Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cali Yare Cali, oo kamid ah Saaxiibada Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Ahlusunna looga adkaan waayay dagaalkii Guriceel, islamarkaana aan looga adkaan doonin dagaal dambe. Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Galmudug in xeelad aan dagaal ahayn lagu wajaho arrinta Ahlusunna, si loo xalliyo xiisadda labada dhinac. “Caadi ahaan qof ama koox caqiido aaminsan lagama adkaado, waxaa tusaale kuugu filan in 300 oo Wiil oo muddo labo asbuuc ah isku aruursaday Siyaaro ay ku kulmeen laga maray dhibka iyo rafaadka la arkay, sidaas darteed maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu si xeelad sare leh u wajaho Arrinka Bohol iyo Ahlusunah.” Dhinaca kale, wuxuu sheegay in shakhsiyaad ka tirsan saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ay Guriceel ka bilaabeen tallaabooyin aar-gudasho ah oo lagula kacayo dhalinyarada magaalada ee Ahlusunna la shaqaysay. “Waxaan maqlayaa in Dhallinyarada magaalada ee Ahlusunnah la shaqeysay qaarkood guryahooda la tagay si looga aargoosto, shaqsiyaadka sidaas sameynaya ee saraakiisha Ciidanka milatariga ka tirsan arrinkaas haka waantoobaan waa arrin halis ah” ayuu yiri Cali Yare. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Ahlusunna wada-hadal kadib isaga baxday Guriceel halkaas oo ciidamada dowladda Federaalku si buuxda ula wareegeen. PUNTLAND POST The post Cali Yare oo sheegay in Milatariga Soomaaliya falal aar-gudasho ah ka bilaabay Guriceel appeared first on Puntland Post.
  2. Cali Yare Cali, oo kamid ah Saaxiibada Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Ahlusunna looga adkaan waayay dagaalkii Guriceel, islamarkaana aan looga adkaan doonin dagaal dambe. Qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook, ayuu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Galmudug in xeelad aan dagaal ahayn lagu wajaho arrinta Ahlusunna, si loo xalliyo xiisadda labada dhinac. “Caadi ahaan qof ama koox caqiido aaminsan lagama adkaado, waxaa tusaale kuugu filan in 300 oo Wiil oo muddo labo asbuuc ah isku aruursaday Siyaaro ay ku kulmeen laga maray dhibka iyo rafaadka la arkay, sidaas darteed maamulka Galmudug waxaa la gudboon inuu si xeelad sare leh u wajaho Arrinka Bohol iyo Ahlusunah.” Dhinaca kale, wuxuu sheegay in shakhsiyaad ka tirsan saraakiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ay Guriceel ka bilaabeen tallaabooyin aar-gudasho ah oo lagula kacayo dhalinyarada magaalada ee Ahlusunna la shaqaysay. “Waxaan maqlayaa in Dhallinyarada magaalada ee Ahlusunnah la shaqeysay qaarkood guryahooda la tagay si looga aargoosto, shaqsiyaadka sidaas sameynaya ee saraakiisha Ciidanka milatariga ka tirsan arrinkaas haka waantoobaan waa arrin halis ah” ayuu yiri Cali Yare. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Ahlusunna wada-hadal kadib isaga baxday Guriceel halkaas oo ciidamada dowladda Federaalku si buuxda ula wareegeen. PUNTLAND POST The post Cali Yare oo sheegay in Milatariga Soomaaliya falal aar-gudasho ah ka bilaabay Guriceel appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa saaka daggan xaalada magaalada Guriceel oo afarti cisho ee lasoo dhaafay dagaalk qaraar uu ku dhex marayay ciidamada dowladda iyo ururka la magac baxay Ahlu-sunna. Dagaalka oo ay ku dhinteen boqolaal askar ah oo labada dhinac iyo tiro labaatameeyo ka badan oo ah saraakiil ka kala tirsan DF iyo ururka Ahlu-sunna. Ciidamada Ahlu-sunna ayaa saaka isaga baxay kadib wadahadal saacado qaatay oo xalay ka dhacay magaalada guriceel. Wadahaladaka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Senator Cabdi qaybdiid iyo Xaashi Carabey oo ka mid ah ganacsatada galmudug. Ciidamada ahlu-sunna ayaa sidoo kale isaga tagay laba gaari oo dagaal bil ka hor iyaga iyo ciidamada dowladda ku dhex maray deegaanka Bohol ay ku qabsadeen taas oo qeyb ka aheyd wadahadalka magaalada lagaga saarayay ururka. Dhexdhexaadinta ururka iyo dowladda ayaa intii ay socotay lagu heshiiyay in guddi loo saaro dhamaan tabashooyinka ay qabaan ururka Ahlu-sunna si xal aan aheyn dagaal looga gaaro khilaafka jira. Inkabadan 120 Askari oo ka tirsan ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka oo iskaashanaya iyo ururka Ahlu-sunna ayaa dagaalka ku dhintay, halka tiro intaas ka badan uu dhaawaca ka soo gaaray dagaalka. Sida ay QM sheegtay afarti maalin uu dagaalka socday ayaa waxaa ku barakacay in kabadan 20-kun oo qoys oo u dhiganta 100 kun oo qof. Waxaa hadda caadi ku soo noqday xaaladda magaalada iyadoo dhamaan gacan ku heynta magaalada ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa ururada siyaasadeed ee Puntland ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashooyinka kale ee lagu wado in degmooyinka Puntland ay ka dhacaan. Hadalkaan ayuu deni ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kadib markii la soo gabagabeeyay doorashooyinka sida horudhaca ah looga qabanayay degmooyinka Eyl, Ufayn iyo Qardho. “Ururrada waxaan u sheegayaa in saddex degmo oo keliya ay doorashadan tahay oo ay baaqi tahay 47 degmo , fursadda weli waa jirtaa, dhulkana waa lagu kala galaangal badan yahay ha is dhiganina ayaan leeyahay ururrada”, ayuu yiri madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni. Deni ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan marnaba diyaar u noqon dalka in uu geliyo doorasho qof iyo cod ah. “Farmaajo in aanu doorashada Puntland hambalyeyn waxay ka dhigan tahay in aanu Soomaaliya la rabin doorasho toos ah, isaga oo bogaadiya waxyaabo aad u yaryar” ayuu markale yiri madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (HOL)- A minor who is a Kenyan of Somali origin is fighting for his life at Mandera Teaching and Referral Hospital after his two brothers set him ablaze in their house. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa saaka isaga baxay magaalada Guriceel kadib wada-hadal dhexmaray iyaga iyo Ganacsato u dhashay magaalada oo dhex-dhexaadinayay labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna. Ciidamada oo uu hoggaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa aroornimadii hore ee saaka isaga baxay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen Guriceel waxaana la sheegay in ay u jihaysteen dhinaca degaanka Godwiil oo dhanka waqooyi kaga beegan Guriceel. Wararku waxay sheegayaan in Ahlusunna laba gaari oo Gaashaaman uga tageen xarunta Jaamacadaha ee Guriceel kuwaas oo ay horay uga qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa maanta deggan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.
