-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa qorsheynaya in awood ciidan ay kula wareegaan gobolka Gedo degmooyinka ay ka joogaan maamullada taabacsan dowladda federaalka. Qorshaha Jubbaland ay dib ugu qabsaneyso gobolka Gedo ayaa gabagabo ku sii dhow, sida ay ilo wareedyo kale duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaana socda qorshe ay Jubbaland ku qoraneyso ciidamo u dagaalama. Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jeneraal Cabdullahi Fartaag, balse seddax toddoobaad kadib, wuxuu shalay Baardheere diyaarad ka raacay isagoo aan wadin wax natiijo ah. Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Beledxaawo iyo Buurdhuubo ayaa ku jira gacanta dowladda federaalka, Axmed Madoobe ayaa qorsheynaya in awood ciidan uu kula wareego degmooyinkaas. Howlgalka xoogiisa waxaa laga abaabulayaa degmada Doolow oo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ay joogaan, waxayna halkaas ku diyaariyeen ciidan ay qalabeyntiisa ka qeyb qaadatay Itoobiya. Sidoo kale waxaa jira qorshe si hoose ciidan beeleed looga qorayo degmooyin ay ugu horeyso Garbahaarey, waxaana qorshahaas dejiyey Axmed Madoobe, halka ciidankii dowladda federaalka ku jebiyey Raaskambooni ay ku diyaarsan yihiin Kismaayo iyo degmooyin kale. Sida aan xogta ku heleyno waxaa gabagaba ku dhow qorshaha uu dejiyey Axmed Madoobe ee gobolka Gedo uu dib ugu qabsanayo, halka dowladda federaalka ay niyad jabtay markii looga adkaaday dagaaladii Raaskambooni, Kulbiyow iyo Doolow. Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qorsheyneyso in gobolka Gedo ay ku qabato doorasho lagu soo dhisayo maamul cusub oo Jubbaland yeelayo, kaas oo aqoonsi ka heli doona dowladda, iskuna balaari doona dhulka uu hadda xukumo ee laga qaadi waayey Axmed Madoobe. Qorshaha dowladda waxaa ka dhiman ciidan, mana jiro ciidan ay dowladda federaalka ilaa hadda geysay Gedo, si loo meel-mariyo ajendaha ay wadato, halka Axmed Madoobe uu diyaarinayo awood ciidan oo gobolka Gedo uu ku qabsanayo.
-
Washington (Caasimada Online) –Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in lacag dhan 95 Milyan oo deeq Military ah oo la siiyo Masar ay qorsheyneyso inay ka jarato oo lasiiyo dal kale. Warbixintaan waxay sheegeysaa in Mareykanku deeqdaas Militeri u wareeji doona dalka Lubnaan, sababo lala xiriira walaacyada laga qabo diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Qaahira. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qorshahaan Isniintii toddobaadkaan la wadaagtay Aqalka Congres-ka Mareykanka. Washington waxay sheegtay in Ciidamada Lubnaan ay yihiin saaxiibka muhiimka ah ee ilaali doona heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil ay dhowaan galeen ee dagaalka lagu joojiyey iyo inay ka hor tegi doonaan in ammaanka Israa’iil ay Xisbullah qalqal-geliso. Bishii September ayaa la sheegay in qorshahaan uu diiday Aqalka Congres-ga Mareykanka, kadib markii uu u gudbiyey maamulka waqtigiisu sii dhamaanayo ee Joe Biden, waxaana si cad u diiday xildhibaano badan. Dowladda Mareykanka ayaa go’aanka ay deeqdaan maaliyadeed uga jaraneyso Masar ku sheegtay walaaca xuquuqda aadanaha ee ka jira gudaha Masar, iyadoo la tilmaamay in kumanaan qof ay Qaahira ugu xiran yihiin arrimo la xiriira siyaasadda. Maamulka Joe Biden ayaa bartamihii sanadkii hore dowladda Masar ka dalbaday in xabsiyada laga siidaayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda, iyadoo aan la farogeli doonin dhaqaalaha militeri ee Mareykanku siiyo Masar. Xubnaha soo diyaariyey warbixinta deeqda militeri ee Masar la siiyo loogu wareejinayo Lubnaan waxay ku doodayaan in dhaqaalahaas qaar loo weeci karo dhanka Suuriya hadii loo baahdo, maadaama is bedel maamul oo weyn uu ka dhacay. “Lubnaan waa saaxiibka dhanka amniga ee Washington ay dooratay,” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay u gudbisay Aqalka Congress-ka. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu hoosta ka xariiqayaa inay muhiim tahay in isbedelka Suuriyaha la xaqiijiyo in kooxda Xisbullah ee Shiicada Iran taageerto aysan carqaladeyn, ilaalinta ajendahaas ayaa u baahan dhaqaale badan.
