-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ee caasimada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed u dhaxeysa maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah. Maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay magaalada Baydhaba ku xiray siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulka. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidan muddo kororsi uu sameysto Lafta-gareen, iyaga oo ku hanjabeyna inay ka dagaalami doonaan arrintaasi haddii uu kusii madax adeygo. “Marnaba ma aqbali doono in nala caburiyo, waan ka dagaalameyna muddo kororsi,” ayuu yiri Shiine Macalin Nuur oo kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxa uu sheegay in muddo xileedka Lafta-gareen uu ku egyahay bisha December, wixii ka dambeeyana aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay in uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda laga saaro magaaalda Baydhaba, xili ay sii xoogeysanayso xiisada kala dhaxeysa mucaaradka. Lafta-gareen ayaa muddo xileedkiisa sharciga ah wuxuu ku egyahay bisha December ee soo aaddan, hase yeeshee wuxuu horey u sameystay muddo kororsi hal sano ah, wax qorshe ahna kama lahan inuu doorasho qabto, xilli mucaaradka ay sidaas dalbanayaan. The post Xiisad ka taagan Baydhaba iyo Lafta-gareen ‘oo amray’ in mucaaradka laga saaro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeytan kasoo gaartay dadka rayidka ah. “Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM. “Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab,” ayuu raaciyay bayaanka Taliska AFRICOM. Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 km waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. “Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon,” ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa. The post Mareykanka oo qaaday weerar lagu laayey Al-Shabaab badan kadib codsi ka yimid DF appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa oo loo yaqaano AFRCIOM, ayaa sheegay in ay duqaymo ay ka fuliyeen Soomaaliya, ku dileen qaar kamid ah xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Maraykanka ayaa sheegay in duqayntaan oo laga fuliyay meel 285 km u jirta magaalada Muqdisho, waxaana duqaynta ay timid kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay codsatay. “Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan AS oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay talista AFRICOM AFRCIOM ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliyeed ee dhinaca amniga ah si wax looga qabto amniga. “Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan AS” ayaa lagu sii yiri Source: goobjoog.com
-
Seejooyinka cod-bixinta degmooyinka Puntland oo saaka la rabay in la shaaciyo ayaa la baajiyay cabsi laga qabo in uu ka dhasho qalalaase siyaasadeed. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa diyaariyay seejooyinka cod-bixinta oo ku salaysan shaxda soohdimaynta degmooyinka ee muranka xooggan dhalisay. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo samaysay shaxda soohdimaynta ayaa is raacisay degaanno aan is lahayn taas oo abuurtay muran dhuleed. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuuusuf Jibriil ayaa sheegay in wixii qalalaase ka dhaca soohdimayntaas ay mas’uuliyadeeda qaadayso wasaaradda arrimaha gudaha. PUNTLAND POST The post Shaacinta seejooyinka cod-bixinta degmooyinka Puntland oo khilaaf loo baajiyay appeared first on Puntland Post.
-
Iskadaa madaxda kulmiyee xataa taageerayaasha kulmiye ayaa wada hadalka iyo wax wada lahaanshaha u yaqaana doqoniimo oo hadii wada hadal ba la soo hadal qaado cirka maraaya. Waxaanay ugu farxad badan yihiin maalinta la yidhaa intaas oo qof ayaa mucaaradka laga xidhay ama mudaharaadkii dhacay intaas oo qof ayaa mucaaradkii kaga dhimatay. Duulka halka looga yeedhayo ee looga gacan haadinaayo iyo waxa ku jiraa waynaa. Laakiin waxa xaqiiqa ah in iyaga iyo madaxda kulmiye ba saadanbe taladoodu u uri doonto. Waxa Qoray Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed ayaa maanta dibadbax cabasho ah ka dhigay Muqdisho, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarisiinta xukuumadda Soomaaliya. Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in wasiirka uu saaka shaqada kasoo eryey, isla-markaana ay haatan yihiin shaqo la’aan. Guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, Cabdinuur Cabduqaadir oo goobta dibadbaxa ka hadlay shaaciyey in wasiirka boostada uu ka soo xirtay xafiisyadii ay ku shaqeynayeen oo ku yaallo xarunta wasaaradda, wuxuuna sheegay in 5 sanno ay daganaayeen. “Ninka wasiirka ah qolalkii oo dhan ayuu naga xirtay bannaanka ayuu na soo dhigay, saaka shaqo la’aan ayaa nahay bannaanka ayaan taaganahay. Muddo 5 sano ahna waan daganeyn xarunta,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha Cabdinuur Cabduqaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaan ay cabasho ka yihiin ayna gudbinayaan madaxda kale ee dowladda, isaga oo sheegay in dad kale