-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Egypt on Sunday night to attend the world climate change summit in Sharma Sheikh town in Egypt. Source: Hiiraan Online
-
Baxdo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku billowday qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha ku qaadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in marka hore Al-Shabaab ay qarax ku dhufteen saldhig ku yaalla halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey xubnaha weerarka qaaday iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu weli socdo, islamarkaan uu yahay mid xoogan kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa lasoo wariyey in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale. Xog aan ka helnay ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidamada huwanta ay sameeyeen iska caabin xoogan, taas oo sababtay in khasare badan lagu gaarsiiyey xubanaha weerarka soo qaaday. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay Deegaanka Qaayib oo dhaca duleedka degmada Cadaado ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Galmudug, kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Al-Shabaab oo muddo maamulayey deegaankaasi, waxaana saaka markale ay ku soo qaadeen weerar rogaal celis ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday ismiidaamin ku qaaday deegaanka QAAYIB appeared first on Caasimada Online.
-
The death toll from Sunday’s plane crash in Lake Victoria in Tanzania has jumped to 19, according to the country’s Prime Minister Kassim Majaliwa. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's transport minister has made public documents of a massive Kenyan railway project signed with China after years of secrecy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka, sida uu shaaciyey wasiirk ku-xigeenka warfaafinta. Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in akoonada la xanibay ay ku jirtay lacag badna oo kooxda Al-Shabaab ay u adeegsaneyseen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. “In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Al-Caddaala. Wasiirka ma sheegin shirkadaha ay akoonadan ugu furnaayeen kooxda Al-Shabaab iyo haddii ay jirto tallaabo ay dowladda qorsheyneyso inay ka qaado. Wasiir Al-Caddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Al-Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa qiyas ay sameysay waxa muujineysaa in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii uu yahay 182 milyan oo dollar. Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka. Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan, halka lacagaha kale ay ku hesho gobollada kale ee dalka. Si kastaba, wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay inay qaar kamid ah ganacsatada dalka ay hadda qaateen go’aankii dowladda ee ahaa inay diidaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u saameyn ugu yeelatay kooxda Alshabaab. Ugu dambayn, wasiir Al-Caddaala wuxuu farriin culus u diray cid kasta oo aan fulin awaamiirta dowladda kasoo baxay. Wuxuu caddeeyay in ciqaabaad adag lagu fulin doono cid kasta oo Alshabaab dhaqaale siiya ama xog u gudbiya. The post DF oo markii ugu horreysay xirtay qaar kamid ah akoonada maaliyadeed ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Inkastoo maleeshiyada Al-Shabaab laga saaray inta badan deegaanada Gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu ciidamada uga digay isa suuxinta maleeshiyadaasi. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse haatan ka mid ah mas’uuliyiinta hoggaaminaya hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa sheegay in Shabaabku yihiin kuwo dhagar badan, oo mar kasta oo meel laga saarana goob kale u wareegga. Waxa uu ciidamadu ku ammaanay in awood ahaan ay Shabaabka naafeeyeen, balse aanay weli ka fogayn, inta buu yiri tallaalkiisu dambeeyo. “Codowgii waad naafeyseen, laakiin meel ma jiryo, inta tallaalkiisu dambeeyo meel kaama jiro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Qandho. Waxa kaloo uu yiri “Deegaanada deriska, mar dhow waxaan rajaynayaa, haddii Ilaahay yiraahdo inaad isa soo gaartaan, dadka deegaan idiinku xigga, hadday noqoto bari iyo hadday noqoto koonfurba.” “In yaraa idin dhiman, Inta la idiinka soo gaaraya dulqaata, inta yaroo idinku jirto ee meelaha madaxa ka soo taag taageysana madaxa ka guura oo iska sifeeya,” ayuu yiri Sanbalooshe. Sanbaloolshe ayaa yiri “Kol dhiigaaga, Allaha ka dhigee dhiigaaga, hadduu sumoobo waa la iska daadiyaa, Shabaab waa dhilqo, waa niman maro ku dheg ah, waa niman qaa’imiin ah, waa niman dhagar badan, waa niman mintid ah, waa niman haddaad geedka dhinaciisa galbeed aad ka bixiso dhinaciisa bari degaaya, waa niman aan guul kuu ogoleyn, waa niman aan naxariisan lahayn, asaguna aan isu naxariisanayn, idinkana aan idin naxariisanayn, Soomaalina aan u naxariisanayn.” Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Waxa aad ka difaaceysaan lafihiina keliya ma ahanee Islaam meel uu jooggo iyo Soomaali meel ay joogtaba ayaad ka difaaceysaan, mahad ha idinka gaarto.” Sanbaloolshe oo ciidamada bogaadinayay ayaa yiri “Shabaab iyo idinka wax dambe oo asxaan ah oo idiin ka dhaxeeya ma jiraan.” Marka laga soo taggo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada, haddana Sanbaloolshe ayaa loo arkaa mid ka mida garbaha ay ku duulaan ciidamadu. The post Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka digay ‘isa suuxinta’ Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weriyaasha Soomaaliyeed ayaa kulan duco ah magaalada Muqdisho ugu sameeyey Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Soobe 2. Kulankaas loogu duceynayey labada Weriye ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta badan weriyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey xubnihii ugu sareeyey suxufiyiintii ka soo qeyb gashay kulankaas. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankaas ayaa si adag uga hadlay doorka war tebinta suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo ficillada argagixisada. Wuxuu sheegay in weriyaha Soomaaliga ah uusan dhexdhexaad ka noqon karin gumaadka ku socda dadka Soomaaliyeed, “War sidaan si maahane aan wax ka bedelno tebinta wararkeena la xariira argagixisada,” ayuu yiri. Farxaan ayaa tusaale u soo qaatay in dunida ay mamnuuc ka tahay in dhexdhexaad laga noqdo qadiyad la xariirta argagixiso, “Xitaa qof ay argagixiso heysato in madax-furasho laga dhiibo adduunka dembi ayey ka tahay,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan heysanaa fursad aan weligeed soo marin Soomaaliya, cabsidii laga qabay Shabaab waa dhamaatay, dadkii lacagta sii jiray ayaa diiday, makarafoonkii idinkaa haya ee aan kor u sheegno waxa wanaagsan.” Wuxuu sheegay in dadka dhan ay Al-Shabaab dil ugu xukuman yihiin, balse loo baahan yahay in geesinimo lagu dhinto, “adigoo la dagaalamaya nimankaas dhimo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Maxamed Ciise Koonaa iyo Cabdullahi Jaamac ayaa ka mid ahaa weriyaasha Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo shaqeeyey saxaafadda, waxayna mudo dheer ka soo howlgalayeen warbaahinta dalka, dadkii ku dhintay qaraxii Soobe 2 ayey ka mid ahaayeen. Hoos ka daawo The post Daawo: Farxaan Jimcaale oo warbaahinta ku weeraray hab-tebinta wararka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku maray deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe. Deegaanada kala ah Wargaadhi, Geedi-xeer, Xasan-geedi, Qaahira, Maxaa-saciid iyo Nuur-dugle oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga xoreeyey Al-Shabaab ayuu safar dhulka ah ku maray Cali Guudlaawe. Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in deegaanadii uu soo maray uu ku soo arkay xaalado aad u liita, isagoo dadka ku nool deegaanadii la xoreeyey ku tilmaamay inay ahaayeen maxaabiis oo kale. Xarumo waxbarasho iyo kuwo caafimaad in aysan la heyn dhamaan deegaanadii laga xoreeyey kooxda ayuu sheegay Cali Guudlaawe, isagoo balan qaaday in deg deg ah uu maamulkiisu u howl-geli doono xarumihii danta guud. Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiye Axmed Daaci iyo saraakiil ciidan ayaa madaxweynaha HirShabeelle ku wehliyey safarkaas, waxayna deegaanka Nuur-dugle ugu tageen Xildhibaan Yuusuf Ibraahin Afrax iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo hoggaaminayey howlgalkaan xoreynta ah. “Ciidan ayaa hadda ku wajahan Aadan-Yabaal, waxayna saacadaha soo socda halkaas ka xorey doonaan Khawaarijta, ciidanka Sh/Dhexe xoreynaya iyo kuwa Hiiraan ka imaanaya waxay isaga hor imaa doonaan Aadanyabaal,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, isla markaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer. Hoos ka daawo The post Guudlaawe oo shaaciyey dhibaato ka jirtay deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland ayaa shaaca ka qaaday 9 urur siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii diiwaan-gelinta. Qoraal kasoo baxay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sheegay in ururadaan Sagaalka ay xaq u yeesheen inay ka qeyb-galaan doorashada asxaabta qaranka. “Ururadaan ayaa kasoo gudbay oo buuxiyay dhamaan shuruudihii diiwaan-gelinta ee muddooyinkii dambe ka socday Somaliland, hadey noqoto hubinta 1000-ka qof ee gobol kasta iyo xafiisyada ururada.” Waxaa xusid mudan in ururada soo baxay ay ka qeyb-gali doonaan doorashada asxaabta qaranka oo ay qeyb ka yihiin saddexdii xisbi ee hore u jirey ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid. Ururada Siyaasadeedyada gudbay ayaa kala ah; 1. Urur Siyaasadeedka WAABERI 2. Urur Siyaasadeedka SHACABKA (SPP) 3. Urur Siyaasadeedka HORSEED 4. Urur Siyaasadeedka REJO 5. Urur Siyaasadeedka BARWAAQO 6. Urur Siyaasadeedka HILAAC 7. Urur Siyaasadeedka MIDEEYE 8. Urur Siyaasadeedka OGAAL 9. Urur Siyaasadeedka KAAH Qoraalka kasoo baxay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sidoo kale waxa uu si toos ah ugu socodsiiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maxkamadda Sare JSL iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. The post Somaliland oo shaaca ka qaaday ururada soo baxay ee ka qeyb-galaya doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Sharma-Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cimillada adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar. Madaxweynaha iyo khuburada cimillada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigaya qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada. Shirkaan uu ah mid caalami ah, isla markaana ay isugu imaanayaan madax aad u badan ayaa ka furmaya magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar. Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ka ambabaxay Muqdisho, waxayna gaareen magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka bii’ada iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh safarkaan ku wehliya. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa u safray Masar +Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu. Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado dalka ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso lacagihii ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha Al-shabaab waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa Al-shabaab ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha la dagaalanka Al-shabaab ee dhanka maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFATF) sida uu sheegay madaxweynaha. Kulankan waxaa ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamze Cabdi Barre Wasiirrada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC) Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee la-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisada ee (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya kooxda Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu. Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’adaha dowladda ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, waxayna Madaxweynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Guddiga ayaa warbixintiisa ku sheegay hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha baadda ah ee Al-Shabaab ay ka qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celiyey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la macaamisha Al-Shabaab, waxa uuna sheegay in ciddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaateen qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday ardayda, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah. Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar-dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hey’ada la dagaalanka Khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT). Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirrada XFS ee Maaliyadda, Cadaaladda, Amniga, Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka Qaranka, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Hey’adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC). The post Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray guddi muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Xudur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka. Gudoomiyaha cusub ee degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo la caleemasaaray ayaa golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, wasiirka oo madasha Khudbad ka jeediyay ayaa bulshada degmada Xudug dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu adkaysteen go’doonka Al-shabaab ay saareen sida uu yiri. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa inta uu Xudur joogay waxaa uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha oo ay ka socoto howlo dhismo ah isaga oo indhaindheeyey xaaladda guud, dhageystana baahida maamulka iyo shacabka ay u qabaan helitaan garoon diyaaradeed. Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan. Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Fiqi uu29-kii bishii Oktober ayey aheyd markii booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo aheyd mid go’doonsan, kahor inta aan laga saarin waana tallaabo ay wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Soobe. Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag. Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay La-taliyaha xiriirka caalamiga ah ah iyo isuduwaha barnaamijyada. Xilkaan ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Mudane Nasa Ige. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hanaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Alle uga baryey La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay Nasa Ige in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay la-taliye cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Today, the 2022 United Nations Climate Change Conference has opened in Sharm El Sheikh, Egypt, and a delegation from the Federation of Somali Trade Unions (FESTU) is attending this conference which is also known as the 27th Conference of the Parties of the UNFCCC (COP27). The conference, running from 6-18 November, will assess progress made since COP26 with a view to building on previous successes and paving the way for future initiatives to effectively tackle the global challenge of climate change. Source: Hiiraan Online
