Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka culimada Soomaaliyeed oo muddo afar maalin ah ka socday caasimadda. Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay dowladda faderaalka Soomaaliya, ayaa waxaa culimada ay uga hadlayeen doorkooda dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab, dhismaha hay’ad ay ku mideysan yihiin culimada Soomaaliyeed iyo arrimo kale. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ay culimada ka soo saareen war-murtiyeed ay ku cadeynayaan mowqifkooda arrimahaan. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka Shirka Culimada Soomaaliyeed Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in hawlgal ay ciidamadeeda ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay mid kamid horjoogayaasha ururka Daacish. Hawlgalka ayaa ka dhacay waqooyiga soomaaliya waxaana lagu dilay horjooge Bilal al-Sudani oo ah nin u dhashay dalka Sudan una qaabilsanaa Daacish maaliyadda iyo isku xirka gobalka. Bilaal ayaa maraykanku sheegay in ay doonayeen in ay qabtaan balse kooxdi la joogtay ay kala kulmeen iska caabin kadibna lagu dilay goobta isaga iyo 10 xubnood oo kale. “Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo la-hawlgalayaasheeda ka dhigaysaa mid guul badan, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada ee gudaha iyo dibadda,” ayuu yiri Lloyd Austin xoghayaha difaaca Maraykanka. Amarka hawlgalkaan oo dhacay maalinti arbacada ayaa waxaa bixiyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, waxaana maraykanka uu sheegay in hawlgalkaan uusan waxyeello ka soo gaarin dad shacab ah. Bilaal Al-sudani Warbaahinta oo soo warisay in uu Al-Sudani uu ku lug lahaa qorista iyo tababarida dagaalyahannada kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ka hor inta uusan ku biirin IS. Waxa la sheegay in uu isku dubariday maalgelinta hawlgallada IS ee Afrika iyo laanta kooxda ee Afgaanistaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Sixty-seven members of the press were killed in 2022, the highest number since 2018, according to the annual report from the Committee to Protect Journalists. Source: Hiiraan Online
  4. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. “Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka. Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa sheegay inay al-Sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale, inkasta oo Maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha Daacish, balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin. Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan. Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo shaaciyay in uu duqayn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. WASHINGTON — Somalia’s government welcomed the death of Bilal al-Sudani, the Islamic State group leader killed by U.S. special operations forces in a remote part of northern Somalia on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howl-gal ay ciidamada howl-galada gaarka ah ee Mareykanka ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Bilal al-Sudani. Al-Sudani ayaa waxaa lala dilay 10 argagixiso oo kale kadib howl-gal ka dhacay waqooyiga Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Mareykanka. La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa si weyn usoo dhaweeyay dilka al-Sudani, isaga oo hoos u dhigay khatar uu Mareykanka ka muujiyay kooxda Daacish. “Faahfaahin badan lagama hayo, ka dowladda Soomaaliyeed waa arrin aan aad usoo dhaweynayno in kooxaha argagixisada hoggaankooda madaxa laga guro intii dhalinyarada iyagu dabka ku shidayaan ee noqon lahaayeen kuwa dhimanaya,” ayuu yiri. “Dabcan, Daacish saameyn ahaan Soomaaliya kuma awood badna laakiin waa koox marwalba khatarteedu soo weynan kartay, isaga qof madaxdooda kamid ah ayuu ahaa laakiin tabar weyn oo ku ogeyn Daacish oo hadda Soomaaliya khatar ah oo laga dareemayay majirin.” Howl-galkan oo dhacay Arbacadii ayaa lagu beegsaday Bilal al-Sudani, oo u dhashay dalka Sudan islamarkaana kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah. “Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray. Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed. Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden. Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani. The post DF oo war kasoo saartay dilka Bilal al-Sudani, hoosna u dhigtay khatar uu Mareykanka muujiyay appeared first on Caasimada Online.
