Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay amar cusub oo ay dul dhigtay Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo looga mamnuucayo inay aadaan deegaanada ay weli maamulaan kooxda Al-Shabaab iyo la macaamilkooda. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegya inay reeban tahay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga. Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay Wasaarada oo dhameystiran: 1. Wasaaradda iyadoo adkeynaysa Bayaankii shirkii 24-29 Oktoober 2022,waxay reebtay in kooxaha Khawaarijta ee ka daagalama Soomaaliya loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij. 2. Wasaaraddu waxay reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan-Kaligii muslinnimadda, dilka, isdilka iyo naftii halignimada- salna aan kulahayn Diinteena Islaamka ee xaaraanta ka ah. 3. Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga. 4. Wasaaradu waxay bogaadinaysaa dadaalada ay Culimada Soomaaliyeed ku bayaaninayaan jidka toosan ee ay Diinteena Xaniifka ah inoo jideysay. 5. Wasaaradu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa in ay isukaalmeystaan wanaaga, gutaanna waajibkooda ku aadan taageerida gulufka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay daadinta dhiga Shacabka Soomaliyeed. The post DF oo amar culus dul dhigtay culimada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nasa Ige u magacaabay la-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada”. “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah” ayaa la raaciyay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay magacaabayay la-taliyeyaal farabadan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caana. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliye cusub appeared first on Puntland Post.
  3. Beledweyne (HOL) -Intense fighting has broken out between pro-government militia and al-Shabaab fighters near Dhoqor and Baarey villages, about 27 km south of Beledweyne. The skirmish was sparked after re-liberation forces known locally as Ma'awiisley attacked a recently established al-Shabaab compound. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay 21 ka tirsan Al-Shabaab, halka ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaas ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ay howl-galkaas ka fuliyeen deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. “Howl-galkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta kooxdaan Khawaarijta ah oo ka mid ahayd kooxaha jabhadaha oo xiligaasi ku howlanaa diyaarinta falal ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxy wasaaradda warfaafinta. Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhamaan kooxdii Shabaabka ahayd ee halkaasi ku sugnaa iyo dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed. Jabka maanta la gaarsiiyay argagixisada ayaa ka dhigan in Afar maalmood oo xiriir ah ay Ciidanka Qaranka ka dileen Al-Shabaab ku dhawaad 200 oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaarada warfaafinta. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii uga mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto argagixisada duulaanka ku ah dalka, dadka iyo diinta. The post NISA oo fulisay howlgal lagu laayey Al-Shabaab badan appeared first on Caasimada Online.
  5. Sida aynu ka warqabno dhaqaalaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku baxaa 35% nabadgelyada, dabcan awood badan baa la galiyaa sida ku cad miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland sidoo kale waxa ay ka helaan ciidamada nabadgalyadu taakulo iyo tababaroba hay’adaha caalamiga ah iyo dawladaha jamhuuriyada Somaliland ay xidhiidhka wanaagsan leeyihiin. Ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland waxa ay hoos tagaan wasaarada arimaha gudaha oo qaabilsan amniga dalka , doraad waxa ay ahayd sanadguuradii 29naad ee ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland waxaana halkaasi laga jeediyaa sanadwalba dambiyadii dalka ka dhacay sanadkii dhamaaday. Haddaba qoraalkan aan idin la wadaagayo waxa aan is barbardhig ku sameeyey labadii warbixinood ee ugu dambeeyey 2021 iyo 2022 si aynu u ogaano amaanka dalka , xadiga dambiyada dhacay yareyntooda iyo sugida nabadgelyada dad iyo duunyoba waxa mudadaasi isbadelay. Dhinaca kale warbixinta police ka waa in si ka horumarsan sida hada loo soo saaro la sameeyaa oo aynu helaa warbixin goboleysan , degmaysan oo ilaa heer tuulo fal dambiyeed waliba meesha uu ka dhacay ku cadahay arinkaasi waxa uu sahlayaa halka awooda la saarayo sanadka dambe iyo waliba in la ogaado sababta keentay dambiyada badan. Dabcan hadii aynu eegno waxa muuqata in dambiyadu sii badanayaan sida ka muuqata warbixinta oo uu jiro korodh aan caqli gal aheyn markaa waxa aan halkan idin kula wadaagay hordhac kooban , inta kale waxa aad akhrisan doontaan mareegaha waxa laga akhriyo insha Allah. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka Jabuuti oo dhawaan yimid magaalada Muqdisho. Dhakhaatiirtaan ayaa dalka u timid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe. Dhaqaatiirta oo gaareysa 20 ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag. Sidoo kale waxa uu xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin. Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aya sidoo kale waxaa ka qeyb galay sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii Zoobe 2. Dowladda Jabuuti ee uu hogaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan Dhakhaatiirtaan usoo dirtay caasimada dalka ee Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan samatabixinta dhaawacyada qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe. The post Sawirro: Xamza oo maanta maamuusay dhakhaatiir Muqdisho u timid gurmad appeared first on Caasimada Online.
