Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Dhammaan Amarada Fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay ee ku saabsan socdaalka, waxaa jira mid ka mid ah oo keenay cabsi jahwareer ba’an – isla markaana si weyn u xaddidi kara awoodda dadka ka soo jeeda dalal badan u galaan Maraykanka, xitaa booqasho kooban. Trump wuxuu amar ku bixiyay Waaxda Amniga Gudaha, Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka inay, muddo 60 maalmood ah gudahood, soo gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin dhammaan dalalka ay hay’aduhu u arkaan inaysan si habboon u hubin dadka doonaya inay booqdaan, ku noolaadaan ama wax ku bartaan Maraykanka. Amarka fulinta, oo loogu magac daray “Ka Ilaalinta Maraykanka ee Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badqabka Dadweynaha,” ayaa waxaa lala barbar dhigay “mamnuuciddii Muslimiinta” ee Trump uu hirgeliyay muddadii uu xafiiska joogay ee ugu horreysay. Amarkaas wuxuu xannibay dadka u dhashay lix dal oo Muslim ah – oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Iran – iyo Waqooyiga Kuuriya inay galaan Maraykanka. In ka badan 700 oo musaafir ah ayaa la xiray, ilaa 60,000 oo fiiso ayaa “si ku meel gaar ah loo joojiyay.” Hindisahani cusub ayaa la filayaa inuu aad uga sii ballaarto kii hore, oo saameeyo ugu yaraan 20 dal, oo ay ku jiraan Gaza, Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ay Muslimiin badani ku nool yihiin. Amarka fulinta ee Trump waxa kale oo uu farayaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale inay baaraan dadka u dhashay dalalkaasi ee u soo haajiray Maraykanka tan iyo 2021, markii uu dhammaaday muddadii ugu dambaysay ee Trump xafiiska joogay. “Maraykanku waa inuu hubiyaa in ajaanibta la oggolaaday iyo ajaanibta kale ee horeyba ugu sugan Maraykanka aysan lahayn dhaqan cadowtinimo ah oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, dhaqankeeda, dawladeeda, hay’adaheeda, ama mabaadi’deeda aasaasiga ah…,” ayaa lagu xusay amarka fulinta. Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kuna dhalatay Soomaaliya oo ku noolayd xero qaxooti ka hor inta aysan imaan Maraykanka, ayaa tiri, “Mamnuuciddii Muslimiinta ee muddadii ugu horreysay ee Trump waxay kala daadisay qoysaska degmadayda, iyadoo dad badan oo ka mid ah dadka aan matalo ay u diiday inay dib ula midoobaan kuwa ay jecel yihiin.” “Aniga oo ah qof halkan uga yimid qaxooti ahaan mid ka mid ah dalalkii ay maamulka Trump mamnuuceen, waxaan ogahay sida ay u burburisay siyaasaddan nacaybka ah dadka adduunka oo dhan ee raadinaya nolol wanaagsan oo ah Maraykanka,” ayay tiri Omar. “Soomaali Amerikaanka ee degmadayada ku nool, si gaar ah, waxay dareemeen dhibaatada siyaasaddan arxan darada ah, iyadoo waalidiin, xaasas, iyo caruur ay ku xayiran yihiin meel aan la ogaan karin – oo wajahaya kala tag aan xad lahayn kaliya sababtoo ah halka ay ku dhasheen.” Omar waxay sheegtay in xitaa ka dib markii la qaaday xayiraaddii ugu horreeyay, qoysas badan oo qaxooti ah oo ku sugan Minnesota ay weli sugayeen in ay dib ula midoobaan dadkooda. “Amar mustaqbalka soo baxa wuxuu kaliya sii qoto dheereyn doona dhaawacyadan oo xoojin doona nacaybka shisheeye, midab-takoorka iyo Islaam naceybkaa,” ayay tiri Omar.
  2. Rabat (Caasimada Online) – Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya. Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.” Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku. Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa. Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri. Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta. Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.” Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.” Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan. “Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya. In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.
