Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Soomaaliya ayaa fartay dadweynaha in ay muujiyaan feejignaan guud, inta uu socdo hawlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faray milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kale ee ganacsiga in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda. Sidoo kale dowladda ayaa dadweynaha u soo jeedisay in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto. “Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada, garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto”. PUNTALAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay dadweynaha iyo goobaha ganacsiga appeared first on Puntland Post.
  2. Hay’adda International Crisis Group (ICG), ayaa shalay (10 November) baahisay warbixin ay ku falanqeeyeen xaaladda foosha xun ee Somaliland ka taagan, waxaanay cinwaan u ga dhigeen – Overcoming Somaliland’s Worsening Political Crisis – Xal-u-helidda Xaaladda ka sii daraysa ee siyaasadda Somaliland. Si caam ah waxa ay u muujiyeen xaaladda Somaliland in ay meel xun marayso, murugsanaanta siyaasaddu na tahay mid la ga fursan karaayay oo aan Khasab ahayn. Shan ta qodob ee hoose ayaa ii gu la muhiimsanaa: 1. Bihi appears to believe that holding the presidential contest after the selection of new and potentially less experienced political parties augments his chances of staying in office. (Doorashada madaxtooyada oo dib loo dhigo, la ga na soo horaysiiyo hanaan ay ku soo baxaan xisbiyo cusub, oo aan khibrad badan lahayn, Mr Biixi waxa uu u arkaa in ay fursaddiisa dib-u-doorashada kor u qaadayso.) 2. As a manifestation of their discontent, Garhajis elders have vowed to obstruct elections in their areas unless the three political parties find consensus regarding the electoral schedule. (Iyaka oo muujinaaya ku qanacsanaan la’aantooda qorshaha socda, odayasha Garxajisku waxa ay ballan ku qaadeen, in aanay deegaamadooda ka dhacayn doorasho aanay saddexda xisbi heshiis ku ahayn.) Fiiro gaar ah: halkaas waxa ay ICG ka ilaaween xog ah, beelaha kale ee waddanku na waa ku raaceen go’aankooda kaas ah. 3. Somaliland’s system does not account for a scenario in which the political parties vote is organised separately from local council elections. (Nidaamka doorashooyinka ee Somaliland, ma ogola qaab lagu dooran karo xisbiyo keliya oo aanay la socon doorasho golayaal deegaan.) 4. In late September, the National Election Commission said it needed nine months to organise the presidential poll, which would cause it to slip into 2023. Rather than follow the commission’s guidance, the Guurti extended the government’s mandate by two years, pushing the presidential vote to November 2024. Nonetheless, government said will strive to abide by the commission’s timeline, but it remains uncertain if this commitment is sincere. (Aakhirkii bishii September, Guddiga Doorashooyinku waxa ay caddeeyeen in sagaal bilood gudahood ay ku qaban karaan doorashada madaxtooyada, taas oo keenaysay in sanadka 2023 ay dhexdiisa dhacdo. Si kastaba, qolada Guurtida la yidhaahdo oo ay ahayd in ay sameeyaan muddo kordhin ku salaysan wakhtiga Gudigga Doorashooyinku dalbadeen, ayaa is ka baal maray, oo xukuumadda u kordhiyay laba sanno, taas oo tilmamaysa in doorashadu u dhacayso November 2024. Sidaas oo ay tahay, dawladdu waxa ay sheegtay in ay ku dadaalayso ku socoshada wakhtiga sagaalka bilood ah ee Gudiga Doorashadu cayimeen, laakiin ballanqaadkaasi in uu daacad yahay iyo in kale la ma hubo.) 5. The political dispute in Somaliland is veering close to the point of spinning out of control, but there is still time to avert a worst-case scenario. (Xaaladda khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland waxa ay aad u gu dhowdahay heerkii faro-ka-baxa, laakiin weli waxa la haystaa wakhti la gu abuuro xal lagaga baaqsan karo in ta u gu darani dhacdo. Bulshada caalamka waxa la gudboon in ay dhinacyada ku cadaadiyaan sidii loo gu soo noqon lahaa dhaqan-siyaasadeedkii isu tanasulka iyo is ogolaaanshaha, oo aanu dhinacna ku adkaysan in uu tiisa u gaarka ah is ka ga cayuuqo.) Fiiro gaar ah: Halkan ay dhinacyada leeyihiin, dabcan cidda ergo-diidka iyo xal diidka ah waa ogyihiin, qoraalka dhexdiisa ayayna ku sheegeen in dadaalkii odayaasha iyo ganacsatadu midho bixin waayay. Sidaas darted, cidda ay leeyihiin ha la qabto waa is ka caddahay, oo in ay farta ku fiiqaan ma u baahnayn. U gu dambayn, waxa ii muuqata qolada ICG in loo qori doono waraaq ah in aan wadanka la ga jeclayn, oo ay cadowga la shaqeeyaan. Qaran News
