-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sababo amni looga saaray hoyga deegaanka madaxweynaha ee Villa Somalia, sida ay ogaatay Puntland Post. Madaxweynaha ayaa lagu qaaday diyaarad Helikopter, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qaaday hotel-ka Villa Rose oo wax ka yar 100 mitir u jira hoyga deegaanka madaxweynaha, lamana yaqaano meesha la geeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Qaar ka mid ah ciidamada dowladda ayay dhowr saacadood ku qaadatay in ay tagaan hotel-ka la weeraray, kaddib diidmo ka timid hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA. Muddo 16 saacadood ka badan kaddib rasaas ayaa weli laga maqlayaa gudaha hotel-ka Villa Rose ilaa iyo haddana laamaha ammaanku faahfaahin kama bixin waxa xiligan ka socda. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tirakoob sugan la hayn. Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda oo ku jiro Wasiirka Amniga Maxamed Sheekh Cali Doodisho ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weerarka. Xilliga weerarka lagu qaaday hotel-ka Villa Rose waxaa ka socday shir looga arrinsanayay xaaladda gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goleyaasha dowladda federaalka ku matala beesha Mareexaan iyo mas’uuliyiin kale oo hotel-ka daganayd. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay laga saaray Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba. Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadka shacab ah, kadibna waxay isaga carareen goobta, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xaruntagobolka Mudug. Weerarkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyey labada maleeshiyo oo ku murmay dhul ku yaalla halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyey iyo howlgallada xigay ee la sameeyey. Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan. The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GAALKACYO appeared first on Caasimada Online.
-
Ayada oo weli uu socdo howgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxaa isa soo taraya shaki iyo su’aallo badan oo hareeyey weerarkaas. Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa ka falceliyey weerarkan oo ku billaamay qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo rag hubeysan ay ku galeen hoteelka. Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bar Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia. Siyaasiyiinta ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in waddada qaraxu ka dhacay iyo Villa Rosa aysan lug ku tegin karin shacabka, islamarkaana ay joogaan ciidamo tiro badan, balse uu isagu qabo tuhun ku aadan inay jirto wada shaqeyn hoose oo sahashay weerarkaas tooska ah “Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?,” ayuu yidhi Cali Cabdullaahi Cosoble. Sidoo kale waxaa isna ka hadlay weerarkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sheegay in aysan salaneyn in la galo Hoteelka Villa Rosa, maadaama ay ku yaallo xeyn-daabka madaxtooyada guud ee dalka looga arrimiyo. “Wax sahlan maaha in gudaha Madaxtooyada la galo iyadoo aan ognahay baraha laga galo sida loo hubiyo dadka galaya. Waa lasoo daayay Qaraxa ee yaa soo daayay?,” ayuu yidhi. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey inay jiri karto shabakad gudaha ah oo wax ka abaabushay weerarkan, wuxuuna dalbaday in la sameeyo baadhis madax banaan. “Waxaa muuqata inay shabakad gudaha ka hawlgalaysa ay jirto oo u baahan in si miirqabta loo baaro,” ayuu markale yidhi Tuulax oo war qoraal ah soo saaray. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda, kadib kacdoonka lagu qaaday ee ka socdo gobollada dalka, waxayna aheyd 20-kii Agoosto markii ay weerar kan la mid ah ku qaaday Hoteelka Xayaat, waxaana kadib xigay kii Zoobe oo isna dhacay 29-kii Oktoobar. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan wadajir ah oo ay maanta ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay sababo la xiriirka lagu qaaday Hoteel Villa Rosa oo u dhow Madaxtooyada Qaranka. Qoraal kasoo baxay guddoonka sare ee labada Aqal ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka dib loo dhigay, kaasi oo uu ajendihiisu ahaa ka doodista miisaaniyadda 2023-ka. Guddoonka oo farrintaan u diray dhammaan xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay inuu dib kasoo sheegi doono xilliga uu dhacayo kulankan oo ah mid muhiim ah “Dhammaan xildhibaanadda Golaha Shacabka BJFS waxaa lagu wargelinayaa in kulankii wada-jirka ahaa ee labada gole BFS dib loo dhigay. Guddoonka labada gole ayaa dib ka soo sheegi doona fadhiga xiga” ayaa lagu yiri woraal kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka. Weerarka Villa Rosa oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa la xiriiroyey baaqashada kulankan, maadaama uu weli howlgal ka socdo aaga Madaxtooyada oo ah halka la eegtay. Sidoo kale dadka lasoo bad-baadiyey ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ku sugnaa Hoteelkan oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Godka Jilicow. Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia. The post Kulankii labada Gole ee BF oo dib loo dhigay kadib weerarka VILLA ROSA appeared first on Caasimada Online.
