-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI (Reuters) -The United Nations is hopeful it can resume aid deliveries into Ethiopia's war-torn Tigray region "in days" following a truce agreed between combatants, but some remote areas remain off-limits, the head of its humanitarian office (OCHA) for Ethiopia said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madooobe) iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland. Munaasabada soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Golaha Shacabka BFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaanno ka kala tirsan DFS & Puntland. Madaxda ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada Golaha & Howl-wadeenada, si loo fududeeyo, loona casriyeeyo shaqada Baarlamaanka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha DFS & Puntland ayaa yeeshay shir gaar oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo boqday Xarunta Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Kadib dhacdadii qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imaanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaa, qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa iyo wasaaradda Owqaafta maalinimadii Jimcaha siyaabo kale duwan uga hadlay, iyagoo siweyn u cambaareeyay falkas. Ugu horeyn Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Cumlimada sidaweyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo kamid dadkii qaraxa la kulmay, waxaana ku burburay dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar sida lagu sheegay xogaha hordhaca ah. “War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajooga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga Imaan ku jiro oo ka buuxo inaad Dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kartaa?. Aaaway wixii ku xakamaynayay, aaway Imaankii ku celinayay, aaway cabsidii, Rabi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxadara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad Dhiig Muslim daadiso taxadar qaado” ayuu yiri Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo hadlayay. Sidoo kale Shiikh Cabdiqani Suldaan Qorane oo bulshada ku nool Garoowe kula hadlaayay Majid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsatada ku taageerta lacagaha Al-shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladnimada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga. “Umadda Nabi Muxamed ( CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faaiido magalo,nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey lamid yihiin, cidda caawisana ma badbaadeyso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab malahan. Toobadkeenbaa la’ idiin ka rabaa, haddaad waxqabanaysaan maad ciidamada kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad waxqabanaysaan dalka dhismihiisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in Umatul Muxamed la’laayo kasab Xaaraan ah waaye ” ayuu yiri Shiikh Cabdiqani Suldaan. Dhanka akale Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tukaday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, isaga oo hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hadalka u dhigay Shiikha oo hadlayay. “Dadkii Saxaabada Gaaleysiiyay, oo yiri Diintii aan idiin ka baranay ayaan idiin ka badinaa, waa qaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii Shalay Cali Ibnu Abii Daalid (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa maanta sheegayan, oo ah Xukunkaa laga tagay, hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii marka. marka Niman saxaabi ah oo Jannada loogu bishaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, iney wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay” ayuu dhankiisa yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad. Dhinaca kalw Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka Soomaaliya Salah Sharif Sayid Ali oo khudbad ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay loo baahan yahay in ay kala ogaadaan waxaa yihiin sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ku tilmaamay in ay kooxda Al-shabaab leeyihiin sifaadka kooxdaha Khawaarijta ah oo ka jira meelo badan oo caalamka ah sida uu hadalka u dhigay xilliga uu hadlayay. ” Haddaan fiirino maanta sifaadkaas dhan waa ku tilmaaman yihiin, Xumaatada qaraxii Soobe oo ay ku dhinteed dad 100 kor u dhaafaayo, oo ay ku dhaawacmeen 200 dad kor u dhaafaayo ayaa qof sheeganaayo Muslim ayaa ku faanaayo oo waxaa uu leeyahay Muslimiintaas ayaan baabi’inay. Walalayaal waxaa muhiim ah kooxdaan sifaadkooda iyo diinta waxaa ay ka qabto inaan ogaano waa muhiim, kooxdaan maxaa waaye, Koow Khawaarij waaye, waxwalba oo khawaarij ay sameeyaan waa ay samaynayaan. Kooxdaan Khawaarijta ah ee Soomaaliya aafaysay, waxaa muhiim ah Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee Suniga ah, in ay haldhinac uga soo wada jeestaan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Owqaaftaiyo Diinta Salah Sharif Sayid Ali. Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansoor oo shacabka Caasimadda kula tukaday Masjidka Marwaas ee degmada Xamarweyne ayaa nasiib darro waxaa uu ku tilmaamay in qof warbaahinta uu kaga faano dilka boqaal qof oo Muslimiin ah inuu dlay sida uu hadalka u dhigay. ” Dhibka maanta yaallo waxaa ugu weyn waa dadkaas Muslimiinta ah ee hal maalin la laayay oo si jumlo ah loo dilay oo runtii si naxariis darro ah loo dilay oo haddana lagu faanay oo la leeyahay annagaa samaynay oo sidaas ayaan u yeelnay, runtii tiro intaas la eg oo boqolaal ah in ay dhimatay boqolaal kalena ay dhawacantay, toban iyo dhowrna la la’yahay, waxaan leeyahay dadka nuucaas ah aan uwada midowno aan iska dhicino, aan diidno dulmigooda, imisa caruur ah oo Sabtidii galinkii hore Aabe lahaa oo aan maanta Aabe laheyn, imisa ayaa hooyo lahaa oo aan hooyo la,heyn, waxaan ku celcelinayaa waan iska dhicinaynaa nimankaas” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta . Culimada hadlka kasoo baxay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo 29-kii October qaraxyadii ka dhacay Soobe lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo kamid dadkii qaraxa la kulmay, waxaana ku burburay dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar sida lagu sheegay xogaha hordhaca ah ee laga saaray musiibadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The double attack of October 29 in Mogadishu with more than 120 dead is one of the bloodiest committed to date by Al Shabaab and adds to a wave of attacks with which the Al Qaeda affiliate in Somalia wants to show that it has not been defeated despite the "total war" declared by the president, Hassan Shaykh Mohamud. Source: Hiiraan Online
-
THE UNITED STATES has fought more than a dozen “secret wars” over the last two decades, according to a new report from the Brennan Center for Justice at New York University’s School of Law. Through a combination of ground combat, airstrikes, and operations by U.S. proxy forces, these conflicts have raged from Africa to the Middle East to Asia, often completely unknown to the American people and with minimal congressional oversight. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Standing Committee of Somalia's Lower House Parliament held its meeting for the first time in Garowe, the administrative capital of Puntland regional state, on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
In November 2022, between the 6th and the 18th, the Government of the Arab Republic of Egypt will host the 27th Conference of the Parties of the UNFCCC (COP 27), with a view to building on previous successes and paving the way for future ambition to effectively tackle the global challenge of climate change. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia’s government welcomed the peace agreement reached by the Ethiopian government and Tigray People's Liberation Front to end their two-year war, believed to have killed hundreds of thousands of people. Source: Hiiraan Online
-
Source
-
Raysal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyey ninka xilka ka beddelay inuu ku lug leeyahay shirqoolka la doonayay in lagu dilo, isaga oo ku jira cisbitalka kana soo kabanaya dhaawacii ay xabadda gaadhsiisay. Khan ayaa weriyayaasha u sheegay in Shehbaz Sharif, oo xilka ra’iisul wasaare kala wareegay kadib cod kalsooni oo uu baarlamanka qaaday bishii April, uu soo abaabulay weerarka lagu qaaday. Waxa uu intaas ku daray in shirqoolka ay kula jireen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidammada. “Saddexdan ayaa go’aansaday in la I dilo,” ayuu yidhi Khan oo markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo toogashadii dhacday Khamiistii, wuxuuna intaas ku daray in weerarka ay fuliyeen laba dabley. Dowladda ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku laheyd, waxayna isku dayga khaarijin ku eedeeysay hal weeraryahan kaliya oo ay dhiiri-gelisay xagjirnimo diineed. Militariga ayaa eedeymaha Khan ku sheegay “kuwa aan sal laheyn oo mas’uuliyad darro ah.” Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa lagu dilay hal qof, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 10 kale, taasi oo si xooggan sare ugu qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalkaas la degtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Khan. Khan oo 70 jir ah ayaa hoggaaminayey dibad-baxayaal kumanaan ah oo tan iyo toddobaadkii tegay waday socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa Islamabad. Isaga oo ku fadhiya kursiga curyaamiinta, islamarkaana lugtiisa bidix ay si xooggan u duuban tahay — Khan ayaa hadlayey muddo saacad ah, wuxuuna oo si xooggan u weeraray dowladda iyo jilbo-weynta siyaasadeed ee uu ku eedeeyey inay xukunka ka tuureen. Waxa uu sheegay in mucaaradkiisa ay doonayeen inay ku eedeeyaan “inuu aflagaadeeyey diinta ama nebiga NNKH” kadibna ay ku eedeeyaan xagjir inuu dilay. Khan sooma bandhigin wax caddeymo ah oo uu ku taageero sheegashooyinkiisa. Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah ayaa goor sii horreysay sheegay in weerarka “uu ahaa kiis cad oo xagjirnimo diineed.” Tuhunsanaha oo ku jira gacanta booliska, ayaa saraakiisha dowladda gobolka Punjab waxay ku magacaabeen Naveed Ahmed, wuxuuna muuqaal ay warbaahinta baahisay ku sheegay in Khan “uu marin-habaabinayey dadweynaha.” Wuxuu intaas ku daray inuu ka cadheysnaa qeylada kolonyada Khan oo arbusheysay aadaanka salaadda. Khan ayaa eedeeyey dadweynaha wuxuuna dul saarna konteenar markii rasaasta ay ka dhacday magaalada Wazirabad oo 170 km u jirta bariga caasimada Islamabad. “Rasaastu waxay ku dhacday lugteyda, markii aan sii dhacayey waxaa la furay rasaas kale,” ayuu Khan u sheegay weriyayaasha. “Waxay ahaayeen laba nin, haddii ay si wanaagsan isugu xidhnaan lahaayeen, ma badbaadi laheyn,” ayuu yidhi. “Mid ka mid ah ayaa la qabtay, waxaana lagu sheegay xagjir diineed, ma aheyn xagjir diineed — waxaa jiray qorshe cad oo arrintan ka dambeeyey.” Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan. Raysal wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaadhigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi. Source