  7. Slaveholders wanted to expand slavery westward. But first they needed to dominate the southwestern deserts. Source: Hiiraan Online
  8. The United States says it will review its support for an elite unit of the Somali National Army following its participation in a battle against a former ally in the fight against al-Shabab extremists. Source: Hiiraan Online
  9. A MAJOR search and rescue mission was launched off the Harwich coast after it is believed a migrant was swept overboard from a dinghy. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU – Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the arbitrary detention of journalists in Lasanod and Mogadishu, and calls Hirshabelle authorities to unconditionally lift the ban on local TV journalist in Jowhar. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI (AFP) – The United Nations (UN) warned yesterday of severe humanitarian problems in central Somalia after 100,000 people were displaced by fighting between pro-government forces and Sufi militants. Source: Hiiraan Online
  12. NAIROBI, Kenya, Oct 27 – Kenya is on high alert following recent bomb attacks in the neighbouring Uganda which authorities there linked to terrorism. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-London)-Wiil Soomaali ah ayaa waqooyiga magaalada London ku dilay nin British madow ah kaasoo ku sugnaa goob timaha lagu jarto oo ku taalla xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Angel Corner oo Edmonton Green. Wiilka Soomaaliga ayaa dilka u adeegsaday mindi kadib markii ay murmeen, islamarkaana wiilka Soomaaliga ah ay isugu tageen ninka uu dilay iyo asxaabtiisa, halkaasina uu wiilka Soomaaliyeed lasoo baxay mindi dhowr jeerna uu la dhacay ninka British-ka madowga ah. Muddo daqiiqado ah kadib ayaa waxaa goobta soo gaadhay ciidamada booliska, waxaana goobta dhaawaca ninka la mindiyeeyay ka qaaday helicopter, iyadoo booliska ay goobta xidheen. Goobta falkaan uu ka dhacay oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin xarumo ganacsi ayaa waxaa la sheegay in wiilka Soomaaliyeed laga gardarnaa, balse waxaa uu isna adeegsaday inuu mindi u adeegsado kuwii ka gardarnaa. Arrintaan ayaa kusoo beegan xilli aad looga hadal haayo dalka UK dilkii labo toddobaad ka hore wiil Soomaaliyeed uu weerar lagu sheegay mid argagixiso u geystay xildhabaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabay David Amess, taasoo dhalisay cabsi iyo welwel laga qabo weeraro lagu bartilmaameedado Soomaalida. Wiilka loo haysto dilka David Amess ayaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana la sheegay in falka uu gaystay uu yahay mid argagixiso. Ka hor dilka David Amess, waxaa UK aad ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo ama wax ku dila mindida. Source
  14. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Puntland ku hambalyeeyay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod oo degmooyinkii u horreeyay laga sameeyay. “Waxaan hambalyo u dirayaa Dowlada iyo shacabka Puntland talaabada ay u qaadeen dhinaca dimuqraadiyada taas oo degmooyin kamid ah laga qabtay Doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo cod oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubaland ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedyada kale ee dalka in ay Puntland uga daydaan hirgelinta doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. “waa arin bogaadin mudan in Puntland ay noqotay Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee hirgaliya waxaana rajaynayaa in Dowlad Goboleedyada kalana ay ku dayan doonan.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Puntland ku bogaadiyay doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  15. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlayay guushii ay kusoo gaba-gabowday doorashadii tijaabada aheyd ee golaha deegaan eelagu doortay golayaasha seddax degmo oo qof iyo cod aheyd. Saciid Deni ayaa boggaadiyay doorashadaasi isagoo ku tilmaamay inay aheyd mid taariikhi ah oo waddada u xaareysa in guud ahaan Puntland ay qaado dhabbaha doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna u mahad celiyay xisbiyadii siyaasadeed ee ka qeybgalay, shacabka Puntland iyo hay’addihii ka qeyb qaatay qabsoomida doorashadaasi tijaabada aheyd. Dhanka kale, Saciid Deni wuxuu u mahad celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseeb Rooble oo ka hambalyeeyay tallaabadaasi ay qaaday Puntland, halka uu dhaliil u jeediyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdllaahi Farmaajo. Deni ayaa Farmaajo ku weeraray inaanu ka hadlin doorashada, inkasta oo hadalkiisa kadib uu Farmaajo soo saaray qoraal uu ugu hambalyeeyey. “Waxaan ka xumahay madaxweynaha Somalia iyo Villa Somalia oo aan wax qoraal ah kasoo saarin arrintaan aadka u weyn, iyadoo Villa Somalia laga bartay inay wax kasta oo dhaca ay baaq ama hambalyo kasoo saarto, waxaa halkaa ka muuqanaysa in badana aan ku celcelin jiray, Madaxweyne Farmaajo doorasho qof iyo cod ah ma rabo, federaalna maba rabo, maanta ayuu caddeeyay runtii inuusan rabin doorasho qof iyo cod, maxaa yeelay dadkii waqtiga geliyay ee guushaasi gaaray umuusan hambalyeeyin, arrintaasina waa mid u baahan in bulshada Soomaaliyeed loo bayaamiyo,” ayuu yiri Saciid Deni oo shacabka ugu baaqay inay ogaadaan aragtida madaxweyne Farmaajo iyo asxaabtiisa la joogta inaysan raali ka aheyn in dalka Soomaaliya u jiheysto doorasho xor, xalaal ah, qof iyo cod ah. Saacado kadib waxaa durbadiiba qoraal kasoo baxay xafiiska Villa Somalia loogu hambalyeeyay xisbiyada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashadii ka dhacday seddaxda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, iyadoo lagu xusin magac, balse lagu soo koobay xisbiyadii ka qeybgalay doorashadaasi.  The post Daawo: DENI oo sabab yaab leh u weeraray FARMAAJO kadib doorashadii Puntland appeared first on Caasimada Online.
