Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa maanta ka warbixiyey safar shaqo oo uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli ay howlgallo ay ka socdaan gobolka uu maamulo. Jayte ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka safarkiisa uu la xiriiro dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo deegaanada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu kala hadli doono wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Safarkeyga Muqdisho waxa uu ku saabsanyahay waqti dheer ayaan dagaal ku jirnaa waxaan madaxda dowladda la wadaageynaa sidii wax looga baddeli lahaa qorshaha dagaalka,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay isku xirka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus. “Howlgalka waxaa kasoo billawnay dhinaca waqooyi gaar ahaan Matabaan, waxaana rabnaa in aan isku xirno Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe” ayuu raaciyey Cali Jayte Cismaan. Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Al-Shabaab oo sidoo kale deegaano looga qabsaday. The post Guddoomiye Cali Jayte oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  2. Kenya shares a long, relatively porous border of approximately 1, 116 km with Somalia but the local Jubbaland administration—quite sadly—only controls parts of Kismayo, Dhobley and to some extent, Afmadow. Partial control is meant to say that the weak administration doesn’t control any of the roads leading to and from the cities and major towns. Anyone who has sympathy for the Jubbaland administration—let alone those affiliated with it—can’t even travel by road because Al-Shabaab is just 2 to 5 KMs away from the three cities the Jubbaland administration partially controls. Source: Hiiraan Online
  3. Ra’iisulwasaraha dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuti ee dalka Jabuti, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaare Xamsa . Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi. Maleeshiyaadkan oo wata hub iyo gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay garoonka, waxayna joojiyeen shaqadii ka socotay halkaas iyo duulimaayadya garoonka Caabudwaaq. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qabsaday garoonka ay ka soo horjeedaan habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka degmada Cabudwaaq oo haatan qaarkood lasoo doortay, waxaana maleeshiyaadka ay ku doodeen in aan weli lasiin saamigii ay lahaayeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka ay dib usoo celiyaan diyaarad sidday mas’uuliyiin iyo sidoo kale odayaal ku sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad kacsan. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale wacad ku maray in aysan furin doonin garoonka, ilaa laga xaliyo tabashadooda ku aadan dhismaha golaha deegaanka degmada Caabudwaaq. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo sidoo kale madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadda ka taagan halkaasi. Si kastaba, maamlmihii u dambeeyey ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabasho la xiriirta dhismaha golaha deegaanka, taas oo timid markii lakala diray maamulkii degmada Cabudwaaq, kadib amar kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug. The post Maleeshiyaad la wareegay garoon diyaaradeed oo ku yaallo Galmudug appeared first on Caasimada Online.
  5. Garowe (HOL) - At least 27 people were injured in a car accident in Garowe, the administrative capital of Puntland on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. Doorashada maanta ka dhaceysa Mareykanka waxay saameyn xooggan ku yeelaan doontaa jiheynta qaranka gaar ahaan saameynta siyaasiyiinta iyo awoodda xisbiga tallada haya ee Aqalka Cad. Ilhaan Cumar ayaa kamid ah musharraxiinta u tartameysa doorashada xilligga dhexe ee maanta ka dhaceysa Mareykanka, waxay la tartameysa haweeney iyaduna madow ah o la yidhahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Jamhuuriga. Joe Biden ma tartamayo-laakiinse doorashada xilliga dhexe waxay go’aamineysaa cidda maamusha Aqalka Koongareeska gaar ahaa baarlmaanka iyo xafiisyada badhasaabyada, doorashadan waxay codbixiyeyaasha siineysaa fursad dadban oo ay ku cabbiri karaan tageeradooda madaxweynaha iyo jiheynta dalka. Iyadoo Mareykanka uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo iyo walaaca ka dhashay falal dambiyeedka iyo muhaajiriinta aan sharciga wadan, go’aanka kasoo baxa doorashada ayaa noqon karaa mid adag oo ka dhan ah madaxweynaha haatan tallada haya. Natiijada doorashadan waxay saameyn doontaaa ololaha doorashada madaxtinimada sannadka 2024-ka gaar ahaan fursadaha Trump ee ku saabsan in mar kale uu xilka u tartamo. Source
