Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya mudane Mustaf Dhuxulow oo ay wehliyaan Agaasime Waaxeedyada Hay’adda ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Richard H. Riley. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan dhanka socdaalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci darrada ah, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyey taageerada dowlada Mareykanka ay ka geysato horumarinta kaabayaasha Hay’adda, Waxaana uu sidoo kale uu codsaday in sare loo sii qaado iskaashi dhexmara hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee labada dal. Dhanka kale, Safiirka Dowladda Maraykanka ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida taageerada ay la garab taagantahay horumarinta HSJ, isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga dhexmara labada dal ee dhinacyada isdhaafsiga khibradaha, Arrimaha Socdaalka iyo taageerida Aqoon kororsiga Socdaalka. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho, waxay ku jirtaa xaalad nabad galyo ah, halistii Khawaarijta ayaa hoos loo dhigay sanadihii lasoo dhaafay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku qaaday dagaal militeri, mid dhaqaale iyo mid dhanka fikirka ah. Degmooyinka magaalada Muqdisho waxay ku tartamayaan dhismaha wadooyin laamiyo iyo interlock ah, Bangiyaduna waxay wadaan dhismaha xaafado cusub iyo maal-gashi dhinac kasta leh. Dhismayaasha ka socda Muqdisho ayaa hadda u baxay banaanka, waxaana la deegaameynayaa dhul ka baxsan Xamar, waxayna caasimaddu ku sii fideysaa gobollada Shabeelooyinka. Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqaatada ah ee ku nool qeybo kamid ah gobollada Sh/Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa markii ugu horreysay 17 sano kadib waxaa u curtay sanad aysan kooxdu baad ka qaadin, gaadiidkuna waxa uu isaga gudbayaa gobolladaas, iyadoo wadooyinka aysan Shabaab joogin, isbaarana oolin. Khawaarijta Al-Shabaab, wali waxay joogaan dhul ku yaalla koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadda waxaa socda abaabulka sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgalka Militeri oo argagixisada looga xoreynayo dhulka ay joogaan. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dagaal cusub abaabulaya ayaa isku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan oo toddobaadkaan lagu aasay askari military ah oo loo dilay aano qabiil. Janaraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa furimaha ugu dambeeya ee ciidamadu difaaca uga jiraan ku maraya kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda ciidanka iyo dib u bilaabidda dagaalka xoreynta dalka. Maanta ciidanka xoogga dalka ee Hiiraan ku sugan waxay Shabaab ku bilaabeen howlgalka, waxaana laga xoreeyey ugu yaraan 5 deegaan oo muhiim ah oo ku yaalla Jiinka Wabiga, waxaana loo talaabayaa maalmaha soo socda galbeedka Wabiga, si gobolkaas looga xoreeyo kooxda.
  3. Ciidamada Booliska dowladda Puntland, oo kaashanaya odayaasha degaanka ayaa hawlgal lagu burburinayo hogo-dhuxuleed ka sameeyay tuulooyinka Xarka-dheer iyo Habar-hunbulle oo ka tirsan degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Ciidanka Saldhiga Booliska degmada Badhan, oo kaashanaya odayaasha degaannada Habar-humbulle iyo Xarka-dheer ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan hogo dhuxusha laga shidayay miyiga degmada Badhan iyo tuulooyinka hoos yimaada. Ciidanka Booliska ayaa burburiyay in ka badan 10 hogood oo laga shidayay dhuxusha, waxaana ay gacanta ku dhigeen afar maxbuus oo ku hawllanaa shidista dhuxusha iyo dhammaan agabkii dhuxulaysatadu isticmaalayeen sida ay sheegeen saraakiisha Booliska degmada Badhan. “Ciidanka Saldhiga Baran ee Booliska ayaa inta ay ku jireen H!wlgalkaan waxay gacanta ku dhigeen 4Maxbuus kuwaas oo dhawaan sharciga La horgeyn doono” ayaa laga soo xigtay saraakiisha Booliska degmada Badhan ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo hawlgal culus ku qaaday kooxaha dhirta guba ee dhuxusha ka shida appeared first on Puntland Post.