  16. Wiil Soomaali ah oo Nin British Madow ah ku dilay London Wiil Soomaali ah ayaa waqooyiga magaalada London ku dilay nin British madow ah kaasoo ku sugnaa goob timaha lagu jarto oo ku taal xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Angel Corner oo Edmonton Green. Wiilka Soomaaliga ayaa dilka u adeegsaday mindi kadib markii ay murmeen, islamarkaana wiilka Soomaaliga ah ay isugu tageen ninka uu dilay iyo asxaabtiisa, halkaasina uu wiilka Soomaaliyeed lasoo baxay mindi dhowr jeerna uu la dhacay ninka British-ka madowga ah. Muddo daqiiqado ah kadib ayaa waxaa goobta soo gaaddhay ciidamada booliska, waxaana goobta dhaawaca ninka la mindiyeeyay ka qaaday helicopter, iyadoo booliska ay goobta xidheen. Goobta falkaan uu ka dhacay oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin xarumo ganacsi ayaa waxaa la sheegay in wiilka Soomaaliyeed laga gardarnaa, balse waxaa uu isna adeegsaday inuu mindi u adeegsado kuwii ka gardarnaa. Arrintaan ayaa kusoo beegan xili aad looga hadal haayo dalka UK dilkii labo todobaad ka hore wiil Soomaaliyeed uu weerar lagu sheegay mid argagixiso u geystay xildhabaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabay David Amess, taasoo dhalisay cabsi iyo welwel laga qabo weeraro lagu bartilmaameedado Soomaalida. Wiilka loo haysto dilka David Amess ayaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana la sheegay in falka uu gaystay uu yahay mid argagixiso. Kahor dilka David Amess, waxaa UK aad ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo ama wax ku dila mindida. Qaran News
  17. Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ku baxeen waddada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel. Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, sida Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol. Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Ahlu-Sunna ma aysan kaxeysan labadaas Gaari oo waxay uga tageen goobta, iyagoo aan waxaba qabin. Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen. Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Sunna. Ciidamada dowladda ayaa hadda la soo werinayaa inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen xoogagga Ahlu-Sunna, halkaas oo saakay ay isku balaariyeen. Xigasho: Radio Galgaduud The post Ciidamada Ahlu-Sunna oo ka baxay magaalada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  18. Wax ka ogow sirta dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka Qofka dawarsada sida dhakhli uu u helo bil kasta waxay ku xiran tahay goobta uu ku nool yahay iyo halka uu ka tuugsado. Waxaa jiro dad dhaqaale badan soo xareeya maalintii ama bishiiba, halka kuwa kalena aysan waxbo helin. Arrintan la yaabka leh ayaa ah in dadka ka dawarsada waddooyinka ay ka dhakhli badan yihiin dadka shaqaalaha ah ee xooggooda maala. Haddaba waxaan halkan idiin kugu soo gudibeynaa qaar ka mid ah dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka: Bharat Jain Bharat Jain oo 53 sano jir ah wuxuu ku nool yahay maagalada Mumbai ee dalka Hindiya, waa nin caan ah oo si weyn uga dawarsada agagaarka deegaanka Chhatrapati Shivaji ee Mumbai. Maalin kasta, 8 saacadood ama 10 saacadood gudahood wuxuu soo xareeyaa 2,000 Rupee oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta $ 1,000 doolar. Waa lacag aad u badan oo aysan xitaa soo gelin celcelis ahaan shaqaalaha Hindiya. Jain wuxuu dhistay labo guri oo qurxoon oo uu kireystay, waxaa bil kasta uga soo xarootaa guryahaas 10,000 oo lacagta Hindiya ah. Eisha Cara, Sacuudi Carabiya Waxay aheyd haweeney caan ah oo muddo 50 sano ah ka dawarsan jirtay waddooyinka magaalada Jeddah ee Sucuudiga. Eisha, iyadoo 100 sano jir ah ayay geeriyootay, sannadkii 2014, waxay ka tegtay guryo qaali ah kuwaas ay ku wareejisay dadkii saboolka ahaa. Arrintaas waxay ahayd mid dad badan ay la yaabeen. Hanti fara badan oo isugu jirtay dahab iyo balaayiin doolar ay ka dhimatay. Krishna Kunar Gite Wuxuu ka dawarsadaa waddooyinka magaalada Mumbai, waan nin caan ah oo si weyn looga yaqaano halkaas. Dadka qaar waxay ku tilmaamaan nin dadaal badan, wuxuu shaqaaleysiiyay walaalkii ka yar si lacagta uu dawarsiga ku soo helay ugu hayo, waana xisaabiyihiisa gaarka ah. Sambhaji Kale Wuxuu ka dawarsan jiray waddooyinka Mumbai isaga iyo afar ka mid ah qoyksiisa. Wuxuu maalin kasta soo xareyn jiray illaa $1,000 doolar, Sambhaji wuxuu maalgashaday qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee adduunka, halkaas oo dhakhli badan uu ka helo illaa iyo hadda. Wuxuu sidoo kale leeyahay hanti kale oo uu ka mid yahay guri weyn oo qaali ah. Saravatia Devi Sarvatia Devi waa haweeney caan oo ka dawarsata maagalada Patna ee dalka Hindiya. Waxay shaqadan bilowday iyadoo 35 sano jir ah, waxay lacagta ay u soo dawarsato ku xareysataa akoon bangi oo ay furatay. Dadka waxay inta badan ugu yeeraan magaca ‘Devi’, waxay jeceshahay in ay u safarto goobaha cibaadada ee muqaddaska ee ku yaalla dalkaas. Arrinta la yaabka ah ayaa ah in marka ay safreyso aysan bixinin lacagta gaari-raaca ah, waxayna ku dhex dawarasataa babuurka, tan iyo inta ay ka gaareyso goobtii ay ku wajahneyd. Massu Massu waa 60 sano jir ku nool magaalada Mumbai, waana nin caan ka ah magaaladaas, waxaana lagu arkaa waddooyinka isaga oo dawarsanayo. Marka uu tuugsanayo wuxuu qabaa dhar jeejeexan, wuuna ooyaa marka uu dadka wax waydiisanayo, waana sababta uu ku helo dhaqaale badan. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in marka uu gabbalka dhaco la arko ninkan oo ku labisan dhar qurxoon, isla markaan aad u maleyneyso in uu yahay shaqaale dowladeed. Qaran News
