabaa inaan halkan uga faa’iideysto dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed meelo joogo ama ha noqdo mid Staff ah oo madax la socda ama ha noqdo mid ciidan oo Xoogga dalka ka tirsan, qofkii qof shacab ah xabad ku rida Wallaahi tiirka maxkamaddaan geyneynaa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka, Biixi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Dadkii aad u soo tababarateen oo amnigooda aad u dhaarateen in qal-qal la geliyo oo si sahlan xabado loogu furana xaq ma’ahan, mana yeeleyno,”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in askarta haatan lasoo qabtay ee loo heesto dilalkii ka dhacay Muqdisho inay horgeyn sharciga, wuxuuna sidoo kale shacabka ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon amni darrada oo ay la shaqeeyeen laamaha amaanka. “Kuwa hadda lasoo qabtay sharciga ayaan horgeyn doonaa waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed amni darrada in aysan qeyb ka noqonin,” ayuu sii raaciyey. Labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa waxaa wadada Maka Al-Mukarama ka dhacay dilal oo loo geystay saddex dhalinyaro ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo wada dhashay, waxaana dilalkaasi fuliyey askar ka tirsan ciidamada dowladda oo mar dambe lasoo qabtay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Jeneraal Biixi oo soo saaray amar xasaasi oo ka dhan ah… appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster iyo Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in doorasho lagu shubto, oo aan xalaal aheyn ay ka dhalan karto qalalaaso, iyaga oo ku baaqay iney dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah si looga fogaado dhibaato dagaalo. Safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster oo ka jawaabeysay su’aal aanu ka weydiinay miyaaney aheyn halkii doorasho ha dhaco uun la dhihi lahaa in laga hadalo qabashada doorasho lagu kalsoonyahay si looga fogaado qalalaaso, ayaa waxaa ay ku jawaabtay “Haa, waa sax, waxaan rabnaa doorasho xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo oo si nabad ah ku dhacdo, labadaasina way wada socdaan, haddii aadan laheyn doorasho xalaal ah, waxaa hubaal ah iney qalalaaso ka dhalaneyso…ma dooneyno inaan aragno qalalaasihii dhacay horraantii sanadkan iyo barakicii kumanaanka ahaa oo ahaa wixii ka dhashay, beesha caalamka waxaay ka hadleen sida ay muhiim u tahay in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay. Dhankeeda, Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge oo iyadana isna su’aashaas ka jawaabeysay waxaa ay tiri “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan in laga fogaado wax qalalaaso ah, ma jirto cid dooneysa iney aragto bilowgii sanadkan, sida ay safiir Kate sheegtay doorashada xalaasha ah waxay barbarsocotaa ka fogaanshihaya qalalaaso, waana sii wadeynaa inaan arriknaas xoojino”. Labada safiir ayaa ka digay in doorashada lagu shubto taasina ay ka dhalan kato qalalaaso badan, oo keenta dagaal iyo barakac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ottawa)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Ciisa Kayd iyo wefdi uu hogaaminayey oo booqasho shaqo ku jooga dalka Kanada ayaa kula la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka. Wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibeda oo gaadhay dalka Khamiistii ayaa kulanka Dr Ciise oo ay ku wehelinaysay safiirka Somaliland ee Canada Marwo Luul Axmed Cismaan, ayaa la sheegay inay xildhibaanada Baarlamaanka ka wada hadleen dannaha labada wadan. Fariin lagu baahiyey barta rasmiga ee Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ayaa u dhignayd sidan; “Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Ciisa Kayd, ayaa kulan la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada, waxaanay si weyn uga wadahadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya danaha guud ee labada waddan.” Booqashada wefdiga Wasiir Dr Ciise ayaa imanaya ka dib markii uu hore booqashooyin shaqo uu ku tegay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska kula soo kulmay xildhibaano iyo siyaasiyiin dalalka ay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” waxuuna qormadaan