-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu lacag dhan 50 milyan oo Euro ka aqbalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay. Sarkozy, oo horey loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi. Sarkozy waxaa hareeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas. Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay. Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka. Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah.
-
Former President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed: “I call on the Somali people to stand by their soldiers and refrain from feuding. I urge the Federal Government leaders to support the counterterrorism operations launched by Puntland State to eliminate ISIS terrorists who pose a threat to our government institutions and nation.” Mogadishu (PP News Desk) — The Former President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed, sent a congratulatory message to Puntland State of Somalia today. “I congratulate the Puntland State government for the unity and cohesion its citizens have shown to the brave soldiers on the frontline, fighting terrorists,” reads a message from the former president. “I call on the Somali people to stand by their soldiers and refrain from feuding. I urge the Federal Government leaders to support the counterterrorism operations launched by Puntland State to eliminate ISIS terrorists who pose a threat to our government institutions and nation,” the former president added. More than 100 ISIS fighters have surrendered to Puntland State defence forces. “Many of the ISIS fighters are seeking an opportunity to defect. They know they are being used for a wrongful cause,” said one of the men who surrendered yesterday. © Puntland Post, 2025 The post Former President of Somalia Congratulates Puntland for Counterterrorism Operations appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo ugu yaraan todobo falastiiniyiin ah ku dilay Rafah iyo Bureij,kadib markii saacadihii u dambeeyay ay weeraro xagga cirka ah ku qaadeen deegaanadaasi oo dhaca Gaza. Duqeymankaan cusub ayaa daba socday saddex maalmood oo weerarro xooggan ay Israel ku dileen ilaa 200 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza. Weerarada ka imaanaya ciidamada Israel ayaa sii socda,xilli siddeed carruur ah ay u dhinteen qabowga jiilaalka ,iyadoo Israel ay sii waddo xaddidaadda gelitaanka sahayda bani’aadanimo ee hey’adaha samofalka ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka jira Gaza. Dhanka kale,waxaa socda wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo Israel ,inkastoo labada dhinac ay ku muransan yihiin faahfaahinta heshiis xabbad-joojinta iyo sida ay u daneynayaan soo afjaridda dagaalka. Xamaas ayaa dooneysa in si buuxda loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah ,isla markaana la is-dhaafsado maxaabiista ,halka Israel ay daneyneyso in la kala waeggsado maxaabiista. Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka Gaza ayaa lagu sheegay ugu yaraan 45,805,halka dhaawacana lagu qiyaasay 109,064. PUNTLAND POST The post Israel oo duqaysay marinka Gaza dhinacna kala xaajoonaysa Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ku qaadeen argagixisada Daacish. “Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada” ayuu yiri Farmaajo Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Hawlgalkaasi ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda horumarka dalka “Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan Isirka Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso Qoraalka Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay Puntland ku garab istaagto dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray dagaalka Puntland ay ku qaaday Khawaarijta Daacish, isagoo maamulkaas ku bogaadiyey taallabada uu qaaday, farriina u diray dowladda federaalka. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay uga sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo: Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna. Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto. Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed. Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kiis culus ayaa soo galay daladda Gaadiidleyda Gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyey inay la shaqeeyaan Al-Shabaab oo weliba la keenay cadeymo muujinaya xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa daladda Gaadiidleyda iyo kooxda Al-Shabaab. Guddi gaadiidley ah ayaa go’aansaday in sirtaan ay banaanka keenaan, kadib markii lagu dhibaateeyey wadooyinka oo xogtooda lala wadaagay Al-Shabaab, guddigaas oo wata cadeymo rasmi ah ayaa hadda doonaya inay la kulmaan oo xogtaan la wadaagaan madaxda qaranka. Gadiidleyda wajahday culeyska Al-Shabaab uga yimid ayaa warbaahinta u sheegtay inay cadeymo u hayaan in boonada ay daladaasi u jarto ay Shabaab u soo diraan, kadibna ka qaataan lacag badan, xili dowladdu ay mamnoocday in Shabaab dhaqaale la siiyo. Marar badan ayaa horay Shabaab inay la shaqeeyaan loogu eedeeyey xubnaha daladaas, halka Al-Shabaab ay gaadiidleyda toos ugu sheegeen in maskax iyo dhaqaale badan uu uga baxay dhismaha daladaas, sidaas darteedna aysan ogoleyn in la kashifo. Gaadiidleyda ayaa loo hanjabay, muddo dheer ayey aamusnaayeen, balse hadda waxay sheegeen inay go’aansadeen in gumeysiga Al-Shabaab iyo daladaas la shaqeysa aysan ku sii hoos jirin. Gaadiidleyda warbaahinta la hadashay waxay sheegeen in dowladda ay u ogolyihiin lacag ka badan canshuurta ay hadda ka qaado, balse waxay codsadeen in la burburiyo dalladaan xogtooda la wadaagta cadowga Al-Shabaab oo dhaqaale xad dhaaf ah ka qaata, hanjabaad joogto ahna ku haya. Sidoo kale gaadiidleyda la hadashay warbaahinta, waxay sheegeen rasaakiisha hey’adaha amniga ay la wadaageen xogtaan, balse ay waxaba ka qaban waayeen, waxayna hadda codsanayaan in madaxda qaranka ay la kulmaan, si cadeymaha kiiskaan ay ula wadaagaan. Daladda laga cabanayo ee gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa la dhisay 2020 xiligaas oo lagu eedeeyey inay Shabaab ku soo dhiseen gobolka Sh/Hoose, xiligaas waxaa Agaasimaha NISA ahaa Fahad Yaasiin, waxaa la xiray xubnihii guddiga, balse is faham dhacay ayaa lagu fasaxay guddigaas oo iska sii wata shaqadiisa. Daladaan laga cabanayo ee Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa shati ka heysata maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ka shaqeysaa oo waajibaadkeeda kamid ah, Xakameynta jaamka ama saxmadda gaadiidka magaalada Muqdisho, yareynta xamuulka xad-dhaafka ah iyo ka shaqeynta dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Muqdisho.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM u jira magaalada Kismaayo, dhanka waqooyi galbeedna ka xiga lagu diley dagaallamayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. Hawlagalkan ayaa lala beegsaday koox ka tirsan Alshabaab oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay weerar qorshaysan qaadaan, kaas oo laga war helay, islamarkaana laga hortagey sida ay sheegtay dowladdu. inta la xaqiijiyay xubnaha lagu dilay hawlgalka ayaa gaaraya ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka, sida lagu xusay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay. Source: goobjoog.com
-
Somaliland oo dib u eegis ku sameynaysa heshiiskii Itoobiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaacisay inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskii is-afgarad ee xukuumaddii hore la gashay dowladda Itoobiya. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in is-afgaradkaas ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan haddii uu isku dheeli-tirayo danaha labada dhinac, haddii kalena ay ka fiirsan doonaan. Wasiir Cabdiraxmaan Daahir oo maanta la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii mucaaradka ee kasoo horjeeday is-afgaradkaasi kahor inta aysan ku guuleysan madaxtinimada Somaliland. “Mou-ga waxaan uga soo horjeeday mad-madow badan ayaa ku jiray, waxaa Itoobiya sheegayso iyo waxa madaxweynuhu sheegayo ayaa kala duwanaaday,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas kusii daray “Itoobiya waxay tidhi, marka badda nala siiyo kadib ayaannu ka fikiraynaa ictiraafka, halka madaxweynihii hore uu sheegayay wax ka duwan taas.” Sidoo kale wuxuu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii Somaliland ay dal madax-bannaan u noqon lahayd, xiriiro laga wada faa’iidaystana ay adduunka ula yeelan lahayd. “Haddii uu ina anfacayo oo ictiraafkeenu ku jiro, annaga ayaa ka jecel cid walba in aanu ogolaanno. Waanu eegi doonaa, waanu ka balansannahay. Itoobiyana intaa ayaannu u sheegnay, way inoo fududaanaysa haddii dalalka jaarku ina ictiraafaan,” ayuu yiri. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa imanaya sanad kadib iyadoo is-afgaradka Itoobiya aan loo beddelin heshiis rasmi ah, islamarkaana uu heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ee Ankara markale sii xumeeyay rejada laga qabo hirgelinta is-afgaradkaasi. -
