Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qudus (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta. Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza. Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeeray “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka. Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.” “Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yiraahdeen booliska. Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska. Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii. Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel. Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.” Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel. The post Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi oo ka hadashay dagaalka Al-Shabaab ayaa iftiimisay in dhibaatada Shabaab aysan ku koobneyn dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigeyso Jiilalka soo socda. “Al-Shabaab waxay 15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab jartay mallaayiin geed oo ay dhuxul u bedeleen si ay uga ganacsadaan, una dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maal-geliyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzoumi. Waxay sheegtay in arrintaan ay ku kacday Al-Shabaab ay dhul badan ka dhigtay lama degaan, kuwaasi oo markii hore ahaa kaymo iyo dhul-beereed. “Tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore ahaa Keymo, Dhul-daaqsin iyo Dhul-beereed, laf-dhabarna u ahaa wax soo saar dalka.” Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dadka iyo deegaanka. Al-Shabaab oo sanado badan dhibaatooyin kala duwan ugeystay bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda wuxuu dagaal xoogan kaga socdo qeybo badan oo dalka, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post Wasiir Khadiija oo farta ku fiiqday dhibaato kale oo Al-Shabaab ku hayso dalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Dakar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo kulan gaar ah magaalada Dakar ee dalka Senegal kula yeeshay Wasiirka Maaaliyadda dowlada Somalia ayaa ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen deyn cafinta. Ugu horreyn wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Dr. Akinwumi Adesina warbixin ka siiyay xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliyam horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sidoo kale kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado gudaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn dowladda dederaalka Soomaaliya ka sameysay. Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw, taas oo fursad u siineyso helida maal-gashi caalami ah. Dhankiisa Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo ka hadlay madasha ayaa ku bogaadiyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka. Dr. Akinwumi Adesinaa ayaa shaaciyay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw. Madaxweynaha ayaa intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan. Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka laga wada cafiyo deymaha waxay u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda. The post Bangiga Afrika oo hal arrin ku amaanay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. Jerusalem (Caasimada Online) – A Palestinian gunman opened fire outside a synagogue in East Jerusalem, killing seven people and injuring three others on Friday night. The attack, which occurred during the observance of the Jewish Sabbath, has been deemed the deadliest attack on Israelis in years and has raised concerns of potential further bloodshed. The shooting has also posed an early challenge for Israel’s new right-wing government, which is dominated by ultranationalists who have advocated for a hard line against Palestinian violence. Israel’s police chief Kobi Shabtai called the shooting “one of the worst attacks we have encountered in recent years.” It also fell on International Holocaust Remembrance Day. “As a result of the terror attack, seven civilians were pronounced dead, and three additional civilians were injured,” police said. In response to the attack, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu held a security assessment and announced immediate actions. He plans to convene his Security Cabinet on Saturday night to discuss further response. Though he did not elaborate on what these actions may be, he emphasized that Israel would act with “determination and composure.” He also called on the public not to take matters into their own hands. The United States issued a statement condemning the attack and expressing condolences for the loss of life. White House Press Secretary Karine Jean-Pierre stated that the U.S. would extend full support to the government and people of Israel. Israeli police identified the attacker as a 21-year-old East Jerusalem resident who appeared to have acted alone. The police chief promised an “aggressive and significant” effort to track down anyone who may have assisted the shooter. The attack has prompted Defense Minister Yoav Gallant to instruct security officials to assist police and strengthen defenses near Jerusalem and Jewish settlements in the occupied West Bank. The attack also led to celebrations in both the occupied West Bank and Gaza Strip, where people fired guns into the air, honked horns, and distributed sweets. This has escalated tensions that were already heightened following a military raid in the West Bank town of Jenin on Thursday, which resulted in the deaths of nine people, including at least seven militants and a 61-year-old woman. The raid was the deadliest in the West Bank in two decades. The attack threatens to trigger a tough response from Israel and has cast a shadow over U.S. Secretary of State Antony Blicken’s visit to the region. SOURCE: NEWS AGENCIES The post Palestinian gunman kills 7 in East Jerusalem shooting appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn dalka Soomaaliya uguna dadka badan ayaa dadka yaqaana sida loo dego waxay u kala qeybiyaan ama u kala tilmaamaan waqooyi iyo koonfur, tilmaantaas waxaa lagu saleeyaa qadkii cagaarnaa ee beri kala qeybi jiray Muqdisho. Hadda waxaa timid su’aal ah maxay Muqdisho uga koreysaa koonfur oo waqooyi ay u maalgasha la’yihiin dadka dega oo aan ka dhaqaale yareyn qabaa’ilka dega dhanka koonfureed ee magaalada. Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa warbixin ka diyaariyey arrintaan, isagoo isku maray koonfurta iyo waqooyiga caasimadda Muqdisho, weliba xilli habeen ah. Weriyaha ayaa la kulmay ganacsato iyo gaadiidley, wuxuu weydiiyey hanaanka ay u shaqeeyaan, warbixintaan waxaa soo galaya arrimo quseeya amniga oo dadka reerv Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan. Isgoysyada KM 4, Dabka, Jubba, Xeebta Liido iyo goobo kale ayuu socod ku marayaa weriyaha diyaariyey warbixintaan oo soo bandhigeysa magaalada oo qeyb ka densan, qeybna aan laga hoyan. Weriye Xuseen, wuxuu la kulmayaa oo istaajinayaa dhalinyaro wada mooto Bajaaj, waa xilli habeen ah, wuxuu ka dalbanayaa in ay geeyaan Kaaraan, balse wuxuu kala kulmayaa diidmo adag, iyagoo u sheegaya inay ka baqayaan tuugo.’ Sidoo kale goobaha uu Bajaaj-leyda qaar ka dalbaday inay geeyaan waxaa ka mid ah Carafaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse waa ay ka cudur-daaranayaan, iyagoo si cad ugu sheegaya inay ka baqayaan in tuugo dhibaateyso. In kastoo Muqdisho aysan kala ammaan wanaagsaneyn oo degmo kasta ay tuugadu dhac ka geysato, hadana waxaa jira degmooyin aad looga baqo, kuwaas oo maamullada ka jira aysan xil iska saarin inay wax ka bedelaan caqabadaha amni ee bulshadu ay dhibanaha u tahay. Hoos ka daawo warbixinta The post Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta? appeared first on Caasimada Online.
