Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgal shalay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 73 xubnood oo kamid ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ay ku dileen howl-gallo ka dhacay deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanadaasi, isaga oo xusay in howl-galkaan ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka, ayna jab weyn gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab. “Dagaal sagaalkii subax bilawday oo ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 kamid ah Shabaabka deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay, walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas,” ayuu yiri Jeneraal Biixi. “Ilaahay waa ku jabiyay Khawaarijtii, dhaawac iyo mayd farabadan ayaa meeshaas yaalla, waxay u kala carareen wadada Caad iyo wadada Mililiqo waa lagu raadjooga aad ayaana loo jabiyay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Shabaab ay tahli waayeen inay qaataan dhaawacyadooda, ayna ku daba jiraan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan dalka. Degmada Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa ahayd saldhigii ugu weyna kooxda Al-Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana maalmihii dambe ciidamada dowladda halkaasi ka wadeen howl-gallo is-ballaarin ah. Barqanimadii shalay ayay ahayd markii ay dowladda federaalka ee Soomaaliya shaacisay in toddobaad gudaheed Al-Shabaab laga dilay in ka badan 300 xubnood, howl-galadaas oo si gaar ah uga kala dhacay gobolada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay. Sidoo kale, illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayay dowladdu sheegtay inay soo galeen gacanteeda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose. The post Al-Shabaab oo 73 xubnood looga dilay dagaal culus oo mar kale shalay dhacay appeared first on Caasimada Online.
  2. Somalia is a country that has been plagued by corruption for decades. The government has been identified as one of the main sources of corruption in the country. This paper aims to examine the various forms of corruption that are prevalent within the Somali government, as well as the impact that this corruption has on the country and its citizens. One of the main forms of corruption within the Somali government is embezzlement. This is the unauthorized use of public funds for personal gain. Officials within the government often divert funds that are meant for public projects and services, such as infrastructure and education, into their own pockets. This not only undermines the government's ability to provide basic services to its citizens, but also fuels the mistrust between the citizens and the government. Source: Hiiraan Online
  3. Dar es Salaam (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin cusub kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Tanzania ee bariga Afrika. Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Dar es Salaam ayaa soo saartay digniintan, kadib qoraal rasmi ah oo ay soo saartay. Sidoo kale safaaradda ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah inay ka fogaadaan meelaha ay dadku iskugu yimaadaan sida maqaayadaha, suuqyada iyo goobaha dalxiiska. Mareykanka ayaa intaasi ku daray in goobaha bartilmaameedyada ahi ay ku jiraan meelaha ay tegaan dadka reer galbeedka ah. “Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday Mareykanka. Kadib digniintan soo baxday dowladda Tanzania ayaa lagu soo warramayaa inay qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo amniga, si looga hortago weeraradaasi argagixiso. Marar badan oo hore Mareykanka ayaa digniin noocaan oo kale ah ka soo saaray dalal badan oo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah. The post Mareykanka oo ka digay ‘weerarro argagixiso’ oo ka dhaca … appeared first on Caasimada Online.
  4. “Waxan leeyahay Tolkay yaan Muuse Biixi Colaad sokeeye idin gelin oo kuwa u shaqeeyaa Xaabo ay Muuse Biixi u shidaan idinka dhigin. Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Ahmed Kaligii Cunow,Kaligaa Cel-Celi laascaanood hawsheedu Madaxweyne Muuse biixi ayay dhakadiisa saaran tahay. Madaxweyne Muuse Biixi Talo ma hayo dad Talo hayaana lama joogaan Tol qabtana ma hayo oo burburkaas uu Ummadii u horseeday Gacanta ka qabta, Markay sidaa tahay Tolkay waxaan leeyahay waar nin kasta halka alle dhigay waa la yaqaanaa cida aad la hadlaysaan garan maayee laascaanood hawsheedu Madaxweyne Muuse biixi ayay dhakadiisa saaran tahay. Taladiisii Xumaydna horaanteedii waan aragnaa waxan leeyahay Tolkay yaan Muuse Biixi Colaad sokeeye idin gelin oo kuwa u shaqeeyaa Xaabo ay Muuse Biixi u shidaan idinka dhigin. Hadii Muuse Biixi dadka Qancinaayo dalkiina soo celinaayo isaga ayay Masuulliyadi ka saaran tahay. Waar hoy yaan Colaad ehli ah la idin ku soo rarin oo masaakiintaas xaaladaha adduunyo hayaan ee reer miyiga ah ee xoolo dhaqatada ah ee aan dawladi wax ay tarto jirin yaan raaligelinta Madaxweyne Muuse Biixi dhiigooda dab loo sudhin. Horumar ,cadaalad iyo wax wada lahaansho kolka ay jirto ayaa ummadu midnimadeeda ilaalisa oo ay difaacataa kana hadashaa ,balse in aad hadashaan maanta iyadoo aan intaas midna la hayn oo la idinka hadashiiyo waa markhaati Beenaale aad u furteen Muuse Biixi iyo Colkiisa iyo Colaad hor leh oo aad bilaa sabab ugu soo waarideen nolosha ubadkiina iyo nabada deegaankiina . Colaad reereed ma jirto, reer, reer kale dhulkiisa sheegan karaana hadal keedba daa, Deegaanadeena hadii aaga Buuhoodle ay tahay iyo Hadii Caynaba tahayba, waa la inoo yaqaanaa ee yaan Madaxweyne Muuse biixi iyo Xukuumadiisu turjumaad khaldan idin siin. Waxa galbeed horumar iyo mashaariic ka socotaa waad aragtaan idinkuna kaamam baracayaal baa la idiin abuuray oo reer miyigiinii lagu soo xareeyey oo maalin kasta Tv-yada taagan waxan idin leeyahay kuwaa sidaa idiin gartay yaanay dhiigiina ku darsan . Laascaanood iyo Garaadada jooga waxaan leeyahay Siiba Garaad Jaamac Garaad Cali waar Colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waar afkiina Colaada ka dhawra oo Nabad ka shaqeeya oo bahasha yaan reero laga dhigin , reeruhu imika ma abuurmin ilaa xaawa iyo Aadan ayay wada daganaayeen oo isku nolol ahaayeen waanay is yaqaanaan markaa yaan Shaydaan dhagta wax idiin saarin idinka . Xildhibaan Mustafe Khayreeye Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii furay shirka, ku dhawaad 300 Culimo Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb-galeysa shirweynaha Culimada, kuwaasi oo ay u dhan yihiin firqooyinka kala duwan. Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday shirkaan, diiwaanka u yaalla madaxda Soomaalida ee xagga la-macaamilka Culimada ama hirgelinta Shareecada Islaamka ma qurux badneyn waqti dheer. Laakiin 2023-ka dadka Soomaaliyeed waxay marqaati ka noqdeen madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya marjac Diini ah oo loo laabto iyo madaxweyne abaabulaya shir Diimeed. Culimada waxay madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad-celiyeen inuu abaabulay kulan noocaan ah uu kadibna weydiistay Culimada inay si Diini ah dalka iyo dadka u jiheeyaan oo ay sameeyaan marjac Diini ah oo loola laabto qadiyadaha waaweyn. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu kusoo aaday iyada oo si adag loola dirirayo kooxda Al-Shabaab oo dhaqankeeda guracan u galisay shaati Islaami ah. Culimo badan ayaa hore u sheegtay in uusan dhaqanka Al-Shabaab meelna ka waafaqsaneyn Diinta Islaamka. Marka la eego marxalada uu shirkaan kusoo aaday waxay dad badan qabaan in lagu faa’iido doono oo dagaalka dowladda iyo shacabka waddo uu heli doono sahay fiican oo Diini ah. Dadka weli kooxda rejada ka qaba wuxuu shirkaan siin doona daliilo cad oo soo afjaraya ku been abuurashada Al-Shabaab ee Diinta Islaamka. Shirkaan waxaa laga filaya saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah; 1. In uu hoos u dhigo loolanka u dhaxeeya firqooyinka Diimaha ee ka jira Soomaaliya, maadama uu dalka marayo meel halis ah oo ay qasab tahay in la badbaadiyo. 2. Xukun Diimeed la xiriira Al-Shabaab: Kooxdan oo ku dhawaad 15 sanno xirneyd shaadh Diini ah ayaa dhaqankeedu burburiyay wixii ay sheeganeysay mudada fog. Hadda waxaa la filaya inuu shirkan banaanka dhigo waxyaabaha ay mudada fog dhalinyarada ku maran-habaabineysay kooxdu. 3. Dhismaha golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: Mid kamid ah ujeedooyinka shirkan waa in uu dalku yeesho hay’add Culimadu ku mideysan tahay oo marjac u noqota ku dhaqanka maamulka dowliga ah iyo dhaqanka guud ee bulshada Soomaaliyeed oo hadda isagu halis ku jira marka la eego sida taban ee ugu milmay teknoolijayada casriga ah. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoog iyo xoolaba galinaysa dagaalka tooska ah ee Al-Shabaab ayaa haddana u muuqata inay si buuxda u dhaqaajisay dagaalka fikirka ah ee lala galayo kooxda Al-Shabaab. The post 3 arrin oo laga filayo shirka culimada iyo Xasan Sheekh oo sumad gaar ah ku helay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood maalintii Isniintii kumanaan ruux ayaa banaanka iskugu soo baxday, dhaqanka sare ee beesha ayaa halkaas gaaray laakiin miisaanka isku soo baxa ayaa diray farriin ka baaqad weyn garaadka lasoo dhaweeyay. Muddo bil ku dhaw xiisad ayaa ka taagan Laascaanood, Somaliland waxay u muuqata inay ku guul-dareysatay in ay xaliso xiisadda, dhowr isku day oo ay sameeyeen ayaa shaqeynin, wafdi heer wasiir ah oo Laascaanood usoo direen ayaa waji-gabax la noqday. Bandhigii Isniintii ee Laascaanood ayaa waxa laga dhex akhristay afar arrimood, kuwaasi oo kala ah; 1. Midnimo Soomaaliyeed: Dadka iskugu soo baxay magaalada Laascaanood intooda badan waxay siteen calanka Buluuga ah ee mideeynaya Soomaaliyadii xoroowday 1960-kii. Ka sokow calanka dadkii goobta ka hadlay oo uu ku jiray Garaad Jaamac Garaad Cali waxay si cad u sheegeen in aanay iyagu marnaba diyaar u aheyn in Soomaaliya la kala jaro. Reer Laascaanood waxay sheegeen inay weligood u dagaalamayeen in la helo Soomaali mideysan oo madax-banaan, haddana aanay macquul ahayn in ay aqbalaan in Soomaaliya la kala jaro. Dad tiradaas iyo dhulkaas haysta oo diidan mashruuca gooni isu-taagga Somaliland waxay Hargeysa iyo inta gooni isu-taagga raadineysaba ku tahay farriin weyn oo aan u fiicneyn. 2. Isbeddel Beeleed: Marar badan beesha degan Laascaanood iyo deegaanada u dhow-dhow waxaa lagu eedeynayay inay yihiin dad siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba qeybsan, taasina ay tahay sababta ay u heli waayeen maamul gaar ah. Laakiin tan iyo markii uu billowday kacdoonku illaa bandhigii Isniintii beesha deegaankaas degan waxay muujisay in xooggooda uu hal dhinac yaallo oo ay markaan u mideysan yihiin inay wax ka badalaan xaaladda. Inkasta oo siyaasiyiintu ay weli maamulo kala duwan taabacsan yihiin haddana ganacsatada, dhaqanka, dhalinyarada iyo guud ahaan shacabku waxay muujiyeen in uu xooggooda hal dhinac jiro. 3. In Laascaanood aanay ku jirin gacanta Somaliland: Bandhigii Isniintii wuxuu caddeeyay in Somaliland gacanteeda laga maroojiyay magalaada Laascaanood ciidan ahaan, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba. Tirada dadkii soo baxay, calanka Soomaaliya oo meel walba laga suray, ilaalada oo beesha ka socotay iyo kalmadihii meesha laga yiri oo dhamaan diidana Somaliland ayaa Soomaalida kale iyo Beesha Caalamka u caddeysay in Laascaanood ay hadda si gaar ah u nooshahay. 4. Suurta-galnimada in beelo kale kacaan: Marar kala duwan waxa soo baxay warar sheegaya inay jiraan beelo kale oo iyaguna diidan qorshaha gooni-isutaagga ama wax ka tabanaya hoggaanka Muuse Biixi Cabdi. Bandhiga Laascaanood iyo sidii ay dadkeeda u bareereen waxay keeni karta ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu inay beelo kale iyaguna ku kacaan maamulka, taasi oo hadday dhacdo sii dhaawici karta rejada Somaliland ee gooni isu-taag la aqoonsan yahay. Dadka reer Laascaanood weli waxa u socda wada-tashi iyo abaabul, Somaliland-na weli ma hayso xal ka duwan is-maquunin, taasi oo u muuqata mid aan xal u keeni doonin maamulka iyo deegaanka intaba. The post Afar arrimood oo halis ku ah rajada gooni isu-taagga ee Somaliland (Fallanqeyn) appeared first on Caasimada Online.
