-
Content Count
211,092 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugan saldhiga Burjeedka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa saaka iska caabiyay weerar gaadmo ah, oo ay ku soo qaadeen mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab. Argagixisada oo isku dayay in ay qabsadaan saldhiga Burjeedka, islamarkaana saddex jiho ka weeraray ciidamada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana halkaasi looga dilay qaar kamid ah mileeshiyaadkooda, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay meydadka mileeshiyaadka argagixisada ah ee lagu dilay dagaalkii saaka, oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah, taasi oo muujinaysa in argagixisada Al-shabaab ay weli yihiin khatar caalami ah, sida ay aaminsan yihiin falanqeeyaasha ammaanka. Sidoo kale, boqollaal dadweyne ah oo taageersan guusha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka gaareen kooxda Al-shabaab ayaa saaka dul tegey meydadka mileeshiyaadkii lagu dilay saldhiga Burjeedka ee nawaaxiga Daynuunaay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dilay mileeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo soo weeraray Daynuunaay appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in Xalay fiidkiii ciidamada dowladda iyo Taliska AFRICOM oo iskaashanaya hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab. “Duqeyntan oo lagu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen si ay uga dhigtaan gabbaad, ayaa xogta hordhaca ah muujinaysa in lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.” “Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah sida Mareykanka, si loo labo jibaaro gulufka ka dhanka ah cadowga Khawaarijta ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deegaanada laga xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Degmada Aadan Yabaal oo laba sanno ka hor laga saaray Al-shabaab ayay shalay dib u qabsadeen dagaallamayaasha kooxdaasi, kaddib dagaal adag oo ay halkaasi kula galeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ee lagu magacaabo Macawisley. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn xalay ka dhacday degmada Aadan Yabaal oo Al-shabaab shalay qabsatay appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — A U.S. airstrike conducted in coordination with the Somali National Army (SNA) killed at least 12 Al-Shabaab militants, including senior commanders, in the Aden Yabaal district of the Middle Shabelle region on Wednesday night, the Somali government announced. Source: Hiiraan Online
-
Faransiiska ayaa dib ugu yeedhay safiirkiisii u fadhiyay dalka Aljeeriya, wuxuuna amray 12 diblomaasi oo Aljeeriyaan ah inay ka baxaan magaalada Paris, iyadoo khilaafka diblomaasiyadeed uu sii xoogeysanayo. Aljeeriya ayaa horraantii toddobaadkan masaafurisay 12 masuul oo Faransiis ah kadib markii mid ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Aljeeriya lagu xiray Paris, oo ku eedeysanna inuu ku lug lahaa afduubka mucaarad dowladeed oo halkaas ku noolaa. Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “mid aan marmarsiinno lahayn lana fahmi karin”. Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhka labada dal ayaa hoos u sii dhacayey bilooyin badan. Falanqeeyayaal ayaa khilaafkan ku tilmaamay mid aan horay loo arag tan iyo markii Aljeeriya ka xarrowday dalka Faransiiska sanadkii 1962. Waxaa jiray rejo laga qabay in xiisadda la dejiyo kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska uu toddobaadyo ka hor kulan kula yeeshay Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, magaalada Algiers. Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay waxa Faransiisku ku tilmaamay “hoos-u-dhac lama filaan ah oo ku yimid xidhiidhka labada dhinac”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot, ayaa sheegay in “mas’uuliyiinta Aljeeriya ay doorteen inay xiisadda sii kiciyaan”. Laakiin wasiir Aljeeriyaan ah oo lagu magacaabo Sofiane Chaib ayaa sheegay in muranka ugu dambeeyay ee “la been abuuray” uu salka ku hayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Bruno Retailleau, xilli uu xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal marayay “weji degganaan iyo kululaan”. Xidhiidhka labada dal ayaa xumaaday sanadkii hore markii Madaxweyne Macron uu ku dhawaaqay in Faransiisku aqoonsaday madax-bannaanida Morocco ee dhulka Western Sahara, isla markaana uu taageeray qorshe u oggolaanaya dhulkan muranka lagu muransanyahay in uu helo madax-bannaani xaddidan. Aljeeriya waxay taageertaa jabhadda madaxbannaanida u dagaalanta ee Polisario Front ee Western Sahara, waxaana loo arkaa saaxiibkooda ugu weyn. Qoraaga Faransiis-Aljeeriyaanka ah ee Boualem Sansal ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Algiers bishii Nofeembar, waxaana bishii la soo dhaafay lagu xukumay shan sano oo xabsi ah. Madaxweynaha Faransiiska ayaa dalbaday in lasii daayo qoraagan oo 80 sanno jir ah, qoraagan ayaa mar uu lahadlaayay warbaahinta midigta fog ee Faransiiska sheegay in xiligii gumeysiga uu Faransiisku siisay dhul badan dalka Aljajeeriya halka dhinaca kale waxyar uu siiyay wadanka Morooko. Dacwad-oogayaashuna waxay sheegeen inuu khatar geliyay amniga qaranka kadib hadallo uu jeediyay oo la sheegay inay su’aal geliyeen xuduudaha wadanka Aljeeriya. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Retailleau ayaa si sii kordhaysa ugu lug yeeshay khilaafkan, kadib markii dowladda Aljeeriya ay diiday inay aqbasho ku dhawaad 60 Aljeeriyaan ah oo wasaaraddiisa ku tilmaantay “halis” islamarkaana uu rabo in laga saaro Faransiiska. Retailleau ayaa sheegay in weerarkii mindida lagu dilay ee dhacay bishii Febraayo magaalada Mulhouse ee bariga Faransiiska uusan dhici lahayn “haddii Aljeeriya ay u hoggaansami lahayd sharciga iyo waajibaadkeeda”. Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa isku dayay inuu dejiyo xaaladda markii uu dhamaadkii bishii hore wadahadal dheer oo “furan, saaxiibtinimo leh” la yeeshay dhigiisa madaxweynaha Aljeeriya. Barrot ayaa isna kulankaas ka daba tegay booqasho uu ku tagay Algiers, isagoo sheegay in “Faransiisku rabo inuu bog cusub u rogo xiisadda hadda taagan”. Laakiin xidhiidho heer sare ah ayaa ku guul daraystay in ay wax libin ah kasoo hoyiyaan xiisadda cakiran ee u dhexeysa labadan wadan si’ay xal rasmi ah uga gaadheen waxyaabaha laysku hayo. Iska horimaadka ugu dambeeyay wuxuu qarxay kadib markii sarkaal ka tirsan qunsuliyadda Aljeeriya la xidhay jimcihii la soo dhaafay, iyadoo lala xidhay laba qof oo kale, arrin la xidhiidha afduubkii bishii Abriil 2024 loo geystay Amir DZ, oo ah nin mucaarad ah oo Aljeeriyaan ah kuna nool dibedda. Amir DZ, oo caan ku ah dhaleeceynta dowladda Aljeeriya isla markaana haysta in ka badan hal milyan oo raacsan baraha bulshada ayaa ugu dambeyn waxaa lagasii daayay meel keyn ah. Aljeeriya oo arrintaas aad uga cadhootay waxay sheegtay in xadhigga sarkaalka qunsuliyadda uu ahaa mid lagu “ceebeynayo” Aljeeriya, waxayna uga jawaabtay arrintaas iyadoo amartay in dalka laga saaro 12 masuul oo Faransiis ah, kuwaasoo ay sheegtay inay dhammaantood hoostagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska. Sofiane Chaib, xoghayaha arrimaha dawladda ee Aljeeriya, ayaa telefishinka qaranka u sheegay Talaadadii in Retailleau uu “mas’uul ka yahay xaaladdan cusub oo dhan”. Retailleau ayaa isaguna sheegay in ay “aan la aqbali karin in Faransiisku noqdo meel ay sirdoonka Aljeeriya ku ciyaaraan”. Paris ayaa Talaadadii dambe uga jawaabtay arrintaas iyadoo masaafurisay 12 diblomaasi oo Aljeeriyaan ah, waxayna dib ugu yeedhatay safiirkeeda Stéphane Romatet si wadatashi loo sameeyo. Dhanka kale, Barrot ayaa sheegay in safiirku ku soo noqon doono Paris muddo 48 saacadood gudahood ah, balse wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ugu dambeyn khasab ku noqon doonto inay dib u bilowdo wadahadal lala yeesho Aljeris. “Haddii aan rabno natiijooyin u wanaagsan shacabka Faransiiska, goor hore ama goor dambe waa inaan la yeelannaa wadahadal furan, degan, kana turjumaya runta,” ayuu yidhi. Bbcsomali Qaran News