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle. Dadkaan ayaa maanta laga afduubtay deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow oo hoos taga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanadaan waxay u dhowyihiin wabiga Shabeelle. Kooxda afduubatay dadkaas waxaa la sheegay inay ka soo talaabeen wabiga Shabeelle, waxaana dadkaan intooda badan laga watay guryahooda. Dadka la afduubtay oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraley, waxayna Al-Shabaab la aadeen dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, maadaama uu gobolkaas kala baro wabiga Shabeelle oo bari iyo galbeed u kala qeybiya. Al-Shabaab ayaa toos u ugaarsata dadka u dhashay beesha Xawaadle oo dagaal adag la gashay kooxda, waxayna isugu dartaa dil iyo afduub, si beesha loogu cadaadiyo inay ka baxdo dagaalka Al-Shabaab. Inta badan dhulka ay gobolka Hiiraan ka degto beesha Xawaadle ayaa laga saaray Al-Shabaab, balse weli kooxdu waxay wadaa cadaadis ka dhan ah beesha, si dagaalka kala dhexeeya ay xal ugu hesho. Tobanaan qof oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa u afduuban Al-Shabaab, dadkaas intooda badan waxaa la xaqiijiyey in lagu haayo deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab ay weli ku xooggan yihiin. Beesha Xawaadle ayaa furo u noqotay gulufka dagaal ee dalka uga socda Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo in sanado ama bilo kadib uu horseedi doono in saaxada laga tir-tiro kooxda Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo mar kale afduubatay dad isku beel ah appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku soo qaatay dalka Eritrea. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, markii ay soo dhameystaan tababarooda, si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen. Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, isla markaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda. Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii. Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo walwalkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab. Kumanaan ka mid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaas oo caawa uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo. Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin hadii uu jiro tababar weli u dhiman ama u socda qeybo ka mid ah ciidamadii afar sano ka hor tababarka loogu qaaday dalka Eritrea. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ciidankaan tababarka u diray ayaa maalintii uu xukunka wareejinayey wuxuu sheegay in sanadkii 2020-kii uu tababarkooda u dhamaaday ciidanka Soomaaliyeed eek u maqan dalka Eritrea. Hayeeshee Farmaajo maalintaas ma sheegin sababta rasmiga ah ee ciidanka loogu soo celi waayey dalkooda markii ay dhameysteen tababarka, si lamid ah, Madaxweyne Xasan Sheekh weli ma cadeyn sababta kaliftay in afar sano ay ciidankaan ku maqnaadaan Eritrea. Waxaa xusid mudan, in Farmaajo iyo Xasan Sheekh ay marar kala duwan sheegeen in sababo la xariira siyaasadda dalka oo kacsaneyd ay sabab u tahay in ciidankaas lagu soo celi waayo dalka, balse waxaa jira tuhun ay qabaan dadka qaar, kaas oo ah in caqabado kale ay ku hor gudban yihiin soo celinta ciidankaas. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo xog cusub siiyey waalidiinta ciidanka ku maqan Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay ku degdegi doonin dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed. Wasiir Roobow ayaa sheegay in golaha culimada ee la dhisayo aanay xiligaan u baahneyn degdeg, balse marka hore ay sharci u sameynayaan, kadibna la horgeyn doono Golaha Wasiirada. Sidoo kale waxa uu xusay in marka sharciga loo sameeyo hay’adda lasoo marsiin doono labada Aqal ee baarlamaanka, sidaasina lagu dhisi doono Golaha Sare ee culimada. “Golaha waa la sameynaya, idinku ayuu ka imanaaya go’aamadiisa wax badan, xeer la sameeyay oo gaba-gabo ah oo la dhameystiro horta majiro ee ogaada. Xeerka waxkale ma ahan ee waa Golaha Culimo ee shaqeynaya qaabkee ayuu u dhismayaa, go’aamada muxuu ku qaadanaya, imisu noqonaya, ma iska joogayaan culimada loo dhiibo mise waa war-wareegi doonaan sida dowladda,” ayuu yiri. “Idinka ayaa dhameystiri doono ee maanta iyo berri ma ahan waqti ayuu u baahan yahay. Si qanuuni u noqdaan Golaha Culimo ee la dhisayo oo qanuun ahaan ayaa loo hubinaya.” Roobow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda culimada ay u baahan tahay miisaaniyad, taasina aan la heli karin haddii aan laga dhigin hay’ad sharci ah oo nidaamka la waafajiyay. Arrintan ayaa wax cusub ku noqotay inta badan culimada kasoo qeyb-gashay shirka, maadama ay filayeen in geba-gabada shirweynaha lagu dhawaaqi doono hay’adda culimada. Culimada ayaa shalay qoraal dheer oo ay kasoo saareen shirweynihii maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho waxay dowladda federaalka uga dalbadeen inay si degdeg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliyeed. Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqonayo “weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-banaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado. “Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay culimada. The post Wasiir ROOBOW oo xog ka bixiyay qaabka loo dhisayo Golaha Sare ee Culimada appeared first on Caasimada Online.
