-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Samantha Power oo ah maamulaha hay’adda USAID ee Mareykanka oo soo gaartay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii la kulantay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayadoo ku dhawaaqday taageero horleh. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, horumarinta la-qabsiga cimilada iyo taageeridda dadaalka aan caadiga aheyn ee dowladda federaalka ay ugu jirto in la yareeyo saameynta xun ee Al-Shabaab ay ku leedahay Soomaaliya. Ugu horreyn Samantha Power ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weeraradii ay dalka dhowaan fulisay kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan-qaaday inay garab istaagto dadka Soomaaliyeed xilliga ay u baahan yihiin. Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Mareykanka bixinta saddex meelood laba meel oo ka mid ah dhammaan deeqda dhaqaalaha ku baxaya wax ka qabashada abaaraha, taasi oo dhan ku dhawaad 1.3 bilyan oo dollar, tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedka 2022. Sidoo kale waxa ay isla garteen in dib loo abaabulo taageero caalami ah oo dheeri ah si loo maalgeliyo gurmadka abaaraha Soomaaliya oo wajahaysa suurta-galnimada xilli roobaadkii lixaad oo guuldarreysta. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo heli lahaa habab kale oo casri ah oo waara oo wax looga qabto, isla-markaana loola qabsado isbeddelka cimiladu ku yeelanayaan sugnaanta cunnada ee Soomaaliya. Waxaa kale oo ay isku raaceen in la isku duwo dadaallada lagu dhiiri-gelinayo maalgashi ballaaran oo lagu sameeyo barnaamijyada la qabsiga cimillada iyo u adkaysiga Soomaaliya. Ugu dambeyn maamulaha hay’adda USAID Samantha Power ayaa ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo USAID ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada degdegga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaataa dagaalka Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada. The post Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa, xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kadib markii ay magacaabeen taliyaha cusub ee Ciidamada Booliiska. Golaha ayaa xilkan u magacaabay General Sulub Axmed Firin oo horey u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, sidoo kalena kasoo jeedo dhanka Jubbaland. Arrinta sii hurineysa xiisadda ka dhexeysa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni ayaa ah in ninkii labaad oo Jubbaland kasoo jeeda maanta xil sare looga magacaabay dowladda federaalka, ayada ay xusid mudan tahay in Puntland ay horay uga biyo diiday magacaabista Ra’iisul wasaare Xamza oo isna kasoo jeedo dhanka Jubbaland. Tani ayaa sidoo kale muujineyso in fursadaha ugu badan uu madaxweynuhu siiyay Jubbaland, oo mar xulafo dhow la heyd Puntland, walow haatan ay kala tageen. Tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday madaxwenaha Soomaaliya oo aheyd magacaabista ra’iisul wasaaraha, ka gadaal dib u doorshadiisii 15-kii May ee sanadkii hore ayaa xudun u noqotay in uu Deni ka baxo xeyndaabkiisa, isla-markaana uu galo difaac siyaasadeed. Deni ayaa wixii markaas ka dambeeyey caro kala dul dhacay dowladda federaalka, isaga oo lasoo baxay dhaqan siyaasadeed u muuqda dagaal toos ah. Dowladda ayaa kadib xilal dhowr ah balse aan weyneyn siisay Puntland. Si kastaba, dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysnaa in waxa kaliya ee Deni qanci kara ay aheyd xilka ra’iisul wasaaraha ama jago kale oo weyn. Xilka taliyaha booliska ayaa noqon kara mid ka mid ah xilalkaas weyn. Si kastaba, go’aankii golaha wasiirada ee ayaa muujinaya in Xasan Sheekh uu albaabada ka xirtay madaxweyne Deni oo doorashadii u dambeysay ay isla soo gaareen wareeggii labaad, kadibna uu Deni uu taageeray, si loo jebiyo Farmaajo oo laga adkaaday. Dhankiisa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan qaaday tallaabooyin ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku dhawaaqay in Puntland ay u dhaqmeyso, sida dowlad madax bannaan oo kale, inta laga helayo Dastuur rasmi ah. Go’aankaas oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa loo sababeeyay in uu salka ku hayo khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha oo ay isku hayaan maamulka sare sare ee dalka, kadib markii uu Deni waayey xilka ra’iisul wasaaraha, oo uu sidaas uga furtay Xasan. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa hadal heyn ay ka dhalatay magacaabista taliyaha cusub, maadaama uu yahay ninkii labaad ee kasoo jeeda Jubbaland, isla-markaana xil sare ka qabta dowladda dhexe, halka ay weli ka qadsan tahay Puntland, marka laga reebo ku xigeenanada labada Aqal ee baarlamaanka oo ay ku heshay doorasho. The post Xiisadda Xasan Sheekh iyo Saciid DENI oo kasii dartay – Maxaa maanta dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – On January 24, The Administrator of the United States Agency for International Development (USAID), Samantha Power, met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud to discuss the humanitarian situation in Somalia, according to the statement by USAID. The two discussed advancing climate adaptation and supporting the Federal Government of Somalia’s efforts to diminish the influence of the militant group al-Shabaab across the country. The statement from USAID said that during the meeting, Power expressed her condolences to the people of Somalia following recent attacks by al-Shabaab and pledged to stand with the Somali people in their time of need. “President Hassan Sheikh thanked the U.S. government for providing two-thirds of all donor funding for drought response, totaling nearly $1.3 billion, since the beginning of Fiscal Year 2022,” said the statement. Given the sustained and repeated climate shocks in the region, the two also discussed finding more sustainable and transformative ways to address and adapt to the impacts of climate change on Somalia’s food security. They agreed to coordinate efforts to encourage greater investment in Somali-led climate adaptation and resilience programs. In addition, Power announced $5 million in USAID support for stabilization efforts to help deliver urgently needed services to communities that have risen up against al-Shabaab. She further emphasized support for federal reconciliation, noting it as a necessary foundation for sustained progress on security, governance, and economic reform. The situation in Somalia remains dire, with a prolonged drought and ongoing conflict making it difficult for aid organizations to reach those in need. According to the United Nations, more than half of the country’s population is in need of humanitarian assistance. Somalia has been plagued by civil war and conflict for decades, with al-Shabab, a militant group with ties to al-Qaeda, wreaking havoc across the country. The group has been responsible for several high-profile attacks. Its activities have also made it difficult for aid organizations to reach those in need, with many areas remaining inaccessible due to ongoing fighting. In recent years, the Somali government, with the support of international partners, and local militias, has made significant strides in pushing back against al-Shabab. However, the group remains a threat and continues to carry out attacks in various parts of the country. In addition to the ongoing conflict, Somalia is also facing the prospect of a sixth failed rainy season, which would exacerbate the already dire humanitarian situation. The prolonged drought has led to widespread food insecurity, with millions of Somalis at risk of starvation. The situation is particularly dire in rural areas, where many communities rely on agriculture as their primary source of income. The post USAID administrator meets President of Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiis la yaableh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Maxkamadda ayaa waxaa la soo taagay 4 nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo baraha bulshada ku faafiyay muuqaal jiliin ah oo ay lacag madax furasho ah uga dalbanayaan hooyo Soomaaliyeed. Sheekada jiliinka ah ayaa waxaa hormuud u ahaa wiil lagu magacaabo Zakariye Maxamuud Warsame oo dhaqan celin ahaan looga keenay dalka Sweden, isaga iyo saxaaxibadiisa ayaa iska soo duubay muuqaal ay ku jilayaan inuu afduuban yahay Zakariye, waxaana muuqaalka ka soo muuqday labada wiil oo hubeysan, isla-markaana garaacaya Zakariye oo hooyadiisa farriin u diraya, kana codsanaya inay bad-baadiso oo ay lacag u soo dirto. Ujeedka ay arrintaan u sameeyeen dhalinyaradan ayaa aheyd in Zakariye uu hooyadiis ka qaato lacag uu ku iibsado Tikid, si uu ugu laabto waddanka laga keenay ee Sweden. “Aniga dalka dhaqan celin ayaa la’ii keenay waalidkey ayaana ii keensaday, iyaga ayaana diinta i baraayey dalka dibaddiisaa ku dhashay, kuna soo barbaaray ,” ayuu yiri Zakariye. Sidoo kale labada nin ee kale ee maxkamadda la soo taagay ayaa sheegay in sheekadan uu keenay Zakariye, si uu hooyadiis uga qaato lacagta tikidka uu ugu labaan lahaa Sweden. “Asiga ayaa fikraddaan noola yimid, annaga oo Tik Tok iska istcimaaleyno asaa dhahay hooyadey lacag ayaa ka rabaa asaa weydiistay,” ayuu yiri ma mid ah ragga lasoo xiray. Sidoo kale Nuur Xayle Cismaan Cali oo kamid ah ragga la maxkamadeeyay ayaa sheegay in lama filaan ay ku noqotay in isaga oo dambiile ah la horkeeno Maxkamadda Ciidamada. “Shuute aniga weligey waan arkaayey in Al-Shabaab uu ciqaabaayo oo xukun uu ku ridaayo, balse ma aamin saneyn adiga oo shacab ah micnaha inaad dambi gashid ayaa Shuute lagu horgeynaa,” ayuu isna yiri Nuur Xayle Cismaan oo Prankiga wax ka sameeyay. Sidoo kale maxkamadda aya waxaa la horkeenay askarigii lahaa hubka oo sheegay in ay daris ahaayeen wiilasha, isla-markaana ay gurigiisa imaan jireen, balse uusan waxba kala socon arrinta ay sameeyeen iyo muuqaalka ay ku duubeen hubkiisa iyo dharkiisa ciidan. Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa afartan nin ku soo eedeysay, in suurad xun ka bixiyeen amniga qaranka, waxayna codsatay in lagu rido xukun u qalma ciqaabtooda. Ugu dambeyn Garsoorka Maxkamadda ayaa go’aamiyay in dhammaan raggaan loo diro dhaqan celin, halka askarigana loo diray feel celin oo ah ilaalinta hantida qaranka, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka, Sida Xasan Cali Nuur (Shuute). The post Daawo: Maxkamadda ciidamada oo xukun ku ridday koox Tik Tok-ley ah oo sameysay Prank yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah, laguna ansixiyey heshiis caalami ah. Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha oo marka hore iska xog wareystay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shbaab. Intaas kadib Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ansixiyay Heshiiska aas aasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika, kaas oo ay qayb ka tahay Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku jira dalalka badan oo Afrika ku yaalla sida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda. Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka, sida uu shaaciyay Goluhu. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe dadaal xoogan gelineysay wax la qaysiga Afrika iyo sidoo kale dalalka caalamka, ayada oo loo marayo dhanka diblumaasiyadda. Dhanka kale Soomaaliya ayaa hal tallaab u jirta ku biirista suuqa Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay ku mideysan yihiin illaa todobo waddan oo Afrikaan ah. Shalay waxaa sidoo kale Muqdisho ka furmay Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika, kaas oo ay ka qayb-galayaan toddobada waddan ee ururka EAC. Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika. The post Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay Soomaaliya ugu biireyso ciidan caalami ah appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika,iyadoo lagu magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,kaas oo badalaya Cabdi Xasan Xijaar. Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxahaAl-shabaab , iyadoo toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka kooxda , isla markaana jab wayn la gaarsiiyay. Kadib soo jeedinta wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi golaha ayaa isku raacay in S/Guuto Sulub Axmed Firin uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo ay kamid tahay Soomaaliya. Taliyaha cusub ayaa waxaa uu xilka kala wareegi doonaa Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, kaas oo xilkaan loo magacaabay 19-kii Augoutst sanadkii 2019, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay hadal heynta ku aadan in laga qaadayo xilka, kadi afar sano, waxaa uu banaynaa taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sanadkaan 2023-ka. Xilka ka qaadiska taliyaha ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo 23-kii bisha dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana sidoo kale ka horeeyay weerarkii lagu qaaday hotelka Villa Roos, iyadoo la xasuusto mahadhadii Soobe 2 29-kii December 2022 tan, kaas oo dhaliyay khasaare badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gen. Sulub Axmed Firin Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in golahu uu ansixiyay Gen. Sulub Axmed Firin oo loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya. Sulub Firin ayaa ka mid ah golaha wasiiradda, wuxuuna ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee xukuumadda federaalka, isagoo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya. Taliye Sulub ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Jubaland gaar ahaan beesha Habasguul. PUNTLAND POST The post Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan, ayaa magacaabay Guddi u xilsaaran wada hadallada urur siyaasaddeedya. Guddida oo shan xubnood ah ayaa kala ah: 1. Mudane Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde xubin Hoggaanka Xisbiga WADDANI 2. Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI 3. Mudane Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarji Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI 4. Mudane Maxamed X Yuusuf Waabeeyo Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga WADDANI 5. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI The Source
-
Source
-
Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku biirtay heerka ugu sarreeya ee maamuulka hawada sare kaas oo ay ugu dambaysay bur burka dawladdii dhexe. Dhammaan diyaaradaha Caalamiga ah ayaa haatan ka dib adeegsan doona hawada Soomaaliya iyada oo ay maamuulayso Wasaaradda Duulista ee Soomaaliya. Waxa xusid mudan in hawada la maamuulayo ay ku jirto ta Soomaalilaan sida uu muujinayo jaantuska ay soo bandhigtay dawladda Soomaaliya. Somaliland weli jawaab kama bixin arrinkaas. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar). Golaha wasiirada ayaa sidoo lale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland. Kulankan muhiimka ah ee isbeddalka loogu sameeyay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa guddoomiyay a’iisul wasaare Xamza, waxaana inta badan goobjoog ahaa xubnaha Golaha. Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda. Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii. Si kastaba, taliyaha cusub ayaa waxaa la sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, waxayna todobaadkan oo kaliya ay laba weerar ka fulisay caasimadda, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir, halka kan kalena oo ah hoobiye lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada The post Taliye Xijaar oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (HOL) - The Somali government forces supported by anti-al-Shabab militia forces killed a senior al-Shabab leader in an operation near El-Dhere, a recently liberated district in the Galgadud region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali cabinet council on Thursday appointed General Sulub Ahmed Firin as the country’s police commissioner, replacing the long-serving police chief General Abdi Hassan Hijar. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somali cabinet council on Thursday appointed General Sulub Ahmed Firin as the country’s police commissioner, replacing police chief General Abdi Hassan Hijar. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa 30 sano kadib xalay si rasmi ah ula soo wareegtay amniga hawada Soomaaliya, ayada oo heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sarreeya tan iyo burburkii dalka. Maareeyaha hey’adda duulista Axmed Macalin Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ay ka dhigan tahay guushan iyo in Soomaaliya ay la soo wareegto sharciga lagu maamulayo hawada, kaas oo ay dowladda federaalka gelisay dadaal xoogan. Sharcigan ayaa dhigaya in hawada Soomaaliya ay tahay amni ah oo la’isku halleyn karo, waxaana maamuleysa dowladda federaalka oo haatan toos loogu soo wareejiyay. Axmed Macallin oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaciyay in markii hore ay Soomaaliya ku shaqeyneysay heerka hoose, balse ay hadda u wareegeen heerka sare oo muhiim ah. “Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ku shaqeyneysay heerka ugu hooseeya marka ALXM muddo sanad ah ayaan wadnay inaan heerka sarreeyo geyno hawadas Soomaaliya, tan iyo markii aan la soo wareegnaym” ayuu yiri Maareeyuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay faa’ido weyn u leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen. “Soomaaliya waxay noqoneysa Class A oo meesha ugu sarreysa mas’uuliyadda ugu badan Soomaaliya ayey fuuleysaa lacagta aan soo saari jirnay ka badan ayaan soo saareynaam, haddii uu Ilaah yiraahdo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Mudane Axmed Macallin. Waxa kale oo uu intaas ku daray in arintan ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah kusoo dhiiran doonaan Soomaaliya. “Badqabadka diyaaradahana wuxuu noqonayaa meeshii ugu sarreysay diyaarado badan ayaa ku soo dhiiran Soomaaliya oo hadda ka leexda hadda shuruuda waa buuxinay,”. Si kastaba, hawada Soomaaliya ayaa markii hore waxaa gacanta ku heysay hay’adah ka tirsan QM, waxaana laga maamuli jiray magaalada Nairobo, balse sanadihii u dambeeyay loo soo wareejiyay Muqdisho, ayada oo haatan dowladda ay ula wareegtay amniga hawada. The post Maxay ka dhigan tahay guusha ay DF ka gaartay hawada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Pakistan iyo Ruush oo ku heshiiyay in ay taageeraan Taliban
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowladaha Ruushka iyo Pakistan ayaa wadahadal ay ka yeesheen xaaladda dalka Afgaanistan waxa lagu sheegay in loo baahana yahay in taageero la siiyo kooxda Taliban ee la wareegtay talada Afganistan. Kulan oo ka dhacay Islamabad ayaa la isla qaatay in taageero buuxda loo muujiyo kooxda Taliban, balse waxaa walaac labada dhinacba ay ka muujiyeen in la siiyo aqoonsi buuxda hoggaamiyayaasha Taliban. Waxaana la sheegay in inta laga xaqiijinayo cabashooyinka ay kamid ka yihiin xuquuqda Haweenka iyo dhisidda maamul loo dhan yahay hakad ay ku jiri doonto in la aqoonsado hoggaamiyayaasha la wareegay talada Afganistan. Zamir Kabulov oo ah Ergayga Ruushka u qaabilsan Afganistaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa fadhiga ku matalayay Ruushka. Kabulov ayaa shaaciyay in ay Moscow sii wadayso la shaqeynta Afgaanistaan balse aysan ku dagdageeynin aqoonsiga hoggaamiyayaasha Taliban. Goobjooog News Source: goobjoog.com -
Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay Tanzania in ay dalkeeda ka dhacaan weeraro argagixisanima ah sida ay sheegay maraykanka. Safaaradda Maraykanka ee magaalada Dar es Salaam ayaa muujisay digniinta suurtagalnimada in ay dhacaan weeraro argagixiso. “Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka. Warka ka soo baxay safaaradda laguma xusin magaca kooxaha laga cabsida qabo in ay weerarada ka fuliyaan gudaha dalka Tanzania. Source: goobjoog.com