-
Prime Cabinet Secretary Musalia Mudavadi has refuted the accusations that Kenya has been supporting Sudan's Rapid Support Forces (RSF) in the ongoing war with the Sudanese Armed Forces. Source: Hiiraan Online
-
Inter knocks out Bayern to move into Champions League semis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Inter Milan advanced to the Champions League semifinals after a 2-2 draw against Bayern Munich at San Siro on Wednesday, securing a 4-3 aggregate victory. Source: Hiiraan Online -
Growing cooperation areas have strengthened relations between Türkiye and Somalia, Mogadishu’s top diplomat says, hailing Ankara’s mediation for regional challenges Source: Hiiraan Online
-
Hogaaminta lagu sheegaya. Waa in aan caadifaddu ku hogaamin
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hogaaminta lagu sheegaya. Waa in aan caadifaddu ku hogaamin. Waa in aanad degdegin. Markaad wax ka go’aan qaadeyso. Mujtamac kala aragti duwana aad hogaamineyso. Hadana go’aanka hoogaamineed aad qaadeysa dhamaantood wadda sameynayo. Waxaan xasuusta intii aan xukumadda waddani xukunka iman ee aanu xisbiga mucaradka aheyn mudadidi 13 sano aheyd. Jid dheer baanu soo marney oo wajiyo kala duwan lahaa. Inta badan safaradda dibadda Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro waanu is raaci jirney. Dhowrjeerna dalka shirar waan kala qeyb galley. Tageerayasha xisbiga wadda dhamaantood marka xukumadda kulmiye wax sameyso ama dad la xidhxidho ama doorashadda ila meeraysadii badneyd sameyso. Intooda badani tageerayaasha waddani wey xanaaqi jireen. Waxeyna odhan jireen sidaas hala yeelo. Markaasey telephone qabsan jireen iyagoo leh waa in aan la yeelin. Mararka qaarkood madaxweyne ciro fadhiya bey qeylin jireen oo canaan jireen. Wax ceeba umu arki jirin. Waxuse u sheegi jirey nuxurka go’aanka xisbigu qaatey. Waxuna odhan jirey nagula shaqeeya dalka lexejeclo inaga heysa. Taasana guusha keeneysa Waxu sameyn jirey aad buu u dhageysan jirey. Waxuna qiimeyn jirey fekradaha. Waxuna dulqaad u lahaa canaan iyo aragtida tageerayaashiisa kala duwan inuu dhageysto. Hadaba waxaan uga socda faaladan waxu qiimeyn jirey waxii suurta gala. Waayo dadkani xogogaal ma wadda ahaa. Balse fekerka wanaagsan wuu ka qaadan jirey ee talo qabeenimaddu ka muuqato Sababtoo ah dadka qaarkood sharciyadda la isku hayo ma fahamsana. Qaarkood caadifad bey u dhasheen. Kuwana waa xogogaal balse markey buuqa arkaan bey iska amuusayaan. Qaarna waxey isku dayi jireen iney dadka u waramayaan ama qanciyaan Nuxurka waxaan uga socda hadda siduu dalka ku hogaaminaya noqon meyso dad Social media ka qeyliya oo leh maxaa xukumaddu sidaas u yeeli weydey in sheekadda facebook iyo TV nin iska hadley lagu go’aan qaato. Iyadoo hadana xukumaddani waxii lagaga aragti duwan yahey qiimeyneysa ee dalka iyo dadka dan u ah. Waayo Madaxwaynaha masuuliyaddi shaley saarneyd mid ka culus baa saaran maanta. Marwalba waxu taladda qaranka ku higaaminaya xog rasmiya iyo go’aan qadasho masiiri ah oo mustaqablka qarankeenu u aayo. Taaso aan ku dhisneyn laab lakac iyo caadifadd Haddey noqoto dagaladda diplomasiyadeed ee ku saleysan xaaladda Geeska. Haddey noqoto faro gelinta xukumadda Villa Somalia. Waxa intaas inoo dheer waxii gudaheena ah waxu ku hogaaminaya biseyl wayeeltinimo iyo waayo aragnimo hogaamineed oo ku saleysan walaleynta iyo wadda jirka shacabka Somaliland. Jidwalbana wuu u maraya. Taasi waxey keeneysa in dhamaan haldoroka Somaliland oo dhan uu soo dhoweysto. Waxii xograsmiya ahna u helo si hufan. Kuna gudooniye golahiisa xukumadda ee fulintu kula shaqeyaan. Golayaasha qaranka iyo shacabkuna ku barbar taagan yihiin. Dowladdnimaddewnu markaas waxey noqoneysa mid hanaqaadey oo masiirka go’aamadda ka soo baxaya cid walo kaleba inagu tixgaliso. Dowladaha caalamkuna inoogu soo joogsadaan. Inaguna ixtiramaan inagoon cidna u hamraneyn. Taasa guusha qarankeenu ku jirta Somaliland Guul Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News -