  7. The MoU with the Palestinian government covers technical cooperation in policy formulation and implementation in both sectors, while enriching the legal frameworks governing mutual cooperation. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister Hamza Abdi Barre made the closing remarks at a conference for religious scholars in Mogadishu on Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Muqdisho oo lasoo geba-gebeeyey ayaa waxa dalab degdeg ah loogu diray dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Culimada oo shalay qoraal dheer kasoo saaray shirkooda ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay si degdeg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliyeed. Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqonayo “weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-banaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado. “Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay culimada. “Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonayo mad-habka Shaaficiga kaas oo culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado.” Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu lahaa soo jeedinta shirweynaha culimada Sooamaaliyeed, ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinayay tan iyo markii la doortay dhismaha gole sare oo Islaami ah, taasi oo xiligaan si dhab ah loo dhaqaajinayo. Xasan ayaa qaba in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan oo kaliya balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo, waxaana hadda muuqata in Shabaab ay furimo kale ku furmeen. The post Culimada Soomaaliyeed oo dalab degdeg ah u diray dowladda madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  10. Nairobi (HOL) - A High Court in Nairobi on Thursday ordered former Eastleigh "top cop" Rashid Ahmed, who is facing two murder charges for the extrajudicial murder of two teenagers, to surrender to police after failing to appear in court. Source: Hiiraan Online
  11. The country's airspace was deemed uncontrolled after the start of the Somali Civil War in 1991. Source: Hiiraan Online
  12. Dalalka ay Iiraan ka iibiso shidaalkeeda & hababka ay uga dhuumato cunaqabataynta saaran Iran Oil Refinery Xilli uu dalka Iran la tacaalayo qalalaasaha bulsho iyo sicir barararka baahsan ee curyaamiyey dhaqaalaha dalka, ayaa haatan waxay dawladda Iran ay sare u qaadday, shidaalka ay ka iibinayso dalka Shiinaha, iyada oo ku siinaysa qiime aad u jaban. Dawladda Iran ma daabicin wax tiro-koob ah oo la xidhiidha iibka shidaalkeeda, hase ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Tehran ay saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay kor u qaaday dhoofinta shidaalka, oo ay gaadhsiisay in ka badan 1.2 milyan oo foosto maalintii. Shidaalka dalka Iran ayaa la geeyaa suuqyada dalka Shiinaha iyada oo la adeegsanayo habab kala duwan, oo dalka Iran uu kaga dhuumanayo cunaqabataynta caalamiga ah ee ay ku soo rogeen wadamada reer galbeedku. Mahdi Ghodsi oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan machadka Vienna ee daraasaadka dhaqaalaha caalamiga ah ayaa VOA u sheegay in “maamulka Iran, inuu hadda khibrad u leeyahay inuu ka gudbo cunaqabataynada” lagu soo rogay. Iran ayaa ka mida shanta waddan ee ugu sarreeya ee soo saara saliida caydhiin, waxayna soo saari karaan in ka badan 3.5 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii, sida ay sheegtay Waaxda Maamulka Tamarta ee Maraykanku. Inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn, dakhliga uu dalka Iran ka sameeyo shidaalka uu soo saaro, haddana xogaha ayaa muujinaya inay ka helaan lacag u dhexeysa $15 bilyan illaa $30 bilyan sannadkii. Umud Shokri oo falanqeeya arrimaha tamarta ayaa sheegay in dakhliga shidaalka ee dalka Iran oo hore u ahaa illaa $100 bilyan inuu hoos ugu dhacay illaa $8 bilyan, ka dib markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii hubka nukliyeerka ee dalka Iran, sannadkii 2018. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Saalax Al-Muwallad,. Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka mahad-celiyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo. Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loo sameeyay. Danjire Al-Muwallad oo dowladda Sacuudiga ay soo magacowday sanadkii hore ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka haatan ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo safiirka Sacuudiga? appeared first on Caasimada Online.