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay duqeyn culus oo ka dhacday deegaan u dhow magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Howl-galkan oo ay wadajir isaga kaashadeen ciidanka qaranka Soomaaliya iyo ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howl-galkan ayaa lagu bur-buriyay koox ka tirsan Al-Sjabaab oo isoo abaabushay, islamarkaana damacsanaa inay soo qaadaan weerar qorsheysan, sida lagu sheegay bayaan kasoo wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Howlgalka ayaa waxaa looga hortagey waxyeeladii ay doonayeen inay geystaan kooxda ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray maleeshiyaadka la duqeeyay ayaa inta la xaqiijiyay gaareysa illaa 10 dhimasho ah. Mana jirto wax khasaare ah oo duqeyntan kasoo gaaray dadka rayidka, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. “Ciidanka qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiin waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo ka hortagga weerarrada abaabulan ee kooxdu ku doonayso in ay ku dhibaatayso shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka dowladda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ayaa maanta si rasmi ah xilkii u wareejiyay, kadib muddo si weyn loogu weerararay xilkaas. Munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu maanta ra’iisul wasaadaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu xilalka ugu kala wareejiyey wasiirrada wasaaradaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada iyo qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka. Sidoo kale wuxuu xusay in wasaaradda qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka ay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Mudane Xamza ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada wasiir uga mahad-celiyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan. Si kastaba, wasiirkii hore ee qoyska Bashiir Goobe ayaa kahor inta aan laga beddelin wasaaradda wuxuu dhalleeceyn xooggan kala kulmayay qaar kamid bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay wasaarad si gaar ah u metesha haweenka.
-
Maanta oo taariikhdu tahay January 05, 2024 waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacay shir muhiim ah oo ku saabsan adkaynta Nabadgelyada Galbeedka Gobolka Mudug una dhaxeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Galmudug. Shirkaan oo daba socday shirweynihii dardargelinta Nabadaynta Gobolka Mudug ee ay labada Madaxweyne, Madaxweynaha Dawladaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay si wadajir ah magaalada Gaalkacyo uga fureen 14 September 2024, ayaa maanta waxaa ku kulmay guddi ay labada Madaxweyne u soo direen in xal waara laga gaaro colaadda Galbeedka Gobolka Mudug. Guddiga Golaha Wasiirada labada Dawladood oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Mudug labada dhinac iyo maamulka Degmada Gaalkacyo labada dhinac, Agaasimeyaal Guud, xubno ka mid ah madaxda labada Dawladood ayaa ka hada hadlay si ugu haboon ee lagu gaari karo xal waara oo nabadeed oo ka dhalata Galbeedka Gobolka Mudug. Shirku intuu socdey waxaa lagu lafa-guray muhiimadda nabadda, wadda-noolaanshaha, Isdhexgalka bulshada, wax wada-lahaanshaha iyo faa’iidooyinka ku jirta guud ahaan Bulshada ku nool Gobolka Mudug. Masuuliyiinta ayaa intii shirku socday isla garowsaday muhiimadda ay u leedahay nabaddu Horumarinta iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Mudug, waxaana la isla qaatay in si wadajir ah looga hor-tago dhammaan shaqaaqooyinka iyo ficilladda liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada ku nool Gobolka Mudug. Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Puntland Mudane Yacquub Maxamed Cabdalle iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dawladda Galmudug Mudane Maxamed Talyaani ayaa si wada jir ah u jeediyey Warbixinta kooban ee shirkii maanta dhacay. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo Maanta Shir ka yeeshay Nabadaynta galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dhulgariir cabbirkiisu gaarayo 5.8 ayaa ku dhuftay dalka Itoobiya sida ay sheegtay xarunta cilmi baarista ee Jarmalka. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dhulgariirka, balse dildilaac ayaa ka muuqday waddooyinka. Hay’adda Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ilaa 80,000 oo qof ay ku nool yihiin meelaha ay dhibaatadu ka dhacday, waxaana dadka ugu nugul iyo kuwa danyarta ah loo rarayey guryo ku meel gaar ah. Guddiga Maareynta Khatarta iyo Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in ay u daadgureeyeen in ka badan 20,000 oo qof degaannada nabdoon ee Canfarta iyo Oromiya, marka la isku geeyo in ka badan 51,000 oo qof ayaa weli “khatar ku jira”. Waxaa socda qorshayaal lagu rarayo in ka badan 8,000 oo qof oo ku nool Oromiya “maalmaha soo socda,” ayay hay’addu ku tiri hadal ay soo saartay. Dhulgariirku wuxuu waxyeeleeyay guryo khadiimi ahaa iyo buurta Dofan una dhaw Siginto ee waqooyi bari gobolka Canfarta. In kasta oo foolkaanadu ay joojisay qiiqii soo baxayay, haddana dadkii ka agdhawaa waxa ay ka tageen guryahoodii iyagoo