  4. Marka hore, ilaahay baa mahad iska leh. Marka labaad, waxaan u mahadcelinayaa madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Raisal-wasaaraha oo fursad ii siiyay inaan qabto xilka Guddoomiyaha, una adeego dadka nugul ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha muddo sanad iyo todoba bilood ah. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Wasiirka, Wasiir-dowlaha, Wasiir-kuxigeenka, Agaasimha Guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee JFS. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiye-kuxigeenada, “Commissioner”rada Maamul-goboleedyada iyo dhammaan shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha. Waxaan soo dhawaynayaa magacaabista ay Golaha Wasiiradu magacaabeen gudoomiyaha cusub ee Hay’adda. Waxaan u rajeynayaa inuu ku guuleysto shaqada loo igmaday. Ugu dambeyn, anigoo xushmeynaya go’aanka madaxda-sare ee dowladda, hadana maadaama dadka hay’addu u adeegto boqolkiiba 82% dumar iyo caruuur yihiin, aragtidayda waxay ku habooneyd in mas’uuliyadda Hay’addu ku wareegto qof dumar ah, anigoo huba in ay jiraan dumar badan oo howl-kar ah lehna khibraddii iyo aqoontii looga baahnaa Hay’adda. Wa billahi Tawfiq. Mahadsanidin Outgoing Commissioner Safia Hassan Mohamed The National Commission for Refugees and IDPs (NCRI) Mogadishu, Somalia
  5. By Michael Rubin The National Intere BERBERA, SOMALILAND—The storied Berbera International Airport is open and ready for operation. Prior to the 1960s, it was a major British station. In the mid-1970s, the Soviet Union built the airfield while Somali dictator Siad Barre was still a Soviet client. The mudbrick shells of Soviet barracks still line the southern perimeter of the airport adjacent to its access road. The airfield complimented the nearby port which the Soviets upgraded beginning in 1962. As a result of both Ethiopia’s 1975 revolution and the 1977-1978 Ogaden War, Ethiopia and Somalia switched Cold War patrons. Berbera’s airfield became an American asset, while the Soviets took over American facilities in Ethiopia. While policymakers lamented the loss of Ethiopia, they embraced Berbera. Between 1980 and 1991, NASA rented space at the Berbera airfield—at the time, the second-largest airstrip in Africa—to enable its use as an emergency landing strip for the space shuttle at a cost of almost half a billion dollars over the period. U.S. aircraft carriers including the USS Nimitz called at the nearby port of Berbera. Barre, now a U.S. ally, drove Somalia to ruin. After launching an unsuccessful genocide against the Isaaq clan predominating in the north, Somaliland—where Berbera is located—reasserted its independence. The end of the Cold War condemned Somaliland to obscurity, at least from Washington’s perspective. President Bill Clinton embraced a peace dividend as the threat from Russia receded and as any threat from China remained off the radar. After the Black Hawk Down episode in Mogadishu, Clinton wanted to put the Horn of Africa in his rearview mirror. That changed after the September 11, 2001, attacks and President George W. Bush’s pursuit of a “global war on terrorism” thrust East Africa back into the spotlight. The Pentagon created the Combined Joint Task Force-Horn of Africa (CJTF-HOA) and leased space at Camp Lemonnier, a French military base in Djibouti. Over subsequent years, the U.S. presence in Djibouti grew; it now numbers around 4,000 servicemen and contractors. Its mission has also grown. Not only has the CJTF-HOA helped coordinate U.S. counterterror and Special Operations Force campaigns across Africa but it has also been crucial to American operations around Yemen. Yet, as its importance has grown, the U.S. presence in Djibouti has become tenuous. Years of debt trap diplomacy mean China largely owns Djibouti. Beijing could, with a simple phone call, compel President Ismail Omar Guelleh to curtail American operations if not expel the American presence entirely. Even absent that scenario, warning lights flash. The new Chinese military base in Djibouti has targeted American pilots with blinding lasers. The Pentagon’s status of forces agreement with Djibouti puts American flights utilizing the joint civilian-military airport under the authority of Djiboutian air traffic control. This, in turn, has led to several near misses, especially during khat chewing time. That the French, Japanese, and Italian militaries also use the facilities complicates issues further, as does the proliferation of drones. It is for this reason that the Pentagon increasingly seeks to return to Berbera. In August 2021, while not publicly reported, a U.S. military assessment team quietly traveled to Berbera to survey both the new airport and the port. According to locals in Berbera who met the delegation, they appeared nervous the first day. This was understandable: Diplomatically, the United States considers Somaliland to be part of Somalia, even though the former is among the safest places in Africa and the latter among