-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI, Kenya – Members of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) are in Nairobi to discuss challenge facing migrants and displaced persons. Source: Hiiraan Online
-
Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga toogtay lugta galabinimadii Khamiista, xilli la isku dayey in la khaarajiyo. Haddab waa kuwan waxa aan ka ognahay dhacdadan illaa hadda: – Weerarka – Khan waxaa ku dhacay rasaas la furay intii uu socday dibadbax ka dhacay magaalada Wazirabad. 70 jirkan ayaa dul saarnaa konteenar, wuxuuna la hadlayey taageerayaashiisa, taasi oo qeyb ka aheyd dibadbax socod ah oo lagu tagi lahaa caasimadda Islamabad. Taleefishinada Pakistan ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya Khan iyo kooxda la socotay oo gambanaya ayada oo ay dhaceyso rasaas darandoori ah. Diiwaanka isbitaallada ayaa muujiyey in ka sokow Khan, toban qof oo kale la dhaawacay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay rasaasta haleeshay. Waxaa sidoo kale la dilay hal qof. Dibad-baxayaal ayaa gubay taayaro, waxayna xanibeen waddooyinka dhowr magaalo oo Pakistan ka mid ah Khamiistii. Waxaa sidoo kale la qorsheeyey dibad-baxyo dheeri kadib salaadda Jimcaha. – Dhaawacyada – Khan waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Lahore, wuxuuna maray qalliin, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladdiisa ay degan tahay. Weli ma cadda inta rasaas ee ku dhacday. Goobjooge ayaa sheegay in Khan uu miyir qabay kadib weerarka, uuna muujinayey astaan guul kahor inta aan goobta lagala cararin. Xiddigii hore ee cayaarta cricket-ka ayaa xalay ku baryey Isbitaalka, hase yeeshee wuxuu kulamo la qaadanayey saaxiibada xisbigiisa Tehreek-e-Insaf (PTI). Waxaa la filayey inuu khudbad jeediyo kadib salaadda Jimcaha. – Qofka toogashada fuliyey – Booliska ayaa xabsiga ku haya hal nin. Muuqaal u muuqda qirasho oo baraha bulshada la wareejinayo — ayna soo xigatay dowladda — ayaa tuhunsanaha wuxuu ku qiranayaa inuu Khan u weeraray “inuu marin habaabinayo shacabka”. Weli ma cadda haddii ninka toogashada fuliyey uu ka tirsan yahay koox siyaasadeed ama mintidiin. Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, mid ka mid ah dadkii ku sugnaa dibadb-baxa ayaa hor-istaagay ninka weerarka soo qaaday, isaga oo la hardamay markii uu isku dayey inuu rasaasta furo, taasi oo keentay inuu seego bartilmaameedkiisa. – Xog hore – Khan ayaa ra’iisul wasaare noqday 2018, hase yeeshee wuxuu goobjoog u noqday hoos u dhac dhaqaale, wuxuuna lumiyey taageerada militariga awoodda badan. Waxaa bishii April lagu riday codka kalsoonida baarlamanka, wuxuuna tan iyo markaas u ololeynayey in la qabto doorasho waqtigeeda kasoo hormarta. – Taariikh – Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan. Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi. Tobanaan sano, Pakistan waxay sidoo kale la xarbineysaa islaamiyiin mayal adag, oo ku xooggan xuduudda dalkaas uu la wadaago Afghanistan. AFP, VOA The post Isku daygii lagu khaarijin lahaa Imran Khan – Maxaan ognahay illaa hadda? appeared first on Caasimada Online.