  3. Athens (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka. Saraakiisha ayaa sheegay in xogta la siiyey diyaaradda ay la xiriirtay “qof tuhun laga qabo oo ka mid ahaa dadka saaran diyaaradda.” Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Eleftherios Venizelos caasimadda Greece usoo kaxeeyeen laba diyaarad dagaal oo ah nooca F-16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Greece. Duulimaadka EK-210 ayaa dib loo celiyey 45 daqiiqo kadib, waxayna soo cago dhigatay 10:00 PM ((2000 GMT), sida uu sheegay afhayeenka oo intaas ku daray in baaritaan lagu sameynayo diyaaradda uu socday. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 228 qof oo rakaab ah iyo 18 shaqaale ah. Warbaahinta Greece ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Mareykanka ay booliska Greece uga digeen in “qof la tuhunsan yahay” uu saaran yahay diyaaradda. Goor sii horreysay oo isla maanta ah, diyaarad kale oo ay leedahay Emirates oo ku socotay Dubai ayaa loo diiday inay ka kacdo garoonka Athens, waxaana dhammaan rakaabka la mariyey hubin dheeri ah sababo la xiriira walaacyo amni, hase yeeshee lagama helin wax laga shakiyo, sida ay uu sheegay il-wareedka boolis. Duulimaadkaas ayaa ka kacay kadib shan saac oo dib u dhigis ah. Afhayeen u hadlay shirkadda Emirates ayaa xaqiijiyey labada dhacdo. “Emirates waxay xaqiijin kartaa in duulimaadka EK201 ee Athens illaa Dubai ee 10-ka November dib loo dhigay kahor inta aysan kicin,” ayuu afhayeenka ku yiri bayaan uu email ugu soo diray AFP. “Duulimaadka EK209 ee Athens illaa Newark ee 10-ka November ayaa dib ugu laabtay Athens, sababo la xiriira hubin amni oo ay codsadeen mas’uuliyiinta,” ayuu yiri afhayeenka. Waxa uu intaas ku daray in rakaabkii saarnaa diyaaradda loo jaray ticket cusub oo Jimcaha maanta ah, islamarkaana la siiyey hotel ay seexdaan. AFP, VOA The post Duulimaad Emirates ah oo ku socday New York oo dib loo celiyey kadib digniin amni appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Seven of the most seriously injured people in Mogadishu's twin car bomb explosions were airlifted to the United Arab Emirates for further medical treatment. Source: Hiiraan Online
  5. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online ) – La-taliyaha Sare ee arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka jawaabay doodii uu soo jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare). Axmed Xirsi ayaa si adag uga horyimid dooddii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Mogadishu Clan. “Dowlada qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga caasimada iyo dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo-na majirto. Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey amniga caasimada/dalka,” ayuu yiri. Axmed Xirsi oo doodda Cali Yare kaga jawaabay Qoraal dheer ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Ololaha cusub ee la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikirka ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxay doonaayaan inay caqabadeeyaan dardar galinta la-dagaalanka cadowga iyo inay iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: Bismillah- Hadafka dowlada ee la dagaalanka Khawaarijta mar naba ma’ahan in (Qabaa’ilo) gaar ah la hubeeyo! Waan ka gudubney xiligii aan hubka isku qaadan jirney. Dowlada Qorshe ayaa u dagsan sidii ay amniga Caasimada iyo Dalka oo dhan ku sugi laheyd. Meel ay kaga qoran tahey in (Qabiil) gaar ah la hubeeyo na majirto. Dabcan waa jiraan dad mucaarad ah oo xilal sare soo hayey, kuna fashilmey Amniga Caasimada/Dalka. Haatanna ay Lama-filaan waa ku noqotey guulaha mudada yar ey Dowlada Ku gaartey la dagaalanka argagixisada. Waxay la fajaceen istiraajiyada cusub ee uu Madaxweynaha la yimid. Waxay fursad siyaasadeed ka dhex arkeen shacabka oo u nugul Amni. Taas waxaa daliil u ah, ololaha cusub oo la doonaayo in Shacabka Soomaaliyeed laga gado fikir ah hubeynta (Qabaa’ilo gaar ah) oo xoreyn doona Caasimada! Waxayna doonaayaan in ay caqabadeeyaan dardar galinta la dagaalanka cadowga iyo in ey Iska horkeenaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowlada. Waxaan heysanaa fursad Qaali ah oo aan Dalka ku xoreyno, waana muqadis in aan ka fogaano waxkasta oo na kala qeybinaayo. Waxaa amaan gaar ah mudan Ciidanka Xooga Dalka iyo Macawsleyda Hiiraan. Waa in aan ka wada shaqeynaa mideynta macawsleyda Soomaaliyeed si ay garab u siiyaan Ciidanka Xooga Dalka. Fadlan- Hadey talo guracantoo, siyaasadii sibiqdey yaan Qabiil lagu owr kacsan. The post Axmed Xirsi oo u jawaabay CALI YARE – soo jeediyeyna hal arrin appeared first on Caasimada Online.
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee galbeedka magaalada Beledweyne. Waxaa lagu soo waramayaa in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Burdaar iyo xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday. Sida ay warbaahinta u sheegen dadka deegaanka waxa uu socday dagaalka in ka badan laba saacadood, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo hantiyeed shacabka deegaanka soo gaaray. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka uu fashilayay weerarkaasi, kadib markii uu helay xogta qorshaha Al-Shabaab. Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamadu ay dileen 12 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ka hortageen weerarkooda, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari oo kaliya, islamarkaana ay ku raad-joogaan xubnihii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii ay Al-Shabaab kusoo qaaday deegaanka Burdaar ee gobalka Hiiraan. Weerarka saaka lagu eekeyay Saldhiga Ciidamada Gorgor ee deegaanka Burdaar ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu gaabis ku yimid howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday deegaanada gobolka Hiiraan, oo aheyd halkii u horeysay uu ka billowday kacdoonka ka dhanka argagixisada. The post Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  8. Humanitarian agencies have issued warnings for months about extreme hunger and malnutrition. Source: Hiiraan Online
  9. The Ethiopian government said Friday that 70 percent of the war-stricken northern region of Tigray was now under federal army control. Source: Hiiraan Online
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo shirkii shalay ee Golaha Wasiirada kaga hadashay arrimaha doorashooyinka ayaa shaacisay inay ka xukuumad ahaan dhameystirtay doorkii kaga aadana arrimaha doorashooyinka. Waxay sheegtay xukuumadda Muuse Biixi inay sidoo kale dhameystirtay dhaqaalihii doorashooyinka lagu qaban lahaa ee dhankeeda ku waajibka ahaa, islamarkaana ay u diyaar garowday sidii loo sugi lahaa amaanka cod-bixiyayaasha. “Xukuumaddu waxay raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkaasi “Waxay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan.” Arrintan ayaa aheyd mid lama filaan ah oo la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska wakiilada beesha caalamka ay ku saarayeen arrimaha doorashooyinka xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi. Golaha Guurtida oo uu gadaal ka riixyay madaxweyne Biixi ayaa kal hore waxay u sameeyeen muddo kordhin laba sano ah, taasi oo u muuqata inay meesha uga bixi doonto cadaadiska lagu saarayo qabashada doorashooyinka. The post Somaliland oo war lama filaan ah kasoo saartay walaaca doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - Somalia's armed forces said it repulsed an al Shabab ambush attack in Burdaar village in Hiiraan region early Friday morning, killing at least 12 terrorists. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa kasii socda qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka, ayada oo xiligaan uu howl-galka dagaalkaasi ka bilaabanayo deegaanka Bakajeex ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Meyre Makaraan iyo masuuliyiin kale ayaa sheegay in geba-gebo uu marayo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee deegaanka Bakajeex, ayada oo halkaasi lagu diyaariyay ciidamo fara-badan oo ka qeyb-qaadan doona howl-galada. “Madaxda sare iyo kuwa gobolkaba diyaar ayey u yihiin in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxaana dadka deegaanka ee hubka qaatay ku boorinaya inay laba jibaaraan howl-galka ka dhanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale qaar kamid ah horjoogayaasha ciidamada deegaanka ee u diyaarsan inay howl-galo ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen gobolka, islamarkaana ay dhankooda u diyaarsan yihiin ka qeyb qaadashada xoreynta deegaanka. Howl-galada ka dhanka Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dambe sii xoogeysanayay, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay argagixisada ka xoreeyeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen. Sidoo kale waxaa tan iyo markii ay billowdeen howl-galada ka dhanka ah argagixisada lagu burburiyay saldhigyo muhiim u ahaa Al-Shabaab, kaasi oo u dambeeyay saldhigii ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Gorof. The post DEEGAAN cusub oo ka bilaabanayo dagaalka Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  13. Belgrade (Caasimada Online) – Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Mudane Ivica Dačić. Kulankan Shaqo ayay Danjire Maxamed Cabdullaahi iyo Mudane Ivica kaga wada hadleen xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, Fursadaha Ganacsi iyo sida ay Ganacsatada labada dal uga faa’iideysan lahaayeen. Inta uu kulanka socday ayay sidoo kale kaga hadleen Iskaashiga labada dal sida Waxbarashada iyo Cilmiga Farsamada. Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia ayaa leh Xiriir Wax wada qabsi, waxaana moodaa in uu furmayo bog cusub oo ku saabsan Xoojinta Xiriirkaas. The post Danjiraha Soomaaliya ee SERBIA oo kulan la qaatay R/W ku-xigeenka dalkaas appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaanna Kumaandooska Gorgor ayaa fashilayay weerar gaadma ah oo ay Alshabaab saakay waaberkii ku qaadeen deegaanka Burdaar ee Gobalka Hiiraan. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidanka oo helay xogta qorshaha Alshabaab ay ka hortageen weerarkaasi ayna dileen 12 kamid ah Alshabaab. Af-hayeenka ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay hawlgalkaas kaga dhaawacmeen saddex askari oo keliya islamarkaana aysan jirin wax dhimasho ah. Gen. Caanood ayaa sidoo kale xusay in uu weli socdo hawlgal lagu baacsanayo dagaallamayaashii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay weerar Al-shabaab ku qaadeen degaanka Burdaar ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  15. Many civilians have been killed in an air strike in the Ethiopian western town of Mandi, about 500km (310 miles) west of the capital Addis Ababa, sources have told the BBC. Source: Hiiraan Online
  16. FARGO — Hamida Dakane didn't dare look at the election results on Tuesday, Nov. 8. Her friends kept close tabs during a watch celebration at Al Hamdi Restaurant in Fargo, but she refused to look. Source: Hiiraan Online
  17. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Maalgashiga Shisheeye, tan iyo markii la aas-aasay Sharciga Maalgashiga Shisheeye sannadkii 2015. Shirka Guddiga wejigiisa kowaad waxaa furay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macallin, iyada oo ay goobjoog ka ahayeen dhammaan Wasiirrada wasaaradaha xubnaha ku leh Guddiga Maalgashiga Shisheeye sida; Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalah XfS Mudane Maxamuud A, Shiekh Faarax (Beenebeene) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad. Ujeeddada ka soo qeyb-galka Wasiirrada ee shirka Guddiga wejigiisa kowaad ayaa aheyd in lagu biiriyo Guddiga miisaan siyaasadeed, laguna booriyo dar-dar gelinta howlaha mugga leh ee horyaallo guddiga, si loo soo dhiirigeliyo loona soo jiito Maalgashigii shisheeye ee dhaxal-galka ah. Wejiga labaad ee shirka Guddiga waxaa fadhiyay dhammaan xubnaha Guddiga ee kala ah; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horimarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed. Waxaa sidoo kale shirka Guddiga wejigiisa labaad ku weheliyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, maaddaama laga doodayo codsi maalgashi oo ku aaddan qeybaha Tamarta. si loo kobciyo dhaqalaaha dalka isla markaana dhinaca horumarka loo jiheeyo dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir ku saabsan Maalgashiga Shisheeye appeared first on Puntland Post.
