-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhadda TPFL. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso heshiiska ay Tigrayga iyo dowladda dhexe ay kala saxiixdeen. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.” ayaa lagu yiri barayaan ka soo baxay DFS. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay Koonfur Afrika ay ku bogaadineyso dadaalada ay nabadda ka sameeyeen si miiska wadahalka la isugu keeno TPLF iyo Itoobiya. “DFS waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii kordhinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Gains against al-Shabab are a boost for Somalia’s new government Muktar robow, once a feared leader of al-Shabab, al-Qaeda’s richest and most lethal affiliate, jabs his finger at a map of Somalia. Now a cabinet minister, he rattles off the names of places that have recently been recaptured from his erstwhile comrades. The lands of the Hawadle clan in Hiran, central Somalia? “They’ve liberated all of it.” Almost all of the region’s key roads are also under government control. The next districts to be liberated will probably be Galguduud and Middle Shabelle (see map). And the rest of Somalia? “Al-Shabab is on the back foot,” answers the former terrorist who once had a $5m American bounty on his head. “Gains are being made every day.” Those gains have, however, come at a bloody price. On October 29th twin car bombings in the capital, Mogadishu, killed at least 100 people. It was the country’s deadliest attack since a blast at the same place five years ago. Al-Shabab swiftly claimed credit, saying their target was the education ministry and calling it an “enemy base” bent on turning Somali children away from their Islamic faith. Hassan Sheikh Mohamud, who has pledged “total war” against the jihadists since returning to office in May for his second term as president, replied that these revenge attacks showed the government is “winning”. Though such a claim seems premature, it is true that his administration has made real strides against the jihadists in recent months. What began in the summer as a local clan revolt against al-Shabab’s increasingly onerous tax demands—amid the worst drought in four decades—has since spread. Clan militias known as the Ma’awisley have spearheaded uprisings in several districts in Hirshabelle, one of Somalia’s five federal states. The uprisings are now being backed by the national army and by American air power. The government says ten big towns and dozens of villages are back under its control. That is sparking hope for a country that has been battling jihadists for more than 15 years. “This is a historic offensive,” says a senior American official. Booting the jihadists out of Hiran severs their access to the lucrative trade routes that run right down through central Somalia from the port of Bosasso in the north. It also prevents al-Shabab from using the region as a base to attack neighbouring Ethiopia as it did in July, when several hundred of its fighters crossed the border in its biggest incursion ever. Moreover, whereas most previous offensives were led by African Union troops, “this time it’s Somali-led,” notes Omar Mahmood of the International Crisis Group (icg), a Brussels-based think-tank focused on conflict. The president’s new approach consists of three elements: military, ideological and economic. First, the federal government is providing ammunition, fuel and food to the Ma’awisley. The doughty clansmen know their terrain better than the national army and are more motivated to fight. By supporting them the president hopes to encourage a domino effect of revolts across the country, which he likens to how Iraqis eventually rid themselves of Islamic State. To this end he has also called on the presidents of Somalia’s semi-autonomous states to mobilise their own security forces against the militants. He has reportedly asked America to loosen restrictions on its drone strikes targeting al-Shabab. Meanwhile, the government is trying harder to rebut al-Shabab’s online propaganda. It is exhorting Muslim leaders to speak out against jihadism. It is also trying to squeeze the group financially by ordering businesses to rebuff its efforts at extortion. Mr Mohamud says the key lesson from his previous term as president, which ran from 2012 to 2017, is that a “military-only approach” does not work. In an early signal of his willingness to try new methods, the president appointed Mr Robow as minister of religious affairs. His predecessor, by contrast, had put the former al-Shabab spokesman under house arrest. “He can be an asset,” says Mr Mohamud. He suggests, for example, that Mr Robow could help the government “reclaim the Islamic narrative” from the jihadists. A more delicate but no less important task involves reaching out discreetly to former comrades and encouraging them to defect. The government’s strategy has its drawbacks. Relying on clan militias could well end badly. Though determined, the militias are ill-trained and brutal. Last month the governor of Hiran even called on them to kill the wives and mothers of al-Shabab members. Their successes may also be hard to replicate in other parts of the country. Clan militias in al-Shabab’s heartland in the south are neither as large nor as well-armed as those in Hirshabelle. And al-Shabab has a record of quickly seizing back territories that it has lost. Mr Mahmood of the icg argues that ultimately the government will have to consider negotiating with the jihadists. Yet few Somalis seem to have an appetite for this. “The only language al-Shabab understands is the bullet,” says Mr Robow, whose own son was recently killed fighting the militants. “It must be eliminated.” Al-Shabab, for its part, does not sound very interested in talking either. Even so, Mr Mohamud thinks it is but a matter of time. “When we reach a certain level we’ll open the door for dialogue,” he says. “But for now [the jihadists] are not ready.” Source: The Economist The post Somali clans are revolting against jihadists appeared first on Puntland Post.
