-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan, Maamulka Degmada Raagacelle Xildhibaan Cabdiraxman Gacal iyo KorneylMasdile ayaa gaaray Degaanka Bakajeex ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Guddoomiyaha iyo mas’uulyiinta la socotay ayaa waxaa so dhaweyn ballaaran u sameeyey dadka degaanka, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab. Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa waxaa ay kormeen kumareen waddooyinka degaanka Bakajeex iyo Suuqa degaanka . Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Ciidamada Degaanka ee u taagan difaaca Degaanadooda, isaga oo xusay in Al-Shabaab waqtigooda dhamaaday loona baahan yahay in lasii wado dagaalka dalka looga saarayo. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin abaabul ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
The National Assembly Wednesday approved the deployment of Kenya Defence Forces (KDF) to the East African Community (EAC) Regional Force in the Democratic Republic of Congo. Source: Hiiraan Online
-
Kenya and South Africa have agreed to a reciprocal visa-free entry deal which will be rolled out from January next year. Source: Hiiraan Online
-
Voters gave Democrats control of both chambers of the Maine Legislature for another two years — and made history by electing two Somali Americans to the House and the first Black woman to the Senate. Source: Hiiraan Online
-
Ka dib safar qaatay muddo todobaad ah, oo aanu ku gaadhnay gobollada bari ee dalka, berri oo Khamiis ah waxa aannu ku soo wajahannay caasimadda Hargeysa. Safarkayagan ayaa daba socday kulmo kala duwan oo aannu la qaadanaynnay bishii u dambeyasay taageerayaashayada ku sugan gobollada dalka, ujeedkuna wuxu ahaa xogwarran, aragti-ururin iyo tashi aannu la yeelanaynno taageerayaashayada iyo bulshada kale ba. Dhammaan kulamadayadaa wada-tashi guul ayay ku soo dhammaadeen, waannuna uga mahadcelinaynnaa taageerayaashayada aragtida ay nagu biiriyeen iyo kalsoonida ay noo muujiyeen. Guddoomiye Xirsi. Qaran News
-
The World Health Organization says no food or medicine has reached the Ethiopian region of Tigray despite the signing of a ceasefire last week. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay xirtay dhowr akoon oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd bankiyada iyo xawaaladaha dalka. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay heshay in ka badan 10,000 oo farriimo oo shacabka ka yimid kuwaas oo ku saabsan akoono ay ay adeegsanayeen mintidiinta. AL-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay bankiyada iyo shirkadaha xawaaladah ku amartay inay xayiraan lacagta ku jirta akoonadaas, inkasta oo uu sheegay inta le’egtahay. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in tallaabada lagu xiray akoonada kooxda Al-Shabaab ay aheyd mid loo qaaday dhanka wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, in kuwii Al-Shabaab u fududeeyey inay adeegsadaan bankiyada la maxkamadeeyo. “Shaqaalaha bankiyada waa in lala xisaabtamaa. Iyo sidoo kale kuwa fududeeyey, kuwa magacyadooda loo isticmaalay in lagu furto akoonada waa in sidoo kale dacwad lagu soo ogaa oo ay wajahaan cadaaladda. Taasi waa inay noqotaa tallaabada xigta,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. “Hase yeeshee, guud ahaan jihada dowladda waa mid sax ah, waxaana u maleynayaa inay tahay tallaabo muhiim ah inay sidaas sameeyeen. Balse uma maleynayo inay ku filan tahay inay natiijooyin la taaban karo ku guuleysato,” ayuu ku diray. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in dowladda ay maalgeliso dhismada awoodda hay’adaheeda baaritaanada si ay si wanaagsan ugu raad raacdo qulqulka lacagaha argagixisada. The post GOODAX BARRE: Waa in la maxkamadeeyo bankiyada akoonadii ay xirtay dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Shan qodob oo Madaxweyne Muuse Biixi u doonayo inuu 9 Bilood gudahood ku qabto laba doorasho, ta Ururrada soo horeyso. 1- Inuu qiimeyn karo jewiga siyaasaddeed iyo Xisbiyadu soo gudba, taasna ay noqoto ta go’aamisa mustaqbalkiisa siyaasaddeed iyo ta Kulmiye. 2- In Murrashax yahay oo fursad weyn ugu jirto inuu tartamo wakhtigaas kooban, madaama oo aan loollan adag iyo kala daadsanaan dhaawacda hankiisa ku iman karin Xisbigiisa guddihisa. 3- In haddii tartanka Ururrada uu soo horreysiiyo, ay fursad weyn u tahay madaama oo ugu yaraan uu filan karo inuu saaxadda soo geli karo Urur-siyaasaddeed cusub oo Xisbi noqda, kaas oo dheeli tiri kara codadkii dadweynaha oo fursad uu ku guuleystana siin kara, madaama sida uu qiyaasi doorasho madaxtooyada oo soo horeysaa ay tahay mid codadka la dhiibanayo uu yahay mid Kulmiye iyo Waddani u badan kara, taasna aanu kalsooni buuxda lagu qabi karin natiijada ka soo bixi karta. 4-Inuu la tartamo Xisbiyo soo baxay oo dhaqaale badan kaga soo baxay Doorashada Ururrada, oo niyad ahaan, Maaliyad ahaan iyo abaabul ahaanba ay adkaan karto in ay xusbul xaakim la tartamaan. 5- In Haddii doorashada Madaxtooyada la soo horeysiiyo culays badan oo taageeradiisa dhaawacda ay saari karaa Ururrada soo baxay. Maxay kula tahay adiga? Saleebaan Saxansaxo Qaran News
