-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in toddobaadkan ay soo gaari doonaan madaxda qaar kamid ah dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wafdi heer caalami ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dalka imaneysa uu ka mid yahay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, inkasta oo Eritrea aysan ciidamo ka joogin Soomaaliya, balse ay tababartay 5,000 oo askar Soomaali ah oo qaarkood ay weli dalkaas ku sugan yihiin. Inkasta oo si rasmi ah loo ogayn qorshaha ay wafuudan culus u imaanayaan magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xilli guul wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ay kal hore ku dhawaaqday dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Soomaaliya ayaa waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika. Madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee imanaya Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kusoo aadayaan xilli ay si weyn su’aallo u dul taagan yihiin ciidamadooda iyo howl-galka ay qeybta ka yihiin. Howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya. Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen. Soomaaliya waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya. HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan. Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan. Waxaa si weyn isha loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka. The post Madax iyo wafdi caalami ah oo kusoo wajahan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Amaanka ee Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa Hargeisa ku xidhay weriye Naciima Cabdiraxman Yuusuf oo ah Suxufiyad madax-banaan, mudo 5 sanno ahna ka hawlgalaysay Telefishanka SOMNEWS TV. Suxufiyad Naciima ayaa la xaqiijiyey inay ku xidhan tahay xarunta Danbi-baadhista ee Hargeisa (C.I.D), ilaa hada lama oga sababaha loo xidhey. Naciima oo ah Hooyo haysata 4 Caruur ah ayaa laga soo xidhey Hoygii ay Hargeisa ka deganayd, goor habeenimo ah iyadoo aan haysan wax ogeysiis ah, sida ay xaqiiyeen qaar ka mid ah eheladeedu. Xadhiga Niciima, ayaa ku soo beegmaya xili ay xarunta C.I.D-da ee Hargeisa ay ku xidhan yihiin laba Suxufi oo ka hawlgalayey Telefishanka SOMNEWS TV, kuwaas oo maalmo ku siman todobaad u xidhan bilaa sabab, kuwaas oo kala ah Weriye Mohamed Koronto iyo Sawir-qaadey Mahdi Siyaad. SOMNEWS TV. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo goordhoweyd warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah. Howl-galkan ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale. Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howl-gal billowday shalay oo socdana illaa hadda lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay muujinayaan qiimeyn hordhac ah oo ay dowladda sameeysay, sida uu sheegay. Sidoo kale waxa uu sheegay in goobtaas lagu dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Howl-galka wuxuu si gaar ah uga dhacay goob weyn oo dadka gobolkaasi si weyn u yaqaanan Khawaarijtana ula baxeen Warta-Beder. Khawaarijta waxay goobtaas kusoo aruuriyeen koox maleeshiyaad ah oo dhowr boqol gaaraya oo u diyaarinayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed waxyeelana ugu geystaan,” ayuu yiri. Xubnaha la laayay ayaa waxa ku jira horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo la daba socday, kuwaasi oo uu ka magacaabay wasiirku horjooge magaciisa ku sheegay Salmaan Dheere oo Al-Shabaab u qaabilsana howl-galada Xeebaha. Howl-galka intii uu socday ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in la khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Macallin Salaxeey oo isaguna Shabaab u qaabilsana weerarada ay ku qaadan degmooyinka Awdheegle, Qoryoolay iyo degmada Janaale deegaano hoostaga. Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howl-galkaan lagu khaarajiyay horjooge kale oo lagu magacaabo Macallin Xaashi, kaasi oo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Jabhadaha ee ka howl-gala gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa kale oo la burburiyay kayd weyn oo hub, oo halkaasi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda gubanaya. Sidoo kale waxa la burburiyay gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo saanad iyo waxyaabaha qarxa u isticmaali jireen. The post Macallin Xaashi, Salaxeey, Salmaan Dheere iyo 136 kale oo laga dilay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mahmoud announced that the federal government would publicly reveal millions of dollars of funds that al-Shabaab had parked in bank accounts that the government has closed. Source: Hiiraan Online
-
Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kale oo laba askar yihiin waa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degaanka Kala-bayr ee Gobolka Bari. Dhaawacyada oo sida la xaqiijinayo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso. Xogaha kala duwan ee laga helayo degaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay goob meherad ah uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso. Wararku waxay sheegayaan in qaraxaas oo aysan weli jirin cid sheegatay uu sidoo kale sababay dab ka kacay goobta. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degaanka Kala-bayr ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaqday in shaqadii laga joojiyay dhamaan warbaahinta laga leeyahay dalka dibadiisa ee aan wax fasax ah ka haysan wakaalada maamulka warbaahinta. Qoraal kasoo baxay Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya (Ethiopian Media Authority) kadib waxa uu maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ku dhawaaqay in illaa 14 telefishan oo kuwa Soomaalida ah aysan kasii shaqeyn doonin dalkaasi. “Dhamaan warbaahinta kala duwan ee laga leeyahay dalka dibaddiisa ee raba inay ka dhaq-dhaqaaqaan gudaha dalka Itooboya, waa inay fasax ka haystaan wakaaladdan, daba-gal badan oo aan samaynay waxaan soo ogaanay inay deegaanka Soomaalida ka shaqeeyaan warbaahino laga leeyahay dalka dibaddiisa, kuwaasi oo wax fasax ah aan ka haysan wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday wakaaladda. Xafiiska Warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka duulaya warqaddaas heer federal kasoo baxday ayaa waxa uu shaqada ka joojiya telefishanada kala ah; MM TV, Universal TV, Horyaal TV, Eryal TV, Kalsan TV, CBA TV, Horn Cable TV, Star TV, RTN TV, STN TV, Goobjoog TV, SAAB TV, Sahan TV, Five TV iyo BBC Somali. “Waxaa dhamaan laamaha amniga ee DDS lagu wargalinayaa in ay warbaahinta dalka dibadiisa laga leeyahay iyo wakiila-wareedyadooda ee ku xusan lifaaqan ee sida sharci darada ah uga shaqeeya DDS ay ka qaadaan talaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida. Warbaahintan shaqada laga joojiyay ayaa fasax kumeel-gaar ah ka haystay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen maamulka qaar kamid ah telefishanada lagu sameeyay shaqo joojinta. Arrinta ayaa sidoo kale timid xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta ka deyrinaysay xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo xukuumadda deegaanka Soomaalida. Si kastaba, wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ayaa ah wakaaladda kaliya ee bixisa ogolaanshaha ay warbaahin dibadda laga leeyahay ay kaga howl-gali karto deegaanada dalkaasi. The post Ethiopia oo qaaday tallaabo ka dhan ah telefishanada Soomaalida iyo BBC + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda. Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu Fiqi su’aallo ka keenay baaqa uu Cali Dheere u diray gacansatada Soomaaliyeed, maadaama uu hadalkiisa ku sheegay in la boobi rabo hantidooda. ‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Sidoo kale wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka aqriso:- Waxaan xalay daawaday muuqaal uu iska duubay Cali Khawaarij oo xiran dharkii dawacadii wax wacdinaysay oo kale asagoo iska dhigaya nin u damqaya ganacsatada Soomaaliyeed, Mararka qaarna cataabaya asagoo ilgeeriyaad ka muuqdo! Cali Khawaarij hoteeladii iyo guryihii uu marka uu burburiyo “Alxamdulillaah” dhihi jirey sow ma ahayn hanti shacab Soomaaliyeed, xoolihii uu zakawaatka beenta ah uu ka qaadi jirey, baabuurtii shacabka ee ay gubeen ama dhaceen, guryaha ay miinooyinka ku xireen baad ay bixin waayeen awgeed iyo boqolaal gardarrooyin kale oo ay hantida umadda ku dhacayaan kuwaasoo dhami sow ma ahayn hanti umadeed. Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.! Si kastaba Cali Khawaarij calaacalkiisa iyo tabar-darradiisa waxaan leenahay Alxamdulillaah meeshii shacabku kula rabay ayaad ku socotaa!.! The post Wasiir FIQI oo si kulul ugu jawaabay CALI DHEERE appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Gobollada Dhexe ee dalka oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo dhul weyn looga qasabaday kooxda, ayada oo ciidamada huwanta ay qabsadeen magaalooyin horleh. Galmudug waxa ay shaaca ka qaaday in haatan xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% deegaanadeeda, gaar ahaan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Galmudug sheegeen in haatan ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay Al-Shabaab uga fogeyn lahaayeen agagaarka degmada Xarardheere, isla-markaana ay howlgallo ka wadaan halkaasi, si looga hortago weerarada kooxda. Dhanka kale guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi (Cilmi-Ganey) oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socdo Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in Xarardheere kadib qorshahooda uu yahay degmada Ceelbuur oo muddo ku jirto gacanta Al-Shabaab. Ceelbuur ayaa ah degmada ugu weyn ee ay haatan xoogaga Al-Shabaab kaga sugan yihiin gudaha gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, maadaama inta badan deegaanada gobolkaas laga saaray, waxaana ugu dambeeyey degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad. Gobolkan ayaa sidoo kale kamid ahaa meelaha ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, balse waxaa gaaray kacdoonka shacab ee ka socdo dalka, kaas oo ay iska kaashanayana ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa dadka deegaanka. Galmudug waa maamul goboleedkii labaad ee guul weyn ka gaara dagaalka Al-Shabaab, waxaana ka horreeyay HirShabelle oo inta badan xoreysay deegaanadeeda. Dhanka kale howlgalladan ayaa la filayaa inay ku fidaan gobollada kale, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu haatan ka socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday oo ah abid kii ugu ballaarnaa, waxaana looga qabsaday saldhigyo muhiim ah. The post Muxuu yahay qorshaha Galmudug kadib Xarardheerere? appeared first on Caasimada Online.