-
Kenya Airways PLC said it was experiencing disruptions to its flight schedule after its pilot union began a strike on Saturday, despite the government urging them to call it off. Source: Hiiraan Online
-
UNESO Director-General Audrey Azoulay has condemned the killing of television journalist Mohamed Isse Hassan who died in a suicide car bomb attack in Mogadishu, the capital of Somalia, on 29 October. It was part of a series of two blasts that killed at least 100 people and injured 300 others. Source: Hiiraan Online
-
Experts say climate change accelerating conflicts in Africa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Horn of Africa has registered a rise in conflicts because of an increase in climate disasters, experts said on Friday. Source: Hiiraan Online -
Xoggo ku saabsan Ninka toogtay Cimraan Khan “Ra’iisal-wasaarihii hore ee Pakistan” Naveed Axmed waxa uu ku noolaa guri ku yaalla Suhadra oo qaab muuqaalkiisu aad u liitay. Guriga ayaa marka aad eegto waxa uu u muuqdaa mid qabyo ah oo weli dhismo uu ku socdo. Naveed waxa uu la noolaa labo wiil oo uu dhalay, hooyadii oo da’ ah iyo xaaskiisa. Aagga uu ku noolaa ayaa warbaahinta qabsaday tan iyo markii uu toogtay Cimraan Khan iyo dad kale oo dibad baxayay. Hadda waxa uu ku jira xabsi ku yaalla Suhadra. Suhadra waxa ay ku taallaa jiinka webiga Chenab. Waa magaalo aysan dad badan ku nooleyn, waxaana la aaminsan yahay in qoys kasta oo magaaladan ku nool uu qof u soo shaqeeya dibadda u jiro. Wiilka curadka u ah Axmed waxa uu jiraa ilaa sannad iyo bar, halka wiilka yarna uu dhashayba 10 maalmood ka hor. Guriga ay ku nool yihiin waa guri dhaxal ah oo ay hooyadood leedahay. Sida laga soo xigtay weriye maxalli ah oo la yirahdo Aqeel Axmed Lodhi “Ninka eedeysanaha ah guriga dhaxalka ah keligii ayaa qaatay isagoo u diiday walaalihii inay la wadaagaan.” Naveed Axmed aabihii Muxammad Bashiir waxa uu geeriyooday 15 sannadood ka hor. Naveed Axmed waxa uu Sacuudiga ka soo shaqeynayay muddo afar sano iyo bar ah waxa uuna dalka ku soo laabtay dhowr bilood ka hor. Sida laga soo xigtay Cabdullaahi oo daris la ah Naveed: “Ku dhowaad 5 sano ayuu shaqo adag ka soo shaqeeynayay Sacuudiga. Markii uu soo laabtayna shaqo toos ah ma uusan hayn.” Cadulaahi ayaa sheegay in Naveed uu yahay Muslim Suni ah. Waxaa mararka qaar uu ku tukan jiray masaajidka. Hase yeeshee, Khalid Majeed oo ka mid ah dadka deegaanka Suhadra ayaa sheegay in Naveed qoyskiisa aysan ahayn qoys diinta ku fiiican. “Waligay ma arkin isagoo si toos ah salaadda u tukanaya,” ayuu yiri. Khaalid ayaa sidoo kale sheegay in markii uu maqlay inuu rasaas ku furay Cimraan Khan uu aad u naxay sababtoo ah waxa uu yiri: “Xitaa uma uusan muuqan qof weligii qof kale dharbaaxay.” Muhammad Ashraf, oo isna deris la ah Naveed ayaa sheegay in uusan arkin isagoo qof la dagaalaya. Khaalid ayaa sidoo kale sheegay inuu ahaa qof mar kasta aamusan oo afgaaban. Dhanka kale Babar Xusseen oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in uusan ogeyn inuu wax xiriir ah la leeyahay xisbi siyaasadeed ama diimeed. “Waxa uu ahaa nin iska caadi ah, asalaamu caleynkum isuma dhaafi jirin.” Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay xitaa aysan ka dareemin wax isbaddal ah ama shaki la xiriira inuu qaado weerar noocaas ah. Toogashadan oo uu dhaawac kasoo gaaray Khan ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 14 ka mid ah shaqaalaha xisbiga Imran ee Tehrik Insaf. Imran Khan ayaa la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lahore, waxaana lagu sameeyay qalliin lagaga soo saaray xabbaddii lugta kaga dhacday. Maxaa dhacay Khamiistii? Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan. Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga. Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey. Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay. Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si lama filaan ah ugu qiraty in maleeshiyo looga dilay duqeyn Khamiistii ka dhacday deegaan ka mid ah gobolka Hiiraan. Bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. “Duqayn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciidamada Mujaahidiinta. Waxaan Allaah u waydiinaynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in dagaalka ka dhacay deegaanka Tardo ay ku dileen 36 ka mid ah ciidamada dowladda, halka sidoo kalena ay 23 ku dileen dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Twofiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida bayaanka lagu yiri. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday inay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada dowladda, taasi oo loo arko hanjabaad ah inay qorsheynayaan weeraro kale. Kooxdan ayaa laba qarax baabuur oo ka dhacay Zoobe ee Muqdisho 29-kii October, waxay ku dileen 120 qof oo shacab ah, halka in ka badan 300 oo kale ay dhaawacmeen. Bayaanka ay Al-Shabaab xalay soo saareen ayaa ah qirasho naadir ah oo kooxda ay ku sheegatay in maleeshiyo looga dilay duqeymaha Mareykanka, oo inta badan ay sheegi jirtay in lagu dilo shacab. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa shalay warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaal ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Hiiraan lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah. The post Al-Shabaab oo soo saartay bayaan lama filaan ah oo ay ku qiratay jab soo gaaray appeared first on Caasimada Online.
