-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – The Horn of Africa region is facing a dire humanitarian emergency, with Somalia at the forefront of this crisis. The country is grappling with the worst drought in recorded history, which has resulted from five consecutive failed rainy seasons. The United Nations (U.N.) has issued an urgent appeal for $2.6 billion in aid to help the 7.6 million most vulnerable individuals who are facing acute hunger, conflict, skyrocketing food prices, and the devastating effects of the drought. The U.N. warns that famine is a distinct possibility in the coming months unless the necessary humanitarian assistance is provided and sustained. The extent of the crisis The U.N. warns that nearly 6.4 million individuals are already facing food insecurity, with the number expected to increase to 8.3 million between April and June. This includes 727,000 who will experience catastrophic hunger levels. Those at the highest risk are in the Baidoa and Burhakaba districts and displaced populations in the Bay Region and Mogadishu. Furthermore, several areas and population groups in central and southern Somalia are also at risk of famine. The U.N. warns that the distinction between a declared famine and the situation millions of Somalis face is “truly meaningless,” as children are already dying of starvation. The forecast for the upcoming rainy season is bleak, and the country is in its fifth failed rainy season. The impact of climate change The Horn of Africa is getting hotter and drier due to the impacts of climate change, and the U.N. estimates that at least 36.4 million individuals across the region need emergency aid to survive. In Somalia alone, more than 1.4 million individuals have been displaced, and over 3.5 million livestock have died, destroying livelihoods and reducing children’s access to milk. The consequence of inadequate aid Hunger is set to increase, and as funding for humanitarian assistance dwindles, 8.3 million Somalis will likely face high levels of acute food insecurity, including over 727,000 who will face catastrophic conditions. Around eight million individuals in Somalia do not have access to safe water, sanitation, or hygiene services, which has led to a surge in cholera and measles cases, along with a rise in acute malnutrition. Conflict and insecurity continue to pose significant challenges, driving needs and hampering humanitarian access. The need for immediate action The U.N. stresses that in addition to providing immediate aid, investing in livelihoods, resilience, infrastructure development, climate adaptation, and durable solutions is essential to break the cycle of chronic and recurrent drought. The Federal and State governments, local communities, the Somali private sector, and the diaspora are working with the international community to assist the most vulnerable. The U.N. is calling on all partners to support these life-saving efforts. The importance of donor support Last year, aid organizations, local communities, and government authorities made significant efforts to respond to the crisis, reaching 7.3 million individuals. However, additional resources and unhindered access to those in need are desperately needed. The U.N. Humanitarian Coordinator is also appealing for more donors to “step up and frontload their support,” warning that any delay in assistance could mean the difference between life and death. The U.N. urges donors to act quickly and fulfill the promise made after the 2011 famine that “never again” would such a tragedy be allowed to occur. The situation in Somalia is highly dire, and prolonged and extreme conditions have led to higher-than-normal deaths, even though the technical famine thresholds have not been reached. The post Somalia crisis: U.N. appeals for $2.6B aid to avert famine appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta magalaada Garoowe ee caasimada Puntland ka dajisay diyaarad wada 6-tan oo daawada noocyadeeda kala duwan ah iyo 6 dhakhaatiir ah. Dhakhaatiirta iyo dawada oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa loogu gurmanayaa dhawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalka maalinkii 3-aad galay ee ka socda magaalada Laascaanood. Dhakhaatiirta maanta laga dejiyey Garowe ayaa berri u sii gudbi doona magaalada uu dagaalku ka socdo ee Laascaanood, halkaas oo laga soo werinayo xaalad adag. Dad badan oo shacab iyo ciidan isugu jira ayaa ku dhaawacmay dagaalka, kuwaas oo aan helin daryeel caafimaad, maadaama ay xaalad adag ka jirto Laascaanood. Dhakhaatiirta ay dowladda Soomaaliya u dirtay Laascaanood ayaa gaareysa lix xubnood, waxaana berri Muqdisho laga soo dirayaa seddax diyaaradood oo daawooyin wada. Masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland. Dadka qaba dhaawacyada daran ayay dowladda Soomaaliya u soo qaadi doontaa Muqdisho, si dabiib caafimaad loogu fidiyo, sida ay noo sheegeen masuuliyiinta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka. Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud iyo Agaasimaha waaxda caafimaadka ee hey’adda Cabdullaahi Fanax ayaa loo diray halkaas, waxaana Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan maamulka Puntland. Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wadahadal lagu xaliyo, isagoo balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka. Dagaalka ayaa maanta galay maalinkiisii 3-aad waxayna Somaliland ku madax-adeygeysaa inay sii xajisato gacan ku heynta Laascaanood, halka dadka magaaladaas iyo guud ahaan beesha degta gobolka Sool ay doonayaa inay gabi ahaanba isaga ka baxaan Somaliland. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo gurmad u dirtay magaalada Laascaanood oo dagaal adag uu ka socdo appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magacaabay guddi ka shaqeyn doona arrimaha bini’aadanimada oo caawi doona dadka kasoo barakacay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweyne Saciid Deni oo cadeeyey inay jirto baahi ku kaliftay inuu magacaabo guddigaan ayaa soo saaray liiska 13 xubnood oo guddigaan uu ka kooban yahay, waxaana guddoomiye looga dhigay wasiir Juxa. Xubnaha guddigaan ayaa laga soo kala xulay hey’adaha maamulka Puntland, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal, waxayna xubahaasi kala yihiin: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin. Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin. Xaalad adag ayaa weli ka taagan magaalada Laascaanood, halkaas waxaa ka socda dagaal ay dadka deegaanku ku diidan yihiin maamulka Somaliland, halka ciidanka Somaliland ay doonayaan inay sii xajistaan gacan ku sii heynta magaalada Laascaanood. The post Madaxweyne Deni oo magacaabay guddi ka jawaabaya xaaladda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan Sharaf kaga qaatay ilaalada Jamhuuriyadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga uu hoggaaminayo ee Soomaaliya, iyadoo baambayda dalkani ay tumayeen heesaha calanka labada dal. Intaas kaddib, Labada Madaxweyne ayaa wada qaatay kulan qado-sharaf ah oo ay iskaga xog wareysteen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaas ku soo bandhigay halganka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda iyo dabar-goynta argagixisada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Talyaaniga soo dhaweynta diirran oo ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta xiriirka saaxiibtinimo oo ay la leedahay dalalka Caalamka. Hoos ka eeg Video + Sawirro The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii gaarka ahaa ee Xasan Sheekh iyo dhigiisa Talyaaniga? appeared first on Caasimada Online.
-
Garad Jama Garad Ismail: “Somaliland forces shelled houses and health centres in Laascaanood. It is a war Somaliland is waging against people of Laascaanood.” Laascaanood (PP News Desk) — The continued indiscriminate shelling of Laascaanood by Somaliland forces prompted Garad Jama Garad Ismail, an influential traditional leader, to renew his call for the withdrawal of Somaliland forces in parts of Sool inhabited by the clan of the traditional leader. “Somaliland forces shelled houses and health centres in Laascaanood. It is a war Somaliland is waging against people of Laascaanood. I call on Somaliland Administration to withdraw its troops to Oog. Withdrawal of troops is important to maintain peaceful and neighbourly co-existence of our people and our neighbours” said Garad Jama Garad Ismail. The traditional leader praised Laascaanood district council for denouncing the indiscriminate shelling of the district by Somaliland forces that used artillery that killed more than 10 people in Laascaanood. “The Laascaanood district council acted wisely to speak up against atrocities committed by Somaliland forces that shell Laascaanood” added Garad Jama. Yesterday, the United Nations Human Rights urged investigation into civilians killed by Somaliland forces two days ago during the press conference to publicise Laascaanood Declarations issued by traditional leaders in which they reaffirmed their representation by the Mogadishu-based federal institutions in politically and territorially United Somalia, and called for the withdrawal of Somaliland forces as a precondition for talks with the pro-secession Hargeysa-based administration. Garad Jama Garad Ismail acknowledged the Somaliland traditional leaders in Hargeysa, who called for unconditional de-escalation of the conflict and respect for the democratic rights of the people in Laascaanood. © Puntland Post, 2023 The post Garad Jama Garad Ismail Calls on Somaliland to Withdraw Its Forces appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qarax ayaa caawa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana laga helayaa faahfaahino hordhac ah, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan goobaha la beegsaday. Qaraxa koowaad waxaa la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray albaabka hore ee guriga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha HirShabeelle Maxamed Cali Caadle. Guriga wasiirka ayaa ku yaalla Suuq Bacaad, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in qaraxaas uusan khasaare nafeed ka dhalan. Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday guri uu dhisme ku socday. Guriga la weeraray wuxuu ahaa Dabaq, waxaana ku socday dhisme oo lama deganeyn, ilaa hadana lama soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo ahaa miino lagu xiray dhismaha qabyada ah. In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo weeraray guri dhisme ku socday oo aan la deganeyn, hadana waxaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab canshuur loo diiday ay weerarkaan qaadeen. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan soo saarin qaraxyadaan oo daqiiqado yar kala dambeeyey. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyadii ay ka fuli jirtay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa gaadiidka lagu soo raro. Balse waxaa weli ka dhaca meelaha qaar qaraxyada miinada ama bam-gacmeedka loo adeegsado. Sidoo kale Muqdisho waxaa weli ka dhaca dilalka qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab ay ku bartilmaameedsato dadka ay doon-doonayaan, taas oo weli aysan xal u helin. Inkastoo meelo badan oo magaalada ah ciidan dharcad ah ay ku sugan yihiin, kuwaas oo amniga muwaadiniinta kor-kala socda, hadana meelaha qaar Muqdisho weli waxaa lagu dilaa dadka. Taasi waxay ka dhigan tahay in kooxda madax-jebinta ee Al-Shabaab ay weli ka howlgasho Muqdisho, dowladuna ay ku guul-dareysatay inay soo qabqabato, waxaana xusid mudan in ciidanka ammaanku ay joogto u sameeyaan baaritaano amni. The post DEG DEG: Laba qarax oo caawa Muqdisho ka dhacday + bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho laba maalmood qaadan doonta uga bilaabatay dalka Kenya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Kenya William Ruto. Afwerki oo ay wehlinayaan wasiirka arrimaha dibada iyo La-taliyihiisa Amniga Qaranka Waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca dalkaasi Kenya. Labada dal ayaa ka wada hadlaya sameyanka cusub ee gobalka Geeska Afrika oo dib isku qoraya markale, waxaana Isbaheysiga Asmara-Nairobi iyo Addis Ababa uu yahay mid xoogeysanaya. Si kastaba, Booqashadan ayaa daba socota mid uu dhowaan Asmara ku tagay Madaxweynaha Kenya William Ruto, taasoo la xidhiidha xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee habeen hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa la hor-geynayaa baarlamaanka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda. Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta si weyn u difaacay heshiiskan ayaa sheegay in warar aan jirin laga faafiyay heshiiskaasi, isaga oo xusay in uu lamid yahay heshiisyada Soomaaliya ay la gasho dalalka kale. “Arrinta ku saabsan heshiiska lala galay Imaaraadka wuxuu ahaa heshiis danaha qaranka loogu daneynayo. Majirto hal qodob oo muujinaya in wax loogu dhimayo madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa heshiis dan u ah Soomaaliya, sidaas oo ay isla garteen wasiirada markii ay wada akhriyeen sidaas darteedna loo saxiixay loona gudbiyay baarlamaanka, si uu markaas u ansixiyo.” Golaha Wasiirrada XFS ayaa habeen hore ansixiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loogu celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday. Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka. The post Heshiiska militari ee DF iyo Imaaraadka oo la geynayo BF iyo xaaladaha ku gadaaman appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay dhibaatooyin horleh kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo sii xoogeystay. Dagaalka Laascaanood ayaa galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, kaasi oo u dhaxeya ciidamada millateriga Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda deegaanka oo iyagu kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddexda maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato. Dhakhaatiirta oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen tirada gawaarida gurmadka deg-degga ah ee ambalaasta oo aad ugu yar magaalada oo laga soo tebinayo khasaare badan. “Waxaan la tacaalnay dhowr qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waa hal isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo. Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,” ayuu yiri Dr Cabdi Majiid oo la hadlay BBC. Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay caqabad weyn ka heysato sidii loogu gurman lahaa dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay isku dhaca oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu maanta kusii fiday jihooyin horleh, halkaas oo ay ku dirirayaan labada dhinac. Sidoo kale dad badan ayaa ka barakacay magaalada. Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo. Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood ee xarunta Sool. Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa haatan mareysa meeshii ugu darneyd, waxaana kordhaya waxyeelada ka dhalaneysa dagaallada ka socdo gudaha magaaladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo warbaahinta Laascaanood kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland duqayn culus u gaysteen magaalada gaar ahaana xarumaha adeegga Bulshada. Garaadka ayaa ku baaqay in haddii nabad la doonayo Ciidamada Somaliland ay ka baxaan Sool, halkan hoose ka Daawo Source