uu wato wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta. “Cabashada aan gudbineyo waxa ay tahay nidaam haddii uu jiro wasiir dhan waayey isaga wuxuu la hadli karaa mas’uulka hay’adda dhowr jeer ayuu na meermeeriyey, kadibna albaada dhan ayuu beddalay waa xirtay”. ayuu sii raaciyey guddoomiye ku xigeenka hay’adda cilmi baarista badaha. Sidoo kale oday kale oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda oo la hadlay warbaaninta ayaa isna ku daray in tallaabada uu qaaday wasiirka ay la yaab ku noqotay, maadaama ay ka wada tirsan yihiin hay’ado ahaan dowladda dhexe, isaga oo ku baaqay in arrintaan si deg deg ah wax looga qabto. “Waxaan la yaabanahay maamul dowladeed oo maamul kale oo dowladeed ka xiranaayo xafiiska, laakiin waxay aheyd in si nidaam ah naloo soo maro, xittaa haddii xafiiska nagala qaadayo,” ayuu yiri mid ka mid shaqaalaha hay’adda cilmi baarista oo isna la hadlay warbaahinta Muqdisho. Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo ku aadan shaqaalaha maanta ku dibadbaxay xarunta wasaaraddaas, kuwaas oo cabasho u jeediyey wasiirka boostada & isgaarsiinta. The post Daawo: Shaqaale ku dibadbaxay mid kamid ah wasaaradaha DF + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Shirkan ayaa ah mid qaran oo looga hadlayo xiriirinta dowladaha hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxaa kulanka goobjoog ah wasiirada arrimaha gudaha maamul goboleedyada ka jira dalka, howlwadeenadooda iyo xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir. Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeynayaa arrimaha dowladaha hoose iyo sidoo kale wada shaqeynta u dhexeysa wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka. Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo furitaanka khudbad ka jeediyey ayaa u mahad-naqay ka qayb-galayaashan, isaga oo rajeeyey in qodobo miradhal ah ay kasoo bixi doonaan shirka. “Waxaan soo dhoweynaa kasoo qeybgalka kulanka ee dhammaan wasaaradaha arrimaha gudaha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaa kale oo bogaadin mudan wada shaqeynta Soomaalininada, walalalitinnimo, waxaan rajeynayaa kulanka uu noo noqda mid laga doodo, oo qorshe wadajir ah loola tago saxiibada caawiya Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macali Fiqi. Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Mudane Cabdi Daahir Guure (Karoore) oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey arrimaha dowladaha hoose ee maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen dhismaha golaha deegaanka Warsheekh, kuwa kalena way wadaan. “Ka Hirshabelle ahaan Warsheekh ayaa u dhisan gole deegaan, Afar degmo oo kale ayaa hadda gebogabo ah oo la dhisi doonaa, oo Jowhar iyo Buulaburde ay ku jiraan, waana ka mahadcelineynaa wada shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha,” ayuu yiri wasiir Karoore. Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo isna khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in muddada uu socdo wadahadalka lasoo bandhigo caqabadaha jira, si xal looga gaaro, wuxuuna mahadceliyey wasaaradda. “Shirkan waa wixii caqabado ah inaan soo gudbino, wixii hortabin lehna aan isla soo qaadno, waana ka madacelinayaa sida wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay noola shaqeyso,”ayuu isna khudbaddiisa ku yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug. Dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe xoojisay wada tashiyada ay la sameynayo maamul goboleedyada, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag, sida abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Shabaab. The post Shirweyne u dhexeeyo DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka ah ayaa maanta magaalada Muqdishi ka daahfurtay kulanka qaran ee xiriirinta Dowladaha Hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa daahfuray wasiirka Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi, waxaana ka qaybgalay wasiirada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo howlwadeenadooda iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu falanqeynayaa arrimaha dowladaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loogu geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha caasimada. Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey Dharkenley, balse ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen dilka iyo howlgallada xigay. AUN Imaamka ayaa inta aan la dilin kahor khudbaddii Jimcaha ee uu shalay ka jeediyay masajidka Dabaqeynka wuxuu uga hadlay arrimo ah xasaasi ah, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka amni darrada Muqdisho iyo carada Alle ee ka dhalaneysa baneysiga dhiigga qofka muslimka ah. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay agagaarka Zoobe. Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahooda la dhacay Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabi jiray, GeneralCabdullahi Xuseen Warsame ( Waran ), kaas oo ay toogteen rag ku hubeysnaa bistoolado, kadibna goobfa isaga baxsaday. The post Imaam Masaajid oo lagu dilay xaafad ka tirsan MUQDDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Dhisaq Shurufle ee hoostaga gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxa hubaysan ay habeennimadii xalay ku dileen deegaanka Sheekh Caan ah iyo wiil uu dhalay. Sheekha la dilay ayaa lagu magacaabayay Sheekh Cisman Axmed Geedi, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxa biskoolado ku hubaysan. Wararka ayaa sheegaya in sheekha iyo wiilkiisa la dilay xilli ay ku jireen salaad, waxaana goobta isaga baxday kooxdii ka dambeysay dilka. Sheekh Cisman Axmed Geedi waxa uu horay u soo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado, waxaa sidoo kale uu ahaa culimada duruusta diinta ka bixisa masaajidada magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka. Dadkaas 200 ah ee loo diiday Ruuska ayaa waxaa ku jira saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah. Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden. Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre. Labada dal oo ka mid ah quwadaha waa weyn ee caalamka ayaa maalmihii u dambeeyey hawada isku marinayey hanjabaado, waxayna xiisaddu kasii dartay kadib duulaankii Ruushka ee Ukraine. The post PUTIN oo qaaday tallaabo ka dhan ah Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil arxan darro ahaa ka geysteen qaybo ka mid ah Dhisaq Shurufle oo ka tirsanaa gobolkaasi. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhacdadaan ayaa Galmudug waxa ay ku eedeysay inay geysteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay toogashada fuliyeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqada ka dhacday ayaa sameeyyey howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyey dilka AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiiliisa lagu aaso halkaasi. Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka uu dilka ka dhacday laga dareemayo saameynta ka dhalatay dhacdadaan oo ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga saaray kooxda, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Wabxo,. The post Aabe iyo wiilkiisa oo lagu dilay gobolka Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Dabley hubaysan ayaa xalay Muqdisho ku dilay imaam masjid oo caan ka ahaa magaalada sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Sheikh Cabdicasiis Maxamed Xirsi oo imaam ka ahaa mid kamid ah masaajidda Muqdisho ayaa lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Dharkaynley. Goob-joogayaal ayaa ku warramay in rag bistoolado ku hubaysan ay marxuumka toogteen kadiba goobta isaga carareen. Laamaha Amniga Muqdisho ayaa baaris ka sameeyay goobta uu ka dhacay dilkaas oo aysan jirin Weli cid mas’uuliyaddiisa sheegatay. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo imaam masjid ku dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka geysteen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dilka oo ka dhacay xaafadda Sii Sii ee degmadaas ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Genaral Cabdullahi Xusen Warsame (Waran) wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo la socday Mooto Fekon, waxaana la sheegay in toogashada kadib ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi. Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal ay kooxda Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, iyaguna waxay culeyska soo saareen caasimadda dalka. The post Sarkaal ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho + Magaca appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniin u dhashay waddanka Maraykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in ay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah in ay soo galaan Ruushka. Wasaaradda ayaa sheegtay in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden. Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre. Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay 200 oo muwaadiniin Maraykan ah appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Ivica Dačić. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia gaar ahaanna fursadaha dhinaca ganacsiga ee labada dal. Labada mas’uul ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka wada-hadleen arrimaha Waxbarashada iyo farsamada gacanta. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Serbia oo iska kaashanaya arrima dhawr ah appeared first on Puntland Post.
-
Three women elected to Maine Legislature are making history
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
AUGUSTA, Maine — A new Maine State Legislature has been elected this week, including six people of color now serving in Augusta. Some of them are making history. Source: Hiiraan Online -
MOGADISHU, Nov. 12 (Xinhua) -- The Somali National Army (SNA) on Friday killed 12 al-Shabab militants during a foiled terror attack by the group on the SNA's military base in the Hiran region in central Somalia, an official said. Source: Hiiraan Online
