Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka milatariga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanioo la hadlay warbaahinta ayaa sheegasho yaableh kasoo saaray dagaal culus ee weli ka socda Laascaanood, kaas oo galay todobaadkii saddexaad. Generaal Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay,. “Al-Shabaab baa joogta Laascaanood oo ku dagaalameysam waxaa ka dagaalamaya Puntland iyo kuwa kale oo Koofur kasoo baxsaday,” ayuu yiri Nuux Ismaaciil Taani. Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aan laga hortagin duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday Laascaanood ay halis noqoneys Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya. “Halkan haddii aan Shabaab laga sifeyn, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland khatar-bey ku tahay,” ayuu markale markale yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Somaliland ay difaaceyso nabad-gelyada Geeska Afrika, ayna diidan tahay in wax uu ugu yeeray agagixiso ay saldhiga ka dhigato halkaasi. “Annaga waxaan difaaceynaa nabad-gelyada Geeska Afrika oo waxaan la dagaalameynaa in nimankan ay saldhig ka dhigtaan hadalkan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Somaliland oo sheegasho yaableh kasoo saartay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabbdi oo ka tirsanaa ciidamada qaada canshuurta, kaasi oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka degmada Xamarweyne ku dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo). Askarigan ayaa waxa uu Abirimo u dilay shan kun oo shilling Soomaali ah. Abirimo oo dilkiisu uu sababay carro xoogan ayaa alaabta yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Haddaba, maxaya ehellada Abirimo iyo dadka reer Xamarweyne ka yiraahdeen xukunka maxkamadda? Ehellada Abirimo oo xukunka maxkamadda kadib la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweeyay, ayaga oo sheegay in wiilkoodii ay maanta u heleen cadaalad, iyaga oo dowladda uga mahad-celiyay dadajinta kiiskan. “Xukunka aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay, ninka maanta qisaasta lagu fuliyay culeyskii aadanaha ka saarna waa ka degay. Anaga meeshaas ayaa ku kala baxnay, dowladdana aad iyo aad ayaa ugu mahad-celinayna oo xuquuqdii shacabka ayay guteen,” ayuu yiri Ibraahim Cabaas oo adeer u ahaa marxuumka. “Dad naga wakiilo ah ayaa joogay oo fiirsanayay fulinta xukunka. Dadka kale waxaa u rajeynayaa ee bajaajlayda in nimankii dilay lasoo qabto oo sidan oo kale loo dilo ayaa rabna.” Waxa kale oo ay hadalkooda sii raaciyeen “Sharciga Diinta Islaamka lagu xukumo waa cadaalad, dowladda aad iyo aad ayay u mahadsan tahay. Madaxweynaha waakii ballan noogu qaaday in qofkii qof dila in tiirka la geynayo oo oday dhaqameed soo daba kaceyn.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen in waddada maanta la mariyay askarigii dilay Abirimo la marsiiyo askarta kale ee dilka toogashada hore loogu xukumay, ee dilalka u geystay shacabka. “Kuwa toogashada ku qoran ha dheeraato ha dhawaato in lasii daba-galo cadaalad ayaa na deeqda,” – “Waxaa leenahay xukuumadda siddaan ha loo galo nin kasta oo muwaadin Soomaaliyeed qalad ka gala sidan haloo galo.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Maxay ehellada Maxamed Sheekh Nuuraani ka dhaheen xukunkii maanta? + Video appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah waxaa ay ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani oo lagu dilay (Abirimo) iyo Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif oo ahaa wada Mooto Bajaajle ku shaqeysan jiray. Dilal ayaa waxaa ay ka kala dhaceen demooyinka Xamarweyne iyo Balcad,10-kii January sanadkaan 2023, waxaana uu ahaa dil dhacay maalin qura oo Bulshada siweyn u taabtay, Qaasim Ducaalle Cabdi ayaa 5000 oo Shinlling Soomaali ah waxaa uu u dilay marxuum Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa kiis dacwadeed labadaan eedeysane u kala fariisatay 15-kii ilaa iyo 16kii January sanadkaan 2023, waxaana ay ku xukuntay xukun dil ah oo ahaa qisaasta marxuuminta kala ah Allah unaxariistee Maxamed Sheikh Nuuraani iyo Cali Taliye Cariif Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmahaan waday fulinta