-
Xudur (Caasimada Online) – Taliska qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Diinsoor. Abshir Macallin idiris, oo magaciisu afgarashadu ay yahay Sahal, ayaa isku soo dhiibey ururka 154-aad ee taliska guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka dhulka ee fadhiggooda yahay degmada Diinsoor. Abshir ayaa markii uu isisoo dhiibayey watay qori nooca AK47 ah iyo booshkiisa, wuxuuna kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhadda ama kuwa weerarada gaysta, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Wuxuu sheegay inuu kasoo qeyb galay weeraro badan oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Ninkan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 5 sano ah, wuxuuna sheegay inuu markii uu kooxda ku biirayey ku sugnaa degaanka Gurbaan ee gobolka Baay Bilihii la soo dhaafay ayaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60-aad waxa ay sheegeen inay kordheen xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya, iyada oo ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay cafin doonto cid kasta oo Shabaab ka tirsan oo isku soo dhiibta ciidamada dowladda. Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda waxaa ku socdo kacdoon culus oo looga soo horjeedo kaasoo hadda si rasmi ah uga socdo gobolada Hiiraan, Shabeelaha dhexe iyo Mudug. The post Abshir Macallin Idiris oo isku soo dhiibay ciidamada DF appeared first on Caasimada Online.
-
WAJIR, KENYA — Kenyan authorities say the ongoing drought that has left millions of people in need of food aid is also forcing tens of thousands of children in herder communities to drop out of school. Kenya declared a national disaster from the drought in September last year, but it could also be looking at a disaster for education. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan ku qaaday degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, isla markaana lagu dilay 200 oo xubnood. Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgalka siwadajir u fuliyeen, isla markaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay Ciidamada la wareegeen. Sidoo kale wuxuu sheegay inay bur buriyeen saldhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saaratyo guud ahaan ďalka Soomaaliya. Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay dagaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsaday deegaano badan oo ay gacanta ku heysay sanado badan. The post DF oo sheegtay in Al-Shabaab laga dilay 200 oo dagaalyahan kadib weerar cirka iyo dhulka ah appeared first on Caasimada Online.
-
Jananka ugu sarreeya Ciidamada difaaca Puntland ayaa Khamiistii shaaciyay in ay Somaliland maal-geliso kooxaha Argagixisada ah. Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland S/Gaas Abshir London ayaa sheegay in Somaliland ay hoy u tahay garab-siinta iyo kala gudbinta Argagixisada Soomaaliya. S/Gaas Abshir London ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay dhaqaale ku maal-geliso Argagixisada islamarkaana caddayn loo hayo arrintaas. “Somaliland waxay ku caan-baxday hoyga magan-gelinta Argagixisada. Somaliland ayaa Argagixisada kala gudbisa dhaqaalana ku bixisa waxaan u haynaa caddaymo buuxa” ayuu yiri Gen. Abshir London. Hadalkaas ayuu ka jeediyay duleedka degmada Boocame ee Gobolka Sool isaga oo la hadlayay ciidamo u dhashay degaankaas oo Puntland qaramaysay. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay caddayn buuxda u hayso wada-shaqaynta Somaliland iyo Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DPL iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ku kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa helay codad ku filan oo uu ku soo dhisi karo xukuumad, ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas. Ra’iisal wasaaraha haatan xilka haya ee Yair Lapid ayaa ku dhawaaqay in laga guulaystay. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Lapid uu hambalyeeyey ra’iisal wasaare Netanyahu, isaga oo shaqaalaha xafiiskiisana faray inay diyaariyaan xil wareejinta. Netanyahu ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo xukuumaddii dhinaca midig u janjeedhay ee ugu ad-adkayd taariikhda Israel. PUNTLAND POST The post Benjamin Netanyahu oo mar labaad noqday Ra’iisul wasaaraha Israel appeared first on Puntland Post.
