Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Shir Falgale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Galmudug oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi. Falagle ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay iska difaaceen weerar uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey dagaalkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ugu yaraan illaa 15 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkaas iyo weerarka horreeyey, sida uu hadalka u dhigay. “Baabuurtii ay wateen waan gubnay maydka wuxuu maran yahay illaa 20 KM. Maydka rasmiga ah ee Qaayib la’isugu keenay 15 illaa 16 weeyaan,” ayuu yiri wasiir Falagle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhankooda uu 1 sarkaal uga dhintay dagaalka, sidoo kalena ay jiraan dhimashada illaa saddex qof oo kale oo ahaa dad shacab ah. “Waxaa jira afar qof oo uu ka mid ah yahay taliyihii hore ee saldhigga Cadaado, gabar iyo laba ruux oo kale oo rayid ah ayaa markii la baacsanaayey meelo kala du-duwan rasaasta ku haleeshay afartaas ruux waa jiraan Allaha u naxariisto,” ayuu markale sii raaciyey. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana gobolka Galgaduud laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan weerarka culus ee ay maanta Al-Shabaab ka geysteen gobolkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaalkii Qaayib appeared first on Caasimada Online.
  2. Reer burco oo laabta kusoo qortay maalmaha Muuse U hadhay. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada waxbaratay ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Sidoo kale marxuumka ayaa waxa ay walaalo yihiin guddddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullahi Cumar Abshirow, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyey baaaritaano kooban oo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo war kasoo seeray geerida Marxuum Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelladdiisa, gaar ahaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. “Waxa aan halkan tacsi uga dirayaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Abdiraxman Omar Abshirow saaka lagu dilay degmada Dharkanleey ee gobolka Banaadir. Naxariistii Janno Eebe ha siiiyo, gacan ka xaq daran ayaa dishay,” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka dari ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah. The post Wiil la dhashay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BF oo Muqdisho lagu dilay maanta appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa ku sii jeeda dalka Zambia. Madaxweyne Deni ayaa sida wararku xaqiijinayaan ku wajahan magaalada Lusaka ee caasimadda Zambia waxaana la sheegay in uu halkaas u tegayo arrimo Ganacsi iyo dhaqaale. Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale Caawa la kulmaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ay ku jiraan Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta. Wararku waxay intaas ku darayaan in ugu danbayn uu safarkiisa ku soo mari doono dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo arrima Ganacsi u aadaya dalka Zambia appeared first on Puntland Post.
  5. Somalia’s religious affairs ministry has banned the use of the name al-Shabab – “the youth” in Arabic – and asked the public to refer to the militant group as “Khawarij”, a derogatory term meaning a deviant sect. Source: Hiiraan Online
  6. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Guddoomayiha Urur siyaasadeedkii Halgan ayaa sheegay in uu la yaabban yahay siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan qorshaynta xaaladda siyaasadeed ee ku aaddan Ururrada la diiwaan galiyey ee muddooyinkii ugu dambeeyey ku tartamayay in ay ka gudbaan shardiga madax taabashada Kunka qof isaga oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi xisbigiisa KULMIYE ridayo ee aanu ridayn xisbiga WADDANI ee ay siyaasadda isaga soo hor jeedaan. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo inta badan ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo qabsoomidda doorashooyinka dalka ayaa qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sida uu ula yaabban yahay damaca Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee uu doonayo in uu kula dagaalamo WADDANI oo u muuqda sida uu Cali u dhigay qoraalka mid aanu WADDANI kulaa dagaalamayn ee uu kula dagaalamyo xisbigiisa KULMIYE, shakina uu kaga jiro gaar ahaan in uu Madaxweynuhu la hadhayo wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin Axmed oo la filayo in uu yahay ninka mansabka guddoomiye ee xisbiga KULMIYE uga dambayn doona Madaxweynaha. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrintan ka hadlayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Waar bal kaalaya. Aniga wuu iga horeeyaye Muuse markuu ardayga ahaa xisaabta miyuu ku xumaa? Oo wuxu socdaba saw kan Kulmiye riday. Waxan moodayay in uu WADDANI ridayo eh. Mise waabu u kasay? Hadda Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi kee buu la jiraa? Mooyi malaha ninka loo koodhayba waa saaxiibkay Maxamed Kaahin. Gaboose ma yeeli karo Waddani inta Maxamuud Xaashi uu yeeli karo Kulmiye. Ururrada kale badankoodu waxay kala googoosanayaan hadhaaga Kulmiye ee Maxamuud Xaashi ka soo hadha” ayuu yidhi Cali Guray. Hadalkan Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dambeeyey kadib markii shalay si rasmi ah Guddida diiwaan galinta ururrada siyaasadda iyo nidaamka axsaabta qaranku ay ugu dhawaaqeen ururrada usoo gudbay wareegga labaad ee ka soo gudbay shuruudihii hore ee lagu kala saarayay ururada kuwaasi oo ah sagaal urur oo u soo gudbay wareegyada ugu dambeeya ee lagu kala reebayo. Ururrada sagaalka ah ee ay shalay ku dhawaaqeen Guddida diiwaan galinta Ururradu ayaa kala ah: Waaberi, Kaah, Ogaal, Barwaaqo, Hillaac, Shacabka, Horseed, Rajo iyo Mideeye. Source
  7. Tan iyo markii uu yimid xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waa uu bilaabay dadaallo uu ku hirgelinayo halku dhigga xukuumaddiisa ee Soomaal Dunida Heshiis la ah’, taas oo uu madaxweynaha ku bixiyay dadaalkii ugu badnaa. Madaxweynaha ayaa bilawgii mudda xileedkiisa socdaallo ku gaaray dalalka deriska, kuwa carabta iyo Yurub si uu saldhig buuxda ugu yeelo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aanan fadhinin dhawrkii gu’ ee tagay. Intaas kadib dowladaha ayaa bilaabay in ay mid mid uga jawaabaan xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dalkeenna, taas oo keentay in Soomaaliya ay garabkeeda ka aragto dowlado badan, iyadoo xejisaneyso kuwii horay u fadhiyay xiriirkooda. Hadaba Warbixintaan waxa ay Goobjoog News, Akhristayaasheeda ugu soo bandhigeysa dadaalada ay saaxiibada Soomaaliya ay ku bixinayaan garab istaagga dowladda Federaalka tan iyo is-af-garadyadii ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud. Itoobiya: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu yimid waxa uu dadaal xooggan uu geliyay sidii ay dowladda federaalka ah ee Itoobiya, u laba jibaari lahayd xiriirkeeda Muqdisho. Taas ayaa keentay in madaxweynaha uu booqdo Adis Ababa, halkaas oo uu kulanno kula qaatay rai’iisulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen in laga wada shaqeeyo dhinacyada dhaqaalaha, Amniga, Qiyamka dowladnimada iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah. Adis Ababa ayaa dhankeeda muujisay kalsoonida iyo wada shaqaynta dhinacyadaas kala duwan ah ee ay ku qabto Muqdisho, waxaana ay qayb ka noqotay dowladihii gurmadka bini’aadanimo u fidiyay Soomaaliya, markii 29-kii October qaraxyo dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho. Itoobiya oo ka jawaabayso gurmadka dadkii wax ku noqday qaraxyadii Muqdisho ka dhacay ayaa dowladda federaalka ah ku wareejisay deeq gargaar ah. Dhinaca kale hay’adaba muqaabaraadka labada dhinac ayaa Muqdisho qalinka kula duugay heshiis xoojinta wadashaqaynta iyo ishdaafsiga xogaha amni. Jabuti: Dowladda Jabuti oo kamid ah dowladaha sida gaarka ah ugu suntan garab istaagga iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa iyadu dhankeeda bilawday sidii ay qayb wayn uga qaadan lahayd gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka Soomaaliyeed. Wadashaynta diblomaansiyadeed iyo iskaashiga dhigacyada amniga ayaa labada dhinac ay bilaabeen dhaqan gelintiisa, waxaana ay taasi dhalisay in habmaamus sare ay kala helaan labada dhinac. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa biladda ugu sareysa ee dowladda Jabuti ay ay bixiso ka guddoomiya Ismaacil Cumar Geelle, kadib dadaaladiisii uu ku bixiyay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Hiil-Walaal. Jabuti ayaa sidoo kale dhaqaatiir u soo dirtay Soomaaliya, markii Muqdisho ay 29-kii October ay ka dhaceen qaraxyo ay dad badan ku dhinteen, xilligaas oo uu ra’iisulwasaaraha dalka Jabuti Cabdoulkader Kamil Mohamed, faray in si degdeg ah loo garab istaago Muqdisho. Kenya: Waxa ay muddo dhawr sano ah xiriirkeeda uu la xumaa arrimo salka ku hayo dano gaar ah, taas oo meesha keentay in labada dal oo ah ood wadaag ay xaaladooda adkaato. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar booga dhayid ah ku tagay Nairobi kadib doorashadiisi, waxaana ay noqotay middaas in labada dhinac ay si wadajir ah u sheegaan in khilaafkii iyo xurguftii jirtay la xaliyay. Xasan Sheekh ayaa kadib doorashadii ka dhacday Kenya markale cagaha dhigay Nairobi, waxaana uu hoggaankeeda cusub uu kala hadlay sidii loo adkayn lahaa danaha labada dhinac oo aan marna kala maarmin. Dowladda Kenya ayaa iyaduna dhankeeda bilawday in ay soo celiso, wanaajisana wadashaqaynta Amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Nairobi ayaa sidoo kale bilawday in ay doorwayn ka ciyaarto sidii ay u taageeri lahayd sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd ururka bulshada bariga afrika EAS. Sudan: Khartoum, ayaa kamid ah dowladaha ay xukuumadda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay bilaawday in ay la yeelato xiriir saaxiibtanimo oo ka dhaw midkii ay horay u lahaayeen labada dowladood. Xasan Sheekh ayaa booqasho ku tagay dalka Sudan isaga oo la kulmay madaxda dalkaas, waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen amniga. Wasiirada difaaca Sudan iyo Soomaaliya, ayaa fadhi gaar ah ku yeeshay Khartoum, waxaana ay Soomaaliya ay ka dalbatay dhiggeeda Sudan, in ay qayb ka noqoto dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab. Sudan ayaa dhankeeda aqbashay in ay Soomaaliya ku taageerto saanadda dagaalka, waxaana ay taas xoojisay xiriirka wadashaqayn ee labada dhinac. Masar: Qaahira waxa ay door muuqdo oo waxbarashada, caafimaadka iyo taageeridda siyaasadda ay ku leedahay dowladda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu siiwaday wadashaqayntii ay dalka ay lalaheeyd. Cabdulfatah Sisi iyo Xasan Sheekh ayaa dhawrjeer oo kala duwan kulama yeeshay, waxaana ay labadaba ay meel isla dhigeen in iskaashiga islaamnimo iyo saaxiibtinimo ay sii wadaan dhinacyada. Masar ayaa sidoo kale taageero dhanka ciidanka ah u balan qaadday dowladda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale iska kaashanayaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada labada shacab. Turkey: Dowladda Turkiga oo xiriir walaaltinimo muddo 12 sano ah la garab taagneyd shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayaa ayadana waxa ay sii xoojisay taageeradeeda dhinaca walba ah ee Muqdisho ay siiso. Ankara oo kamid ah saaxibada safka hore kaga jira garab istaagga Soomaaliya ayaa dhankeeda qayb ka noqotay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka. Turkiga ayaa diyaaradihiisa dagaalka Bayraktar ay ka soo muuqdeen dagaalka ay shacabka iyo ciidamada ka wadaan qaybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta dalka. Istanbul ayaa xoojisay sidoo kale tababarka ay siiso ciidamada kala duwan ee Soomaaliya, waxaana ay iskaashigeeda militeri ee ay Muqdisho kula jirto uu noqday mid aad u sarreyo. Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in saaxiibtinimada iyo walaaltinimada ay si wadajir ah u adkeeyaan, la iskana kaashado dagaalka ka dhanka Al-shabaab. Ururka Jamacada Carabta: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Aljeriya, kaga qayb galay shirwaynaha ururka jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya Xubin firfircoon ka tahay waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka. Xasan Sheekh ayaa dalalka carabta u sharaxay dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ururka looga baahan yahay in dowladdiisa ay ku garab siiyaan dagaalka. Dhammaan dadaaladaas ayaa salka ku haya hirgelinta Soomaali oo dunida heshiis la ah, sida uu horay u sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. WQ/ Abdirahman Sabriye . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Markii uu maalqabeen Elon Musk la wareegay Twitter, dad badan oo ku xidhnaa bartaas ayaa billaabay inay raadsadaan meel kale, waxaana soo caan baxday barta Mastodon. Hadda maxay tahay bartan? Bartan oo ah mid ay bulshadu ku wada xidhiidho oo la sameeyay lix sanno ka hor, ayaa sheegtay inay ku xidhan yihiin 655,000 oo cinwaan, oo 230,000 kamid ah ay ku soo biireen todobaadkii tegay. Muuqaalka sare waxa ay uga egtahay Twitter. Qoraalkeeda waxaa loo yaqaan toots, waana mid ay dadka kale ka jawaabi karaan oo ay like saari karaan. Hase yeeshee Mastodon waxay u shaqeysaa si ka duwan Twitter. Qaabka ay u shaqeyso Marka ayaa cinwaan cusub ka furato Mastodon, waa in aad doorato server. Waa ay kala duwan yihiin noocyada server-rada, waxaadna ka dooran kartaa dalkaaga, magaalada aad u nooshahay iyo waxa aad jeceshahay. Midka aad doorato kaama reebayo in aad la saaxiibto oo aad hesho xogta dadka doortay server-rada kale, hase yeeshee kan aad ku xidhan tahay ayaad ka helaysaa macluumaadka ugu badan. Sababta ay server-rada u kala duwan yihiin ayaa lagu sheegay in Mastodon ay tahay shirkado isku tegay oo ay leeyihiin shakhsiyaad kala duwan. Si ka duwan Twitter, Mastodon qofka uma tilmaanto cinwaannada uu raaci karo. Waxaa walaac laga muujiyay in qeybo kamid ah Mastodon aanay lahayn shuruuc xakameysa qoraallada iyo muuqaallada xanafta leh, sida kuwa xambaarsan naceybka. Bartan cusub ayaa isticmeelkeedu yahay lacag la’aan, mana laha wax xayaysiin ah. Source
  9. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Qaayib ee hoostaga degmada Baxdo ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab ee weerar ku qaadeen. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilawday qarax ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ah ay ku lahaayeen Qaayib. Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo ururka alshabaab ku dhexnmaray deegaanka Qaayib. Illa iyo hadda ma cadda tirada khasaaraha rasmiga ah, balse wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu hadda soo dhamaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee sannad kasta looga hadlo wax ka qabashada isbedalka cimillada. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyaal kala matalaya in ka badan 120 waddan oo dunida ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirkan ayaa gaadhay magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar. Source
  11. Af-hayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud. Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin degaanka Qaayib. Gen. Caanood ayaa tilmaamay in Al-shabaab dagaalkaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana ay mar dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii kooxda la gaarsiiyay. Qaayib ayaa kamid ah degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Galgaduud ee Al-shabaab laga saaray oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  12. Kenya’s national carrier, Kenya Airways, has threatened to start disciplinary action against its pilots whose strike has entered its third day. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyey sii kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan. Todobaad gudihiis ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay gobolka Banaadir ka fulisay illaa saddex qarax oo uu ugu dambeeyey midkii dhacay xerada Jeneral Dhaga-badan. Haddaba Sidee looga hortagi karaa qaraxyada ka dhacaya Muqdisho? Agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabab ay go’aansatay inay culeys soo saaraan magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen howlgallada iyo dagaallada uga furan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka. Cabdisalaan Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Al-Shabaab uu yahay inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, ayaga oo ka faa’iideysanaya dayaca amni ee jira. “Al-Shabaab waxay go’aan ku gaareen inay dadka Soomaaliyeed xanuunjiyaan bartilmaameed ma’aha waxa ay weerarayaan meel xero ciidan waa laga yabaa inay dayacaad ka helaan oo wax ka sameeyaan, ” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in amniga gobolka Banaadir lagu sugu karo in qorshe cusub iyo istaraatiijyad ay la yimaadaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. “Waa muhiim ciidamada qorshe cusub, istaraatiijiyad iyo howl cusub inay la yimaadaan qaasatan hay’adda Nabad Sugidda iyo Booliska” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Dhankiisa Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare oo ka hadlayey amniga caasimada ayaa sheegay in loo baahanyahay in howlaha sugidda amniga laga qayb galiyo shacabka, si loo helo wada shaqeyn buuxda oo u dhexeyso dadka shacabka ah iyo ciidamada booliska “Runtii amniga gobolka Banaadir ama caasimada Muqdisho waxa lagu sugi karaa oo kaliya in dadweynaha reer Banaadir ay iyagu ka qayb galaan amni sugidda, nabad-gelyada iyo deganaashaha Banaadir,” ayuu isna yiri aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullahi Daqare. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu haatan faraha kasii baxayo amniga Muqdisho, kadib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay gudaha caasimada, waxaana aad loo xasuustaa qaraxyadii ka dhacay Zoobe oo weli saameyntooda laga dareemayo guud ahaan waddanka. The post Sidee looga hortagi karaa weerarada qaraxyada ee MUQDISHO? appeared first on Caasimada Online.
  14. Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaaraysay tallaabada ay dowlada Iran ku tijaabisay gantaal cusub oo siday dayax gacmeed. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in tijaabadaasi ay ka hor timid go’aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Iran looga codsaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la xiriira gantaallada balaastiga ah ee awoodda u leh in ay xambaaraan madaxyada Niyukleerka Ciidamada kacaanka ee Iran ayaa sheegay in gantaalka uu isgaarsiinta satellite-ka gaarsiin doono meel 500,000 u jirta dhulka Waxaa haatan hakad ku jira wadahadalladii looga gollahaa in dib loogu soo celiyo heshiiskii dhexmaray Iran iyo quwadaha caalamka kasoo looga hortagayay xoojinta barnaamijka PUNTLAND POST The post Maraykanka oo cambaareeyay tijaaba ay Iran ku samaysay gantaal cusub appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - At least five people were killed and ten others wounded in heavy fighting between Somali government forces backed by local clan militia forces and al Shabab in Qayib village in Galgadud region early hours on Monday. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar. Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa ka qayb-galaya shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 kaas oo ka furmaya magaalada Sharma El Sheikh ee dalkaas. Wefdiga Madaxweynaha ayaa Shirka la wadaagi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay Soomaaliya oo ay kamid yihiin Nabaad-guurka iyo Abaaraha soo noq-noqday. Shirka Cimilada COP-27 ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galaya Madax kala duwan oo ka socda Qaaradda Afrika iyo guud ahaan dalalka Dunida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaminayo oo xalay gaaray dalka Masar appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Sharma ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka COP-27. Madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Masar, waxaana uu madaxweynaha ka jeedin doona shirka khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo isbadalka cimilada. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada. Goobjoog News Source: goobjoog.com