-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU — Somalia's military says it has repulsed an attack by al-Shabab militants on a military base in the country’s central Galgaduud region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shaaca ka qaaday in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ay kusoo qulqulayaan magaalada Muqdisho, xilli laga soo saaray deegaano badan oo dalka ka mid ah. Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray inta badan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase yeeshee taasi kama hor-istaagin inay weerar ka fuliyaan caasimadda. Guddoomiye Yuusuf Boorsaani ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Muqdisho inay isha ku hayaan dadkaasi Al-Shabaabka ah iyo qoysaskooda ah, soona sheegaan, inta aanay sameyn amni darro ah. “Meesha bahallo-galeenka ah waa taqaaniin, cidda wax kasta soo dhoweysata waa taqaaniin, waa magaalada Muqdisho magaalada Muqdisho soo dhoweynta inaysan u dhiman ayaan rabnaa. Maalin kasta in la yiraahdo baabuur qarax sida ayaa meel hebel jooga ee khalkhald dadka ay ku noolaadeen, suuragal maaha,” ayuu yiri Yusuuf Boorsaani Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, taasina ay keentay in markii lagu soo jebiyay ay carruurtooda iyo xaasaskooda soo geliyeen magaalada Muqdisho. Muqdisho ayaa xaalad cabsi ah ku jirtay tan iyo intii uu dhacay Qarixii Zoobe ee labaad 29-kii October 2022, waxaana xarumo badan a dhigay ciidamo dheeraad ah, iyadoo la saadaaliyay inay qaraxyo dhici karaan. Sidaas oo ay tahayna saddex habeen kahor un waxaa ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday Xerada Jeneraal Dhegobadan, halkaasi oo lagu dilay shan dhallinyaro oo loo qorayey ciidan ahaan. The post Qeylo dhaan laga soo saaray Shabaab iyo qoysaskooda oo kusoo qulqulaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Tan iyo markii uu yimid xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa uu bilaabay dadaallo uu ku hirgelinayo halku dhigga xukuumaddiisa ee Soomaal Dunida Heshiis la ah’, taas oo uu madaxweynaha ku bixiyay dadaalkii ugu badnaa. Madaxweynaha ayaa bilawgii mudda xileedkiisa socdaallo ku gaaray dalalka deriska, kuwa carabta iyo Yurub si uu saldhig buuxda ugu yeelo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aanan fadhinin dhawrkii gu’ ee tagay. Intaas kadib dowladaha ayaa bilaabay in ay mid mid uga jawaabaan xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dalkeenna, taas oo keentay in Soomaaliya ay garabkeeda ka aragto dowlado badan, iyadoo xejisaneyso kuwii horay u fadhiyay xiriirkooda. Hadaba Warbixinta waxaan kusoo bandhigeynaa dadaallada ay saaxiibada Soomaaliya ay ku bixinayaan garab istaagga dowladda Federaalka tan iyo is-af-garadyadii ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud. Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu yimid waxa uu dadaal xooggan uu geliyay sidii ay dowladda federaalka ah ee Itoobiya, u laba jibaari lahayd xiriirkeeda Muqdisho. Taas ayaa keentay in madaxweynaha uu booqdo Adis Ababa, halkaas oo uu kulanno kula qaatay rai’iisulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo dhinacyada dhaqaalaha, Amniga, Qiyamka dowladnimada iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah. Adis Ababa ayaa dhankeeda muujisay kalsoonida iyo wada shaqaynta dhinacyadaas kala duwan ah ee ay ku qabto Muqdisho, waxaana ay qayb ka noqotay dowladihii gurmadka bini’aadanimo u fidiyay Soomaaliya, markii 29-kii October qaraxyo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho. Itoobiya oo ka jawaabayso gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxyadii Muqdisho ka dhacay ayaa dowladda federaalka ah ku wareejisay deeq gargaar ah. Dhinaca kale hay’adaba muqaabaraadka labada dhinac ayaa Muqdisho qalinka kula duugay heshiis xoojinta wadashaqaynta iyo ishdaafsiga xogaha amni. Jabuuti Dowladda Jabuti oo kamid ah dowladaha sida gaarka ah ugu suntan garab istaagga iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyadu dhankeeda bilawday sidii ay qayb wayn uga qaadan lahayd gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka Soomaaliyeed. Wadashaynta diblomaansiyadeed iyo iskaashiga dhigacyada amniga ayaa labada dhinac ay bilaabeen dhaqan gelintiisa, waxaana ay taasi dhalisay in habmaamus sare ay kala helaan labada dhinac. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa biladda ugu sareysa ee dowladda Jabuti ay ay bixiso ka guddoomiya Ismaacil Cumar Geelle, kadib dadaaladiisii uu ku bixiyay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Hiil-Walaal. Jabuti ayaa sidoo kale dhaqaatiir u soo dirtay Soomaaliya, markii Muqdisho ay 29-kii October ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, xilligaas oo uu ra’iisulwasaaraha dalka Jabuti Cabdoulkader Kamil Mohamed, faray in si degdeg ah loo garab istaago Muqdisho. Kenya Waxa ay muddo dhawr sano ah xiriirkeeda uu la xumaa arrimo salka ku hayo dano gaar ah, taas oo meesha keentay in labada dal oo ah ood wadaag ay xaaladooda adkaato. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar booga dhayid ah ku tagay Nairobi kadib doorashadiisi, waxaana ay noqotay middaas in labada dhinac ay si wadajir ah u sheegaan in khilaafkii iyo xurguftii jirtay la xaliyay. Xasan Sheekh ayaa kadib doorashadii ka dhacday Kenya markale cagaha dhigay Nairobi, waxaana uu hoggaankeeda cusub uu kala hadlay sidii loo adkayn lahaa danaha labada dhinac oo aan marna kala maarmin. Dowladda Kenya ayaa iyaduna dhankeeda bilawday in ay soo celiso, wanaajisana wadashaqaynta Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Nairobi ayaa sidoo kale bilawday in ay doorwayn ka ciyaarto sidii ay u taageeri lahayd sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd ururka bulshada bariga afrika EAS. Sudan Khartoum, ayaa kamid ah dowladaha ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay bilaawday in ay la yeelato xiriir saaxiibtanimo oo ka dhaw midkii ay horay u lahaayeen labada dowladood. Xasan Sheekh ayaa booqasho ku tagay dalka Sudan isaga oo la kulmay madaxda dalkaas, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga. Wasiirada difaaca Sudan iyo Soomaaliya, ayaa fadhi gaar ah ku yeeshay Khartoum, waxaana ay Soomaaliya ay ka dalbatay dhiggeeda Sudan, in ay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Sudan ayaa dhankeeda aqbashay in ay Soomaaliya ku taageerto saanadda dagaalka, waxaana ay taas xoojisay xiriirka wadashaqayn ee labada dhinac. Masar Qaahira waxa ay door muuqdo oo waxbarashada, caafimaadka iyo taageeridda siyaasadda ay ku leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu siiwaday wadashaqayntii ay dalka ay lalaheeyd. Cabdulfatah Sisi iyo Xasan Sheekh ayaa dhawrjeer oo kala duwan kulama yeeshay, waxaana ay labadaba ay meel isla dhigeen in iskaashiga islaamnimo iyo saaxiibtinimo ay sii wadaan dhinacyada. Masar ayaa sidoo kale taageero dhanka ciidanka ah u balan qaadday dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale iska kaashanayaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada labada shacab. Turkey Dowladda Turkiga oo xiriir walaaltinimo muddo 12 sano ah la garab taagneyd shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayaa ayadana waxa ay sii xoojisay taageeradeeda dhinaca walba ah ee Muqdisho ay siiso. Ankara oo kamid ah saaxibada safka hore kaga jira garab istaagga Soomaaliya ayaa dhankeeda qayb ka noqotay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka. Turkiga ayaa diyaaradihiisa dagaalka Bayraktar ay ka soo muuqdeen dagaalka ay shacabka iyo ciidamada ka wadaan qaybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta dalka. Istanbul ayaa xoojisay sidoo kale tababarka ay siiso ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana ay iskaashigeeda militeri ee ay Muqdisho kula jirto uu noqday mid aad u sarreyo. Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in saaxiibtinimada iyo walaaltinimada ay si wadajir ah u adkeeyaan, la iskana kaashado dagaalka ka dhanka Al-shabaab. Ururka Jamacada Carabta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Aljeriya, kaga qayb galay shirwaynaha ururka jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya Xubin firfircoon ka tahay waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka. Xasan Sheekh ayaa dalalka carabta u sharaxay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ururka looga baahan yahay in dowladdiisa ay ku garab siiyaan dagaalka. Dhammaan dadaaladaas ayaa salka ku haya hirgelinta Soomaali oo dunida heshiis la ah, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. W/Q: Abdirahman Sabriye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Maxaa ka hirgalay siyaasadda Soomaali dunida heeshiis la ah ee madaxweyne Xasan? appeared first on Caasimada Online.
