-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Germany and United Nations Development Programme (UNDP) Launch the Africa Election Fund to Support Electoral Processes in Africa Strengthening democracy has become an urgent and renewed global responsibility Access Multimedia Content The German Federal Foreign Office (GFFO) and the United Nations Development Programme (UNDP) (www.UNDP.org), launched the Africa Election Fund, to strengthen democracy in Africa through innovative, agile and timely support to electoral processes. Democracies across the world are being challenged in varying ways. Strengthening democracy has become an urgent and renewed global responsibility. Elections have proven to be a key catalyst for democratic and socio-economic gains. However, they also carry the potential for the outbreak of conflict and, in some cases, even lead to severe crises if they are not conducted in an inclusive, transparent and credible manner. In light of technological evolution, harmful practices on social media and recent events on the continent, more capacity is required for innovation, adaptation and stronger ownership and inclusivity in Africa’s political and electoral environment. UNDP has established this new fund, with a €3 million initial commitment by Germany, to support African countries in owning and developing their democratic processes. “The Africa Election Fund aims to support early phases of electoral cycles and prevent potential crises,” stated Ahunna Eziakonwa, UN Assistant Secretary-General, UNDP Assistant Administrator and Regional Director for Africa. “The Fund will provide the means to accelerate activities when appropriate, pilot new approaches, including the use of technologies, manage associated risks, and facilitate further collaboration among African Member States and at the regional level,” she continued. The German government is confident that the Africa Election Fund will provide the necessary support to successfully conduct elections in Africa. Deike Potzel, Director-General for Crisis Prevention, Stabilization, Peacebuilding and Humanitarian Assistance at the GFFO, underscored: “Germany is committed to strengthening open societies and democratic institutions worldwide. Together with UNDP, we aim to make democracies more resilient and to foster free and fair elections. The Africa Election Fund will support fair and free elections, and serve as a platform for learning and the exchange of best practices. Also, it can give us the chance to act early, when we see that elections might spark conflicts.” While the African Union’s robust normative frameworks on elections, democracy and governance offer a solid foundation for the Fund, in addition to positive examples on the continent, renewed and integrated efforts are required in a context of severe constitutional crisis, increased security issues and a global crisis of trust in democratic institutions. The Africa Election Fund will particularly foster greater participation of youth and women, who remain largely underrepresented despite their democratic weight and demonstrated ambitions and capacities. It will support them in fully contributing to policies and decision-making that carry socio-economic consequences for their lives and communities. The Fund will also address how rapid technological evolution offers the potential for greater inclusion of citizens, but equally increases the pace of unverified or inaccurate information sharing, impacting trust in media and democratic processes. In the last three decades, UNDP has served as a major implementing partner of electoral assistance, witnessing first-hand how the electoral and democratic landscapes have evolved. With a quarter of all official global development assistance (ODA) allocated towards elections, Africa is a lead context of intervention for UNDP, working closely with African Union Member States based on requested electoral assistance, and where the UN confirms its capacity to assist. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Development Programme (UNDP). For more information, please contact: Jide Okeke, Coordinator, UNDP Regional Programme for Africa, jide.okeke@undp.org SOURCE United Nations Development Programme (UNDP) Qaran News
-
PRESS RELEASE Invest in African Energy 2023 Reception Kicks off, Calls for Heightened Investment in Africa’s Upstream Sector The African Energy Chamber hosted its Invest in African Energy Reception in London on Thursday evening, with European, US and UK investors attending and submitting interest in Africa’s most bankable oil, gas and power projects Access Multimedia Content LONDON, United Kingdom, January 27, 2023/ — Kicking off the Invest in African Energy Reception (https://AECWeek.com/news/) in London on Thursday, independent energy research firm Rystad Energy presented its Africa’s Energy Sector Outlook 2023, detailing the current state of the industry and forecast supply and demand dynamics. Organized by the African Energy Chamber (AEC) (https://EnergyChamber.org/) – the voice of Africa’s energy sector – the reception served to explore new avenues for financing large-scale energy projects on the continent, enhance trade and investment between Africa and Europe, and attract new players to Africa’s most promising oil, gas and power markets to achieve continent-wide energy security. “We could not have chosen a better city to start our African energy journey. London, we thank you. At the core of what we do is to make energy poverty history,” opened NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. “Everybody showed up. That tells you that it’s time for Africa and it’s time for us to stop apologizing for producing