argagaxsan. Jimcihii ayay warbaahinta Itoobiya sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya inay foolkaanooyin ka qarxaan gobolka Canfarta, iyadoo muuqaal laga soo duubay uu muujinayay qiiq iyo boor kasoo baxayay godka buurta Doofan, kaasoo ku yaalla mid ka mid ah deegaannadii dhawaan uu saameeyay dhul-gariirkii dhacay ka dhacay Itoobiya. Muuqaal uu mac-hadka cilmiga dhulka ee Itoobiya (Ethiopian Geological Institute) soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa waxaa la arkayay qiiq aad u badan oo ka soo baxaya buurtaasi. Cabdu Cali oo ah madaxa maamulka Canfarta ayaa u sheegay shabakada wararka ee Itoobiya FBC in hawsha daadgureynta ay socoto si looga hortago in dhibaato ay gaarto shacabka. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Shiferaw Teklemariam oo ka tirsan guddiga maaraynta khatarta masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in dhulgariirku uu noqday mid aad u sarreeya oo xoog badan, dadka deegaanka ayaa sidoo kale gariir ka dareemay magaalada Addis Ababa. Teklemariam waxa uu intaasi ku daray inay goor hore tahay in hawshan loo kala saaro mid foolkaano ah, balse ay maamulku qaadayaan taxadarka lagama maarmaanka ah. Dalka Itoobiya ayaa 24-saac gudahood waxaa ku dhuftey 10 dhul-gariir, taasoo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in dhulgariir soo noqnoqda. Sida laga soo xigtay Sahanka Juquraafi ee Maraykanka, dhulgariir xooggan oo u dhexeeya 4.3 ilaa 5.1 cabirka Richter scale ayaa ka dhacay agagaarka Volcano Fentali ee gobolka Awash ee Rift Valley. Aadam Bahi oo ah maamulaha degmada Awash Fintaale oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhulgariirku uu ku qasbay kumanaan qof in ay ka barakacaan guryahoodii, iyadoo qoysasku ay hadda u baahan yihiin hoy, cunto iyo agabyo kale oo aas aasi ah. Khubaradu waxa ay u sababeeyeen gariirada iyo foolkaanada in ay sabab u tahay balaarinta taarikada tectonic ee hoos timaada wabiga weyn ee Rift Valley ee bariga Afrika, oo ah aag caan ku ah degenaansho la’aanta juqraafiyeed. Isha: BBC
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyay Wasiirada Deegaanka iyo Qoyska appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan. Source: goobjoog.com
-
In 1903, a deal was struck between the United States and Cuba that would leave an enduring mark on international relations. The agreement gave the U.S. control over Guantanamo Bay, ostensibly as a lease. Over a century later, Cuba’s attempts to reclaim this piece of its sovereign territory have been repeatedly denied, leaving Guantanamo as a stark reminder of the dangers of signing away land, even temporarily. Today, Somalia faces a similar challenge. Ethiopia, a landlocked nation with ambitions for sea access, is reportedly seeking a lease arrangement akin to the 1903 Guantanamo deal. Somalia must tread carefully. Any such agreement could result in the permanent loss of Somali territory or strategic assets, no matter how it is framed initially. A Lease That Never Ends The 1903 Guantanamo agreement seemed simple at the time. It granted the U.S. use of the bay for naval purposes in exchange for an annual payment to Cuba. However, the deal’s terms were heavily skewed in favor of the U.S., leaving Cuba with little to no power to terminate it. Even as geopolitical tides shifted and Cuba sought to reclaim the land, the agreement stood firm, enforced by the military might of the United States. This historical precedent should serve as a cautionary tale for Somalia. Any lease signed today could be nearly impossible to revoke, especially if Ethiopia builds infrastructure or establishes a permanent presence. Agreements that appear beneficial in the short term can have devastating long-term consequences. Why Ethiopia Wants a Lease Ethiopia’s desire for sea access is no secret. As one of Africa’s fastest-growing economies, the country’s lack of direct access to the ocean is a significant handicap. While Ethiopia already uses Djibouti’s port for most of its trade, it appears that Ethiopia is seeking more than just commercial access. The idea of securing a naval base or direct control over Somali ports gives Ethiopia strategic leverage and independence that Djibouti cannot offer. Djibouti, recognizing Ethiopia’s ambitions, recently suggested Tadjoura, a location on its territory, as a viable alternative for Ethiopia’s maritime needs. Yet Ethiopia seems uninterested, likely because what it truly desires is something more permanent and autonomous. Tadjoura would involve limitations, oversight, and dependence on Djibouti’s sovereignty. A lease with Somalia, however, could provide Ethiopia with unchecked control over a piece of Somali territory. Somalia’s