  14. WASHINGTON — U.S. Special Operations commandos killed a senior leader of the Islamic State militant group in an early-morning helicopter raid in a remote area of northern Somalia on Thursday, U.S. officials said. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia oo soo dhaweysay dilkii Hoggaamiyaha Daacish Bilaal-al-Sudani Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, kadib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaad ee ku yaalla mamaul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale, inkastoo Maraykanku uu doonayey inuu qabto, balse ay maleeshiyaadka la joogay falcelis sameeyeen. Halwgalkan ayaa Maraykanku sheegay inaanay waxba ku noqonin ciidamada Maraykanka. Maraykanku waxay sheegeen inay fulinta howlgalkan ku wargeiyeen dawladda Soomaaliya. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho, Danjire Larry André ayaa la kulmay qoyska taliye ku-xigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure), kaas oo Jimcihii lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in weerarkaasi ay dhanka dowladda kaga geeriyoodeen toddoba askari, oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii kKumaandooska Danab. Safiirka Mareykanka ayaa aabaha dhalay sarkaalkaasi ku qaabilay Xarunta Safaaradda ee magaalada Muqdisho, isagoona xubnaha qoyska uga tacsiyeeyay geerida ku timid. Safiirka ayaa qoyska u sheegay, sida ay ugu hanweynaayeen hoggaamintiisa, si bulshooyin badan uga xoroobaan ayuu qoraal ku sheegay dulmiga maleeshiyada Al Shabaab. Danjire André ayaa sheegay inay tani sii xoojin doonto go’aanka Mareykanku uu ku taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xoogaga Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaga oo saldhigooda ugu weyn ku leh Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose. Danab waa ciidan lugta oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waana ciidanka la hawlgala Ciidamada Mareykanka ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Shabaabka. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Shabaabka u arka halista ugu weyn ee maanta ka jirta qaaradda. The post Sawirro: Mareykanka oo Muqdisho kula kulmay qoyska Gaashaanle Xasan Tuure appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (Caasimada Online) – The Biden administration announced on Thursday that U.S. special operations forces had killed a senior official of the Islamic State (IS) group and ten other terrorist operatives in a remote area of northern Somalia. The operation, which took place on Wednesday, targeted Bilal al-Sudani, a Sudanese and a key financial facilitator for the Islamic State, in a mountainous cave complex. Defense Secretary Lloyd Austin said in a statement that the action “leaves the United States and its partners safer and more secure, and it reflects our steadfast commitment to protecting Americans from the threat of terrorism at home and abroad.” “We are grateful to our extraordinary service members as well as our intelligence community and other interagency partners for their support to this successful counterterrorism operation,” Austin said. President Joe Biden approved the mission after being briefed on it last week, following recommendations from Austin and the chairman of the Joint Chiefs of Staff, Army Gen. Mark Milley. According to administration sources, Biden gave the green light for the operation after carefully assessing the potential risks to American troops and the impact on civilians in the area and determining that there were no better alternatives for addressing the threat posed by al-Sudani. According to Austin, Al-Sudani, who had been closely monitored by U.S. intelligence for some time, was a major financier of operations conducted by ISIS in Africa and the ISIS-K operating in Afghanistan. Treasury Department had previously alleged that al-Sudani had worked closely with another IS operative, Abdella Hussein Abadigga, who had recruited young men in South Africa and sent them to a weapons training camp. No civilians were harmed during the operation. However, one American soldier was bitten by a military dog but was not seriously injured. Officials provided few details about the operation or the circumstances surrounding al-Sudani’s death. However, one official stated that the intent was to capture al-Sudani, but it was not feasible. The fact that commandos were sent rather than a less risky drone operation suggests the significance of the target. Somalia is more commonly associated with Al-Shabab, a terrorist group linked to Al Qaeda, rather than the Islamic State. This operation comes days after Africa Command announced that it had conducted a collective self-defense strike northeast of Mogadishu, the capital, near Galcad. In that incident, Somalia National Army forces fought heavily following an extended and intense attack by more than 100 al-Shabab fighters. The U.S. estimated that approximately 30 al-Shabab fighters were killed in that operation. The offensive by Somalia forces against al-Shabab has been the most significant in over a decade. Al-Shabab holds a much larger footprint in Somalia than the Islamic State. The post U.S. kills Bilal al-Sudani and 10 ISIS operatives in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo 10 argagixiso oo kale, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga Soomaaliya. Howlgalkan oo dhacay Arbacadii ayaa lagu beegsaday Bilal al-Sudani, oo u dhashay dalka Sudan islamarkaana kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah. “Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo bayaan soo saaray. Madaxweyne Joe Biden ayaa toddobaadkii tegay lagu wargeliyey qorshaha howlgalkan oo yimid kadib bilo la diyaarinayey. Waxa uu ansixintii ugu dambeysay ee howlgalka bixiyey toddobaadkan kadib markii ay ku taliyeen Austin iyo madaxa ciidamada Mareykanka Gen. Mark Milley. Al-Sudani, oo sanado badan ay isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay maalgelinta howlgallada Daacish ee Afrika iyo sidoo kale laanta Daacish ee Afghanistan ee ISIS-K, ayuu Austin yiri. Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannadkii hore tuhuntay in Al-Sudani uu si dhow ula shaqeeyay sarkaal kale oo ka tirsan Daacish, Abdella Hussein Abadigga, kaasi oo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro. Abadigga, oo maamuli jiray laba masaajid oo ku yaalla Koonfur Afrika, ayaa xilkaas u adeegsaday inuu lacago baad ah ka qaato xubnaha masaajidda. Al-Sudani waxa uu u arkay Abadigga taageere la aamini karo oo ka caawin kara taageerayaasha Daacish ee Koonfur Afrika in ay noqdaan kuwo si wanaagsan u abaabulan oo ay xubno cusub qortaan, sida ay sheegtay Waaxda Maaliyadda. Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed. Wuxuu ka caawiyay dagaalyahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden. Ma jiro dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay howlgalka, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagon-ka. Mid ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku lugta lahaa howlgalka ayaa waxaa qaniinay Ey militari, balse ma uusan soo gaarin dhaawac halis ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka. Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay markii hore damceen inay qabtaan Al-Sudani balse taasi ma aysan noqon “suurta-gal” intii uu howlgalka socday. The post Bilal al-Sudani oo lagu dilay howlgal dhulka ah oo ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Inuu madaxweyne hore kusoo laabto xukunka Soomaaliya waxay ahayd wax aan loo fadhin ama saadaal khilaafaysa diiwaankii soo jireenka ahaa. Laakiin maadama ay ugu dambeyn taas dhacday waxaa haddana timid dood ah muxuu madaxweynaha kusoo laabtay xafiiska ka dhigan doona bartilmaameedka koowaad. Jawaabta weydiintaas waqti badan ma qaadan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu far-waaweyn ku qoray bartilmaameedkiisa koowaad oo ah “waa in la tirtiro Al-Shabaab”. Kooxdan waa caqabada u weyn ee hortaagan Soomaaliya nabad ah, isku filan, caalamka uu maal-gashan karo oo dadkeenu dunida wax la qaybsan karaan. Markii uu madaxweyne Xasan Sheekh hadafkiisa koowaad ka dhigtay dagaalka Al-Shabaab, waxaa durba dadka arrimaha dowladda Soomaaliya la socda isweydiiyeen maadama dhaqaale jirin sidee dagaalka loo wadi karaa?. Dadka qaarkii waxay filayeen in Xasan Sheekh iyo dowladiisa marka hore dhaqaale raadis gali doonaan kadibna dagaal qaadi doonaan, laakiin Xasan fooda ayuu daray Al-Shabaab ayada oo akoonada faaruq yihiin, dowladduna ayna awoodin wax mushaar ka badan. Waxay dadka qaarkii u arkayeen qaris ka-tuurnimo ama in saadka uu dhex ku dhamaan doono, laakiin 70% Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud ayuu Xasan Sheekh ka eryay Al-Shabaab isaga oo aan caalamka ka helin wax dhaqaale ah. Xooga hub ah, farsamo iyo diyaaradaha wax duqeeya ayay saaxiibada caalamiga ah qaarkood ku kaalmeeyeen dagaalka socda. Dalal badan oo kab iyo kaalmo maaliyadeed siin jiray Soomaaliya ayaa lacagahoodii la noqday kadib markii Soomaaliya ay gashay hubanti la’aan doorasho 2021-kii iyo horaantii 2022-ka. Illaa haddana dalalka iyo hay’addaha caalamiga ah badankooda dib uma soo fasaxin dhaqaalahaas, illaa July 2023 ayay macquul tahay ayaa la leeyahay inuu garabka maaliyadeed ee dowladdu sidii hore kusoo laabto. Sidoo kale dhamaadka 2023 Soomaaliya waxay sugaysa in deynta laga cafiyo, taas oo iyaduna wax ka badali doonta heerka dhaqaalaha ee dowladda iyo guud ahaan dalka. Lacago la sheegay inay kasoo xaroodaan qaadka ka yimaada waddanka Kenya ayaa naloo xaqiijiyay in si joogta ah loogu adeegsado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo uu madaxweynaha amray in xagga dagaalka loo leexiyo. Haddaba in Xasan Sheekh uu dagaal aado iyada oo akoonada dowladda faaruq yihiin maxay ka dhigan tahay?. Dadka arrintaan lafa-guraya waxay ku tilmaamayaan garashada bartilmaameedka iyo go’aan geesinimo leh. Haddii aad ogtahay in Al-Shabaab yihiin cidda hortaagan nabadda iyo dhaqaalaha dalkaaga oo walibana ay iyagu dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin baadda ay gudaha ka aruursadaan majirto sabab aad u dhowrato kaalmo ajnabi ayay ku hadal qabsadeen dadka gorfeynaya go’aanka Xasan Sheekh ee ah in aan dhaqaale la’aan loo fariisan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale toos u weeraray dhaqaalihii kooxda Al-Shabaab, waxayna ahayd aragti kale oo xoojisay jabka kooxda. Dad badan oo xogagaal u ah xaalka hoose ee dowladda Soomaaliya waxay hadda ku qanceen in dagaalka Shabaab uu ubaahna kaliya madaxweyne ay daacad ka tahay in dhibaatada kooxdan laga dulqaado shacabka Soomaaliyeed oo rumeysan in aanay jirin waddo kale oo umadda iyo dowladooda u furan. The post Xasan Sheekh oo tallaabo geesinimo leh qaaday xilli ay akoonada DF faaruq yihiin appeared first on Caasimada Online.