  7. Washington (Caasimada Online) – Facebook parent company Meta is lifting the suspension on former President Donald Trump’s personal account after a two-year ban following the January 6th insurrection. In a blog post, the company announced they are implementing “new guardrails” to prevent repeat violations of their rules. If Trump posts any additional content that breaks the rules, it will be removed, and he will face suspension for anywhere between a month and two years, depending on the severity of the violation. Not only is Facebook the world’s largest social media site, but it also served as a major source of fundraising for Trump’s campaigns, which spent millions on ads on the platform in 2016 and 2020. The move, which comes as Trump is gearing up for a third presidential run, will allow him to communicate directly with his 34 million followers, far more than the 4.8 million that currently follow him on Truth Social, and also resume direct fundraising. Trump has criticized Facebook’s decision to suspend his account and praised Truth Social. He said, “FACEBOOK, which has lost Billions of Dollars in value since “deplatforming” your favorite President, me, has just announced that they are reinstating my account. Such a thing should never again happen to a sitting President, or anybody else who is not deserving of retribution!” Civil rights groups and others have denounced Meta’s decision, stating that it sends a message to other figures with large online followings that they can break the rules without facing serious consequences. However, Jameel Jaffer, executive director of the Knight First Amendment Institute at Columbia University, argues that the reinstatement is the right call as the public can hear directly from political candidates. Meta vice president of global affairs, Nick Clegg, stated that in light of Trump’s previous violations, he will now face harsher penalties for repeat offenses and that these penalties will apply to other public figures whose accounts are reinstated after suspensions related to civil unrest under the updated protocol. If Trump or anyone else posts material that is harmful but does not violate Facebook’s rules, Meta will not remove it but will limit its reach, such as praising the QAnon conspiracy theory or trying to delegitimize an upcoming election. Trump’s accounts will be restored in the coming weeks on Facebook and Instagram. SOURCE: NEWS AGENCIES The post Meta reinstates Trump’s accounts with new guardrails appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia’s Information Minister, Daud Aweis, announced on Wednesday that the national army (SNA), with support from local militias, has killed 323 members of the terrorist group Al-Shabaab over the course of seven days. Aweis also reported that the SNA was successful in capturing the areas of Eldher, Haradhere, and Galcad in Galmudug state, which had been under the control of Al-Shabaab for over 15 years. In a press conference held in the nation’s capital, Mogadishu, Aweis stated, “The terrorists have been controlling these areas for more than 15 years. In another operation in Galmudug, more than 100 Al-Shabab have been killed by SNA after they attacked a military camp in Galcad.” He added that the national army (SNA) killed 70 members of Al-Shabaab in the Beerfarah area of Haradhere in the Mudug region, while multiple operations conducted against “the Al-Shabab Kharijities” in HirShabelle state, resulting in the deaths of over 90 members of the group. Additionally, Aweis said that 40 Al-Shabaab terrorists were killed during an operation in South West State, and ten individuals were freed from the group in Jubaland state. A security analyst in Mogadishu stressed the significance of these recent developments, saying, “The recent operations by the army, as well as the liberation of Haradhere, a coastal and strategic town, are significant defeats for the terrorist group.” Some officials have suggested that the terrorist group Al-Shabab is nearing its end. However, experts have cautioned that the group has a history of regrouping and reclaiming areas after being pushed out of major towns by the army. They have warned that the military may be unable to hold these areas long term. Omar Mahmood, a senior analyst at the International Crisis Group for East Africa, said that “the real test for the effort against Al-Shabab is not in the initial offensive phase, but rather in maintaining control and stability in the aftermath.” He also noted that the group is currently under pressure but warned that they tend to play a long-term strategy. In light of these ongoing challenges, some experts have suggested that the government replicate its cooperation with clan-based militias across the country. Hassan Mohamed, a former military officer, said, “Al-Shabaab would be extinct if government and clans were launching attacks in the entire country simultaneously.” The post Somalia: 323 Al-Shabab terrorists ‘killed in one week’ appeared first on Caasimada Online.
  9. Ra’iisal Wasaare Cigaal wuxuu 1968kii ku eedeeyay Biritayn inay heshiis qarsoodi la saxiixatay Itoobiya si ay u siiso dhul Soomaaliyeed. Gobolka Sool wuxuu uu eg yahay goob uu dagaal goosasho-doon ihi ka dhici doono. Waa la baajin karaa dagaalkaas; xal dhinacyada is haya ay ku qancaan waa la heli karaa. Xalku wuxuu ka iman karaa isbeddel ku dhaca sida maamulka Somaliland u fekerayo, isbeddelkaas oo horseedi kara in Somaliland ay gaarto guulo diblomaasiyadeed oo Soomaalida oo dhan ay ku diirsato, tustana dunida in Soomaalidu xal u heli karto wax dad badani u arkaan xaalad siyaasadeed oo cakiran. Farqi weyn ayaa u dhexeeya marka Somaliland doonayso inay Soomaaliya ka go’odo iyo marka ay aamminsan tahay inay tahay dal jira oo Soomaaliya ka go’ay 1991kii. 2021kii Somaliland waxay ka gudubtay doonista goosasho; waxay u gudubtay isu arkidda dal jira oo dadka aan u dhalan dhulka loo yiqiin Ex-British Somaliland laga tarxiili karo (qasab lagaga barakicin karo) inkastoo Soomaaliya tahay dal Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay dal siyaasad ahaan iyo dhul ahaan midaysan. Haddii Somaliland isu aragto dal gaar ah waxaa suurtowda inuu dhaco dagaal laga baaqsan karo haddii taariikda dib loo eego. I M Lewis buuggiisa A Modern History of the Somali (bogga 135 daabacaadda afraad) wuxuu ku qoray in dhammaadkii afartameeyadii (1946) ay dad ka mid dadka Hargeysa dega soo jeediyeen in ururkii SYL xafiis looga furo Hargeysa. Dad kale ayaa ka soo horjeestay taladaas waayo waxay SYL ku tilmaameen urur beeleed. Dadka SYL inay ka hawlgasho Hargeysa doonayay waxay ogaayeen in habkii xukunkii dadbanaa (indirect rule) uu u diidayay Soomaalida Waqooyiga inay ururrro gobanimoddoon ah iyo siyaasiyiin yeeshaan: odayaasha ayuu Biritishku ku xukumi jiray Waqooyiga. Siddeed sano kaddib markii qeyb ka mid ah Hargeysa diidday in ururkii SYL uu xafiis ka furto Hargeysa, dowladda Biritayn waxay dhulkii Haud & Reserved Area ku dartay Itoobiya. Ra’iisal Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo 1968kii ka khudbeeyay Royal African Society ayaa sheegay in bartamihii Qarnigii Sagaal iyo Tobnaad, dhowr sano kaddib markii Biritayn ay saxiixday heshiisyo ilaalineed ay Itoobiyana si qarsoodi ah heshiisyo ula saxiixatay siisayna qeybo ka mid ah dhulkii ay heshiiska ku gashay inay ilaaliso (“In the middle of the nineteenth century, only a fewyears after Britain had cynically signed flamboyant Treaties of Protection withthe people, it had secretly signed treaties with Ethiopia ceding to thatcountry a portion of those very lands it had undertaken to protect”). 