  19. Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lagu eedeeyay inuu doonaayey in la dilo Adeerkii Boqor Cabdalla+Sababta Maxamed Bin Salmaan Sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan uu soo jeediyay in la dilo boqorkii geeriyooday ee Sacuudiga Boqor Cabdalla. “Maxamed Bin Salmaan wuxuu sooo jeediyay in boqor Cabdalla la dilo iyadoo la adeegsanayo ‘Faraanti sun ah'”, sida uu sheegay Sacad Al Jabri oo wareysi siinayay warbaahinta CBS, gaar ahaan barnaamijka ’60 Minutes’. Sacad Al-Jabri oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Sacuudiga, wuxuu sheegay in sannadkii 2014, uu Maxamed Bin Salmaan ku wargeliyay adeerkii in kursiga uu u banneeyo aabihii. Xiisad ayaa ka dhex taagneyd qoyska boqoqrtooyada oo ku saabsan cidda awoodda la wareegeysa. Dowladda Sacuudiga waxay Sacad Al Jabri ku tilmaantay sarkaal hore oo ka tirsanaa dowladda oo edeb daran isla markaana in muddo ah ku soo dhex jiray faafinta arrimo been ah. Al-Jabri wuxuu tilmaamay in hoggaamiyaha dadban ee Sacuudiga uu yahay, “Qof aanan fayoobeen oo dilaa ka ah Bariga Dhexe, heystana dhaqaale xooggan, kaas oo halis ku ah dadkiisa ku nool Mareykanaka ama adduunka kale.” Wuxuu ku eedeeyay Maxamed Bin Salmaan in markii uu kulan la qaatay Amiir Maxamed Bin Nayef, sannadkii 2014, oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha, “in uu qorsheeyo dilka boqor Cabdallah Bin Cabdul Casiis”. XIGASHADA SAWIRKA,ANADOLU AGENCY Qoraalka sawirka,Maxamed Bin Nayef ayaa dhaxal suganimadii laga wareejiyay, waxaa loo dhiibay Maxamed Bin Salmaan 2017 Sida Al-Jabri uu ku andacooday: “Wuxuu u ku yiri, ‘waxaan doonaya in aan dilo boqor Cabdalla. Waxaan rabaa in aan dilo aniga oo adeegsanaya faraanti sumeysan oo laga keenay Ruushka’,” ayuu yiri Jabri. “Wuxuu sheegay in arrinta si dhab ah loo qaatay.” Sacad Al Jabri wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay si hoose u xalliyeen qoyska boqortooyada, ka dib markii la qabtay kulan qarsoodi ahaa oo la duubay. Boqor Cabdalla wuxuu geeriyooday sannadkii 2015, wuxuuna ahaa 90 sano jir. Ka dib waxaa xilka boqortooyada la wareegay boqor Salmaan, waxaana dhaxal sugaha loo magacaabay Maxamed Bin Nayef, kaas oo markii dambe xabsi la dhigay. Sannadkii 2017, waxaa dhaxal sugaha laga wareejiyay Maxamed Bin Nayef, xilkaas oo lagu wareejiyay Maxamed Bin Salmaan, oo ah wiilka boqorta hadda ee Sacuudiga. Maxamed Bin Nayef ayaa sidoo kale laga qaaday xilka wasiirka arrimaha gudaha, waxaana la geliyay xabsi guri. Sannadkii la soo dhaafay ayaa loo xiray dacwado aanan la sheegin. Sacad Al-Jabri ayaa u cararay dalka Canada markii xilka laga qaaday Maxamed Bin Nayef. Wuxuu sheegay in qof ka tirsan sirdoonka dalalka Bariga Dhexe, oo ay saaxibo yihiin uu ku wargeliyay in Maxamed Bin Salmaan uu u soo diray koox disha, bishii Oktoobar 2018. Maalmo uun ka dib markii koox ka socotay ay Turkiga ku dileen weriyihii Sacuudiga u dhashay, Jamaal Khaashuqji. Khashoggi waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda uu sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul, sida baaritaanno hore lagu ogaaday. Waxaana la sheegay in lix qof ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Ottawa ee Canada, kuwaas oo laga tarxiilay dalkaas markii la ogaaday inay wateen qalab laga shakiyay. Jabri ayaa mar uu wareysi siinayey barnaamijka ’60 Minutes’ ee telefishinka CBS News, wuxuu sheegay in qorshaha ah in la dilo uu bilowday markii uu dalka cararay, ka dib markii xilka dhaxal-sugaha uu la wareegay Maxamed Binu Salmaan, sannadkii 2017. “Maxamed Bin Salmaan wuxuu qorsheeynayaa dilkeyga” ”Maxamed Bin Salmaan wuu waalanyahay” Maxamed bin Salmaan ma wuxuu doonayaa in Iraan uu la heshiiyo? XIGASHADA SAWIRKA,AFP Qoraalka sawirka,Boqor Cabdalla (fBidix ) waxaa dhaxlay walaalkii Salmaan (midig) markii uu geeriyooday 2015 Markii la baahiyay hordhaca wareysiga inta uusan telefishinka ka bixin, waxay safaaradda Sacuudiga ee Washington bayaan ay soo saartay ku tilmaantay in Sacad Al-Jabri uu ahaa sarkaal hore oo dowladda ka tirsanaa “loona haysto dambiyo la xiriira dhaqaalaha”. BBC-da waxay la xiriirtay dowladda Sacuudiga si ya uga jawaabta eedeymahan balse kama aysan soo hadlin weli. Jabri ayaa wajahaya dacwado musuq maasuq iyadoo ay ku dhigan yihiin hay’adaha dowladda Sacuudiga, garsoore ka tirsan dowladda Canada ayaa xayiray hantidiisa isla markaana sheegay in ay jiraan caddeymo ku aadan arrintaas. Wuxuu beeniyay eedeymahaas, wuxuuna sheegay in uusan xadin lacagta dowladda. Wuxuu tilmaamay in dadkii horey uu shaqeyn jiray ay lacago badan abaal marin ahaan u siiyeen. Ninkan sirdoonka ahaan jiray ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xireen laba ka mid ah 8 wiil oo uu dhalay, taas oo uu ku tilmaamay ‘aargoosi’ ​​ka dib markii uu ka cararay boqortooyada. Waxaana labada wiil lagu eedeeyay isdaba marin lacageed iyo isku day ay dalka kaga baxsan rabeen, dacwaddaas oo ay beeniyeen. Qaran News
