Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee Magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga, ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan khatar kaga imaanaysa abeesooyin, kuwaas oo ka mid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah. Dadka deegaannada ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxa ay ku haysaa cabsi, ka dib markii qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada Abeesada, halka kuwo kale ay u naafoobeen dhibaatada ka soo gaadhay qaniinyada abeesadan, sida uu BBC-da u sheegay Aadan Ciise oo ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu. Dhibaatada ay Abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil, ayaa ah mid sii kordhaysa. Sidee ayey xoolo dhaqatada deegaanada bariga ku nool u saamaysay Abeesadu? Alle ha u naxariistee Aamina Maxamed Axmed, oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM. Aadan Ciise, oo ay Marxuumadu xaaskiisa ahayd, oo la hadlay BBC-da, waxa uu sheegay in habeenkii Jimcihii, abbaare tobankii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay Abeeso yar, iyada oo habeenkii sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay Abeesada cuntay. “Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday” ayuu yidhi Aadan Ciise. Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah Deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay “Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas Caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”. Sacad Ciise Cumar, oo isaguna ah dadka deegaankaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qoyskiisa oo keliya ay qaniintay abeesadu ku dhawaad 30 qof oo ay ku jiraan walaalihii, halka adeerkiina uu u dhintay suntii abeesadu kaga tagtay, taasoo fadhiisisay labada Kelyood. “Qoyskayga waxa aan odhan karaa, aniga uun baanay cunin Abeesadu. Walaalahay shan ayey cuntay, xaaska kale ee Aabbo way cuntay, guud ahaan ilaa 30 qof ayaan ku qiyaasayaa qoyskayga inta abeesadu cuntay, qaarna way ku dhinteen, sida Adeerkay, qaar u naafoobay ayaa jira, kuwo kalena way ka kaceen”. Maxay ku reebtaa dadka badbaaday qaniinyada abeesada? Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo, sida ku dhacday Baashe Ibraahim, oo ah 48 jir ku nool Magaalo xeebeeda Lughaya ee Gobolka Awdal, “Anigoo yar ayey i qaniintay abeesadu, waxaanay sunteedii keentay in aan naafoobo, oo jidhkayga qaybo ka mid ahi googo’aan. Iminka naafo ayaan ahay, oo mustaqbalkaygii way saamaysay, laxaadkaygii way dhantaashay bahashaasi, dad badan dhibaato ayey gaadhsiisay” ayuu yidhi Baashe Ibraahim, oo u warramay BBC-da isaga oo ku sugan Lughaya. Axmed Cumar Nuur, oo ka mid ah deegaanka loo yaqaan Beenyo dhaadheer, oo ka tirsan Deegaannada bariga Saaxil, oo isaguna ay hore u qaniintay abeesadu, ayaa sheegay in weli saamayntii ay kaga tagtay qaniinyada abeesadu uu dareemo, iyada oo ku dhawaad soddon sanno ay ka soo wareegtay markii ay cuntay. “Laba jeer ayaan dareemaa saameynta ay igu reebtay qaniinyada abeesadu, wakhti waa marka aan masaafo dheer lugeeyo, madaama aan ahay nin xoolo dhaqato ah oo socod badan, marka aan seexdo waxa aan dareemaa garaac ba’an oo lugaha ah. sidoo kale marka aan gaajoodo wadnaha iyo beerka ayaa i xanuuna” ayuu yiri. Noocyada masaska iyo sida ay u kala khatarsan yihiin Abeesadu waxa ay ka mid tahay xayawaanka xamaaratada ah ee sida masaska oo kale, in badanna dadka ay waxyeelada ay gaadhsiiso ma arkaan, maadaama ay tahay xayawaan ciidda u eg oo ka soo baxa marka ay dadka cunayso godad ku yaala dhulka hoostiisa, ama ay ku dhex nooshahay geedaha gaagaaban. “Abeesadu waa lab iyo dhedig. markaa labkeedu inta badan kama soo baxo godka, laakiin bahasha aadka u soo baxdaa waa abeesada dheddig. Midka lab wuxuu ka khatar badan yahay tan dheddig, oo qofka uu qaniino markiiba wuu dhintaa, oo suntiisaa khatar ah, laakiin tan dheddig lafteedu waa mid halistood badan tahay.” Sidaa waxa yidhi Sacad Ciise Cumar, oo ah nin waayo aragnimo u leh Abeesooyinka, khatartooda dadka ka wacyi geliya. Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka hawl gala Isbitaallada Hargeysa, ayaa BBC-da u sheegay in sunta Abeesadu tahay mid khatar ah, madaama suntaas ay toos u abaarto habka dhiig wareegga dadka, taasina ay keento in suntaas gaadho wadnaha iyo Maskaxda. Qaabkee la iskaga daweeyaa qaniinyada iyo sunta ay dadka kaga tagto Abeesadu Inkasta oo uu jiro tallaal la siiyo dadka ay qaniinaan abeesooyinka iyo Masasku, haddana tallaalkaas ayaan laga helin deegaannada abeesooyinku ku badan yihiin ee Somaliland, sida uu sheegayo Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka mid ah bahda caafimaadka ee Hargeysa, taasna waxa ay keentay in dadka waxyeeladu soo gaadho ay isku daweeyaan qaab dhaqan, si ay uga hortagaan in suntu ku faafto jidhkooda. “Waxa jira tallaal deg deg ah oo sunta xayawaanka Xamaaratadu leeyihiin si qofku uga badbaado in ay halis gasho naftiisa, laakiin taasi kama jiro Somaliland oo laga helo tallaalkaasi. Waxaanay khatar dhimasho ku keentaa suntaa dadka waaweyn ee difaaca jidhkoodu hooseeyo” ayuu yiri dhakhtarku. Sacad Ciise Cumar, waxa uu sharaxayaa qaabka ay iska daweeyaan dadka xoolo dahqatada ah marka ay abeesadu qaniinto “Marka u horreysa ee ay qofka qaniinto laba shay ayaa la siiyaa, waa caano geel iyo neef Ido ah badhidiisa. tusaale ahaan caanaha geelu qofka ay ka matajinayaan, badhiduna sunta ayey la dagaalantaa” ayuu yiri Sacad Ciise. Qaran News
  2. Three Somaliland fishermen missing at sea for nearly a month have been rescued off the coast of Djibouti, bringing relief to their families and communities after a harrowing 29-day ordeal. The fishermen, who disappeared on December 6, 2024, departed Berbera aboard a small vessel that soon experienced mechanical failure, leaving them stranded and unable to navigate. “Our engine broke down, and the battery failed,” survivor Khadar Ibrahim Abdillahi told BBC Somali. “For 29 days, we drifted wherever the wind carried us, completely helpless.” Their rescue came when the Djibouti Coast Guard spotted their vessel adrift in open waters. The men were brought ashore, treated for exhaustion and dehydration, and given medical assistance. Rescuers also repaired their damaged boat. “They saved our lives,” Khadar said, expressing gratitude for the Coast Guard’s swift intervention. “We’ve been treated with kindness and have been assured we will return to Somaliland soon.” The fishermen’s disappearance had sparked concern in Somaliland’s coastal communities, where fishing is a cornerstone of the local economy. Authorities in Somaliland and Djibouti are coordinating efforts to ensure the fishermen’s safe return HOL. Qaran News
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeeshay waji cusub, iyada oo la’isla aaday dhinaca gargaarka bani’aadanimada, kadib markii la siyaasadeeyay. Dowladda dhexe, gaar ahaan hay’adda SoDMA ayaa shalay shaacisay in shixnad gargaar ah u dirtay deegaanada Puntland, balse waxaa arrintaas ka horyimid maamulka Garoowe. Wasiirka gargaarka Puntland, Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegtay in aanu jirin wax gargaar ah oo ay kala wareegeen dowladda dhexe, waxayna been abuur ku tilmaamtay sheegashada SoDMA. Ubax ayaa ku eedeysay dowladda inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka, taasina ka fogtahay cadaaladda iyo bani’aadanimada. “Haddii la siyaasadeeyay arrimaha bani’aadanimada cidda la aaday dhankaas iyada ayay ka haleysan tahay oo uu qorshuhu ka lunsan yahay kolley annaga nimankaas waxba naga soo gaaraan” ayay yiri Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed. Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Maya been abuurka ay qorayaan iyo Puntland waxbaan gaarsiinay waxba ma keenin, mana arkin deeqda ay halkan kusoo qoreen” Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in ka maamul ahaan ay doonayaan in saamiooda gooni loo siiyo, isla markaana laga madax baneeyo dowladda federaalka. “Annaga waxaan rabnaa in Puntland waxeeda gaar loo siiyo, maadaama aysan jirin cadaalad iyo siinaan la’aan aan uga jeedno dowladda Soomaaliya” ayay mar kale tiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu shalay yiri wasiirka beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay in Puntland ay gooni u siiyee lacag $16 milyan, iyada ooay dowladdu tixigelineyso daruufaha ka jira maamulkaas oo ay ugu horreyso taageerida dadka beeraleyda ah.