1954kii Koonfurtu waxay ku jirtay gobanimo-gaarsiin (trusteeship). Madaxdeedu waxay lahaayeen culeys siyaasadeed oo odayaashii Waqooyiga ka arrimmin jiray aysan lahayn. 1959kii mar uu New York safar ku joogay Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise wuxuu la kulmay Madaxweynihii Maraykanka Dwight Eisenhower; wuxuu kala hadlay danaha Soomaalida dhulkooda lagu daray dhul kale iyaga oo aan lala tashanin. Haddii Cigaal oo ka mid ah aabbayaasha unkay qaranka Soomaaliyeed uu si geesinimo leh kula garramay dowladda Biritayn ma xaq baa in maanta dad Soomaaaliyeed ku doodaan inay bannaanka ka taagan yihiin qarannimada Soomaaliya? Itoobiya waxay ku doodaysay qarannimo: inay ka mid ahayd Ururkii Qaramada (League of Nations) iyo asaasayaashii Qaramada Midoobay (United Nations). Markii dhul Soomaali degto si sharci-darro ah loogu daray Itoobiya (1954kii) iyo maanta (2023ka) xaalka dunidu waa “afarteedabaallood qiif baa ka baxaya, waxaa loo baratamayaa boob iyo dhac weeye”, ereyo ka mid ah hees ka mid ahayd ruwaayaddii Waa Maadeys Adduunyadu Dadkuna Wuu Metelayaa. Eeg weerarka Ruushlu ku qaaday Ukraine; eeg sida dowladaha Soomaaliya deriska la ah u soo galeen Soomaaliya iyagoo cuskanaya sababo amni sida in Soomaaliya aysan lahayn dowlad ilaalin karta qarannimada dalka. Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo 1959kii New York kula kulmay madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Dwight David Eisenhower. Bahru Zewde, taariikhyahan Itoobiyaan ah, wuxuu ku qoray A History of Modern Ethiopia,1855-1991 in Imbaradoor Haile Selassie (Xayle Salaase) uu 1945kii la kulmay Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Franklin D. Roosevelt, siiyay shirkad Maraykan ah Sinclair xuquuq ay dhulka Soomaali galbeed shidaal kaga baarto, taasina uu Imbaradoorkii Itoobiya uga gol lahaa “inuu sugo in dhulkaas ka mid yahay Itoobiya” (bogga 185, daabacaadda labaad). Haile Sellasie iyo Menelek dood qarannimo ku salaysan bay adeegsadeen si ay u sheegtaan dhul Soomaali ku nooshahay. Atul Kohli oo ah bare-sare wax ka dhiga Jaamcadda Princeton (Princeton University) wuxuu ku tilmaamay qarannimo ‘hanti qaran’. Kohli wuxuu ku dooday in Biritayn iyo Maraykanku hor istaageen in bulshooyinkii beerlayda ahaa u gudbaan casriyeyn oo yeeshaan warshado, sidaas darteedna ay labadaas dal abuureen waxa loo yaqaanno dalalka soo koraya (developing countries). Inay Somaliland sheegato inay qarannimada Soomaaliya wax ku leedahay ayaa ka habboon inay ku dooddo inaysan Soomaaliya ka mid ahayn waayo maamulka qarannimo jirta sheegta ayaa ka culeys siyaasadeed badan kara mid sheegta qarannimo aan la aqoonsanayn. Maamulka Somaliland oo aan ka tanaasulaynin doonistiisa goonni-isu-taagga wuu dhowri karaa waajibka uu sharciga caalamigu saarayo haddii himilada reer Somaliland tahay inay noqdaan dal madaxbannaan oo Afrika ka mid ah. Waa in dowladda Somaliland caddayso inay dhowrayso baaqyada Golaha Ammaanka ku saabsan Qarannimada Soomaaliya. Labada faa’iido ugu yar ay dhowrista qarannimada Soomaaliyeed leedahay waa: (1) in maamulna uusan dejinin siyaasad qof Soomaaliyeed si qasab ah looga barakicinayo meel ka mid ah dalkiisa, (2) iyo in dal kale uusan qabsanin dhul berri ama bad ah oo ka mid ah Soomaaliya. Maaddaama aysan nala qumanaynin inaannu ku doodno in xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa ay ka billaabato meeshii ay ahayd ka hor inta aan Haud & Reserved Area lagu darin Itoobiya, ma jirto sabab sharciyeed oo aannu ugu dagaallami karno xuduudo ay Biritayn iyo Talyaanigu samaysteen markii ay dhulka Soomaaalidu ku nooshahay ka gumaysanayeen. Waa laga wada hadli karaa aayaha midowga siyaasadeed Soomaalida. Hadda Somaliland way aamminsan tahay inay Soomaaliya ka mid tahay. Haddii ay si rasmi ah u shaaciso inay dhowrayso baaqyada Golaha Ammaanka laakiin ay doonayso wadahadallo kama dambays ah ku saabsan aayaha midowga Soomaaliya, Somaliland waxay dunida tusi doontaa in Soomaalidu xal u heli karto dhibaatooyin siyaasadeed oo dalalka Soomaalida danaha ka leh u arkaan kuwo sii jiristoodu baabbi’in karaan gebi ahaanba qarannimada Soomaaliya. Hadda Soomaaliya waxay ku hoos jirtaa Chapter 7 ee Cahdiga Qaramada Midoobay oo loo isticmaalo dal halis ku ah nabadda dunida. Waa sababta uusan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maamulka Somaliland u xusuusinin ilaa hadda waajibka ka saaran dhowrista xuquuqasha asaasiga ay qarannimada Soomaaliya farayso, laakiin uu Madaxwenuhu raalli ka yahay in dowladdiisu magaca Soomaaliya kula gasho shirkado shisheeye heshiiyo shidaal baaris, u oggolaato ciidammada dalal kale inay Soomaaliya ka hawlgalaan. Maamulka Somaliland fursad weyn ayuu haystaa uu Soomaaliya kaga badbaadin karo colaad aan ku salaysnayn is difaacid qaran, isla markaasna ay taageeri karto dadaalka dadka Sool ay kaga baaraan-dagayaan sida ay nabad ugu wada noolaan karaan, kagana maarmi madax-dhaqameedka doonaya inay talada siyaasadda yeeshaan sidii odayaashii Waqooyiga ku maamuli jiray habkii xukunkii dadbanaa ka hor 26kii Juun 1960kii. Halis ka weyn ma jirto dunidan maanta in qarannimo bannaaanka laga istaago. Waa inaynan ku celinin gefefkii siyaasadeed dhacay ku dhowaad 77 sano ka hor. libahm@gmail.com The post <strong>Somaliland Waa inay Taariikhda Dib u Eegto Si Colaad Looga Hortago</strong> appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hawada Soomaaliya ayaa heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, muddo dheer ayey dowladda Soomaaliya u soo xusul duubeysay aqoonsiga ay heshay caawa, sida uu shaaciyey Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliya. Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ka joogtay heerka ugu hooseeya, balse wixii caawa ka dambeeya ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya. “Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, caawa ayaan ku guuleysanay in aan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka,” ayuu yiri Maareeyaha hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed. Axmed Macalin ayaa sheegay in mudo hal sano ay hey’addu ka shaqeyneysay in heerkaan ugu sareeya qiimeynta duulimaadyada caalamka au soo gaarto, isla markaana ay hadda taas ku guuleysteen. “Bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, waxaa mira-dhalay dadaalkeenii, keligeena maahane caawa dunida oo dhan ayaa nala dabaal-degeysa,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin. Mar la weydiiyey caqabadaha ay markii hore ku qabeen qiimeyntii heerkeedu hooseeyey ayuu sheegay in duulimaadyada qaar ay ka wareegsa jireen hawada Soomaaliya, maadaama qiimeynta heerka badqabkeedu uu hooseeyey. “Lacagtii aan soo saari jirnay in ka badan ayaan soo saari doonaa, diyaarado badan oo hadda ka leexda hawada Soomaaliya ayaa soo mari doona hawadeena,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin. Wadamo, hey’ado, shirkado duulimaad iyo ururro caalami ah ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyeen inay soo gaarto heerkaan. “Tani waxay ka dhigan tahay Soomaaliya caawa wixii ka dambeeya waxay awood u leedahay inay maamulato hawadeeda, waxaa la aqoonsaday inay heysato quburo ku filan, waxaana guushaan ka shaqeeyey quburo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Hey’adda duulista hawada Soomaaliya oo caawa gaareysa guul taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in caawa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu qaaday xaafado ka tirsan magaalada. Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xawaad ayaa la sheegay in caawa madaafiicda ugu badan ay Al-Shabaab ku garaaceen, waxaana lasoo weriyey in dhaawacyo ay ka dhasheen madaafiicdaas. Sidoo kale qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee isla magaalada Beledweyne ayey caawa hoobiyeyaashaani ku soo dhaceen, waxayna magaaladu gashay xaalad kala carar ah. Weerarkaan kadib ciidamada ammaanka ayaa magaalada ka bilaabay howlagllo culus oo caawa ka socda Beledweyne, kuwaas oo lagu baacsanayo raggii weerarkaan fuliyey oo la aaminsan yahay iinay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Inkastoo dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-Shabaab oo dagaal qaraar ay la galeen, hadana Al-Shabaab waxay weerarro ka geystaan deegaano aad ugu dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dhinaca galbeed ee magaalada ayey deegaano badan ka joogaan Al-Shabaab, waxayna geystaan weerarro iyo afduub ay ku ugaarsadaan beelaha go’aansaday inay si dhab ah isaga dhiciyaan kooxda. Beesha Xawaadle oo ah beesha ugu balaaran beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa toos ula dagaashay kooxda Al-Shabaab, waxaana beeshaas u suurtay gashay in dhamaan dhulka ay degto ay ka xoreysato Al-Shabaab. Go’aanka beesha Xawaadle wuxuu caro badan ku abuuray Al-Shabaab, waxayna kooxdu joogto u ugaarsataa qof kasta oo ka soo jeeda beesha, waxaana xusid mudan in dad u dhashay beesha Xawaadle ay u afduuban yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo lagu haayo deegaano dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne. Inkastoo la sheego in 95% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab, hadana dhul u badan miyi oo dhinaca galbeed ka xiga wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle ayey weli ku dhuumaaleystaan Al-Shabaab. The post Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ka tirsan magaalada… appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ayaa war ka soo saaray hadalheyn ka dhalatay rasaas xoog leh oo saacadihii lasoo dhaafay laga maqlay xerada ciidamada xoogga ee Jeneraal Goordan ee Muqdisho. Warar aad loogu faafiyey baraha bulshada ayaa tilmaamayey in ciidamadii tababarka ku soo qaatay dalka Eritrea ee Muqdisho la keenay ay dagaal galeen, kadib markii ay gadoodeen. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa war ka soo saaray arrintaan, waxaana qoraalka ka soo baxay lagu cadeeyey in wax dagaal ah aysan dhicin ee xabadaha la maqlay ay ahaayeen dabrid ama carbis ay sameynayeen ciidanku. “Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa uu dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan caasimmada gobalka Benaadir ee Muqdisho la socodsiinaya in rasaastii maanta ay maqlayeen ay tahay dabrid iyo carbis ay sameynayeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna sameenayeen guddaha Dugsiga Tababarka General Goordan XDS,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka xoogga dalka. Dab ridkaan ayaa ka dhacay xerada ciidamada xoogga Soomaaliya ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo tababarro yaryar oo barashada shuruucda ciidamada qaranka ay ugu muhiimsan yihiin ciidanka lagu siiyo. Xerada Jeneraal Goordan waxaa lagu xareeyey oo degan kumanaan ciidan ah oo dhawaan laga soo daabulay dalka Eritrea, halkaas oo tababar adag oo afar sano ah ay ku soo qaateen. Cidiankaan oo gaaraya shan kun oo askari ayaa waxaa weli socota soo daad-gureyntooda, waxaana la sheegay in dhamaadka bishaan lasoo dhameystirayo. Labo maalin ka hor dowladda Soomaaliya waxay ciidanka ATMIS ka saartay xeradii Maslax ee degmada Heliwaa, halkaas oo la dejinayo cutubyo ka tirsan ciidankaan ka imaanaya dalka Eritrea. The post Taliska xoogga dalka oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey ciidanka ka yimid Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  13. Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta dagaal culus ku qaaday Shabaab-kii ku sugnaa dhowr deegaan oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Ciidanka ayaa iska cabin adag kala kulmay Al-Shabaab waxaan la dilay xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo dhowr deegaan laga xoreeyey kooxda. Cabdifitaax Xasan Gaafow oo ka tisanaa saraakiisha Al-Shabaab ee aagga Ceeldheer ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalkii galabta, iyadoo lasoo bandhigay meydkiisa. Deeganada kala ah, Baraag-xasanleey, Maalin-cadaawe iyo Baraag Sheekh Cabdullaahi oo dhamaantood hoos taga Ceeldheer ayaa galabta laga saaray Al-Shabaab. Rag kale oo aan weli la aqoonsan magacyadooda rasmiga ah ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiisha galabta Al-Shabaab looga dilay aagga Ceeldheer, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya ee howlgalka hoggaamineysa. Daa’uud Abuukar oo ah sarkaalkii ciidanka dowladda ku hoggaaminayey dagaalkii galabta ayaa warbaahinta kula hadlay deegaanka Baraak Sheekh Cabdullaahi, asigoo fariin u diray xubnaha deegaanadaas u dhashay ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab. “Maanta waxaan Khawaarijta ka furanay hub, waana leynay, dadka deegaanadaan waxaan ka codsaneynaa inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, kama hareyno sidaan ayaan meydadkooda u wari doonaa, isku soo dhiiba dowladiina, hadaa nolol rabtaan,” ayuu yiri sarkaalkaan. Daa’uud Gacamey ayaa sidoo kale mid mid magacyadooda u sheegay hubnaha ka soo jeeda deegaanka ee hoggaaminaya Shabaab-ka aaggaas ka dagaalamaya, saraakiisha kooxda looga dhaawacay dagaalkii galabta waxaa ka mid ah guddoomiyihii kooxda ugu magacaawnaa degmada Ceeldheer. Dhammaan deegaanadii lagu dagaalamay waxaa si buuxda caawa gacanta ugu haya ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka oo galabta dagaal adag kula wareegay. Hoos ka daawo The post Daawo: Cabdifitaax Gaafow iyo saraakiil Shabaab looga dilay dagaal maanta dhacay appeared first on Caasimada Online.