  20. Waa kuma Maxamed Hamdan Dagalo, geeljirihii hadda majaraha u haya mustaqbalka Sudan? Mohamed Hamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti” waa ku xigeenka madaxa Golaha Militariga ku meel gaarka ah ee Sudan “Hemeti”. Shalay ka dib afgembigii Sudan waxaa la xiray qaar ka mid ah wasiirrada iyo dad rayid ah, sida Ra’iisul Wasaare Cabdallah Hamduuk. Waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in dowladda la kala diray, sida uu telefishinka Qaranka ka sheegay Madaxa Golaha ciidamada ee Cabdul Fataax Al-Burhan. Sidoo kale, waxaa Sudan lagu soo rogay xaalad degdegga ah, waxaana la laalay qodobbo ka mid ah dastuurka. Maxamed Hamdan Dagalo oo loo garanayo “Hemedti”, oo aad uga dhex muuqda golaha, ahna hoggaamiyihii afgembigii xilka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa ku adkeystay in hannaan si dimuquraadi ah ku dhisan ay dalka uga qaban doonaan doorasho. Waa kuma Hemedti? Waxa uu ka soo jeedaa gobolka fog ee ku yaal Galbeedka dalka Sudan, halkaas oo siyaasadda, ganacsiga, iyo colaadduba ay isku dhafan yihiin. Ninkan oo hormuud u ah siyaasadda dalka Sudan, ayaa horay uga ganacsan jiray geela, kaas oo dagaal u arka fursad uu noqon karo nin hodan ah oo awood badan. Mohamed Hamdan Dagolo, oo loo yaqaan “Hemeti”, waa ninka labaad ee maanta ugu sarreeya militariga haya talada dalka Sudan. Balse dhab ahaantii, Hemeti, oo yaraantiisii Iskuulka ka saaqiday ayaa haatan loo arkaa ninka ka dambeeyey rasaasta ka dhacaysa Khartoum. Dagaal oogahaan ka soo jeeda gobolka Darfur ayaa xukuma kumanaan ciidan ah oo ka mushaar badan kana qalab wanaagsan ciidamada caadiga ah ee Sudan. Waxa uuna haystaa lacago fara badan oo uu ku maalgaliyo maleeshiyaadkaas – waxa uu leeyahay goobo laga qodo dahabka oo ku yaal buuraha macdanta hodanka ku ah ee Sudan, waxa uuna ku tiirsan yahay saaxiibbo uu ku leeyahay Sacuudi Carabiya iyo xulufo kale oo Khaliijka ku sugan. Sidee buu ku helay jagadaan? Qabqable dagaal Jidka uu Hemeti xukunka ka soo fuulay ayaa soo bilowday sannadkii 2003-dii, kaddib markii qabaailka Afrikaanka ah ee madoow ee ku dhaqan gobolka Galbeed ee Darfur ay hubka qaateen oo ay xukuumadda ka soo horjeesteen. Ciidmada Sudan ayaa halgan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalkooda ku salaysan ku dhufo oo ka dhaqaaqda, waxa ayna bilaabeen in ay qortaan maleeshiyo Carab ah oo loo yaqaan “Janjaweed” – oo macnaheedu yahay “Jinkii hubka qaatay ee fardaha saarnaa”. Waagaas, Hemeti waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo 20 jir ah. Waxa uu sannadkii 1975 ka dhashay Qabiilka Carabta ah ee geelleeyda ah ee Mahamid, waxa uu Iskuulka hoose dhexe ka saaqiday markii uu 16 sano jiray, si uu geela ugu kala dhoofiyo Darfu iyo Chad oo loo sii dhoofin jiray Libya iyo Masar. Hameti adeerkiis Juma Dagolo, waa hoggaamiyaha qabaa’ilka Carabta ah ee ku teedsan xuduudda u dhexaysa Chad iyo Sudan. Sannadihii u horreeyey ee khilaafka, Hemeti waxa uu waaardiye ka ahaa kolonyada ganacsiga ee Darfur, halkaas oo uu xoogaa hanti ah ka helay. Hoggaamiyahaas dhalinyarada ah waxa uu gacan ka agaystay dar dargalinta dagaalyahannada Janjaweed. Lacag, Xukun iyo dagaal Si la mid ah sida ragga kale ee ku sugan gobolkaas miyiga ah, Hemeti waxa uu dagaalka u arkay “fursad uu lacag ka samayn karo” ayuu yidhi Alex de Waal, oo ka qayb qaatay wada xaajoodyadii 2006-dii oo uu dhex dhexaadiye ka ahaa waana qoraaga buugga lagu magacaabo “The Real Politics of the Horn of Africa: Money, War and the Business of Power”. Dawladihii isaga dambeeyey talada dalka Sudan tan iyo sannadkii 1980kii waxa ay ku tiirsanaayeen ciidamo booliis ah oo sida militariga u tababaran. Dhanka kale ragga maleeshiyaad kaas ka tirsan waxay awood u leeyihiin in “ay bililiqaystaan, xadaan, ay maamulaan dhuka iyo in ay yeeshaan saamayn xoog ah oo “sharciyaysan,” ayuu BBC-da u sheegay De Waal. Argxan darro miro dhashay Ol ole lagu argagaxan galinayey dadka rayidka ah, ayaa lagu dumiyey kumanaan tuulo, waxaana dharaar cad la kufsaday haween iyo gabdho da’yar. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dad kor u dhaafaya 300,000 oo qof ay ku dhinteen qalalaaso halkaas ka dhacay oo sababay cudurro, gaajo iyo macaluul. Ilaa maantana, dad lagu qiyaaso 5.5 milyan, oo 2.6 milyan oo dad kaas ka mid ah ay carruur yihiin, ayaa wali u baahan gargaar biniaadanimo sida ay sheegtay hay’adda Unicef. Hase ahaatee hoggaamiyeyaasha maleeshiyaadkaas dawladda Sudan wakiilka ka ah, waxaa u miro dhashay argan darradii. Sannadkii 2006-dii ayaa dagaallamayaasha Janjaweed waxaa si rasmi ah loogu daray ciidmada ammaanka ee Sudan. Waxaa la siiyey aqoonsiyo ciidan, dareenka ciidanka iyo mushaar bil kasta ay qaadanayaan, tallaabadaas ayaana qalalaaso ka dhex abuurtay ciidamada. Balse maleeshiyaadkaas ayaa dareemay in lagu abaal mariyey hawlaha aan fiicnayn ee ay xukuumaddu ka waddo gobolka Darfur. Dabayaaqadii sannadkii 2007, ayaa Hemeti waxa uu gorgortan la galay xukuumadda Khartoum, asagoo ka helay lacag iyo hub intaba. Dadka ku xeeldheer arrimaha dalka Sudan ayaa madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashir, oo dalkaas 30 sano xukumeyey ku eedeeyey in uu taageeri jiray maleeshiyaadkaas. Omar El-Tayeb Ahmed oo ah khabiir ka tirsan BBC Arabic ayaa qaba,”in dadka aqoonyahanka ah ee reer Sudan ay Hemeti u arkaan musiibo uu abuuray Al Bashir,” Dagaalka