  7. Saacadihii la soo dhaafay waxaa aad baraha bulshada ku baahay qoraallo lagu sheegayo in laacibka weyn ee u dhashay Ivory Coast, Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka. Warkan ayaa soo baxay kadib markii wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Dr Maxamed Saalax oo ku nool Maraykanka uu baahiyay sawirro muujinaya Drogba oo u ducaysanaya sida Muslimiinta. Wadaadka ayaa sheegay in Drogba uu qaatay diinta Islaamka, sidaana waxaa ku baahay warka. Saacado kadib Drogba ayaa bartiisa rasmiga ah soo dhigay in aanu bedalin diintiisa, isla markaana uu la yaabay sida uu u faafay warkaas. “Sheekadan aad ayey u faaftay, balse ma beddelin diinteyda. Waxaan xushmad u muujinayay walaalahay Muslimiinta ah oo aan ku booqday deegaankayga. Waxay ahayd munaasabad aan midnimo ku muujinay,” ayuu bartiisa Twitter ku sheegay Drogba. Dr Maxamed Saalax ayaa markii dambe tiray qoraalka hore, waxaana uu sheegay in Drogba aanu noqon Muslim, hase yeeshee uu u duceynayo. Waa kuma Drogba? Didier Drogba waxa uu kamid yahay xidigaha ugu magaca dheer kubadda cagta dunida. Waxa uu koobab badan la qaaday kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska. Dalkiisa Ivory Coast waxa uu u ciyaaray saddex koob oo dunida ah. Kadib 20 sanno oo uu heerka ugu sarreeya ka gaadhay kubadda cagta, waxa uu sannadkii 2018 shaaciyay inuu ka fadhiistay ciyaaraha. Waxa uu u tartamay hogaanka xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa, balse kuma guulaysan. Waxa uu haystaa diinta Masiixiga, isagoo si weyn ugu xidhan kaniisadaha dalkiisa iyo weliba kuwa dibedda. Source
  8. Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Plymouth ah ayaa qiratay in ay qeyb ka ahayd lunsashada $250 milyan, oo loogu talo galay nafaqeynta carruurta xilligii Covid19 ee gudaha dalka Maraykanka. Sida ku cad dukumentiga maxkamadda, Canab Cartan Cawad, oo 52 jir ah, ayaa qiratay in lagasoo bilaabo Sebtembar 2020 ilaa January 2022, ay iyada oo og ay ka qayb qaadatay qorshe been abuur ah si ay u hesho oo ay u lunsato malaayiin doolar oo ah lacagaha barnaamijka nafaqeynta carruurta. Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa sheegtay in haweeneydan ay adeegsatay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo lagu magacaabo Multiple Community Services si ay u fuliso qorshaheeda. Haweeneydan waxay sheegtay inay in ka badan 1.5 milyan oo cunto ah siisay carruur, balse maxkamadda ayaa sheegtay inaysan haba yaraatee waxba ka jirin arrintaas, liiska carruurta la siiyeyna aanu waafaqsanayn magacyada carruurta dhabta ah ee ka diiwaangashan hay’adeeda. Isku soo wada duuboo, Haweeneydan ayaa iyadu si gaar ah waxay ugu eedeysan tahay lunsashada $11,237,106.41 oo ah dhaqaalaha kasoo galay Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee Federaalka. Dhageysiga xukunkeeda ayaa la muddeeyay wakhti kale. Bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ay warbixin ay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyarta ah intii lagu jiray xannibaadihii COVID-19. Source