uga hadlay dhalinyadii ay ciidamada dowladdu xalay iyo habeen hore ku dileen gudaha magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu xanuunka geerida iyo tiiraanyada tacsida la qaybsanayo Allah u naxariistee ehelka iyo asxaabta Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo xalay ay dileen ciidamo ka tirsan dowladda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkan uu soo saaray waxuu ku sheegay in marxaladaan uu dalkeenu ku jiro ay u muuqto inuu dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo, balse loo baahan yahay in laga fekero sidii looga fujin lahaa xukunka, isagoo aan dhib geysan. “Nabigeenna waxaa laga wariyey “Haddii xukunka dad aan ehelkiisa aheyn loo dhiibo, suga qiyaamihii” cullimada qaar ayaa ku fasiray, in qiyaamaha dhacaya uu yahay kan xukunkaas ee aysan ahayn qiyaamihii waynaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu sheegay in qiyaamaha xukunka Farmaajo in uu dhacay uu caddeyn u yahay hadalkii ay xalay tiri hooyada dhashay Sowdoa iyo Sakariye – wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay la dilay, kaas oo ahaa “Caddaalad ka sugi maayo, sababtoo ah kuwii iga horreyeyba ma helin.” “Ma aha in caddaalad la waayey ee waa laga quustay. Qayladii waaliddiintii ubadkooda Eriteria loo qaaday ayaa korkeenna ku dhammaatay, illinta Maamo Qaali ayaa nagu kor qubatay. Sidoo kale hooyada Sowda iyo Sakariya, iyo waalidka Mahad,” ayuu yri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Xukunka Farmaajo waa dumay, laakiin in uu xoog ku joogo ayaa ka go’an. Waa in ka fekernaa sida ugu dhibka yar ee la isku dhaafin lahaa.” Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post CC Shakuur: Waxaa dhacay qiyaamihii xukunka Farmaajo waxaana caddeyn u ah… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Jilaaga caanka ah ee Idiris Ilig oo loo yaqaan Sayidka Barakaysan. Ma jiro illaa hadda cid caddaysay sababta xadhigiisa balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo haysto riwaayad uu soo bandhigay oo Madaxweyne Muuse Biixi ka cadhaysiisay. Waa tan riwaayadan la sheegay in loo xidhay Sayidka Barakaysan ee aan halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray dilalkii ka dhacay Muqdisho ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in haatan gacanta lagu soo dhigay askar ku eedeysan falalkaasi. Rooble ayaa sidoo kale amray in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo eedeysanayaasha, si ay cadaalad u helaan dhibanayaasha iyo ehelladooda. “Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kaled wuxuu tacsi u diray ehellada dhalinyaradii habeenadii lasoo dhaafay lagu dilay Muqdisho, gaar haan Zakariye Maxamuud, Sowda Maxamuud iyo Mahad Cabdiraxmaan, Maxamuud, wuxuuna intaasi ku daray in xanuunka iyo murugada uu la qeybsanayo ehellada. “Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Booliska Soomaaliyeed uu shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaay loo heesto dilalka dhalinyaradaasi oo si weyn looga xumaaday. Si kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dilal ka dhan ah rayidka ka geysta magaalada Muqdisho, kuwaas oo sii kordhayey maalmihii lasoo dhaafay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Rooble oo amar culus soo saaray kadib dilalkii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka dhulka Milatariga Soomaaliya Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa si adag uga hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay oo askar ka tirsan Ciidanka ay ku dileen dad shacab ah magaalada Muqdisho. Gen. Biixi ayaa sheegay in Maxkamadaha la hor-gayn doono askartii loo qabtay dilalkii u dambeeyay islamarkaana sharciga la marin doono. Taliyaha ayaa ku hanjabay in askari kasta oo lagu helay in uu qof shacab ah dilay uu tiirka toogashada keeni doono isagoo tilmaamay in uusan wax naxariis ah u samayn doonin qofkii shacabk waxyeela. Beelaha ayuu sidoo kale uga digay in aysan mag kala qaadan maadaama taasi ay caqabad ku tahay in caddaaladda la mariyo qofkii wax dila. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Taliye Biixi: Askarigii qof shacab ah xabbad ku rida wallaahi tiirkaan gaynayaa appeared first on Puntland Post.