-
Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ugu baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka. Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawiirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta. Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka. Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in uusan bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas. “Sheekadan aad ayey u faaftay, balse ma beddelin diinteyda. Waxaan xushmad u muujinayay walaalahay Muslimiinta ah oo aan ku booqday deegaankayga. Waxay ahayd munaasabad aan midnimo ku muujinay,” ayuu bartiisa Twitter ku sheegay Drogba. This story is going viral but I haven’t changed religion. This was just me paying respect to my Muslim brothers i was visiting in my village. A moment of togetherness. Much love and blessings to all — Didier Drogba (@didierdrogba) November 7, 2022 Dr Maxamed Saalax ayaa markii dambe tiray qoraalka hore, waxaana uu sheegay in Drogba uusan noqon Muslim, hase yeeshee uu u duceynayo. Waa kuma Drogba? Didier Drogba waxa uu kamid yahay xidigaha ugu magaca dheer kubadda cagta dunida. Waxa uu koobab badan la qaaday kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska. Dalkiisa Ivory Coast waxa uu u ciyaaray saddex koob oo dunida ah. Kadib 20 sano oo uu heerka ugu sarreeya ka gaaray kubadda cagta, waxa uu sanadkii 2018 shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha. Waxa uu u tartamay hogaanka xiriirka kubadda cagta dalkiisa, balse kuma aanu guulaysan. Waxa uu haystaa diinta Masiixiga, isagoo si weyn ugu xiran kaniisadaha dalkiisa iyo weliba kuwa dibedda. Isha: BBC The post Maxaa ka jira in Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor la kulmay qaar ka mid ah isimada Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hoggaaminayay isimada uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa malinimadii shalay ee Axad si wada jir ah kulan ula qaadaney Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud. Waxaa Madaxwayne Xassan Sheekh uu warbixin naga siiyey guud ahaan xaaladda dalka waxaanu is dhaafsaney talooyin waxtar u leh danta qaranka”. “Ugu danbayn waxaan u mahadcelinaynaa Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud sidii qalbi wanaag ahayd ee uu noo sharfey karaamada, qaddarinta uu u hayo dhaqanka Soomaaliyeed, sudoo kale waxaan u mahad celinaynaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jaamac Xasan Khaliif. Waxaan rabbi uga baryaynaa in shaqada culus u fududeeyo isaga iyo xukuumadiisa, waafajiyo talada wanaagsan aamiin” ayaa la raaciyay qoraalka Boqorka. Isimada ka yimid Puntland oo gaar ahaan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho waxay kaloo la kulmeen madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo siyaasiyiin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay isimo ka yimid Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Qaayib (Caasimada Online) – Xaaladda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaguud ayaa daggan kadib dagaal saacado socday oo halkaas ku dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka. Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Qaayib uu ahaa mid aad u xooggan oo qaraxyo ku bilowday, balse ay iska caabiyeen. “Gaadiid waxyaabaha qarxa wada iyo rag ismiidaanimaya ayey iska soo hormariyeen, laakiin ciidankeena ayaa deg deg xogta u helay, intii aysan hadafkooda gaarin ayaa la qarxiyey,” ayuu yiri Wasiir Falagle. Sidoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sheegay inuu jiray gaari weyn oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ku dhex qarxiyaan magaalada, balse la fashiliyey isaga iyo koox maleeshiyaad ah oo dooneysay inay mid-mid isku qarxiyaan. “Kooxda waa la jebiyey subaxdii horaba, waana la sii eryanayaa, dhamaan qaraxyadii ay soo abaabuleen sooma gaarin talisyada ciidankeena, khasaaraha jira wuxuu u badan yahay dadkii reer miyiga ahaa, Qaayib waa deegaan muhiim ah, mar dhow ayaana laga xoreeyey cadowga,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle. Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii maanta uu gaystay khasaare nafeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray xarumihii isgaarsiinta ee deegaanka oo qarax lala beegsaday. Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaanka Xiindheere oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana aad u yar xogta laga heli karo dagaalkii dambe ee maanta ka dhacay Xiindheere. Dagaalkii maanta ee Qaayib ayaa qeyb ka ah dagaallada dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ay kula jirayaan deegaanadii ay ka tali jirtay kooxda Al-Shabaab. Dagaalka xooggiisa ayaa ka socda gobollada Hiiraan, Shabellada Dhexe iyo Galgaduud, waxaana bilihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano intooda badan dhaca dhulka uu ka arrimiyo maamulka HirShabeelle. The post Xogta dagaalkii Qaayib iyo Xiindheere iyo Galmudug oo ka hadashay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in qorshaha howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu yahay in 20 maalmood gudaheed lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in maamulka HirShabelle ka go’an tahay in mudadaas ay deegaanada maamulka kaga xoreyn doonaan kooxda Al-Shabaab, oo weli gacanta ku hayso deegaano kamid ah maamulka HirShabelle. “Waxaa leeyahay Shacabka mooral ha yeesho waa laga xoreynaya cadowga oo dowladda ha la shaqeyaan, wiilashooda ha ku soo biiraan ciidamada dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Daaci. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay hub fara badan ku qalabeynayso Macawiisleyda oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Argagixisada, islamarkaana ay helayaan mushaar joogto ah. “Qabiilada waxaa u jeedinaya inay dowladda la shaqeeyaan oo aad u gacan siiyaan, ciidamada dalka waa inay aad u horkacaan bulshadaas oo cadowga laga kiciyo,” ayuu yiri Axmed Daaci. Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in deegaanada illaa hadda laga xoreeyay cadowga ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta dhamaan adeegyada aasaasiga ah, sida; goobaha caafimaadka iyo waxbarashada. Arrintaan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab. The post Muddada lagu soo afjarayo Al-Shabaabka HIIRAAN iyo Sh/Dhexe oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka hadlay hanaanka loo daaweynayo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2. Wasiir Faarax ayaa sheegay in uusan jirin qof dhaawac ah oo dayacmay, isagoo sheegay in dowladda iyo isbitaallada Muqdisho ay iska kaashadeen sidii qof kasta oo dhaawac qaba loo dabiibi lahaa. “Qof dhaawac ah oo meel cidla ah dayac loo dhigay majiro, isbitaallada way buuxsameen, laakiin dowladda ayaa dusha u ridatay wixii dhaqaale ah,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab istaag buuxa ka heshay dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadu ay ugu horeeyaan, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saartay sidii dadku ay dabiib ku filan u heli lahaayeen. Dhanka tira koobka wuxuu sheegay inay ku hor mareen caruurta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobe 2, kuwaas oo horay ay dowladdu ugu balan qaaday waxbarasho lacag la’aan ah. “Wasaaradda waxbarashada guddi ay sameysay waxay soo tira koobeen ilmihii agoonta ahaa ee waalidiintood ay ku waxyeeloobeen qaraxyadii, waxayna bahda waxbarashada balan qaadeen in waxbarasho bilaash ah la sii doono,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada. Hey’adaha dowladda, ganacsatada iyo dad kale ayuu sheegay inay lacago badan ku yabooheen, dhaqaalahaas wuxuu sheegay in guddi gaar ah oo si sax ah u maamula loo sameynayo. Wasiirka ayaa u mahad celiyey hey’adda maareynta musiibooyinka oo doorweyn qaadatay mudadii ay aas-aasneed oo bilo kooban ah, sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayuu ku amaanay sida ay isugu soo gurmadeen. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo ka hadashay waxa ka jira in dhaawacyo ay ku dayacmeen isbitaallada appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa xaalad deganaan ah laga dareemayaa deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo maanta ay ku dagaalameen Al-shaabaab iyo ciidanka dowaladda oo taageero ka helayo kuwa deegaanka, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan. Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Goobjoog News kadib markii uu soo idlaaday dagaalka, ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka ay ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamo aad u badan dhowaan laga qaaday Muqdisho ayaa maanta u dhaqaaqay deegaanka Qaayib, iyagoo ka dhaqaaqay magaalada Dhuusamareeb, waxaa ay ka qeyb ka qaadan doonaan deegaanka Xiindheere iyo sidoo kale degmada Ceelbuur. Al-shabaab oo deegaanka soo weeraray subaxnimadii hore ee saakay ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo ku bilowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac sida ay sheegayaan wararka la helayo. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/11/WASIIR-FALAGLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka. Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka Isbeddelka Cimilada Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka. Shirkaan ayaa ka qabsoomay magaalada Sharma ee dalka Masar, waxaana ka qayb galaya inta badan madaxda caalamka, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda Isbadalka cimilada adduunka. “Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Finland u fadhiya Soomaaliya. Xamsa Cabdi Barre ayaa kala hadlay xaaladda dalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood, kaas ee ku qotama wadashaqeynta dhinacyada kala duwan leh. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha. Pirkka Tapiola, ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee lagu xuraynayo deegaannada ay ururka alshabaab ku sugan yihiin. “Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha. Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa dhinaciisa kaga mahad celiyay dowladda Finland taageerada ay siiso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya “Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The Deputy Speaker of Parliament’s younger brother was killed by gunmen in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
-
ISBAR-BAR DHIG IYO WARBIXINTII CIIDANKA POLICE JAMHUURIYADA SOMALILAND EE 2021 IYO 2022. War bixin sanadeedkii pol 2021 War bixin sanadeedkii pol 2022 faraq Tirada guud ee dambiyada 19,230 Tirada guud ee dambiyada 27,801 8,571 Kiisaska beenoobay 4,400 Kiisaska beenoobay 5,565 1,165 Kiisaska heshiis ku dhamaday 6,085 Kiisaska beenoobay 11,320 5,535 Baadhis ku jira 1,077 kiis Baadhis ku jira 540 -537 Kiisaska maxkamada galay 7,668 Kiisaska maxkamada galay 10,916 3,248 Dilalka dhacay 89 Dilalka dhacay 60 -29 Kufsi 232 Kufsi 266 34 Shilalka gaadiidka 5,581 Shilalka gaadiidka 5,829 248 Dadka ku dhintay shilalka 212 Dadka ku dhintay shilalka 148 -64 Falalka abaabulan 27 qof Falalka abaabulan 12 -12 qof Mukhadaradka la qabtay 41,000 ltr khamr Mukhadaraadka la qabtay 71,000 ltr 29,000 ltr Xashiishad 5,110 kg Xashiishad 75 kg -5035kg Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka 5,581 Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka 5,829 248 gaadiid ah War bixin sanadeedkii ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland ay sameeyeen labadii sanadood ee ugu dambaysay ayaa waxa aan ku sameeyey is barbar dhig si aynu u ogaano bal xaalada dhabta ah ee dalka , waxa is badalay mudadaasi sanadka ah . Sidoo kale waxa aan soo jeedinayaa in qaabka loo soo bandhigo warbixinta sanadeedka policeka jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn mid ku haboon , sababtuna waxa ay tahay si xil la isaga saaro waa in war bixin walba lagu xusaa dambiyada ugu badani halka ay ka dhacaan oo la helaa warbixinta oo goboleysan , degmaysan ama ilaa heer tuulo ay ku muujisan tahay . Arinkaasi waxa uu inaga caawinayaa in xooga la saaro hadba halka dhibtu ka taagan tahay isla markaana la ogaado waxa sababaya fal dambiyeedyada faraha badan ee meeshaasi dheer tahay dalka intiisa kale. Hadii aad warbixintani si wanaagsan u dhuuxdo waxa aad ogaanaysaa in aanu ka soo raynin dambiyada dalka ka dhacaa ee ay sii bateen 75% , waa arin laga xumaado isaga oo dhaqaalaha dalku ama miisaaniyada qaranku 35% lagu bixiyo amniga dalka dhinacwalba , sidoo kale ciidamada nabadgalyadu tababaro iyo dhaqaaleba ka helaan dawladaha ay jamhuuriyada somaliland xidhiidhka wanaagsan leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay , hay’adaha nabadgalyada ee caalamka iyo guud ahaan police ka aduunka. Mohamed Abdi Jama Mohamed dhimbiil Qaran News
-
