Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ay Goobjoog News ka heleyso buuraha Calmiskaad ee hoostaga degmada Iskushuban ee gobalka Bari ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacay xalay lagu beegsaday fariisimo ay Daacish ku laheyd deegaanka. Duqeynta oo ah mid culus ayaa socotay illaa subaxnimadii hore ee saaka, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta. Laammaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Daacish ku lahayd halka ay duqaynta ka dhacday. Sanadihii u dambeyay laammaha ammaanka Puntland ayaa buuraha Calmiskaad ka waday hawlgallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in xalay duqeymo la beegsadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari ee maamulka Puntland, halkaas oo ay fariisimo waa weyn ay ku leedahay Daacishta Somalia. Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday buuraha Calmiskaad oo ka tirsan degmada Iskushuban ee gobolka Bari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeyntan ay socotay illaa saaka waabarigii hore, waxaana jira khasaare xoogan oo kasoo gaaray xabnaha kooxda Daacish. Ugu yaraan saddex horjooge oo ka tirsanaa Daacish ayaa lagu dilay weerarkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Puntland oo diiday in la shaaciyo magacyadooda. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya. Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka, kuna aadan duqeyntaas xalay, illaa saaka lagu garaacayay qaybo kamid ah gobolka Bari. Ma’ahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo howlgal culus oo ka dhan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo saaxibada caalamiga ah. The post Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday BARI iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  3. Sida muuqata Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dowladiisu waxaad moodaa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka dhigaan xubin ka mid ah dalalka ku xulafoobay East Africa Community (EAC). Dalalkaas oo ah 7da dal ee ku yaal East Africa marka laga reebo kuwa geeska Africa, kuwaasoo kala ah (The Republic of Burundi, the Democratic Republic of the Congo, the Republic of Kenya, the Republic of Rwanda, the Republic of South Sudan, the Republic of Uganda, and the United Republic of Tanzania). Source: Hiiraan Online
  4. Duqaymo xooggan oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka argagixisada Daacish ayaa xalay ka bilowday buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Duqaymahan oo tan iyo saaka socday ayaa gebi ahaanba lagu burburiyay saldhigyadii Daacish ee buuraleyda Calmiskaad sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland. Saraakiisha oo aan rabin in magacyadooda la xigto maadaama aysan ogolaansho u haysan warbaahinta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in halkaas lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan ilaa saddex sarkal oo sare. Hawlgalkaas waxaa si wadajir ah u fuliyay Sirdoonka Puntland iyo ciidamada Maraykanka oo is kaashanaya islamarkaana ka duulaya xogo amni oo laga helay degaannada Calmiskaad ee hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Puntland: Duqaymo ka dhacay Gobolka Bari oo lagu laayay argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Maanta waa 26-ka January 2023, waxaa 32 sano laga joogaa markii ay burburtey dowladnimadii Soomaaliya, oo caasimadda laga saaray keligii taliye Siyaad Barre. Hadaba Maxaa Keeney In Dowladdas Militariga Aheyd Burburto? Waxaa jira sababo badan oo keeney burburkii dowladii Jaalle Siyaad, waxaan ka soo qaadan karnaa, keligii taliyennimada, siyaasadda iyo axsaabta uu mamnuucey, hanti-wadaag aanu fahamsaneyn uu dalka madaxa u geliyey, xeerka qoyska iyo culimadii uu laayey, dagaalkii Xoreynta Soomaali Galbeed oo qorshe la’aan uu aaday, dowlado garabkiisa ka baxay, Inqilaabyo dhicisoobey, dhibaatadii uu u geystay gobollada, beelaha uu isku diray, dhaqaale iyo taageero la’aan ku dhacday iyo gadood shacab. Keligii Taliyennimo: Maxamed Siyaad markii uu dalka qabsadey October 21, 1969-kii, waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, golihii