-
Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyey ninka xilka ka beddelay inuu ku lug leeyahay shirqoolka lagu dili rabay, isaga oo ku jira isbitalka kana soo kabanaya dhaawacii ay xabadda gaarsiisay. Khan ayaa weriyayaasha u sheegay in Shehbaz Sharif, oo xilka ra’iisul wasaare kala wareegay kadib cod kalsooni oo uu baarlamanka qaaday bishii April, uu soo abaabulay weerarka lagu qaaday. Waxa uu intaas ku daray in shirqoolka ay kula jireen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada. “Saddexdan ayaa go’aansaday in la I dilo,” ayuu yiri Khan oo markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo toogashadii dhacday Khamiistii, wuxuuna intaas ku daray in weerarka ay fuliyeen laba dabley. Dowladda ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku laheyd, waxayna isku dayga khaarijin ku eedeeysay hal weeraryahan kaliya oo ay dhiiri-gelisay xagjirnimo diineed. Militariga ayaa eedeymaha Khan ku sheegay “kuwa aan sal laheyn oo mas’uuliyad darro ah.” Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa lagu dilay hal qof, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 10 kale, taasi oo si xooggan sare ugu qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalkaas la degtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Khan. Khan oo 70 jir ah ayaa hoggaaminayey dibad-baxayaal kumanaan ah oo tan iyo toddobaadkii tegay waday socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa Islamabad. Isaga oo ku fadhiya kursiga curyaamiinta, islamarkaana lugtiisa bidix ay si xooggan u duuban tahay — Khan ayaa hadlayey muddo hal saac ah, wuxuuna oo si xooggan u weeraray dowladda iyo jilbo-weynta siyaasadeed ee uu ku eedeeyey inay xukunka ka tuureen. Waxa uu sheegay in mucaaradkiisa ay doonayeen inay ku eedeeyaan “inuu aflagaadeeyey diinta ama nebiga NNKH” kadibna ay ku eedeeyaan xagjir inuu dilay. Khan sooma bandhigin wax caddeymo ah oo uu ku taageero sheegashooyinkiisa. Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah ayaa goor sii horreysay sheegay in weerarka “uu ahaa kiis cad oo xagjirnimo diineed.” Tuhunsanaha oo ku jira gacanta booliska, ayaa saraakiisha dowladda gobolka Punjab waxay ku magacaabeen Naveed Ahmed, wuxuuna muuqaal ay warbaahinta baahisay ku sheegay in Khan “uu marin-habaabinayey dadweynaha.” Wuxuu intaas ku daray inuu ka careysnaa qeylada kolonyada Khan oo arbusheysay aadaanka salaadda. Khan ayaa eedeeyey dadweynaha wuxuuna dul saarna konteenar markii rasaasta ay ka dhacday magaalada Wazirabad oo 170 km u jirta bariga caasimada Islamabad. “Rasaastu waxay ku dhacday lugteyda, markii aan sii dhacayey waxaa la furay rasaas kale,” ayuu Khan u sheegay weriyayaasha. “Waxay ahaayeen laba nin, haddii ay si wanaagsan isugu xirnaan lahaayeen, ma badbaadi laheyn,” ayuu yiri. “Mid ka mid ah ayaa la qabtay, waxaana lagu sheegay xagjir diineed, ma aheyn xagjir diineed — waxaa jiray qorshe cad oo arrintan ka dambeeyey.” Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan. Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi. The post IMRAN KHAN oo shaaciyey cidda ka dambeysay isku daygii lagu khaarijin rabay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa wajaheysa culeys weyn kadib markii ay duuliyeyaasha shirkadda ay ku dhawaaqeen inay shaqo joojin sameyn doonaan maalinta Sabtida ah. Ururka Duuliyayaasha Diyaaradaha ee Kenya Airline (KALPA) ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in shaqaalahooda aysan Sabtida maanta ah kasoo xaadiri doonin garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, taasi oo isbedel ku keeni karta duulimaadyada qorsheysan. Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo kaddib markii uu dhammaaday ogaysiis shaqo joojin ah oo laba toddobaad ah oo ay soo saareen ururka duuliyayaasha, kuwaasi oo dalbanaya in shirkaddu dib u bilowdo wax ku biirinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawl-gabka ah. Ma aha markii u horeysay ee ururka duuliyayaasha uu ku dhawaaqo shaqo joojin, waxaan sidan oo kale kal hore dhacday in shaqo joojin uu ku dhawaaqay ay saameyn weyn ku yeelatay duulimaadyadii shirkada Kenya Airways. Shirkadaan ayaa waxay door wayn ku leedahay isku socodka Afrika gudaheeda waxayna rakaab badan u fududaysa socdaallada ay ku tagaan meelo badan oo Afrika ah. The post Kenya Airways oo wajaheysa culeys weyn – Maxaa dhici doona maanta oo Sabti ah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ka mid ah masuuliyiinta maanta hoggaamineysa howlgalkii Shabeellada Dhexe ayaa warbaahinta kula hadlay degaanka Nuur-dugle ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal. Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay inay maanta Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa degaanka Masaajid Cali-Gaduud iyo degmada Aadan-Yabaal. Xildhibaanka oo halkaas warbaahinta kula hadlay ayaa fariin u diray Al-Shabaab, isagoo ku goodiyey in aysan ka hari doonin kooxda, inta ay joogaan dhulka ay degto beesha uu ku metelo baarlamaanka. Xildhibaan Xaadoole ayaa kooxda ugu baaqay inay dadkooda ku soo laabtaan oo waxay wadaan joojiyaan, hadii aysan isisoo dhiibin, wuxuu ku goodiyey in meel kasta ay uga daba geli doonaan. Sidoo kale dadka ku nool deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Sh/Dhexe ayuu Xildhibaan Xaadoole ugu baaqay inay kooxda iska dulqaadaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan. Dhowr deegaan ayaa oo hoos taga degmada Aadanyabaal ayaa maanta laga xoreeyey Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas hoggaaminaayey Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo guddoomiye Abshir Kaaraan. Masuuliyiintaan ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey degaanka Masaajid Caligaduud, waxayna hadda u sii gudbeen degaanada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-Shabaab, iyagoo kaabiga ku haya degmada Aadan-Yabaal oo muhiim u ah howlgalkaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Xaadoole oo fariin ka soo diray degaanka maanta laga xoreeyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku taageereyso heshiis ay gaareen dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF. Qoraalka ay soo saartay DFS ayaa ku bilowday, “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.” Dowladda Soomaaliya waxay bayaankaan ku cadeysay inay carabka ku adkeynayso in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada dalka Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaanka ururka Midowga Afrika ku bogaadisay dadaallada ay ku bixiyeen wada-hadallada nabadeed ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF. “DFS waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii kordhinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda heshiiskaan, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan xasarado iyo colaado hubaysan, sida lagu cadeeyey qoraalkaan. “Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Dhibaatada Afrikaanka ah – Xalka Afrika” uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjarta colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, isla markaana kor u qaada barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, gobolka iyo meelo kale,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii qoraalka ay heshiiskaas ka soo sartay DFS waxaa lagu yiri, “Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.” The post Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo war kasoo saartay heshiiska Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Muqdisho kula kulmay agaasime ku xigeenka Nabad sugidda ee dalka Itoobiya. Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas ayaa xaqiijineysa in labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shabaab. Kulankaan Muqdisho ay ku yeesheen madaxda labada sirdoon ayaa diiradda lagu saaray sida ay muhiim u tahay in sirdoonada labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga khatarta argagixisada. Agaasime ku xigeenka hey’adda nabad sugida Itoobiya General Sisay Tola, ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, wuxuuna la socday wafdi Soomaaliya keenay dawo ay dowladda Itoobiya ugu qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe. Agaasime Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ka socday ee shalay wafdiga Itoobiya Muqdisho ku soo dhaweysay. Aragtida Mahad Salaad oo dadka ku yareed tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha NISA ayaa shalay hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, markii uu ka soo muqday warbaahinta, isagoo ku sugan garoonka Aadan Cadde. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee wajahaya khatarta ka imaa karta weerarrada Al-Shabaab, taas oo labada dalka muhiim uga dhigeysa inay iskaashi ka sameystaan dagaalka kooxda. Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika. Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah. Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee ku aadan ka hor taga qataraha Argagixisada. The post Sawirro: NISA oo heshiis la gashay sirdoonka Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