-
A South Sudanese refugee was found dead after a suspected suicide at Dadaab camp in Garissa county. Source: Hiiraan Online
-
More than 50 journalists have lost their lives reporting in Somalia in the last decade - the most recent fatality happened on Saturday in a bomb blast. The BBC's Bella Sheegow reflects on life there as a reporter. Source: Hiiraan Online
-
WAJIR, KENYA — Kenyan authorities say the ongoing drought that has left millions of people in need of food aid is also forcing tens of thousands of children in herder communities to drop out of school. Kenya declared a national disaster from the drought in September last year, but it could also be looking at a disaster for education. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia -- Police in Somalia say at least two people have been killed and five others wounded by a roadside explosion that hit a vehicle carrying students in the Dayniile district of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Oromo Liberation Army (OLA) rebels, who are fighting Ethiopian federal government forces, kidnapped an unknown number of officials from the western town of Mendi earlier this week, according to a local official and residents. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ka wareegeen difaacii ugu weynaa ee Al-Shabaab u yaallay Gobolka Hiiraan, kaasoo ku dhow xaruntooda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaal culus oo billowday shalay subax ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana dhowr jeer lagu dagaalamay degaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ka war helay Shabaab isku urursanaya halkaasi. Saraakiisha maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay ugu danbeyn Al-Shabaab ka qabsadeen saldhiggii ugu weynaa ee Ceel-hareeri oo 20 KM u jira degmada Aadan Yabaal oo laga difaacayey, ayna gaarsiiyeen khasaare fara badan. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab looga dilay dagaalka ilaa 40 dagaalame, dhaawacayna intaas ka badan yihiin, halka wararka qaarkood ay dhimashada ka badinayaan, waxaana guul ka sheegtay dagaalka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka. Waxaa dagaalka qeyb ka aahaa ciidmaada Danab oo taageero ka helaya Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ku dishay 36 askari oo uu ka mid yahay Axmed Muuse Fiidoow oo ah sarkaal u dhow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. Guuldarrada Al-Shabaab ee looga qabsaday degaanka Ceel-hareeri ayaa imaneysa ayada oo dhowaan laga qabsaday degaanka Masaajid Caligaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku lahaayeen saldhigga labaad ee ugu weyn ee ay ku lahaayeen gobolka. Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay hadda maalmo un naga xigto in Shabaabka laga saaro Aadan Yabaal. The post Saldhigii ay Al-Shabaab ka difaacayeen degmada Aadan Yabaal oo u gacan-galay DF appeared first on Caasimada Online.
-
Maalin kaddib, kulankii Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Amir Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani ayaa Dr. Cabdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi loo magacaabay danjiraha dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya. Magacaabidda waxaa xiiso u yeelaya in safiirkii hore Xasan Xamza Asad Hashem oo hayay xafiiska tan iyo Abril 21, 2018 uu aad ugu dhowaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo lataliyihiisii Fahad Yaasiin. Xilhayntii hore ee Xasan Sheekh, Qadar ayaa matalaad hoose “chargé d’affaire” ku haysay xiriirkeeda Soomaaliya. Balse, muddo xilhayntii Farmaajo ayuu xiriirku isku rogay mid iskaashi hammi leh oo sii kobcay wixii ka dambeeyay khilaafkii “Khaliijka Carbeed” oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay mowqif dhexdhexaad ah. Danjiraha oo galaangal lixaad leh ku lahaa Nabad iyo Nolol ayaa ka il damuuqsaday afgambigii muddo kordhinta (Abril 2021) oo hoostiisa lagu