the world’s most dangerous countries. By the second day, however, they were walking around unarmed and relaxed. Suffice to say, the assessment went well: Djibouti’s runway is just 10,335 feet; Berbera’s is 13,580 feet. Djibouti is congested; Berbera is not. Djibouti insists on Djiboutian air control; Somaliland will negotiate. The newly-expanded Port of Berbera connects to the airport without having to pass outside controlled areas. The United Arab Emirates, which briefly considered operating a military base at Berbera, built new infrastructure. Importantly, the Chinese lack a presence in Somaliland and along its 500-mile coastline on the Gulf of Aden. Not only the Pentagon wants to engage in Somaliland; the intelligence community also wants to as well. Somali society is extremely complex; it is hard to gather intelligence from outside. A more permanent U.S. presence, akin to what the United Kingdom maintains, would help the United States track terrorists, intercept weapons shipments, and stop terrorists before they act. It would put U.S. stations closer to the subjects of concern without exposing them to Chinese interference. The State Department, however, is not interested in Defense Department and intelligence community concerns. Since the Obama administration, Foggy Bottom’s policy has been to ignore Somaliland in order to force it back into its unhappy union with Somalia. Three former assistant secretaries of state for African Affairs now admit that policy is wrong. Yet, Secretary of State Antony Blinken has kept policy on auto-drive. The job of the national security advisor is to coordinate administration policy and resolve disputes and questions that percolate up through the interagency process. Berbera is now a big one. For too long, the dispute over U.S. posture toward Somaliland has festered. The growing threat from China and uncertainty over Djibouti’s future now bring the question to a head. If Jake Sullivan fails to force a policy decision, the window of opportunity might close: China might make its own move on Somaliland in order to deny the United States any logistical hub in the region. So too might other countries. Sullivan must call a principal’s committee meeting now. President Joe Biden’s legacy in Africa depends on the result. Qaran News
  6. Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada deegaanka ayaa maanta Khawaarijta ka xoreeyey deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku imaa jireen oo ka tirsan gobolka Hiiraan Ciidamada ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray goobihii ay uga dhuumaaleysanayeen deegaanada Beera-yabaal, Jiciboow, Biya-madoobe, Arooso iyo Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan. Deegaanada maanta laga xoreeyey Khawaarijta ayaa hoos taga degmada BuuloBurde ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda ku sugan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Howlgalkaas ayaa maanta Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare culus, sida ay saraakiisha hoggaamineysa u xaqiijiyeen Caasimada Online, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey, lana xoreeyey dhamaan deegaanadii ay jiinka wabiga uga sugnaayeen kooxaha Khawaarijta ah. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Dardar gelinaya dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada ayaa safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, wuxuuna hadda ku sugan yahay gobolka Hiiraan. Dalka oo dhan waxaa ka socda diyaar-garow loogu jiro dagaal argagixisada looga xoreynayo goobaha ay weli ka joogaan, waxaana laf-dhabar u ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo dhowaan dib loo soo magacaabay. Kooxda Al-shabaab oo lagu naafeeyey howlaglladii hora yuga dhacay dalka iyo dagaaladii ay la galeen ciidamada qaranka ayaa joojisay weerarradii ay dadka badan kuley jireen, maadaama ay waayeen fursadihii ay heli jireen. Gobolka Hiiraan ooh adda ay ku sugan yihiin Taliyaha Xoogga iyo Agaasimaha NISA ayaa hadda mar kale dib looga abaabulayaa kacdoonkii bulshada ee lagu xoreeyey bariga gobolkaas, si Khawaarijta looga xoreeyo galbeedka Hiiraan, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa lagu diyaariyey magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii loo magaacabay Agaasimaha guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, Mudane Cabdullaahi (Sanbalooshe) bishii April ee sanaadkii tagay, waxa uu sameeyey isku shaandhayn ama reform guud ahaan Hay’adda iyo saraakiisheeda. Agaasimaha kuma degdegin isbedalka Saraakiisha iyo Hay’adda. Guddi Khuburo ah ayuuna u saaray dib u qaabaynta iyo dib usoo celinta haykalka Hay’adda NISA. Taliye (Sanbalooshe) Agaasimaha Guud ee NISA ayaa xilalalka iyo isbedel saraakiisha sarsare taliska NISA ku sameeyay Faham, xogogaalnimo iyo latashiyo Guddiga Quburada ah ee uu Isbedalka iyo dib u soo celinta Haykalkii hay’adda u xilsaaray, kadibna waxa uu Magacaabay Saraakiil Aqoon iyo karti badan u leh Dardargalinta Howlaha Hay’adda NISA. Sarkaal kasta oo