  3. Rabat (Caasimada Online) – Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya. Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.” Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku. Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa. Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri. Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta. Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.” Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.” Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan. “Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya. In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.
  4. Mogadishu (HOL) – Somalia’s newly appointed nonresident ambassador to Tajikistan, Fathudin Ali Mohamed, presented his diplomatic credentials to President Emomali Rahmon during a formal ceremony in Dushanbe on Friday to enhance bilateral relations between the two nations. Source: Hiiraan Online
  5. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof. Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”. Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka. Goor dambe oo Arbacadii ah ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE). Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo kadib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono. Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”. Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo. Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump. Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood. “Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo. Waa meel ay adag tahay in laga baxo.” Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan. Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda. GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi. Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”. Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo. Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga. Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii. Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus. Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”. Isha: BBC
  6. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof. Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”. Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka. Goor dambe oo Arbacadii ah ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE). Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo kadib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono. Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”. Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo. Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump. Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood. “Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo. Waa meel ay adag tahay in laga baxo.” Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan. Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda. GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi. Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”. Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo. Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga. Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii. Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus. Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”. Isha: BBC
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan. Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay. Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada, si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan. Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay. Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada, si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.
  9. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar ka soo baxay ayaa saaka loo daabulay furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu Todobaadkan ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish. Ciidamadan oo ku gaashaaman Hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ayaa si toosa qeyb uga noqonaya wejiga labaad ee hawlgalka lagu dabar-goynayo mileeshiyaadka Argagixisad ah ee Daacish oo weli ku go’doonsan godad ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo shalay ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sheegay in jiho kasta laga go’doomiyay mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana ay dowladdu qorshaysay in ay noqdaan wax dhinta iyo wax la qabtay, kaddib markii dagaalku bilowdo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka dabar-goynta Argagixisada Daacish uu qaadan karo wakhti ka yar mudadii uu socday wejigii kowaad ee dagaalka oo bilowday horraantii bishaan Jannaayo ee sannadkan 2025. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ciidamo ka soo baxay tababar ku daabushay furimaha dagaalka Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  10. In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa shalay laga raray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii ciidamada Amnigu ka raafeen magaalada, si loogu celiyo dalkoodii. Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan Boosaaso ka sameeyay hawlgal xooggan oo lagu raafayo ajaanibta ayaa goobo cayiman ku ururiyay Soogalootiga Itoobiyaanka, halkaasi oo laga soo saaray gaadiid xamuul ah. Gaadiidka xamuulka ah ee siday Qaxootiga la raafay ayaa waxa dowladda Puntland u xilsaartay Ciidamo ilaaliya, kuwaasi oo si nabad ah ku gaarsiiya degaanno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ee DDS. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Todobaadkan magaalada Garoowe ka raaftay in ilaa 1,000 qof oo Soogalooti Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda, sababa la xiriira in aysan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish u adeegsan ciidan ahaaan. PUNTLAND POST The post In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah oo laga raafay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul wasaare ku xigeenka koobaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb-galay kulan ay warbaahintu su’aala ku weydiinaysay, ayaa sharraxaad ka bixiyay xaaladda dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda hadda jirta. Arrimaha uu ka hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku ayaa isugu jiray xaaladda amni ee dalka, koca dhaqaalaha, arrimaha Bini’aadantinimada, waxbarashada, xariirka caalamiga ah, deyn cafintii, iyo shidaalka ay baaristiisu hadda socato. 1) Amniga Ra’iisul wasaare ku xigeenku wuxuu sheegay in markii ay xukuumaddani talada la wareegaysay cabsida qaraxyada iyo canshuuraha ay Al-shabaab bulshada ka qaadaani aad u badnaayeen, balse haatan goob walba oo caasimadda kamid iyo gobollada fog fog ee dalkaba ciidama qaranku ku suganyihiin, taasina ay keentay xasilloonida maanta laga dareemayo inta badan degmooyinka iyo deegaannada dalka. 2) Arrimaha Bini’aadantinimada Mar uu ka hadlayay arrimaha Bini’aadantinimada wuxuu tilmaamay in maalaayiin Soomaali ahi ay xaalad macaluul ah qarka u saarnaayeen markii dowladda hadda jirtaahi ay talada dalka la wareegtay, balse hadda wuxuu sheegay in arrintaas si weyn wax looga qabtay, haddii sanado ka hor maraakiibi ay gargaar keeni jirtayna, haatan ay shidaal qodis awgeed u imaanayaan. 3) Xaaladda Siyaasadda mar wax laga weydiiyay khilaafka doorashada iyo xiisadda u dhexaysa Jubbaland iyo dowladda wuxuu sheegay in saluugga la muujinayo qaabka ay doorasho qof iyo cod ahi u dhici karto, wuxuu sheegay in duruuf walba oo doorashada hor taagan laga gudbi karo, shakiga ay dadka qaar ka qabaan sida wax u socdaanina uu lamid yahay saluugyo iyo dhaliilo weligeedba taagnaa oo taniyo shirkii carta soo jiitamayay. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay la socato in madaxweynaha Jubbaland uu ku suganyahay dalka Kenya, arrintaas waddo diblomaasiyadeed lagu wajahay, xukuumadduna ay ka hadli doonto. 5) Deyn cafinta Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac wuxuu sheegay in inkastoo Xukuumadda hadda jirtaahi aysan guushaas gaar u sheegan karin, haddana deyn cafintu ay kamid ahayd waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee sanadihii la soo dhaafay la xaqiijiyay. 6) dhulalka dowladda Ra’iisul wasaare ku xigeenku asagoo si kooban uga hadlaya dhulalka dowladda muddooyinkan dambe hadal-hayn xoogani ka taagantahay, ayuu sheegay in dadka deggan dhulka dan-guud ah ee waqtiga dheer ku noolaa ay tahay in loo sharciyeeyo, wixii ay dowladdu si degdeg ah ugu baahantahayna ay ka saarayso qoysaska deggan, si bulshada loogu adeego. Ra’iisul wasaare ku xigeenku sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin dagaalka ay Puntland kula jirtoo kooxda Daacish oo uu bogaadiyay, iyo arrimaha dublumaasiyadda oo uu sheegay in 3-dii sanoo la soo dhaafay dowladdu ay hormar weyn ka samaysay. Source: goobjoog.com