-
In violation of the federal system President Hassan Sheikh Mohamud is fomenting violence in Gedo to break up Jubaland State. Garbaharey (Commentary ) — Abdullahi SheikH Ismael ‘Fartaag’, the Security Minister of the Federal Republic of Somalia, returned to Mogadishu from Garbaharey, the administrative capital of Gedo. While in Gedo, he failed to mobilise the people of Garbaharey against the Jubaland Administration. “You forced us to accept the Jubaland Administration when many of us were against it. Now, we are not ready to oppose the Jubaland Administration, of which we are a part and parcel,” a woman told Fartaag in a leaked video of the meeting. Between 2012 and 2013, Fartaag opposed the interference of the Federal Government of Somalia, which was keen on undermining the Jubaland Administration. Fartaag seems oblivious to the fate of Barre Hirale, whom the Federal Government of Somalia funded to destabilise Kismayo but later isolated after a deal was struck between Kismayo and Mogadishu. Fartaag seeks to replace an unpopular Prime Minister Hamse whose reputation was tarnished by the Raaskaambooni debacle last year. Abdi Farah Shirdoon, a former Prime Minister, and Abdiwahid Gonjeh, a Senator, expressed objections to the Federal Government of Somalia’s efforts to destabilise Jubaland after Jubaland President Ahmed Mohamed Islam rejected a term extension for federal institutions and left the National Consultative Council summit in Mogadishu last year. Prime Minister Hamsa Barre believes that his silence on destabilising Jubaland could shield him from efforts by his detractors to unseat him. Fartaag and Hamza Abdi Barre, the Prime Minister, were behind the ill-fated deployment of Somali troops to Raaskambooni. In Mogadishu, Fartaag stated that the Baardheere bridge would be built by the government. The politicisation of security forces is now compounded by the politicisation of development aid donated to Somalia by donor countries. Aid sent through the Federal Government of Somalia will only be allocated to regions that allow their institutions to be manipulated by Villa Somalia. Any administration that refuses to align its policies with term extension goals and illegal amendments to the provisional constitution will be marginalised. A group of Somali MPs and Senators accused the Federal Government of Somalia of aiming to destabilise the Somalia-Kenya border. In 2014, when President Hassan Sheikh Mohamud signed a bilateral agreement to deploy Ethiopian troops, he insisted on keeping those forces in Gedo to avoid alienating his constituents, who are still reeling from the 2006-2009 Ethiopian intervention in Somalia. Having failed to foment uprisings against Ethiopian forces in Gedo, Villa Somalia resorted to using “guns for hire” policies, sending Fartaag and other politicians to break up the Jubaland State of Somalia on its behalf. “President Hassan Sheikh Mohamud, the current occupant of Villa Somalia, is paving the way for conflict in southern parts of Somalia,” an influential elder from Gedo alleged. The post Federal Government of Somalia Accused of Destabilising Jubaland State appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmiskaad ayaa gebi ahaanba baabi’iyay ilaa shan Talis oo Argagixisada Daacish lee yihiin. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyay warka ku saabsan burburinta goobihii gabbaadka u ahaa kooxaha Daacish ee buuraleyda Calmiskaad. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada difaacu burburiyeen islamarkaana gubeen ilaa shan Talis oo mileeshiyaadka Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad gaar ahaanna degaannada (Il iyo Cameyra). “Ugu yaraan 5 Talis oo Argagixisada laheyd ayaa Ciidanku burburiyeen oo gubeen, il iyo Cameyra- Calmiskaad” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland. Warar dhinaca Amniga ayaa sidoo kale sheegaya in keyd badan oo Saad iyo Raashin ah kooxaha Argagixisada ah ugu keydsanaa xarumaha ciidamadu burburiyeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo ilaa shan Talis ka gubay kooxaha Argagixisada ah ee Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan horumar ka sameeyay qiimeynta caalamiga ah ee Henley Passport Index, isagoo galay kaalinta 102-aad ee 2025. Qiimeyntan ayaa muwaadiniinta Soomaalida u oggolaanaysa inay fiiso la’aan ku tagaan 35 dal oo kala duwan. Sanadihii la soo dhaafay, qiimeynta baasaboorka Soomaaliya wax weyn iskama beddelin. Sanadkii 2015, waxa uu ku jiray kaalinta 108-aad. Inkasta oo horumarka sanadkan uu yahay mid la bogaadin karo, haddana booska Soomaaliya wuxuu aad uga hooseeyaa waddamada qaar, sida Imaaraadka Carabta, oo 10 sano gudahood kor ugu kacay 32 boos, haatana ku jira kaalinta 10-aad, waxaana fiiso la’aan lagu tagi karaa 185 dal. Henley Passport Index waa qiimeyn caalami ah oo lagu cabbiro awoodda baasaboorrada 199 waddan iyada oo lagu saleynayo tirada dalalka lagu tagi karo fiiso la’aan. Booska Soomaaliya wuxuu muujinayaa caqabadaha weli ka jira xornimada safarka muwaadiniinta, gaar ahaan marka loo eego waddamada sida Singapore, oo ku jirta kaalinta koowaad, halkaas oo baasaboorkeeda loogu oggolyahay in fiiso la’aan lagu tago 195 dal. Inkastoo ay jiraan dadaallo dowladda Soomaaliya ku bixisay hagaajinta xiriirka caalamiga ah iyo casriyeynta nidaamka bixinta baasaboorrada, haddana dadaalladaasi weli ma keenin natiijooyin muuqda oo ku saabsan xornimada safarka. Xannibaadaha safarka ayaa si gaar ah u saameeya fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo is-dhex-galka caalamiga ah ee muwaadiniinta Soomaalida. Warbixinta Henley Passport Index ee 2025 waxay iftiimisay dhibaatada ku saabsan sinaan la’aanta safarka caalamiga ah, iyadoo waddamada Afrika ay si gaar ah ugu dhibban yihiin xannibaadaha fiisaha. Booska Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay xaaladda guud ee qaaradda Afrika, halkaas oo heerarka diidmada fiisaha ay aad ugu sarreeyaan marka la barbar dhigo dalalka kale. Daraasaado ayaa muujinaya in dadka Afrika ee codsada fiisaha Schengen ay laba jeer u badan tahay in dalabkooda la diido marka loo eego dadka dalalka kale. Professor Mehari Taddele Maru, oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Socdaalka, ayaa sheegay in diidmada fiisaha dadka Afrika ay sabab u yihiin arrimo badan. “Heerarka sare ee diidmada fiisaha ee Afrikaanku waxay ka tarjumayaan dhaqaale daciif ah iyo siyaasado takoor ah oo sii adkaynaya sinaan la’aanta dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah,” ayuu yiri. Waddamada sida Komoros, Guinea-Bissau, iyo Ghana ayaa la kulma heerar diidmo oo ka badan 47%, taas oo muwaadiniinta Afrika ka dhigaysa kuwa ugu hooseeya dhinaca xornimada safarka, una diidaysa helitaanka fursadaha waxbarasho, shaqo, iyo ganacsi ee caalamiga ah.
