-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
We have known that Somalia is a country with a huge deposit of untapped oil and gas for years. But things got a bit serious after the Federal Government created a separate Ministry dealing with Petroleum and Mineral Resources. Source: Hiiraan Online
-
Sharma Sheekh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen. “Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalkeenu u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed” ayuu ku yiri khudbadiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan. Hoos ka daawo Khudbadda The post Daawo: Xasan Sheekh oo shirka ka socda Masar ka shaaciyay dhibaato ka jirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xoogga oo ciidanka dowladda oo taageero ka helay kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoosyimaada magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, deegaanka lagu dagaalamay ayaa lagu magacaabaa Ceelgorof, waxaana uu 8km u jiraa deegaanka Wabxo. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo ku wajahanaa Wabxo ay dagaal kala horyimaadeen Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka, waxaana uu intaas ku daray in dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka, kaas oo dhaliyay in dadku barakac sameeyaan. Ciidanmada huwanta ayaa ugu dambeyn ku guuleystay qabsashada deegaanka Al-shabaab ayaa isaga baxay Ceelgorof sida uu sheegay iyagoo difaacyo ka sameystay, waxaana uu sheegay in ciidanka dowladda ay wadaan guluf ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanka Wabxo oo hoosyimaada degmada Ceelbuur ee Galgaduud. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ay isku aruursanayeen degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya taliyihii hore ee ciidanka Danab Ismaaciil Cabdi Maalik iyo guddoomiyaha degmada Ceelboor iyo Xildhibaan Jacfar iyo mas’uuliyiin kale ka tirsan dowladda. Halkaa ka dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/11/WABXO.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda yeesho guddoon rasmi ah. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa sida la filayo iska dhex dooran doona guddoonka guddigaas. Madaxtooyada Puntland ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa in guddoomiyaha KMG ah ee hadda jooga TPEC Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku soo baxo guddoomiye rasmi ah. Madaxtooyada ayaa sidoo kale wadda in guddoomiye ku xigeenka TPEC uu ku soo baxo xubin lagu magacaabo Mahad Bashiir Nuur. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo fara-gelin ku haysa doorashada guddoonka TPEC appeared first on Puntland Post.
-
IFFCO Somaliland signed a 25-year lease with BEZ to develop a 300,000-square-foot packing facility, with future expansion plans covering another 300,000 square DP World has signed a lease and collaboration agreement with UAE-based food producer IFFCO, for an edible oil packing plant in the Berbera Economic Zone (BEZ) in Somaliland. IFFCO’s subsidiary, IFFCO Somaliland signed a 25-year lease with BEZ to develop a 300,000-square-foot packing facility, with future expansion plans covering another 300,000 square feet. Once complete, the first phase of the edible oil plant will create hundreds of jobs for local Somaliland citizens. Construction will start in the first half of 2023. The agreement was signed in Dubai by Suhail Albanna, CEO & Managing Director of DP World, Middle East & Africa, and IFFCO’s Executive Director, Rizwan Ahmed. DP World is developing the BEZ after investing in the Port of Berbera to create an integrated maritime, logistics, and industrial hub to serve the Horn of Africa, a dynamic, ever-evolving region with a population of more than 140 million people, with a strategic location along major trade sea lanes and land routes. Modelled on Jebel Ali Free Zone (Jafza), DP World’s flagship Free Zone in Dubai, the BEZ has been developed around a customer-centric ecosystem, where DP World is not only developing the zone, but will also operate the one-stop shop for company registration and licensing services as well as offer logistics services and build to suit services. This ecosystem also leverages on the synergies with Jebel Ali Free Zone (Jafza), where on the one hand, companies can register their companies through the Jafza one-stop shop, while on the other hand, Berbera Economic Zone companies can avail of the Jafza incubation centre services. DP World’s portfolio of economic zones such as BEZ will bring our Jafza customers in closer proximity to their markets. Suhail Albanna, CEO & Managing Director of DP World Middle East & Africa, said: “We are delighted to welcome a major multinational company like IFFCO to the Berbera Economic Zone. The decision by IFFCO to set up a plant is a major vote of confidence in the zone and a testament to our offerings. In fact, with the port, the economic zone and the one-stop-shop all under DP World, it will be like a home away from home for Dubai-based customers such as IFFCO. The zone will also have a positive impact on the local and regional economy by creating jobs and attracting more foreign direct