-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab sida ay sheegtay Villa Somalia Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashigooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba-baxay dalka Ereteriya appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdii Bare oo haatan booqasho ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha waddankaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, isla-markaana ay goobjoog ahaan xubnaha wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan Jabuuti ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada ee dalkaas. Labada dhinaca kulankooda waxa ay diiradda ku saareen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda. Kulankan ayaa qayb ka ah wadahadallada u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jabuuti oo iyadu casuumadda u fidisay ra’iisul wasaaraha oo maalintii saddexaad ku sugan waddankaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale horey ula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, isaga sidoo kale booqday xarunta isgaarsiinta iyo dekedaha ku yaalla dalkaasi. Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya oo ay daris la tahay, sidoo kalena ay kala dhaxeyso walaaltinimo iyo xiriir sokeeye oo taariikhiga ah. The post Sawirro: Maxay ka wadahadleen RW Xamza iyo madaxweynaha Jabuuti? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa isu diyaarinaya in ay shaaciyaan goobaha seejoojinka cod-bixinta loo asteeyay ee doorashooyinka lagu muransan yahay. Guddiga TPEC ayaa seejooyinka cod-bixinta ku saleeyay shaxdii soohdimaynta degmooyinka ee muranka xooggan dhalisay taas oo ay diyaarisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Shaxda soohdimaynta degnooyinka oo dowladdu xaqiijisay in ay samaysay ayaa buuq iyo jaah-wareer abuurtay kadib markii lagu faafiyay baraha bulshada. Beelaha reer Puntland qaarkood oo warbaahinta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid soohdimayntaas ay ku tilmaameen mid isku dhacyo abuuraysa. Dhinaca kale guddiga TPEC ayaa doonaya in ay 25-ka bishan November ay daah-furaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee doorashooyinkan aan heshiiska lagu ahayn. PUNTLAND POST The post Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo dhowaan shaacinaya seejooyin lagu muransanyahay appeared first on Puntland Post.
-
Wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan Musharraxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga WaddaniXirsi Cali Xaaji Xassan ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargeysa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo weerar ka geystay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli ay la socdeen Mooto Bajaaj mareysay waddada 21-ka October. Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey howlgalkaas iyo sida uu u dhacay, waxa uuna shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska ay toogasho ku dhaawaceen raggaasi, xilli ay soo geysteen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed. Doodishe ayaa tilmaamay in raggan oo dhaawacyo ah ay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, haatana lagu haayo baaritaano dheeraad ah. Afhayeenka ma shaacin bartilmaameedka weerarka ay geysteen raggaasi, balse wuxuu tilmaamay in bambada lagu tuuray dad shacab ah oo marayey waddada, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamada Boliiska Soomaaliyed ayaa manta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj,ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay ee ay dhaawacyada soo gaareen hadda lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. “Eedeysanayaasha oo dhaawac ah ayaa lagu dabiibayaa goobaha caafimaadka,” ayuu sii raaciyey afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qosheysan iyo qaraxyo, waxaana ka mid ah weerarkii ka dhacay Zoobe. The post Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay rag weerar ka geystay Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Abdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaaday tallaabo culus, isaga oo isbedal ku sameeyey dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ka koobnaa 5 xubnood oo Soomaali ah & 4 xubnood oo ajaaniib ah, isagoo magacaabay kuwa cusub. Halkan hoose ka aqriso:- Muqdisho, Nofeembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer: 1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah: Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya. 2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn, Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta: 1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud 2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin 3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, 4. Adam Xuseen Rooble, Xubin 5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin 6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin 7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin 8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin 9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Xasan oo kala diray Golaha Dhaqaalaha Qaranka kadibna.. appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya laba waddan ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti sida ay isaga iyo shacabkiisu mar walba u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Taageerayaasha Xisbiga waddani Iyo soo Dhawayntii Hogaanka Xisbiga. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer: 1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah: Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya. 2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn, Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta: 1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud 2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin 3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, 4. Adam Xuseen Rooble, Xubin 5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin 6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin 7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin 8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin 9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer: 1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah: Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya. 2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha. Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn, Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta: 1.Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud 2. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin 3. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, 4. Adam Xuseen Rooble, Xubin 5. Nimco Maxamuud Sakal, Xubin 6. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin 7. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin 8. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin 9. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed. The post Madaxweynah soomaaliya oo dib u-habayn ku sameeyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Kyiv (Caasimada Online) – Moscow ayaa amar ku bixisay in ciidamadeedu ka baxaan meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee koofurta Ukraine ee Kherson, taasoo ku timid guuldarro soo gaartay, iyadoo Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka uu ku qiyaasay in khasaaraha Ruushka ee dhimasho iyo dhaawac uu ka badan yahay 100,000 oo tan iyo markii uu deriskooda weeraray bishii Febraayo. Wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamada Ruushku ay ka baxayaan daanta galbeed ee wabiga Dnipro ee u dhow Kherson taas oo noqon karta goob dagaal. Ukraine ayaa si taxadar leh uga jawaabtay ka bixitaanka ciidanka Ruushka, iyadoo xustay in qaar ka mid ah ciidamada Ruushka ay ku hareen Kherson, isla markaana gurmad loo dirayo gobolka. “Waa ay ka baxayaan laakiin maaha ilaa xadka ay taasi dhici lahayd haddii ay tahay gebi ahaanba ka bixitaan ama dib u gurasho,” ayuu yiri Oleksiy Arestovych, oo ah la taliyaha madaxweyne Volodymyr Zelenskiy. “Ciidamada Ruushka ayaa burburinayay buundooyinka markii ay baxayeen, waxaana ay qodayeen waddooyinka” ayuu yiri Arestovych. Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa Arbacadii ku qiyaasay in militariga Ruushka ay soo gaareen in ka badan 100,000 oo askartooda ah oo la dilay ama la dhaawacay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ee Kyiv “ay u badan tahay” inay soo gaareen khasaare la mid ah heerkaas. Ilaa 40,000 oo rayid ah oo Ukraine ah ayaa sidoo kale laga yaabaa in la dilay, sida uu sheegay General Mark Milley. Qiyaasaha si madax-banaan uma xaqiijin tiradan wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warkan. General Mark Milley, oo la hadlayay Naadiga Dhaqaalaha ee New York, ma uusan sheegin sida uu u xisaabiyay qiyaasahaas. The post Ruushka oo ciidamadiisa kala baxay magaallo ku taalla dalka UKRAINE appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolkaas ayaa waxaa lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib toogasho ay ku dileen ciidamada waday howlgalka. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu qarax miino ku aasayey xilligaas waddo ay shacabka isticmaalaan oo ku taalla halkaasi. Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay howlgalka, marka laga soo tego toogashada ninka qaraxa ku diyaarinayey deegaanka Halgan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku fashilsay weerar qarax miino ah. Halgan oo ay muddo ku sugnaayeen ayaa Al-Shabaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab laga saaray, kadib howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Hiiraan. Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah oo ay ka mid yihiin qaraxyo miino ku qaada ciidamad dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka. The post Nin miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan kadib.. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab haatan ay billowday inay kordhiso dakhligeeda gudaha ee ay ka hesho qaadista canshuuraha guryaha lagu soo rogo iyo dhismayaasha kala duwan, kadib tallaabooyinkii u dambeeyey ee ay qaaday dowladda dhexe oo ku dhowaaqday dagaal dhaqaale. Khubaro ka tirsan QM ayaa shaaca ka qaaday in haatan kooxda ay raadineyso dhaqaale fara badan oo ay siiso dagaalyahaneeda oo haatan wajahaya dagaallo culus oo ka socdo dalka. Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay sameysteen xarumo cusub oo ka baxsan meelihii soo jireenka ah ee ay ku qaadi jireen lacagaha canshuuraha iyo Zakawaatka. QM ayaa sheegtay in weli Shabaab ay awood u leedahay in ay lacag u xawisho bangiyada gudaha iyo kuwa dibadda, ayada oo jirto in dowlada Soomaaliya ay xayirtay akoono ay leedahay kooxdu. Sidoo kale waxaa warbixintan lagu wareystay haweeney Soomaaliyeed oo magaceeda la qariyey sababo amni darteed, taas oo sheegtay in Al-Shabaab ay la soo xiriirtay, kana dalbatay inay bixiso lacag dhan $425, taas loogu sheegay canshuurta guri ay ka iibsatay magaalada Muqdisho. Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in markii hore taleefan laga soo wacay, kadibna looga yeeray maxkamad Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho, sida ay hadalka u dhigtay. Khuburada soo saaray warbixinta ayaa sidoo kale intaasi ku daray in kooxda ay sidoo kale lacago baad ah ka qaato milkiilayaasha dhismayaasha iyo guryaha laga dhisayo magaalada Muqdisho. Warbixintan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan Al-Shabaab oo ay horkaceyso dowladda dhexe oo kaashaneyso dadka deegaanka, waxaana sidoo kale barbar socda dagaal kale oo dhaqaalaha looga cuuryaaminayo kooxda, sida ay sheegtay dowladdu. The post Al-Shabaab oo ballaarisay dakhliga ay ka hesho gudaha kadib tallaabadii DF appeared first on Caasimada Online.
-
Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa shaacisay in ay dhimayso 13% shaqaalaheeda. Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doonta in 11,000 oo shaqaale ah ay waayaan shaqooyinkoodii. Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri ” waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta”. Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka. PUNTLAND POST The post Shirkadda leh Facebook oo shaqada ka eryaysa kumanaan shaqaale ah appeared first on Puntland Post.