Sida isku aadku u dhacay Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo isniin ah ka dhacay isku aadka wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada qaarada Yurub ee UEFA Champions League, waxaa isku dhacay kooxo waaweyn oo ay ka dhexeeyaan xafiiltan iyo colaad guun ah. Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid oo wadata xidiga ugu laacibsan dunida ee Karim Benzema ayaa ku dhacday kooxdii ay kaga guuleystay tarkanka sanadkii hore ee Liverpool, halka kooxda reer Faransiis ee PSG ay ku aaday kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, waxaana kulanka kale ee ugu xiisaha badan tartanka. Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku aaday kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund, halka Manchester City ay ku aaday kooxda kale ee reer Jarmal ee RB Leipzig oo ah koox sakhiran. Sidoo kale kooxaha AC Milan iyo Tottenham ayaa isku aaday, halka ay isku aadeen kooxda Inter iyo kooxda reer Burtuqiiska ee FC Porto. Kooxda Napoli ayaa iyaduna waxay ku aaday kooxda Eintracht Frankfurt oo ka socota Jarmalka, halka kooxda Club Brugge oo Belgium ka socota ku aaday kooxda Benfica oo ka socota Burtuqiiska. Kulamada lugta koowaad ee wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 14-15 iyo 21-22 bisha February 2023, halka lugta labaad la ciyaari doono 7-8 iyo 14–15 bisha March 2023. Hoos ka arkhri isku aadka wareega 16 ee UCL Leipzig (GER) vs Manchester City (ENG) Club Brugge (BEL) vs Benfica (POR) Liverpool (ENG) vs Real Madrid (ESP) AC Milan (ITA) vs Tottenham Hotspur (ENG) Frankfurt (GER) vs Napoli (ITA) Dortmund (GER) vs Chelsea (ENG) Inter (ITA) vs Porto (POR) Paris Saint-Germain (FRA) vs Bayern (GER). PUNTLAND POST The post Sidee u dhacay isku aadka wareega 16-ka ee tartanka kooxaha Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij. Sidoo kale waxay wasaaraddu reebtay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu sheegay qoraalka in la macaamilka kooxda Al-Shabaab uu yahay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga. “Wasaaraddu waxay ka reebtay Culimadda Soomaaliyecd la macamilka iyo aadista kooxaha Khawarijta, madaama la macaamilkoodu uu yahay faldambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.” Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab. Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”. Al-Shabaab oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa ku hanjabtay inay ciqaabi doonto cid walba oo ay ku jiraan saxafiyiinta, kuwaasi oo u hogaansama awaamiirta dowladda ama ereygan cusub adeegsada. The post DF oo go’aan kasoo saartay adeegsiga magaca Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabaab has committed atrocities and stolen the future of two generations of Somalis through its terror and nihilistic strategy. It is time to take the war to it, but the new Somali leadership is playing with fire by deploying the same divisive strategy that ruined the country in 1991. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdlaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shaaciyay in degmada Aadan Yabaal ay noqoneyso halka ay iskaga xiri doonaan howl-galada gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Saraakiisha hogaaminaysa howl-galada inay sida ugu dhaqsaha badan ka gun-gaaraan go’aankooda ah inay gacanta ku dhigaan deegaanada ay duulaanka ku yihiin. “Guullo is daba-joog ah ayaa illaahey nasiiyay, Alle ayaa uga mahad-celineynaa, way jabeen nimankaan Khawaariijta ah, dadka deegaanka waxa aan leeyahay yaa loo kala harin ee halaga reebto qoryaha, ciidamada ka howlgalaya Hiiraan & kuwa Shabeelaha Dhexe waxa ay isaga hor imaanayaan Aadan Yabaal,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe. Waxa kale oo uu tilmaamay in maalmaha soo socda ay Al-Shabaab ka xorey doonaan dhamaan gobolka Sh/Dhexe, islamarkaana ay u sii gudbi doonaan Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceeldheer. Howl-galada ka socda maaamulka uu hogaamiyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa illaa hadda laga gaaray guulo, ayada oo ciidamada ay gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo sanado badan ay gacanta ku haysay Al-Shabaab. Howl-galadaan ayaa waxaa si wada-jir ah iskaga kaashanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda. The post Degmada ay isaga xirmayaan howl-gallada SH/DHEXE iyo HIIRAAN oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Australia is being urged not to avert its eyes from the looming disaster of hundreds of thousands of African children starving to death, by taking action at major global forums. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Egypt on Sunday night to attend the world climate change summit in Sharma Sheikh town in Egypt. Source: Hiiraan Online