  7. Stockholm (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa ka warramay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab. Rooble oo khudbad ka jeediyey madal loogu duceynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa jeediyey baaq culus oo ku aadan in loo midoobo dagaalka adag ee haatan lagu jiro xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in isagu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb-galo, islamarkaana uu naftiisa u huro xoreynta dalka. “Aan isbaheysano cadowgaan cadow soo jiray waayey, aniga diyaar ayaan u ahay inaan ku dhinto dagaalka naf kastaa maalinbey ku egtahay, laakiin carruurteena ayaa badbaadeyso” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdu ay kordhisay weeraradeeda, maadaama inta badan deegaanada Hiiraan laga saaray iyo qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay muujineyso in uu sii dhammaado waqtigeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Madaama dagaal lagu qaaday oo Hiiraan laga soo saaray Jowhar iyo agagaarkeedana ay waxyar ka dhiman yihiin naf la caari waayey dhib waa geysanayaan,” ayuu raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay meel iska dhigaan kala fikir duwanaanshiyaha siyaasadeed, ayna u soo jeestaan horumarka dalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas deegaano badan looga qabsaday, sidoo kalena jab culus lagu gaarsiiyey. The post R/W Rooble: Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Maanta saagootiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Aaden Maxamed Nuur oo maalmaham safar shaqa ku joogay Puntland. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Puntland & DFS, Xoghayaasha guud ee Baarlamaanada Puntland & Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Saraakiil kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey, loona maamuusay intii joogeen Garoowe. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta laga saagootiyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  9. Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Haaji Hassan wefdi ay hogaaminayaan ayaa maanta gaarey Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool. Wafdiga waxaa qeyb ka ah Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka iyo Koonfur Galbeed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Cabdifitaax Mahad Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed lataliyaasha Madaxweynaha Maamul Daadajinta,warfaafinta iyo masuuliyiin kale. Waxaana magaalada Xudur ay kaga qeybgali doonaan Munaasabadda Caleemasaarka maamulka cusub ee dhowaan Bulshada ay doorteen ee magaalada Xudur. PUNTLAND POST The post Wasiir Fiqi oo gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) - The Somali government says it blocked al-Shabaab's financial accounts in the country's remittances networks and banks. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) - The Somali government says it blocked al-Shabaab's financial accounts, both through remittance companies and national banks. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia is warning of increased bomb attacks in the country as al-Shabaab militants flee from rural villages where they are losing territory to vigilantes and security forces. Source: Hiiraan Online
  13. WINDHOEK, Namibia (AP) — Young climate activists from African nations have high demands but low expectations for the U.N. climate conference which begins Sunday in the Egyptian coastal resort of Sharm el-Sheikh. Source: Hiiraan Online
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay xasuuqii kooxaha khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore. Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag. Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay dhaqaatiir ka yimid Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxaa inta badan gobollada dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug ka socday abaabul iyo kacdoon culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo weli ka soco Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska kaashanaya, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale KUWA deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib? Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlayey howlgallada socdo ayaa sheegay in guullo laga gaaray, tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in markii hore Al-Shabaab ay joogeen xadka Itoobiya, balse haatan 90% laga saaray deegaanada gobolka Hiiraan, islamarkaana uu dagaalka ka socdo xadka gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu hadalka u dhigay. “Afar bilood kahor Al-Shabaab meesha ay ka joogeen gobolka Hiiraan iyo meesha ay maanta ka joogaan qof kasta oo Soomaaliyeed ha cabiro. Waxay joogeen xadka Itoobiya intay dhaafee gobolka, maantana xabaddii ugu dambeysay waxay ka dhaceysaa xadka gobolka Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Taas micnaheedu waxa ay tahay in 90% dadka deegaanka iyo ciidamada qaranka ay ka guuleysteen inay khawaarijta ka xoreeyaan,” Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo qaraar ay ka socdaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay dagaalka ku biireen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Turkiga. The post Daawo: DF oo shaacisay natiijada laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib appeared first on Caasimada Online.