investment to Somaliland.” Shiraz Allana, Director and supervisory board member of IFFCO, said: “IFFCO continues to invest in the future of food and supply chains globally. We currently operate 95 facilities, including several port-based manufacturing facilities worldwide. This partnership with DP World demonstrates our commitment to the UAE’s national food security strategy and facilitating global food trade. It also further enhances access to African consumer bases quickly and more efficiently. IFFCO’s team will build exceptional infrastructure to help deliver a seamless flow of trade from the ground up.” Source: Khaleej Times The post IFFCO to develop edible oil packing plant in Northern Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey degaanka Wabxo oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Ciidankaan oo maanta ka duulay aagga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa galabta casir liiqii gudaha u galay deegaano ay ugu weyntahay Wabxo oo ka tirsan Galgaduud. Ciidamadaan waxaa hoggaaminaya xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda beesha Murusade, waxaana deegaanadii laga xoreeyey kooxda caawa ka socda howlgallo miino baaris ah. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 16 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlaglkii galabta lagu xoreeyey Wabxo. Sidoo kale Ibraahim Dheere wuxuu sheegay in dagaalkii galabta Al-Shabaab looga gubay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, hal kalena ay ka furteen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalkaan uga dhaawacmeen laba askari. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhulka ay galabta ka xoreeyeen Al-Shabaab uu dhan yahay 16 KM, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidanka Danab oo caawa miino baaris ka wada Wabxo iyo deegaanadii kale ee laga xoreeyey kooxda. “Dagaal aad u qaraar ayaa galabta dhacay, sagaal saac oo galabta ah ayuu soo bilowday, ciidamadeena waxay maanta ka dhaqaaqeen deegaan la yiraahdo Safiir oo u dhow Maxaas, waxayna dagaal ku qabsadeen deegaano ay Wabxo ku jirto,” ayuu yiri Ibraahim Dheere. Ciidankaan oo Muqdisho diyaarado looga qaaday ayaa laga dejiyey Beledweyne, waxayna ku wajahan yihiin ilaa Ceelbuur, halkaas oo Al-Shabaab ay ka xoreynayaan dhowr iyo toban sano kadib. The post Faah-faahin: Dagaal lagu dilay Al-Shabaab badan oo galabta lagu xoreeyey Wabxo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada Adduunka (COP27) oo ka socda dalka Masar ayaa diiradda ku saaray sida isbeddelka Cimiladu uu u saameysay Adduunka iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay ee shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan. Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimiladu uu ku yeeshay Adduunka, waxa uuna adkeeyay gurmadka ay u baahan yhiin dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen. “Sannadkan aan ku jirno in ka badan siddeed boqol oo milyan oo qof oo Afrikaan ah ayaa waxaa heysta cunto yari. Soomaaliya gudaheedana, in ka badan 7 milyan oo qof ma dabooli karaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga ah waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Waxaan u baahanahay in aan is waydiino sababta? Jawaabtu waa isbeddelka Cimilada iyo colaadda” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in uu dalka Soomaaliya u nugul yahay isbeddelka Cimilada, ayaa sheegay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya abuurtay Wasaaradda degaanka iyo isbeddelka Cimilada, sidoo kalana daah-furtay Hindise lagu dhireynayo Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa soo food saartay dhibaato bini’aadinimo oo aan inta awooddeena ah isku dayeyno in aan wax ka qabanno, taas oo ka dhalatay Abaaraha soo noqnoqda. Waxa kale oo na soo maray daadad ba’an kuwaas oo baabi’iyay kaabayaashii dhaqaalaha, dhul beereedkii ugu fiicnaa iyo sidoo kale hab-nololeedkii bulshadeenna. Dadkeenu ma awoodaan in ay beertaan dalagyada Abaarta jirta awgeed” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan oo ugu dambeyn sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo laga faa’iideysanayo dhaqaalaha badda iyo fursadda beeraha ayaa xoojiyay ahmiyadda ay leedahay in dalalka Adduunku ay maanta muujiyaan isku-tiirsanaan, iyada oo aan loo eegin dal horumaray iyo mid soo karaya, si loo maareeyo duruufaha bani’aadannimo ee dadka dunidu ay wajahayaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada adduunka ee Masar appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlayay sidii loo joojin lahaa maalgalinta ururrada lagu tuhmo Argagixisanimada, waxaana kulankaan kasoo qeyb galay taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed iyo dhowr wasaradood kale duwan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira iyo Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Taliyaha NISA ayaa ka qeyb galay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur oo ahaa shir-guddoonka kulanka ayaa sheegay in ay si adag uga wada-hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalohooda siguud loowada difaaci lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tower block residents in Bristol have expressed safety concerns after a pig's head was left in a nearby alleyway. Source: Hiiraan Online