  14. Ottawa (Caasimada Online) – The Canadian Housing Minister, Ahmed Hussen, has come under scrutiny for awarding contracts worth $93,050 to Munch More Media, a Toronto-based public relations firm specializing in promoting the restaurant and food services industry. The contracts were awarded from Hussen’s constituency office budget, not his ministerial budget. Hiba Tariq, the director of the company, is the sister of Tia Tariq, the director of policy and a close adviser to Hussen. When questioned about the awarding of the contracts, Hussen stated that his constituency office “followed all the rules” and that he was “happy with the services” provided by Munch More Media. He did not rule out hiring the firm in the future. Hussen also pointed out that members of parliament are permitted to pay for services, including communications services. The Office of the Ethics and Conflict of Interest Commissioner was also consulted before the contracts were awarded. However, the commissioner’s office spokesperson stated that it could not answer questions from Canadian network, Global News, as any advice provided by the office is confidential, and any requests for advice are also confidential. It was also reported on Friday that Marci Ien, the Canadian Minister of Women and Gender Equality, also gave $10,000 in contracts from her constituency budget to Munch More Media in 2021. At the time, Ien was not a minister. Tia Tariq was listed as a director of policy for Ien’s office on the lobby registry, but Ien’s office stated that this was incorrect and Tia Tariq was not working for Ien at the time. Prime Minister Justin Trudeau commented on the situation during a press conference on Monday, stating that it was the responsibility of any member of parliament to make sure they were communicating and connecting with their citizens. He added that the minister was answering questions on the matter and making sure all rules were being followed. It is important to note that according to research done by Global News on the spending of the constituency budget by cabinet ministers, Hussen is among a small group of ministers who have invested a substantial amount of public funds on external public relations assistance in recent months. Ahmed Hussen was the first Somali-Canadian to be elected to the House of Commons. He was first elected as a Member of Parliament in 2015, representing the riding of York South—Weston in Toronto. Before entering politics, Hussen practiced law and was active in community organizing and advocacy. He has served as the President of the Canadian Somali Congress and as a board member of various community organizations. He also served as a member of the Immigration and Refugee Board of Canada. The post Ahmed Hussen faces scrutiny for awarding contracts to a firm linked to a close advisor appeared first on Caasimada Online.
  15. Geneva - The International Air Transport Association (IATA) welcomes the reclassification of airspace over Somalia and the surrounding region to Class A. This will take place at one minute past midnight on 26 January 2023 when air traffic control services will be operationally restored after a 30-year disruption. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar. Mashruucan ayaa waxaa fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha qaabka looga faa’iideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyada oo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa mashruucan ku tilmaamay “fursad aan uga faa’iideyn karno dadkeena iyo xoolaheena” si aanay biyo la’aan ugu dhicin. “Maadama la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo, waxaan mashruucan uga faa’iideysaneyna si ay biyo la’aan u dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Xamza ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faa’iideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta. Mashruuca Barwaaqo ayaa socon doona muddo sanooyin ah, ayada oo ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah, wuxuuna xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka. The post Sawirro: Xamza oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc ay ku kaceyso malaayiin dollar appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku mamnuucayso in qaadka la geeyo deegaanada ay ka socdaan howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Amniga ee maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in qaadka looga mamnuucay deegaanadaasi sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howl-galada socda. “Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacsatada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaanada iyo degmooyika ay ka socdaan howl-galada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaanada hoostaga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka Galmudug. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in dowladda Galmudug ay la wareegi doonto gaarigii lagu qabto qaadka, islamarkaana la gubi doono qaadka saaran. “Wasaaraddu waxay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto. Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.” Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa fartay laamaha amaanka maamulka in sida ugu dhaqsaha badan ka howl-galaan dhaqan-gelinta amarkaan, ayna gacanta kusoo dhigaan cid walba oo u hoggaansami weyda. Go’aanka ayaa la filayaa in uu wax badan ka tari doono dagaalka ay ciidamada kula jiraan Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer dhacday in kooxdu qaadka uga faa’iideysato ciidamada huwanta, oo weeraro gaadmo ah kusoo qaado xilliyada aroortii hore. The post Galmudug oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah qaadka oo la xiriira dagaalka socda appeared first on Caasimada Online.
