Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Ilhan oo sannadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda. Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay. Source
  2. Sepp Blatter, oo ahaa guddoomiyihi hore ee FIFA markii Qadar la guddoonsiiyay xuquuqda martigelinta Koobka Adduunka 2022 sanadkii 2010, ayaa u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger “in si khalad ah Qadar loogu amaal mariyay koobkan,” isagoo raaciyay in “doorashaadsi aheyd mid aan habbooneyn” Go’aanka Qatar ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay waxaa hareeyay khilaafyo ay ka mid yihiin musuq maasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Blatter oo FIFA hogaaminayay muddo 17 sanno ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq maasuq intii uu xilka hayay. Waxaase lagu waayay wax isdabamarin ah maxkamad ku taal Switzerland bishii June. laakiin dacwad oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunka. “Waa wadan aad u yar” ayuu yidhi Blatter oo ka hadlayay Qatar oo ah dalkii ugu horeeyay ee Bariga Dhexe ku yaal ee martigeliyay tartanka, “Kubadda Cagta iyo Koobka Adduunka ayaa ah mid aad u weyn”. ayuu raaciyay. Waxa uu sheegay in 2012 FIFA ay dib u eegis ku samaysay shuruudihii ay kusoo xuli jirtay wadamada marti-galinaya, iyada oo la eegayo walaaca laga qabo xaaladaha shaqada ee goobaha dhismaha ee xidhiidhka la leh ciyaaraha Qatar. Blatter ayaa sheegay in tartanka oo bilaabanaya wax ka yar laba todobaad uu ka daawan doono gurigiisa oo ku yaala Zurich. Reuters. Source
  3. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud. Afhayeenka wasaarada Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadda isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo saldhigyo waaweyn ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab. Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda oo Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Puntland. Deni ayaa xalay hoyga uu degan yahay magaalada Nairobi ku qaabilay wafdi ka socday safaaradda dalka Mareykanka ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban u qeybsanaha qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca siyaasadda. Kulankan oo ahaa mi muhiim ah waxaa sidoo kale goobjoog ahaa, islamarkaanka Deni ku wehlinayey agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali. Madaxweynaha Puntland ay xubnaha ka socday safaaradda Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kal ah Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, sida ay shaacisay madaxtooyadu. “Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Sidoo kale xubnaha Mareykanka ee la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha Dekadda Garacad iyo sidoo kale qorshaha horumarinta dhaqaalaha Puntland. Wadahadallada dhexmaray Mareykanka iyo madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya, xilli haatan maamulkaas uu wajahayo muran ka dhashay doorashooyinka oo u dhexeeyo madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ka digay in la sameeyo muddo kororsi horleh. The post Sawirro: Madaxweyne DENI oo laba arrimood kala hadlay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre met with his Djiboutian counterpart Abdulkadir Kamil Mohamed in Djibouti on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka waddanka Mareykanka ayaa markii saddexaad guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada xilliga dhexe ee dalkaas, taas oo labadii sanaba mar la qabto. Ilhaan ayaa ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Dadka codeynayey ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadanka Mareykanka. Sanadkii 2018 ayey Ilhaan Cumar noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda. Hadal kooban oo ay u jeedisay ayey ku sheegtay in guusheedu ay tahay mid Soomaalida oo dhan u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay. Dhinaca kale waxaa guusha Ilhaan Cumar si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka. Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyey si weyn uga soo dhex muuqata dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo doorashada Mareykanka. The post Ilhaan Cumar oo markii saddexaad dib loogu doortay Congress-ka appeared first on Caasimada Online.
  7. Marwo Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleysatay doorashada kursiga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Ilhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda. Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay. PUNTLAND POST The post Ilhan Omar oo markii saddexaad dib loo doortay appeared first on Puntland Post.