  9. (SLT-Nairobi)-Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxaa shalay ka furmay Shir ay isugu yimaadeen Taliyaha Ciidammada Itoobiya Birhanu Julla iyo Taliyaha kooxda TPLF Taddese Warada, kaas oo lagaga hadlayay sidii hub ka dhigis loogu samayn lahaa kooxda TPLF. Haddaba Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Bariga Afrika Olesegun Obasanjo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru kenyata, iyadoo sidoo kale ay joogeen masuuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay. Wali faahfaahin rasmi ah kama soo bixin shirka ay isku arkayeen Taliyayaasha ciidamada labada dhinac waa Itoobiya iyo TPLF, balse waxaa xusid mudan in shirkan maanta kii ka horreeyay ay labada dhinac si buuxda iskugu af garteen in hub ka dhigis lagu sameeyo kooxda TPLF, sida ku cad heshiiska ay wada saxiixeen masuuliyiinta wakhtigaa ka kala socday dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF. Maalmo ka hor waxaa dalka Koonfur Afrika heshiis nabadeed ku gaarey dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, shirkaas oo isla Midowga Afrika ay hoggaaminayeen, wakhtigaas waxaa la isku af gartay oo qalinka lagu duugay qodobo ilaa 12 ahaa, kuwaas oo ay ku jirtay xabbad joojin rasmi ah iyo in TPLF lagu sameeyo hub ka dhigis, taas oo kulankan maanta diiradda lagu saarayay. Heshiiskan ayaan wali si toos ah u dhaqan galin marka laga reebo erayadii ay dowladdu u adeegsan jirtay TPLF iyo inay dowladdu ka saartay liiska Argagaxisada kooxda TPLF oo billowgii dagaalka u aqoonsatay TPLF inay yihiin Urur Argaaxiso. Shirkan ayaa sida la qorsheeyay waxa uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, iyadoo shirka kan xiga uu ka dhici doono gudaha gobolka Tigray, wixii intaa ka dambeeya la isku arki doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaal oo qoraal soo saray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guul weyn ka gaartay dagaalka dhanka baraha bulshada ee ay kula jirto Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa sheegaya in dowladdu ay ku guuleysatay inay xirto illaa 500 oo boggag ah oo ay kooxda ku laheyd baraha bulshada sida Facebook, Twitter, Telegram iyo TikTok. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee xogta lasoo wadaagay, isaga oo tilmaamay in dagaalka iyo howlgalka uu sii socon doono, guushana ay dhowdahay. Halkan hoose ka aqriso:- Shacabka Soomaaliyeed waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Bogaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan. Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan. Ilaa intii aan ku bilawnay hawlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok. Runtii inta ugu badan barahaas aan xirnay waa kuwii aad nala wadaagteen walaalayaal oo aan si Maalinle ah u ugaarsanno. Aad ayay Inoo dhiirigalinaysaa sida aad innoola wadaagaysaan god kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, aadna waan idinkaga mahadcelinaynaa Walaalayaal. Tani waxeey muujinaysaa sida dhaqsaha ah ee marka aan wada-shaqayno aan uga guulaysankarno Khawaarijta. Joojinta Faafinta Fikirka Khawaarijka ah wuxuu ka badbaadinayaa Ubadkeenna in ay noqdaan Bambooyin Qarxa. Mahadsanidiin markasta Shacabkeenna Sharafta badan. Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xireyso Baraha Internet-ka oo ay wax ku faafiyaan Al-Shabaab, iyaga oo Shacabka ka codsaday inay u soo gudbiyaan dowladda hadii ay arkaan Barahaas. The post DF oo shaacisay in guul ay ka gaartay dagaalka baraha bulshada ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa isbeddel aan weli la shaacin ku sameeyay liiska degmooyinka loo diiwaan-geliyay doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cof. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddiga TPEC ay liiska ka saareen 16 degmo oo markii hore ku jiray degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod. Liiska degmooyinka oo ahaa 37 degmo ayaa hadda lagu koobay 21 degmo waxaana weli ku socda dhimis sida ay wararku tilmaamayaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Den ayaa dadaal xooggan gelinaya barnaamijkan lagu muransan yahay ee doorashooyinka qof iyo cod oo sida la rumaysan yahay uu ku dhex qarinayo mudda kororsi. PUNTLAND POST The post Puntland: Isbeddel lagu sameeyay degmooyinka loo qorsheeyay doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  12. SOMALILAND GOVERNMENT AND EXPATS AROUND THE WORLD MUST REFUTE MISINFORMATIONS OF SOMALIA AGAINST SOMALILAND RECOGNITION SOMALILAND GOVERNMENT AND SOMALILAND EXPATS AROUND THE WORLD must refute relentlessly three misinformations that leaders of Somalia have been telling the world since Somaliland withdrew from the disastrous union it created in 1960 with Somalia on May 18, 1991 to deny Somaliland of recognition. If the three misinformations