Baydhabo – Saakay aroortii hore ayaa dagaal culus uu ka qarxay bannaanka magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Maayafuulka, halkaas oo dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed. Dagaalka oo la sheegay inuu socday saacado badan ayaa ahaa mid aad u culus, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sida ay wararku sheegayaan, weerarkan waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada ku dhow Daynuunaay iyo Maayafuulka oo ka tirsan gobolka Baay, meel aan ka fogeyn Baydhabo. Maamulka Koofur Galbeed ayaa si degdeg ah uga hadlay weerarka, waxayna sheegeen in ciidamada ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab. Xaaladda deegaanka ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar adkaata helista xog rasmi ah sababo la xiriira hakadka ku yimaada isgaarsiinta. Balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay maxaabiis ka qabteen kooxda. Source: goobjoog.com
-
heerarkii ay soo mareen wada-hadallada DFS iyo Soomaaliland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba joojisay wada-hadalladii kala dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo jiitamayay taniyo sanadkii 2012-kii, ayadoo DFS ku eedeysay in ay ka leexatay wadadii nabadda iyo wada-xaajoodka, ka dib markii Ra’iisul Wasaare Xamse uu booqday magaalada Laascaanood ee maamulka SSC-Khaatumo. Wada-hadallada labada dhinac ay soo billowday sanadkii 2012-kii, ka markii shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London laga soo saaray in DFS iyo Xukuumadda Soomaaliland ay wada-hadallo toos ah yeesheen, islamarkaana beesha caalamku ay kaalin weyn ka qaadato arrintaas. Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horreeyey ee fool ka fool oo ay isu soo hor fadhiistaan masuuliyiin ka kala socata labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, sanadkii 2012-kii, xilligaas oo ay xukunka hayeen madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kulamadii London waxay labada dhinac waxay isku afgarteen in wada-hadallada la sii wado iyo in madaxda labada dhinac ay yeeshaan kulamo toos ah, waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in layska kaashado ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo burcad-badeedka. Sanadkaas 2012-kii waxaa dalka Isku tagga Imaaraadka carabta ku kulmay madaxweyne Shiikh Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo, sanadkii xigey ee 2013 waxaa magaalada ankara ee dalka Turkiga ku kulmay wufuud ka kala socatay labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo. Shirka ankara oo uu goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo xilligaas Ra’iisul Wasaare ahaa iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda Axmed Daud oglu waxaa laga soo saaray qodobo ay kamid ahaayeen: xoojinta nabadgelyada gobolka, wadaagista xogaha ammaanka, wadaagista deeqaha iyo tababarrada, iyo in 90 cisho gudahood mar kale Turkiga laysku arko. Bishii July, sanadkii 2013-kii shir ay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku yeeshaan hoggaamiyaasha labada dhinac iyo wufuud la socatay ayaa laga soo saaray heshiis ay ugu muhiimsanayd in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulaysay taniyo 1991-kii, islamarkaana xarun looga dhigo magaalada