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia’s passport has climbed to 102nd place in the 2025 Henley Passport Index, offering visa-free access to 35 destinations worldwide. Source: Hiiraan Online
  5. Dimishiq (Caasimada Online) – Dagaallada u dhexeeya kooxaha ay Turkey taageerto, oo ay taageerayaan duqaymo xagga cirka ah, iyo xoogagga Kurdiyiinta ayaa 37 qof ku dilay Khamiista maanta ah gobolka Manbij ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka. Dagaalladii ugu dambeeyay ee la soo weriyey ayaa imanaya inkasta oo Mareykanka uu Arbacadii sheegay inuu ka shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa walaacyada Turkiga ee Suuriya si xulafada NATO ay uga dhaadhiciyaan in aysan kordhin weerarada ka dhanka ah dagaalyahanada Kurdiyiinta. Kooxda Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in “dagaalo ba’an ay ka dhaceen baadiyaha Manbij … saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo u dhexeeya Kurdida ay hogaaminayaan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya (SDF) iyo kooxaha Turkey ay taageerto ee Ciidamada Qaranka … oo dusha sare ay ka taageereyso Turkey.” “Weerarada waxaa lagu dilay 37 qof, sida ku cad khasaaraha horudhaca ah, oo isugu jira dagaal-yahannada Turkey ay taageerto iyo kuwa SDF, iyo shan qof oo rayid ah,” ayey tiri kooxda kormeerka ee fadhiggeedu yahay Britain, taasi oo ilo-wareedyo kala duwan ku leh gudaha Suuriya. Kooxda Kormeerka ayaa sheegtay in ugu yaraan 322 qof lagu dilay dagaalka ka socda baadiyaha Manbij tan iyo bishii hore. Arbacadii, Mazloum Abdi, oo madax u ah kooxaha SDF ee uu Maraykanku taageero, ayaa sheegay in kooxdiisu ay taageereyso “midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya”. War qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee AFP, ayuu ugu baaqay maamulka cusub ee Suuriya “in ay soo farageliyaan si ay xabbad-joojin uga dhacdo Suuriya oo dhan”. Hadalka Abdi ayaa daba socday waxa uu ugu yeeray shir “wanaagsan” oo dhexmaray hogaamiyayaasha Kurdiyiinta iyo maamulka Dimishiq dabayaaqadii bishii hore. Kooxaha uu Turkiga taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa dib u bilaabay dagaalka ay kula jiraan SDF, xilli ay kooxaha Islaamiyiinta ah ay bilaabeen 27-kii bishii November weerarkii ay ku afgambiyeen madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, ee qaatay kaliya 11 maalmood. Kooxaha ay taageerto Ankara ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Manbij iyo Tal Rifaat oo dhacda waqooyiga Xalab, oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen, inkasta oo Mareykanku uu waday dadaallo xabbad-joojin looga sameynayo deegaanka Manbij. Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markaas, iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha. Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Turkigu uu “walaac sharci ah” ka qabo xagjiriinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku sugan gudaha Suuriya, wuxuuna ku baaqay in xal laga gaaro dalkaas oo ay ku jiraan ka bixitaanka “dagaalyahannada argagixisada shisheeye”. “Taasi waa geeddi-socod qaadan doona waqti, inta ka horaysa, waxa aan dani ugu jirin wax kasta oo wanaagsan oo aan aragno oo ka dhacaya Suuriya, waxay noqon doontaa dagaal, waxaana aad ugu dadaali doonaa inaan hubinno in taasi aysan dhicin,” Blinken ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris. Turkey ayaa Talaadadii ku hanjabtay hawlgal millatari oo ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya haddii aanay aqbalin shuruudaha Ankara ee ku aaddan isbeddel “dhiig la’aan” ah ka dib dhicitaankii Assad. Kurdiyiinta Suuriya ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka qaniga ku ah saliidda ee waqooyi bari ee dalka, halkaas oo ay ku naaloonayeen is-maamul inta badan intii uu socda dagaalka sokeeye tan iyo 2011-kii. Hase yeeshee Turkey ayaa ku eedaysa qaybta ugu weyn SDF ee YPG in ay xiriir la leeyihiin PKK, oo waday 40 sano kacdoon ka dhan ah qaranka Turkey. PKK waxaa urur argagixiso u aqoonsan Turkey, Maraykanka, Midowga Yurub iyo inta badan xulafada reer galbeedka ee Turkey. Turkey ayaa qaaday hawlgalo badan oo ka dhan ah SDF tan iyo 2016.