are refuted and eliminated, Somaliland will be recognized: 1. FIRST MISINFORMATION: That Somaliland was a province of Somalia to label it with secessionism or separatism while in fact Somaliland was separate colony from Somalia named Somaliland British protectorate for 76 years and became independent country in Africa before Somalia achieving independence and recognition on June 26, 1960 when Somalia was still Italian colony and achieved independence on July 1, 1960. The proclamation of Somaliland independence granted by the colonizing power (Great Britain) is shown below. How Somaliland Republic, becoming independent and recognized country by the world on June 26, 1960 before Somalia, become a province of Somalia? Illogical argument. 2. SECOND MISINFORMATION: That the recognition of Somaliland will open Pandora’s Box in Africa to encourage secessionists or separatists to change the borders of the continent of Africa implying that Somaliland was secessionist province that broke away from Somalia. If Nyanza Province of Kenya or Arusha Region of Tanzania or Puntland province of Somalia secedes or breaks away from their own respective countries, they would definitely qualify to be secessionists, separatists or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from European colonial powers thus creating instability and political unrest in the continent of Africa as those provinces share history, colonial borders, independence and recognition with their own motherlands. But Somaliland was older country than Somalia in Africa in achieving independence before Somalia in 1960 as its proclamation of independence shows below. The independence and recognition of Somaliland will be based on Somaliland British protectorate colonial borders and will not influence secessionism or separatism in Africa but will enhance the African Conference of 1964 for reaffirming Africa colonial borders to keep the security, peace and stability of the continent [The location of Somaliland in the Horn of Africa determines its borders. It lies between 08°00′ – 11°30′ parallel North of the Equator (Latitudes)] and between 42°45′ – 49°00′ Meridian East of Greenwich (Longitudes). How the independence and recognition of Somaliland based on its legitimate colonial borders will open Pandora’s Box for secessionists or separatists while the independence and recognition of all African countries are based on their colonial borders? Illogical argument too. 3. THIRD MISINFORMATION: That Somaliland accepted the terms of the union set by Somalia in 1960 that it cannot withdraw from the failed union. There were no terms set between the two countries in 1960 at all. Somaliland initiated the unification between the two countries in 1960 then Somalia violated the conditions of fair power-sharing of the failed union by hijacking it for the 30 years of its existence (1960-1990) and inflicted genocide and destructions against Somaliland people after raising grievances against injustice and oppression. Somaliland withdrew from that union after bloody war of liberation on May 18, 1991. Hence, how Somaliland which was the initiator or host of the union accepted terms dictated or set by Somalia which was the guest or invitee to the union? Illogical argument again. If one side had to set terms to the other side, it would have been Somaliland because it initiated the birth of the failed union. Now with the three misinformations refuted and eliminated, Somaliland Government and Somaliland expats around the world must fight back too to refute and eliminate the misinformations so that Somaliland will be recognized soon, In Shaa Allah. There is no way to go back. Somaliland returning to the disastrous union is like the Sun rising in the West. Somaliland cannot let Somalia abuse it with the independence it achieved before it and with the failed union it created. Ibrahim Hassan Gagale Qaran News