Hargeysa. January 2014-kii shir ka dhacay isla Magaalada Istanbul ayay labada dhinac ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii maamulka hawada loogu wareejin lahaa dhanka Hargeysa. Isla sanadkaas 2014-kii Jabuuti ayaa mar kale laysku arkay, waxaana lagu heshiiyey in wada-hadallada dib loo billaabo, sanadkii xigey ee 2015-kiina shir ka dhacay Turkiga ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay kamid ahaa: inaan la siyaasadayn arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo hormarka. Wixii ka dambeeyay shirkaas wada-hadallada tooska ah ee labada dhinac muddo 5 sano ku dhow ayay hakad geleen ilaa la gaaray bishii June, sanadkii 2020-kii, xilligaas oo bishii Febraayo ay Farmaajo iyo muuse Biixi ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, bishii June ee isla sanadkaas dalka Jabuuti ay isugu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi. Bishii December, sanadkii 2023-kii ayuu kulankii ugu dambeeyay labada dhinac ku dhex maray Jabuuti, balse maalmo yar ka dib waxaa soo shaac baxay is afgaradkii buuqa badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Soomaaliland, kaas oo loo arko inuu kala fogaanshihii iyo xiisaddii ugu sarreysay ka dhex abuuray dhinacyada. Markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro waxaa rajo weyn laga qabay in wada-hadallada iyo macaamilka asn tooska ahayn DFS iyo Xukuumadda SL ay wax iska badeli doonaan, balse faragelinta shisheeye, aqoonsiga aan la hubin ee Mareykanka laga filayo, iyo arrimaha SSC-khaatumo ayaa keenay in Soomaaliland ay gebi ahaanba joojiso wada-hadalladii. Si kastaba muddada dhawr iyo tobanka sano ah ee ay wada-hadalladu socdeen labada dhinac marna iskuma afgaran wax ka baxsan sii wadista wada-hadallada, ka wada-shaqaynta ammaanka, arrimaha bini’aadantinimada, maamulka hawada iyo fududeynta isku socdka labada dhinac. Source: goobjoog.com -
Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu duulaan dhanka dhulka ah ku qaado dalka Yemen, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dowladda Iran, waxayna Washington dadaal xoogan gelinaysaa inay duulaankaas qeyb ka noqdaan dalalka gobolku. Boqortooyada Sucuudiga ayaa dhowaan shaacisay inaysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka howlgalkaas oo ay u aragto mid nabad-gelyadeeda halis gelin kara, balse warar ay warbaahinta Carabta iyo reer galbeedku baahiyeen ayaa sheegayay in dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ay qorshahan si weyn ugu gacansiinayso maamulka Trump, islamarkaana ay isku dayayso inay dowladaha carabta ku qanciso inay ku biiraan howlgalkaas. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa’se ka soo xigatay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ee Arrimaha siyaasadda in wararka ku saabsan ka qayb-galka Imaaraadka ee wada-hadallada ku aaddan duulaanka Yemen ay yihiin kuwo been-abuur ah oo sal iyo raad lahayn. Mareykanka ayaa dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, iyo Masar u arka xulafadiisa ugu muhiimsan ee kaalin weyn ka qaadan kara gulufka militari ee uu ku qaadayo kooxda Xuutiyiinta, balse dalalka ayaa u muuqda inay xilligan diyaar u ahayn ka qeyb-galka duulaankaas, ayadoo ka cabsi qaba in nabad-gelyooda guduhu ay halis gasho maadaama ay Xuutiyiinta haystaan gantaallo ay meel walba oo gobolka kamid ah ku garaaci karaan. Source: goobjoog.com
-
AQORCb5xw6m2CgXJOYbi2eg5KifXXfTj05Nh9vCa8vGBmgE1D_-mLtrYnIhw80THF15pdoGKQZEszKIUviaOYFDY Qaran News
-
I am a father to an extraordinary 24-year-old autistic son and co-founder of Daryeel, I’ve seen firsthand how proper support can transform lives. This year’s event, held on 11 April 2025 in London, went beyond awareness; it celebrated neurodivergent excellence and confronted systemic barriers within our communities. Source: Hiiraan Online