kaddib, Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa Albshir ku eedaysay dambiyadii ka dhacay gobolka Darfur, waxaana masuuliyaddaas dusha loo saaray ciidamada Sudan. Al Bahsir oo ka cabsi qaba in la inqilaabo ayaa yareeyey awoodda ciidamada, waxa uuna xoogga saaray hay’adaha Sirdoonka iyo maleeyishaadka. Sannadkii ayaa ciidamada gaarka ah ee Hemeti laga dhigay ciidamada taageerada deg degga ah (RSF). Labo sano ka dib, markii uu Al Bashir go’aansaday in uu ciidamo u diro Yemen si uu gacan u siiyo xulufada Sacuudiga, inta badan ciidamadaasi waxay ka yimaadeen RSF. Sannadkii 2016-kii, waxaa toos u maamulayey madaxweynaha, waxaana lagu guuldarraysatay iskuday lagu doonayey in lagu hoos geeyo wasaaradda difaaca. Awood aan wax la mid ahi jirin Marka la eego cilmi baadhis sannadkii 2016-kii lagu sameeyey hubka fud fudud, ciidamada RSF waxaa lagu sameeyey tiro ahaan in ay dhan yihiin 10,000 ilaa 20,000 oo rag ah, waxaana dad qaar haatan ku qiyaasaan 50,000 oo qof. Ciidamadan ayaa ad uga qalab wanaagsan ugana dhaqdhaqaaq roon kuwa caadiga ah ee dalka Sudan. Hameti waxa uu leyahay 15 ilaa 20 xero oo lagu tababro ciidmadiisa, inkastoo aanu oggaynayn in uu sheego halka ay ku yaallaan. Sida uu sheegay De Waal, mid ka mid ah taageerayaashiisa ugu muhiimsan waa Taha Hussein, oo ah madaxii hore ee xafiiska gaar ka ah ee Al Bashir, kaas oo diyaariyey in ciidmada RSF loo daad gureeyo dalka Yemen. waana ninka isku xiray Hemeti, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka. Cadaadiska dibadbaxayaasha Hemeti iyo Golaha militariga ku meel gaarka ah ee Sudan ayaa goor horeba bilaabay in ay hal meel uga soo wada jeestaan, dibadbaxayaasha sida dimuquraadiga ah u mudaharaadaya. Hemeti ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee markii ugu horraysay taageera dibadbaxyada, balse isla markiiba uu is baddalay waxa uuna sheegay in ay hormuud u yihiin kooxo danleey ah iyo kuwo maandooriyaha ka ganacsada. In ka badan 100 qof ayaa la dilay kaddib markii ciidamadiisu ay kala eryeen dadka shacabka ah, waxaana tobonaan mayd ah lagu tuuray wabiga Nile, sida ay sheegeen dhakhaatiirka xidhiidhka la leh dibadbaxyaasha. Hemeti ayaa isu arka in uu yahay ninkii Sudan badbaadin lahaa. “Haddii aan anigu qaban lahayn jagadaan, dalku waa uu burburi lahaa” ayuu ku yidhi waraysi uu siiyey wargayska The New York Times. Qaran News
  21. XAGEE LOO SOCDAA? Horta anigu sadexda xisbi midna kama tirsani waayo waxan gebi ahaanba saluugsanahay siyaasadda xisbiyada siyaasadda ee Somaliland iyo guud ahaan nidaamka xisbiyada badan oo aan qabo in loo baahan yahay dib in loogu noqdo. Sababtuna waa kortaan la’aanta oo anigu aan u nisbayn karo in marka horeba fikir ururnimo (organizational concep) oo lagu dhisay iyo aragti ama mabaadii sal u ah xisbiga oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale aanay jirin. Markaa xisbigu sida ay maanta yihiin xisbiyadeenu waa uun weel-samaysi qofka isagu doonaya in uu u tartamo xilalka doorashada ku yimaada ee aan magacaabista ahayn uu xisbi isaga soo sharaxo. Markaa xisbiyada xataa xilalka la isku cidhiidhyo sida hogaanka sare, Golaha Dhexe, iyo Guddida Fulinta ayaan macno badan lahayn oo la odhan karaa waxa ka muhiimsan musharixiinta. Sidaa marka ay tahay Gudoomiyaha Xisbiga waxaba ka muhiimsan Musharaxa Madaxwaynaha oo hadii uu guulaysto isagu noqonaya Madaxwaynaha JSl oo ah masuulka koobaad ee qaranka, inta ugu dhawina waa suurogal in kuwii isaga soo dhisay iyo xubnihii firfircoonaa ee xisbigiisa ay noqdaan. Dabcan waxa laga yaabaa in dadku ugu kala qiimsnaadaan kaalmihii ay ka soo kala qaateen ololihiisii doorashada ee ay ugu kala waxtar badnaayeen Si kale hadii aynu u dhigno lafteeda kuwa tartama ee dadkuna ay kala doortaan waa qofaf ee xisbiyo iyo reero maaha. Gaar ahaan Madaxwaynaha la doortaa reer ha ka dhasho balse marka uu kursiga ku fadhiisto waa Madaxwayne JSl Hadana xaga dhaqanka kaftanka iyo haasaawaha way dhacdaa laba nin oo kuuli wada ah in mid kii kale yidhaa “ dee idinkaa Madaxwayne ahe…” kiina madaxa ayuu midhkaa u ruxaa mana odhanayo “ Waar hadaan Madaxwayne ahay maxaa kuuliga inaga wada dhigay? Maanta xagga doorashooyinka Somaliland xaalkeedu ma xuma. Marka laga reebo Xildhibaanada Golaha Guurtida, dhamaan xilalka kale ee doorashada ku yimaada inta haysaa waxay ku joogaan muddo xileedyadoodii sharciga ahaa. Hadii May 2022 guurti cusb la soo doorto/xulo way dhamaatay. Keliya waxa loo baahan yahay in doorasho kastaa ay wakhtigeeda ku qabsoonto. Sidaa daraadeed Madaxwayne Muuse doorashada guurtida ka dib hadii ay ka go’an tahay in doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigeeda 13 November 2022, ama ha ku guulaysto ama halagaga guulaysto eh waxay u noqonaysaa rikoodh cusub oo u noqda legacy ama wax lagu xasuusnaan doono oo aanu jirin Madaxwayne uga horeeyay kuwa ka dambayn doonana u noqon doonta sunne wanaagsan oo ay kaga daydaan. Madaxwayne Muuse wuxu noqonayaa – Madaxwaynihii ugu horeeyay ee markii uu dhamaystay muddo xileedkiisii dastuuriga ahaa aan maalin ku darsan ee doorashadii qabtay. Hadii weliba uu ku guulaysto wuxu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee laba term (xili) oo isku xiga ku guulaystay kursiga Madaxwaynaha. Hadii laga guulaysto lafteeda maaha markii ugu horaysay ee Madaxwayne