  6. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan caadi ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. intii uu shirku socday, waxaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Ansixinta xeerarkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo nidaamka cadaaladda iyo awoodda lagu tababaro khubarada sharciga ee dalka, si loo taageero dib-u-dhiska hay’adaha garsoorka Soomaaliya. Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga sameeyay dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dedaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowliga ah. Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu tayeynayo adeegyada sharciga iyo cadaaladda si loo xaqiijiyo dowladnimo hufan oo ku dhisan sharciyad. Source: goobjoog.com
  7. Mogadishu (HOL) — Somali government troops, working alongside local militias, have seized key territories in the Hiiraan region from Al-Shabaab militants. The operation marks a decisive victory in the nationwide campaign to dismantle the extremist group’s strongholds. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — Puntland authorities have denied allegations by Somalia’s National Disaster Management Agency (SODMA) that it delivered 200 tons of food aid to Bosaso, a key port city in the semi-autonomous region. Source: Hiiraan Online
  9. Abdulle: “We thank the UAE for the emergency humanitarian aid.” Mogadishu (PP News Desk) — The UAE government yesterday donated 700 tonnes of food aid to Somalia. Officials from the UAE embassy in Mogadishu handed over the aid to the Director of Somali Disaster Management Agency(SoDMA) Mohamud Mo’allim Abdulle. The aid is intended to alleviate the humanitarian situation in parts of Somalia and mitigate the impact of drought that may affect many regions in 2025. The UAE also sent consignments of aid to Boosaaso and Kismaayo. “We thank the UAE for the emergency humanitarian aid. The UAE sent 300 tonnes of the aid to Kismaayo and 200 tonnes to Boosaaso so beneficiaries can access the relief. We requested the UAE to send the humanitarian aid directly to these two regions. Here in Mogadishu, we received 200 tonnes of the humanitarian aid to be distributed to nearby federal member states, including Hirshabelle, Galmudug, Southwest and Banadir region. The UAE ambassador kindly shared with me that more humanitarian aid will arrive from the UAE before the Holy Month of Ramadan,” said Abdulle. Ambassador Ahmed Juma Al-Rumaithi: “150,000 Somali families will benefit from the emergency aid. We thank the SoDMA leadership for their cooperation.” The UAE ambassador to Somalia, Ahmed Juma Al-Rumaithi, stated that the UAE has sent 700 tonnes of emergency humanitarian aid to Somalia. “150,000 Somali families will benefit from the emergency aid. We thank the SoDMA leadership for their cooperation and wish Somalia peace and stability,” said the ambassador. © Puntland Post, 2025 The post UAE Donates Emergency Humanitarian Aid to Somalia appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeisa (HOL) — Three Somaliland fishermen missing at sea for nearly a month have been rescued off the coast of Djibouti, bringing relief to their families and communities after a harrowing 29-day ordeal. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — The Somali government is under intense scrutiny following allegations that it granted exclusive control over livestock exports to a foreign businessman. The decision, which lawmakers and traders claim undermines the livelihoods of millions, has sparked widespread criticism and raised concerns about the country’s economic sovereignty. Source: Hiiraan Online