  18. The High Court has upheld the Minister for Justice’s decision not to grant an Ethiopian man a visa allowing him to reside in Ireland with his Somalian-born wife. Source: Hiiraan Online
  19. Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ogolaatay in duulimaadyo toos ah uga imaan karaan Israel, kuwaasi oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA. Heshiiska ayaa bixiyay faah-faahin yar oo ku saabsan sidii ay hal diyaar ugu safri lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo tobannaan sano dagaal ka dhexeeyay, kuwaasi oo hadda uga safraya koobkii ugu horreeyay ee lagu qabto dal Carbeed. “Ku dhawaaqidda taariikhiga ah ee maanta ayaa bixisay gogol lagu hagaajinayo xiriirka bariga dhexe oo dhan,” ayuu yiri Gianni Infantino, guddoomiyaya xiriirka K/cagta ee FIFA. “Heshiiskan, Israa’iil iyo Falastiin waxay awood u yeelan doonaan inay si wadajir ah u duulaan oo ay ku wada raaxaystaan kubadda.” ayuu sii raaciyay Infantino. Sidoo kale Bayaan kasoo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in duulimaadyadu ay ku xirnaan doonaan “shuruudaha ammaanka ee Israel iyo awoodahooda shaqo” waxaana hadalada kasoo baxay Israa’iil iyo Qatar oo aan xiriir diblomaasiyadeed ka dhexayn ay cadeeyeen kala qaybsanaantooda. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid oo xilka ka degaya ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiskan isagoo aan soo hadal qaadin safarka Falastiiniyiinta ee tartanka oo billaabanaya 20-ka November. Sarkaal ka tirsan dowladda Qatar oo la hadlay wakaalada AFP ayaa sheegay in dowladda Qatar ay gudbisay Israa’iiliyiinta in xaalad kasta oo kusoo korortay Quddus, Gaza ama Daanta Galbeed inta lagu jiro waqtigan ay halis u tahay baabi’inta heshiiskan oo ay ku jiraan duullimaadyada tooska ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ka badan 10,000 oo taageereyaal Falastiiniyiin ah iyo Israa’iiliyiin ah ay heleen tikidhada tartankan oo socon doona 29 maalmood. Sida ku cad heshiiska marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar ma diidi karto taageereyaal ka socda waddan kasta. FIFA ayaa lasoo warinaya inay bilo ku qaadatay “gorgortan adag ah” si ay u dhex-dhexaadiso heshiiska u ogolaanaya duulimaad toos ah oo ka imaanaya garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion. The post Qatar iyo Israel oo gaaray heshiis cusub (faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.
  20. NAIROBI — Aid groups in Kenya say tens of thousands of additional refugees from Somalia are expected to arrive in coming weeks, as Somalia and the Horn of Africa deal with an ongoing severe drought and hunger. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in gobolada Awdal iyo Gedo ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka (flash floods). Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in sida saadaaashu sheegayso labadaas gobol ay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 50 (mm). “Hadii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegeeyso waxay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi Karaan khatar kaga timaadda halista daadadka roobka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka. Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka sida: Barri, Woyooyi Galbeed, Sanaag, Bay, Jubada-dhexe, Jubadda-hoose, Shabeellaha-dhexe, Shabeellaha-hoose iyo degmooyin ka mid ah gobolka Hiiraan ay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm), sidaas darteedna aan la fileyn inay yeeshaan saameyn badan. Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi. Daba-yaaqada bishii hore ayey aheyd markii magaalada Qardho ee hoostagta maamulka Puntland ay ku rogmadeen daadad xoogan, kuwaasi oo aan horay looga sii feejignaan. Illaa saddex tog oo Qardho ku soo dhaca ayaa xiligaas biyo ka yimid meelo fog ku soo rogeen magaalada, gaar ahaan xaafadaha ku yaal dhanka hoose ee biyo dhaca. Daadadkaas ku rogmaday Qardho ayaa waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof oo da’ah inay ku dhinteen, sidoo kale ku burbureen guryo iyo goobo kale oo ganacsi, tan iyo xiligaasina waxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka bilowday ka digista khataraha noocaan oo kale ah ka hor inta aysan dhicin. The post DF oo soo saartay digniin ku wajahan laba gobol appeared first on Caasimada Online.