xilka haya uu musharax mucaarid ahi ka guulaysto Somaliland; Dahir Rayaale oo Madaxwayne ahba Axmed Silanyo oo mucaarid ah ayaa ka guulaystay waanu aqbalay si qurux badan ayaanu xilkii ugu wareejiyay. Wax aan sharaf iyo amaan ahaynna kamuu qaadin. – Wuxu noqon Madaxwaynihii ugu horeeyay ee guurtidii lagu doortay shirbeekeedka xal u helay ee meesha ka saaray – Wuxu noqon Madaxwaynihii ugu horeeyay ee afar doorasho oo laba isku sidkan tahay ku qabtay muddo shan sanadood ah gudahood. Taasi waa marka uu doonayo in uu ka tago wax looga aayo laguna xasuusnaan doono waayo badan ka dib marka uu baneeyo kursiga madaxwaynaha. Hadaba waxa werwerkeeda leh oo taasi barbar taal hadii labada doorasho ee guurtida iyo madaxtooyadu ay ku qabsoomi waayaan xiliyadooda sharciga ah. Bal guurtida ilaa hadda xeer lagu doortaba lama hayo eh doorashada Madaxtooyada ma jirto sabab macquul ah oo ay uga baaqan karto wakhtigeeda marka daacad laga yahay ee dhinaca danta qaranka wax laga eegayo. Madaxwayne Biixi waxa laga hayaa in isaga ay ka go’an tahay doorashaduna aanay marna dib uga dhici doonin xiligeeda. Weliba sida la sheegay kharashkii doorashada dhinaca xukuumadda miisaaniyadda ayaaba lagu daray. Marka ay sidaasi jirto ma muuqato wax looga dayrin karo xaaladda mustaqbalka dhaw ee dalka waayo waxa laga badbaadi doonaa khilaaf siyaasadeed oo ka bilaabmi kara doorashada oo si ula kac ah oo aan cudurdaar run ah lahayn ku baaqata ama loo baajiyo si muddo kordhin qasab ah oo sharci darro ah loogu meel mariyo. Muddo kordhintaasi oo dabcan cimri dherarsi uun ah. Hadalhaynta muddo kordhintu way jirtaa balse waa kutidhi kuteen iyo malo awaalo uun ee wax rasmi ah maaha. Waxa la leeyahay fule xantii ma mooga eh Muuse wuu og yahay xaaladdisa in taageeradii doorashadii hore uu ka helay codadka oo 55% ahayd uu lumiyay xisbigiisiina uu isagu gacantiisq ku burburiyay taasina ay markaa keeni karto in uu garwaaqsado in musharaxa Xisbiga Waddani uu kala wareegay, waa hadii ay sidaa u dhacdo eh, inta badan siyaasiyiintii iyo kaadatiintii xisbigiisa iyo weliba taageerayaashoodii. Hadii uu sidaa ku qanco Muuse oo markiisa horeba aan jeclayn in lala tartamo guul darradana neceb waxa suurtogal ah in uu isbedeli doono kana hadhi doono isagu tartanka oo markaa uu musharax kale soo caleemo saari doono. Hadii taasi aanay muddo kordhin wadanin waa caadi xaqna wuu u leeyahay. Balse hadii muddo kordhin cimri dherarsi uun ahi ku jirto waa tii Somaliland ay hore u soo eeday ee aabaheed dishay qayrkeedna ka reebtay. Waana halka ay sartu ka qudhmi doonto hadii ay timaado ee ka bilaabmi karo khilaaf siyaasadeed oo meel uu ku dambayn doono aan runtii la garan karin. CALGUREY HARGEYSA Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Mashaa’iqda iyo culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ee ka qeyb galay siyaaraddii caalimkii Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan gobolada Soomaaliyeed la isaga yimaado siyaaraddiisa laguna qabto degmada Warsheekh ayaa sanadkaan mashaa’iqdii iyo dadkii kasoo qeybgalay ay fajac ku noqotay in laga taago calanka Shiicadda ee “Yaa Xuseen”. Waa halis iyo dhaawac diimeed oo kusoo fool leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in loo soo maro xarumihii diimeed ee taariikhiga iyo cilmiga laga soo aflaxay. Siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi oo ku beegneyd bishii hore ee Zako ayaa dadkii ka qeybgalay bannaanbixii siyaaraddii ay mar qura ku baraarugeen in calankii Shiicadda laga taago barxadii bannaanbaxa siyaaradda, taasoo fajaciso ku noqotay culumadii iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay. Calanka Shiicada oo astaantisu tahay Gaduud dhexda ugu qoran يا حسين‎ ayaa markii qaar ka mid ah dhasha culumo ee la qadariyo ee xerta Warsheekh dadkii lasoo dhex galeen calankaasi waxaa ka dhashay buuq iyo in dadkii ka qeybgalay hoos ka guuxaan iyadoo arrintaani ay noqotay mid kala qeybisay culumada iyo dhasha Sheekh Cabdi Celi. Arrintaani ayaa loo arkaa inay tahay mashruuc cusub oo mad’da’a shiicada lagu gaarsiinayo xerta iyo cid kasta oo ka qeybgashay siyaaraddii Sheekh Cabdi Celi. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhasha culumo ee degmada Warshiikh lasoo marsiiyay mashruuc cusub oo ka yimid Shiicadda, taasina ay keentay in si bayaxan calanka Yaa Xuseen laga taago siyaaradda Sheekh Cabdi Celi. Dadkii ka qeybgalay siyaaradda iyo intii daawaday ayaa aad ugu xumaadeen in Siyaarada Sheekh Cabdi Celi oo la ogsoon yahay in uu udub dhexaad u ahaa faafinta diinta iyo soo saarista mashaa’iq kala duwan oo ka aflaxay mowlacyadii Sheekha in xiligaan Shiico lala xerto oo calankoodii Warsheekh laga taago. Arrintaani ayaa waxay dhaawacaysaa sumcadda iyo kaaramadii magaca Sheekh Cabdi Celi oo guud ahaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha ay ixtiraam iyo sumcad ay u hayaan, sanad walbana dhulka Soomaaliyeed looga wada yimaado siyaaraddiisa. Sidoo kale kook ka tirsan xerta Sheekh Cabdi Celi ayaa iyagoo wata calanka Shiicadda waxay damceen inay la galaan madxafka degmada Shibis oo kulan diineed uu ka socday, balse laga hor istaagay inay la galaan calanka, halkaasina uu buuq iyo kalsooni daro ay soo kala dhex gashay xertii labada dhinac. Qaar ka mid ah culumada degmada Warsheekh ayaa inoo xaqiijiyay in