-
Boosaaso: 08 February 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, magacaabid Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada ee dadka kusoo barakacay dagaalka Magaalada Laascaanood. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in loo diyaar garoobo dadka dhibaatadu kasoo gaartay magaalada Laascaanood. Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 7-kii Feb 2023 Dowladda Puntland. Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda. Guddiga oo ka kooban Hay’adaha Dowladda, Ganacsato, Culimo iyo Samafelayaal ayaa kala ah: 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa, Guddoomiye. 2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen. 3. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan Xubin. 4. Wasiirka Wasaaradda duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin. 5. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir Xubin. 6. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo masiibooyinka Layla Cabdi Cartan Xubin. 7. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Shaakir Maxamed Guuleed Xubin. 8. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifatax Maxamed Cabdinuur Xubin. 9. Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin. 10. Dr Siciid Warsame Shahaado xubin. 11. Shiikh Fu’ad Maxamuud Xaaji Nuur Xubin. 12. Shiikh Axmed Yuusuf Daad Xubin. 13. Cabdikaafi Axmed Siciid Ganacsade Xubin. DHAMMAAD The post Puntland oo magacowday Guddiga Arrimaha Bini’aadantinimada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqo la’aantu waa cinwaan weyn marka laga hadlayo Soomaaliya. IMF iyo World Bank ayaa barnaamijka deyn cafinta dartii waxay hor istaageen in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay shaqaale qorato lixdii sano ee lasoo dhaafay. Laakiin hadda nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kowsanaya shaqaaleysiin, taasi oo ah wax si weyn loo naawilayo. Isniintii wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya waxay daah-furtay tartan loo galayo saddex kun oo macalin oo kamid noqonaya shaqaalaha rasmiga ah ee shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada ee dowladda federaalka ayaa ku daah-furay mashruucan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Si online ah ayay macalimiintu u codsanayaan shaqadan, kadibna waxay u gali doonaan imtixaan ka dhici doona Muqdisho iyo gobolada dalka. Shaqaale rasmi ah ayay noqon doonaan saddex kun ee macalin ee ku soo baxda imtixaankan, waxayna ka shaqeyn doonaan in ka badan 100 iskuul oo dalka ku firirsan. Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la xasuusta in dalka laga hirgeliyay barnaamijkii aada dugsiyada, kaasi oo ay ku dhawaad kun macalin shaqo ka heshay kana faa’iideysteen kumanaan arday ah. Barnaamijkan cusub in ka badan 200 kun oo arday ah ayay wax bari doonaan saddex kun ee macalin ee kusoo baxda imtixaanka shaqadan. Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabadan; 1. Xasan Sheekh iyo Waxbarashada: Madaxweynaha fadhiya Villa Somalia wuxuu sii xoojinaya diiwaankiisa wanaagsan ee adeegyada bulshada, si gaar ah waxbarashada oo uu si weyn ugu soo caanbaxay inta uusan soo galin siyaasadda. 2. Shaqo abuurka: In shaqo loo abuuro saddex kun oo qof oo Soomaali ah waa tallaabo weyn ah oo wax ka badelaysa nolosha saddex kun oo qoys oo Soomaaliyeed. Tani waxay xoojineysa dhanka togan ee nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. 3. Ahmiyad siinta Tacliinta: In shaqaalihii ugu horeeyay ee uu nidaamka Xasan Sheekh qoraayo ay macalimiin noqdaan waxay muujinaysa sida ay dowladda hadda jirta u fahamsan tahay in marka hore bulshada la dhiso si ay u dhisaan dal iyo dowlad isku filan. 4. Hab xulashada macalimiinta: Shaqaaleysiintan looma eegayo hanaanka 4.5 ee waayihii dambe ku milmay nolosha Soomaalida. 5. Wasiir Faarax: Markii la dhisay golaha wasiirada ee ra’iisul wasaare Xamza waxaa idinla wadaagnay in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu yahay wasiirka qura ee munaasib ku ah wasaarada loo magacaabay. Durtaba wuxuu qaaday laba tallaabo oo waaweyn, mid waa in uu lacagihii ka dhaafay ardayda shahaadada ka qaadaneysa wasaarada, midna waa in uu saddex kun oo macalimiin ah ku biirinayo shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya si ay wax u baraan in ka badan 200 kun oo caruur Soomaaliyeed ah. Halkan waxaa laga baranaya haddii la iswaafajiyo wasaaradaha iyo shaqsiyaadka loo dhiibayo in wax badan u hagaagi karaan dalka. The post Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday hal fursad oo leh shan faa’iido – Fallanqeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - At least Nine Somali Nationals are missing following the earthquake in Turkey, where more than 5,000 people have died, friends and students said. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - At least nine Somali nationals are missing following the earthquake in Turkey, where more than 5,000 people have died, friends and students said. Source: Hiiraan Online