uu xilka ka qaaday ma uusan dayacin ama xil kale ayuu siiyay ama waxbarasha ayuu u diray isagoo xuquuq leh ahna sarkaal ay Hey’addu maalgashanayso. Khuburada ka faalooda arrimaha amaanka oo si dhow u la socday dib u habaynta Hay’adda NISA ayaa sheegay in Agaasime (Sanbalooshe) uu ka fogaaday Arrimaha la Xariira Qabiil iyo nin jecleysiga marka uu xilalka kala duwan ee Hay’adda magacaabayay Saraakiisha uu isaga oo ku xushay khibraddooda iyo shaqo wanaag. Wax kayar mudo sanad ah waxaa dib usoo laabtay dhismihii Hay’adda NISA waxaana muuqata shaqo qaranka waxtar u leh. Isbedalka Hay’adda NISA wax uu suuragaliyay in caasimadda Muqdisho laga dareemo daganaansho dhanka amniga islamarkaana Ciidamada Hay’adda ee kala duwan ay ka howl galaan Gobalada dalka, Bulshaduna ay ku dhiirato in ay Hay’adda la shaqeyaan. Dib u habaynta Hay’ada waxa uu si weyn uga muuqdaa Hogaanka arrimaha dibada iyo Saraakiisha safaaradaha ee Hay’adda NISA Waxaana kordhay xiriirada wanaagsan ee hay’adda la leedahay Hay’adaha dhigeeda ah ee Caalamka iyo kan gobolka. Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo dhaweysatay saraakiisha wax galka ah aqoontana u leh Shaqooyinka Amniga iyo Xaaladda Dalka. W/Q: Jamaal Abdi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.
  8. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu booqasho rasmi ah ku tago gobolka Hiiraan si uu uga shaqeeyo xal u helidda khilaafaadka muddada dheer ka dhex taagnaa bulshada deegaanka iyo maamulka Hirshabelle. Safarka madaxweynaha ee magaalada Beledweyne ayaa imaanaya ka dib booqasho ay horay ugu tageen gobolka Hiiraan Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda federaalka, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Wafdigaasi ayaa heshiis la gaaray hoggaanka beesha Hawadle, kaas oo ku saabsan in ammaanka Beledweyne lagu wareejiyo ciidanka dowladda federaalka, si loo xasiliyo magaalada loona xalliyo arrimaha maamulka. Intii uu ku sugan yahay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona bulshada deegaanka, isaga oo dhagaysan doona cabashooyinkooda, gaar ahaan kuwa la xiriira nidaamka awood-qaybsiga ee Hirshabelle iyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan caqabado amni oo badan, oo ay ka mid yihiin loollan beeleedyo u dhexeeya kooxo siyaasadeed oo kala duwan, malleeshiyaad hubeysan, iyo muranno ku saleysan qabiil. Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa soo jeediyay in nidaamka amniga la mideeyo si loo hormariyo xasilloonida iyo maamul wanaagga gobolka. Source: goobjoog.com
  9. Through his X platform Elon Musk aims to influence elections in European countries. London (Commentary ) — Elon Musk champions free speech on Twitter (now X, after he acquired it). That was a remarkable sentiment. Does free speech give someone the privilege to criticise judicial decisions on cases in the United Kingdom? The British Prime Minister, Keir Starmer, indirectly accused Elon Musk of seeking attention. Given how Musk endorsed AfD, the German right-wing party, and his pronouncements (tweets) on the suitability of Starmer to lead the Labour Party, the richest man in the world seems to think he can influence British politics with his mistaken belief that Britain has the best politics money can buy. The way Musk tweets about British politics leaves no room for civil debate. Starmer was the Director of the Crown Prosecution Service when the grooming scandal came to light. On his X platform handle, Musk campaigned for an inquiry. Professor Alexis Jay, who led the inquiry into child sexual abuse in England and Wales, rejected calls for another inquiry. She told BBC Radio 4 that victims “want action”. The Times of London quoted Professor Alexis as saying that none of her 20 key recommendations have been implemented. Keir Starmer rejected calls for a new inquiry but urged implementation of recommendations on the “grooming scandal.” One wonders why the Conservatives failed to implement the recommendations. Kemi Badenoch, the leader of the Conservatives, called for a new inquiry into the “grooming gangs scandal”. The Conservatives lost to Labour in May last year. Kemi has joined a league of populists undermining the British legal system and exploiting the sentiments of the British far-right, whose anti-immigration views even question her suitability to lead a British political party. It does not occur to Kemi that she is risking contempt of court when she aims to score political points against Starmer by tarnishing the image of the British criminal justice system. The Conservatives have never raised objections to the publication of inquiry recommendations. The unholy social media alliance forged by Musk, Kemi and far-right political activists jeopardises the image of the UK as a country where the rule of law reigns. Starmer took Musk to task over what his critics describe as bigotry masquerading as a Western cultural warrior. © Puntland Post, 2025 The post Keir Starmer Legally Bested Elon Musk appeared first on Puntland Post.