  12. Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay u Taagan tahay Xubinimada Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (2025–2028) Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday musharaxnimadeeda xubinimada Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC) muddada 2025–2028. Tani waa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u oggolaaneysa inay kaalin hoggaamineed ku yeelato ajendaha nabadda iyo amniga Afrika, iyadoo muujineysa isbeddelka waayaha taariikhiga ah ee dalku soo maray iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta himilada wadajirka ah ee qaaradda. Soomaaliya, oo in ka badan 17 sano martigelineysay Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM/ATMIS), waxay noqotay tusaale ku dayasho mudan oo muujinaya xalalka ay Afrika u raadsato dhibaatooyinka ka jira gudaha qaaradda. Dalka ayaa u tallaabay dhinacyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin cafinta deymaha, ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (2025–2026), iyo xubinimada uu ka helay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waxyaabahan oo idil waxay muujinayaan doorka Soomaaliya ee ku saleysan hoggaaminta iyo horumarinta himilada Afrika. “Soomaaliya waxay ku dhiirran tahay inay ka qeybqaadato Guddiga Nabadda iyo Amniga iyadoo ay ujeeddadeedu tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida qaaradda. Waxaana dalka ka go’an in uu khibradihiisa la wadaago si loo hagaajiyo dadaallada nabad ilaalinta, wax looga qabto sababaha keena khilaafaadka, lana xaqiijiyo isbeddelo waara oo ku aaddan amniga iyo horumarinta qaaradda” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Musharaxnimadan ayaa sidoo kale ah fursad lagu xaqiijinayo matalaadda caddaaladda ku dhisan, maadaama Soomaaliya aysan weligeed ka mid noqon Guddiga Nabadda iyo Amniga tan iyo markii la aasaasay 2004. Soomaaliya waxay rumeysan tahay in isbahaysiga iyo wadajirka ay yihiin furaha mustaqbalka ifaya ee Afrika, iyadoo diiradda la saarayo wadajirka, adkeysiga, iyo horumarka wadaagga ah ee horseedaya Afrika oo nabad iyo barwaaqo ku wada nool. Source: goobjoog.com
  13. BREAKING: Somaliland-Taiwan Alliance: Strategic Asset or National Security Liability? Somaliland’s burgeoning relations with Taiwan, once hailed as a bold diplomatic move, is increasingly becoming a national security liability. While the partnership has garnered international attention, it has also drawn the ire of a global superpower—China. The implications are sobering; a symbolic alliance marked by token gestures like shipments of wheelchairs or sports shoes is hardly worth the risk of provoking a confrontation with a global superpower like China. China perceives Taiwan’s relationship with Somaliland as a direct threat to its strategic ambitions, particularly the Belt and Road Initiative (BRI). This expansive project envisions the development of interconnected sea and land trade routes spanning Asia, the Middle East, and Africa. Somaliland, with its pivotal Berbera port, occupies a highly strategic position on the eastern coast of Africa. An obstructive Somaliland could significantly disrupt the Maritime Silk Road’s continuity, undermining China’s broader goals in the HoA region. The risks for Somaliland are clear. Without Taiwan providing critical tools to bolster its security—such as advanced weapons systems, cutting-edge surveillance drones, next-generation air defense systems, and comprehensive military training—Somaliland remains vulnerable to pressures from China and its regional proxies like Muqdishu regime, SSC militia’s and Puntland, forces that are already collaborating to destabilise Somaliland Eastern Sool and Sanaag regions. Taiwan’s symbolic gestures, while politically significant, do little to address the harsh realities of growing regional destabilization fueled by Beijing. If Taiwan cannot substantiate its presence in Somaliland with tangible security support, then its role in Somaliland must be reassessed by the newly elected administration in Hargeisa. Without concrete investments in Somaliland’s defense capabilities, the alliance risks shifting from a diplomatic triumph to a strategic burden, leaving Somaliland exposed to the wrath of the Chinese Communist Party. Source inside Africa Qaran News