  9. Somaliland’s oil find could reset the regional balance: here’s how Michael Walls, UCL Women walk past a fuel station in Hargeisa Somaliland has been assessed as holding commercial quantities of oil and gas. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images The presence of oil in Somaliland has been confirmed by a recent exploration. The discovery has raised the stakes in Somaliland’s claim for independence from Somalia as it holds the potential for a new stream of revenue for the semi-autonomous state. But the oil exploration is deepening the rift with Somalia, which claims sovereignty over the region. Michael Walls answers five key questions. What is Somaliland’s hydrocarbon potential? In 2020, Norwegian seismic survey company, TGS, estimated that the Somali basin as a whole likely holds offshore reserves of about 30 billion barrels, with additional onshore reserves, although land estimates are considerably less consistent. Assessments generally include Somaliland and would place Somalia reserves at about the same level as Kazakhstan, which would give the area the 18th or 19th largest reserve globally, as assessed in 2016. Geological conditions seem to support the view that there are likely to be commercially viable deposits in the region. Whether they prove close to estimates remains unknown at this stage. There is also evidence of offshore (undersea) reserves in the region, as well as onshore (beneath the land) in the Somali region of the neighbouring Ethiopia. Bordering Somalia, and located next to Oromia Regional State, the Somali Regional State (also Ogaden) is Ethiopia’s second largest federal region. Get news that’s free, independent and based on evidence. Why has it taken so long to make an oil find? This find is being billed as the first discovery in Somaliland but in fact there have been several instances of oil seepage. An oil seep occurs when geological or unrelated human activity results in oil “seeping” into the ocean or onto land. In such cases, the physical appearance of oil occurs unexpectedly rather than as a result of deliberate exploration. It is unsurprisingly taken as evidence of a substantial reserve that is close to the surface, but doesn’t always indicate the presence of commercially viable quantities or accessibility. Genel Energy, the UK oil exploration firm on whose concession this discovery occurred, has held rights to explore in Somaliland since 2012. So the find isn’t quite the sudden and unexpected bonus that’s been implied by some reports. Progress has been slow because Somaliland’s lack of international sovereign recognition creates an uncertain context for significant investment. Somalia still claims sovereignty over Somaliland even though the region has operated as a fully if informally independent state since 1991. This creates a vacuum. The Somali federal authorities cannot enter into meaningful agreements over exploration or extraction in Somaliland. Somaliland is limited by investment risk. And Somalia’s threats and complaints emphasise that risk. This has not stopped Somaliland from entering into agreements, but it has slowed activities taking place under them. In addition, there have been disputes within Somaliland over how the proceeds of hydrocarbon exploitation would be shared. One of the areas with significant potential is the Nugaal Valley, which stretches across the border of eastern Somaliland into Puntland. Genel Energy was already exploring in that zone a decade ago. It withdrew for a time in 2013, citing security concerns. In the same time period, Africa Oil secured rights from the Puntland administration that overlapped with those issued by Somaliland to explore in the Nugaal Valley. A 2014 UN report expressed concern that hydrocarbon exploration in the Nugaal Valley risked fuelling violent conflict. Africa Oil ceased active operation in the area a year later. The most recent find is in a different area of Somaliland: Salaxley in the Maroodi Jeex region, which is less politically volatile. This makes it more likely that Genel Energy will be able to advance its work. What challenges lie ahead? The uncertainty created by a lack of international recognition makes it difficult to mobilise sufficient investment. And there is little doubt that Somalia will continue to remain hostile to both exploration and extraction. Similarly, local sensitivities around the sharing of financial rewards will need to be managed with care and deep local engagement. Some commentaries have suggested that the newly discovered oil could be abundant. But the reserves could also prove limited and may present technical challenges in extraction. It is therefore possible that extractive plans will operate at the margin of financial feasibility. The latest find was the result of an accidental release of oil during drilling for water rather than from deliberate exploration. This may be evidence of a significant and easily accessed reserve, but seepages and strikes like this have happened in the past in Somaliland. A more extensive geo-seismic surveying will be needed before the full extent of the reserve is confirmed. What would be the political implications of oil wealth in Somaliland? I had previously studied the place of oil in Somalia and its breakaway states . Somali society is kinship-based. Specific groups identify with particular geographic areas. This means that the political implications vary sharply depending on the location of any oil discovery. Previous experience of exploration in the Nugaal Valley showed how socially and politically volatile the exercise could be. The area of the latest find, around Salaxley, is likely to prove less volatile. Unlike the Nugaal Valley, Salaxley has not customarily been subject to the same inter-clan and political disputes. But there will still need to be significant negotiation over sharing of the proceeds of exploration. The government will be keen to ensure that the windfall advantages those in power. Local clan groups will be keen to ensure there is a clear benefit accruing to their communities. Other clans will equally want a say in how increased wealth benefits Somaliland as a whole. Depending on how negotiations conclude, there is potential for this clan-based process to mitigate the “resource curse” effect. In other words, the system of inter-group negotiation that underpins Somali society might provide some protection from the narrow economic impact of oil wealth that has been felt elsewhere. However, that is by no means certain and the process of negotiation itself has the potential to fuel violence, just as the UN worried in 2014. Either way, the Somaliland economy remains tiny. Any influx of significant new wealth, even on a fairly modest scale, will create new social, economic and therefore political tensions. What are the implications for regional dynamics? The regional impact will depend on the extent of the discovery. Somalia has consistently objected to hydrocarbon exploration in Somaliland as all concessions have been granted under Somaliland legislation. It would object even more strongly to commercial extraction. Ethiopia’s interest is likely to be more equivocal. Salaxley is close to the Ethiopian border, and not far from active hydrocarbon exploration concessions in Ethiopia’s Somali region. If the Somaliland reserves prove to be extensive after a technical appraisal, it would suggest that those in the adjacent Ogaden Basin are also significant. In this case Somaliland and Ethiopia would hold a mutual interest in ensuring sufficient regional security to enable extraction. Source Theconversation Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu Saciid Cabdullaahi Deni ka rabay madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud balse uu ka heli waayay kadibna keentay inuu xiriirka dowladda dhexe hoos iskaga dhigo. Sida uu Saciid Deni wax u rabay waxaa lagu tilmaamay qaab lagu inkirayay awood qeybsiga Ra’iisul Wasaare Xamza. Soomaaliya siyaasad ahaan waxay weli wax ku qeybsataa nidaamka 4.5, markii halkaas la taagan yahay Xamza ayaa saami qeybsiga Soomaaliya masuul kaga ah Deni. Laakiin sida uu Saciid Deni rabay in wax walba isaga iyo Xasan Sheekh uga heshiiyaan ayaa dad badan u muujisay in awooda Ra’iisul Wasaaraha la dafirayo. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu shalay muujiyay in isagu xisaab beeleedkiisa masuul ka yahay, cidda xisaabtaas wax ku raadineysana ay qasab tahay inay isaga la-macaamisho. Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Jeneraal Sulub Axmed loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya. Ninkan waa reer Jubbaland, wuxuu hadda ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Jeneraal Sulub marka aad magaciisa maqasho waxaa kugu soo dhacaya Axmed Madoobe, Xamza iyo inta badan siyaasiyiinta reer Jubbaland oo uu gogal u ahaa marka ay Muqdisho tagaan. Sulub ayaa kamid ah saraakiisha aad loo xurmeeyo ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Waa saaxiibka gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha. Magacaabistiisu waxay muujisay awooda Ra’iisul Wasaare Xamza ee hab qeybsiga xilalka muhiimka ah. Sarkaalkan dhex-dhexaadka ah ayaa beddalaya Cabdi Xasan Xijaar oo lagu eedeeyo inuu si aan habooneyn u maareeyay xaalka caasimada Muqdisho, xiligii lagu jiray doorashadii guud. Xijaar iyo ciidankii uu xukumayay ayaa dhowr jeer oo kala duwan lagu eedeeyay inay isku dayeen dib u dhigis doorasho iyo weerar loo geystay dibad-baxayaal dalbanayay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo. Sidaas oo ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xijaar siiyay illaa siddeed billood oo dheeri ah, dadku waxay sugayaan inuu Xasan Sheekh degdeg u eryi doono Xijaar, laakiin taasi ma dhicin oo illaa 26 Janaayo 2023 ayuu soo gaaray taliskiisu. Maanta Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya iyo Taliyihii Booliska Soomaaliya-ba waa reer Jubbaland, waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh doortay shirko cusub. Reer Jubbaland xilalkan waaweyn mar waa u magac marna xujo ayay ku tahay oo waxaa la eegaya sida ay ubadallaan dhaqan siyaasadeedkii hore iyo guul-darooyinkii dowladeed ee Soomaaliya. Magacaabistan waxay dadka qaar soo xasuusineysa Puntland, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex xil oo reer Puntland si weyn ugu dagaalameen laba kamid ah waxaa qaatay reer Jubbaland waana Ra’iisul Wasaare-nimada iyo Taliyaha Booliska. Booska dhiman waa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo isagana aan la ogeyn halka uu aadi doono. Magacaabista taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa dadka qaarkiis qabaan inay sii fogeyn karto diidmada Puntland ee la shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza, Taliye Sulub iyo xubnaha uu doortay madaxweyne Xasan Sheekh inay saami-qeybsigaas metelaan waxaa hortaalla inay si fiican u iibiyaan, udifaacan, una hirgeliyaan siyaasadda madaxweynaha. The post Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Abdulle iyo xubno kale oo ka socday Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo. Mas’uuliyiintaasi ka socday dowladda Federaalka iyo dalka Qadar, waxaa Kismaayo ku soo dhaweeyay Wasiiro katirsan Jubbland. Mas’uuliyiinta ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashruuc gargaar raashin ah lagu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys oo dalka gudahiisa ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo Kismaayo gaaray appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has praised a recent operation conducted by United States special forces, which resulted in the death of Bilal al-Sudani, a senior leader of the Somali branch of Islamic State. The operation, which took place in northern Somalia on Wednesday, also resulted in the deaths of ten other terrorists, according to a statement released by U.S. Defense Secretary Lloyd Austin. Austin said the action “leaves the United States and its partners safer and more secure, and it reflects our steadfast commitment to protecting Americans from the threat of terrorism at home and abroad.” He also thanked “our extraordinary service members as well as our intelligence community and other interagency partners for their support to this successful counterterrorism operation.” Hussein Sheikh Ali, the National Security Advisor to the President of Somalia, welcomed the killing of al-Sudani but emphasized that the threat posed by IS in Somalia is relatively minimal. “As a government, we welcome the removal of the leadership of terrorist groups, especially when they are a threat to young people’s lives,” Ali said. “While IS does not have a significant presence in Somalia, it is important to note that the group could potentially increase its threat in the future. Al-Sudani was one of their leaders, but at this time, there is no major threat of IS in Somalia.” Somalia’s national security advisor also stated that the U.S. operation was essential and demonstrated that the United States was not only targeting al-Shabab but also Islamic State militants in Somalia. “The message is clear, and it is that the leaders of all terrorist groups in Somalia are not safe, and there is no haven for them “in the entire Somalia Peninsula,” Ali said. The Biden administration announced on Thursday that U.S. special operations forces had killed a senior official of the Islamic State (I.S.) group and ten other terrorist operatives in a remote area of northern Somalia. The operation, which took place on Wednesday, targeted Bilal al-Sudani, a Sudanese and a key financial facilitator for the Islamic State, in a mountainous cave complex. According to Austin, Al-Sudani, who had been closely monitored by U.S. intelligence for some time, was a major financier of operations conducted by IS in Africa and the ISIS-K operating in Afghanistan. The Treasury Department had previously alleged that al-Sudani had worked closely with another I.S. operative, Abdella Hussein Abadigga, who had recruited young men in South Africa and sent them to a weapons training camp. Somalia is more commonly associated with Al-Shabab, a terrorist group linked to Al Qaeda, rather than the Islamic State. This operation comes days after Africa Command announced that it had conducted a collective self-defense strike northeast of Mogadishu, the capital, near Galcad. In that incident, Somalia National Army forces fought heavily following an extended and intense attack by more than 100 al-Shabab fighters. The U.S. estimated that approximately 30 al-Shabab fighters were killed in that operation. The offensive by Somalia forces against al-Shabab has been the most significant in over a decade. Al-Shabab holds a much larger footprint in Somalia than the Islamic State. The post Somalia applauds killing of senior IS leader Bilal al-Sudani appeared first on Caasimada Online.