-
Xog: Madaxtooyada Puntland oo damacsan in la furo Dastuurka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xog hoose oo aan weli soo bixin ayaa sheegaysa in uu jiro qorshe la damacsan yahay in lagu furo Dastuurka Puntland. Qorshaha furidda Dastuurka ayaa la damacsan yahay in banaanka la keeno horraanta sannadka 2023. Xogtan ayaa caddaynaysay in qorshahan ay gadaal ka riixayso Madaxtooyada Puntland oo dana siyaasadeed ka leh. Ujeedka qorshahan ayaa salka ku haya in la kordhiyo kuraasta Baarlamanka Puntland oo hadda ah 66 xildhibaan. PUNTLAND POST The post Xog: Madaxtooyada Puntland oo damacsan in la furo Dastuurka appeared first on Puntland Post. -
Shirkada diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa waajaheysa culeys weyn kadib markii ay duuliyeyaasha shirkadda ay ku dhawaaqeen inay shaqo joojin sameyn doonaan maalinta oo Sabtida ah. Ururka Duuliyayaasha Diyaaradaha ee Kenya Airline (KALPA) ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in shaqaalahooda ayna Sabtida maanta ah kasoo xaadiri doonin garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, taasi oo isbedel ku keeni karta duulimaadyada qorsheysan. Tallaabadan ayaa imaneysa maalmo kaddib markii uu dhammaaday ogaysiis shaqo joojin ah oo laba toddobaad ah oo ay soo saareen ururka duuliyayaasha, kuwaasi oo dalbanaya in shirkaddu dib u billowdo wax ku kordhinta sanduuqa lacagta la siiyo dadka hawl-gabka ah. Ma aha markii u horreysay ee ururka duuliyayaasha uu ku dhawaaqo shaqo joojin, waxaan sidan oo kale kal sannadkii dhacday in shaqo joojin uu ku dhawaaqay ay saameyn weyn ku yeelatay duulimaadyadii shirkada Kenya Airways Shirkadan ayaa waxay door wayn ku leedahay isku socodka Afrika gudaheeda waxayna rakaab badan u fududaysa socdaallada ay ku tagaan meelo badan oo Afrika ah. Source
-
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah. “Markii aan taleefoonka kula xidhiidhay Vladimir Putin, wuxuu igu yidhi ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yidhi hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul. Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u billowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalmood oo iskaashi la’aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine. Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin sheegay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saamiga qamadiga ee loogu talagalay “dalalka ugu saboolsan” si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka. Reuters. Source
-
Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo. Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda. Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha. Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso. Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi “maxaan idinka caawin karaa” Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh. Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda, iyada oo hawl-gab laga dhigay, aqoonsiyadii lagu soo gelayey dhismayaasha. Reuters Source
-
Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhammaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaas oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya. War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taas oo ku ekayd, bishii October 2-deedii. Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay. Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen. Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho. Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Source
-
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya Mahad Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi iyo is dhaafsiga xogaha ah. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah la iskaga kaashado. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay kaga hadleen iskaashiga labada dal ee ku saabsan ka hor taga khataraha Argagixisada. Source
-
Ku-simihii Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul-muslimiin, Ibraahim Muniir, ayaa ku geeriyooday magaalada London isagoo da’diisu ahayd 85 jir. Mr Munir, ayaa sanado badan ku xidhnaa dalkiisa hooyo ee Masar, intii uu noolaa, waxa uu ahaa afhayeenka dhaqdhaqaaqa ee Yurub. Sannadkii 2017-kii waxa ay dowladda Masar ku eedaysay argagixisanimo, eedaymahaas oo uu si adag u diiday. Source
-
Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha Argagixisada ah. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan-siiso Argagixisada. Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland. Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin kooxaha Argagixisada balse Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas. PUNTLAND POST The post Somaliland oo beenisay in ay magan-geliso kooxaha Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaar ah u xirtay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, waxaana shaqaalaha loo sheegay in ay heli doonaan farriin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga saari doono. Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda. Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay in ay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaaraya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya in uu shaqada ka saaro illaa 3,700 qof oo ah kala bar shaqaalaha Shirkadda. Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha Shirkadda Twitter oo barkood shaqada laga saarayo appeared first on Puntland Post.