Sovereignty at Risk For Somalia, granting Ethiopia such a lease would be a grave mistake. Somalia is only beginning to rebuild after decades of conflict and fragmentation. Its territorial integrity remains fragile, and any loss of sovereignty—even in the form of a lease—could set a dangerous precedent. The lease could become a foothold for Ethiopia to expand its influence, turning a temporary agreement into a de facto permanent occupation. Moreover, Somalia’s coastline is among the longest and most strategic in Africa. Ports like Berbera, Bossaso, and Kismayo are gateways to the Indian Ocean, with immense potential for trade and economic growth. Leasing any of these ports to Ethiopia would undermine Somalia’s ability to control its own resources and chart its economic future. A Lesson from History Guantanamo Bay is not the only example of nations regretting agreements that compromise sovereignty. Across the world, similar deals have left lasting scars. China’s lease of Hong Kong to the British in 1898, for instance, resulted in over a century of foreign control before the city was returned in 1997. The economic benefits promised in such arrangements often pale in comparison to the loss of autonomy and the struggles to reclaim control. Somalia must learn from these examples. History shows that once a lease is signed, the lessor often loses the ability to enforce its own sovereignty. In the case of Guantanamo, Cuba receives an annual payment of just $4,085—a paltry sum for a strategically vital piece of land. Somalia could face a similar fate if it allows Ethiopia to secure a long-term lease under unequal terms. Ethiopia’s desire for sea access is understandable, but Somalia must not be pressured into making hasty decisions. Any negotiations should prioritize Somalia’s national interests and sovereignty. Somalia should consider offering Ethiopia limited commercial access to its ports, similar to its current arrangement with Djibouti. Such agreements can promote trade and regional cooperation without compromising Somali sovereignty. Additionally, Somalia should consult legal and diplomatic experts to ensure that any agreements are fair, transparent, and enforceable. The country must also engage its citizens and lawmakers in these decisions to avoid the perception of backroom deals that undermine public trust. Finally, Somalia must strengthen its alliances with regional and international partners. By building a coalition of support, Somalia can resist external pressures and protect its territorial integrity. A Time for Vigilance Somalia is at a crossroads. As Ethiopia’s ambitions grow, so too do the risks of making the wrong decision. A lease might seem like a simple solution, but it could open the door to a century of regret. By learning from history and prioritizing its sovereignty, Somalia can safeguard its future and ensure that its resources remain firmly under Somali control. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando[at]gmail.com @osmando Source: Modern Diplomacy The post Guantanamo 2.0? Why Somalia Must Reject Ethiopia’s Push for a Dangerous Lease appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha mucaaradka oo bayaan ay soo saareen uga hadlay muranada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan barakicinta dhulalka danta guud. Qoraalka oo ay si wadajir usoo saareen Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa digniin culus loogu diray ganacstada “sida sharcidarrada ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in ay ku kadsoomaan milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda,” sida loo dhigay qoraalkaan. Saddexda nin ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay wax ay ugu yeereen “booli qaran” oo hantida danta guud ah. “Haddaba, waxaan uga digaynaa ganacstada sida sharci darrida ah looga iibiyo dhulka danta guud iyo dadka kale ee la siiyey, looga qaanbaxay, ama lagu laaluushay in aysan ku kadsoomin milkiyadda iyo yeelashada dhulka dowladda, waana in ay ogaadaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Haddaba sidee looga fal-celiyay? Cali Malaas ayaa yiri “Ganacsato inta aad faa’iido doonaysaan dalkiinna bur bur ha u horseedina”. Xasan Xaaji Cadow “Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dalka amni iyo cadaalad ayuu baahi daran ugu qabaa waxaa aaminsanahay in talada dalkaan adiga ku baahantahay , si aan yoolkaas u gaarno”. Siyaad Maxamed Dool ayaa isna ku jawaabay “Waa muhiim in la difaaco hantida shacabka”. Cabdullaahi Barakaad “Waaa cawaaqib xumo ka dhalan karto milkilaha beentaa iyo dowlada Soomaaliya 2026”. Bulxan Goley “War caano daatay dabadood baa la qabtaa ee bal dhulka danta guud halaga gaaro”.