  13. Tehran (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa maanta sheegtay inay shaqaalaha ka daad-gureyneyso safaaraddeeda magaalada Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay weerar “argagixiso,” kaasi oo lagu dilay madaxii amniga islamarkaana lagu dhaawacay laba ilaalo. Madaxa booliska Tehran ayaa sheegay in ninka weeraray safaaradda ay dhiiri-geliyeen sababo “shaqsi.” “Dhammaan mas’uuliyadda weerarka waxaa leh Iran,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Ayxan Hacizada oo la hadlay warbaahinta gudaha. Waxa uu sheegay in ololaha ka dhanka ah Azerbaijan ee dhowaanahan ay wadeen warbaahinta Iran “uu dhiiri-geliyey weerarka.” Hacizada ayaa u sheegay taleefishinka Turkish-ka ku hadla ee gudaha ee TRT Haber TV in shaqaalaha safaaradda “laga soo daadgureynayo Iran.” Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa twitter-ka ku yiri “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixiso.” Bayaan ay goor sii horeysay oo Jimcaha maanta ah baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan ayaa lagu yiri “nin ku hubeysan qoriga Kalashnikov ayaa dilay madaxii ilaalada diblomaasiyeed.” Waxay sheegtay in laba ilaalo uu sidoo kale dhaawacay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana hadda baaritaan uu socdo. Qofka weerarka soo qaaday ayaa la xiray, waana nin Iranian ah oo qaba xaas Azerbaijani ah, sida uu sheegay madaxa booliska Tehran General Hossein Rahimi. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran ay si xooggan u cambaareyneyso “weerarka hubeysan… oo nasiib darro dhaliyey dhimashada hal qof.” “Sida uu sheegay baaritaan horudhac ah, waxaa dhiirigeliyey arrimo shaqsi,” ayuu ku daray. Iran waxaa ku nool malaayin qof oo ah qowmiyadda Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Turkish-ka, waxayna muddo ku eedeyneysay Baku inay dhulkeeda ka huriso dareen gooni isu taag. Xiriirka labada dal ayaa caadiyan ah mid xun, ayada oo dalka horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu xulufo dhow la yahay dalka Iran ay xifaaltamaan ee Turkey. Tehran ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dhulka Azerbaijan loo adeegsan karo weerar Israel, oo hubka ka iibisa Baku, ay ku qaado Iran. ISHA: AFP, VOA The post Safaaradda Azerbaijan ee Tehran oo la weeraray iyo madaxii amniga oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya. “Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan. “Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.” Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culimada Soomaaliyeed sida midnimada leh ee ay umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay Al-Shsbaab ku hayaan dadka. Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saarto kala qeybsanaanta ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isdhex-galkooda si mid loo noqdo. “Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bilaaban ee isticmaarka iman sida u nooleyn ayaa u noqonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wanaag ma helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dowlad xoog leh oo macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.” Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. The post Xasan Sheekh oo sheegay ‘cidda kaliya ee leh’ guusha la gaaray kadib sanado badan appeared first on Caasimada Online.
  15. Guddoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socda Hay’adda Qatar charity iyo sanduuqa horumarinta Dowlada Qatar ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Wasiiro katirsan Maamul Jubbland. Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiinta ka socdo dowlada Qatar ayaa si wadajir ah Magaalada Kismayo Kaga daahfuri doono mashuruuc gargaar raashin ah lugu gaarsiin doono 46,000 oo Qoys guud ahaan dalka gudahiisa oo ay Dowlada Qatar maalgelisay. Source: goobjoog.com
  16. “Xaaladda Laascaanood waxay wax badan la wadaagtaa Muqdisho 1991-2006. Oday dhaqameed ma soo afjarin qabqablayaashii dadka Xamar dhuunta u galay.” Garaad Jaamac Garaad Cali (bidix) iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil (midig) waa inay caddeeyaan in isbeddelka Laascaanood ka dhacay uusan noqon karin waddo loo maro boobista metelaadda siyaasadeed ee Sool. Laascaanood (Warbixin PP) — Magaalada Laascaanood aad ayay uga duwan tahay sidii ay ahayd laba bilood ka hor markii aan booqanay. Waa magaalo isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay, isbeddel siyaasadeed aan la filaynin bil ka hor markii la dilay siyaasi magaalada u dhashay. Cabburintii ciidammo beeleedka Somaliland iyo caaglayaashoodu isku dayeen inay ku sameeyaan dadka bannaan baxayay may suurtagalin kala daadasho ku timid maleeshiyadii daacadda u ahayd maamulka awgeed. Waxa kale oo kala xiriir-furtay maleeshiyadii Galbeedka iyo Koonfurta Laascaanood oo la aamminsanaa inay martigelinayeen ciidan beeleedka Somaliland. Haddii ciidammo beeleedka Somaliland aan magaalada laga saari lahayn hal habeen Bishan dadka ciidammadaas kala goynta Soomaaliya doonaya ay dilaan way badan lahaayeen. Caaglayaal Muqleysan Dadkii u shaqaynayay maamulka Somaliland (loo yaqaanno Horgaleyaal) laguma arko magaalada hadda; waxay ka cabsanayaan in dad hubeysan ay ku soo qamaamaan. Gebi ahaanba magaaladu ma laha maamul. Isku day maleeshiyada