qisaasta dad loo heysto dilal ay horey ugu geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo waxba galabsan, waxaana toogashada maanta ay kusoo aadaysaa xilli maxkamadda ay wali wado dilal iyo xukunka dadka geystay falalka nuucaas ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-xirka Arrimaha Bani’aadannimada ee (OCHA), ayaa shaaciyay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Bayaan ka soo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan in dagaalka Laascaanood uu sii socdo inkasta oo xabad-joojin lagu dhawaaqay. “In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-xirka Arrimaha Bani’aadannimada ee UN-OCHA. Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, iyada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis. OCHA ayaa sheegtay in saraakiisha isbitaalka guud ee Laascaanood ay ku warrameen dhimashada 57 qof iyo 401 oo dhaawac ah oo lagu daweeyey afar isbitaal oo kala duwan. Ciidamada Somaliland ee fadhiya Buuraha Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa weli sii wada duqaymaha aan kala sooca lahayn oo ay ku beegsanayaan rayidka ku harsan xaafadaha Laascaanood. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo warbixin ka soo saartay Shacabka ku bara-kacay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  5. Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya labadiisa gole ayaa maanta oo sabti ah waxaa ay kulan ku leeyihin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana ay ka wada hadli doonaan ajendayaal dhowr ah, kuwaas oo horey u soo gaaray Baarlamaanka labadiisa aqal. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa kulankooda waxaa lagu wadaa in akhrinta labaad ay ku mariyaan Hindise-sharciyeed Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka, kaas oo dhowaan ay meel mariyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Golaha ayaa waxaa sidoo kale waxaa aay Akhrinta sedexaad marsiin doonaan hindise-sharciyeed xeer -hoosaad golaha aqalka sare, kaas oo golaha ay horey Akhrinta 2-aad iyo midda 1-aad ay soo marsiiyeen, iyadoo maanta Senatorrada ay codka u qaadi doonaan meel marintiisa. Waxaa maanta sidoo kale kulan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku yeelanaya xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo aan la shaacin hindisaha ay maanta ka doodayaan, golaha shacabka ayaa dhowaan soo meel mariyay hindiseyaal dhowr ah oo la horgeeyay. Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka labadiisa gole ayaa muddooyinkii dambe si dardar leh u waday shaqooyinkooda, iyagoo meel mariyay hindisayaal dhowr ah, golaha aqalka sare ayaa wada akhrinta iyo faafreeb shirka hey’adda Sirdoonka Qaranka, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka kala tirsanaa Booliska iyo Milatariga, kuwaas oo 10-kii January ee sanadkan 2023-ka dilal ka geystay Xamarweyne iyo Balcad. Labada askari ee tiirka la geeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Qaasim Ducaalle Cabdi iyo Xasan Juulle Shaakir , kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada. Qaasim Ducaalle oo ka tirsanaa ciidamada qaada Canshuuraha ayaa Xamarweyne ku dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) kaas oo si weyn looga yaqaanay degmadaas Abirimo oo dilkiisu uu sababay caro xoogan ayaa ahaa Alaabta Yaryar ee loo yaqaano Jukaatarada ku iibin jiray degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Xasan Juulle Shaakir oo isna ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa dil bareer ah u geystay marxuum Cali Taliye Cariif, kaas oo ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Marxuum Cali Taliye oo ahaa wade mooto Bajaj iyo askariga saaka la qisaasay ayaa murmay, waxaana kadib goobta lagu toogtay marxuumka. Dhinaca kale waxaa tallaabada ay qaaday maxkamadda iyo dilka ay fulisay soo dhaweysay marxuumiinta ay horay u dileen labada askari ee maanta la toogtay. Maalmihii u dambeeyay maxkamadda ciidamada qalanka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo si aad ah loo dhaweeyay. Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysataya iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay. The post Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Dawladda Qatar ayaa si rasmiya u gudbisay dalab ku aaddan in ay la wareegto kooxda dalka Ingriiska ka dhisan ee Manchester United. War uu soo saaray Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani ayaa lagu sheegay in kooxdu u baahan tahay dar dar cusub iyo in dib loo abaabulo taageerayaashii kala daatay. Source