energy for the world.” According to a presentation from Rystad Energy – “Energy Addition for Africa” – Sub-Saharan Africa holds 140 billion barrels of oil equivalent, of which only one-third is developed and two-thirds of undeveloped resources are natural gas. New investment in oil and gas exploration and production is necessary, not only to maximize recent discoveries along Africa’s 40,000-km coastline, but also to meet rising energy demand globally and stabilize price hikes. “For 10 years, production has been lagging, which created the super cycle of oil prices,” noted Per Magnus Nysveen, Chief Analyst for Rystad Energy. Accordingly, Africa’s greenfield upstream spending is expected to boom during the coming decade, reaching $37 billion by 2025 and $50 billion by 2030. The continent continues to require new hydrocarbon exploration and drilling activities, even in the context of the energy transition and simultaneous investments in solar, wind, hydropower and natural gas. “We need as much as 65 million barrels by 2030 from wells that have not been drilled yet,” Nysveen added. In terms of power generation, Rystad Energy states that African countries must harness their renewable resources in conjunction with natural gas – which “must double” – in order to meet rising electricity demand. South Africa’s Just Energy Transition Investment Plan, which has already secured $8.5 billion for the period 2023-2027, exemplifies this strategy, with the country depending on natural gas to decarbonize its current power mix. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka dhacday rasaas dhalisay khasaare nafeed. Ilaalada wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sida la xaqiijinayo rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen laba wiil oo walaalo ah. Marxuum Cabdirisaaq Yaasiin Maxamed ayaa ku dhintay rasaastaas halka uu ku dhaawacmay walaalkiis Fahad Yaasiin Maxamed sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga Boosaaso. Saraakiisha ayaa sidoo kale noo sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samaynayo sababta rasaasta loogu riday labada dhalinyarada ah oo aan hubaysnayn. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaalada wasiirka ay ka shakiyeen gaariga ay saarnayeen labada wiil sidaasna rasaas ugu rideen. PUNTLAND POST The post Ilaalada wasiir ka tirsan Puntland oo wiilal walaalo ah dil iyo dhaawac ugu gaystay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka. Cali Dheere ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waa qorshe uu Mareykanku wax badan kasoo shaqayay, uuna u diyaarsaday (dowladdii) u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawl-geli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. “Waxaad ogtihiin in Mareykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday.” Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda. “Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan.” Waxa kale oo uu sheegay in kooxda ay isha ku hayso bangiyo uu ku sheegay ajaanib oo raba inay yimaadan gudaha Soomaaliya “Waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.” Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha argagixisada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay inay xirto akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli socda dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda. The post Cali Dheere oo si caro leh uga hadlay dagaalka dhgaqaale ee ay kala kulmeen DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu. Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento. Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira. Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay. Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo. Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada. 1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan. Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore. In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn. 2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah. Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas. Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka. Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda. Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka. 3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda. Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka. Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen. 4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda. Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka. Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada. Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay. The post Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada ee Muqdisho – Fallanqeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Garoonka kubadda cagta caasimadda Garoowe ee Mire Awaare stadium ayaa maanta oo Sabti ah albaabada loo laabay kadib khilaaf ka dhashay cidda maamulaysa. Duqa degmada Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Puntland, Maxamed Ciiro ayaa isku haysta maamulka garoonka ciyaaraha Mire Awaare stadium, sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay. Khilaafka labada mas’uul ayaa halkii u sarraysay gaaray, waxaana ka dhashay in uu gebi ahaanba xirmo garoonka Mire Awaare, taas oo saamayn ku yeelatay bahda ciyaaraha, gaar ahaanna dhalinyarada xiiseeya kubadda cagta. Khilaafka ayaa sidoo kale saameeyay odayaasha cuslaaday ee jimicsiga ku samayn jiray garoonka Mire Awaare, si ay isaga ridaan miisaanka, sida ay noo sheegeen qaarkood oo ka walaacsan khilaafkaas. PUNTLAND POST The post Garoowe: Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare oo khilaaf u xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa u yeertay danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”. Arrintan ayaa daba socota kadib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan. Rasmus Paludan oo u dhaq-dhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, kadib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii. Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO. Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhamaan xubnaha isbahaysiga NATO. Turkiga ayaa dhawaan muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah. Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu. Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga. Waxa kale oo uu sheegay in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda. The post Turkiga oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib falkii Denmark ee lagu gubay Qur’aanka appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aaltoma. Labadda mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Xafiiska EUCAPSOM isaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale, helidda adeegyadda cadaaladda dalka. Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Mr Mr. Kauko Aaltoma ayaa isla gartay kor u qaadista qorshaha tayeynta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyayaha Qaranka oo Muqdisho kula kulmay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wax aan is lahayn haddii aad isaga qiyas qaadato, xisaab qaldan baa kuu soo baxaysa. Farqiga West Burco Clan iyo Sool clan u dhexeeya Muuse ma fahamsana, xisaabaha sida weyn u ga qaldan baanay taasi ka mid tahay, hadaanay ahaynba ta u gu weyn. Beesha West Burco Clan oo badankoodu Waddani taageeraan, Muuse cadaadis ayay ku saaraayeen in doorasho la qabto ciddii doontaaba ha heshee, Muuse na taas buu diidanaa, welina diidanyahay. Si kasta oo Garxajisku ay u fahamsanyihiin in Muuse uu qaldanyahay, oo gardarro wado, oo sabab la’aan caruurtoodii si fulaynimo ah suuqyada u gu laayay iyaka oo aan hubaysnayn, oo hablahoodii jeelal u gu guray, taas oo ah wax aan abid dhicin, hadana ma doonayaan in Hargeysa iyo Burco dagaal ka bilaabmo oo la gu ka la yaaco. Waxa ay doonayaan in ninkan cadaadis dhab ah la saaro, iyada oo aanay dhibaato weyni dhicin na, kursiga la ga kiciyo ilayn xilka muddo cayiman uun baa loo dhiibay, oo boqor amma baadari kiniisad jooga ma ahee. Sidaas buu fikirkoodu yahay, sidaas baanu ahaanayaa ilaa inta ay cadaanayso in taasi aanay suurtagal ahayn. Fikirka mucaaridku ma gaadhin heer ay xabad ridaan, sidaas darted intii suurtagal ah is giiji oo Meesha is ku dheji weeye fikirkiisa doqonka ahi, waana taas sababta uu afka u taagayaa. Is la sidaas oo kale, ayuu beesha Sool clan u haystaa. Duqsigii caanaha Hargeysa ku dabaal bartay, ee hadii aanu isa sixin, fuudka Laascaanood ku guban doona weeye. Ma oga, sidii West Burco Clan si aad u ga duwan, Sool clan in ay ka go’antahay in Laascaanood la gu ka la yaaco, oo ay xabadda ridaan hadii ay Khasab noqoto. Ma oga, oo xaqiiqo ahaan ma fahamsana, Sool clan waxa ay yihiin, waxa ay samayn karaan iyo sida ay u fikirayaan toona. Fahamka uu Beesha Sool clan ka haystaa waxa uu ka bilaabmaa Xildhibaan Indho-indho, waxaanu ku dhamadaa Saleebaan Cali-koore. Besba. Alloow yaa wixii hore tagee, taliya oo yeela! Waxa Qoray: Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahadi Guuleed oo haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana shantii bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Mahdi Guuleed ayaa marka hore cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood. Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaasha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabirayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda. “Ugu horreyn waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed. Xildhibaan Mahadi Guuleed oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa farriin u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda. “Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dhammeystaan,” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana maanta magaaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood. Ismimada ayaa la filayaa in go’aan ka soo saaray xaaladda taagan iyo sidii laga yeeli lahaa ciidanka Somaliland, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday. Sidoo kale waxaa shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland. The post Daawo: Mahdi Guuleed oo cambaareeyay fal ay Somaliland ka geysatay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Mudane Maxamud Macallin ayaa la kulmay Saraakiil katirsan Bangiga aduunka oo uu hogaaminyay Mr. Harris Khan. Arimaha laga hadlay waxaa kamid ah sugnaanta cuntada (food security) iyo howl gelinta Xarunta Qaran ee Howlgelinta Gurmadka Deg degga ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in sida ugu dhaqsida badan oo loo hawlgeliyo xarunta qaran ee gudmadka deg-dega ah. Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in uu ka dilaacay cudurka daacuunka. Bartamaha bisha january ayaa isbitaalada la dhigay kiisas badan oo ah dad uu soo ritay xanuunka daacuunka. Dhawr gobal iyo magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Kenya ayaa uu si aad ah ugu faafay xanuunka, sida ay soo wariyeen qubarada. Magaalooyinka xanuunka lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Gaarissa iyo Wajeer iyo magaalooyin kale oo ka tirsan ismaamulada Kenya. Mandhera ayaa markii ugu horeysay xanuunka qof qaba lagu arkay 15-kii bishaan January, iyadoo maamulka ay ka hortag sameeyeen inta aan xanuunka imaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dakar, January 28,2023: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal, kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangiga ka wado Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw. Wasiirka ayaa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha laga cafiyo ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda. Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale ka wadahadlay mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee Bangiga uu ka taagero Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan. Source: goobjoog.com