  20. Artificial intelligence is here, and it’s coming for your job. So promising are the tool’s capabilities that Microsoft — amid laying off 10,000 people — has announced a “multiyear, multibillion dollar investment” ...... Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (Caasimada Online) – Somali Islamic Scholars ruled on Thursday that the ongoing war against the terrorist group Al-Shabab is considered a “Jihad,” and those who die in the fight against the group are considered “martyrs.” This decision was reached during a conference held in Mogadishu from January 23-26, 2023, where scholars discussed the religious legitimacy of Al-Shabab and Daesh and aimed to prevent the groups from interpreting Islam in their own way. The conference was attended by prominent Islamic scholars from across Somalia and around the world, who came together to address the issue of extremist groups such as Al-Shabab and Daesh, and their impact on Somali society. The scholars aimed to present a clear and united stance to prevent the groups from exploiting religious teachings to justify their actions. The conference also praised the President of Somalia for his efforts in the fight against Al-Shabab and Daesh. It urged the government to continue to work towards eliminating extremist ideologies and promoting the principles of Islam. The scholars recognized the importance of a united front in the fight against terrorism and the need for all sectors of society to come together to address the issue. Additionally, the conference deemed Al-Shabab, Daesh, Shia, and similar groups as enemies of the Islamic religion and the Somali nation. The scholars emphasized that these groups have no religious legitimacy and that their actions are not in line with the teachings of Islam. It was also agreed that it is not allowed to spread the ideas of these groups, as they are harmful to society. The press release from the conference states, “The Conference of Somali Islamic Scholars unanimously tells the Somali community that Al-Shabab and Daesh are Kharijite criminals whose blood is priceless and we all have a duty to fight them; Anyone who fights or dies in the war against the Kharijites is a martyr who is expected to enter the people that our Messenger, may his mercy and peace be upon him, said that they will be in Paradise.” The conference also agreed that dealing with these groups, in any form, such as giving livestock seeking justice from them, and hiding someone from them, is prohibited and against the good practice of Islam. The scholars urged the community to be vigilant and to report any suspicious activities to the authorities. One of the primary outcomes of the conference was also the condemnation of the recent act of a man who burned a Quran in public in Stockholm, Sweden. The scholars emphasized that such actions are disrespectful to the religion and harmful to the Muslim community. In conclusion, Somali Islamic scholars have taken a strong stance against extremist groups such as Al-Shabab and Daesh. They have made it clear that their actions are not in line with the teachings of Islam. The conference aimed to demonstrate that the Somali government’s fight against terrorism encompasses military and political strategies and religious and ideological efforts. The post Fight against Al-Shabab is Jihad, Somali Islamic Scholars ruled appeared first on Caasimada Online.
  22. PRESS RELEASE Feed Africa Summit: African Development Bank to commit $10 billion to make continent the breadbasket of the world Opening the summit, President Sall — who is also the African Union chairperson — said the time had come for the continent to feed itself Access Multimedia Content DAKAR, Senegal, January 26, 2023/ — The African Development Bank Group (www.AfDB.org), will commit $10 billion over the next five years to boost Africa’s efforts to end hunger and become a primary food provider for itself and the rest of the world. Bank Group President, Dr Akinwumi Adesina, announced Wednesday at the Dakar 2 Africa Food Summit in Diamniadio, east of the Senegalese capital of Dakar. Adesina called on more than 34 heads of state, 70 government ministers, the private sector, farmers, development partners, and corporate executives to work out compacts that would deliver food and agriculture transformation at scale across Africa. He encouraged them to take collective action to unlock the continent’s agricultural potential to become a global breadbasket. The Dakar 2 summit — under the theme Feed Africa: food sovereignty and resilience — takes place amid supply chain disruptions caused by the Covid-19 pandemic, climate change, Russia’s invasion of Ukraine. More than a thousand delegates and dignitaries attended, including the President of Ireland Michael D. Higgins. The Government of Senegal and the African Development Bank Group are co-hosting the summit, eight years after the inaugural Dakar 1 summit where the newly elected Adesina announced the Bank’s Feed Africa strategy. Opening the summit, President Sall — who is also the African Union chairperson — said the time had come for the continent to feed itself by adding value and stepping up the use of technology. Sall said: “From the farm to the plate, we need full food sovereignty, and we must increase land under cultivation and market access to enhance cross-border trade.” The Chairperson of the African Union Commission Moussa Faki Mahamat said the Dakar summit was timely and would provide innovative solutions to help Africa become less dependent on food imports. “Food sovereignty should be our new weapon of freedom,” Mahamat told the gathering. He urged development partners to work together within existing structures, such as Agenda 2063 and the African Continental Free Trade