Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafti uu hoggaaminayo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray dalka Itoobiya. Wafdiga Mahad Salaad waxaa halkaas kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, wuxuuna safarkaan ku soo aaday maalmo kadib markii uu Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya. Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa maalmaha soo socda ku sugnaa doona magaalada Addis Ababa, kadib markii casuumaad uu ka helay dhiggiisa wadanka Itoobiya. Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan. Madaxda labada dowladood ayaa horay u balan qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin. The post Sawirro: Muxuu yahay qorshaha safarka Mahad Salaad ee Addis Ababa? appeared first on Caasimada Online.
  2. Dowladda ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Ceelgorof ee goblka Galgaduud, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta lagu sheegay in duqeymo ka dhacay halkaas lagu dilay tiro ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab sida lagu xusay qoraalka wasaaraddu ay faafisay. Waxaa lagu sheegay in duqeymaha dhacay lagu dilay 50 Al-shabaab ah, iyadoo wasaarradu sheegtay in ciidanka huwanta ah ay hayaan meydad gaaraya ilaa 31 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, hadalka ayaa kusoo aadaya xilli galabta dagaal uu ka dhacay deegaanka, kaas oo ay xigeen duqeymo diraadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal markale ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan Ceelgorof oo ku dhow magaalada Wabxo, dagaalka ayaa yimid kadib markii xooggag ka tirsan Al-shabaab ay soo weerareen deegaanka oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda. Mid kamid ah dad deegaanka Ceelgorof oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaaray habeenimadii caawa, walina deegaanka laga maqlaayo rasaas teelteel ah, waxaana uu intaas ku daray in dagaalkii galabta dhacay ay ku luglahaayeen diyaarado dagaal, kuwaas oo duqeeyay fariimaha Al-shabaabkii dagaalamayay. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in ciidanka dowladda iyo kuwadeegaanka ay u suurto gashay in ay jabiyaan kuwii weerarka soo qaaday, waxaana caawa cabsi xooggan laga dareemayaa deegaanka Wabxo, taas oo labada ciidan ay ka kala joogaan labada dhinac ee magaalada, shacabka ayaa cabsi badan soo foodsaartay caawa. Halkaan ka dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/11/DAGAALKA-WABXO.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka, saaxiibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka ay ku dhowaad 100 Al-Shabaab ah ku dileen hawlgallo ka dhacay gobolka Galgaduud. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gorof ee gobolka Gagaduud, waxay ku dileen in ka badan 50 Shabaab ah, sida lagu sheegay warka dowladda. “Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay khawaariijtu ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof, waxaana Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanku soo uruuriyeen 31 ka mid ah meydadka khawaarijta ee lagu dilay howlgalka,” ayaa lagu yiri warkaan. Dhinaca kale howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay beeraha aaga Geeshaan ee deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 47 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa heshay xogta Khawaarijtaan oo isku aruursaday beeraha Geeshaan kuwaas oo ku howlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaankaan. Ugu dambeyntii warka dowladda waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah oo gacan ka gaystay howlgalkan guuleystay oo lagu ciribtiray shabakado Khawaarijta ka tirsan oo qorsheynayay weeraro ay ku bartilmaameedsadaan shacabka.” The post 100 Al-Shabaab ah oo lagu laayey howlgal qorsheysan appeared first on Caasimada Online.
  5. Xisbiga mucaaradka WADDANI ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee lagaga hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda. Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga WADDANI ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeedhay Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. WADDANI ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku saabsan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland. “Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka WADDANI Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada. “Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yidhi warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka WADDANI. Source
  6. Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee UK ayaa xilka iska casilay kadib markii lagu eedeeyay hanjabaad. Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin. Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu hanjabay qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin. Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday raysal wasaaraha. Raysal wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa aanu uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay warbaahinta u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dagaalka gobolka Hiiraan u adeegsato dhalinyaro ay soo qafaasheen. Xildhibaanka oo kamid ah xildhibaanada lagu soo doortay Beledweyne, kana qeybta ah siyaasiyiinta Al-Shabaab kula dagaalamaya Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyartaas ay argagixisadu geedo lugaha uga xirtay, si aanay uga cararin furimaha dagaalka. Maalik Cabdalla oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay inay hayaan caddeymo muujinaya arrintaas, islamarkaana ay ciidamada gacanta ku hayaan dhalinyaro qaabkaas u xir-xirnaa oo isa-soo dhiibay. “Dagaal-yahanada ka tirsanaa qolada Khawaarijta ama ha noqoto inay xoog ku dagaal galinayeen oo soo qafaasheen ama ha noqoto farsamo ay keeneen hogaamiyeyaashooda si aysan u cararin, midaasi ayaa iigu yaab badneyd,” ayuu yiri. “Marka dagaalka uu bilaabanaya ama la weerarayo inay kusii diyaar garooban oo ay ugu tala-galeen in aan meesha laga saarin ay tahay sababta geedaha loogu xirxiro. Waxaa laga yaaba in qofkaan markii lasoo qabanayay uusan raali ka aheyn in uu dagaalamo laakiin marka xabad ku socoto waa ku qasban yahay in uu iska celiyo wixii soo weeraraya.” Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan uu indhihiisa ku arkay, islamarkaana aysan aheyn baranbogaado ay dowladda ka abuurayso kooxda ay is hayaan. “Maanta u dambeysay waxa jirtay labo dhalinyaro ah oo isa-soo dhiibtay, waxaa jirta dad aan soo qabanay asbuucyo ka hor oo noo sheegay inay dadka qafaalan oo waxaa hayna xogo aan ka hayno in 100 iyo ka badan dhalinyaro ah ka badan laga soo qafaashay waqooyiga gobolka Hiiraan.” The post Xildhibaan ku sugan furinta oo sheegay arrin yaab leh oo Al-Shabaab ay billaabeen appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay. Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti, waxaana safarkiisa uu qaadan doonaa muddo sedex casho ah. Ra’iisulwasaaraha ayaa safarkiisa Jabuuti waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Jabuuti dhowaan Soomaaliya ay u soo dirtay tiro dhaqaatiir ah, kuwaas oo qeyb ka ah gurmadka qaraxyadii Soobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabeeyey safar shaqo oo uu ku joogay dalka Masar ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiirka Simon Coveney xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horeeyey ee hogaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xiligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee adkaa. Waxa uu tilmaamay halganka wada-jirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay maanta dalka kaga xoreynayaan argagixisada iyo dadaalada xoogan ee gurmadka abaaraha. Madaxweynaha ayaa waxa uu ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland in ay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo gurmadka abaaraha gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Mudane Simon Coveney ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha qaabilaadda wanaagsan iyo kulankan miro-dhalka ah. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacayay ee ka qeyb-galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo inta ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xoogan ee dalkeenna ka soo gaaray isbeddelka cimilada. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Simon Coveney? appeared first on Caasimada Online.
  10. Weftigii Xisbiga Waddani oo lagu soo dhaweeyay Degmada ee Gobolka Saaxil. Qaran News
  11. Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayaa sheegtay in laga cabsi qabo todobaadyada soo socda in qaybo kamid ah dalka ka da’aan roobab dabeylo wato. Todobaadka labaad ee bisha ayaa la filaya in roobabkaan ay ka da’aan gobalada dalka, waxaana la sheegay in sida qiyaasta ay muujineyso haddii ay u da’aan in deegaanada qaar ay wajihi karaan khatar ka dhalata roobabka. Goballada Awdal iyo Gedo ayaa la filaya in ay ka da’aan roobab lagu qiyaasay 10-50(mm), kuwaas oo sida ay saadaasha sheegeyso haddii loo helo ay ka dhalan karto daadad xooggan. Dhinaca kale gobalada Bari, Waqooyi Galbeed, Sanaag , Baay, Jubbada dhexe iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan ayaa la sheegay in laga heli karo roobab lagu qiyaasay 1-30 (mm). Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si adag uga hortimid go’aankii ay ku dhawaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ee adeegsiga magaca “Khawaarij”. Warbaahinta kooxda ayaa baahisay in magacaan cusub uu yahay meel ka dhac ah oo macneheeduna noqonayo koox qaloocan oo xag-jir ah, taasi oo ay ka horyimaadeen hogaanka Al-Shabaab. Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee loo yaqaano Al-Furqaan ayaa sheegay “in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.” Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, ayada oo warbaahinta iyo shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeero “Khawaarij”. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu reebay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayada oo la macaamilka kooxda ku sheegtay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga. Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”. The post Al-Shabaab oo ka hadashay magaca cusub ee ay u bixisay dowladda federaalka appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) - Somali government forces backed by local clan militia forces took complete control of Wabho village in the Galgadud region after al Shabab group withdrew its militants from the area on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Washington (Caasimada Online) – Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah, ayada oo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa. Awoodda Dimoqraadiga ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan xisbiga. Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimoqraadiga usoo yeeray ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasi oo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka. Waxaan weli caddeyn cidda ku guuleysan doonta kuraasta Senate-ka ee gobollada Wisconsin, Nevada, Georgia iyo Arizona kuwaas oo go’aamin kara cidda heli doonta aqalabiyadda. Aqalka Wakiilada-na, Dimoqraadiga ayaa ceshtay kuraasta degmooyin kasoo billowda Virginia illaa Kansas illaa Rhode Island, halka kuwa ka mid ah gobollada New York iyo California aan weli la go’aamin natiijadooda. Dimoqraadiga ayaa sidoo kale ku guuleystay kuraasta barasaabka ee gobollada Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania – oo ah gobollo aad loogu loolamo kuwaas oo muhiim u ahaa guushii uu madaxweyne Biden ka gaaray Donald Trump 2020. Hase yeeshee Jamhuuriyiinta ayaa ilaashaday kuraasta barasaabka ee gobollada Florida, Texas iyo Georgia. Ayada oo weli codadka la tirinayo, Jamhuuriyiinta ayaa weli haysta fursad ay ugu guuleystaan maamulka Congress-ka. Hase yeeshee natiijooyinka illaa hadda soo baxay ayaa sare u qaaday rajadii Dimoqraadiga oo filayey guuldarrooyinka xooggan. Kevin McCarthy oo noqon doona afhayeenka Aqalka Wakiilada, haddii ay Jamhuuriyiinta helaan aqlabiyadda, ayaa niyad wanaag ka muujiyey in GOP ay la wareegi doonaan maamulka. “Marka aad soo kacdaan berri subax, innaga ayaa haysan doonna aqlabiyadda,” ayuu yiri Kevin McCarthy. Afhayeenka iminka ee Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo Dimoqraadi ah ayaa iyana tiri “Inkasta oo tartano badan aad la isugu dhow yahay, haddana waxaa cad in xubnaha Aqalka ee Dimoqraadiga ah iyo musharaxiinta cusub ay aad u dhaafeen rajadii laga qabay dalka oo dhan. AP, VOA The post Natiijooyin lama filaan ah oo kasoo baxay doorashadii ka dhacay dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah Oo saddex cisho ah ku jooga waddanka Jabuuti ayaa maanta booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo wareejiyay dekedaha kala duwan, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay. Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday dekedaha dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  16. Innagu marnaba maynaan diidin xal siyaasi ah ergana maynaan diidin, Waanu soo dhaweynaynaa baaqa ay soo saareen Beesha caalamku, Balse waxa la doonayaa in Muuse Biixi uu ka dhabeeyo wixii uu ku yidhi beesha caalamka…” Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlayey shacabka oodweyne. Qaran News
  17. Labadan Hablood ee Reer Oodweyne Tin iyo Cidhib Waxay ku lebisteen Astaanta Xisbiga Waddani Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaana Sawirkan ku maamuusay. Qaran News
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland ayaa ka falceliyey bayaankii kasoo baxay Beesha Caalamka ee looga hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda. Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadani ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey halka kasoo yeeray Saaxibada Caalamka, kadib kulan ay sideedii bishaan la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wadani ayaa shaaca ka qaaday inay ka mahad-celinayaan doorka Caalamka ee ku aadan taageerada ay la garab taagan yihiin dimuquraadiyadda Somaliland. “Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagar la’aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Wadani. Xisbiga ayaa sidoo kale xusay in aad u boggaadinayaan sida ay Beesh Caalamka wax iskaaga weydiisay tallaabada ay qaaday xukuumadda uu hoggamiyo Muuse Biixi Cabid sida cabudhinta warbaahinta madaxa bannaan, xoriyada shirarka iyo mudaharaadyada. “Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga mucaaradka Wadani, Somaliland. Somaliland ayaa haatan wajaheyso khilaaf xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, kaas oo kasii daray markii baarlamaanka oo labo sano oo muddo kordhin ah usii sameeyey madaxweynaha, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen xisbiyada kala ah UCID iyo Wadani. The post Xisbiga WADANI oo ka falceliyey bayaankii Beesha Caalamka appeared first on Caasimada Online.
  19. Washington (Caasimada Online) – Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah. Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah; Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka. Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen oo loo doortay wakiillo ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota. Zayban Maxamed ayaa iyana noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da’da yareyd ee ka mid noqda aqalkaas, halkan Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare. Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis. Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas. Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston. Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka. Isha: VOA The post Soomaali badan oo kusoo baxday doorashada Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  20. Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wabxo ee hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ah ay la wareegeen deegaanka. Dagaal qaatay muddo saacado ah ayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka u suurageliyay in ay la wareegaan gacan ku haynta degmada Wabxo, waxaana ay sheegeen in ay hadda ku sugan yihiin. Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo soo bilawday gelinkii dambe ee shalay, waxaana wararka ay sheegayaan in ururka alshabaab dagaalka lagu jabiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgallada ka socdo gobolka Galgaduud. General Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Wabxo iyo tuulooyinka u dhow. Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Wabxo oo ah magaallo ay 15 sano ka badan maamulayeen xoogaga Al-Shabaab. “Ciidanka muddo hal saac kahor waxay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ah magaallo weyn oo ballaaran oo illaa xalay howlgalka uu ka socday,” ayuu yiri afhayeenku. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ay qabsadeen toolooyin kale oo hoostaga deegaankaasi, sida Warxoolo, Waragibile iyo Ceell Gorof. Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyey khasaaraha ka dhashay dagaalladaas balse wuxuu tilmaamay inay dib ka shaacin doonaan. “Ciidanku howlgalkaas uu shalay sameeyey wixii khasaare ah oo dambe dib ayaan idin kaaga soo sheegi doonaan,” ayuu markale sii raaciyey. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana deegaanada soo galay gacanta dowladda ay dhacaan inta u dhexeysa degmooyinka Ceelbuur iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. The post Ciidamada dowladda oo la wareegay magaallo ay 15 sano ku sugnaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidanka hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay howgal qorsheysan ka sameeya xaafado ka tirsan magaalada Baydhaba. Hawlgalkan ayaa laga sameeyay Xaafadaha Bardaale, Isha iyo Wadajir, waxaana lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dhammaan shakhsiyaadka lagu qabtay hawlgalkan ay baaris ku wadaan laamaha Sirdoonka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Shakhsiyaad ku eedaysan argagixiso oo lagu qabtay Baydhaba appeared first on Puntland Post.