  22. Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee guddiga maal-gashiga shisheeye ay yeeshaan mudda 32 sano kadib ah. Mudane Xasan Macallim ayaa munaasabadda ka sheegay in shirka guddiga maal-gashiga shisheeye uu muhiimad gaar ah leeyahay uuna yahay bilaw wanaagsan oo horumar horseedi kara maadaama uu muujiayo in Soomaaliya ay markaan diyaar u tahay inay dunida la yeelato iskaashi ganacsi. Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maalgashi shisheey uu u baahanyahay soo jiidasho, shirka maanta qabsoomayna uu soo jiidashadaas qeyb ka yahay. Shirka guddiga maal-gashiga shisheeye ee maanta qabsoomay ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirraa qorsheynta, ganacsiga, korontada, shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha arrimaha dibadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa iyo madax kale. Guddiga maal-gashiga shisheeye ayaa dhawaan la howl geliyay, halka sharciga maa-gashiga shisheeye dib loo cusboonoysiiyay sanadkii 2015. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa u jawaabay dadka dhaliilaya dagaalka ay shacabka isku abaabulay habka qabiil iyo ciidamada dowladda kula jiraan kooxda Al-Shabaab. Tan iyo markii uu billowday dagaalka ayaa waxaa jiray siyaasiyiin dano ka leh oo dhaliilaya dagaalka ayaga oo sheegaya in shacabka hubeysan ay dhibaato ka iman karto marka laga adkaado Al-Shabaab iyo in hubkii dowladda lagu xoojinayo qabiilo gaara h. “Dadka sida kale uga hadlay kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan ee lagaga soo horjeedo Al-Shabaab dadkaasi way khaldan yihiin, Muddo aad u dheer dadkan dadka qarxinayay haddii cid u dhaqaaqda la waayay, maanta markii dadku dhaqaaqeen in waxyaabo kale la yiraahdo oo khalkhal iyo doodo kale ay keenaan dad iyagu wakhti haya oo meelahaa fadhi ku dirirka fadhiya khalad ayaan u arkaa,” ayuu madaxweyne Mustafe. Mustafe ayaa sheegay in howl kasta oo lagalo ay dhibaato ka imaan karto, sidaasi si lamid ahna howlgalladana wixii dhibaato ah ee hadhow ka yimaadda xalkeeda loo wada joogi doono. “Codka midaysan ee Soomaaliyeed ee ah in Al-Shabaab meel la iska saaro, cidda tashuushka ku furaysa iyo khalkhalka haka waan toobaan,” ayuu yiri. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa bogaadiyay sida Shacabka gobolka Hiiraan ay isugu xil qaameen inay u midoobaan sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahaayeen ladagaalanka kooxda Al-Shabaab, iyagoo gacan ka helaya Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in dowlad degaanka Soomaalidu ay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu sheegay in dhibaatooyin badan ay Soomaalida u gaysteen. “Kooxda Al-Shabaab waa koox Soomaalida halaag iyo dhibaato badan u gaystay, waxaana naga go’an inaan gudano kaalinta nagu aadan ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab”, ayuu yiri Madaxweynuhu. Waxa kale oo Madaxweynuhu xusay inay xukuumaddiisu iyo shacabka degaanka Soomaalida ay mar walba hiil iyo hooba la garab taagan yihiin shacabka gobolka Hiiraan ee howlgalka kula jira kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay in labada shacab waa degaanka Soomaalida iyo gobolka Hiiraan inay yihiin dad wlaalo ah oo howlo badan iska caawin kara. The post Cagjar oo u jawaabay dadka dhaliila dagaalka ay qabiilada kula jiraan AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.