  14. Garowe (HOL) — Puntland authorities have clarified their policy on granting amnesty to surrendered ISIS fighters, including foreign nationals, amid an escalation in the region's fight against the militant group. It comes as the semi-autonomous state intensifies operations to root out ISIS from its mountainous strongholds in northeastern Somalia. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Beledweyne, once a vibrant trade hub in central Somalia, now stands as a city paralyzed by insecurity, illegal roadblocks, and governance failures. Somalia's federal government has taken control of security operations, aiming to restore stability in the troubled Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  16. Bismilaahi Raxmaan Raxiim China Iyo Faragalinta Arrimaha Somaliland ——————————————- Dowlada China oo si badheedh ah oo Qaawan faragalin Toos ah ugu haysa Amniga Iyo Wada Jirka Ummadda Somaliland, Taasi oo keeni karta in ay Gobolka Geeska Africa, Uu ka bilaabmo Hirdan Culus oo u dhaxeeya Quwadaha Waaweyn Ee Dunida Guud ahaan gaar ahaana Umadda ku Nool Geeska. Faragalintan Colaadeed Ee aan geedna aan loogu Soo gaban waa mid ummada Reer Somalikand ay ku hayaan indhaha kana feejigan Hagar daamo kasta oo loo maleegayo Ali Mahamed Waranade Qaran News
  17. Dowladda Puntland ayaa guud ahaan dadweynaha ugu baaqday in ay soo gudbiyaan xogta ku saabsan dhaq dhaqaaqa kooxaha argagixisada ah ee ka firxanaya hawlgalka Calmiska. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa dhammaan dadweynaha ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka argagixisada ka baxsanaya hawlgalka buuraleyda gobolka Bari. G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa baaqan u jeediyay shacabka ku dhaqan xeebaha iyo degaannada fog fog ee Puntland gaar ahaanna kuwa xeebaha iyo tuulooyinka gobolka Karkaar oo uu ka codsaday in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan wixii xog ah ee ku saabsan dhaq dhaqaaqyada looga shakiyo firxadka argagixisada Daacish. Dowladda Puntland ayaa hawlgalkii ugu xooggana ku qaaday buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaaleystaan mileeshiyaadka kooxaha Daacish halkaasi oo ciidamadu jiho kasta ka go’doomiyeen si aysan cidna uga baxsan. PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq ka soo saartay dhaq dhaqaaqa kooxaha Daacish ee ka baxsanaya Hawlgalka Calmiska appeared first on Puntland Post.
  18. According to its chief editor Hinda Abdi Mohamoud, Bilan Media gives Somali women "a space to work" and "real editorial power". Somalia's first female-only media outlet covers topics including climate change, people living with albinism and HIV/AIDS, while also encouranging period education for young girls. However, it's not an easy industry for Somali women to work in. "You can get trapped [...] you can be attacked," our guest explains. But this seems to make her even more determined: "It's the thing that we want to change [...] that people believe that women cannot do the hard work." She spoke to us in Perspective. Source: Hiiraan Online