-
MINNEAPOLIS — At least eight Somali American women won races in Tuesday's U.S. midterm elections, results show. Source: Hiiraan Online
-
Man tells court he wanted to buy Kiswahili Koran in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A man has been arraigned in Mandera law court for attempting to cross the border into Somalia through an illegal point contrary to the immigration act. Source: Hiiraan Online -
MOGADISHU — U.N. experts say the Somali Islamist militant group al-Shabab has widened its revenue stream beyond its traditional activities, like charging tolls at checkpoints, to illegally taxing properties and construction. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeysto ee dadka magaaladaan ku nool aan la sugin amnigooda. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Muqdisho sidaan aysan amni ku noqa doonin, maadaama uusan masuuliyad gaar ah laheyn oo cid gaar ah aan lagu eedey karin wixii dhaca. “Magaaladaan Xamar dadka lagu tilmaamo hey’adaha amniga kama shaqeeyaan amni ee waa ka shaqeystaan, sababtoo ah mudo dheer ayaan ku noolaa magaaladaan, weligeyna tan oo kale ma arkin,” ayuu yiri Xaad. Guddoomiyaha oo marti ku ahaa dood uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in isaga oo la yaqaano uusan aqoonsi la’aan Xamar dhex mari karin, balse gaadiidka iyo dadka qaraxyada fuliya aysan jirin cid celineysa. “Muqdisho lama helin wadadii saxda aheyd ee ammaankeeda lagu sugi lahaa, waxaana shaki ku jiraa in amni aan loo rabin magaaladaan, sababtoo ah masuuliyadeeda cid leh ma jirto,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in dowladda iyo masuuliyiinta ugu sareysa dalka ay fahmi karaan sida loo sugi karo amniga magaaladaan, balse uu la yaaban yahay sababta ka hor taagan in tallaabooyinka haboon ay qaadaan. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo doodaan isna marti ku ahaa ayaa xalka amniga Muqdisho ku tilmaamay in lagu heli karo in la hoos geeyo beelaha dega iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Hoos ka daawo Nabadoon Xaad The post Daawo: Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday in laga shaqeysto amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Sir Gavin Williamson oo ka tirsanaa golaha wasiiradda ee dalka UK ayaa xilkaas iska casilay kadib markii lagu eedeeyay handadaad. Xildhibaankan oo u ololeeya in Britain ay dal u aqoonsato jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inuu xilka uga digay si uu u caddeeyo in aanu wax dembi ah gelin. “Sidaad ogtahay, waxaa socda cabashooyinka ku saabsan fariimaha qoraalka ah ee aan u diray saaxib aan shaqa wadaaga nahay. Waan u hogaansamayaa hanaankan, waxaanan ka raali galiyay qofka aan fariimahaas u diray,” ayuu ku yiri qoraalkiisa iscasilaada. Sir Gavin ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu handaday qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka, balse waxa uu sheegay in eedeymahani ay caqabad ku yihiin. “Tan iyo markaas, waxaa jiray eedeymo kale oo ku saabsan hab-dhaqankeygii hore. Waxaan beeninayaa sifada sheegashadaas, laakiin waxaan garowsanahay in eedeymahani yihiin kuwo carqalad ku ah shaqada wanaagsan ee ay dowladdani qabato,” ayuu intaa ku daray. Xildhibaan Gavin ayaa ka mid ahaa xubnihii taageeray tartankii uu Mr Sunak ku noqday rai’sul wasaaraha. Rai’sul wasaaraha UK ayaa aqbalay iscasilaadiisa isaga oo ka murugeysan , waxaa uuna uga mahadceliyay taageerada iyo daacadnimadii uu u muujiyay. Miisaanka Siyaasadeed ee Gavi Gavin waa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Conservative ee haya talada dalkaasi UK, wuxuuna ahaa madixii ololaha hoggaaminta ee ra’iisul wasaare Boris Johnson sanadkii 2019-kii. Gavin ayaa xiligaasi ka hor ahaa xoghayaha gaashaandhiga UK xilligii ra’iisul wasaare Therasa May, hase yeeshee xilka laga qaaday. Gavin ayaa