  12. Nin dhawaan qoyskiisa ka soo raray Mareykanka kuna soo celiyay dalka Pakistaan ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa oo aan qaan-gaarin sababtoo ah waxaa uu dhibsaday oo uu ka carooday muuqaallada ay ku baahiso bar ay ku laheed TikTok, sida ay boolisku u sheegeen BBC-da. Anwar ul-Haq ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii uu qirtay in uu gabadhiisa Hira ku toogtay magaalada Koonfur-galbeed ee Quetta Talaadadii. Wuxuu markii hore u sheegay baarayaasha in rag aan la aqoonsan ay ka dambeeyeen toogashada. Aabahan, oo haysta dhalashada Mareykanka, ayaa sheegay in uu u arkay in muuqaallada ay gabadhiisa baahin jirtay ay yihiin “kuwo ka soo horjeeda dhaqanka qoyskiisa”. Booliisku waxay sheegeen inay eegayaan dhinac walba, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in loo dilo in qoysku ay dhowrtaan sharftooda, taasoo aan ku cusbayn dalkaas. Boqolaal qof oo u badan haween ayaa u dhinta waxa loogu yeero dilalka lagu difaacayo sharafta qoysaska ee Pakistan sannad kasta, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Dilalkan ayaa waxaa inta badan geysta dad qaraabo ah oo sheegay inay ka hortagayaan waxyaabaha dhaawici kara sharafta qoyskooda. Kiiska Hira Anwar, oo da’deeda lagu qiyaasay 13 ilaa 14 sano jir, ayaa afhayeen u hadlay booliska waxaa uu sheegay in qoyskeedu “ay ka soo horjeesteen lebbiskeeda, qaab nololeedkeeda iyo isticmaalkeeda baraha bulshada”. Qoysku waxay ku noolaayeen Maraykanka 25 sano waxayna Hira bilawday inay ku dhejiso waxyaabaha TikTok xitaa ka hor intaan qoyskeedu u guurin Pakistan. Baarayaasha ayaa sheegay inay hayaan taleefankeeda, kaasoo xiran. Aabbahaan nin seedi u ah ayaa sidoo kale loo xiray dilka, sida ay boolisku shaaciyeen. Haddii lagu helo dilkaan looga hortago wax loo yaqaanno difaaca sharafta qoyska nimankaan waxay wajihi doonaan xukun xabsi daa’in ah oo khasab ah, kaas oo ay wax ka bedeshay sharcigiisa dowladda Pakistan sanadkii 2016-ka. Marka hore, waxay ka fogaan karaan in xabsiga lagu xukumo haddii ay cafis u fidiyaan qoyska dhibbanaha. Sanadkii 2023, maxkamad Talyaani ah ayaa ku xukuntay lamaane Pakistani ah xukun xabsi daa’im ah kadib markii ay dileen gabadhooda oo 18 jir ahayd sababtoo ah waxay diiday guur loo soo bandhigay. Sanad ka hor, xidigtii baraha bulshada ee dalka Pakistan Qandeel Baloch walalkeed ayaa la sii daayay kadib markii eedeeyay inuu dilay walaashii, isaga oo racfaan ka qaadatay. Horay ayaa loogu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu qirtay dilka 2016-kii, isagoo sheegay in ay sabab u tahay in ay ceeb u soo jiiday qoyska. Dalalka dacweeyay TikTok iyo kuwa laga mamnuucay In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2024-ta dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kaca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada. Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonayay in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer. Dhowr jeer ayaa qaar ka mid ah dalalka caalamku waxay mamnuuceen isticmaalka bartaan TikTok, iyagoo u sababaynaya dhibaatooyin laga dhaxlo sida ay sheegeen iyo saameyn uu ku yeeshay dhinacyo badan oo nolosha ah. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Australia, Belgium oo mar si ku meel gaar ah u mamnuucay, Canada ayaa iyana ku dhawaaqday in dowladdu aysan isticmaali karin barta TikTok, iyadoo sheegtay in khatar aan la aqbali karin ay ku leedahay amniga. Ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan ee deriska la ah Pakistaan ayaa sanadkii 2022 mamnuucay aaladdan TikTok, waxayna sababta ku sheegeen xilligaas in laga hortagayo in la marin habaabiyo dhalinyarada. Qaran News
  13. US President Donald Trump doubled down Thursday on his controversial proposal to relocate Palestinians from Gaza to Egypt and Jordan, insisting that the two countries will comply, despite their repeated rejections. Source: Hiiraan Online
  14. The President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro, and his delegation safely returned home this afternoon following a successful official visit to the United Arab Emirates. Upon arrival at Egal International Airport, the President and his delegation were warmly welcomed by Vice President H.E. Mohamed Aw-Ali Abdi, senior government officials, and other dignitaries. During the visit, President Irro held high-level discussions focused on strengthening diplomatic and economic ties between Somaliland and the UAE. Addressing the media, Minister of Foreign Affairs Hon. Abdirahman Dahir Adam Bakal and Minister of the Presidency Hon. Khadar Hussein Abdi emphasized the strategic achievements of the trip, underscoring that its positive impact will soon be reflected in the government’s development agenda and international cooperation efforts. The administration remains committed to fostering global partnerships that drive sustainable progress and enhance opportunities for the people of Somaliland. Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud received the credentials of eight newly appointed ambassadors during a Thursday ceremony held at the Presidential Palace in Mogadishu, marking another step in Somalia’s efforts to strengthen international partnerships. Source: Hiiraan Online