Area, for sustainable transformation. Mahamat commended the African Development Bank for rolling out transformative initiatives, including a $1.5 billion emergency food production facility in 2022 to help African countries avert a potential food crisis following Russia’s war in Ukraine. The President of Kenya, William Ruto, said, “It is a shame that 60 years after independence, we are gathered to talk about feeding ourselves. We can and we must do better.”The African Development Bank Group chief said: “Today over 283 million Africans go to bed hungry every day. This is not acceptable. No mother should ever have to struggle with rumbling of the stomach of a hungry child.” “We must raise the bar. We must raise our ambition. We must arise and say to ourselves: it is time to feed Africa. The timing is right, and the moment is now. Feed Africa; we must,” said Adesina. The bank head urged the leaders to turn political will into decisive actions to deliver food security for Africa, “We must strongly support farmers, especially smallholder farmers, majority of whom are women, and get more young people into agriculture. And we must take agriculture as a business, not a development activity, and boost support to the private sector.” President Higgins of Ireland said with Africa’s young population accounting for about 20% of the world’s young people, the continent had great potential. He said the rest of the world would look up to it in the future. “Let us make this century Africa’s Century, one which will see the continent become free from hunger,” Higgins said. In his message to the summit, United Nations Secretary-General Antonio Guterres acknowledged that Africa was currently facing the challenges of climate change and food insecurity, as the Russia-Ukraine war had caused the price of fertilizers to shoot up and made their supply difficult. He pledged the UN’s support to help Africa become a global food powerhouse. President Muhammadu Buhari of Nigeria said countries must offer more robust support for farmers, dedicate a chunk of the national budget to agriculture, and motivate youth and women to farm. Buhari said: “Feeding Africa is imperative. We must ensure we feed ourselves today, tomorrow, and well into the future.” The Nigerian president commended Dr. Adesina and the African Development Bank for rolling out special agro-industrial processing zones across the continent, including in Nigeria. He said: “Special agro-industrial processing zones are game changers for the structural development of the agriculture sectors. They will help us generate wealth, develop integrated infrastructure around special agro-processing zones, and add value.” During the three-day summit, private sector players are expected to commit to national food and agriculture delivery compacts, to drive policies, create structural reforms, and attract private sector investment. Central bank governors and finance ministers are expected to develop financing arrangements to implement the food and agriculture delivery compacts, in conjunction with agriculture ministers, private sector players, commercial banks, financial institutions, and multilateral partners and organisations About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 44 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  23. Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali cabinet made a significant change in leadership within the country’s police force on Thursday, appointing General Sulub Ahmed Firin as the new police commissioner, replacing the long-serving chief General Abdi Hassan Hijar. General Hijar, who hails from Puntland’s Sool region, has held the position since August 2019. The new chief, General Firin, is from Jubaland. The council’s appointment came following a recommendation from the Ministry of Internal Security to address the ongoing security challenges in Mogadishu. The replacement of the police chief comes as the security in the capital Mogadishu worsened over the past few weeks. Five civilians died when al-Shabab militants detonated a bomb and stormed the building where the mayor’s office is located. The security forces killed six members of the militants Al-Shabab who carried out the attack after six hours of a siege. Since the government led by President Hassan Sheikh Mohamud launched a campaign against al-Shabab in August, the group has increased its attacks as a demonstration of its strength. The mayor’s office is located in a heavily guarded area of Mogadishu. Al-Shabab claimed in an official statement that its bombers attacked the building, and then its fighters entered the building after killing the guards. The group, which has been fighting the government since 2006 with the goal of enforcing its own interpretation of Islamic law, frequently conducts bombings and armed assaults throughout the country. The new commander is tasked with tackling the threat posed by Al-Shabab, which has been facing increased pressure and recently carried out two attacks in the capital – one targeting the mayor’s office and another involving a mortar attack near the Presidential Palace. The post Somali cabinet dismisses police chief, appoints new one appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo laga soo saaray go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay culimada ku qeexeen “Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay “Shahiid”. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka kasoo baxay shirka culimada. WARMURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA CULIMADA SOOMAALIYEED Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaalada Muqdisho 23 – 26 Jannaayo 2023 ayaa waxaa si rasmi ah u furay 23 Jannaayo 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo shirka ka jeediyay khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlay arrimaha diinta iyo Dawladda iyo dagaalka ay dowladiisu oo shacabka garabsaneysa ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab isaga oo hoosta ka xariiqay sidii diinteenna suubBan looga ilaalin lahaa xadgudubyada ku dhisan aragtiyo gurracan iyo fasiraado aan meelna kasoo gelin diinta Islaamka. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxaa taabbagelisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee X.F.S. oo fulinaysay ballanqaadka siyaasadeed iyo aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka fikirka Khawaarijta ee kooxaha Argagixisada isaga oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo mideysan in ay caddeeyaan waxa diinta Islaamku ka qabto Khawaarijta iyo fikirkooda huwan magaca diinta Islaamka. Shirka waxaa ka soo qeybgalay Culimada Soomaaliyeed oo ka kala timid daafaha dunida, caasimadda Muqdisho, iyo gobollada Dalka iyaga oo si mas’uuliyada ku dheehan tahay uga soo jawaabay casumaad rasmi ah ee ay u dirtay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee X.F.S. Shirweynaha culimada waxa u ku saabsanaa ujeedooyin waaweyn: In kooxaha khawaarijta oo ay ugu horreeyaan Khawaarijta Alshabaab iyo Daacish aysan lahayn wax sharciyad diineed ah iyada oo la burinayo fasiraadaha gurracan ee aan salka laheyn diinteena Islaamka; Sharciyad-siinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka jihaadka ah ee ay kula jirto Khawaarijta Alshabaab iyo Daacish kuwaas cadow ku ah diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Cadeynta in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka; Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed : Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu soo gebogebooyey maanta oo ay taariikhdu tahay 26 Jannaayo 2023 iyaga oo soo saaray qoddobada hoos ku qoran: Mahadnaq iyo Duco Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu uga mahadcelinayaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumada DAN QARAN oo fulineysa ballanqaadkii siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, abaabulka iyo taabbagelinta shirkan qiimaha badan oo martigeliyay qeybaha kala duwan ee Culimada Soomaaliyeed oo kala yimid daafaha dunida, Caasimadda Muqdisho, iyo dhammaan gobollada Dalka. Shirweynaha wuxuu si gaar ah ugu duceeyay culimadii la laayay 23 Jannaayo 1975 isaga oo aad uga xun in Dawladdii xilligaas joogtay ay ku dhiirratay tallaabo abuurtay kalsooni-darro iyo kala shaki soo kala dhexgalay Dawladda iyo Culimada. Shirku isaga oo xusaya shuhadadaasi wuxuu qabsan doonaa shir sannadeedka Culimada Soomaaliyeed maalinta 23 Jannaayo ee sannad kasta. Cambaareyn 1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu erayada ugu adag ku cambaareynaa falkii foosha xumaa ee uu nin xagjir ah ku gubay 21kii Jannayo 2023 meel fagaaro ah ee magaalada Stockholm ee dalka Swedan Kitaabka Qur’aanka Kariim ah iyada oo booliska dalkaasi goobjoog yihiin. Bogaadin Shirweynaha wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha J.F.S. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee la yimaada aragti bisil oo dib u heshiisiinaya Dawladda, Diinta iyo Culimada isaga oo ka tacsiyeeyay dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu laalay culimada 23 Jannaayo 1975. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqayaa in uu gebi ahaanba uu meesha ka baxay shakigii iyo kalsooni-darradii kala dhex taallay Dawladda, Diinta iyo Culimada shirkaan ka hor. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dadaalka uu geliyay la dagaallanka Khawaarijta (Alshabaab iyo Daacish) wuxuuna ku adkeynayaa Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-nolaanshaha iyada oo la kala aragti duwan yahay. Go’aannada Shirweynaha: Shirweynaha wuxuu isku raacay ujeeddooyinkii shirka ka dib markii uu yeeshay doodo iyo aragti wadaag mirodhalay oo dib loogu milicsaday axkaamta iyo mabaadii’da diinta Islaamka iyo ujeeddooyinkeeda waaweyn, qoddobada soo socda; 1. Shirweynaha ayaa isla qaatay in Culimada Soomaaliyeed ay si walaaltinimo & isku duubni ah ugu adeegi doonaan diinta & Ummadda, arrimaha la isku khilaafsan yahayna loo xallinayo si cilmi & caddaalad ah. 2. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Alshabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed. 3. Shirweynaha wuxuu isku raacay in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaartooda gurracan ee kooxaha kor ku xusan waana xaaraan in lagu taageero xoog, xoolo ama xog ama cod midna. 4. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Alshabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay: ُطوبى ِل َم ْن قَتَلَھم وقَتَلوه 5. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinteennu na fartay: 6. Shirweynaha wuxuu ku isku raacay in qofkii la wadaaga Dawladda xogta Khawaarijta uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. 7. Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah. 8. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddeynayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla markaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta. 9. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqonaya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbannaan gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday. 10. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo kooxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Alshabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysiiya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed. 11. Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonaya mad-habka Shaaficiga kaas oo Culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado. 12. Shirweynaha, isaga oo ka duulaya in Ummadda Soomaaliyeed ay af, dhaqan, diinba ka mideysan yihiin, ayuu xoojinayaa in Islaamka ay Ummadda Soomaaliyeed ku dhaqanto uu mid yahay iyada oo magacyada kala duwan yahay ee Culimadu isku aqoonsadaan ay yihiin sida magacyada uu waalidku ula baxo ilmihiisa isla markaasna wixii lagu kala aragti duwan yahay la isku ixtiraamayo loogana doodi karo si cilmiyeysan oo aan midnimada waxba u dhibeynin. 13. Shirweynaha, isaga oo dareensan in dawlad-dhiska Dalka uu ragaadiyay khilaaf siyaasadeed, ayuu Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeynayaa in uu xil gaar iska saaro dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasadeedee Dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystiran. 14. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Culimada Soomaaliyeed ay sannad kasta yeeshaan shir sannadeed looga arrinsanayo arrimaha diinta ee Dalka. Baaqa Dawladda 1. Shirweynaha, isaga oo xeerinaya baahida loo qabo dardargelinta arrimaha diinta iyo awqaafta, wuxuu ugu baaqayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay kordhiso miisaaniyadda arrimaha diinta iyo awqaafta si loo taabbageliyo arrimaha hortebinta u leh dhowrista iyo daryeelka Diinta Islaamka. 2. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay kusoo kordhiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kulliyad u gaar ah barashada culuumta Shareecada Islaamka si loo xaqiijiyo cilmibaarisyo la jaanqaadi kara dowladnimada casriga ah. 3. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in dib-u-eegis lagu sameeyo manhajka waxbarashada Dalka iyada oo lagu kordhiyo qeybo lagu xoojinaya fahamka dawladnimada lagana saarayo fahamka iyo fasiraadda qalloocan. 4. Shirweynaha wuxuu kula dardaamayaa Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay isku kaashadaan wanaagga iyo faafinta dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka. 5. Shirweynaha wuxuu kula dardarmaayaa dowlada in ay hagaajiso garsoorka Dalka iyada oo xoojineysa la dagaallanka anshax xumada, maandooriyaha iyo dembiyada lidka ku ah haweenka iyo carruurta. 6. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in warfaafinta Dawladda ay kaalin mug leh laga siiyo barnaamijyada ay Culimadu ugu gudbinayaan shacabka fahamka toosasn ee diinta iyo ku dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka. 7. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in ay dib u soo nooleyso afka Carabiga oo ah luqadda labaad ee Dalka iyada oo xoojineysa kaalinteeda waxbarashada Dalka iyo isticmaalka rasmiga ah ee xafiisyada Dawladda. 8. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa Dawladda in ay u dhaqaaqdo diyaarinta hannaankii lagu dhisi lahaa Hay’adda Awqaafta iyo Hay’adda Zakada Soomaaliyeed kuwaas oo fududeynaya in dib loo soo nooleeyo nidaamkii ay bushada muslimka isku caawin jirtay laguna hirgelin jiray mashaariic badan oo horumarineed. Baaqa Siyaasiyiinta Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa siyaasiyiinta in la wada ilaaliyo xalisoonnida Dalka iyo midnimada iyada meel looga soo wada jeesanayo laguna gacansiinayo Dawladda dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah. Shirweynaha wuxuu ugu baaqayaa siyaasi kasta oo Ummadda xil u haya ama doonaya in uu xil u qabto in uu Alle uga baqo xilkaasi isaga oo shacabka ugu adeegaya si daacad ah oo Alle ka cabsi ku dheehan yahay. Baaqa Ciidamada Qalabka Sida Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay sii labalaabaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka jihaadka ah ee Ummadda lagu badbaadinayo iyaga oo aaminsan in ay yihiin kuwa ku taagan wadda xaqa ah oo haddii ay ku dhintaan ay noqonayaan shahiid dadkiisa iyo diintiisa awgeed u waayey naftiisa. Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay salaadda iyo Alle ku xirnaanta u kaashadaan dagaalka xaqa ah ee ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah iyaga oo salaadda iyo cibaadada kale ku ilaalinaya waqtiga uu Alle waajibiyay. Shirweynaha wuxuu xusiisinayaa Ciidamada Qalabka Sida in ay u dhaarteen ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed waxaana waajib ku ah in ay waajibaadkooda gutaan iyaga oo u turaya dadka shacabka ah isla markaasna ilaalinaya xuquuqda iyo karaamada ay leeyihiin. Baaqa Ganacsatada Soomaaliyeed 1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay Dawladda ku gacansiiyaan gudashada waajibaadkeeda Qaranka iyaga oo gudanaya waajibaadka ay Dawladdu ka rabto kuna kaalmeeyaan dhaqaale marka ay uga soo baahato. Baaqa Shacabka 1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku boorrinayaa Ummadda Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhammaan dhaqamada xun sida anshax xumada, maandooriyaasha, qabyaaladda, takoorka, isxaqiraada, haybsooca iyo colaadaha beeleysan IWM. 2. Shirweynaha wuxuu ku boorrinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyaga oo ku gacansiinaya Dawladdooda sidii Dalka oo dhan looga xoreyn lahaa kooxaha Khawaarijta ah. 3. Shirweynaha wuxuu ku waaninayaa muwaadiniinta ay ugu horreeyaan dhallinyarada iyo siyaasiyiinta shacab ah ee isticmaala Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook, TikTok iyo kuwa la mid ah in ay ilaaliyaan anshaxa guud ee Islaamka kana fogaadaan aflagaadda, cayda, been-abuurka, sumcad-dilka, baahinta sawirada iyo muuqaallada qaawan ama la been-abuuray iyo waxyaabaha kale ee aysan oggoleyn diinta Islaamka iyaga oo ku raadinaya soo- jiidashada dadka, baad lacag looga doonayo siyaasiyiinta ama ganacsatada, ama shakhsiyaad kale oo magac leh. Gebogebo Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku baaqayaa in dhammaan Alle loo wada noqdo Dalkana Alle loo baryo. Hala badiyo baryada Ilaahay hana lagu wada dadaalo in uu Alle nooga dhigo Dalka mid xasilloon oo barwaaqo ah. The post DEG DEG: Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii culimada appeared first on Caasimada Online.