  18. Today the world is increasingly connected, thanks to the internet. As a result, cross border payments have become an essential aspect of payments. Over time, payments digitally transformed to make cross border payments easy for customers and B2B firms. Businesses seeking to expand internationally, whether to sell or buy products and services, can do so as multiple options are available for sending and receiving payments. Africa is currently booming with payment gateways. But few companies are looking for ways to connect Africa with the rest of the world. A study by Pew Research Remittance showed that 8 out of the 10 fastest-growing populations of expats are nationals of the countries from the sub-Saharan Africa region. The increase in population could be one of the reasons why cross border payments will increase in demand in the future. There has been a rise in the demand for online money transfers as African consumers are becoming comfortable with digital payment solutions. FinTechs are at the forefront of making these cross border payments in Africa seamless and easy. Below are 4 companies heading the cross border payments space in Africa: Dahabshiil Dahabshiil, an indigenous African company, was founded in 1970. It was set up as a new remittance venture to enable migrants to send money to family and friends back in the countries of East Africa. Dahabshiil has grown to be the largest African money transfer business operating in 126 countries across the world, 40 of which are in Africa. It remains a business committed to its original values of trust, reliability, integrity and customer focus. Dahabshill is very strong in rural communities. As well as enabling Africa’s very poorest people to survive, Dahabshiil allows others to invest and create jobs, contributing to growth on the continent. Mama Money Mama Money is a rapidly growing, innovative tech company and the world’s first Social Business Money Transfer Operator. Mama provides an easy, safe, low-cost way for foreign nationals to send money home to support their families. Their mobile application is easy-to-use and allows our customers to send money to their loved ones through a vast payout network that’s continuously expanding. Rather than looking at profit-maximisation, Mama aims to directly assist people who don’t earn a lot by lowering the cost of cross border payments. Mama Money was built to help African and Asian expats who left their homes and communities search for better opportunities. Social upliftment through financial inclusion is the core belief of Mama Money, and this drives us to keep growing and innovating. MFS Africa MFS Africa connects mobile money users and service providers, providing access to simple, secure, affordable, and compliant mobile financial solutions for all. They believe in open access for all and are driven to make borders matter less by connecting Africans to each other, SMMEs, and the global digital economy. MFS African has already integrated into PAPSS and is primed to provide greater access to other FinTech, e-commerce, finance institutions and mobile wallets to reach the entire continent. Mobile wallets can be harnessed to power-up cross border remittances and to process payments by companies for supplies or stock. MFS Africa provides access through its cross border payment switch that connects 320 million mobile wallets across 30 African markets. They operate across more than 600 payment corridors on the continent, making cross border payments seamless and remittances ubiquitous. SMEs, merchants, mobile companies, and financial institutions also have the chance to scale up access across the continent by partnering with MFS Africa and our ready presence in much of the continent. MFS Africa believes that there should be no barrier to selling services from one African country to the other. The key is to have a payment partner that makes cross border payments as simple as making a phone call – and selling one’s services just as easily. Paga Group Paga Group is a payments and financial services ecosystem for Africa. They focus on helping consumers and sellers pay, get paid, and access financial services. They also offer their platform as a service to third-party partners. Millions of Nigerians trust Paga with their money. They ensure your money is safe by complying with the highest global security standards. Banked or unbanked, online or offline, Paga offers a central place for simple money transfers. You can send money instantly to anyone with a phone number, email address or bank account. Source Ibsintelligence Qaran News
  19. Mogadishu, January 25 (QNA) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre met Wednesday with a delegation from the United Nations Children's Fund (UNICEF), headed by the Regional Director for East and Southern Africa of UNICEF Mohamed Fall. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee qeybta ka ah shirweynaha ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in la-macaamilka Shabaab uu xaaram yahay Diin ahaan. Sheekh Bashiir ayaa xusay in Shabaab ay shaqadooda tahay dilka iyo dhaca umadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed uu dembi weyn yahay qofkii kaalmeeya kooxda ee xoola siiya, kaasi oo ka dhigan in uu qeyb ka noqday gumaadka dadka aan wax galabsan, sida uu hadalka u dhigay. “Nimankaas la-tacaamulkoodu Diini ahaan iyo Waddaniyad ahaanba waa xaaraam, wax kale uma joogaan oo waxay ka shaqeynayaan in ay meel wax dhigaan oo loo layn lahaa dad Muslimiin ah oo waxba galabsan. Diinteena muqadaska ah wey xaaraamtiyeysay in qofka dambiilaha ah lagu kaalmeeyo dambiga,” ayuu yiri. “Wanaagga isku kaalmeeya laakiin ha isku kaalmeynina dambiga Ilaahay laga galayo iyo xad-gudubka dadka lagu xadgudbyo, nimankaan Diintii meel ayay kaga dhacayaan oo dadkiina waa ku xad-gudbayaan. Haddii la siiyo xoolo la siiyo, baad la siiyo ama waxay ku magacaaban Zako la siiyo kuligeed kaalmo ayay ahaaneysa.” Sidoo kale waxa uu sheegay in awoodda Shabaab xilligaan la arkay, ayna tahay in loo wada midoobo la-dagaalanka kooxdan oo sanadihii u dambeeyay dhib farabadan u geysatay bulshada Soomaaliyeed. “Maanta maalinteedii ma ah, oo maanta waa maalin nimankii cabsidooda la tijaabiyay oo awoodooda ay burburtay oo dagaal ku socda, qofka maanta lacag la weydiiyo ee laga baaddayo waa qof aan wax ogeyn oo doqon ah wixii hore Allaha naga dhaafe hadda fursada iyo jaaniska waa salaxan yahay waa in halmar Maya la wada yiraahdo oo loo diido lagana joojiyo.” Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, ayada oo lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaalka tooska ah barbar wada dadaalo ay ku dooneysay sidii ay ku wiiqi laheyd awooda dhaqaale ee Shabaab, waxaana bilihii dambe si weyn hoos ugu dhacay lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay ganacsatada, gaar ahaan kuwa Muqdisho. The post Sheekh Bashiir oo sheegay waxa ay ka dhigan tahay la-macaamilka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (Caasimada Online) – On Wednesday, the East African Community (EAC) has begun a verification process to evaluate if Somalia is ready to join the organization. A team of experts from the EAC Partner States will be visiting Somalia from January 25th to February 3rd, 2023, to determine if the country meets the criteria for membership. According to EAC Secretary General Hon (Dr.) Peter Mathuki, The team will investigate Somalia’s institutional and legal frameworks, policies, strategies, and projects to assess the country’s level of conformity with the EAC. They will also evaluate Somalia’s development plans in infrastructure, energy, education, peace and security, and international cooperation. The team will also evaluate Somalia’s compliance with international law and determine if the country is prepared to become a member of the EAC Customs Union, Common Market Protocol, Monetary Union, and ongoing political confederation Constitutional Framework. Somalia’s Foreign Affairs and International Cooperation Minister welcomed the assessment, saying that the country will significantly benefit from the free movement of people across the region without needing visas if it becomes a member of the EAC. “Somalis are already present in the East African region. The Somalis started integrating with their brothers and sisters of the region way before the request of formalizing the decision to join the EAC,” he said. Mrs. Tiri Marie Rose from the Republic of Burundi is leading the EAC verification mission. Somalia first applied to join the EAC in 2012, but the process has been pending for various reasons. The 22nd EAC Heads of State Summit acknowledged that the verification process for Somalia’s admission into the EAC had yet to be undertaken. The Summit directed the Council to swiftly complete the verification under the EAC procedures for admitting new members and to report back at the 23rd Ordinary Meeting of the Summit. The Treaty establishing the EAC includes criteria for the admission of new countries into the community. These include acceptance of the community as set out in the Treaty, adherence to universal human rights, and the ability to participate effectively in the EAC’s activities. The EAC also considers a country’s development level and contribution to the community’s objectives. The EAC is a regional intergovernmental organization that aims to promote economic integration among its member countries. It was established in 1967 by the signing of the Treaty for the Establishment of the East African Community. The organization currently has six member states: Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, and South Sudan. The EAC’s objective is to create a single customs union and common market, which will lead to increased trade among the member states and ultimately establish a monetary union. The EAC also focuses on infrastructure, energy, education, peace and security, and international cooperation. With its long national coastline of over 3,000 km that links Africa to the Arabian Peninsula, Somalia could play a significant role in increasing intra-regional trade among EAC countries. Additionally, exploiting Somalia’s blue economy resources, such as fish, could boost the regional economy. If admitted, Somalia will be the 8th member of the EAC and will be able to participate in the organization’s activities and benefit from increased trade and cooperation among the member states. The post Somalia moves closer to EAC membership with verification process underway appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay ku xidhey Hargeisa Weriye Mohamed Koronto, oo ka mid ah hawl-wadeenada Telefishanka SOMNEWS TV. Ciidamada ayaa sidoo kale xalay xili danbe baadhitaano ku sameeyay xarunta guud ee Telefishanka SOMNEWS, iyagoo ilaalada xaruntana ku amrey inaan lagu shaqeyn karin xarunta. lama oga sababta ka danbaysay xidhiga Weriyaha, baadhitaanka xarunta ee kediska ah iyo bixinta amarka shaqo joojinta ee ciidanka kasoo yeedhay. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Arxan la’aantu waa mid kamid ah waxyaabaha loo tiriyo ama lagu qeexo kooxda Al-Shabaab, ficiladooda ayaa sabab u ah. Culimo badan ayay kooxdu hore u dishay, dumar iyo caruur ayay sidoo kale laayeen, waxaana waxyaabaha kacdoonka socda dhaliyay kamid ah ilmo aan toban jir gaadhin oo ay ku dileen gobolka Hiiraan ee bartaham Soomaaliya. Xoolo nool ayay dhawaan ku laayeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Wabxo, ceelal ayay sumeeyeen, waxaana ficilada kooxda lagu tilmaamay inay gaareen meel dhaafsiisan xadkii Islaamnimada iyo kii Soomaalinimada. Weli kooxdu waa dagaalameysa, dad ayaa laga yaab in kooxda dhaqankaas leh ay weli rejo uga jirto. Aan usoo laabano 22-kii bishaan iyo guriga dowladda hoose ee magaalada Muqdisho, halkaan waxaa soo weeraray maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, dadkii ay goobta ku toogteen waxaa kamid ahaa marxuum Axmed Xasan Warsame wuxuu ahaa muwaadin araga la’, markii uu qaraxa dhacay oo la kala cararay ma-uusan awoodi karin in uu ka baxsado dhibaatada goobta ka socota. Dadkii la joogay qof walba nafta ayaa orod fartay, mana jirin qof xasuusan karay gacan qabashada qof kale. Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta kadibna halkaas ku toogtay, kooxdu wax naxariis ah uma sameyn muwaadinkaas araga la’aa. Sida uu bogiisa Facebook ku xaqiijiyay Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, marxuumkaas araga la’aa ee Shabaabku dileen ayaa wax ka bartay mu’asasada macallin Nuur kadibna waxa uu noqday mid isaguna dadka waxbara. Inkasta oo aan geerida waqtigeeda la dhaafayn haddana tani waa daliisha ugu dhow ee naxariis darada kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo Isniintii mar uu soo hadal qaaday dhacdadii gobolka Banaadir wuxuu xusay dilkii arxan-darada ahaa ee Al-Shabaab u geysatay marxuumkaas araga la’aa Axmed Xasan Warsame. Wuxuu madaxweynaha ku tilmaamay geeridaas middii ugu xanuunka badneyd, taasi oo dhinaca kale sii quusineysa dadka isku dayaya in dhibaatada Al-Shabaab waxyar oo qiil ah u raadiyaan. “Xalay waxyaabaha aan ka seexan waayey waxaa kamid ah nin indhoole ah ayaa joogay bug markii uu qaxa dhacay waa la kala cararay qof walba meesha uu aadi karo ayuu aaday wadaadka indhoolka ahaa xagge ayuu aadayaa? meel uu aado ayuu garan waayey? meesha ayey ugu yimaadeen waana dileen.” “Adiga maxaa ku sifeynee? Maxaa dhehee? yacni ninkaas qofka caadifad yar oo naxariis ah u geli weyday waa indhool meel uu ka baxi ayuu waayey waa carari lahaa. Nimanka meeshaas joogo ninka ka cabsanaayow cabsidaada meel maleh, cudur daarna maleh.” The post Ficillada Shabaab oo dhaafay laba xad oo lama taabtaan ah appeared first on Caasimada Online.