  19. Garowe (HOL) — Foreign members of the Islamic State group have surrendered to Puntland authorities, the state's Information Minister, Mahmoud Aided Dirir, announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  20. London (Caasimada Online) – Dukumentiyo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in marwadii koowaad ee hore ee Suuriya Asma al-Assad ay basaas u ahayd sirdoonka Britain. Dukumeentiyadii ugu horreeya oo uu Facebook soo dhigay weriye Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Nizar Nayouf, ayaa la sheegay inay ka yimaaddeen sirdoonka Suuriya. Waxaa ku xusan in sannadkii 1992-kii ay Bashaar al-Assad oo uu dhalay madaxweynihii wakhtigaas Xafiz al-Assad ay dul dhigeen kor joogteyn kadib markii uu Asma iyo sarkaal ka tirsaneyd MI5 Eliza Manningham-Buller kula kulmay hotel ku yaalla London. Bashaar, oo madaxweyne noqday 2000 kadib geeridii aabihiis, waxa uu London ku qaadanayey tababar dhakhtarnimo indhaha ah. Dokumentiyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in kulan labaad oo uu la yeeshay Manningham-Buller kaasi oo ka dhacay guriga Asma ee xaafadda Acton intii ay socotay xaflad, sidoo kale la tuhmayo inuu ka soo muuqday taliyihii hore ee saldhigga sirdoonka MI6 ee Moscow Raymond Asquith. “Inkasta oo kulanku ahaa mid bulsho, martida Ingiriiska waxay waydiiyeen Dr Bashaar su’aalo siyaasadeed (oo la xiriira arrimaha gudaha Suuriya iyo xiriirka uu la leeyahay qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka dalka),” ayaa ku qoran dukumentiga. “Waxay isku dayeen inay ogaadaan inuu wax xiriir ah la leeyahay iyo in kale.” Dukumeentiga labaad, ee ku taariikhaysan 1998, waxa uu sheegay xiriir ay Asma la laheyd Oxford Analytica Foundation, oo uu aasaasay Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka, waxaana lagu sheegay in Asma ay si hoose ugu shaqaynaysay sirdoonka UK, iyadoo sidoo kale ka shaqaynaysay JP Morgan. Labada dukumeenti ayaa lagu sheegay inay ka soo baxeen miiska General Ali Issa Douba, madaxa sirdoonka Suuriya ee xilligii Hafez al-Assad. Asma Fawaz Akhras, oo 17 jir ahayd markii ay dhacayeen kulamada la tuhunsan yahay, waxay guursatay Bashaar al-Assad 2000 wax yar ka dib markii uu qabtay xilka madaxtinimada. Si kastaba, warar ayaa sheegaya in dokumentiyada ay yihiin been abuur, ayada oo qof uu xusay in farta lagu qoray warqadda ee Carabiga oo ah nooca Kawkab Mono la hindisay un 2015-kii. Kahor inta uusan billaaban dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011, waxaa isbedelay xiriirkii u dhaxeeyey dowladda Assad iyo Mareykanka iyo UK. Horraantii 2000-aadkii, Assad iyo xaaskiisa oo haysata dhalashada UK, ayaa waxaa UK ku casuumay ra’iisul wasaarihii xilligaas Tony Blair, halkaas oo Assad uu kula kulmay boqorad Elizabeth. Wixii ka dambeeyay weeraradii 9/11, Assad waxa uu ogolaaday in Syria loo isticmaalo goob lagu jirdilo dadka laga shakisan yahay ee ay afduubteen ciidamada sirdoonka Maraykanka. Hase yeeshee, Assad waxa uu mar walba xiriir la lahaa dalka Maraykanka ay cadowga yihiin ee Iran, waxaana lagu eedeeyey inuu ogolaaday in dhulka Suuriya ay isticmaalaan Al-Qaacida iyo kooxaha kale ee hubaysan ee u socdaalaya Ciraaq si ay ula dagaallamaan Maraykanka.
  21. Hargeisa (HOL) — Somaliland has granted legal licenses to three political parties—Waddani, Kaah, and Kulmiye—allowing them to remain official political entities for the next decade. Source: Hiiraan Online
  22. The United Arab Emirates (UAE) delivered 700 tons of food aid to Somalia on Wednesday to support families affected by severe drought across the Horn of Africa country, Anadolu Agency reports. Source: Hiiraan Online
  23. The Health Ministry has allayed fears of the Human Metapneumovirus (HPMV) flu in Kenya following an outbreak in China. Source: Hiiraan Online
  24. Liverpool beaten at Tottenham in Carabao Cup semi-final opening leg Source: Hiiraan Online
  25. US forces, in collaboration with the Somali army, killed 10 al-Shabab terrorists in southern Somalia, US African Command (Africom) said, also confirming the earlier killing of senior terror outfit leader Mohamed Mire in a separate operation in the same region of Jubaland state. Source: Hiiraan Online