The series of “The secret of Somaliland government” part 13 ended with the following Paragragh, just to remember where we were in the series last week. “How are you today, honorable councillors?”, Hanad said. “We are all fine”, replied the Mayor of Hargeisa city, who accompanied the councillors as a team leader. “I am pleased to meet you, honorable councillors”, said Hanad. “Thank you”, one councillor returned. Today’s part of the interview meeting begins with a self introduction of who Hanad is. “My name is Hanad. I am a sociologist by profession, an expert in social structure, the way a society is organised into expected relationships and its functional aspects. My current project, as I have already informed you, is to write a story of what the people do, why they do it, how they do it. Working in public or private offices, policing, banking, trading etc are examples of what the people do in most of the time. I do believe that this field falls in areas that you have enough knowledge, and I am sure that your experiences, as municiple councillors, will match the information I sincerly need”, said Hanad. After this personal introduction, Hanad avoided to ask the councillors about their professional and educational backgrounds because he knew that such questions were sensitive to the municiple council since the original profession of some of them was to bring meat from the slaughter-house to Hargeisa meat market. “As pauses are part of conversations, turning off mobiles is part of meeting ethics, so please turn off your mobiles”, said Hanad, to ensure that no one is distracted by phone calls. “‘Mayor, can you please shed a brief description on the areas of governmental duties the local government is responsible for?”, Hanad asked. “Local government is responsible for a range of vital services for people and business enterprises. Social care, roadways, town planning, waste collection, licensing, land management are among the important services that the local government is responsible to provide with the public”, replied the mayor. “There are many questions that evolve from how Hargeisa municipality works for the public, that need asking, but before I come to them, let me ask you this question, mayor:Is team building part of your culture and, If not, how would you make it as part of your leadership style?”, said Hanad. “My culture has nothing to do with team building process, because the members of the council, including me, are elected by the people. So the council has become city councillors through election process”, returned the mayor. “Mayor, with my due respect, your reply doesn’t reflect the right answer, so let me repeat the question, may be you didn’t get my point”. “What skills you as a mayor should have in order to lead an effective council?” “Why do you ask me such question?”, the mayor replied to Hanad angerily. “Being the mayor of Hargeisa city doesn’t show you at least that I am a bit like having enough skills to lead the council?” Agitation without complaints means criticizm without constructive argument. For Hanad, it was hard to see what the mayor meant by saying, for instances, that his culture had nothing to do with team building process, which was so exactly the opposite of what he had been asked. Was it a defensive paradox, intended to puzzle Hanad and provocate tension to undermine the interview? Whatever, Hanad understood that the mayor replied ambiguosly rather than explicitly. He decided to calm the mayor down, in order to keep the interview to continue in a friendly manner. Hanad questioned the mayor’s mood and felt a nervious trepidation that might trigger confrontation. “I am sorry, mayor”, Hanad said. “I can understand why that question would make you anxious.” The mayor noded his head as if Hanad’s reply was an apology or expression of appreciation, somewhat like ‘a higher acknowledgement of merit (accolade)’. Like most things good and bad, understanding is the difference between what we know and what we don’t. If Hanad didn’t calm the mayor down, the interview would definitely be escalated into kicks to shins and fingers in the eyes. Out of the mayor’s response, Hanad, as a sociologist, infered that challenges are at the forefront of the council’s regular duties and therefore he decided to create a learning stretch for the council to encourage them to push towards the outer edge of what is possible for them to learn. After that tension has been normalised, Hanad divided the interview meeting into two intervals. And between the two intervals Hanad planned to hold a short training session in which he would give his interviewees a lecture on professional hard skills which are probably job performance skills that can be trained, like the ability to work collectively to achieve goals, and soft skills that are transferable traits like work ethics, staff engagement, communication, and leadership style. Hanad then suspended the interview meeting for a while, and allowed the councillors to take a short break, probably five minutes break in which they can really refresh and refocus their attention. After that short break, Hanad said, “Before I start the second part of the interview, allow me to recommend to you some professional guiding principles that will be of some use to you, gentlemen.” “I personally see that the significance of this interview should not flow from one side. Something must also come from my side. Isn’t it?”