Mahad Cambaashe samaysay laba toddobaad ka hor si ay magaalada u dhexmaraan iyaga oo iska dhigaya kuwo amniga dhowraya ma suurtagalin. Waxay ka cabsadeen in ciidammo hubeysan ay soo weeraraan baabuurta ay saaran yihiin maleeshiyada fadhiisinkoodu yahay Galbeedka Laascaaanood. Cambaashe wuxuu qirtay inuu isagu ka dambeeyay dadkii Laascaanood ciidammo beeleedka Somaliland ku laayeen, ciidankaas oo uu u yaqaanno “ciidanka barakaysan.” Ku go’doonsanaanta caaglaayaasha ay ku go’doonsan yihiin Galbeedka Laascaanood oo ku dhowaad laba sano ka hor billaabatay waxaa keenay dilalka qorsheysan oo lagu beegsaday dad sheegan jiray inay maamulka Hargeysa la shaqeeyaan (xubno gole deegaan, garsooreyaal, sirddoon ku sheeg, caagleyaal ‘maleeshiyo beeleed lacag la siiyo oo hoostagta caagleyaal sare oo kala duwan’). Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Maamulka Somaliland oo toddobaadkii hore ergo ugu yimid oday dhaqameedyada Sool wuxuu sheegay “in Somaliland maamul Laascaanood xukuma isu aragto”. “Yaad adigu meteshaa?” buu oday dhaqameed reer Sool ahi su’aalay Cabdirisaaq. “Farriin uun baan waday” buu ku warceliyay. Cabdirisaaq waa siyaasiga keliya oo uu maamulka Somaliland isku hallaynayay inuu Laascaanood dib ugu soo celiyo gacanta Hargeysa. “Waxaa la ii arkaa inaan u doodayo maleeshiyo beeleed aannu isku hayb nahay” buu u sheegay Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee maamulka Somalilad. Loollan siyaasadeed Magaalada Laascaanood waxaa ka socda loollan siyaasadeed ay madax-dhaqameedku ku doonayaan inay awoodda siyaasadda Laascaanood ku qabsadaan. Odayaasha qaarkood ayaa aamminsan in maamulkii dadka Laascaanood metela uu dhisan yahay. Waxay ka wadaan maamulkii Khaatumo, waana mowqif sababi kara kala fogaansho weyn waayo maamulkii Khaatumo wuxuu heshiis la galay maamulka isu yaqaanna Jamhuuriyadda Somaliland. Dhowr Garaad waxay aamminsan yihiin in talada koox gaar ah aysan hororsan. “Xaaladda Laascaanood waxay wax badan la wadaagtaa Muqdisho 1991-2006. Oday dhaqameed ma soo afjarin qabqablayaashii dadka Xamar dhuunta u galay” ayuu yiri nin ganacsade ah. “Ma jirto beel ay oday dhaqameed hoggaamiyaan. Halis weyn baa jirta in dad gaar ahi ay sheegtaan inay yihiin hoggaanka siyaasadeed ee Sool” ayuu ku daray. “Heer federaal Puntland baa sharciyad metelaad haysata. Waa inaynu kala hadalno aayaha metelaadda Sool kaddib markaannu meel wax isla dhigno” ayuu Puntland Post u sheegay siyaasi hawlgab ah oo ku sugan Laascaanood. Wadaaddo Laascaanood ku sugan ayaa ka digay in qof gaar ah uu sheegto awoodo gaar ama metelaad beeleed. “Metelaad aan jirin waxaa wixii Somaliland Laascaanood ay ku joogtay. Waddadaas dib uguma noqon karno” ayuu yiri wadaad ku sugnaa Masjid Jaamaca Laascaanood. Halis dagaal Maamulka Somaliland weli kama quusan rajadiisa inuu Laascaanood maamulo laakiin wuxuu, sida ay xeeldheerayaal milatari aamminsan yihiin, “in Hargeysa ay daawanayso loollanka siyaasadeed ee ka socda Laascaanood, jeclaan lahaydna inuu isu beddelo mid hubeysan si ay ugu andacoodaan inay nabadda dhowrayaan”. Ma helayaan maleehiiyo sidii 2007 Oktoobar si fudud u soo gelisa magaaalada laakiin waxay aad ugu tashanayaan Mahad Cambaashe oo, inkastoo marnaba uusan ku yeelan doonin Laascaanood awoodihiisii hore, rajaynaya inuu mar kale magaaalada ku amar-kutaagleeyo. Culeyska ugu badan wuxuu saaran yahay Yaasiin Faratoon, oo dalka Biritain hawlgab ku ah, sheegta inuu yahay xildhibaan Laascaanood uga mid ah Aqalka Wakiillada Somaliland. Wuxuu doonayaa in maleeshiyo beeleedka (caaglayaasha) uu 2003kii sameeyay ay Laascaanood sii joogaan iyagoo dugsanaya ciidan beeleedka Somaliland. In caaglayaasha Mahad Cambaashe hoggaamiyo awood mar kale yeeshaan waxaa hortaagaan isbeddelka Laascaanood ka dhacay dhowr toddobaad ka hor markii ciidammo beeleedka Somaliland laga saaray Laascaanood. Hadda wuxuu Mahad Cambaashe kala dooranayaaa inuu isbeddelka sii taageero ama inuu dagaal u diyaargaroobo maaddaama aysan caaglayaashiisu mar kale magaalada awood ku yeelan doonin. “Xal waxaa laga doonayaa Cabdirisaaq Khaliif iyo Faratoon oo dhulka beeshoodu degto hada fadhiisin u yahay ciidan beeleedka Somaliland. Ciidanka markii hore loo keenay in beelaha kale ee Sool lagu cabsiiyo ayaa hadda gebi ahaanba halis ku haya beesha raalliga ka noqotay inay yimaadaan ilaa Tukaraq. Dad badan ayaa qaba in xal siyaasadeed uun ciidan beeleedka Somaliland looga saari karo Sool waayo hadda dabin bay ku jiraan. Siyaasi kale ayaa sheegay in “Caaglayashii ay isku halaynayeen kala daateen”. Caagle hore oo koonfurta Sool ku sugan ayaa sheegay in “Cabdirisaaq Khaliif iyo Yaasiin Faratoon aysan lahayn ujeeddo aan ahayn in ay dib u soo nooleeyaan caaglayaasha beeshooda. Taasi ma dhaceyso, waxay caaglayaashu mareen meeshii caaglayaashii Xaabsade iyo kooxdiisii mareen.” Dad badan ayaa qaba in dagaal uu keenayo xal waayo, “dad kala mabda’ ah magaalo kuma wada noolaan karaan. Ciidammo si fudud Sool ku yimid waxay u badan tahay inay baxaan dhiig badan oo daata kaddib iyo dagaal sokeeye oo Waqooyiga ka qarxa. Mowqif Siyaasadeedka Madax-dhaqameedka Sool Madax-dhaqameedka Sool qaarkood ayaa soo jeediyay in la dhowro metelaadda siyaasadeed ee Sool heer federaal hadda jirta inta wadatashi guud la iskugu imanayo. “Waa