-
Tirada dhimashada dabka ka holcaya Los Angeles ayaa kor u dhaaftay 10 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen – laba jibaar tirada lagu dhawaaqay saacado ka hor. Mas‘uuliyiinta caafimaadka ee Los Angeles ayaa sheegay in haraadiga dadkan weli la raadinayo. “Aqoonsigu dadka wuxuu qaadan karaa dhowr toddobaad maadaama Waaxda Baarista Caafimaadku aanay awoodin inay ka jawaabto dhammaan xaaladaha dhimashada sababo la xiriira jawiga dabka iyo welwelka oo sarreeya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay mas’uuliyiinta magaalada. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 27-kii bishii November ee sanadkii dhamaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay waaran lagu soo qabanayo hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Ninkan ayey dowladda ku eedeysay u adeegida dowladda shisheeye iyo inuu ka horyimid dastuurka dalka iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliya. Durba waxaa soo baxay dareen ah inay arrintani socdaal ahaan u saameyn doonto Axmed Madoobe. Mudaddaas illaa maanta Axmed Madoobe kama bixin magaalada Kismaayo. Illaa xilligaas dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxay sheegayaan in uusan Axmed Madoobe u dhoofi karin dibadda. Axmed Madoobe ayaa inta badan aadi jirey waddamada Kenya iyo Imaaraadka, balse meelna uma dhaqaaqin tan iyo markii uu dib isku doortay, dowladda federaalkuna ay soo saartay waaranka. Iyadoo Axmed Madoobe uu ku adkaaday dagaalkii milatari ee kaga yimid dhanka dowladda federaalak ah, sidoo kalena la furfuri waayey xarkihiisa Imaaraadka iyo Kenya, haddana arrinta socdaalku waa su’aal weli hortaalla Axmed. Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya inuu ku jiro qorshe safar, laakiin dhanka dowladda federaalka oo la hadalnay waxay ku goodiyeen in uusan ka bixi karin magaalada Kismaayo. Haddii uu Kismaayo ka tago, iyadoo xiisaddan taagan tahay ma cadda inuu xaalka sidiisa ugu soo laaban doono, waana mid kale oo walaac leh ayey leeyihiin qaar ka tirsan dadka isha ku haya arrintaan. In ciidankiisa la kala fur-furi karo ayuu ogaaday Axmed Madoobe intii uu ku jiray dagaalkan. Mowduuca socdaalka waa xujo furis uga baahan asbuucyada soo aadan, haddii kale waxaa dhab noqon doonta sheegashada dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inuu waarankooda u xayiran yahay Axmed Madoobe.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya waxaa ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo helitaanka bad, waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Nebiyou Tedla. Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA, Nebiyou ayaa Turkiga uga mahad celiyay fududaynta heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku dhammeeyeen khilaafkooda. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in Itoobiya ay si firfircoon uga qayb qaadanayso wada-hadallada farsamo ee lagu qeexayo habka ay Soomaaliya ugu ogolaan doonto Itoobiya marin bad. Wuxuu sheegay in labada dal ay ka sameeyeen “horumar la taaban karo” dadaalka lagu xallinayo khilaaf ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland. Sida uu dhigay heshiiska muranka dhaliyey, Somaliland waxay ka kiraynaysaa Itoobiya 20-kilometer (12-mile) oo dhul xeebeed ah, si ay uga samaysato saldhig ciidamada badda iyo dekad. Itoobiya oo dadkeeda lagu qiyaaso in ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan adduunka ee aan bad lahayn. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan lahayd madax-bannaanida Somaliland. Hase yeeshee, heshiiskii ka dhacay Ankara ayey Itoobiya si rasmi ah ugu aqoonsatay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya ay ballan-qaaday in ay Addis-Ababa u ogolaato in ay hesho marin badeed. “Labada dal waxay ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doono qaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri heshiiskii Ankara. Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah.