wasiirada, xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL ahaa, waxaa lagu xiray beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La mamnuucay axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay nidaam adag oo dadka xakameeyo, sheekada waxaa lagu soo koobey Jaalle siyaad, 21 sano dalkan isaga ayaa keliya ayaa loo heesi jirey, Ciidanka waa isaga, waxbarashada waa isaga, warshadaha iyo horumarka waa isaga, hanti-wadaagga waa isaga, Soomaaliya waxaa uu u rogay boqortooyo ay qoyskiisa maamulaan. Kala Dirista Iyo Sumcad Dilkii SYL: Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arrin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Beenta iyo Dacaayadda: Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo siyaasad ahaan, keliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi karin in madaxweynihii dalka uu dilo askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, musuqa iyo qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhammaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, sida xukuumaddii, baarlamaankii, garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday afhayeenka iyo hoggaamiyaha kacaanka isagoo xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo kacaan diid, waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhiggiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay fagaaraha Scoula Polisaia. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simmay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo xabishida, waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay….sida uu sheegey General Galaal maalintaas ayuu dalka burburey, una dhammaatey dowladdii Maxamed Siyaad Barre. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maalmo kadib, waxaa caasimadda ka bilowday kacdoon, waxaa ay jabhadda SPM ee Cumar Jees soo qabsatay gableedka caasimadda ama dhulka hadda loo yaaano koonfur galbeed, soona fariistay Afgooye halka Gen. Maxamed Faarax Caydiid uu kasoo galay Xamar dhanka Balcad, taasi oo soo dedejisay bixitaanka Siyaad Barre. Cashadii ugu Dambeysay: Sida uu sheegay Gen. Maxamed Saciid Xersi Morgan, oo marka uu Barre Xamar ka baxayey ahaa wasiirka gashaandhigga, madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaa isugu yeeray kulan loogu magac daray ‘kulankii qoyska’ ama ‘cashadii ugu dambeysay’ iyada oo xeerada fadhiyeen dadka ugu dhowaa Jaalle Maxamed Siyaad, waxaa ka mid ahaa: Maxamed Xersi Morgan, Axmed Saleebaan Cabbdalla, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen iyo Maslax Maxamed Siyaad iyo Jaalle Siyaad waxaa uu kulankaasi ka sheegay inuu tanaasulayo, xilka ka tagayo, arrintaasina uu ku wargeliyey Manafesto. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 26, 1991-kii kadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC iyo jabhado kale, maalintaasi kadib dalka waxaa uu galay dhibaato ka daran middii kuu dalka ku hayey Siyaad Barre. Burburkii Kadib, waxaa dalka ka dhacey dagaallo sokeeye, waxaa bilowdey kooxeysi, Muqdisho waxaa muddo ka badan 10 sano dhex yiiley khad cagaaran, magaalo kasta oo dalka ah waxaa qabsadey hogaamiye kooxeed, waxaa caadi iska noqotey dilka, dhaca iyo kufsiga. Hadaba halkan ka akhriso Waxyaabihii ugu muhiimsanaa Burburkii Kadib: May 18, 1991: Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqey in ay ka go’een koofurta Soomaaliya, ilaa iyo hadda wada hadal ayaa socdo, laakin laguma guuleysan in gobolkaas uu qeyb ka noqdo federaalka Soomaaliya. Shirarkii Dib U Heshiisiinta: Markii uu burburka bilowdey ilaa 2009-kii, waxaa Soomaaliya loo qabtey shirar badan oo dib u heshiisiin ah, qaar shirarkaas ka mid ah waxaa ay socdeen sanado badan, shirarkii dib u heshiisiinta burburkii kadib waa: Shirkii Djabuuti ee June 12, 1991-dii, Kadib shirkii lagu doortey Cali Mahdi ee July 1991, Shirkii UN-ka ee Adis Ababa, 1993, Shirkii Sodare 1997-dii, Shirkii Qaahira 1998, Shirkii Ceel-Berde 2001, Shirkii Carte 2000, Shirkii Eldoret iyo Mgbahti 2002-2004 iyo Shirkii Dijabuti ee 2009-kii ee lagu doortey Sheekh Sharif…..shirarkaasi intooda badan waa burbureen, 4 ka mid ah waxaa lagu dhisey