-
Alle ha u naxariistee Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo ayaa ku dhintay rasaas saaka laga maqlay gudaha Gaalkacyo. Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale uu rasaastaas uu ku dhaawacmay nin kale islamarkaana loola cararay xarumaha caafimaadka. Dhacdadaas ayaa sida la soo weriyay daba socota iska hor-imaad dhowaan magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed oo ku muransan bogcado dhuleed. Xiisadda labada dhinac ayaa weli ka taagan magaalada waxaana socda dadaallo lagu dejinayo xaaladda. PUNTLAND POST The post Nin dhalinyaro ah oo ku dhintay rasaas laga maqlay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo weli uu socdo howgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxaa isa soo taraya shaki iyo su’aallo badan oo hareeyey weerarkaas. Dad kala duwan oo ay ku jiraan siyaasiyiin ayaa ka falceliyey weerarkan oo ku billowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo rag hubeysan ay ku galeen hoteelka. Walaac xoogan iyo tuhuno badan ayaa laga muujiyey, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqada Villa Somalia. Siyaasiyiinta ka hadlay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, wuxuuna sheegay in waddada qaraxu ka dhacay iyo Villa Rosa aysan lug ku tegin karin shacabka, islamarkaana ay joogaan ciidamo tiro badan, balse uu isagu qabo tuhun ku aadan inay jirto wada shaqeyn hoose oo sahashay weerarkaas tooska ah. “Waddo kasta ee Villa Rosa lagu tagi karo ciidan ayaa fadhiya, mana aha waddo shacabka u furan. Waa la soo daayay qaraxee yaa soo daayay?,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble. Sidoo kale waxaa isna ka hadlay weerarkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sheegay in aysan salaneyn in la galo Hoteelka Villa Rosa, maadaama ay ku yaallo xeyn-daabka madaxtooyada guud ee dalka looga arrimiyo “Wax sahlan maaha in gudaha Madaxtooyada la galo iyadoo aan ognahay baraha laga galo sida loo hubiyo dadka galaya. Waa lasoo daayay Qaraxa ee yaa soo daayay?,” ayuu yiri. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey inay jiri karto shabakad gudaha ah oo wax ka abaabushay weerarkan, wuxuuna dalbaday in la sameeyo baaris madax banaan. “Waxaa muuqata inay shabakad gudaha ka hawlgalaysa ay jirto oo u baahan in si miirqabta loo baaro,” ayuu markale yiri Tuulax oo war qoraal ah soo saaray. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda, kadib kacdoonka lagu qaaday ee ka socdo gobollada dalka, waxayna aheyd 20-kii Agoosto markii ay weerar kan la mid ah ku qaaday Hoteelka Xayaat, waxaana kadib xigay kii Zoobe oo isna dhacay 29-kii Oktoobar. The post Shaki ka dhashay weerarka Villa Rosa – “Waa la soo daayey qaraxa ee yaa soo daayey”? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in dowladdu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka sida lagu caddeeyay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya. “Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halkan ku caddaynaysaa inuu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT oo sheegatay in Wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa u caddaysay dadka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid(Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay shirkadda MARU PORT appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar in ka badan 10 sacaadood qaatay oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada. Weerarka ayaa weli socdo, waxaana rasaas laga maqlayaa dhismaha Hoteelka la weeraray oo ku yaallo meel amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo, kuna dhow xarunta Villa Soomaaliya. Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa haatan howlgal culus ka wada Hoteelka Villa Rosa oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Dowladda Soomaaliya welo kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo maalmihii u dambeeyey kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada. Booliiska ayaase shaaca ka qaaday in dad badan oo iskuugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rosa. Dhinaca kale warar ay tebisay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga Soomaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, balse saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo ay soo afjari doonaan howlgalka, kadibna ay shaacin doonaan khasaaraha oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda. The post Daawo: Rasaas weli laga maqlayo Hoteelka Villa Rosa iyo howlgal culus oo socdo appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Amniga Galmudug Saddex kamid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa u galay kooxaha Al-shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Galmudug. Saddexda