  16. Beledweyne (HOL) – The Somali National Army (SNA) and allied local forces have officially taken control of Jicibow in the Hiiraan region after intense fighting with Al-Shabaab militants on Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. US President Donald Trump has said he will follow through with his threat to hit imports from Canada and Mexico with 25% border taxes, known as tariffs, on 1 February. Source: Hiiraan Online
  18. Environment Cabinet Secretary Aden Duale has taken issue with Citizen TV for describing Garissa, Wajir, and Mandera counties as the “Somali region” during a news report. Source: Hiiraan Online
  19. WASHINGTON — As tensions flared between Somalia and Ethiopia last year, social media became a breeding ground for misinformation. Source: Hiiraan Online
  20. The President of the Republic of Somaliland, Dr. Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), has returned to the homeland following three-day working visit to the United Arab Emirates (UAE). The visit, conducted at the invitation of the UAE government, underscored the strengthening diplomatic and economic relations between the two nations. Upon his return, President Irro and his delegation were warmly received in Hargeisa by Vice President Ambassador Mohamed Ali Aw-Abdi, along with senior government officials. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation emphasized that the visit was instrumental in deepening bilateral cooperation and fostering strategic partnerships across key sectors. During his stay in Abu Dhabi, President Irro engaged in high-level discussions with senior Emirati leaders, focusing on expanding economic collaboration, security cooperation, and social development initiatives. The delegation reached key agreements and protocols of understanding aimed at enhancing investment opportunities in vital sectors such as livestock, agriculture, minerals, energy, and infrastructure. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs of Somaliland reaffirmed the UAE’s role as a valued economic and development partner, expressing confidence in the prospects for deeper cooperation. The ministry noted that the discussions are expected to pave the way for increased investment, trade partnerships, and long-term economic growth in Somaliland. “This visit marks a key milestone in the strengthening of Somaliland-UAE relations. The agreements reached will foster mutual prosperity, contributing to regional stability and development,” the ministry stated. The visit also highlighted the commitment of both nations to enhancing diplomatic ties and exploring new avenues for collaboration. The Somaliland government remains dedicated to deepening its regional and international partnerships in pursuit of economic progress and shared interests. With the successful conclusion of this trip, Somaliland continues to solidify its standing as a strategic partner in the region, attracting foreign investment and fostering global alliances for sustainable development. Qaran News
  21. Beledweyne (HOL) — A Somali National Army soldier was shot and killed Wednesday night in Beledweyne, the capital of the Hiiraan region, in what is suspected to be an attack by the Al-Shabaab militant group. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has issued a warning to local and international non-governmental organizations (NGOs), ordering them to cease any cooperation, whether direct or indirect, with militant groups Al-Shabaab and Daesh or face immediate suspension and legal consequences. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Heavy fighting erupted early Thursday in the Shangeed area, located between Qorilugud and Buuhoodle, as Somaliland and SSC Khaatumo forces clashed in the latest flare-up of violence over disputed territories. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro returned to Hargeisa on Thursday after concluding a three-day official visit to the United Arab Emirates, where discussions focused on investment in natural resources, agriculture, and job creation for youth. Source: Hiiraan Online