inaannu caddayno oo keliya in Laascaanood aan lagu qasbi karin mabda’a kala goynta Soomaaliya, uguna baaqno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in aynan colaad kula jirin gobol kale, necbeyn dad Soomaaliyeed” ayuu yiri oday ka mid ah guddiga dhowr iyo soddonka qof ee loo saaray abaabulka wadatashiyada. Laascaanood muddo dheer furin ayay si dadban u ahayd, laakiin hadda si rasmi ah ayay furin u noqotay. Xalka Laascaanood wuxuu ka imanayaa dadka magaalada dega oo qaarkood markii hore isku dayay inay heshiis la galaan Somaliland (SSC iyo Khaatumo) si Hargeysa ay ugu aqoonsato inay iyagu haystaan xaqa metelaadda siyaasadeed, laakiin Hargeysa waxay sii maalgelisay caaglayaasha degmada oo 2018kii u diiday Cali Khaliif Galaydh inuu magaalada joogo isagoo sheeganaya Madaxweynaha Khaatumo. Ma jirto koox si gaar ah u sheegan karta isbeddelka Laascaanood ka dhacay laakiin waxaa jira kooxo raba inay isbeddelka ka dhigtaan gaadiid siyaasadeed iyagoo og in magaaladu qarka u saaran tahay dagaal waayo xaalka caaglayaashu waa dawaco meesha ay macal ku baratay ayay macaluul ugu dhimataa. Way isa soo miidaamin karaan sida Al-shabaab. © Puntland Post, 2023 The post <strong>Halkee Ayay Laascaanood U Socotaa Isbeddel Kaddib?</strong> appeared first on Puntland Post.
  17. Maxaa laga yaqaan Hoggaamiyaha sare ee ay ciidanka Mareykanku ku dileen Buuraleyda Miskeed? Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, isaga iyo toban ka mid ah kooxda. Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan. Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn kaddib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan. Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ciidamo gaar ah waxa ay Arbacadii weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari. Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Bilal al-Sudani oo xubin sare ka ahaa Daacishta Soomaaliya iyo dagaalyahanno la socday. Ciidamada ayaa amar lagu siiyay inay noolal ku soo qabtaan Bilaal, balse iska caabin ay sameeyeen dagaalyahannadii uu watay ayaa dhalisay inuu halkaa ku dhinto. Khubarada amniga ayaa tilmaamay in go’aanka uu Maraykanka ciidan dhulka ah ugu diray buurahaas ay muujinayso muhiimadda ay u lahayd inuu noolal ku qabto Bilal al-Sudaani. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa al-Sudani ku tilmaantay inuu Daacish u qaabilsanaa ballaarinta hawlgalladeeda Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya si weyn uga taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii la soo dhaafay laga saaray deegaanno badan. Waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa sanadkii 2012 cunaqabateyn saartay al-Sudani oo markaa loo haystay inuu dagaalyahannada ajaaniibta ah geeyo xarumo tababar oo uu leeyahay ururka Al-Shabab. Waxa uu markii dambe ku biiray Daacish. “Daacish-ta Soomaaliya waxay ka hawl galaan oo ay saldhigyo ku leeyihiin buuraha Calmis ee ku yaalla Waqooyi bari ee Soomaaliya, halkaas oo u ah istaraatiji muhiim ah sababtoo ah waxay isku xirtaa Gacanka Cadan, Afghanistan iyo Afrika,” ayuu yiri Kornel C/waaxid Maxamuud Xasan oo ka tirsanaa ciidamada Puntland. Saameyn noocee ah ayay Daacish ku yeelan kartaa dilka Bilaal Al-Sudani? “Bilaal waxaa uu ahaa xubin muhiin ah oo firfircoon buu ahaa, saameyna dilkiisa wey ku yeelaneysaa kooxda sababtoo ah wuxuu ahaa ninka dhaqaalaha u qaabilsan daacish-ta Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika marka maaddaamaa la dilay, kooxda wiiqitaan badan baa ku imaanaya waana guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Kornel C/waaxid Maxamuud Xasan oo BBC-da u warramay. Al-Sudani, oo ay sanado badan isha ku hayeen saraakiisha sirdoonka Mareykanka, ayaa door muhiim ah ka qaatay in lagu maalgeliyo howlgallada IS ee Afrika iyo sidoo kale ISIS-Ka eka howlgala Afgaanistaan, ayuu Austin yiri. Waaxda maaliyadda ee Mareykanka ayaa sannadkii hore ku eedeysay Al-Sudani inuu si dhow ula shaqeeyay sarkaal kale oo ka tirsan IS, oo la yirahdo Cabdalla Xuseen Abadigga, kaasoo dhallinyaro ka qoray Koonfur Afrika una diray xero lagu tababaro. Qaran News
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan meel fagaara ah tageerayaashiisa ugu sheegay in uusan aqoonsanayn madaxwaynaha tallada haya ee William Ruto iyo dowladdiisa. Kenya oo ah dal ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa qaar kamid ah waxay walaac ka mujiyeen hadalka Odinga, iyagoo ka cabsi qaba in hadalkiisu uu rabshado Kenya ka dhaliyo oo ay dhacaan qalalaase siyaasadeed. Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xilligaan aan lagu jirin waqti olole doorasho, balse ay tahay mid laga sugayo dowladda cusub in ay la timaado isbedel wax ku ool ah. “Waxaa u arkaan hadalka kasoo yeeray Raila Odinga waa kasoo horjeeda sababta oo ah xiligaan laguma jiro olole doorasho, Odinga xiligiisa waa dhamaadeen in hadda fawdo iyo khal-khal amni dalka galiyo waxa kasoo horjeeda, waxaana ugu baaqi lahaa in ay dhibaatada wadanka ka daayan,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyarada ku nool Nairobi oo la hadlay VOA. “Xukun maxkamadeed in uu kasoo daba hadlo Raila Odinga ma ahayn, in uu sidaas u hadlo ceeb ayay ku tahay sharafkiisa, dadka Soomaali-Kenyanka ku nool Islii dan nooguma jirto qalalaasaha iyo dhibtaas.” Kadib markii ay soo idlaatay doorashooyinkii guud ee dalka Kenya ka dhacay sanadkii hore, Rail Odinga ayaa qaadacay natiijadii guddiga madax-banaan ee doorashooyinka ugu dhawaaqeen Ruto in uu yahay madaxweynaha guuleystay. Laakiin maxkamadda sare ee Kenya oo muddo laba toddobaad darseysay dacwada ay mucaaridka u gudbiyeen ayaa 5-tii bishii 9-aad waxay ku raacday guddiga doorashada natiijadii uu hore ugu dhawaaqay ee shahaadada guusha ku siiyeen madaxweynaha haatan talada haya ee William Ruto. Odinga ayaa xiligaas sheegay in uu aqbalayo go’aanka maxkamadda, balse uusan ku raacsaneyn go’aanka ay gaartay. Raila ayaa waxa uu sheegay in isku soo baxyo kale uu qaban doono maalmaha soo aadan. Raila oo ah nin saameyntiisa leh, haystana taageerayaal daacad u ah ayaa sii xoojineysa walaaca ay qabaan Soomaalida ku nool dalka Kenya. The post Soomaalida Kenya oo walaac ka muujiyay hadal kasoo yeeray Raila Odinga appeared first on Caasimada Online.
  19. Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jirtay haweeney da’ ah. Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii hore ee maanta. Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn. Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday dhinaca Gaza saqdii dhexe ee xalay. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weerar dhanka cirka ah ku qaaday marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha ay dowladda ka wajaheyso qabiilka, isaga oo ka dalbaday culimada Soomaaliyeed inay kala shaqeeyaan kor uqaadista wacyiga dowladeed ee bulshada. Xamza ayaa sheegay in qabiilka uu hortaagan yahay qiimihii uu waddanka yeelan lahaa, islamarkaana uu dhibaato ku hayo maadama mararka badan qabiil ahaan lagu difaaco dadka ay tahay in umadda laga qabto. “Qabiilku waa muhiim laakiin dhibaato ayuu ku hayaa dalka, oo tuuga lama cayrin karo saf ayaa lasoo galaya odeygii, sheekhii, xildhibaankii iyo wasiirkii wey difaacayaan tuuga xataa hadduu Shabaab yahay,” ayuu yiri. “Waad ogtihiin waxa ka socda meelahaas la qabtay, anaga dirsanay oo Shabaabka noogu dhex jir oo dadka nooga soo qabqabo ayaa dhahnay, haddana iyagii ayuu laynayaa oo waa isqarxinayaa. In aan isku dhex wadno ayaa rabnaa, tab aan iskugu wadno in aan helno waaye maadama halkan ay yihiin dadkii wax tarbiyadeeynayay.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in qabiilka uusan meeshiisa soo dhaafin oo halkiisa-na lagu hayo, ayada oo dadka la jeclaysiinayo dowladda iyo dalka. “Waa in dowladnimada iyo dalka la jeclaysiiyo dadka oo tarbiyada ay gasho oo masaajidka ay gasho waaye. Waxaa u baahanahay in arrimahaan culimadeena ay dib u eegto.” Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab. Si kastaba, hadalkaan ayaa imanaya, xilli ay dowladda wado qorshe lagu rabo in dalka uu yeesho Gole Sare oo marjac noqda, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Culimada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay shirweyne ku yeeshay magaalada Muqdisho. The post Xamza oo banaanka keenay caqabado ay dowladdu ka wajaheyso qabiilka appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Four young men appeared at the Somali military court in Mogadishu on Thursday following a hoax video that demanded ransom money from one of the young men's mother. Source: Hiiraan Online
  22. Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay. Kulan ku saabsan diiwaan-gelinta doorashooyinka oo shalay dhex maray duqa KMG ah ee Garoowe iyo odayaasha Gobolka Nugaal ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay. Odayaasha ayaa caddeeyay in aysan diyaar u ahayn diiwaan-gelinta khilaafku hareeyay ee doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadaysan. Nabaddoonnada iyo Odayaasha ayaa sidoo kale diiday mudda kororsiga uu raadinayo Siciid Deni oo mudda xileedkiisa bilo ka harsan yihiin. PUNTLAND POST The post Puntland: Diiwaan-gelinta doorashooyinka muranku hareeyay oo laga diiday Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  23. Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo uu ka furmayo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC. Somaliland ayaa ciidamo horleh soo dhoobtay nawaaxiga Laascaanood, halkaasi oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamo kooban, waxaana ujeedka lagu sheegay xoojinta amaanka guud ee magaalada. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada dheeraadka ah ee gaaray Laascaanood ay markii hore waxa uu fadhigooda ahaa duleedka deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, oo ay soo faarujiyeen. Dhaq-dhaqaaqan ayaa ku soo aadaya, xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC. Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay sugeyso amniga shirwaynaha beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeelanayaan iyo ka guud ee magaalada, ayada oo banaanka usoo baxeen in garaadada shirkaan ka qeyb-galaya ay wataan ciidamo badan oo hubeysan. Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada. Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo. The post Somaliland oo dhaq-dhaqaaq cusub ka billowday Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (HOL) - A police officer killed an autorickshaw operator, Mohamed Hassan 'Djibouti,' for 10,000 Somali shillings - less than $0.50- in Mogadishu. Source: Hiiraan Online