. “That is a kind of you”, returned one councillor. “Thank you very much.” “Let me begin by saying to you”, Hanad said, “Don’t put too many irons in the fire; no one knows everything and can alone do everything; don’t pretend someone that you are not; never try to shirk responsibility; don’t put for tommorow what you can do for today; don’t make things go wrong; make things go right; what can kill people, can also kill you; get used to remember what you share people in common; your own personal interest will be protected when the common interests are protected; that is how societies who want success, become successful.” The councillor’s come back from the break to attend at the second interview was a sign that Hanad’s first intervirw went well. The level of individual engagement was also a significant expression of appreciation for how Hanad conducted the interview. There was even a good chance that other councillors will be interested in attendiing the interview. Masking that admiration with a big smile, Hanad said, “There is something I should like very much to say to you. It is a question I wish to ask. I have a kind of interest in the answer.” The councillors focused their undivided attention on listening to Hanad with enthusiasm, not allowing anything else to distract them, astonishing at how Hanad was stressing the question and wondering what the question could be and whom Hanad would ask. “Please turn off your mobiles until the interview meeting is over. I need everyone’s best attention and thinking so all of us can utilize this time most effectively”, Hanad said after the interviewees took their seats. “Here is why I should Iike the question most that I wish to ask you. The reason why I should like it very much and have a kind of interest in the answer is that the answer to the question reveals your leadership style, the methods you use to overcome challenges, the ability to navigate stressful situations and deal with all situations. Listening to others shows the councillor who values others and is willing to learn. So please try your best to give an answer that is upto the point.” “How would you react to a councillor who challenges your opinions during council meetings, mayor”, Hanad asked. “Usually no member of my council”, returned the mayor, “has the right to challenge my polices and programs that I usually propose because I am the mayor. Sometimes arguments occur in the meeting of the council, but the decision is always mine and no councillor can overrule it.” “‘Do you mean to say that the elected councillor does not a have his say in what is being discussed? Or do you mean that your opinions are always better than the opinions all other members suggest?” “Here the ultimate decion on all things rests with the bosses. I am the head of the local government legislative body and have the authority to lead the local government according to my outlook. That is the way things work in Somaliland”, replied the mayor. “As a mayor, what responsibilities you are accountable for?”, Hanad asked. “I am the chief executive officer of Hargeisa municipality council and being chief executive officer of our country’s capital council is not an easy matter. This shows that I am the one who hold all people accountable to me”, replied the mayor, hitting his chest with his right hand. “Does this mean that you delegate responsibilities in order to hold verybody accountable for what they do and how they do it?” “No. That is not the way we work. Delegating duties is not what I could personally rely on. Everything is under my control. No one can do anything without my knowledge.” “Are you aware or unaware of why delegating responsibility is important, mayor?” “Neither Ministers nor Mayors nor Managers nor ditectors of all government departments use to delegate reponsibilities. Everyone manages his/her office as they want to. If you look for a job that does not exist, you look like a person digging a dagger in a vacuum. Isn’t it, Mr Hanad?” “In my own knowledge, as an expert in social structure, delegating responsibility builds trust between you and employees. It helps you plan ahead to achieve goals. It saves time for you because you can’t do everything by yourself. Delegating empowers your team and enables chances of professional development. It helps you learn how to identify who is best suited to tackle tasks or projects”, Hanad said, with the hope that the mayor will admire the importance of jobs delegation. “Mr Hanad, important or not important is not the point. The point is