-
MINNEAPOLIS — In Somalia, al-Qaida-affiliated militant group al-Shabab has been on a gradual retreat for months, and this could be the beginning of their end, experts told VOA. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hamza Abdi Barre appointed Hamza Adan Hadow as the Permanent Secretary of the federal Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Canada ayaa wariye Amira Elghawaby u magacawday ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Islaam naceybka, kadib soo noqnoqoshada falalka liddiga ku ah bulshada Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas. Amira Elghawaby ayaa ahayd wariye u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxaana ay mudda dheer ka shaqeyneysay warbaahinta. Haweeneydaan ayaa Canada u qaabilsanaan doonta tacadiyada iyo falalka amniga ka baxsan ee ay la kulmaan muslimiinta ku nool Canada. Dalka Canada ayaa sanadkii 2021 waxaa ka dhacay fal ay ka argagaxeen shacabka dalkaas, kadib markii nin gaari wata uu weeraray muslimiin badan, taas oo sababtay dhimashada afar qof iyo dhaawaca 9 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Galmudug's state minister for civil Aviation, Farhiyo Abdi Wasuge, was shot dead in Mogadishu by unknown gunmen on Saturday evening. Source: Hiiraan Online
-
Mucaaradka Jabuuti oo kulan ay ku qabsan lahaayeen Guri Xukumada Geelle ka hor istaagtay Bisha February ee sanadkan, ayaa lagu wadaa in doorashada baarlamaanka ay ka dhacdo dalka Jabuuti. Xisbi kamid ah kuwa mucaaradka oo lagu magacaabo MRD, ayaa waxa uu sheegay in Jimcihii laga horjoogsaday kulan ay ku qabsanayeen guri ku yaalla xaafadda Balbala ee caasimadda Jabuuti. Mucaaradka Jabuuti ayaa intooda badan qaadacay doorashada baarlamaanka, iyo tii ka horreysay ee 2021-kii. Doorashadani, ayaa waxaa ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo in muddo ah haya xilka madaxweynenimada dalka Jabuuti. Qaran News
-
Dowlada Canada oo magacawday ergey u qaabilsan la dagaalanka Islaam naceybka Dhibaatooyinka faquuqa ee Canada Dowladda Canada, ayaa magacawday ergay u qaabilsan la dagaallanka Islaam naceybka iyo fuquuqa ay bulshooyinka Muslimiinta ah kula kulmaan dalkaas. Amira Elghawaby, oo gabar weriye ah isla markaana u ololeysa xuquuqda aadanaha, ayaa loo magacaabay xilkaas. Haweeneydani, ayaa dowladda Canada kala talin doonta arrimaha khuseeya Muslimiinta iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan. Sanadkii 2021-kii, shacabka Canada, ayaa ka argagaxay weerar uu nin gaari waday ku qaaday qoys Muslimiin ah, isagoo gaariga jiirsiiyay afar kamid ah, isla markaana dhaawacay wiil 9 jir ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhowaan heshiiska lasoo galay kooxda Shabaab kadib markii ay ugu tageen degmada Xarardheere, kahor inta aysan soo gelin gacanta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Odayaashan oo kala ah:-Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado, ayaga oo markaas uun ka yimid dhinaca Xarardheere oo ah halka uu heshiiska ka dhacay. Maxkamadeyntooda ayaa soo martay heerar kala duwan, waxayna horay maxkamadda uga sheegeen in heshiiska ay lasoo galeen Al-Shabaab “uga dan lahaayeen furashada naftooda iyo ehelkooda” hase yeeshe aysan ka aheyn wada-shaqeyn dhex-marta iyaga iyo kooxda. Sidoo kale dhegeysiga dacwadoodii ugu dambaysay ee kiiska Odayaasha ayaa dhacday 18-kii bishan waxayna ku doodayeen in reer ay wakiil ka ahaayeen. Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ka hor sheegay in saddexdaan Oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab. Intaas kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta go’aanka ka dambeysta ku dhawaaqday ayaa saddexda Oday ku riddaymin 5 sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale il ku heynta Ciidamada Booliska, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqooda. Odayaasha ayaa sidoo kale heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan, haddii aysan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada. Arrinta Odayaasha ayaa kasii dartay markii ay kooxda Al-Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay kula galeen magaca Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana ku qornaa inay ku heshiiyeen in Beesha ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka. Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay odayaashii lasoo galay heshiiska Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa uga digay bangiyada iyo shirkadaha ganacsi iney dowladda la wadaagaan xogta hantida macaamiishooda, isagoo sheegay in cidii falkaasi ku dhaqaaqda ay tallaabo ka qaadi doonaan. Cali Dheere oo fariin muuqaal ah soo diray ayaa sheegay in Bangiyada iyo shirkadaha looga baahan yahay iney ilaaliyaan hantida dadka wax u dhiibtay, isagoo ka digay cawaaqibka arrintan ka dhalan kara. “Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan” ayuu yidhi Afhayeenka Shabaab Cali Dheere. Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa dhanka kale ka hadlay hindise Sharciyeedkii Cunaqabateynta Maaliyeadeed ee cayiman ee uu dhawaan asnixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo qiray in hadafka laga leeyahay uu yahay sidii Mareykanka ay ula wareegi lahaayeen hantida ummadda Soomaaliya. “Waa qorshe ay dowladda Mareykanka wax badan kasoo shaqaysay, una diyaarsatay dowladdii u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawlgeli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego. Waxaad ogtihiin in Mareykanka uu hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay oo waqtigaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay qalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday” ayuu yidhi Afhayeenka Shabaab Cali Dheere. Kooxda Shabaab ayaa la rumeysan yahay iney u adkeysan weysay dagaalka dhanka Maaliyada ee dowladda ku heyso kooxdaasi, iyadoo dhawaan la xiray 250 Akoon iyo 70 Number oo lacago ugu jiray dad la tuhunsan yahay iney Shabaab yihiin Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saaka lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh. Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyey guri uu dagan yahay C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkenley, kaas oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaahay. Kooxo hubeysan ayaa lagu warramayaa in illaa laba bambo ay ku dhufteen guriga guddoomiye Shaarkey oo xilligaas ku sugnaa goobta isaga iyo askar ilaali u aheyd, waxaana la soo wariyay inay ka bad-badeen weerarkaasi, marka laga tego burburka guriga. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan bambaano uu ku dhintay wiil yar oo 14 sano jir ahaa isla-markaana qoyskiisa ay daris la yihiin mas’uulka la weeraray. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana howlgallo kooban sameeyay ciidanka ilaalada ee guddoomiyaha arrimaha bulshada degmadaas, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga ay kooxda Al-Shabaab ku heyso mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii u dambeeyay. Xalay ayey aheyd weerar loo adeegsaday qarax miino oo lalala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka ee dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana aad loo xasuustaa weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir. The post Weerar lagu qaaday guriga mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Tirada Dadka Qabowga Ugu Dhimanaya Afgaanistaan Oo Korodhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sarkaal ka tirsan ururka Taalibaan ayaa sheegay in in ka badan 160 qof haatan la ogyahay inay u dhinteen cimillada qabow ee adag ee ku dhufatay waddanka Afgaanistaan. Bayaan muuqaal ah oo uu soo duubay ayuu Cabduraxmaan Saahid oo ka tirsan wasaaradda maareynta musiibooyinka, ku sheegay in dadku ay sababsadeen siyaabo isugu jira daadad soo rogmoday, dab kacay iyo gaaska guryaha lagu kulayliyo oo ku qubtay guryahooda. Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay in in ka badan kala badh dadka Afgaanistaan ay gaajo wajahayaan. Hay’adaha samafalka ee shisheeye ayaa hoos aad ugu dhacay tan iyo markii Taalibaan ay awoodda dalkaasi la wareegeen bishii Agoosto ee 2021-kii. Bishii la soo dhaafay ururka Taalibaan ayaa meelmariyay sharci adag oo haweenka Afgaanistaan ka mamnuucaya inay u shaqo-tagaan hay’adaha bini’aadamka u gargaara. Source