markii uu Boris xilka qabtay loo magacaabay xoghaya waxbarashada, taas oo markii dambe laga qaaday, sababahana qeybta dambe ayaan ku faahfaahin doonnaa. Waa xildhibaan laga soo doorto deegaanka South Staffordshire tan iyo sanadkii 2010-kii, isaga oo sidoo kale noqday duqa xisbiga ee baarlamaanka UK. Dhowaan waxaa wargeysyada UK kuso baxay warar sheegaya in Gavin la siin doono abaalmarinta loo yaqaano Nighthood, taas oo uu ka heli doono ra’iisul wasaare Boris Johnson sida uu qorey wargeyska Daily Express ee UK kasoo baxay, waxayna ka dhigantahay ayaa la leeyahay meeqaamka uu ka taaganyahay dhanka ra’iisul wasaaraha iyo sida ay isugu dhowyihiin. Balse qeybo kale oo warbaahinta ka tirsan ayaa qoraya in Gavin uu xog badan ka hayo Boris oo maalmahan culeesyo siyaasadeed haystaan, sidaasi darteedna abaalmarintan lagu aamusiinayo isaga. Muranadii uu wajahay Gavin ra’iisul wasaarihii hore ee UK Therasa May ayaa xilka ka qaadday Gavin sanadkii 2019-kii kadib markii ay ku eedeysay in uu saxaafadda u dusiyay waxyaabo looga hadlay shirka amniga qaranka UK. Gavin kolkaa waxa uu ahaa xoghaya gaashaandhiga UK, waxaana lagu eedeeyay in uu fakiyay sir , taas oo ku saabsan in barnaamijka 5G ee isgaarsiinta UK ay ku lug leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Huwawei. Hase yeeshee sida uu faafiyay wargeyska Guardian ee UK, Gavin ayaa beeniyay in uu faafiyay xogta golaha amniga qaranka ay ku wada hadleen, wuxuuna sheegay in la saaray ‘maxkamad aan caddaalad ahayn’, uuna dhibbane u noqday arrimo siyaasadeed. Caqabadaha siyaasadda Gavin halkaas kuma aysan ekaan, bishii september ee 2021-dii ayaa laga xayuubiyay xilkii xoghayaha waxbarashada UK kadib markii uu qirtay in ay qalalaad ku jireen barnaamij imtixaanaadka iskuulaadka lagu saxanayo nidaam kumbuyuutar ah, sida uu qorey wargeyska Express and Star. Gavin Williamson ayaa isaga oo ah xoghayaha gaashaandhiga UK waxa uu booqasho ku tagay Soomaaliya, isaga oo xerada Xalane kula kulmay qaar ka mid ah ciidamada UK ee Soomaaliya. Gavin ayaanan gudaha u galin magaalada, isaga oo isla maalinkiiba u duulay Hargeysa, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. War saxaafadeed kasoo baxay xilligaas ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley xoghayaha gaashaan dhigga ee dalka Ingiriisa, Mudane Gavin Williamson, oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland”.War saxaafadeed ayaa sidoo kale lagu yiri „ . Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyada oo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland”. Isha: BBC Somali The post FADEEXAD kusoo baxday wasiirkii UK ee u ololeynayey madax-banaanida Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay la tahay in lagu sugi karo amniga magaalada Muqdisho. Cali Yare ayaa sheegay in amni darrada Muqdisho uu saldhig u yahay isla xisaabtan la’aanta jirta, maadaama aysan jirin cid si gaar ah masuul uga ah amniga caasimadda. Wuxuu tusaale u soo qaatay erayga ah hey’adaha amniga, kaas oo muujinaya masuuliyad wadareed uu sheegay in amniga gobolka Banaadir ay beylah ka dhigtay. “Sida kaliya ee Xamar nabad loogu heli karo waa in amniga gobolka Banaadir uu helo cid leh masuuliyadiisa oo hadey sugto lagu abaal mariyo, hadii ay ku guul dareysatana lagu ciqaabo,” ayuu yiri Cali Yare. Wuxuu soo jeediyey in guddoomiyaha gobolka Banaadir la hoos geeyo amniga Muqdisho, si loo helo isla xisaabtan, waxana looga bedelo amniga Muqdisho ee masuuliyad wadareedka noqday. “Aniga waxaan ku magacaabanahay guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, hadana booliska, nabad sugidda iyo hey’adaha kale ee amniga cid iga amar qaadata ma jirto, hadii aan shaqo u dirsaneyno waan soo barinaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir. Wuxuu sheegay in iyadoo uusan jirin ciidan ka amar qaata ay hadana dadku ku dhahayaan waakan ninka amigeena dayacay, “Marka magaaladaan waa in qabiilka dega ay sugtaan amnigeeda,” ayuu yiri. Cali Yare ayaa tusaale u soo qaatay magaalooyinka kale ee Soomaalida, sida Hargeysa, Garowe iyo Baydhaba oo qabaa’ilka dega ay amniga sugtaan. “Xamar waa in qabiilka iska leh uu waardiyeysto, sababtoo ah khasaaruhu qabaa’il isku si uguma dhacayo, tan kale amniga magaaladaan waa in la hoos geeyo gobolka Banaadir, hadda taliyaha booliska ee gobolkaan wuxuu hoos tagaa taliyaha guud ee booliska dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Yare oo soo jeediyey in la qabiileeyo amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