-
Golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa kulan ay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya si gaar ah howlgalka la dagaalka burcad badeedka Soomaaliya ayaa sheegay in ay kordhinayaan. Kulanka oo uu Soomaaliya ku matalayay Danjire Abuukar Baalle ayaa looga hadlay sida laga yeelayo howlgalka la dagaalanka Burcad badeedka ee mudada dheer socoda. Soomaaliya ayaa ku dooday in sanadihi la soo dhaafay aysan jirin wax dhac ah oo laga geeystay xeebaha dalka loona baahan yahay in Soomaaliya laga joojiyo howlgalkan. Dalalka ciidamadooda ay ka joogan xeebaha Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in weli ay jirto khatarta iyo halista kooxa burcad badeedla ah. Dood dheer kadib fadhiga ayaa lagu go’aamiyay in muddo sanad ah lagu daro howlgalka ladagaalanka burcad badeedka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga Kerem Kınık iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) Jagan Chapagain. Hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee qaxootiga, gaar ahaan Suuriyaanka ku sugan Turkiga iyo dalalka ku xeeran, iyo ka shaqaynta sidii Istanbul looga dhigi lahaa saldhigga saadka ee gargaarka bini’aadantinimo ayaa looga wada hadlay intii uu socday kulanka, sida uu sheegay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada. Dhanka kale, Kınık iyo Chapagain ayaa uga mahadceliyey Erdogaan dadaalkiisa bini’aadantinimo iyo sida uu ajandaha uga dhigay dhibka qaxootiga goob kasta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxda Sare ee dowladda Itoobiya amray in la xiro dhammaan dugsiyada sare ee ku yaalla dhamamaan ismaamulada iyo caasimada dalkaas. Dowladda ayaa ku sheegtay sababta in ardaydu ay dadka beeroleyda ah ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada. Wasiirka waxbarashada Itoobiya ayaa sheegtay in dugsiyada sare ay xirnaan doonaan muddo hal usbuuc ah oo ka billaabanayso isniinta soo socota. Waxaa uu sheegay in dad badan oo ka shaqeyn jiray beeraha iyo soo gurida dalagyada ay ku biireen dagaalka ka dhanka Kooxda TPLF. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo amartay in la xiro dhammaan dugsiyada sare ee dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Markale ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay agagaarka Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Mahad Cabdiraxmaan oo kamid ah dhalinyarada magaalada ayey ciidamada toogteen xilli uu saarna moota bajaj mareysay agagaarka Isgoyska Zoobe. Dilka ayaa yimid kadib markii gaari ay la socdeen ciidamada militeriga uu rasaas ku furay wadada xilli ay jirtay saxmad aad u badan. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in markii dambe ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha Kiiskan. Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in ay qabtay eedeysanaha kiiska Zakariye iyo Sowdo oo iyaguna habeen ka hor fal noocan oo kale ah loogu dilay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho. Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan dhalinyarada ayaa maalmihi la soo dhaafay muqdisho noqday kuwa soo noq noqda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The U.N. Security Council voted unanimously Friday to allow international naval forces to continue using all necessary means to fight piracy off the coast of Somalia — but only for the next three months because the Somali government says there has been no piracy incident for over four years and it’s time to end the operation. Source: Hiiraan Online
-
Gabadh Somali-Americana oo Tartan Quraan kaalin sare ka soo gashay oo soo dhawyn diiran heshay Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Minneapolis/St Paul si diiran loogu soo dhaweeyey Ruwayda Qaasim Maxamed oo gabar Soomaali Ameerican ah ku dhalatay dalkan Maraykanaka oo tartanka caalimiga Quraankaee Shiikh Fatima Bint Mubaarak oo Dubia lagu qabto sanad kasta ka soo gashay sanadkaan 2021 kaalinta labaad. Culumadiinka Magaaladda, odayaasha,ardayda xarunta Tibyan Center,Waalidiinta ayaa xalay si wadajira Ruwayda garoonka diyaaradaha aad ugu soo dhaweeyey waxaana dhamaantood ka muuqday farxad wayn oo ugu hanbalyeeyeen Ruwaydaha dadaalkeeda. Macalinka Quraanka Ruwaydah Qaasim oo lagu magacaabo Macalin Cabdinasir Faarax ayaa Warbaahinta u sheegay in ruwaydah uu quraanka u dhigaayey 12 sano ee la soo dhaafay ayna ka mid ahayd ardayda macadka Tibyan Center kuwooda ugu firfircoon, horena ay tartanka quraanka Minnesota ka dhaca ee Imama Shatibi ay dhawr jeer ka qayb gashay, waa ardayd wanaagsan dadaasha iyada iyo waalidkeedba waana ka rajeenyey in meeshaan iyo meel ka saraysa ay maalin uun gaari doontay Ruwaydah ayuu yiri Macalin Cabdinaasir. Shiikh Tawakal Ismaaciil oo culumadiinka Minnesota ka mida oo xalay garoonka diyaaradaha ku sugnaa ayaa sheegay in tartankaan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa in ka badan 50 dowladood ay Ruwaydah ka gashay kaalinta labaad iyadoo ku tartamaysay magaca dalkaan Maraykanka oo ku dhalatay kuna barbaartay waa guul wayn oo lagu farxo & dariiq ay u furtay jiilka iyada ka yaryar ayuu yiri Shiikh Tawakal. Sanadkaan waxaa kaalinta kowaad galay gabar u dhalatay dalka Masar halka kaalimaha labaad & Sadaxaadna ay kala galeen Gabdho Soomaali ah oo kala matalaayey Maraykanka iyo Dalk Kenya, kaalinta 4aad waxaa galay Aljeeriya halka kaalinta ugu danbaysa ee 5aad ay heshay gabar u dhalatay dalka Jordan. Dhamaan culumadii xalay ayaa isku raacay in farxad u tahay in guushaan uu helay arday Maraykanaka ku dhashay taasoo muujinaysa in dunida meel walba lagu xafido karo quraanka.Culmadiinkii xalay ka qaybgalay soo dhaweeynta Ruwaydah Qaasim Maxamed ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Cabdirisaaq Xaashi,Sh Nuur Haadi, Sh Maxamed Shucayb,Sh Maxamed Hanbaase oo dhamantood hadalo qiimo badan oo soo dhaweena garoonka ka jeediyey. Ugu danbeentii ayaa Ruwaydah iyo saaxiibateed lagu qaaday garoonka baabuur raaxada ee gaarka ah ee loo yaqaan Limousine oo loogu sii galbiyey casho sharaf ay ugu talagaleen Tibyan Center. Qaran News
-
Dhalinyarada mucaaradka iyo muxaafadka ku kala jira mid walba waxaan kula taliyaa. 1. Siyaasiga mucaaradka ah ee isa soo saaraya waxaan kula taliyaa mar walba hadal uun oo ka dhex muuqo warbaahinta; hadaad sidaas samayso dadku wuxuu ku arkayaan nin dadaalaya oo wax dhacsanaya ee adigu hadalka ha isku gabin. 2. Ka muxaafadka ah ee xil hayana waxaan kula taliya media ka baraha bulshada iyo ta caadiga ha ka maqnaan; sawiradaadana wariyeyaasha baraha bulshada dhexmarso; aragaas lagu ar arkayo ayaa dadka u ah nin shaqaynaya ee lacagtaada u hur media. Dadkeenu dadka is muujmuujiya way jecel yihiin maadaama oo aynu nahay dad badow ah oo waxa loo sheega iska rumaysta Waxa qoray:- Barkhad-ladiif Mohamed Omar Qaran News
-
Sir Paul Collier: “If the absence of government is all we need for prosperity, Somalia would be the most prosperous place on earth. It is actually the most impoverished.” It is very dispiriting when your homeland becomes the worst example about societies that suffer consequences of state collapse and attendant degradations. Several years ago, an Israeli historian argued that without nationalism a country will follow in the footsteps of Somalia. Only people who do not think highly of their country destroy libraries, loot museums, dispossess their compatriots and result in a total break down of law and order. A few Somalis accept this verdict. They point to the entrepreneurial zeal of Somalis, how one-time Somali regions in the periphery recovered from state collapse without foreign aid, and booming telecommunications and financial devices sectors. Much of what many Somalis view as a miraculous economic progress remains dependent upon remittances from the Somalia diaspora who fled their country due to the civil war. The other factor that drives growth of certain, capital-intensive sectors is the absence of regulation. Businesses in Somalia have metamorphosed oligarchic concerns that benefit from an alliance formed by politicians and tycoons. The national seaports are controlled by political entities loyal to politically influential members of clans. In this political environment a business environment comes into existence to serve only the interests of businesses that prosper without competition. A businessman from region X in Somalia cannot compete in l region Y. Rival companies merge or are acquired by a conglomerate to deepen monopolistic nature of the business. Sir Paul Collier, a Professor of Economics and Public Policy at the Oxford University’s Blavatnik School of Government, has used Somalia as an example about a place where there is no public policy. “There’s a place without any public policy, indeed any government, it’s called Somalia and they seem to prefer to buy territory in New Zealand. If the absence of government is all we need for prosperity, Somalia would be the most prosperous place on earth. It is actually the most impoverished” said Professor Collier at a discussion entitled Capitalism: what has gone wrong, what needs to change, and how can it be fixed? organised by Oxford Martin School. Why do many Somalis try their luck with immigrating to Europe or North America or Australasia? Risk of being conscripted by Al-shabaab, and lack of opportunities force young Somalis to flee their homeland in search of better life abroad. That the rate of immigration from Somalia is as high today as it was thirty years ago, when the state collapsed, corroborates Professor Collier’s example about the Horn of Africa country. Thirty two years ago an unscrupulous businessman relied upon political patronage to become successful. Now