dowlado kuwaas oo nasoo gaarsiiyay heerka ay Soomaaliya maanta joogto. Maxaakiimta Islaamiga: Waxtar la’aanta dowladihii KMG ahaa iyo dhibaatadii oo ku sii badatey reer Muqdisho, waxaa ay dhisteen 2005-tii, Midowgii Maxaakiimta Islaamka, waxaa ay ujeedada aheyd in dhibka iyo mashaakilka magaalada ka jirey la xalliyo sida dhaca, dadka oo la iska xirto, Baabuurta oo la furfurto iyo qof loo dilo qabiilkiisa. Midowga Maxaakiimta waxaa ay ka koobnaayeen: Maxkamadda CC ee Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Maxkamadda Ifka Xalane ee Sheekh Xuseen, Maxkamadda Shiirkole ee Sheekh Cabdiqadir Cali Cumar, Maxkamadda Xararyaale ee Sheekh Indho-Jiir, Maxkamadda Warshadda Caanaha ee Sheekh Ibrahim, Maxkamadda Al-Furqaan ee Macalin Axmed iyo Maxkamadda Dayniile ee Macalin Salaad, Waxaa guddoomiye laga dhigay Sheekh Sharif Sheekh Axmed. Markii ay xoogeysteen waxaa ay dagaal la galeen hogaaye kooxeedkii Muqdisho, iyagoo Muqdisho gacanta ku dhigey kana dhigey meel nabad ah, laakin xasiloonidaas ma sii jirin oo waxaa Muqdisho soo galey Xabashida, wixii dhacana waa taariikh la wada ogyahay, laakin waxaa xusid mudan in xiligaa ay dagaalka ku jireen ilaa 12 qeybood oo bulshada ka tirsan sida Kooxaha Islaamiyiinta ee Maxakiimta, Xisbul Islaam, Al-shabaab, ganacsato iyo kooxo kale oo badan oo dhamaan ujeedadoodu aheyn bixitaanka Xabashida ay ka baxdo Muqdisho iyo Soomaaliya. Dowladihii Kala Duwanaa: 20-kii ee sano ee ugu dambeysay waxaa dalka soo marey 3 nidaam oo kala duwan, nidaamka TNG-da ee 2000-2004-tii, Nidaamkii TFG-da ee 2004-2009-kii iyo ugu dambeyntii nidaamka FG ee soo bilowdey 2012-kii, nidaamkan dambe dartii hadda waxaa Soomaaliya ka jiro 5 maamul goboleed oo kala ah Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland. Dowladda Federaalka Waa Mid Liidata: Dalka waxaa hadda ka jirto dowlad federal ah taas oo ay ku furan yihiin dhibaatooyin isbiirsaday oo ay ugu horeyso dagaalka Al-shabaab, musuqa, nidaamka oo weli qaybaha qaar u muuqda mid laga soo minguuriyay Kacaanka. Dhaqaalaha waa dhibaato kale oo dowladda federaalka waxaa ay 100% ku tiirsan tahay beesha caalamka deeqaha, kaalmada iyo deymaha ay bixiyaan, waxaa intaa dheer 13-kii sano ee ugu dambeeya dalkeena Soomaaliya waa dalka ugu musuqa badan ee caalamka…..taasina ma aha mid uu dal ku dhismo ama ku hormaro. Hadaba, waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay ka gudubto xusuusta dowladda Maxamed Siyaad iyo waxa dadka qaar ugu yeeraan Bari-sammaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Do you remember the last bedtime story you read to your child? Did the story’s characters look and sound like members of your family? Source: Hiiraan Online
  7. It is unclear whether Republicans have the support they need to remove the Minnesota Democrat from the House Foreign Affairs Committee. Source: Hiiraan Online
  8. Experts say offensives against al-Shabaab, liberation of strategic town is ‘huge blow’ to terrorists Source: Hiiraan Online
  9. Diyaar-garowgii u danbeeyay ee soo dhawaynta Garaad Maxamed Garaad Abshir ayaa saaka ka socota magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Garaadka Maxamed oo saaka ka amba-baxay Garoowe ayaa ku sii jeeda Laascaanood halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Aaya-ka tashiga Beelaha SSC. Garaadka ayaa sidoo kale xalay Garoowe kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo siyaasiyiin kala duwan. Waxaa la sheegay in ay ka wada-hadleen xaaladda Gobollada SSC ee uu ka curtay Kacdoonka buluugan islamarkaana ka tashanaya aayahooda. PUNTLAND POST The post Garaad Maxamed Garaad Abshir oo saaka ku wajahan Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  10. Liban Yasin Alshire admitted to submitting fraudulent claims for reimbursement for meals reportedly served to underprivileged children. He will forfeit an apartment and resort property in Kenya, a pickup truck, and more than $700,000. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay xiilli dambe xaafado ka tirsan magaalada lagu garaacay tiro hoobiyayaal ah. Inta la xaqiijiyay afar hoobiye ayaa laga maqlay gudaha magaalada waxaana ay ku dhaceen xaafadaha Xaawa taako iyo Buundawayn. Saddex kamid ah hoobiyayaasha ayaa la sheegay in ay ku soo dhaceen xaafadda Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad, halka hoobiyaha afaraadna uu ku dhacay Xaafada Buundaweyn agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne. Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyayaasha, maamulka gobalka iyo kan magaaladana weli wax war ah kama aysan soo saarin Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Somalia’s accession key to scaling intra-regional trade: EAC SG Mathuki Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s airspace has officially been reclassified as Class A by the International Air Transport Association (IATA) after 30 years of disruption. The reclassification took effect at one minute past midnight on January 26th, 2023, when air traffic control services were restored in the region. The airspace, officially known as the Mogadishu Flight Information Region (FIR), covers the landmass surrounding the Horn of Africa and extends into the Indian Ocean. Some of the busiest airways in the region, linking the African subcontinent south of Ethiopia with the Middle East, Indian subcontinent, Western Europe, and Indian Ocean islands, traverse through Somali airspace. This reclassification is a significant step towards improving safety and efficiency in the region. It is the result of the collaborative efforts of the Somalia Airspace Special Coordination Team, which comprises the Somali Civil Aviation Authority, IATA, International Civil Aviation Organization, adjacent FIRs, and airlines. The team has been working to install and commission modern radio navigation and other technological infrastructure, which has enabled the reclassification and resumption of air traffic control services in the Mogadishu FIR. IATA’s Regional Vice President for the Middle East and Africa, Kamil Al-Awadhi, said, “The reclassification of the Mogadishu FIR as ‘Class A’ airspace will significantly improve safety in the region and enhance efficiency. This is thanks to the collaborative efforts of the Somalia Airspace Special Coordination Team, comprising the Somali CAA, IATA, the International Civil Aviation Organization, adjacent FIRs, and airlines.” He added, “The upgrade of air traffic management and improved navigation and communication infrastructure will enhance situational awareness along an increasingly busy air corridor and its intersections with routes linking many of the world’s regions.” Somalia’s Minister of Transport and Civil Aviation Fardowsa Osman welcomed the move saying “this is a significant event that demonstrates our commitment to air safety and security on some of the busiest air routes in the region and the world. Additionally, this upgrade will contribute to the economic growth of our country.” She further added “I would like to express my gratitude to the leadership and staff of the Somali Civil Aviation Organization for their tireless efforts in reaching this milestone, especially after 30 years of being under the Air Authority. I also extend my thanks to international organizations such as ICAO and IATA for their cooperation in making this achievement possible.” From now on, all flights operating in Class A airspace must be cleared by air traffic control, which is also responsible for maintaining lateral and vertical separation between aircraft. In the Mogadishu FIR, Class A airspace is the sky above the base altitude of approximately 24,500 feet above mean sea level. The upgrade of air traffic management and improved navigation and communication infrastructure will enhance situational awareness along an increasingly busy air corridor and its intersections with routes linking many of the world’s regions. This will not only improve safety for passengers and crew but also lead to more efficient flight routes and ultimately lower costs for airlines. The reclassification of Somalia’s airspace is also expected to have a positive impact on the country’s economy. As air travel becomes safer and more efficient, it will attract more tourism and business investment to the region. This in turn will create jobs and stimulate economic growth. The post Somalia’s airspace upgraded to Class A after 30 years appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhuusamareeb (HOL) - The Galmudug Ministry of Internal Security has announced a ban on the importation of khat into areas where government security forces are fighting against al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaysatay in hawada dalka ay kamid noqoto kuwa ugu wanaagsan ee guud ahaan caalamka oo dhan. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada marwa Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya ay noqotay mid qaadata darajada (Classic A). “Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A)”, ayay tiri marwa Fardowsa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in ay darajadaan ay wax badan ka tari doonto hawada Soomaaliya oo kamid ah kuwa ugu mashquulka badan gobalka. “Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna,” ayay tiri marwa Fardowsa. Wasiir Fardowsa aya ugu danbeyn tiri “Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA,”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. After five consecutive below-average rains, the humanitarian crisis in the Horn of Africa is expanding and deepening, the United Nations World Food Program (WFP) has warned. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU, Jan. 26 (Xinhua) -- Somalia plans to introduce new banknotes in mid-2024 to mop out counterfeit bills, reduce excess cash in circulation, and address inflation, the country's central bank said. Source: Hiiraan Online
  18. The East African Community (EAC) on Wednesday officially launched the verification mission to assess the Federal Republic of Somalia’s readiness to join the regional bloc. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay xirtay hay’addo ajnabi ah oo gudaha dalka ka waday shiiceynta dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in hay’adda Nabad-sugida (NISA) ay markii hore usoo gudbisay hay’addahan oo laba ah, kadib xaqiijin ay dowladda federaalka qaadatay go’aanka lagu xirayo. Hay’addaha la xiray ee madaxweynaha uu sheegay ayaa kala ah; hay’adda Qumeyni Fundation iyo hay’adda Bisha Cas ee Iiraaniyiinta. Sidoo kale waxa la xiray safaaradda Iran ee Muqdisho. “Dadka masaakiinta ah ayaa la Shiiceynaya, gabdho la isku keenay oo ilmo agoon ah haysta harqaan ayaa loo gaday oo tababar ayaa la siiyay waa lagu dhex jiraa, dhalinyaro ayaa loo yeeray maxaa u guursan weydeen dhaqaalo ma haysano – guur-wadareed ayaa idin sameynayna waa lagu dhex jira. Waxaas oo dhan waa ficilo fiican laakiin ajande kale ayaa laga lahaa,” ayuu yiri. “Dadkaan iyo siday ku yimaadeen ayaa fiirinay, hadda racdeyno berri mid kale ayaa la keena, marka safaaradii ayaa xirnay. Marka qanuun shareecada waafaqsaneyn dalka laguma dhaqi karo, haddii hore loo gaaray Diin aan Diinta Islaamka aheyn dalka laguma faafin karo oo dadka lama bari karo, dhihida aan dhahnay wax macno ku fadhiya ma ah haddii aan gacmihii iyo indhihii noo ilaalin lahaa yeelan weyno.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimada in la fududeydiyo barashada iyo fahamka Diinta Islaamka, si wacyigooda Diimeed u sareeyo, islamarkaana aan loogu soo dhuuman. “Maanta Ilaahay idinkii Ilaalinta Diinta iyo Horumarinteeda oo ah fududeynta barashadeeda iyo ku dhaqankeeda, waxa umadda caamka ah quseeya ayaa ina-quseeya. Waxa naga wada dhaxeeya ee ina-taabanaya waa barashada iyo fududeynteeda.” Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa rajeynaya in Ilaahay idinkii uu dalkaan gaari doono maalin qof duruufeysan la waayi doono, waa leeyahay kheyraadkiisa iyo wanaagiisa dalkaan.” Soomaaliya ayaa dhowr jeer laga soo wariyay dhexdeeda in ay jiraan dad Diimo kale si hoose ugu faafiya gudaha dalka, hase yeeshe tallaabada ay qaaday dowladda Xasan Sheekh ee ku wajahayso dadka iyo hay’addaha ay ku cadaato arrintaan ayaa ah mid bogaadin mudan. The post Xasan Sheekh oo shaaciyay in la xiray hay’ado Iiraaniyiin ah oo Soomaaliya ka waday… appeared first on Caasimada Online.