Oday Dhaqameed oo kala ah; Sugaal Warsame Cali, Cali yare Axmed Xayle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa sida Wasaaraddu sheegtay u hoggaansamay awaamiirta Al-shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Odayaashaas ay gaareen dhulka Al-shabaab ka taliso. Wasaaradda ayaa sidoo kale Laamaha Amniga ku amartay in gacanta lagu soo dhigo Odayaashaas meeshii lagu arko. PUNTLAND POST The post Galmudug oo shaacisay magacyada Odayaal Dhaqameed u galay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya ku tegi lahaa Boosaaso ayaa dib u dhac ku yimid sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan. Lama sheegin sababta dib u dhaca ku keentay safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Boosaaso oo maalmahan la sugayay. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo isna ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Garoowe. Siciid Deni oo mudooyinkii danbe joogay magaalada Dubai ee dalka UAE ayaa shalay soo gaaray caasimadda Itoobiya. PUNTLAND POST The post Dib u dhac ku yimid safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Gunmen storm mogadishu hotel, trapping government officials
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
An extremist group, Al Shabab, claimed responsibility for the attack at the hotel in the Somali capital. There were few immediate reports of casualties, but the siege was still underway. Source: Hiiraan Online -
At least 10 people have been killed after armed attackers stormed a hotel near the presidential palace in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ku tegay xerada ciidanka kumaandooska Danab ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo fariin culus uu uga diray dhalinayarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab. Taliye Odawaa ayaa sheegay in laba wado oo kaliya ay u furan tahay dhalinyarada weli ka tirsan kooxda Al-Shabaab, 1-in ciidanka qaranka ay isku dhiibaan, 2-iyo in lagu dilo meel kasta oo lagu arko. Sidoo kale wuxuu sheegay in fursada ay dowladdu siisay dhalinyaradaas ee ah inay isisoo dhiibaan aysan sii jiri doonin oo la gaari doono waqti aysan muhiimad laheyn is dhiibiddu. “Guushu waa dhowdahay, waxaan rabnaa in aysan nagu sii dheeraan, kooxdu waxay habeen iyo maalin daadineysaa dhiigga dadkeenna, waxaan dooneynaa inaan deg deg dadkeena uga dul qaadno cadowga,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa. Taliyaha ayaa aad ugu mahad celiyey shacabka hubka qaatay iyo kuwa taageeraya ciidanka difaacaya dalka, isagoo sheegay in hadda la wada fahmay xaqiiqada. “Waxaa noo muuqata in la wada fahmay oo shacabkeenu gartay in sida kaliya ee argagixisada looga guuleysa karo inay tahay garab istaaga ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa ciidanka Danab ee ku sugan Kismaayo wuxuu ku war-geliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dhawaan ka bilaaba doona deegaanada Jubbaland. “Guud ahaan ciidanka xooggu waxay galeen dagaal guulo waaweyn laga gaaray, jab iyo halaag ayaa gaaray Khawaarijta, welina waa ku socdaa, guushu waa dhowdahay,” ayuu yiri Taliyaha oo ciidanka uga warbixiyey howlgallada ka socda gobollada dalka. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo sheegtay in waqtiga cafiska uu ka sii dhamaanayo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 400 oo Boolis ah oo ka socda Ciidanka Booliska Uganda ayaa la qorsheynaya in la geeyo gudaha Soomaaliya toddobaadkan, kuwaasi oo kamid noqon doona howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Boqolaalka Booliska ah ee la geynayo Soomaaliya ayaa waxaa qiimeyn ku sameynaya Saraakiisha ururka Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia. Ciidamada Booliska ah ayaa marka la geeyo Soomaaliya, sida qorshuhu yahay waxay dalka ku sugnaan doona illaa muddo sanad ah, haddii uusan wax iska bedelin qorshaha geyntooda. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay inay ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay dib u dhigto waqtiga bixida howl-galka ATMIS. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan doonaysa in la dhimo tirada ciidamada ATMIS, islamarkaana ugu yaraan sanadkaan dib loo celiyo labo kun oo askari. In ka badan 20,000 askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo dalka u jooga howlaha nabad ilaalinta. Ciidamadaan oo Soomaaliya ku jooga howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa inta badan lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dagaalka ay dowladda kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. The post Maxay yihiin ciidanka cusub ee kasoo degaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