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQM9OoFwyhgtzmnHwN1HwPiGkKA_iIbhMmLl-fPb1YS7JFDLm5fJeTQGiOAx7XdUp7psndcOMr4H7DxEFEda4hxP.mp4 Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee kasoo jawaabay dalabkii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya u dirtay dalalka saaxiibka la’ah iyo deeq bixiyeyaasha. Guddoomiyaha hay’adda SODMA ayaa dhawaan sheegay in dalka uu galay xaalad adag kadib markii ay kasii dartay marxalada abaarta, waxaana maanta deeqdii wejiga koowaad soo gaarsiisay dowladda Imaaraadka Carabta. Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq gaar raashin ah oo gaareysa 700 oo ton. Deeqadan oo Imaaraadka uga jawaabayi baaqii Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen. Hay’adda SODMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran. Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala g-galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda. Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.
  12. Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiiro ka tirsan xukumadaasi Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa ayaa maanta goobjoog u ahaa qoditaanka Ceel Biyoodka labaad ee laga hirgalinayo Deegaanka Dara salaam oo noqonaya Wajiga labaad ee biyo balaadhinta Caasimada Hargaysa. Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo waftigii u hogaaminayey ayaa soo kormeeray Biyo xidheenka Kalqoray. Qaran News
  13. wp-content/uploads/2025/01/img_2_1736345463988.webp” alt=”” width=”720″ height=”480″ class=”alignnone size-full wp-image-273166″ /> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta ka qeyb galay munaasibad ballaadhan oo ay soo diyaariyeen Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka oo lagu qabtay Hotel Ambassador taasoo Saddexda Xisbi Qaran lagu gudoonsiinayey Liisamada ay xaqqa u yeesheen Axsaabta Qaranku (WADDANI, KAAH IYO KULMIYE) tobanka sanno ee soo socda oo ka bilaabmaya 01.01.2025 kuna eeg 01.01.2034. Madaxweynuhu waxa uu munaasibada ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo taabanaysa dhinacyo badan, waxaana uu ugu horayn boggaadiyey Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka shaqada culus iyo dedaalka weyn ee ay sidii uu u guulaysan lahaa hannaanka sharciga ah ee ay kusoo baxayeen ururadii siyaasada ee xaqqa u yeeshay inay tartamaan, Sidoo kale wuxuu boggaadiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka Saddexda Xisbi Qaran, Daneeyayaasha Hannaanka Dimuqraadiyada ee inagala shaqeeyey in dalkeena ay ka qabsoomaan doorashooyin macno iyo miisaan u yeelay hannaankeena dimuqraadiyad. Madaxweynuhu wuxuu yidhi: “Hannaanka doorashooyinkeenu waxa ay muujinaysaa ilbaxnimadeena awoodda dimuqraadiyada qarankeena, iyo kalsoonida aan ku qabno horusocodka nidaamkeena siyaasiga ah”. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu yidhi “Dimuqraadiyadu kuma koobna doorashooyinka oo keliya laakiin waxaa kamida Cadaaladda iyo garsoor wanaaga, dhawrista xorriyadaha madaniga ah, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, xasiloonida siyaasiga ah, adkaynta midnimada iyo amniga qaranka, kuwaas oo dhammaantood ay xukuumadani muhiimad gaar ah siinayso”. Madaxweynaha oo sii anba qaadaya hadalkiisa waxa uu yidhi “Waxaa Xukuumada Somaliland ka go’an in aan dhisno dawladnimo damaanad qaadaysa in muwaadin kasta uu helo xuquuqdiisa siyaasiga ah, si taasi u hirgashana waxaanu dejinaynaa siyaasadiyihii lagu arrimaha”. Ugu horayn waxaa munaasibada hadal dheer ku furay Guddoomiyaha Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo ansixinta Asxaabta Qaranka Mudane Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) oo ka xogg waramay hawlaha baaxadda leh ee ay guddidu qaranka uga