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti. Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa waxaa Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona dalka Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda waddanka Jabuuti. Xamza Cabdi Barre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Jamhuuriyadda Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, isaga kala hadli doono xoojinta xiriirka ku dhisan walaaltinimada iyo darisnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kala hadli doono arrimo ku aadan dagaal ay dowladda kula jirto Shabaab iyo sidii ay uga taageeri laheyd howlgallada socdo. Wuxuu sidoo kale uga mahadcelin doonaa garab istaagga ay reer Jabuuti u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, kadib qaraxyadii ka dhacay Zoobe, maadaama ay soo direen gurmad deg deg ah iyo dhaqaatiir howlo caafimaad ka fuliyey magaalada Muqdisho. Booqashadaan ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo dalalka dariska, wuxuuna dhowaan gaaray dalka Itoobiya, isagoo kadib soo maray Jigjiga. Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waxayna sidoo kale qayb ka tahay howlgalka ATMIS, ayada oo ciidamadeeda ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo u baxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  15. President Evariste Ndayishimiye of Burundi and chairperson of the East African Community (EAC) gathered regional leaders in Egypt on Monday night to discuss the rising insecurity in eastern Democratic Republic of Congo. Source: Hiiraan Online
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan Nairobi ayaa ku dhowaaqay tallaabo lama filaan ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan siiyaasadda ku dhisan is kooxeysiga. Deni oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay magaaladaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo horumarinta dowladnimada oo heerer kala duwan soo martay. Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku adkeeyey inay haboon tahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan kooxeysiga, isaga oo tusaale usoo qaatay kooxda Damul-Jadiid oo haatan heysa talada dalka, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan Dam-jadiid iyo dam-fulaan,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid Deni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isagu si gaar ah uga shaqeyn doono sidii looga gudbi lahaa arrimahaasi, islamarkaana uu dhaqan-galkeeda ka bilaabi doono Puntland. “Dowladnimada in aan dadka ku celino rabnaa anigaa bilaabaya waadna arki doontaan” ayuu markale yiri madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyey inay ka go’an tahay in isbeddal laga sameeyo dowladnimada Soomaaliya. Hadalkan ayaa waxaa ka dhashay facelin xoogan oo qabsatay baraha bulshada, waxayna dad badan ay tilmaameen in isaguba Deni uu ka dhisay Puntland koox loogu magac daray Aaran Jaan, kuwaas oo u badan xubno u dhow isaga oo ku jiro xeyndaabka madaxtooyada. Si kastaba, arrintaan ayaa sidoo kale muujineyso inay sii kala fogaadeen Deni iyo Xasan Sheekh oo uu mad-madow soo kala dhex-galay kadib soo magacaabistii ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo uu ka xumaaday hoggaamiyaha Puntland oo isagu doonayey xilkaas. The post DENI: Waxaa la rabaa in ay meesha ka baxaan Damul-Jadiid appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa goordhaw safar ugu ambabaxay dalka Jabuti. Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo u safray dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  19. Muse Mohamed, a former campaign volunteer for state Senator Omar Fateh, was sentenced Monday to house arrest and two years of probation for lying to a federal grand jury. Source: Hiiraan Online
  20. The government has formally sought Parliament’s nod to deploy 904 Kenya Defense Forces (KDF) soldiers to the troubled DRC Congo. Source: Hiiraan Online
  21. CAIRO (AP) — A raft carrying African migrants seeking a better life in the Gulf Arab states sank in waters off of Yemen late last month, leaving three dead and 28 others declared missing, the U.N. said Monday. Source: Hiiraan Online
  22. WASHINGTON — Somalia’s largest telecommunications company, Hormuud Telecom, says one of its centers and a telecommunications tower have been destroyed in an explosion in Qaayib, a village in the Galmudug state of Somalia. Source: Hiiraan Online