  8. Waxaan dhegaystay goor dhaweyd hadal jeedin taliyaha ciidanka Somaliland, general Nuux, maanta jeediyey. Taliyuhu wuxuu nuxurka iyo dulucda hadalkiisu ahaa in dadka dagaalamaya ee gadooday ee laascaanood joogaa yihhin argagixiso la yaqaan oo uu qaar tilnaamay. Waa caado la arko markasta oo dagaal laba daraf dhex maro in dagaalka gacanta dhinac waliba ku ladho mid afka ah oo uu sumcadda kaga dilayo darafka kale ama uu garab siyaasadeed ama mileteri kaga doonayo cid saddexaad. Malaha taasi waxay ku fiicnaan lahayd Marka Ay dagaalamayaan dawlado isu adeegsanaya Xogo sirdoon oo la abuuray sidii kuwii ciraaq iyo liibiya ama Kuwo run ah oo la hubiyey sidii weerarkii israaiil ku qaaday warshadii nuclearka ee laga dhisayey Iiran. Ma banaana dad shacab ah oo ka gadooday maamulkii gacanta ku hayey, in lagu tilmaamo argagixiso iyo alshabaab iwm. Waxaa taliyuhu tilmaamay Cabdi Madoobe, oo wata Xoogaa ciidan ah oo kasoo guuray Buuhoodle. Haddaba Cabdi Madobe markaan si xaqqiiq ah u baadhay waxaa ii caddaatay in aanu ahayn alshabaab iyo alqaacida midnaba sababahan dartood. Waa tan koobaade, xerada uu degan yahay dhawrka sano ee ku taal buuhoodle iyo xerada ciidanka ethiopia ee buuhoodle waxaa u dhexeeya masaafo aan ka badnayn 3ama 4km. Waxay ka wada shaaheeyaan makhaayadaha magaalada. Waa dawladda maanta geeska ugu Xoog weyn uguna sirdoonka saraysa. Wax calaamad ahna ma saarin. Tan labaad maaha nin dhuunta ama qarsoodi ku jooga deegaanka ee Waa nin sI caadi ah ugu dhex nool beesha. Tan sadexaad magaca uu sitaa Waa SSC oo la macno Sool clan, dhulbahantena Dee argagixiso maahee mabaadii iyo afkaar bay isku hayaan Somalilandta kale. Mana aha in nin madax ahi yidhaahdo waa aragagixiso Sool clan. Waxaa laga yaabaa in uu xambaarsan yahay afkaar uu rabo in uu ku gaadho madaxtinimo oo uu u arkay in uu ku gaadhi karo awood ciidan, taa soo aan maanta aduunka ka suuragal ahayn. Isticmaalka ereyga argagixiso in Loo adeegsado kacdoonka Shacabku wuxuu keenayaa kala fogaansho iyo nacayb aan dawo loo helin. Maaha Isimadu argagixiso lkn siyaasad baan isku haynaa. Shacabkii ka gadooday dawladu wax Ha ka qabato argagixisada madaxa duubata ee na laysa, nuuxow maaha argagixiso mana gayaan. Waa wax la filayo aduunkoo dhamina ka walaacsan yahay haddii dagaalka gobolku sii dheeraado in ay iman karaan kooxo iyo xubno argagixiso ah oo raba in ay ka samaystaan aagaas marin ay u maraan dalalka jaarka iyo aduunka kale. Waxaan ku talinayaa in ciidanka Qaranka iyo xukuumaduba ka fogaadaan ereyada culus ee kuwan oo kale ah nabadana fogeynaya. Waxa qoray Xildhibaan hore Maxamed Jaamac. Source
  9. Ciidamada Somaliland ayaa saaka oo Sabti ah weli duqayn ku wada xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood. Goob-joogayaal kala duwan oo ku sugan Laascaanood ayaa soo sheegaya in madaafiic aan loo meel dayin lagu garaacayo xaafadaha qaarkood. Wararka ayaa xaqiijinaya in hal qof oo rayid ah uu ku geeriyooday duqaymaha saaka ku dhacaya xaafadaha Laascaanood. Jimcihii shalay oo keliya waxa laga diiwaan-geliyay Laascaanood geerida ilaa 8 qof oo rayid ah kuwaas oo ku naf-waayay duqaynta. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo saaka weli sii wada duqaynta magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  10. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Addis Ababa, halkaas oo laga sii galbiyay, isaga iyo wafdigiisa. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse, wasiiru dowlaha madaxtooyada, Abshir Bukhaari iyo xuno kale. Ujeedka safarka mnadaxweynaha Soomaaliya ee Itoobiya ayaa la xariira ka qayb-galka meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo ka dhacaya Addis Ababa. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol. Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qayb-gali doono hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, kuwaas oo iyaguna tegi doono caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxdan ayaa looga arrinsan doono dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2023 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa wada-hadallo gaar gaar ah la yeelan madaxda ka qyab-galeysa meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika oo uu kala hadli doono arrimo quseeyo xaaladda guud ee wadanka. Soomaaliya ayaa xubnin firficoon ka ah Ururka Midowga Afrika, kaas oo ay ciidamo la dagaalama kooxda Al-Shabaab ka joogaan gudaha Soomaaliya. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Addis Ababa + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo degma-xeebeedda taariikhiga ah ee Xaafuun oo dhacda xeebta badweynta Hindiya Degmadan oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa ku taalla marin istiraatiiji ah oo ku dheraran Gacanta Guardafui ee muhiim u ah isu-socodka gaadiidka badda ee dunida oo dhan. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale maalmo ka hor booqday degmada Caluula iyo degaanno kale oo ka tirsan Guardafui waxaana la hadal-hayaa in uu sahaminayo saldhigyo ciidan oo la siiyo Imaaraatiga UAE. Madaxweynaha Puntland ayaa muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso gaar ahaanna xarunta Ciidanka PMPF oo ay maalgeliso dowladda Imaaraatiga Carbeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta booqanaya degmada Xaafuun ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  12. Las Anod (HOL) - Las Anod is currently experiencing a deadly conflict that has led to the loss of lives and the displacement of thousands of people. Source: Hiiraan Online
  13. Las Anod (HOL) - Ten civilians were killed, and several others were injured after mortar shells hit civilian houses in Las Anod town on Friday, where heavy fighting has been ongoing for over a week between Somaliland forces and pro-federal government forces. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka taagan yahay halkaasi, wuxuuna salka ku haya cidda noqoneysa ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa u baxay safar dibadeed, tan iyo markaas waxaa soo ifbaxay khilaafka ka taagan xilka ku-simaha, kaasi oo uu Madaale u dhiibay ku-xigeenkiisa dhinaca Amniga Maxamed Yabooh. Tallaabada uu qaaday Madaale ayaa xagudub ku ah awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka gobolka iyo magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh, sababtoo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee maamulka gobolka waa ku-xigeenka maaliyadda oo ah Ciise Guure. Hase yeeshee, Madaale ayaa wararku sheegayaan inuu dagaal shaqsi ah oo aan la ogeyn halka uu salka ku hayo uu ku hayo Ciise Guure. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa qoray inta uusan dalka ka dhoofin Isniintii warqad uu ku cadeynayo in Maxamed Axmed Diiriye Yabooh u magacaabay ku-simaha guddoomiyaha, taasi oo ay aragtay Caasimada Online oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay. Warqada uu guddoomiye Madaale 13-kii bishaan ku-simaha ugu magacaabay Maxamed Yabooh ayaa waxa lagu sheegay in go’aankan ay la og-yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo wasiir Axmed Fiqi oo ah wasiirka arrimaha gudaha, balse xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in warqaddaas ay isaga ku gaar tahay. Xogta la helay ayaa sidoo kale waxay sheegaysa in guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale uu saaxiib la yahay ku-xigeenkiisa amniga, taasi oo keentay inuu ka dhigto ku-sime inta uu dalka ka maqan yahay, sharcigana ka tallaabsado. Waxa kale oo soo baxeysa in muddooyinkii dambe uu aad u xumaa xiriirka guddoomiye Yuusuf Madaale kala dhaxeeya saddexda guddoomiye ku-xigeen ee kale, waxayna xiligaan si mideysan uga soo horjeedan tallaabadan uu Madaale ku-sime uga dhigtay ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda. Si kastaba, khilaafka inta badana ka dhasha ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muddo dheer soo taxnaa, waxaana inta badan sabab looga dhiga rabitaanka guddoomiyaha markaas xilka haya. The post Khilaaf ka taagan maamulka G/Banaadir kadib tallaabo uu qaaday Madaale – Xog appeared first on Caasimada Online.