  25. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Muddo dheer, Soomaaliya waxay udub dhexaad u ahayd xasaradaha amni ee qaaradda Afrika. Dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan, dadaalladeeda ku aaddan xasillinta gobollada ay mudada dheer ragaadiyeen colaaduhu, iyo qorshaheeda isku-filnaanshaha, ayaa ka dhigay qodob si gaar ah ay isha ugu hayaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AU). Xilli askarta ku sugan furimaha dagaalka iyo siyaasiyiinta Muqdisho ay u halgamayaan sidii ay xaaladda u rogi lahaayeen, ayaa haddana waxaa jira hal shaqsi oo xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa si hagar la’aan ah uga shaqeynayay sidii loo hubin lahaa in Soomaaliya aysan helin oo keliya taageero militari, balse ay sidoo kale hesho taageero dhaqaale. Shaqsigaas waa Danjire Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (CPAPS). Tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Maarso 2021-kii, Adeoye wuxuu hormuud ka ahaa ololaha ku aaddan in Soomaaliya ay ka mid noqoto mudnaanta koowaad ee ajendaha Midowga Afrika, isagoo xaqiijinaya in Afrika ay door mug leh ka qaadato xallinta dhibaatooyinkeeda amni. Diblomaasiyadda arrimaha masiiriga ah Adeoye kuma cusba arrimaha diblomaasiyadda ee xasaasiga ah. Waa diblomaasi rug-caddaa ah oo u dhashay dalka Nigeria, khibrad ka badan afartan sano leh, wuxuuna hadafkiisa ka dhigtay in Midowga Afrika uusan noqon oo keliya hay’ad siyaasadeed oo bixisa bayaan, balse uu noqdo mid hadalladiisa ficil ku taageera. Intii uu xilka hayey, Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika – oo muddo dheer loo arkayey mid aan si fiican looga faa’iidaysan – ayaa bilaabay inuu gaarsiiyo taageero dhaqaale oo la taaban karo dadaallada ammaanka ee Soomaaliya. Falanqeeye arrimaha gobolka ka faallooda, oo ka hadlayey shaqada Adeoye, ayaa si kooban u yiri: “Isaga ka hor, Soomaaliya waxaa inta badan loo arkay dhibaato ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha. Hadda, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, wuxuuna miiska soo saaray dhaqaalihiisa.” Sanado badan, hawlgallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsanaayeen, ku dhawaad gebi ahaanba, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Mareykanka (US). Laakiin intii uu xilka hayey Adeoye, Midowga Afrika wuxuu bilaabay inuu isticmaalo dhaqaalihiisa si uu u maalgeliyo hawlgallada ka socda Soomaaliya. Sannadkii 2023-kii, Midowga Afrika wuxuu u qoondeeyay US$3.5 milyan oo laga soo qaatay Sanduuqa Kaydka Xasaradaha (CRF) si loo xoojiyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) loona taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD). Sannad ka dib, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo taariikhi ah isagoo ballan qaaday in ka badan US$19 milyan oo ka mid ah miisaaniyaddiisa – tallaabadaas oo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay inay xalliso arrimaheeda amni. U doodidda Adeoye ee ku aaddan Soomaaliya kuma koobna oo keliya dhanka maalgelinta. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) uu dejiyo istaraatijiyad diblomaasiyadeed iyo mid militari oo adag oo ku wajahan Soomaaliya. Wuxuu aaminsan yahay in ammaanka Soomaaliya aan lagu halleyn karin oo keliya awoodo shisheeye – balse ay tahay in lagu saleeyo xal Afrikaan ah iyo hoggaan Afrikaan ah. Shaqadiisa waxaa si joogto ah u taageeray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaasoo si isdaba joog ah ugu riixay ciidamada ammaanka Soomaaliya inay si weyn ula wareegaan sugidda amniga dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bixinayo taageero. Soomaaliya ayaa hadda gashay marxalad muhiim ah oo ku-meel-gaar ah, iyadoo ATMIS si tartiib tartiib ah loogu beddelayo Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Rajada ayaa ah in hawlgalkan cusub, oo ay barbar socoto maalgelinta Midowga Afrika iyo iskaashiga caalamiga ah, uu ka caawin doono Soomaaliya inay ku guuleysato nabadgelyo iyo isku-filnaansho waarta. Khatarta Al-Shabaab iyo caqabadaha horyaalla Si kastaba ha ahaatee, jidka loo marayo nabadayntu ma fududa. Al-Shabaab ayaa weli ah khatar joogto ah, xiisado siyaasadeed ayaa weli taagan, waxaana jira caqabado la xiriira dhanka maalgelinta. Hase yeeshee, markii ugu horreysay waxaa muuqata taageero dhaqaale oo dhab ah oo ka timid Afrika lafteeda, taasoo ay suuraggelisay dadaallada hagar la’aanta ah ee Adeoye. Iyadoo Adeoye uu hormuud ka yahay halgankan, ballanqaadka Midowga Afrika ee ku aaddan Soomaaliya ma aha hadal oo keliya – waa ficil ay barbar socdaan malaayiin doollar, laguna hiigsanayo Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, oo caggeeda isku taagta.