-
London (Caasimada Online) – Warbixin ay maanta soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay ku eedeysay Isra’il in ay xasuuq u geysatay dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza. Kooxdan xuquuqda aadanaha ee xaruntoodu tahay London ayaa sheegay in gabagaba warbixintoodu ay ku saleeyeen, kaddib bilooyin ay falan-qeynayeen dhacdooyinka Gaza iyo hadallada saraakiisha dowladda Isra’il. Warbixinta ayaa ku eedeysay Isra’il in ay si ula kac ah u burburineyso Falastiiniyiinta iyada oo adeegsaneyso weeraro lagu hoobtay, burburin ay u geysaneyso kaabayaasha muhiimka ah ee Gaza, iyo in ay si ula kac ah u hor istaageyso in Gaza la geeyo cunto, dawo iyo agabyada kale ee aasaasiga ah. Amnesty waxay sheegtay in xadka sharciga ah ee lagu qeexo danbiyada xasuuqa la gaaray muddada inta uu socday dagaalka wali ka taagan Gaza. Israa’iil ayaa si joogto ah u diiday eedaymo kasta oo xasuuq ah, iyadoo sheegtay inay ixtiraamayso sharciga caalamiga ah, ayna xaq u leedahay inay is difaacdo ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il todobadi bishi Ocober ee sannadki 2023-ki. Wali wax jawaab deg deg ah kama aysan bixin saraakiisha Isra’il, warbixinta saakay kasoo baxday Amnesty. Israa;iil ayaa Gaza ku qaadday dagaal cirka, dhulka iyo badda ah, kaddib weerarki Xamaas ee bilowgi October ee sannadki hore. Weerarkaas ayay Isra’il sheegtay in ay Xamaas ku dishay ilaa 1,200 oo qof, isla markaana afduubtay 250 Isra’iliyiin ah. Hase yeeshee, duqeymaha cirka ah ee ay Isra’il ka waddo Gaza ayaa la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 45,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta aas loogu sameeyay todobadii askari ee dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii loo beegsaday aano qabiil darteed. Maydadka askartan oo maalmo yaalay ayaa ugu dambeyn maanta la aasay, kadib markii is-afgarad hordhac laga gaaray kiiskan oo xiisad culus ka abuuray HirShabelle. Dadaallada lagu gaaray aaska iyo xal u helidda dhacdadan waxaa ku baxay odayaal ka tirsan Beesha Abgaal oo uu hoggaaminayo Imaamka Muddulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka baxay Muqdisho, kuna sugan magaalada Beledweyne. Odayaasha Xamar ka tegay ayaa wada-hadallo aan loo kala kicin la yeeshay odayaasha dhaqanka Beesha Xawaadle oo ay ka dhasheen wiilasha lagu laayay Shabeelaha Dhexe, waxayna isku raaceen in marka hore la aaso askarta, kadibna laga war sugo go’aanka dowladda Soomaaliya oo la wareegtay kiiskaasi. Sidoo kale waxaa Beledweyne ku sugan taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku howlan xal u helida dhacdadaan, isaga oo odayaasha ku qanciyay inay arrinta ug dambeeyay dowladda dhexe, maadaama ay la wareegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida. Dhacdadan ayaa dad badan ay ka xumaadeen, maadaama askar Soomaaliyeed oo ku howlanaaa difaaca qarankooda waddada loo galay, kadibna la laayay. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.