  20. WASHINGTON — The Somali airspace has regained its Class A classification after more than 30 years, the International Air Transport Association said. Source: Hiiraan Online
  21. Ciidamadii Somaliland ee fadhiyay duleedka degaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa xalay halkaas isaga guuray sida ay wararku xaqiijinayaan Xogaha ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ee ka baxay Yubbe ay ku wajahan yihiin magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamadan ay ku biirayaan kuwa fadhiya nawaaxiga Laascaanood oo lagu xoojinayo. Dhaq dhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo Shirka Aaya-ka-tashiga Beelaha SSC. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo xalay isaga baxay degaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirkii Kenyan ah oo ay hadda ka hor Muslimiinta isugu dhaceen Gabadh Soomaali ah darteed oo geeriyooday Wasiirkii hore ee waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 71 sano. Waxa uu ahaa ruug caddaa ka tagay dhaxal aqooneed oo ballaaran inkastoo aysan taariikhdiisa ka marneyn dhacdooyin muran dhaliyay. Magoha ayaa Talaadadii ku dhintay isbitaalka Nairobi ka dib markii uu kusoo booday wadne xanuun. Maalmo ka hor geeridiisa degdegga ku timid ayuu amar ku bixiyay in la qoro taariikhdiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo sidoo kale tebiyay in aad loola yaabay qaabka ay isugu beegmeen dhimashadiisa iyo diyaarinta buugga taariikh nololeedkiisa. Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxaa ka mid ah inuu goob jog u ahaa isbedello adag oo lagu sameeyay hannaankii hore ee waxbarashada Kenya muddo tobaneeyo sanao ah. Magoha oo ahaan jiray dhakhtar qalliin ayaa kusoo shaac baxay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Uhuru Kenyatta. Shaqooyinka uu dhaxal ahaanta uga tagay waxaa ka mid ah sida uu waxbarashada Kenya u hoggaamiyay xilligii uu jiray fayraska corona. Geerida Magoha waxa ay qoyskiisa ku noqotay musiibo laba jibbaarantay maadaama ay markii horeba isku diyaarinayeen aaska walaalkiis oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka. Xurguftii dhex martay Magoha iyo Muslimiinta Kenya Bishii July ee sanadkii 2022 ayey madaxda Muslimiinta Kenya ku baaqeen in xilka laga qaado Magoha oo xilligaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ka dib markii lagu eedeeyay in uu hadal gef ah ku yiri gabadh Muslim ah oo Soomaali ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee laga leeyahay Kenya. Ruqiya Buulle Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay. “Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al-Shabaab ka socoto, kama jawaabi doono su’aashaada,” ayuu yiri Mogoha. Wuxuu markaas ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi. Dadka sida weyn uga carooday arrintaas waxaa ka mid ahaa Aadan Ducaale oo xilligaas ahaa xildhibaan balse hadda ah wasiirka Difaaca ee Kenya. “Ma ahaan kartid wasiir Waxbarasho. Maxaad u dooneysaa in carruurteennu ay kugu daydaan adiga oo aabbe ahaan kuugu daydaan adigoo doonaya inaad u heyb soocdo saxafiyad da‘ yar oo lagu magacaabo Ruqiya sababo la xiriira bulshadeeda iyo diinteeda,” ayuu yiri Ducaale. Magoha ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay dhacdadaas, isagoo hadlkii uu ku yiri gabadha wariyaha ah ku tilmaamay kaftan. Kumuu ahaa George Magoha? Shakhsi ahaan waxaa lagu tilmaami jiray nin cod kar ah oo aan qaadan waxyaabaha mcno darrada ah, hadalkiisana aan la gabban. Intii uu ahaa wasiirka waxbarashada waxa uu fuliyay qorshe looga hortagayay qishka lagu sameeyo imtixaannada qaran. George Albert Omore Magoha waxa uu dhashay sanadkii 1952. Magaciisu wuxuu soo ifbaxay markii uu noqday ku xigeenka madaxa Jaamacadda Nairobi, waxa uuna xilkaas hayay intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015. Markii uu ka tagay Jaamacadda Nairobi waxaa loo magacaabay madaxa Guddiga Imtixaanaadka Qaran oo uu hoggaaminayay intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2019-kii. Kowdii bishii March ee sanadkii 2019 ayuu madaxweynihii xilligaas ee Kenya, Uhuru Kenyatta, u magacaabay xilka wasiirka waxbarashada. Waxa uu jagadaas kala wareegay Aamina Maxamed oo loo baddalay in ay noqoto Wasiirka Ciyaaraha. Qaran News