  8. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallada Washington iyo Moscow ay wali furan yihiin Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Aqalka Cad uu diiday in uu beeniyo wararka sheegaya in Mr Sullivan uu hoggaaminayay wadahadallo uu Ruushka la yeelanayay si looga hortago xiisadda nukliyeerka ee Ukraine Isagoo ka hadlayay New York, Mr Sullivan wuxuu sheegay in ay danta Mareykanka ku jirto in la sii wado xiriirka Ruushka. Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Mr Sullivan uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay wada-hadallada Ruushka iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  9. Democrats from Minneapolis and St. Paul coasted back to Congress Tuesday night. Source: Hiiraan Online
  10. LEWISTON — One of the stars of Lewiston’s immigrant community, 26-year-old community organizer Mana Abdi, won election Tuesday to a state House seat that will make her the first Somali-American lawmaker in Augusta. Source: Hiiraan Online
  11. SOUTH PORTLAND, Maine — The South Portland woman who made history as the country's first Somali-American mayor has made headlines once again. Source: Hiiraan Online
  12. Detectives have Monday arrested the alleged mastermind behind the spate of armed robberies that have rocked the city in the past few days. Source: Hiiraan Online
  13. Uganda will close all schools in two weeks' time following the deaths of eight pupils from the Ebola virus. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sharci darro ku tilmaamay amarro kasoo baxay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee uu hoggaamiyo Mukhtaar Roobow ayaa 6-dii bishan maamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, taasi bedelkeedana loogu yeero magaca Khawaarij. Qoraal uu soo saaray wasiir Cabdisaciid ayuu ku sheegay in dhaqanka caburinta, magac bixinta aan saxda ahayn, iyo xornima la’aanta ay yihiin habdhaqan lagu yaqaan Al-Shabaab. “Wasaarada Arrimaha Diinta waxaa wasiir ka ah hogaamiye ku talin jirey nidaamka Al-Shabaab. Talada saxda ah waa in asaga la beddalaa oo dawladnimada la baro iyo ku shaqaynta sharciga,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo qoraalkiisa ku weerarray Wasiir Roobow. Wuxuu qoraalkii ku caddeeyay in sareynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ee muwaadinka aan laga hor istaagi karin. “Go’aanada Wasaaradda Diinta waa waxba kama jiraan maadaama ay sharci daro yihiin. Magaca Kooxda Mukhtar Robow ka tirsanaan jirey waa Al-Shabaab ee la qabso,” ayuu yiri yiri. “Wasaaradaha ay hoggaamiyaan rag horey uga tirsanaa Al-Shabaab waa in la fahansiiyo nidaamka dawladnimada iyo go’aanada cukuumada qaabka loo maro hadana loo faafiyo. Xuquuqaha aasaasiga ah si fudud looma badali karo. Dawladnimada maaha inkiraad iyo aarsi kooxdaadii hore.” The post Cabdisaciid oo dhaleeceeyey go’aankii ROOBOW kuna taliyey in xilka laga qaado appeared first on Caasimada Online.
  15. NAIROBI, Nov 8 (Reuters) - A labour court on Tuesday ordered pilots at Kenya Airways (KQNA.NR) to resume work by Wednesday, seeking to end a strike that has left thousands of passengers stranded at one of Africa's most important aviation hubs. Source: Hiiraan Online
  16. GENEVA — UNICEF warns millions of children caught in climate-induced disasters are at risk of starvation, disease, exploitation, and death. Source: Hiiraan Online
  17. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSRelief) distributed 70 tons of food aid to displaced people in Hadar and Wajid areas in South West State of Somalia, benefiting 6,000 individuals. Source: Hiiraan Online
  18. DP World has signed a lease and collaboration agreement with UAE-based food producer IFFCO, for an edible oil packing plant in the Berbera Economic Zone (BEZ) in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  19. Xildhibaan is casilay+Sababta Xildhibanka ka tirsan Barlamaanka Ingiriiska ee qadiyada Somaliland u dooda Sir. Gavin Williamson ayaa iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee dhawaan uu u magaacabay Raysalwasaaraha cusub ee Ingiriisku. Xildhibaan Gavin ayaa lagu eedeyay inuu wakhti hore u hanjabay shaqaale islamarkaana uu mar hore caayay Xildhibaan haweenay ah oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Conservative-ka ee dalkaasi Ingiriiska. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo ah hoggaamiyaha dagaalka lagu xoreynayo gobolkaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qorshaha socdaalkaan uu ku yimid Xamar. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu doonayo in wax laga bedalo qorshaha dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ayaguba bedali karaan qorshahooda dagaalka, wuxuuna qorshihiisa la wadaagayaa madaxda qaranka, sida uu sheegay. Shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ka socday dagaal u dhexeeya qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladda federaalka iyo kooxda Al-Shabaab, kaas oo reer Hiiraan ay guulo waaweyn ka gaareen. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid inuu la kulmo madaxda dowladda federaalka, si qorshihiisa dagaalka uu ula wadaago iyo baahiyaha ka jira deegaanka ee dowladda federaalka aan looga maarmeyn. “Safarkeygu wuxuu ku saabsanaa, maadaama waqti dheer aan ku jirnay dagaal, waxaan dowladda la wadaagayaa macnaha uu sameyey dagaalkii aan galnay, waxaa jira waxyaabo aan uga baahanahay dowladda federaalka,” ayuu yiri Cali Jayte. Guddoomiyaha oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn ay ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab, balse hadda ay ku harsan yihiin deegaano yar oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabelle ee mara Hiiraan. “Markii la eego xeerka dagaalka, inta ay la egtahay khatarta aad wajaheyso ayey guusha aad gaari karto la egtahay, dadka Soomaaliyeed aad ayey u fiican yihiin, dhalinyarada Soomaaliyeed aad ayey u dagaalantay, dagaalka Hiiraan wuxuu ku socdaa sidii aan u qorsheynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Guddoomiyaha ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay Shabaab iska dul qaadaan, isagoo u balan qaaday garab istaag iyo inay ka kooxda ka xorey doonaan meel kasta oo dalka ka mid ah. “Shabaab oo looga guuleysto Hiiraan, waa in Soomaalidu ay ka wada guuleysatay, mar hadaan Hiiraan xoreyno, waxaan gacan ka geysa doonaa sidii looga xoreyn lahaa gobollada kale ee dalka, in kastoo aan Hiiraan bis masuul ka ahay, hadana waxaan u diyaarsanahay xoreyn qaran oo dhamaan umadda Soomaaliyeed aan kooxdaan ka dul qaado,” ayuu yiri Cali Jayte. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/11/03570000-0aff-0242-6aec-08dac1795442_16k.mp3 The post Qorshaha dagaalka Shabaab oo wax laga beddelayo appeared first on Caasimada Online.
  21. Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Degmadda Sheekh & Weriyaha TV-ga CBtv uga soo warama halkaas oo Xukumada Muuse Biixi Xidhay,Xabsiga Berberana u dhaadhicisay Gudoomiyihii Xisbiga Waddani ee Degmadda Sheekh Mudane Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa hada lugu xidhay degamadaasi Sheekh. Isla sidoo kalena Wariyihii TVga CBA uga soo warami jiray Degmaddaasi Sheekh ayaa goordhawayd lugu xidhay Degmaddaasi. Masuulkan iyo saxafigan ayaa isla markiiba loo dhaadhiciyay Xabsiga Magaaladda Berbera. Xadhigan Masuulka iyo Saxafiga ayaa loo sababaynayaa sas ay xukuumaddu ka qaaday abaabul balaadhan oo dadwaynaha Degamadaasi si iskood ah ugu diyaar garoobayaan Soo dhawaynta madaxda sare ee Xisbiga Waddani. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in waqtiga dhow ay soo afjari doonaan maleeshiyada Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama. Taliye ku-xigeenka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugeen in Shabaabku halis ku yihiin noloshooda, taasina ay ciidanka ka caawisay inay dardargeliyaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyadaasi. “Waxaa nasiib wanaag ah in ummadda Soomaaliyeed ay ku baraarugeen, ayna garteen in nimankan ay yihiin argagixiso dhibaato ku hayso, ayna iska dulqaadaan,” ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Danab. Taliye Kuxigeenka oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee horkacaya gulufka ka socdo Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in hawlgaladan ay kuwii hore kaga duwan yihiin, iyadoo shacabku garowsadeen in ay iska dulqaadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay la hawlgalayaan ciidamada. “Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin hawlgaladii hore, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba hawlgalku wuu sameynayay, dad badan oo deegaanka ah oo garabsiiya way jiri jireen, laakiin hadda kii hore wuxuu uga duwan yahay, bulshadii oo dhan ayaa waxay u kacday inay iska xoreeyaan nimankan, haddii saqiir iyo kabiir yahay iyo hadduu qof caajisa yahay intaba, inaan la dhaafaan markuu ogaaday ayaa ummaddii waxay go’aansadeen inay iska xoreeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed, wayna u istaaggeen, annagana meeshaas waxaan ka helnay yadidiilo iyo garab istaag fiican,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka. Isaga oo Warbaahinta Qaranka la hadlayay ayuu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed markii horeba shaqadu wuu waday, haddana asagoo intii ka sii niyad iyo awood fiican ayuu wadaa dagaalkii argagixisada lagula jiray, asagoo kaashanaya dadkii deegaanka. Hawlgaladan waxay uga duwan yihiin kuwii hore, waa bulshadii iyo ciidaankii oo is garab-socda.” Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan ayaa qaba inaanay Shabaabku lahayn awood ay xilligan ugu babacdhigi karaan ciidanka iyo shacabka wada socda, isagoona qiimeyntooda cududda Al Shabaab ku sheegay boqolkiiba soddon (30%). “Awood ay hadda ku hor istaaggaan ummadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka malaha, awoodooda waxa haray waa uun boqolkiiba soddon ayaan dhihi karnaa, markii aan qiimeyn samayno,” ayuu yiri Gaashaanle Xasan Tuure oo intaasi ku daray “Sababtoo ah waxaa ka dareemi kartaa dagaalkii meeshaan lagula galay, waxay hor istaag ku samayn waayeen ciidamada, ayagoo awooddii ugu badneyd keenay Ceel Hareeri ayay hor istaaggi waayeen ciidamadii ugu yimid meeshaas ee ku soo weeraray, ayagoo weliba dhuumaaleysi samaynayay oo godad qodanayay ayaa godadkii looga daba galay. Marka inaysan awood lahayn meesha ayay ka muuqataa.” Gaashaanle Xasan Tuure ayaa tibaaxay in waqtiga dhow uu dalka xor ka noqon doono maleeshiyada Al-Shabaab, waddada keliya ee maleeshiyadaasi u furana ay tahay inay isa soo dhiibaan. “Rajada ii muuqato waxaa waaye muddooyinka soo dhow in wadankan uu xoryahay, oo Al-Shabaab aan laga sheegi doonin, inta hadda dagaalkan ku dhimatayna way dhimatay, intii kalena waa la daba socdaa. Fursad waxay haystaan inay isa soo dhiibaan, sidii Dowladda Soomaaliyeed ay horeba u sheegtay. Ninkii isa soo dhiibo, waan soo dhaweynaynaa, ninkii aan isa soo dhiibina baqtigiisaa keeni doonnaa, haddii Ilaahay na gaarsiiyo,” ayuu yiri Xasan Tuure. The post Taliska Danab oo sheegay in Al-Shabaab ay haystaan hal fursad oo kaliya (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  23. Bulshada Caalamka oo u digtay Somaliland Waxa maanta telefoon Kula hadlay Madaxweyne Biixi daneeyayaasha caalamka ee arimaha doorashooyinka Somaliland Waxaanay walaac wayn ka muujiyeen siday wax usocdaan Waxay Madaxweyne Biixi u cadeeyeen mawqif kooda ku adaan arimaha doorashooyinka iyo dhawrista dimuqraadiyada waxaanay ku adkeeyeen in uu keeno heshiis Labada dhinac ah iyo qabashada doorasho laysla ogol yahay Waxa kale oo ay sheegeen inaan loo dul qaadan karayn cabudhinta shacabka iyo saxaafada iyo weliba inay Police ku iska laayaan dad shacab ah sabab la’aan Caalamka ayaa walaac wayn ka qaba xaalada somaliland ee Maanta. Akhri Qoraalka Hoose. Geesta kalena Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in dalka ay soo gaadhan waftigii ugu cuslaa ee Bulshada Caalamka ka socda . Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene) ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Per Lindgarde. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Istaraatiijiyadda Sweden ay ku taageerayso Soomaaliya, islamarkaana la waafajiyo qorshaha horumarinta Qaranka NDP-9. Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla meel dhigeen in mashaariicda kala duwan ee dalka lagu taageero lagu saleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaliya. “Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qorsheynayso sidii loo amba-qaadi lahaa howlaha kala duwan ee hadda socda,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan. Is-fahamkaan cusub ee ay gaareen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Danjiraga dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doona dardar-galinta iyo nidaaminta mashaariicda labada dhinac. Dowladda Sweden oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka mashaariicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale dowladda Sweden ayaa ka qeyb qaadata gurmadka Abaaraha. The post Sweden oo Soomaaliya ka taageereysa qorshaha NDP-9 appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsanayay sidii looga hortagi lahaa dhaqaalaha ay argagixisado ka hesho gudaha dalka. Shirkaan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida; Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa shirka wasiirrada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Taliyaha NISA. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur oo shir-guddoomiyay shirkaan ayaa sheegay inay dhinacyada si adag uga wada-hadleen in si wadajri ah looga wada-shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalahood looga difaaci lahaa argagixisada. Shirkan ayaa daba socda kulan uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay Guddiga Qaran ee la-dagaalanka lacag dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta waxa loogu yeero argagaxisada (AML/CFT), kaasi oo labo maalin ka hor ka dhacay Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa faray Guddigaan in la dardar-geliyo qorshaha ciribtirka khataraha maaliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta hay’ada la-dagaalanka khataraha maaliyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT). Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo ay ku dooneyso inay meesha uga saarto lacagaha ay argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab ka qaado Ganacsatada, ayada oo mamnuucday in wax dhaqaale ah la siiyo. The post Sawirro: Mahad Salaad iyo wasiiro ka shiray qorshe muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.