masuul tahay iyo qorysheyaasha u dejisan guddida ee lagu horrumarinaayo hannaanka dimuqraadiyada iyo tartaka axsaabta badan, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guddidu u xil-saaran tahay : • Diwaan gelinta ururada siyaasada • Ansixinta asxaabta qaranka • Xalinta khilaafaadka iyo ka garnaqista cabashooyinka • Saamiga haweenka iyo ilaalinta dimuqraadiyada gudaha ee axsaabta iyo ururada siyaaasada • Samaynta qorshaha Istiraajiyadeed ee 2023 ilaa 2027 • Dib u habaynta qaab-dhismeedka guddida • Currinta Xeer hoosaadyada iyo haggayaasha guddida • Barashada dimuqraadiyada iyo nidaamka axsaabta badan • Ageegsiga Tignoolojiyadda ee keydinta xogaha iyo wadaagistooda. Munaasibada waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenadii hore Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Mudane Cabdiraxmaaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Sidoo kale waxaa iyaguna goob kahaa masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiyada Qaranka oo ay hoggaaminayeen saddexda guddoomiye xisbi (Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Mudane Maxamed Kaahin Axmed) Waxaa isaguna goob joog ahaa Lataliyaha sare ee Madaxweynaha ee arrimaha siyaasada Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo yidhi “Gobanimadu waxay tahay in ummadi wixii ay dhigatay ay ku dhaqanto go’aanka kasoo baxana ay aqbasho” Waxaa isaguan munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo yidhi “Maanta waa maalin kale oo taariikhiya, waxaa aynu si rasmiya ugu wanqalaynaa Saddexda Xisbi Qaran ee jaan goynaya siyaasada Somaliland Toban sanno ee socda, xisiyada siyaasadu waa madal lagu sargooyo siyaasadaha qaranka iyo dugsi lagu soo carbiyo siyaasiyiinta”. Guntii iyo gebagebadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu munaasibada iyada ah ku guddoonsiiyey Saddexda Gudoomiye Xisbi Qaran Liisamada ay xaqqa u yeesheen axsaabta qaranku Tobanka sanno ee soo socda. Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) — The United Arab Emirates (UAE) has donated 700 tons of food aid to Somalia to assist the ongoing drought-affected communities in the country. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Farhiya Abdirahman, the wife of renowned Somali singer Dayax Dalnuurshe, died Tuesday night at a Mogadishu hospital after a brief illness, family sources confirmed. Source: Hiiraan Online
  16. Beirut (Caasimada Online) – Dowladda Lubnaan ayaa ku dhowaaqday inay go’aansatay in ay aqbasho codsi uga yimid Imaaraadka oo ku aadan in loo gacan geliyo Abdul Rahman al-Qaradawi, oo ka mid ah mucaaradka Masar, islamarkaana uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ee kooxda Ikhwaanul Muslimiin Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi. Qaradaawi, oo sidoo kale ay baadi goobayaan mas’uuliyiinta Masar, ayaa lagu xiray Lubnaan dabayaaqadii bishii hore, kaddib markii uu ka soo tallaabay xadka Suuriya, sida uu xilligaas AFP u sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan. Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray. Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Qaradaawi “loo masaafurin doono Imaaraadka”, isagoo intaa ku daray in go’aankan lagu gaaray shir ay yeesheen golaha wasiirrada. Sida laga soo xigtay sarkaalka labaad ee garsoorka, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale. Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”. Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla. Qaradaawi, oo sidoo kale ah abwaan, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba. Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar. Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta. Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.