something else”, said one councillor. “What did you say, Sir?” “The councillor declined to reply to Hanad.” A moment of silence followed, in which thoughts such as these ran through Hanad’s mind: ‘Years of unquestioned corruption take their toll. Imperceptibly, corruption mutates into overconfidence, breeding callousness. Every minister, every mayor, every manager and all government departmental heads mark the calendar with a wishlist, and every wish becomes a command. Institutions created for shared decision-making become a charade played out by nodding heads who are little more than jerky puppets on a string. The strings may be silken, and barely visible, but they hold such a show together. Dissent is dismissed as a passing phenomenon. After all, his election, or selection, as a mayor of Hargeisa was a foregone conclusion. Nothing, then, he has to worry about.’ A sense of social responsibility irritated Hanad and urged him to think straight, remember some knowledge of the past, redesign the vision for the future and remake the skills that can get this nation out of conspiriacy theories. “Excuse me for not being with you for seconds”, said Hanad, “Developing a vision for the community and deciding what needs to be done to achieve that vision is an important role for council members. How do you develop a plan to achieve that vision, councillor?” “The municipality council is developmental if they are able to deliver on services like water, sanitation, local roads, water supply, drainage system, waste collection etc”, replied the councillor. “The most fundamental task for councillors is to achieve a strong sense of shared purpose and commitment. The demands and desires of the community are constantly changing and evolving. Do you plan ahead in order to initiate new policies and activities in response to these changes?”, Hanad inquired. “Local policies are always made by the council of municipality. Individual councillors do not make policies and plans for a particular area/district from which they represent its people. Practically, municipality policies often centre on service delivery rather than on demands and desires of the communities”, replied the councillor. “Councillor, the areas that fall in local government’s responsibility include (1) assuring local public health infrastructure, (2) promoting healthy communities and healthy behaviors, (3) preventing the spread of communicable disease, (4) protecting against environmental health hazards, (5) preparing for and responding to emergencies, (6) setting out durable town planning for the city, (7) supplying enough water with public (8) construction and maintanance of roadways, (9) providing security lights, (10) waste collection. If non of these services does not appear in what the local government has been doing in the past years and is doing it now, what are the other services that the local government provides to the public?” “I leave the answer for this question to my mayor”, replied the councillor. “Mayor, what is your take on this?” “I think that you are out of the scope of your story that you want to write. Please stop politicizing the interview as speakers from opposition parties always do, Hanad”, the mayor said angrily. Preventing the mayor from having an effect, Hanad shot back and said, “Local government is a public body formally established as an agency or organisation that is publicly funded to deliver a public or government service, though not as a ministerial department. So service delivery is a supply from a service provider to clients. I am saying why the local government is unable to provide these services to the public.” “What are you trying to reach, Mr Hanad?. Local government is my territory, if can you understand that”, said the mayor “Understand from how you talk that central government cannot even make an intervention in your territory. Is that not what you want to tell me, mayor?” “Only the mujahids can intervene my territory.” “Are you a mujahid?” “No.” “He is among those who assist the mujahids”, said a councillor. “Who are the mujahids?” “‘Of course those who are in power. How come you don’t know the mujahids, Mr Hanad?” “Let’s take a break.” To be continued… By:’Jamafalaag Hargeisa, Somaliland. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Masaajid Cali-gaduud ayaa saakay fashiliyey gaari qarax ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku soo weeraraan deegaankaas. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan deegaanka, gaariga qaraxa siday ayaa aad ugu soo dhawaaday ciidanka, waxaana lagu fashiliyey afaafka hore ee magaalada, gaar ahaan bar control oo ciidanku ay lahaayeen. Gaariga ay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxaas ayaa ahaa Layla-calaawi, kaas oo inta badan loo adeegsado safarada gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka. Hase yeeshee ciidanka ayaa ka shakiyey gaariga oo xawaare badan ku socday iyo in kor aysan waxaba ka saareyn gaariga, sida lagu yaqaanay gaadiidka safarka ah, taas oo ciidanka u sahashay inay fashiliyaan qaraxaas. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Caanood ayaa maanta xaqiijiyey in qaaraxaas ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari, kuwaas oo ka mid ah askartii fashilisay gaariga qaraxa siday. Deegaanka Masaajid CaliGaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo ka mid ahaa talisyada ugu muhiimsanaa Al-shabaab ayaa dhawaan soo galay gacanta dowladda, kadib markii duqeyn looga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan. Dadka deegaanka Masaajid CaliGaduud ayaa warbaahinta u sheegay in saakay aroorninadii hore ay maqleen jugta gaariga lagu gubay duuleedka deegaanka oo aheyd mid aad u culus. Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa Al-shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo lacagaha canshuurta ah ay uga qaada jireen gadiidka u kala safra gobollada Hiiraan, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Mudug. Sidoo kale deegaankaan waxay kooxdu ka difaaca jirtay Aadan-Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe oo weli gacanta ugu jirta Al-Shabaab, qaraxaan ay saakay soo abaabuleen ayaa ku soo aaday iyadoo deegaano hoos taga Aadan-Yabaal ay saakay ciidamada dowladdu ka xoreeyeen kooxda. The post Sidee loo fashiliyey qaraxii ay Al-Shabaab kusoo weerareen MASAAJID CALI-GADUUD appeared first on Caasimada Online.
-
More than 200 elephants and hundreds of zebras and gnus have died in Kenya's worst drought in four decades, the country's tourism minister said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya. Deeqdan ayaa waxaa buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay. Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof. Gargaarkan ayaa waxaa Soomaaliya gaysay mid ka mid ah diyaaradaha militariga Kenya. “Waxaan dareemeynaa xanuunka ay dareemayaan walaalaheena Soomaaliya, waxaana uga mahadcelineynaa Madaxweyne William Ruto howshan oo wax ka tari doonta dhibaatada haysata dalka deriska nala ah,” ayuu yiri Korneyl Victor Kang’ethe. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Khamiistii ka codsaday shacabka Kenya in ay raashin ugu deeqaan shacabkooda gaajaysan ee gudaha Kenya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. “Qof u dhashay Kenya waa in uusan gaajo u dhiman iyada oo muwaadiniinta kale ee Kenya ay haystaan cunto dheeri ah,” ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xigeenka. Diyaaradan sida gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah madaxda iyo shacabka Kenyanka. Babu Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan. Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay. “Ma idinka Dhab baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turkana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan Soomaaliya?,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sameeyay Twitter-ka. Qof kale ayaa isagana isweydiiyay su’aashan: “Sidee ugu dirtaa Soomaaliya diyaarad ay ka buuxaan cuntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma aha wax aqliga galaya.” Qof kale ayaa soo qoray: “Yaa yiri waxaan haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?” Xilli roobabkii afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah. Dalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay 4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la’aan. Abaarta ayaa si gaar ah u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya. Gobollada ay degaan dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah goobaha ay abaartan sida ba’an ay u saameysay. Isha: BBC SOMALI The post Hadal-heyn ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta waxay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howl-galkaan ayaa waxaa hogaaminayay Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaanada kala ah; Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Dugle,, Maxaad Siciid , Booska Xasan Geedi, iyo Ceelka Maraweyne. Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud. Saraakiisha horkaceysay howl-galka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan wax iska caabin ah kala kulmin dagaal-yahaanada Al-Shabaab, oo iyagu isaga baxay markii ay ka warheleen ciidamada kusoo wajahan. Howl-galadaan ayaa sii socon doona illaa inta laga gaarayo degaanada gobolka Galgaduud, haatana ay ku dow yihiin degmada Aadan-yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen saraakiishu. Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonka dagaal ee kooxda Al-Shabaab looga saarayo Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan dalka, kaasi oo illaa hadda deegaano badan looga fara-maroojiyay kooxda. The post Howl-galo ay horkacayeen Xaadoole iyo Kabaale oo lagula wareegay deegaano appeared first on Caasimada Online.