-
FIDMADII AY LAASCAANOOD KA WADEEN WAXAY KA QARAXDAY AADAN YABAAL SOOMAALIYA. Sida laga Wada warqabo waxay waqti dheer colaad ka hurinayeen dawladihii soomaaliya dalka Somaliland, taas oo ay u danbaysay Laascaanood oo uu fashil siyaasadeed uu iskaga gudbayay xamse joogitaankeeda. Waxay ku uruuriyeen laascaanood hub iyo ciidan wixii ay karayeen iyagoo doonayay waqti dheer inay ku dumiyaan s. Land. Haddaba booraan hadimo ha qodin haddaad qodidna ha dheerayn, shirqoolkii ay s. Land la rabeen wuxuu maanta ka dhacay aadan yabaal oo ah meel ka muhiimsan laascaanood, siday u docotona AS waxay qabsanaysaa soomaaliya. Dadka reer s. Land waxa la gudboon inay boogahooda dhaydaan oo ay ka fiirsadaan cidday wax u diranayaan Waayo waqtigan waxa innagu badatay danlley ka ganacsata masiirka ummadda oo carqalad ku ah maamulka. MAHADSANID. CABDI BACAW.. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Foreign Minister of the Federal Republic of Somalia, Ahmed Moallim Fiqi, responded to a tweet by Faisal Ali Warabe, a Finnish-Somali politician based in Hargeisa. “God is great. All we expect is that Al-Shabaab will take over Somalia in May or June,” Warabe tweeted in Somali. Fiqi took Warabe to task over expressing support to Al-Shabaab. His support for an internationally proscribed organisation drew the attention of Fiqi, who accused the “Somaliland administration” politician of openly supporting a terrorist group. “Your remarks reflect stupidity. You have already allowed your child to join ISIS, and now you have clearly aligned yourself with Al-Shabaab. Warabe must be blacklisted,” the Foreign Minister of Somalia tweeted. Pro-secession social media activists have been exaggerating the hit-and-run attacks by Al-Shabaab terrorists in parts of Hirshabelle. © Puntland Post, 2025 The post Somalia Foreign Minister Lashes Out at Pro-Al-Shabaab Tweet by Finnish-Somali Politician in Hargeisa appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland ayaa kudhawaaqday in ay laashay wada hadalkii kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka eeSoomaaliya, waxayna cambaareysay safarkii RW Xamse ee magaalada Laascaanood, oo ay kusifeysay xadgudub. Somaliland ayaa ku eedeysay in ay DF Soomaaliya dooratay jidka xabadda & dagaalka, ayna ka gudubtay xeyndaabkii sharciga & nabadda. Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan diyaar u aheyn in la sii waddo wadahalada laba dhinac. Xukumadda Somaliland Waxay sheegtay in maxaabiista Ra’iisal Wasaaruhu keenay Xamar aanay ahayn Maxaabiis Dagaal, Wax Wada-hadal ah oo ay la samaysay Soomaaliya oo ku sahabsan maxaabiistuna aanay jirin. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Soomaaliya ayaa dhawaan booqday Magaalada Laascaanood ee SSCKHAATUMO. booqashadan Ra’iisul Wasaaraha waxa si weyn uga Carloway Somaliland. Source: goobjoog.com
-
Qardho (Wararka PP) — Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay aqoonsiga buuxa ay siisay maamulkii ku meelgaarka ahaa ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo. “Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh u soo booqashadii uu Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ku tagay gobolka Sool, taas oo lahayd muhimad gaar ah. Sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa in dowladda federaalku u aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo dowlad goboleed la mid ah maamullada dalka ka jira.” Boqor Burhaan oo ah hoggaanka dhaqameedka ugu sarreeya beesha Daarood wuxuu ku baaqay “in nabad lagu wado-noolaado, la ilaaliyo derisnimada iyo ehelnimada ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed dhinackasta oo ay jooggaan.” © Puntland Post, 2025 The post Boqor Burhaan oo soo dhoweeyey aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay maamulka SSCK appeared first on Puntland Post.