-
Xisbiga WADDANI ayaa wadahadallo toos ah waxa uu maanta la furay qaar ka mid ah ururradii aan ku soo bixin waajigii saddexaad ee doorashadii ururrada siyaasada Somaliland. Ururradan iyo guddi uu xisbiga WADDANI u magacaabay wada-hadallada ururrada ayaa maanta kulamkoodii kowaad ku yeeshay hudheel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Ururada uu la kulamay xisbiga WADDANI waxa ay kala ahaayeen: 1. Ururka Ubax 2. Ururka Daljir 3. Ururka Iftin 4. Ururka Galool Source
-
Dowladda Ruushka ayaa lagu eedeyay in ay ku xadgudubtay xuquuqda aas aasiga ah ee carruurta xilliyada dagaalka kadib sidii ay ula dhaqantay carruur ka soo baxday dagaalka Ukraine. Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay Moscow dhalasho siisay carruur yar yar oo ka soo qaxday dalkooda sidaasna loogu gacan geliyay qoysas Ruush ah oo korsada. Walaacaan ayaa imaanaya xilli ay dowladda Ruushka ay diiwaangelin iyo dhalasho siin u bilawday carruur aan gaarin da’da qaangaarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood. Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ciidanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen. Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland. Arrimahan waxay ku soo aadayaan, maalmo ay xaalad adag ku jirtay Laascaanood oo rabshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka. Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool. Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidamada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shireynahaha maanta ka furmay halkaasi. Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamadeeda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia. The post Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Goorta lasoo dooranayo kursiga MAHAD SALAAD oo la shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si oo soo buuxiyo booskaasi. Kursiga jadawalkiisa la shaaciyey ayaa ah Hop147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayey xubnimadiisii Baarlamaanka oo uu muddo ka soo tirsanaa, Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in maantaba la guda-galayo diyaar garowga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo. Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha. Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano xoogan, taas oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xoogan. The post Goorta lasoo dooranayo kursiga MAHAD SALAAD oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online. -
Shirka Beelaha Dhulbahante Oo Maanta Ka Furmaya Laascaanood
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Laascaanood)-Shirweynaha Sool clan ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Shirka oo maalmihii la soo dhaafay ay qaban qaabadiisa socotay ayaan illaa hadda la ogayn waxa diirada lagu saari doono balse wararka qaar ayaa sheegaya in shirka go’aan lagaga gaadhi doono masiirka magaalada Laascaanood. Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya beelaha Sool clan ayaa ku wada sugan halka shirkan lagu qabanayo. Shirkan ayaa ka dhashay kacdoonka ay sameynayeen shacabka magalada oo ka cadhooday dilal ka dhacay Laascaanood loogu geysanayo haldoorka magaalada, waxaana magaaladaasi ka dhacay dibadbaxyo lagaga soo hor-jeedo dilalkan. Xukuumadda Somaliland ayaa si taxadar leh ula socota shirka beelaha Sool clan, waxa ayna isha ku haysaa war-murtiyeedka lagu wado in shirka laga soo saaro. Muddo saddex maalmood ah ayuu socon doonaa shirku, waxana la filayaa in qodobo laga soo saaro dhammaadka shirka. Source -
Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta. Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza. Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeedhay “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka. Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.” “Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yidhaahdeen booliska. Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska. Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii. Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel. Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.” Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel. Source
-
Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria. Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika. Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas. Lavrov ayaa uga mahadceliyey dalka Eriteria, taageerada ay u muujiyeen Ruushka. Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel. Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in labada dhinac ay samayn doonaan daraasad wadajir ah, si la isaga kaashado fursadaha saadka iyo gaadiidka ee ay ka jira dekedda badda cas ee Massawa iyo garoonkeeda diyaaradaha. “Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso suurtagalnimada isticmaalka awoodda saadka ee dekedda Massawa iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Gegida diyaaradaha ee Massawa waxay u muuqataa mid soo jiidasho leh, marka loo eego suurtagalnimadeeda inay xuddun u noqoto kala wareejinta rakaabka,” ayuu yidhi Lavrov. Booqashada Lavrov ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jiraan saraakiil sarsare oo Maraykan ah oo ku sugan Qaaradda Afrika, kuwaas oo ku hawlan kor u qaadista xidhiidhka Maraykanka iyo dalalka Afrika. Source