tallaabadani ay xerta Sheekha iyo bahwadaagtooda ay ku kala qeybsameen, haddii aan xal lag gaarina faraha kasii bixi doonto oo mabd’a Shiicadda uu baabi’in doono raadkii taariikheed ee Sheekh Cabdi Celi iyo taariikhda diineed ee degmada Warsheekh. Waxaa halkaan idiin kugu soo gudbineynaa muuqaal Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil uu ku sharxayo mab’da Shiicada iyo firqadaha ambaday ee caqiidada Islaanimo iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo halista ku gadaaman mabda’a Shiicadda iyo kutubadooda, balse marka hore eega sawirrada calanka la taagay, kadibna daawo muuqaalka Sheekh Diri. The post Siyaaradii Sheekh Cabdi Celi oo laga taagay calanka ‘Yaa Xuseen’ ee Shiicada + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in Taliyaha cidiamada xooga dalka uu diyaarad si dhuumalaysi ah ugu soo qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Guriceel. Fiqi ayaa sheegay in Jeneraal Odowaa uu ciidamadaas kasoo qaaday saldhigooda Ballidoogle, islamarkaana uu dhar shibil ah u soo geliyay, kuwaasi oo hadda ku sugan duleedka magaalada Guriceel. “Ciidamadaas waa xulka iyo kuwo gaarka ah ee shabaabka la dirirkooda loogu talagalay, waxayna ku hubaysan yihiin oo wataan miinooyinka dhismayaasha lagu dumiyo, qoryaha jabshaha la yiraahdo iyo hub kale oo casri ah,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Ciidamada gaarka ah waxaa qalabeeyey Dawladda Maraykanka, tababarkoodana gacanta ku haysa, balse waxaa nasiibdarro ah in Odowaa maantay uu u adeegsanayo in uu ku burburiyo guryaha Guriceel, una isticmaalo hubkii loogu talagalay Shabaab ASWJ.” Wasiirka hore ee amniga maamulka Galmudug ayaa Odowaa ku dhaliilay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee uu adeegasanayo Ahlu-Sunna, ayada Al-Shabaab ku sugan yihiin deegaano aan ka fogeyn goobta la geeyay. “Odowaa iyo cidda amarada siisa waxay halis ku tahay amniga qaranka iyo xasiloonida guud ee dalka, ficiladooduna waxay dhaawacaaysaa kaalmadii adduunku siinayey ciidamadeena iyo hadafkii naloo kaalmaynayey!.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda Mareykanka oo ayadu gacanta ku haysa tababarka ciidamada Danab ay hubiyaan in ciidamadaas gaarka ah iyo qalabkoodii loo adeegsaday dagaalka Guriceel ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor-Qoor. The post Odowaa oo la sheegay inuu si xeeladeysan ciidanka Danab ugu daabulay Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  24. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka bilaabeen magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia. Ciidamada ayaa inta uu socday howl-galka baaris ku sameynayey gaadiidka iyo dadka la socda, iyaga oo sidoo kale gudaha u galay xaafado ka tirsan magaaladaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay, sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada golaha shacabka ee ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Beledweyne. HirShabelle ayaa ciidamada Booliska Beledweyne ku wareejisay gaadiid loogu tala-galay inay ku sugaan amniga magaaladaasi oo dhowaan doorasho ay ka dhaceyso. Beledweyne ayaa waxaa weli ka taagan tabasho ay HirShabelle ka qabaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi, iyada oo duleedka magaaladana uu ku sugan yahay Generaal Xuud oo isna si weyn uga horjeesada dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa inay bilaabato doorashada golaha shacabka oo lagu heshiiyey in maamul goboleedyada ay ku qabtaan ugu yaraan labo magaallo. The post Dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka billowday Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  25. London (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa waqooyiga magaalada London ku dilay nin British madow ah kaasoo ku sugnaa goob timaha lagu jarto oo ku taal xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Angel Corner oo Edmonton Green. Wiilka Soomaaliga ayaa dilka u adeegsaday mindi kadib markii ay murmeen, islamarkaana wiilka Soomaaliga ah ay isugu tageen ninka uu dilay iyo asxaabtiisa, halkaasina uu wiilka Soomaaliyeed lasoo baxay mindi dhowr jeerna uu la dhacay ninka British-ka madowga ah. Muddo daqiiqado ah kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska, waxaana goobta dhaawaca ninka la mindiyeeyay ka qaatay helicopter, iyadoo booliska ay goobta xireen. Goobta falkaan uu ka dhacay oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin xarumo ganacsi ayaa waxaa la sheegay in wiilka Soomaaliyeed laga gardarnaa, balse waxaa uu isna adeegsaday inuu mindi u adeegsado kuwii ka gardarnaa. Arrintaan ayaa kusoo beegan xili aad looga hadal haayo dalka UK dilkii labo todobaad ka hore wiil Soomaaliyeed uu weerar lagu sheegay mid argagixiso u geystay xildhabaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabay David Amess, taasoo dhalisay cabsi iyo welwel laga qabo weeraro lagu bartilmaameedado Soomaalida. Wiilka loo haysto dilka David Amess ayaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana la sheegay in falka uu gaystay uu yahay mid argagixiso. Kahor dilka David Amess, waxaa UK aad ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo ama wax ku dila mindida. The post Wiil kale oo Soomaali ah oo weerar mindi oo dhimasho leh ka gaystay dalka Britain appeared first on Caasimada Online.