  16. Shirkii Beesha Muuse Cabdalle Oo Soo Xidhmay. Qaran News
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo sidoo kale xoogaga Al-Shabaab. Dagaalka oo weli socdo ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca jinka webiga, islamarkaana hoostaga Beledweyne. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay gaareen deegaanada Baareey iyo Dhoqor oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka socdo dagaal xoogan. Sidoo kale ciidamada ayaa u suuragashay inay burburiyaan doomo ay isticmaalayeen dagaalyahanada lagu weeraray deegaankaas, kuwaas oo uga gudbi jireen webiga. Saraakiisha dowladda ayaa shaaciyey in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan halkaasi, iyaga oo tilmaamay inay ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka. \Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la soo warinayaa inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac. Hiiraan ayaa xudun u noqotay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday kooxda looga qabsaday deegaanno dhowr agh oo ka tirsan gobolkaasi. The post DAGAAL culus oo mar kale ka qarxay gobolka HIIRAAN iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed. Fiqi ayaa waxaa isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed. Socdaalka wasiirka ayaa ah sidii loogu kuur gali lahaa xaaladaha kala duwan ee ka jira dowlad gobaleedka Koonfurgalbeed, waxka qabashada abaaraha iyo hawlgallada ka socda deegaannada maamulkaas. “Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweynee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegannada Baareey iyo Dhoqor oo hoostaga magaalada ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ururka alshabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda iyo dadka shacabka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanada hoosyimaada jiinka wabiga oo ay kamid yihiin deegaannada Baareey iyo Dhoqor. Waxaana la soo warinayaa in ay jiraan khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, mana cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Ciidamada dowladda, maamulka gobalka Hiiraan ayaanan weli ka hadli dagaalka ka socda gobalka gaar ahaan deegaannada Baareey iyo Dhoqor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah taageerayaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu dhibaateeyey dhowr qof oo mucaarad ku ahaa dowladii Farmaajo. Ninkaan oo magaciisa la qariyey ayaa la soo xariiray Kheekh Usuuli oo barnaamij ka baxa TV-ga Universal su’aalaha diiniga ah lagu weydiiyo. Ninka la soo xariiray Sheekha ayaa yiri, “Xiligii dowladii hore ee Farmaajo Allaha xafidee ayaan taageero u ahaa, mucaarad badan ayaa joogay magaalada, ana waan dili jiray qofkii ka soo hor jeeda Farmaajo.” Ninkaan ayaa sheegay in dadka uusan toos u dili jirin, balse ay garaafo gaarsii jireen, isaga iyo koox kale oo la taageersaneed madaxweyne Farmaajo. “Dhimasho ma geysan, laakiin dadka inta luuq u galno ayaan nabar xoog leh ku dhufa jirnay, marka dadkaas ma ayagii ayaan cafis weydiistaa? Mise Ilaahey ayaan cafis ka baryaa?” ayuu yiri ninkaan la soo xiriiray Sheekh Usuuli. Wuxuu sheegay in nin kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku hagi jiray dadka la beegsanayo ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo. Sheekh Usuuli ayaa u sheegay ninkaas la soo xiriiray inuu cafis weydiisto dadkii uu dhibka gaarsiiyey hadii uu garanayo, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in qof dambe uusan u dhibaateyn fikirkiisa ama raali gelinta qof kale. Hoos ka daawo The post Daawo: Nin ‘taageeri jiray’ FARMAAJO oo qirtay inuu dhibaateeyey dad badan appeared first on Caasimada Online.
  21. A rescue operation was underway Sunday after a commercial flight operated by Precision Air crashed into Lake Victoria in Tanzania, according to the airline. Source: Hiiraan Online