-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha millatariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xidheenka weyn ee Itoobiya. Biyo xidheenkan ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Sudan ee Suna. Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya. Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xidheenka wabiga Niil aanu “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”. 11-kii bishan January, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen “in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xidheenka Itoobiya. Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xidheenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil. Source
-
(SLT-Copenhagen)- Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”, ka dib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan. Rasmus Paludan oo u dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka cadhaysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, ka dib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah, intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii. Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO. Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhammaan xubnaha isbahaysiga NATO, balse dalka Turkiga ayaa muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada. Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha debedda ee Turkigu ay u yeedhay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah. Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu. Wasiirka arrimaha debedda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga, isagoo intaas ku daray in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda. Source
-
Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashada kuraasta ka dhiman baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga la qabanaya doorashada kursigii uu baneeyay agaasimaha hay’adda nabad sugidda Mahad Maxamed Salaad. Guddiga KMG ee doorashada ayaa sheegay in kursiga HOP#147, la qabanayo 1 bisha soo socota ee February, ayna bilaabaneyso xulista ergada 29-ka bishaan. Doorashadaan kursigaan ayaa kamid ah kuraas ka dhiman kuraasta golaha shacabka baarlamaanka faderaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay ammaanka caasimada. Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku bogaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore. “Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale. Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonin wax kasta oo looga hortago kooxdaasi, si loo hormarin caasimadda. “Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaray haddii uu ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab. Weerarka gobolka Banaadir oo saacado qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar. Si kastana, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda gobollada dalka. The post Duqa Muqdisho oo shaaciyay arrin ay sameynayaaan kadib weerarkii G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya. Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen. Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda. Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria. Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika. Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas. Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas appeared first on Puntland Post.
-
TALO ADIGAA KU NOOL EE IYADU KUGUMA NOOLA Somaliland meel ay ku socoto anigu garan maayo. Muuse Biixi in uu ku fashilay hogaamintii qarankuna way caddahay oo cidna caad kama saarna. In uu ka horbaydho doorashada oo isbedel cusubi yimaado ma ogola sida aan arkayo. Khilaafkii siyaasdda markaa waxa laga filaa waa halkiisii iyo ka sii daran. Qarax Laascaanoodna goor aan loo fadhiyin ayuu durba sidii webi karaar dhaafay in uu karkaarka jebiyo halis u yahay. Muuse hadal lagama hayo aamuskuna khayr uma soo sido. Xalka sida uu u bartay waa in tiisa uu qasab ku meel mariyo cidii ka hor timaad waa xadhig iyo xabad waxa uu miciinsadaa ee xal kale ku deyi maayo sida caadada u ah ee looga bartay. Xadhig iyo xabbadina xal maaha mana u noqon karto khilaafka siyaasadda iyo qarax Laascaanood midna. Hadii ay sidaa tahay xaaladda Somaliland kama dabaalan karo xalkuna waa isbedel dhakhso ah isaguna dee doorasho ayuu ku xidhan yahay. Sida ay ku socoto malaha Muuse waxa u dan ah in xilka uu iska dhiibo uu kaga xuubsiibto Madaxwayne xigeenkiisa si uu dalka doorasho degdeg ah u gaadhsiiyay. Hadii kale tu walba ka yaab oo in xaaladda dalku ay farahiisa ka baxdo ama Somaliland ay gacantiisaba ku burburto maaha wax aan laga filan karayn. Tii Allehna maqan waana ta ay noqonayso eh tu kale noqon mayso eh Allahayow sida roon uun saw maaha waxa inala gudbooni. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's police chief was sacked on Thursday following a unanimous decision by Somalia's cabinet. Source: Hiiraan Online
-
Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ayaa lagu wadaa in uu Saaka oo Sabti ah ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Shirkan waxaa ku kulmaya Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Beelaha SSC oo dhammaantood ku sugan Laascaanood si ay uga taliyaan Masiirka Shacbiga Gobolladan. Shirka Isimada ayaa ka dhashay Kacdoon mudda bil ah ka socday magaalada Laascaanood kaas oo lagu dalbanayay in Somaliland isaga baxdo Gobollada SSC. Bilowgii Kacdoonka waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo Ciidamada Somaliland gaarsiiyeen Rayidka aan hubaysnayn. PUNTLAND POST The post Shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC oo lagu wado in uu Saaka ka furmo Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
The United States announced yesterday that it conducted a special operations forces (SOF) raid on a hideout of the Islamic State’s branch in Somalia. During the raid, the SOF troops killed Bilal al-Sudani, an important leader for the Islamic State’s operations across much of eastern, central, and southern Africa. Source: Hiiraan Online
-
Two key interlinked dynamics will define developments in Somalia in 2023. The first is the scale of starvation in the country. The second is how the Somalian government and the jihadi military and political organization al-Shabaab will respond to anti-al-Shabaab clan uprisings. Since mid-2022, these uprisings have been backed by the new government of Somalian President Hassan Sheikh Mohamud, with far greater resolve than his predecessor Mohamed Abdullahi “Farmaajo” mustered. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, SOMALIA — More than 300 Muslim clerics meeting in Somalia's capital this week have declared their support for the government's war against the Islamist militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
The International Labour Organisation is asking East African countries to adopt global labour standards and harmonise laws on migrant labour. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Women milk sellers in the southern Somali town of Luq are struggling to make a living as milk production has plummeted due to the drought. Source: Hiiraan Online
-
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa safar kadis ah ugu baxay dalka Itoobiya . Safarka Musharaxa ayaa qaadan doona maalmo kooban . Safarkan Cirro ayaa ku soo beegmay xilli ay soo xidhantay diwaangalinta codbixiyayaasha oo muddo bil ah ka socotay Somaliland Maalmihii u danbeeyey waxaa la dareemaayey dhaq dhaqaaqyo uu xisbiga Waddani isku diyaarinaayo doorashooyinka soo socoda , safarkan Cirro-na ayaa loo maleynayaa inuu inuu qeyb ka yahay dhaq dhaqaaq-yadaas . Qaran News