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo markale maanta lagu duqeeyay xaafadaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli isku hayaan ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan oo lagu eedeeyay ciidamada Somailand ay ku dhaceen bartamaha magaalada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 1 qof ayaa ku dhintay duqeyntan cusub ee lagu garaacay Laascaanood, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay madaafiica ku dhacday halkaasi. Sidoo kale waxaa ka dhashay burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaal iyo guryo ay dagaanayeen dad shacab ah, kuwaas oo madaafiicdu ku dhaceen. “Guryaheena ayaan ku jirnaa, cunno la’aan ayaa jirto, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, shaqo ma jirto oo waxaa intaas inoo dheer duqeynta xooggan ee ku dhaceysa xaafadaha magaalada Laascaanood, waxa aan alle weydiisaneynaa in uu xal nabadeed inoo keeno,” ayey tiri Haweeney kamida dadka tirada yar ee ku haray gudaha magaalada Laascaanood. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jimcihii shalay duqeymaha ka socda Laascaanood ay ku nafwaayeen illaa 8 qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ay madaafiicda ugu tegtay xaafadahooda. Dhanka kale waxaa hakad-galay dagaalkii tooska ah ee maalmhan ka socday Laascaanood, intastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada. Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay madaafiic markale lagu garaacay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  16. Thousands of refugees could become Kenyan citizens if a petition filed by a civil society group to compel the government to recognise them succeeds. Kituo Cha Sheria, through lawyer Linet Opiyo, filed the petition at the High Court claiming that the government’s failure to accord refugees the right to seek citizenship and permanent residence is illegal, discriminatory and a violation of their rights. Source: Hiiraan Online
  17. KYIV (Reuters) - Negotiations will start in a week on extending a U.N.-backed initiative that has enabled Ukraine to export grain from ports blockaded by Russia after its invasion, a senior Ukrainian official said on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay kawadahadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeena. Labada dhinaca ayaa wadahallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo hay’adaheedda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Wasiir Ahmed Hassan ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah. Wasiirka wasaaradda beeraha ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan. Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaaf ah oo ka shaqeeya sidii diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska kaashan doonaan, wasiirka ayaa qeyb ka ahaa wafdigii madaxweynaha ee dhowaan tagay dalka Taliyaaniga, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo aad u culus ay ka socdeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Mudug iyo Jubbada Hoose ayaa dowladda Soomaaliya waxay soo saartay war ay ku cadeyneyso in la asturay meydadka Shabaab-kii la laayey. Howlgallo socday ugu yaraan 72-saacadood ayaa galaaftay nolosha in ka badan 300 oo Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya, waxaana baraha bulshada, gaar ahaan aaladda Telegram-ka aad loogu baahiyey meydadka Shabaab-kii la laayey 4-tii maalmood ee lasoo dhaafay. “Waxaa la asturay maydadka Khawaarijta la laayay oo laga soo aruuriyay meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen howlgalada,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Markii dib loo eego dagaallada ka socda Soomaaliya, meydadka dagaalyahanada Al-Shabaab ma helaan wax xurmad ah, arrinta yaabka leh waa in Shabaab-ka laftooda aysan xurmeyn meydka xubnaha looga dilo dagaallada. Meelaha qaar oo kooxda laga qabsado ayaa la sheegay in ciidamada dowladda ay ugu tagaan meydad hal goob qaab aad u liita ay ugu aaseen Al-Shabaab, intaasna waxaa la sheegay in isxaan aysan ka aheyn ee meydka urkiisa ay iska aasayaan. Si lamid ah ciidanka dowladda ayaa kaliya astura urka meydadka kooxda markii ay laayaan, iyagoo hal god ama dhowr god koox-koox ugu rida meydadka maleeshiyaadka laga dilo kooxda Al-Shabaab. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Shabaab-ka ugu badan lagu laayey deegaanada Afcad iyo Iji oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jalalaqsi oo Hiiraan iyo Sh/Dhexe ka kala tirsan. Maalin ka hor waxaa la baahiyey sawirrada meydad Shabaab ah oo xarko lagu jiidayo – koonfurta gobolka Mudug, arrinta meydadka aan la astureyn ee banaanada ku qurma ayaa aad looga deyrinayaa, maadaama ay caafimaadka deegaanka wax yeelo weyn u geysa karaan. The post DF Soomaaliya oo shaacisay siday ka yeeshay meydadka Al-Shabaab-kii la laayey appeared first on Caasimada Online.
  20. Four US troops were wounded in a helicopter raid in Syria that killed a senior ISIS leader on Thursday night, according to the US military. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi.Three years ago, amid a blaze of optimism, African leaders officially launched a new continent-wide free trade area after 17 years of haggling. Source: Hiiraan Online
  22. Ruqiyo Roble Kasim has been living in Dadaab refugee camp in northern Kenya for a month, struggling to care for her four grandchildren, without any aid or support. Source: Hiiraan Online
  23. RIYADH: The King Salman Humanitarian Aid and Relief Center’s (KSRelief ) humanitarian efforts in Somalia, Niger and Pakistan continue with securing food parcels for people in need. Source: Hiiraan Online