-
US-authorized drone strikes have a history of fatal imprecision, demonstrated by a wealth of well-documented civilian casualties. In April 2022, the New York Times published The Civilian Casualty Files, a comprehensive review of documents revealing a pattern of “flawed intelligence, faulty targeting, years of civilian deaths — and scant accountability.” Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA. Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa xoogga lagu saaray howlaha gurmadka degdegga ah, dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ugu bixiyay ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah golaha Aqalka Sare ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu bedelo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Senator Cabdi Ismaaciil ayaa ku dooday in xiligaan loo baahan yahay in xilka Ra’iisul Wasaaraha la keeno Aqoonyahan tayo leh oo bulshada hagi kara, islamarkaana lagu aamini karo dowladda. “Madaxweynaha waa in uu soo nooleeya kalsoonidiisa hogaamiye Qaran isagoo ku hawlaya afar arrimood. Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha wasiirada, lana keeno Aqoonyahano Soomaaliyeed oo tayo leh oo bulshada hagi kara, dowladana lagu aamini karo,” ayuu yiri Senator Cabdi Ismaaciil Samatar. Sidoo kale waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha hadda xilka haya iyo wasiiradiisa loo magacaabay sidii uu madaxweynaha u noqon lahaa madaxa fulinta ee xukuumadda, halkii ay aheyd inuu ka noqdo madaxa qaranka. “Madaxweynaha waa in uu ciyaaro kaalin hogaamiyenimo oo uu ku dhaqaaqo isbedello waaweyn, sida in uu bedelo Ra’iisul Wasaaraha.” Senator-ka oo Qormo dood badan dhalisay ka qoray xaaladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu dalka u horseedo marxalad aan kasoo noqod laheyn. “Dagaalka Al-Shabaab ee hadda socda iyo beelaha hubka la siiyay, lana abaabulay haddii aan la maareyn waxay Soomaaliya u horseedi doonaan cadaab.” Ugu dambeyntiina waxa uu Senator-ka soo jeediyay in caasimadda Muqdisho la hagaajiyo maamulkeeda iyo amnigeeda, ogolaanshana loo siiyo dadkeeda inay soo doortaan maamulkooda sida; duqa magaalada iyo golaha deegaanka. The post XASAN oo loo soo jeediyay inuu xilka ka qaado Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA. Kulankan oo uu wasiirku ku wehliyey wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdixakim Xasan Ashkir ayaa xoogga lagu saaray howlaha gurmadka degdegga ah, dadaallada maareynta musiibooyinka iyo arrimo kale. kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii si loo mideyn lahaa dadaallada gurmadka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ee sida uu horey u amray ra’iisul wasaaraha Xukumada federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare. PUNTLAND POST The post Wasiir Fiqi oo la kulmay Gudoomiyaha Hay’ada Maaraynta Musiibooyinka dalka appeared first on Puntland Post.
-
More than 20 million people are in need of food aid in the region due to climate change-driven 'record-breaking' droughts. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta magacaabay agaasimayaal cusub oo uu yeelanayo gobolka Banaadir. Wareegtooyin uu soo saaray guddoomiye Madaale ayaa waxa uu xilalka uga qaaday qaar kamid ah agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu magacaabay agaasimayaal cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaaday, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno hore guddoomiyaal degmo usoo noqday xiligii dowladdii hore ee Xasan Sheekh. Agaasimayaasha cusub ayaa sidoo kale waxaa kamid ah xubno katirsan xisbiga UDP. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa waxaa la filayaa in xilalka ka qaado agaasimayaal kale oo isugu jira kuwa sare iyo kuwa hoose oo u badan kuwa lasoo shaqeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminayay Cumar Finish. Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa kamid ah: 1- Ahmed Nuur Cabdi Siyaad — Agaasimaha Canshuuraha gobolka Banaadir. 2- Khaasim Cabdudlle Xasan — Agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho. 3- Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad — Agaasimaha Dad-dhigista Gobolka Banaadir. The post MADAALE oo magacaabay agaasimayaasha cusub ee Gobolka Banaadir (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
“Madaxweyne Xabsi dhimis samee, saamaxad u fidi Maxaabiista dembiyadooda Sharcigu ogolyahay in la cafiyo, Xabsiyada waxa gaadhay Xummaddi (Dengue fiver) Xabsiga Hargeisa wuxuu u baahan yahay Xabsi dhimis degdeg ah, dadka xidhani khatar weyn ayay ku haysaa Xummaddu in ay ku faafto, qol kasta waxa ku jira 10-12 qof, kaneecadu way ku badantahay madaama qol kastaa musqusha gudaha ku leeyahay,” WQ. Xoghaye Maxamed Sadiiq Dhamme Qaran News
-
Xildhibaan Axmed Timo-jilic oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ku eedayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu hab qabyaaladeed uu uga saaray Xisbiga Kulmiye. Xildhibaan Axmed Timo-jilic ayaa ka soo jeeda deegan ahaan degmada Dacarta iyo deegano kale ee Beeshasi degto. Qaran News