politicians are dependent upon business patronage to make a splash in politics. In Somalia business owns politics. In such an environment terrorism thrives, unemployment becomes a persistent national problem. Public services get measly funds due to lack of sufficient tax revenues collected by authorities. Many children remain unschooled because their parents cannot afford to pay school fees. Health care is private and unaffordable to millions of Somali citizens. Lack of public policy in Somalia puts a big question mark upon the claim that Somalia has had governments protecting the sovereignty of the nation state. Liban Ahmad libahm@gmail.com The post An Oxford University Professor Pins Down the Problem of Bad Governance in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Taliska booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilalkii xalay iyo caawa ay askar ka tirsan dowladda ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo caawa la dilay iyo wiil iyo gabar walaalo ahaa oo xalay la dilay. Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhamaan ragii dilalka geystay ay ku jiraan gacanta hey’adaha ammaanka. “Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan kadib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, waxaana berri waxii ka dambeeya cadaaladda hor geyn doonaa eedeysanayaasha,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Cabdifitaax. Sidoo kale afhayeenka ayaa cadeeyey in dhamaan eedaysaneyaashii labadaas kiis gacanta lagu haayo, sidoo kale qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan oo ah ragga loo heysto dilalkaas ay ku jira gacanta hey’adaha ammaanka. Mahad Cabdiraxmaan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa caawa u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xiili uu la socday mooto Bajaaj agagaarka isgoyska KM 4, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacay magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari military ayaa xalay sidaan oo kale Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gabadha. Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa. Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii xalay lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxaana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowladda Soomaaliya ay cadaaladda ka hor keeneyso askartii dishay. The post Booliska oo soo qabtay askar loo hayto dhallinyaradii xalay iyo caawa lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Saddexda qof ee Muqdisho lagu dilay Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ku dilay ilaa saddex qof oo rayid ah. Askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xalay wadada Dhabka ee Muqdisho ku toogtay Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo ahaa wiil iyo gabar walaalo ah oo saarnaa Mooto Bajaaj. Sidoo kale askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa galinkii dambe ee maanta oo jamce ahayd degmada Wadajir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magaaci jiray Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud. Booliiska Soomaaliya ayaa goordambe oo caawa ah sheegay in ay gacanta ku hayaan askartii dilay saddexda qof ee shacabka ah. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ka hadlay dilalka Muqdisho ayaa faray hay’adaha amniga in si deg deg ah caddaalad loo hor geeyo eedaysanayaasha, si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan. “Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud”. “Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan” ayuu qoraal ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. PUNTLAND POST The post Askar dad rayid ah ku dilay Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ciidamo ka tirsan dowladda ay caawa ku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, oo markii dambe uu u geeriyooday kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xilli uu la socday mooto Bajaaj mareysay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4. Sarkaalka oo dhaawac culus uu markii hore ka soo gaaray rasaasta ayaa la geeyey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday. Ciidamadii rasaasta ku furay mootada uu la socday Mahad ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacayo magaalada Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari military ayaa xalay sidaan oo kale wiil iyo gabar walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gabadha. Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa. Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii xalay lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxaana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowladda Soomaaliya ay cadaalada ka hor keeneyso askartii dishay. The post Ciidamada DF oo mar kale caawa rasaaseeyey Bajaaj kuna dilay sarkaal ciidan appeared first on Caasimada Online.