  17. “Wallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogta” “Hargeysa Xaalbaanu siinaynaa iyo reer Somalilandba wixii shalay ka dhacay, dibna u dhici may so, ma aqbali karo Hargeysa oo magaaladaydii aan aduunka ugu jecelahay marka laga yimaado muqadasaad ka Alle doortay ee Makka, Marina iyo qudus in Niman aanu ilmaadeer nahay oo aabayaashood magac iyo maamuus ku lahaayeen yidhaahdaan Jabhad baanu ka nahay. Ninka taliyaha jabhada sheegtay waa Cabdiraxman Sheekh Cisman, Sadexda nin ee meesha ka hadlayay waa ina Jamac Cali Mataan, ina Bare Axmed Gorse.iyo Boqor Badmadaw. Wallahi Dib uma dhacayso in Hargeysa la yidhaa Jabhadbaa Joogta, Bud dhigii Hargeysa iyo cidii Nabadeeda ka Talin jirtay Baa burburinaysa Suurta gal maaha. Suber Awalna Jabhad Jamhuuriyadda Somaliland duminaysa ma leh, aniga iyo cidda i taageersan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaanu nahay, Kulmiye dalkuu dhisay, dhisayaana, kursiga kuma doono dhiig, nabadgelyo ayuu ku wareejiyay, nabadgelyona uu ku doonayaa, hadaan la kala roonaan roob ma da’o. Hadii shalay Madaxweyne Muuse Buur loo Galay, Madaxweyne Cigaalna Dagaal sokeeye, Madaxweyne Cabdiraxman Tuurna dagaal Sokeeye ma wadadii uun baynu haynaynaa waxaynu u baahanahay in caqligu shaqeeyo, in caqligu koro. Waa run In Madaxweyne Muuse Biixi cagaha la hayay, ma Ina anfacaysaa in Madaxweyne Cabdiraxman Ciro aynu cagaha hayno oo Jamhuuriyadda Somaliland soconwayso. Aynu korno Shacabka Somaliland oow” Maayirkii hore ee Hargeysa Cabdiraxman Solteco kana mid ah golaha deeganka ee caasimada Hargeysa ayaa yidhi sidaasi Qaran News
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso shir kula yeeshay Suldaan, Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha East Sanaag Clan. Madaxtooyada Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay in madaxweyne Siciid Deni uu Boosaaso ku qaabiley Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha East Sanaag Clan. Dowladda Puntland wax faahfaahin ah kama bixin qodobada looga hadlay Shirka dhexmaray madaxweyne Deni iyo Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii Shirkii Ceelbuh ee beesha East Sanaag Clan. Bayaan ka soo baxay shir dhawaan beesha East Sanaag Clan ku yeesheen degaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayay ku shaaciyeen in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Bayaanka Shirka East Sanaag Clan oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii (Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq oo kaashanaysa Somaliland. Beesha East Sanaag Clan ayaa sidoo kale go’aamisay in si buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii. Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Shir la yeeshay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo guddiga difaaca beesha East Sanaag Clan appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 20 milyan oo dollar ay siisay maamul goboleedka Puntland, taas oo qayb ka ah mashaariicda loo soo mariyo dhanka dowladda dhexe. Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayire (Maareeye) ayaa sheegay in lacagtaasi ay gooni u siiyeen Puntland, isaga oo cadadka lacagta ku sheegay $16 milyan. Maareeye ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaasi dowladda dhexe bixsay, iyada oo tixigelineyso daruufaha haatan ka jira maamulkaas oo ay ugu horreyso taageerida beeraleyda. “Dowladda Federaalku waxa ay Puntland gooni u siisay $16 milyan iyadoo tixgelinaysa duruufaha siyaasadeed ee jira, una danaynaysa shacabka ay dawladda u tahay iyo beeraleyda danyarta ee degan Puntland” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka jawaabay eedeyn ka timid Puntland, taas oo la xiriirtay Cagaf-Cagaf ay dowladda u qaybisay maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, taas oo saamigii kaga aadan maamulka Garoowe uu dood ka keenay. “Markaan arkay Eedaynta boodh-isku-qariska ah waxaa igalay shaki ah in lacagtii loogu talogalay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada Puntland si kale loo isticimaalay eedeedana nala saarayo, warhoow eedaas beenta ah hanalaga daayo, beeraleyda Puntlandna cagafyada dhiman u soo gada.” ayuu mar kale Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa waxaa weli ka dhexeeya xiisad culus oo siyaasadeed, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeyntii labada dhinac, waxaana madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka baxay shirarkii golaha wadatashiga qaranka.