qooshayay. Siyaasiyiin badan oo waqtigaas mucaarid ahaa ayaa khaladka Danjiraha u arka mid Dooxa ku lug lahayd, walow Muqdisho loo soo diray Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani oo door wacan ka qaatay xal u raadinta doorashadii murugsanayd. Iyadoo raacaysa aragtida dib u soo kabashada qaranka ayay ku deeqday dalka maalgelin dhan 200 malyan doolar oo lagu dhisay waddooyin isku xira suuqyada caasimadda Muqdisho iyo goobaha wax-soo-saarka ee magaalooyinka Afgooye iyo Jawhar. Qadar oo aan dadaal hagran ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin maareynta xaaladaha degdegga ah iyo musiibadahaba. Isku beddelka diblomaasiyiinta ayaa muujinaysa in xiriirka Dooxa iyo Muqdisho uu ka weyn yahay shaqsi, xilli siyaasiyiinta UPD ku kala aragti duwan yihiin iskaashiga Dooxa. Xiriirka maalgashiga dhaqaalaha ayaa sii kordhay kaddib markii “Qadar Airways” ay bilawday duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho. Dooxa ayaa ballanqaaday inay maalgashato dekedda Hobyo oo muhiim u ah soo gelidda suuqyada Afrika. Qadar waxay taageero deeqsinimo leh ka gaysataa casriyeenta ciidamada amniga iyadoo dalka ku deeqday 68 gaadiid dagaal oo casri ah, maalgelisana askarta uu Turkigu u tababbaro la dagaallanka argagixisada. Ergeyga u fadhisa Qaramada Midowbay ayaa 2021 soo bandhigtay in waanwaan u socoto iyaga iyo Al Shabaab. Dooxa waxay leedahay waayo aragnimo badan oo ay Soomaaliya ugu yaboohi karto. Waxay dalka ka unkumtay machad lagu carbiyo diblomaasiyiinta, iyadoo ku lug lahayd xal u raadinta khilaafkii dhex yiil Muqdisho iyo Nairobi, inkastoo aan lagu guulaysan. Arrinka wanaajinta xiriirka Muqdisho iyo Dooxa wuxuu guud ahaan dabada ku wataa, xiriirka Dowladaha Iskaashiga Khaliijka oo badidoodaba Soomaaliya ka faa’iidaysan karto iyadoo laga digtoonaanayo waxyaabaha dhaawici kara iskaashi faa’iido wadaag ah. Waxaa haboon in cilaaqaadka dalalkaas lagu sameeyo dibuhabayn la jaanqaada danahayaga iyo qiyamkayagaba si loo abuuro jawi iskaashi, halka dalku ku milmi lahaa “xifaaltankooda” siyaasadeed. Dowladdii Farmaajo oo aan samayn daraasad cilmiyaysan oo saadaalin karay cawaaqibta ka dhalan karta xurgufta dhex tiillay Dowladaha Khaliijka ayaa dhe-dabbaalatay bad aysan ku sabbayn karin waxayna la kulantay colaad iyo ciqaab dib u dhigay soo kabashadii. Dowladda Xasan Sheekh waxay haysataa fursad ay kusoo celin karto xiriirka taariikhiga ah ee Saldanada Cumaaan iyo Kuwait oo xasaasiyaddooda ka yar tahay midda Riyadh iyo Abu Dhabi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khibrad u leh xiriirka Soomaaliya iyo Qadar waxaa suuraggal u ah hab niyad wanaag ku jiro inuu dib ugu hagaajiyo xiriirka si uu u gaaro heer cusub. Isha: Jamhuuriyadda The post Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar – Caqabadaha iyo RAJADA mustaqbalka (Xog-warran) appeared first on Caasimada Online.
-
Wadamada Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa xidhiidho kala duwan la soo sameeyay Xukuumada,Axsaabta mucaarad ka ah iyo komishanka doorashooyinka. Waxaanay kala hadleen arimaha doorashooyinka sida ay u soo kala horeeyaan iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka taagan, inta ka horaysa 13 November. Deeq-bixiyaasha doorashooyinka ayaa lagu wadaa in ay hargeysa soo gaadhaan 6-da bishan November. Daneeyaasha doorashooyinka Somaliland,Waxay doonayaan in ay miiska soo dhigaan Ama ay keenaan qodobo ay ku dhex dhexaadinayaan xukuumada iyo mucaaradka si go’aan looga gaadho khilaafka wakhtiga dheer taagnaa. Maxay kula tahay adiga? Qaran News
-
Muuse Biixi wuxu u socdaa in aan wax doorasho ahina qabsoomin qiilna ka dhigto madaxwayne la doortay baan ahay madaxwayne la doortay ayuun baana i bedeli karaa sidaana xukunka ku haysto inta uu nool yahay. Hadii aan taladii hogaamiye dhaqameedka dib loogu noqon ma jiro xal kale oo lagu kala bixi karaana eh sidaa ha loo ogaado ..” Muj Cali Guray Qaran News