-
Mogadishu (HOL) — Hirsi Ali Haji Hassan, chairman of Somaliland's Waddani party, has denied claims that he met secretly with Somali President Hassan Sheikh Mohamud during a recent trip to Djibouti. His statement comes as protests erupted in Hargeisa, accusing Hirsi of undermining Somaliland's political standing. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Walxo aan la aqoonsan haybtooda oo ololaya ayaa xalay fiidkii lagu arkay hawada degmada Mooyaale ee ku taalla xadka Kenya iyo Itoobiya. Dadka deegaanka oo aan aqoonsan karin waxay yihiin walxahani ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaallo ay ka duubeen, kuwaas oo muujinaya iyaga oo aad u holcaya. Mid kamid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in ay waxani yihiin walxo dhowr iyo toban ah oo hawada maraya, islamarkaana aan lahayn wax guux ah, “Wax fara badan oo aad mooddo gantaallo ayaa dhanka qorrax-dhaca kasoo baxay, kadibna magaalada ayuun bay u dhaafeen dhanka qorrax-dhaca,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxay ahaayeen (walxahani) ilaa dhowr iyo toban wax oo uu mid weyn ku jiro. Waxa ay yihiin ma sheegi karno, wax na maray ayuun baan aragnay, guuxna malah.” Caalami Jaamac oo kamid ah dadka arkay walxahan ayaa isna sheegay in laga yaabo in ay yihiin satalayd bur-buray, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn waxa uu yahay. “Wax loo malaynayo inuu yahay burburka satalayd baa caawa lagu arkayaa hawada magaalada Mooyaale iyo qaybo ka mid ah gobolka Oromiya,” ayuu yiri Jaamac. Si kastaba,a marka laga imaado fallan-qaynta bulshada ku sugan deegaanada walxahan lagu arkay, ma jiraan illo rasmi ah oo xaqiijin kara waxa ay yihiin walxahan oo baqdin geliyay shacabka deegaanadaasi.
-
Los Angeles (Caasimada Online) – Laba dab oo waaweyn oo gubay xaafado dhan, islamarkaana ku barakciyey kumannaan qof magaalada Los Angeles ee Mareykanka ayaa wali si buuxda aan loo xakameyn Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Dadka deegaanka oo weli naxdin ku jira ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan burburka guryahooda si ay uga baaraan wixii uga haray. Goobo badan oo ka mid ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka ayaa u muuqday kuwo cidlo ah, iyadoo dadkii halkaas ku noolaa lagu amray inay ka barakacaan. Qiiq madow ayaa cirka qariyay, urtiisana waxay ku faaftay meelo badan oo magaalada ah. Hawlgallo waaweyn oo dab-damis ah ayaa galay maalintii saddexaad, waxaana taageerayey diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suurtagashay markii dabeylaha xoogga badnaa yaraadeen. Iyadoo xaaladdu kacsan tahay, dhacdooyin boob ah ayaa soo baxay, waxaana ugu yaraan 20 qof loo xiray falalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha. Dabka ugu weyn, oo ku faafay 6,900 hektar oo ka mid ah xaafadda Pacific Palisades oo ah meel ay dadka qaniga ah deggan yihiin, ayaa loo arkay “mid ka mid ah musiibooyinka ugu burburka badan taariikhda Los Angeles,” sida ay sheegtay madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley. Dab kale oo ku baahay xaafadda Altadena, oo gubay 4,000 hektar islamarkaana sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, ayaa isna wali “aan la xakameynin,” inkasta oo dabkaasi uu yaraaday markii dabeylaha ay yaraadeen, sida uu sheegay madaxa dab-damiska gobolka, Anthony Marrone. Kalen Astoor, oo ah haweeney 36-jir ah oo xafiis sharci ka shaqeysa, ayaa Khamiistii dib ugu soo laabatay xaafadihii ku burburay dabka si ay u aragto xaaladda. Guriga hooyadeed ayaa ka badbaaday dabka, inkastoo guryo badan oo ku dhowaa ay dhulka la galeen. “Muuqaalku hadda wuxuu u egyahay dhimasho iyo burbur,” ayay tiri. “Ma hubo in dadku si sahlan ugu soo laaban karaan noloshoodii hore.” Dabkaas ayaa sidoo kale dib uga kacay meel u dhow