  20. Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si faahfaahsan u sharraxday qorshaha loo qaybiyey 26 Cagaf oo Bangiga Aduunka ugu deeqay beeraleyda Soomaaliyeed, si loo dhiirrigeliyo koboca beeraha iyo taageerada danyarta Soomaaliyeed ee ku tiirsan wax-soosaarka beeraha. Wasiirka Beeraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa sheegay in cagafyadan loo qaybiyey si waafaqsan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska beeraha ee dalka, iyadoo laga duulayo baahiyaha deegaan walba. Wasiirku wuxuu xusay in 20 ka mid ah cagafyadan loo qoondeeyey mashaariicda horumarinta beeraha ee gobollada, halka 6-da kale ay yihiin kuwo guud ahaan loo wada leeyahay, si looga faa’iideeyo dhammaan bulshada beeraleyda Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Puntland ay ka heshay laba ka mid ah 6-da cagaf ee wadajirka ah, iyadoo sidoo kale loo qoondeeyey $16 milyan oo loogu talagalay mashruuca FSRP ee kaabeyaasha iyo horumarinta beeraha Puntland. Wasiirka ayaa caddeeyey in dowladda federaalka ah ay mudnaan gaar ah siisay sidii cagafyadan iyo taageerada dhaqaale ee la xiriirta ay si hufan ugu gaari lahaayeen beeraleyda Soomaaliyeed. “Ujeeddadeennu waa in aan taageerno bulshada danyarta ah, gaar ahaan beeraleyda, si aan kor ugu qaadno wax-soosaarka dalka, isla markaana aan ula dagaallanno saboolnimada iyo cunto yaraanta,” ayuu yiri Wasiirka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirku ku boorriyay dhammaan maamul-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, in ay si hufan u maareeyaan deeqaha la siiyey, si loo hubiyo in beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ay si toos ah uga faa’iideystaan taageeradan muhiimka ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta in ay ka fogaadaan faafinta warar aan xaqiiqda ku salaysnayn oo abuuri kara mad-madow iyo kalsooni darro. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysay in qaybinta deeqaha ay ku saleysan tahay baahida dhabta ah iyo cadaalad, iyadoo lagu dadaalayo in dhaqaalaha iyo agabka la helo uu ka qayb qaato horumarinta guud ee dalka. Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabiley safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Wang Yu. War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabiley safiirka dowladda Shiinaha oo booqasho ku tegey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in danjire Wang Yu, uu madaxweyne Deni kala hadlay markab laga lee yahay dalka Shiinaha oo af-duub loogu haysto xeebaha Puntland, kaasi oo xeebaha degmada Xaafuun laga qafaashay 27 bishii November ee sannadkii hore (2024). Markabkani kalluumeysi, oo ay saaran yihiin 18 shaqaale ah, islamarkaana ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa lagu haystaa xeebaha gobolka Nugaal, waxaana la sheegay in kooxaha haysta dalbanayaan lacag madax-furasho ah. Wararka ayaa tilmaamaya in markabka, oo ay wakiilo ka yihiin ganacsato reer Puntland uu shati ka haystay xukuumadda madaxweyne Deni, balse uu shatigii ka dhacay ka hor inta aysan af-duuban ilaaladii saarnayd oo ay ku biireen rag kale oo hubaysan. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay markab lagu haysto xeebaha gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOBriQ25AmQOcNkqAQVuejjiNjih1vlednoJMBnjoRmAuET9-yzp-ddMpq7pmVGgE7sWVnr1Xpom3ClWilNFRKR.mp4 Qaran News
  23. Hargeisa (HOL) — A Somaliland police officer, Buuh Ismaeil Mirre, was fatally shot dead in Gabiley district on Tuesday afternoon while heading home after attending a university exam, residents confirmed. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeisa (HOL) — A Somaliland traffic police officer, Buuh Ismaeil Mirre, was fatally shot on Tuesday afternoon in Gabiley district while returning home from a university exam. Source: Hiiraan Online
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta go’aan ka gaaray dalab culus oo uu u gudbiyay Axmed Madoobe. Golaha wakiilada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay soo jeedinta madaxweynaha ee ku aadan in loo kordhiyo muddada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada cusub. “Golaha wakiilada Dowladda Jubbaland oo maanta yeeshay kal fadhigoodii koowaad fadhigiisii 5aad oo ay soo xaadireen 61 Mudane ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland kaas oo ahaa in la kordhiyo mudada lagu soo dhisaayo Gollaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri war kasoo baxay baarlamaanka. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo labo bil ah lagu kordhiyay waqtiga lagu soo dhisaayo golaha wasiiradda Jubbaland, taas oo fursad cusub oo sharci ah siineyso madaxweynaha. Dhanka kale, ma jiro isbeddal wayn oo laga filayo magacaabista golaha wasiirada cusub, maadaama Axmed Madoobe uu horay usoo celiyay madaxdii hore, sida ku xigeennadiisa iyo xittaa xubnaha baarlamaanka oo u badan kuwii hore oo mar kale dib loo soo xulay. Si kastaba, Jubbaland ayaa haatan ku jirto xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay khilaafka culus ee dowladda kala dhexeeyo Axmed Madoobe, kaas oo isku rogay gacan ka hadal.