Mount Wilson, oo ah goob ay ku yaallaan xarumo taariikhi ah iyo qalab muhiim u ah isgaarsiinta magaalada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray war wanaagsan oo ku saabsan Hollywood, oo ah hoyga taariikhiga ah ee wax soo-saarka filimada Mareykanka. Amaradii barakaca ee lagu soo rogay dadka ku noolaa meel u dhow dabka “Sunset Fire” ayaa la qaaday Arbacadii. Tani waxay keentay in dadka deegaanka halkaas ay dib ugu soo noqdaan. Dabka ku faafaya dabeylo gaaraya ilaa 100 mayl (160 kiiloomitir) saacaddii tan iyo Talaadadii ayaa dhulka la simay in ka badan 2,000 dhisme oo ku yaalla magaalada Los Angeles, kuwaas oo u badan guryo qaali ah oo malaayiin doolar lagu qiimeeyay. Sawirro laga qaaday dusha sare Khamiistii ayaa muujiyay xaafado dhan oo gubtay, iyadoo muuqaalladaas argagax ku abuurayeen malaayiin qof oo ku nool magaalada Los Angeles iyo daafaha dunida. Madaxa dab-damiska magaalada, Kristin Crowley, ayaa sheegtay in qiyaas hordhac ah oo ku saabsan guryaha ku burburay xaafadda Pacific Palisades ay muujineyso kumanaan. Ilaa 180,000 qof oo ku nool Los Angeles ayaa weli ku hoos jira amarro barakac oo degdeg ah. Mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday inay si adag ula dagaallami doonaan kooxaha boobaya guryaha looga guuray sababo la xiriira dabka iyo barakaca. Xaafadda xeebeed ee Santa Monica waxaa lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya qorrax-dhaca ilaa waaberiga, kaas oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa goobaha barakaca. Dhinaca Altadena, dadka deriska ah ayaa isu beddelayay ilaalinta guryahooda, iyagoo xaafadaha ka samaynaya roondo. Sheriff-ka Gobolka Los Angeles, Robert Luna, ayaa sheegay in ilaa 20 qof loo xiray boob, iyadoo tiradaas la filayo inay kororto. Warbixin ka soo baxday Xarunta Cimilada Qaranka ayaa sheegtay in “dababka ay u badan tahay inay sii ballaartaan,” iyadoo khataraha dab cusub la filayo ay jiraan illaa Jimcaha maanta ah.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraatka Carabta ayaa xabsiga dhigay wiil uu dhalay hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi kadib markii laga soo gacan geliyey Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Jimcaha maanta ah. Abdul Rahman al-Qaradawi, oo lagu xiray Lubnaan ka dib markii uu dalka uga soo gudbay dhanka Suuriya December 28, ayaa wajahaya eedeymo ah “dhaq-dhaqaaqyo ujeedadoodu tahay in lagu kiciyo laguna waxyeeleeyo ammaanka dadweynaha”, wakaaladda wararka dalka ee WAM ayaa sidaas sheegtay. Waxay intaas ku dartay in Qaradaawi xabsiga la dhigay. Lubnaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in ay ogolaatay in ay masaafuriso Qaradaawi, oo sidoo kale laga baadi goobayo dalkiisa hooyo ee Masar. “Imaaraadka waxa uu si aan gabasho lahayn ugu celinayaa mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah cid kasta oo bar-tilmaameedsata amnigeeda iyo xasiloonideeda, waxayna xaqiijinaysaa inay si hagar la’aan ah u baacsan doonto shaqsi kasta oo khatar ku ah amniga qaranka, ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah,” ayey tiri WAM. Xariga ayaa lala xiriiriyay xukunka Masar ay isagoo maqan ku riday Qaradaawi ee ku xukumay shan sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay “in uu ka soo horjeedo dowladda iyo kicinta argagixisada”, ayuu sarkaalka hadalkiisa ku daray. Tan iyo markii la xiray 28-kii bishii December, Masar iyo Imaaraadka Carabta ayaa labadaba codsaday in loo soo gacan geliyo, sida uu sheegay sarkaal kale oo garsoorka ka tirsan oo diiday in magaciisa la shaaciyo. Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Ziad Makary oo shir jaraa’id qabtay Talaadadii ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay go’aansadeen in Qaradaawi loo gacan geliyo Imaaraadka. Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan garsoorka Lubnaan, codsiga Imaaraadku wuxuu ku salaysan yahay muuqaal Qaradaawi uu internetka soo dhigay isaga oo ku sugan Masjidka Umayyad ee Dimishiq, kaasi oo uu ugu dabaal-degayay afgambigii hogaamiyaha Suuriya Bashaar al-Asad bishii hore, kuna baaqay “guul” ka dhacda dalal kale. Muuqaalka, Qaradaawi wuxuu sidoo kale uga digayaa dadka Suuriya “talisyada xun” ee “Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo Masar”. Sarkaalka reer Lubnaan ayaa sheegay in Imaaraadku uu u arko ” kicin” ka dhan ah Imaaraadka iyo isku day lagu doonayo in lagu “qalqal geliyo” dalkan Khaliijka ku yaalla. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Arbacadii sheegtay in Qaradaawi uusan ku heli doonin maxkamad cadaalad ah gudaha Imaaraatka isla markaana “la jir dili karo” xabsiga halkaas. Qaradaawi, oo sidoo kale ah gabyaa, waxaa dhalay caalimka caanka ah ee Sunniga Yuusuf Al-Qaradaawi, oo ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ikhwaanul Muslimiinka oo ay liiska madow ugu dareen in ay tahay “koox argagixiso” Masar iyo Imaaraadka labadaba. Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa dhowr jeer lagu xiray dalka Masar sababo la xiriira xiriirkiisa ururka Ikhwaanul Muslimiin. Waxa uu dhintay 2022 ka dib tobanaan sano oo uu dibad-joog ku ahaa dalka Qatar. Abdul Rahman al-Qaradawi waxa uu ahaa qaban qaabiye siyaasadeed oo ka soo horjeeday dawladdii uu hoggaaminayay Hosni Mubarak ee muddada dheer xukumeysa Masar, taasi oo 2011-kii lagu afgambiyay kacdoonkii Carabta. Ka dib waxa uu noqday nin si weyn uga soo horjeeda hogaamiyaha wakhtigan ee Masar Abdel Fattah al-Sisi oo 2013-kii afgambiyay madaxweynihii sida dimoqraadiga ah lagu doortay ee Masar Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shir u socday wasiirro ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaalkacyo waxaana laga soo saaray go’aanno lagu xallinayo colaad beeleed khasaare gaysatay oo ka aloosan galbeedka gobolka Mudug. Wasiiradda ayaa go’aannada ay soo saareen ku sheegay in guddiyada nabadda ee ka soo jeeda beelaha dagaalku dhexmaray iyo guddiga farsamaduba ay labada maamul kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in colaaddu ay soo laabato. Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyay wejiga hore ee gogosha nabadeynta in muddo toddoba maalin gudahood lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. Go’aannada kasoo baxay shirkaan ayaa waxay u dhigaaneyeen sidan; 1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac. 3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. Go’aannada kasoo baxay wejiga hore ee gogosha nabadeynta ayaa xal u noqon kara colaad beeleedka ka taagan galbeedka gobolka Mudug, taas oo soo noq-noqotay, ayna ka dhasheen khasaare kala duwan.
-
Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka la weeraray xabsiga weyn ee magaalada. Mileeshiyaad hubaysan oo ka caraysan rag ka tirsan beeshooda oo dhawaan maxkamadda ciidanka Puntland xukuntay ayaa lagu soo warramayaa in ay weerareen xabsiga weyn ee Gaalkacyo. Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad xooggan oo dhexmaray ciidanka Ilaalada xabsiga Gaalkacyo iyo mileeshiyaadka weerarka soo qaaday sida ay wararku xaqiijinayaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xabsiga la weeraray ay ku jireen raggii maxkamadda ciidamada Puntland xukuntay oo loo haystay in ay hore Gaalkacyo ugu dileen nin ganacsade ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Mileeshiya-beeleed caraysan oo saaka weeraray xabsiga weyn ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — A controversial directive by school authorities in Axum, Ethiopia, banning Muslim girls from wearing hijabs in schools, has forced over 159 students out of the classroom. Source: Hiiraan Online